-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo ka dhacay xerada dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Inkabadan 10 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinten qaraxa halka inkabadan 20-qof oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa. dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay u badnaayen askar loo diiwaan gelinayay tababar leyli-sarkaalnimo. Sawirada Goobta Qaraxa. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Berbera)-Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde. Qaabkii ay u dhacday doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka Berbera: Fadhigii saaka waxa ka soo xaadiray 11 xubnood Cabdishakur Maxamuud Xasan (Cidin) oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo u tartamayay maayirka Berbera waxa u coddeeyay 4 xildhibaan Xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuurcade) oo u tartamayay maayir ku-xigeenka Berbera oo waxa u codeeyay oo gacanta u taagay 7 xildhibaan Aadan Sahal Ducaale (Aadan Dheere) oo u tartamayay maayirka ku-xigeenka Berbera waxa u codeeyay 4 xildhibaan. Waxa xusid mudan in Musharraxii hore u shaaciyay in u tartamayo maayirka Berbera Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla, halka loo yaqaano Warshadda Nac-Naca ee degmada Wadajir. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo diyaarinayey ciidamo, si loogu tababaro xeradaasi. Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah. Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net The post Deg Deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xerada Gen. Dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo uu geystay qof ismiidaamiyey, ayaan laga heyn faahfaahin badan, balse waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay xerada oo horay ahaan jirtay xerada Nac-naca. Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay halkaas ka dhacday rasaas. Wixii kusoo kordha kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Berbera)-Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde. Musharraxii la tartamayay Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada balse Cabdirashiid Xaaji Yuusuf, oo isna Kulmiye ka soo baxay ayaa la tartamay Ciddin, inkasta oo laga guulaystay. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Wararka naga soo gaarayo xerada tababarka ciidamada Dhaga-badan Ex xero nac nac ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu ka dhacay qarax khasaaro geystay. Qof isku soo xiray waxyabaaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay gudaha xerada . Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa. Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa xerada tababarka ciidamada Dhega-badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Degdeg:Maayarka & Maayar-xigeenka Berbera oo la doortay+Codadkay kala heleen & Xubno Madasha aan ka soo xaadirin & Xoggo kale oo xasaasiya Mayorka Cusub ee Berbera ayaa loo doortay C/shakuur Ciddin oo helay 8 Cod,Halka Maayarku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde oo helay 7 Cod Musharaxa kale ee u tartamayey Maayarnimada Berbera Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa helay 3 Cod halka ku-xigeenkiisa Aadan Dheerena helay 4 Cod Musharax Dable ayaan ka soo xaadirin Madasha Doorashada,Waxaana ku sugnaa Madasha Doorashada oo ka soo xaadiray 11 Xildhibaan oo keliya Qaran News
-
(SLT-Berbera)-Ammaanka magaalada Berbera ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo inta badan dariiqyada magaalada lagu daadiyay Ciidamo sida ay ku soo warramayaan Wariyeyaasha ku sugan magaalada Berbera. Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Maayir iyo ku-xigeen haddii aan wax isbedelin waxa xilka Maayirnimo tartan adagi ku dhexmari doonaa Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo hore Maayir uga ahaa magaalada. Wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa ku sugan magaalada, sidoo kale xubno mucaaradka ka tirsan ayaa iyana jooga magaalada. Xildhibaannada ayaa hadda galay hoolka ay doorashada ka dhacayso Midkasta Kitaab Qu’raan ah ayaa miiska loo sii saaray Mudanayaasha golaha Deegaanka Berbera oo inta maanta la dhaariyo iska dhex dooran doona Maayir iyo ku-xugeen. Garabka Cabdishakuur Ciddin, ayaa ka hor inta aanay gelin hoolka lagu dooranayo Maayirka iyo ku-xigeenka Berbera sawirkan iska soo qaaday. Kala soco Somalilandtoday oo isha ku hay mar kasta Source
-
As Kenya was celebrating her independence in 1963, the people of the Northern Frontier District were mourning the death of their dream of self-governance under British rule. In the spring of 1962, at the Lancaster House Conference, the region’s delegation had demanded self-determination for the NFD. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Morocco)-Wakiilka Israa’iil ee Morocco ayaa wali ka shaqeynaya hoteel ku yaalla caasimada Rabat, Ka Dib Markii Maalqabeenada iska Leh Guryaha waaweyni ay Diideen In ay Ka Kireeyaan Xarun ay Ku shaqayso Qusuliyaddu. bilo ka dib banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay dalka Oo dhan ayaa Waxa lagaga soo horjeeday heshiiskii caadiga ahaa ee ay wada saxeexdeen maamulka Morocco iyo Israel dhamaadka sanadkii la soo dhaafay. Diblomaasi ruug cadaa David Govrin ayaa shaqadan bilaabay lix bilood ka hor kadib Markii caadi laga dhigay Xidhiidhka u dhexeeya Marooko iyo Israel. Israa’iil waxaa la siiyay meel ay ka shaqeyso dowladda Morocco, oo aad uga fog bartamaha magaalada, laakiin Israa’iil ayaa diiday dalabkan. Source
-
(SLT-Qaahira)-Maxkamadda Rayidka ee ugu sarraysa dalka Masar waxay taageertay xukun hore loogu riday 12 xubnood oo ka tirsan Ururkaasi oo laga mamnuucay dalkaasi. Ilo Garsoorka ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lagu helay inay xidhiidh la lahaayeen dil-wadareed lagu dilay Askar ka tirsan Ha’addaha Ammaanka ee dalkaasi sannadkii 2013-kii. Xubnaha dilka lagu xukumay oo aan Rafcaan ka qaadan Karin Xukunkaasi waxaa ka mid ahaa Maxamed El-Beltagi oo hore uga tirsanaa Barlamaanka Masar iyo Osaama Yaasiin oo isna Wasiir soo noqday. Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 9 ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah, kadib markii eedeeyey weerar lagu qaaday Saldhig Bolis, oo 13 Askari lagu dilay. Ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ama Akhwaanul-Muslimiinka Masar waxaa la asaasay sannadkii 1928-kii , waxayna mar ka mid noqdeen Mucaaradka dalkaasi, inkastoo markii dambe gebi ahaan Dhaqdhaqaaqooda laga mamnuucay dalkaasi. Source
-
Iyadoo uu maanta furmayo Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa waxa soo baxaya guux ku saabsan abaabulka mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, oo la soo xiriiray Puntland Post, islamarkaana ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in ay u-diyaar-garoobayaan mooshin ka dhan ah heshiiska DP World. Xildhibaannada ayaa ku doodaya in muddada fulinta heshiiska DP World ee lagu heshiiyay ahayd laba oo ka bilaabata maalintii la saxiixay 6 April 2017, balse afar sano kadib aysan waxba ka fulin heshiiskaas, sidaas darteedna ay mooshin ku burinayaan. Dhinaca kale, xildhibaanno taageersan madaxweyne Deni ayaa aaminsan in arrinta DP World looga dambeeyo xukuumadda, maadaama ay tahay shaqo u taalla laanta fulinta ee dowladda (Executive branch of the government). Waxa xusid mudan, in aan weli la soo bandhigin qodobada Ajandaha Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka, kaas oo u baahan marka hore in la ansixiyo, si loogu shaqeeyo. PUNTLAND POST The post Guux ku saabsan mooshin oo ka jira Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya. Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay khasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’naa ayaa maalmahan soo hagaagaya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Golaha Amniga Qaramada Midoobay u gudbisay Qoraal ka dhan ah Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon. Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo baxayaan durbaba cabsi ay qabaan siyaasiinta muxaafadka ah ee ku dhow Madaxweyne Farmaajo. Siyaasiyiintaan muxaafadka ayaa aaminsan in musharaxnimadooda uu saameyn ku yeelan karo Janaraal Saadaq Joon maadaama uu hoggaamin doono ammaanka doorashooyinka. Xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa aamisan in taliyaasha booliska ee Galmudug oo laga soo magacaabay Muqdisho iyo ciidanka ay wataan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ay doorashada u boobi karaan Farmaajo muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasina ay keentay in ay Galmudug geeyaan Janaraal Saadaq Joon. Xariirka ka dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Villa Somalia ayaa ahaa mid wanaagsan muddo ka hor hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in mugdi soo kala dhaxgalay labada dhinac, inkastoo wax kasta is badali karaan. Tegitaanka Saadaq Joon iyo haddii u uku lug yeesho sugidda amniga doorashada Galmudug, waxay albaabka usoo xiri doontaa damacii madaxtooyada ee ahaa in xildhibaano taageersan si xoog ah looga saa soor Galmudug. The post Xog: Qorshaha tegitaanka Saadaq ee Dhuusamareeb iyo cidda ka shaqeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Abshir Axmed Maxamed guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidamadii loo qaaday Eritrea ay dusha ka fuuleyso madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhaamada Maxamed Cabdullahi Farmaao. Senator Abshir oo ka hadlay kulan muqdisho ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waalidiintooda carruurtooda waysan iyo xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay xildhibaano isaga hor-muud u yahay ay u istaagayaan sdiii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamadaas . Guddomiye Abshir ayaa yiri : ” Waxaan hadda ku tala jirnaa in aan talaabooyin waawayn aan qaadno oo dhalintaas maqan xildhibaanada baarlamaanka federaalka soomaaliya labadiisa gole anagaa wakiil uga ah oo halkaan joogna, kuwa kalena waan gaarsiineyna iyo inta maqan, laakiin dhamaantood waxeey u taagan yihiin in ilmihii ay matalaayeen sidii loo heli lahaa oo dib dalkooda, dadkoodii iyo waaliidkoodii loogu soo celin lahaa”. Abshir ayaa sheegay in aan la isku heysan oo shaki aysan ku jirin in carruurtaas ay maqan yihiin . “Ilmahan in ay maqan yihiin dood kama taagna mas’uuliyadduuna waa mas’uuliyaad hal xaba ah madaxweynihii mudda xileedkiisu dhamaaday ayeey mas’uuliyaddaan oo dhan saaran tahay ” ayuu yiri senator abshir . Senoter-ka ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray ” dadka kale ee mar marka qaar la leeyahay taliyaha ciidankaa saan sameyay, habeennimaa dadkaan la qaadaayay oo diyaarado lagu dal dalaayay, marka hortiinna waxaa rabaa anigoo ku hadlayo xildhibaanada halkaan jooga, xog ogaalnimada dowladda ku hadlaya cidda cidda mas’uuliyadda iska leh waa madaxweeynaha mudda xileedkiisu dhamaaday oo keliya , isagaa heshiiska soo gaaray, isagaa seddax mar tagay Eriteria, isagaa deal-ka soo galay isagaa ilmahaas gacanta u geliyay magafaha geeska Afrika “. Sikastaba hadalka ka soo yeeray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Axmed Maxmed xilli ay cabasho xoogan ay muujinayaan waalidiinta carruurtooda tababarka loogu qaaday Eretria. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya. Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween. Abuukar ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dilal iyo dhaawac ay duqeymaha Kenya u gaysteen haween iyo caruur Soomaaliyeed, wuxuuna Kenya ku eedeeyey dambiyo dagaal. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dhowaan sheegay in Kenya aysan duqayn ka fulin karin Soomaaliya, yadoo aan marka hore lagu war gelin taliska Amisom iyo dawladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa. The post DF oo golaha ammaanka u gudbisay dacwad xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedii ay ku laheyday Muqdisho, iyadoo safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ka codsatay in uu dib ugu soolaabto shaqadooda. Qoraal ka soo baxay dowladda kenya ayaa lagu sheegay in ““Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.” Hadalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli maalma ka hor ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeyay Kenya . Hoos Ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyay gobolka Banaadir, kaasi oo aan hore uga jirin, sida lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa wuxuu ku aas-aasay “Waaxda Abaarmiitooyinka magaalada Muqdisho”, oo uu u magacaabay Mudane Kamaaludiin Yuusuf Maxamuud. Filish ayaa aas-aaska waaxdan cusub ku sheegay mid muhiim ah, maadama gudaha caasimada ay kusoo badanayaan dhismayaasha abaarmiitooyinka. Waxaa xeerka cusub dhameystirkiisa uu guddoomiyaha u igmaday Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray. Kamaaludiin Maxamuud ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee loo magacaabo Waaxda cusub ee Abaarmiitooyinka dowladda hoose ee Xamar. Hoos ka eeg wareegtada Filish The post Cumar Filish oo xil cusub ku soo kordhiyey G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah ka furmaya xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Garoowe. Kal-fadhiga waxa si rasmiya u furi doona, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, islamarkaana wuxu ka jeedin doonaa khudbaddiisa waxqabad ee mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filaya in uu ka hadlo qorshayaasha kala duwan ee u degsan xukuumaddiisu in ay fuliso, gaar ahaanna barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan. Baarlamanka waxa horyaalla ajandayaal kala duwan, oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World oo aan waxba ka fulin. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga 48 aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka wada gobolkaasi ay la waregeen deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle iyo Ciise Lugoole oo hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiisha. Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay howl-galladaasi ku dileen ugu yaraan illaa lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka. The post Ciidamada Xoogga dalka oo kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inay dib u furtay duulimaadyadii tooska ahaa ee labada dal, ayaa waxaa soo baxaya walaac hor leh oo la xiriira halis ay wajahayaan duulimaadyadaas oo ah in markale la hakiyo. Aqoonyahanada Soomaalida ah qaarkood ayaa u arka in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha diblomaasiyadda la xiriira ee labada waddan ay mar kale saameyn ku yeelan karto shacabka labada dal, oo xilli kasta la hakin karo duulimaadyada. Kaafiye Naaleeye oo kamid ah Aqoonyahankaas ayaa walaac ka muujisay arrintaas ayada oo wareysi ay siisay idaacada VOA-da ku sheegtay in xiriirka labada dal oo xiliyadii dambe cago adag ku taagneyn uu saameyn xoogan ku yeelanayo duulimaadyada dib loo furay oo noqonaya cawaaqibta ugu weyn ee ka dhalan karta xiriir xumida labada waddan. “Dadka Soomaalida wadanka ay ugu safarka badan yihiin waa Kenya, marka waxaa dhihi karna rejada furitaanka diyaaradaha aysan weli jirin kalsooni buuxda oo ay ku furnaan karto, waayo caqabadihii taagna ma oga dadweynaha meesha ay ku dhamaadeen ama lagu xaliyay,” ayey tiri. Xayiraada Kenya ee duulimaadyada ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku-socodkii labada dal, ayada oo bulshada qaarkooda ay wareeg dheer u gali jireen sidii ay u tagi lahaayeen caasimadaha labada dal, inkasta oo ay hadda si maalinle ah usoo laabteen duulimaadyadii labada dal, kadib markii ay Kenya ku dhawaaqday inay laashay xayiraadaas. Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa weli mad-madow badan ku jiraa xiriir diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya, ayada oo bil ka hor dib loo soo celiyay xiriirkaas, lamana oga halka ay ku dambeyn doonto xiisada qabow ee xiligan ka dhex aloosan labada dal. The post Duulimaadyada u dhaxeeya Somalia iyo Kenya oo hal arrin ku xiran inay sii socdaan appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle. Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid beeshoodu. Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabageed munaasabadaas, keliya ay isdhaafsadeen hadal kooban, ayaga oo aan marnaba ka hadal arrimo siyaasadeed iyo xiisada ka taagan Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay. “Dabageed wey jirtaa xalay inaan kulanay ee ma jirin wax kulan gaar ah oo ina dhex-maray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qaraabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe”. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Yuusuf Dabageed oo ku aadan kulanka la sheegay iyo qaabka uu uga warbixiyey Jeneraal Xuud, hase yeeshe waxaa si weyn loogu baahiyay kulankaas baraha bulshada, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxay ka wada-hadleen labada mas’uu. The post Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey appeared first on Caasimada Online.