Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka maamulka. Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo kan wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug. Waxaana kasoo qeyb galay wasiirrada ilaa sagaalka wasaaradood iyo inta badan agaasimayaasha wasaaradaha Galmudug. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay qorsheynayaan daadejinta shaqada wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha, kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug, sida uu sheegay Cali Ciid. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maamulku uu bilaabayo barnaamij dib u heshiisiin ah, isla markaana ay dhawaan isu-keeni doonaan dhammaan beelaha walaalaha ah ee dirirta ku kala maqan. “Waxaa koow muhiim noo ah in la daadajiyo maamulka, waxaan dhiseynaa dhammaan dowladaha hoose ee degmooyinka, inta uusan sanadkaan dhamaan waxaan dhiseynaa golayaasha deegaanka degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balambal, Cadaado iyo Hobyo, waxaana soo magacaabi doonaa wasiir cusub oo ay yeelato wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto dhismaha golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Ciid. Hoos ka Daawo Warbixin The post Qorshaha Galmudug kadib kiiskii Balanbal iyo ceyrintii Wasiir Cabdi Waayeel appeared first on Caasimada Online.
  2. Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya. Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco iyo erayo kale. Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay xasuuq ka wado gobolka Gedo, isla-markaana loo baahan-yahay in laga hortego dhibaatooyinka ay waddo. Sidoo kale wuxuu dhaliil xoogan u jeediyey madaxda Jubbaland oo uu ku eedeeyey inay Kenya ku garab siinayaan dhibaatada ay ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Somalia. Axmed Buulle Gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan gar-darrada ay Kenya ku heyso shacabka gobolka Gedo. Kenya ayaa dhowan duqeyn lagu laayey dad rayid ah oo caruur ay ka mid yihiin ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde ee koonfurta Soomaaliya. Si kasta dowladda federaalka ah oo uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyo Kenya ayaa si adag uga hadashay tacadiyada ciidamada dalkaasi ay ka geysanayaan Jubbaland. The post Dibadbax ka dhan ah Kenya oo ka dhacay Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Demeke Mekonnen ayaa eedeyn culus u jeedisay hay’addaha gargaarka bini’aadanimo, gaar ahaan kuwa ka howl-gala gobolka Tigray, xili ay taagan tahay saameyntii ka dhalatay dagaalkii gobolkaas. Demeke Mekonne ayaa sheegay in hay’addahaas ay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolka Tigray, ayaga oo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, sida uu hadalka u dhigay. “Ethiopia waxay heysaa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha argagixisada ah iyagoo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in Ethiopia ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigray, isagoona ugu baaqay shakhsiyaadka iyo saaxiibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Ethiopia. “Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo” Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopia ay ka go’antahay inay la shaqeyso beesha caalamka si wax looga qabto dhibaatada bini’aadanimo ee ka taagan Tigray, balse aysan qaadan karin faro gelin. The post Ethiopia oo shaaca ka qaaday hay’ado ‘orsheynayey’ inay si hoose hub u geliyaan Tigray appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi ayaa xalay kulan isugu yeeray maayirkii hore ee magaalada Hargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo murashaxa cusub ee maayirka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge. War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay, in Madaxweyne Muuse Biixi uu maayirkii hore ee Hargeysa ku qanciyay in aanu mar kale isu-sharrixin xilka maayirnimada, islamarkaana u tanaasulo murashaxa cusub ee Cabdikariim Axmed Mooge.. Warka waxa lagu sheegay in sidoo kale Madaxweynuhu uu dardaaran faray Cabdikariim Axmed Mooge oo hadda u taagan qabashada jagada Maayirnimo ee magaalada Hargeysa. Murashax Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan ayaa loo badinayaa in uu noqon doono maayirka magaalada Hargeysa ee shanta sano ee soo socota. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biixi oo ka shaqeeyay in Soltelco u tanaasulo Cabdikariim Axmed Mooge appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda iyo habsami u socodka howlaha difaaca ku tagay deegaannada Buula Guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka. Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu Wasiir Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Jubaland oo booqday furimaha dagaalka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  6. Somalia’s foreign minister has invited Kenya to reopen its embassy in Mogadishu in a push to resume full diplomatic ties, in a note seen by AFP on Sunday. Kenya’s mission has been shut since December when Somalia broke off relations after Nairobi hosted the leadership of Somaliland, a breakaway state not recognised by the central government in Mogadishu. The Kenyan ambassador was expelled and Mogadishu recalled its envoy from Nairobi. On May 6, Somalia said it had restored diplomatic ties with Kenya, which looked forward to “further normalisation”. Somalia’s Foreign Minister Abdirizak Mohamed wrote in a note dated Saturday: “In the spirit of good neighbourliness, the Federal Republic of Somalia calls on the Republic of Kenya to reopen its diplomatic mission in Somalia, and the Federal Government of Somalia will reciprocally reopen its embassy in Kenya. “The resumption of full diplomatic relations will be a positive start to the commencement of bilateral discussions between the two countries,” the minister said in the note addressed to Kenya’s foreign minister. The foreign ministry in Nairobi did not respond to AFP requests for comment on Sunday. Somalia has long bristled over what it calls Kenya’s meddling in regions over its border, while Nairobi has accused Mogadishu of using it as a scapegoat for its own political problems. The neighbours have also engaged in a long-running territorial dispute over a stretch of the Indian Ocean claimed by both nations which are believed to hold valuable deposits of oil and gas, and have sought international arbitration over the matter. The row over which nation controls access to the lucrative deposits escalated in early 2019 after Somalia decided to auction off oil and gas blocks in a disputed maritime area, prompting Kenya to recall its ambassador. AFP The post Somalia asks Kenya to reopen embassy in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  7. DHIBAATOOYINKA DHAQANKA GUDNIINKA FIRCOONIGA Dhaqanka Gudniinka Fircooniga waa dhaqan fool xun oo arxan daran kaas oo sida caadada ah lagu sameeyo gabdhaha yar-yar ee da’doodu u dhaxayso 5, 10 ilaa 12 sano waxaana sida qaalibka ah lagu sameeyaa makiinad ama mindi iyada oo aan la adeegsan wax xanuun bi’iye ah. Dhaqankan foosha xun waxaa uu ka soo horjeedaa Diinta Islaamka sababta oo ah waxaa uu dhibaato weyn oo la xidhiidha nolosha iyo caafimaadka u geystaa gabdhaha. Culimada waaweyn ee Islaamka Sunniga ah waxay isku raaceen in dhaqankanu yahay xaaraan maadaama dembiweyn iyo jariimad laga galo gabdhaha. Gudniinkan waxaa lagu curyaamiyaa xubinta taranka dhedigga, kaas oo ku salaysan dhaqan jaahilnimo. SABABAHA loo sameeyo Gudniinka Fircooniga waxaa ka mid ah:

 1. Aaminaadda ah in la ilaasho bikranimada gabadha guurka ka hor 2. Aaminaadda ah in gudniinkanu lagama maarmaan u yahay guurka gabadha 3. Aaminaadda ah in gudniinkanu ragga u xaqiijiyo bikranimada gabadha 4. Dadka qaar ayaa aaminsan in Gudniinka Fircooniga ah uu yahay arrin diini ah inkasta oo aanu wax xidhiidh ah la lahayn Diinta Islaamka Dadka ku dhaqma gudniinka noocan ah waxaa ay qabaan cabsida ah in haddii gabadhooda aan lagu samayn Gudniinka Fircooniga ah ay guur seegayso, amaba waxay ka cabsi qabaan inay u keento ceeb qoyska oo garcato iyaga oo aaminsan in gudniin la’aantu u keenayso gabadha hammad dheeraad ah. Sida qaalibka ah gudniinka gabdhuhu waxaa uu u kala baxaa seddex (3) nooc, kuwaas oo kala ah: 1. GUDNIINKA SUNNAHA AH Gudniinka Sunnaha ah waa nooca ugu fudud uguna sahlan kaas oo gabadha laga jaro caarada xubinta-dareenka ee xubinta taranka waxna uma dhimo raaxada iyo caafimaadka gabadha. Sida ka muuqata magaca, waa gudniinka ay oggoshahay Diinta Islaamku waxaana ku dhaqma dalal badan oo Muslim ah. 2. GUDNIINKA GOYNTA XUBINTA-DAREENKA Gudniinka noocan ah waxaa loo yaqaan Gudniinka Fircooniga waxaana la gooyaa ama la minguuriyaa xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha iyo qaar ka mid ah cadka ku xeeran. Gudniinkanu waxaa uu dhibaato u keenaa caafimaadka gabadha, waxaa kale oo uu nuqsaan u keenikaraa dareenka raaxada ee gabadha inkasta oo haweenku sida qaalibka ah gudaha ka dareemaan raaxada. 3. GUDNIINKA GOYNTA XUBINTA-DAREENKA IYO ISKU-TOLIDDA Gudniinka noocan ah oo gabdhaha lagu sameeyo waxaa isna loo yaqaan Gudniinka Fircooniga. Waxaa la gooyaa xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha dabadeedna dhinacyada xubinta taranka ayaa inta la saafo la isku tolaa iyada oo loo reebo gabadha dalool yar oo ay soo maraan kaadida iyo dhiigga caadada. Xaaladdan ayaa ay gabadhu ku sugnaataa ilaa inta la guursanayo, markaas oo ay galmadu ku furto dhib iyo dhiig-bax haddii aan lagu furin maqas ama makiinad. Noocan daran ee gudniinka fircooniga ah waa nooca Somalidu ku dhaqanto. Gudniinkanu waxaa uu dhibaato xun u keenaa caafimaadka gabadha waxaanu nuqsaan u keenikaraa ama saamaynkaraa dareenka raaxada galmada ee gabadha ee Ilaahay, SWT, u abuuray. Labadan nooc ee gudniinka fircooniga ah ma oggola Diinta Islaamku maadaama la minguuriyo xubin dhan oo ka mid ah xubinta taranka ee haweenka. Ujeedada khaldan ee laga leeyahay labadaas nooc ee Gudniinka Fircooniga waxa weeye in la ilaasho bikranimada gabadha. Labadan Gudniinba waa xaaraan Shareecada Islaamka sababta oo ah waxay dhaawac ama dhibaato u geystaan jidhka iyo caafimaadka gabadha islamarkaana saamaynkaraan raaxada haweenka maadaama la gooyo xubin dhan oo Ilaahay (S.W.T) u abuuray dumarka. Waxaa ay la midtahay xubinta taranka labka oo laga dhaawaco madaxa hore. Gudniinka Fircooniga waa faragelin lagu sameeyo abuuridda Ilaahay (S.W.T) oo ay reebantahay in la bedelo. DHIBAATOOYINKA MARKIIBA LA ARKO Khataraha markiiba ka dhasha Gudniinka Fircooniga waxaa ka mid ah: Dhiig-bax, xanuun daran, cabsi, argagax, awood-darro, barar, olol, iyo in gabadhu ay awood u weydo inay u kaadido ama u socoto si caadi ah, arrimahaas oo keenikara jeermis ku dhasha kaadi-mareenka gabadha. Natiijada ugu xun ee uu keenikaro Gudniinka Fircooniga ah waxa weeye geeri ku timaada gabadha haddii ay aad u dhiig-baxdo. DHIBAATOOYINKA NOLOSHA RAAGA Dhibaatooyinka waqtiga dheer raaga ee Gudniinka Fircooniga ah waxaa ka mid ah: Qoon ama dhaawac gabadhu la nooshahay, cidhiidhi-gelinta soo bixidda kaadida iyo dhiigga caadada. Gabadha lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga waxay mararka qaar ku sakaraadaa soo bixitaanka dhiigga caadada maadaama dalool yar loo reebo. Waxaa kale oo ku dhaca Misko iyo dhabar xanuun, galmada oo aad u dhibta, siiba marka la guursado, khatar iyo xanuun ku yimaada gabadha waqtiga ummulidda marka ilmuhu soo bixikariwaayo (taas oo laga yaabo inay keento ummul-raac ama dhimasho). Geerida hooyada ee dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga waxay ka sarraysa dalalka aan ku dhaqmin gudniinkan. Haweeney Somaliyeed oo sharraxaysa Gudniinka Fircooniga ah ayaa tidhi: “Haweeneyda Somalida ah waxay nolosha la kulantaa seddex murugo (3). Murugada ugu horraysa waa marka lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga, murugada labaad waxaa ay la kulantaa habeenka la arooso, murugada seddexaadna waxaa ay la kulantaa maalinta ay u mulayso.” Dhaqanka Gudniinka Fircooniga waxaa si fiican ugu baraaruga hay’adaha iyo shaqaalaha caafimaadka ee dalalka Reer Galbeedka kadib marka dad badan oo ka yimaada dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga ah degaan dalalkaas, siiba Maraykanka, Kanada, Yurub, Australiya, iyo New Zealand oo dhaqankan gudniinku mamnuuc ka yahay dalalkooda. Gabdhaha aad u yar-yar ee ka yimaada dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga ama kuwa ku dhasha dalalka Reer Galbeedka waxaa ay ka badbaadaan dhaqankan foosha xun ee Gudniinka Fircooniga. Haweenka iyo gabdhaha lagu guday dalalkoodii inta aanay iman dalalka Reer Galbeedka, waxaa lagu dadaalaa in si fiican loo xanaaneeyo oo caafimaadkooda la daryeelo. Waxaa la siiyaa daawooyinka dhiig-baxa joojiya iyo kuwa jeermiska la dagaallama si looga hortago cudurada. Kuwa uurka lehna waxaa loo fududeeyaa sidii ay u umulilahaayeen dhib la’aan iyo xanuun la’aan. Diinta Islaamku waxaa ay oggoshahay in la gudo wiilasha iyo gabdhaha Muslimka ah laakiin gudniinka Islaamku oggolyahay maaha Gudniinka Fircooniga sababta oo ah waxaa uu halis ku yahay caafimaadka iyo nolosha gabdhaha. Nooca gudniinka gabdhaha ee Diinta Islaamku oggoshahay waa nooca fudud ee loo yaqaan Gudniinka Sunnaha ah kaas oo la gooyo caarada xubinta-dareenka ee xubinta taranka ee gabadha, wiilashana la gooyo buryada. Kitaabka Islaamka ee caanka ah oo lagu magacaabo: CUMDAAT AS-SAALIK waxaa uu qoray sida soo socota: • “Gudniinku waa ku qasab (rag iyo haweenba). Xagga wiilasha waxaa uu ka koobanyahay in la jaro buuryada halka gabdhahana uu ka koobanyahay in la jaro caarada hore ee xubinta-dareenka.” [Ku-Tiirsanaanta Xurmada Islaamka, bogga 59, Cumdaat As-Saalik.) Kitaabkan waxaa qoray Mac-hadka Shaaficiga ah ee Shuruucda Islaamka, waxaana taageertay Jaamacadda As-har (Az-har) ee magaalada Qaahira, dalka Masar]. Sababta wiilka looga jaro buuryada, gabadhana looga jaro caarada hore ee xubinta-dareenka waxaa weeye in laga ilaasho inuu jeermis ku dhasho xubnahooda taranka. Gudniinkan noocan ah waxaa uu ka mid yahay dhaqanka Islaamka, mana laha dhibaato wax u dhimaysa caafimaadka ama saamaynkarta raaxada gabadha. Hay’adda loo yaqaan UNICEF waxay sannadkii 2016 warbixin ku sheegtay in dalalka soo socda gabdhaha loo kala gudo bolqiiba sida hoos ku cad iyada oo la adeegsanayo Gudniinka Fircooniga: Somalida: 98%, Djibouti: 93%, Ethiopia: 74%, Egypt: 87%, Sudan: 87%, Eritrea: 83%, Guinea: 97%, Nigeria: 25%, Senegal: 25%, Kenya: 21%, Yemen: 19%, Tanzania: 15%, Iraq: 8%, Uganda: 1% etc. Gabdhaha dadyowga ku hadla Af-Somaliga ee ku nool Geeska Afrika, waxaa intooda badan lagu sameeyaa nooca daran ee Gudniinka Fircooniga (Gudniinka Goynta Xubuinta-dareenka iyo Isku-tolidda) iyada oo la aaminsanyahay inuu lagama maarmaan u yahay bikranimada iyo guurka gabadha. Bikranimada gabadha waxaa ilaasha Iimaankeeda iyo xishoodkeeda ilaa inta la guursanayo ee ma ilaasho Gudniinka Fircooniga. Maadaama Gudniinka Fircooniga aanu meel ku lahayn Diinta Islaamka isla markaana u daranyahay caafimaadka haweenka, waa in dadyowga ku hadla Af-Somaliga ay qaadaan olole lagu cidhibtirayo Gudniinka Fircooniga oo ah dhaqan fool xun oo ku salaysan jaahilnimo, naxariisdarro, iyo caafimaad xumo. Umm Caatiya Al-Ansaariya (R.C) waxay soo werisay: “Haweeney ayaa gabdhaha ku gudijirtay Madiina. Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu ku yidhi haweeneydaas: ‘Si daran haw gudin waayo waxay u roontahay haweenka waxaana jecel ragga.” [Sunanka Abu Daawuud 5271, Saxeex]. (Waxaa Qormadan laga soo qaatay: KITAABKA HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA ee Guurka iyo Qoyska. Waxaa laga helaa: Amazon.com, Amazon.in, Amazon.co.uk, Amazon.de, Amazon.fr, Amazon.es, Amazon.it, Amazon.nl, Amazon.co.jp, Amazon.com.br, Amazon.ca, Amazon.com.mx, Amazon.com.au —————————————————————————————- https://www.amazon.com/Hagaha-Nolosha-Islaamka-Guurka-Qoyska/dp/1514888459/ref=sr_1_1?dchild=1&keywords=Ibrahim+G.+Hassan&qid=1616119500&sr=8-1 Qoraaga: Ibrahim G. Hassan (Ibrahim Hassan Gagale) #Somalia #Somaliland #Kenya #Ethiopia #Uganda #Khaliijka #Europe #Djibouti #Tanzania #America #Canada Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka fakarayo in uu qaado laba tallaabo middood si uu ugua jawaabo arrimaha la xariira dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea. Dhallinyaradan ayaa dalka ka maqan in ka badan laba sano, waxaana dhowaan xoogeystay warar sheegaya in laga dagaal geliyey gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, inkasta oo dowladda ay arrintaas beenisay. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay wado qorshe ay ku qaadeyso weriyayaal kasoo warrama xaaladda dhallinyaradaas, maadaama aysan awoodin dowladda Soomaaliya in ay dalka ku soo celiso. Tallaabo kale oo laga fakarayo ayaa iyana ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorshaynayo in uu tago dalka Eritrea islamarkaana uu la soo kulmo dhallinyaradaas islamarkaana uu wax ka qabto cabashadooda iyadoo ay socdaalkaas raaci doonaan saxafiyiin ka tirsan Villa Somalia. “Dowladda Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacagtii lagu tababaray dhallinyarada mana hayso hadda mana jirto cid soo siineysa carruurtaas haddiib ay noolyihiin balse waxaa ka go’an in ay waddo weriyaal taageersan dowladda ama kuwa Madaxtooyada islamarkaana uu tago Farmaajo” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Somalia, oo la hadlay Caasimada Online. Khamiistii iyo Jimcihii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay dhigeen qaaar kamid ah waalidiinta Soomaaliya oo ay ka maqanyihiin carruurta loo qaaday dalka Eritrea. Sidoo kale waxaa jira guddi waalidiinta ka socda oo la sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo u gudbiyeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta matala si ay ugu sii gudbiyaan hay’adaha garsoorka oo ay arrintaan quseyso. Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo ka dhashay wararka isa soo taraya ee carruurta Soomaaliyeed ka soo baxaya iyadoo waalidiin badan ay ku noolyihiin walwal iyo qeyla dhaan joogto ah. The post Xog: Farmaajo oo qaadaya laba tallaabo mid si uu uga jawaabo carruurta ku maqan Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  9. Wixii ka dambeeyey dagaal kii koowaad iyo kii labaad waxa ay dunidu ku baraarugtay qatar weyn oo loogu magac daray maskax haajir (Brain drain), oo ah in dalalkii dagaaladu saameeyeen ay ka haajireen dadkii dalkaas wax u bartay, kuwaas oo xirfadihii ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeyn lahaayeen la aaday wadamadii ay u guureen. Wixii intaas ka dambeeyey waxaa jiray u kuur gal gaar ah iyo cilmi baarisyo arrintaas la xariira oo si joogto ah loo sameyn jiray, waxaana si gaar ah isha loogu haayey maskax qulqulka ku socda Wadamada hormar ahaan iyo nabad ahaan hooseeya. Waxey cilma barisyada qaar sheegayaan in 1960 kii ilaa 2010 ay wadamada hormaray ay usoo haajireen dad gaaraya 214 million, kuwaas oo soo banneeyey dalalkoodi iyagoo weliba xambaarsan maskax, aqoon iyo xirfado gaar ah oo ay lacago ku bixiyen dowladahoodii, ayna ubaahnaayeen shucuubtoodii. Wixii intaas ka dambeeyey way sii kordheysay tirada Maskax qulqul ku, waxeyna sheegtay hay’adda muhaajiriinta adduun ka ee IOM in sanad kii 2019 keliya wadamada Carbeed ay ka haajireen 24 kun oo dhaqtar, 17 kun Enginer iyo 75 kun oo ku takhasusay cilmiga sayniska. Wadamada cilladaan la daala dhacaya waxaa hoggaaminaya bariga dhexe, Aasiyada fog iyo wadamada saxaraha ka hooseeya oo ay ku jirto Soomaaliya. Sida arrintaan dowladaha kala duwan ay u saameysay, waxaa lagu cabiraa halka dalkaas ku yaallo, luuqaddiisa, tirada guud ee dadkiisa iyo tirada uu ku leeyahay muhaajiriinta dunida kale aaday. Haddaba waxyaabaha dalkeena inuu markale cagahiisa ku istaago rejadeeda sii fogeynaya waxaa ugu weyn tirada maskax iyo caqli dibadda nooga haajirtay misana aan rejo dhaw laga qabin iney soo noqdaan, haddaan loo helin siyaasad lagu maareeyo iyo wacyi ku filan oo soo celiya. Haddii dalkeena oo dadkiisuba yaryihiin ay tirada ugu badan dibadda nooga maqantahay, meeqa ayey la ekaan karaan dadka leh aqoonta maanta dalkeenna iyo dadkeennu la nuuxsan la’yihiin sida takhaatiirta, sharciyaqaanada, Enginerada, barayaasha iyo xirfadlayaasha kala duwan ee dibadda nooga maqan. Inagoo intaas dunida la wadaagna misana inaga waxaa innoo dheer maskax guur gudaha ah, kaas oo ah in intii dalka joogtay intii ugu kartida rooneed iney hay’adaha sida UN ku shaqeeleysteen, waayo iyagaa ah cidda keliya ee awoodda mushaarkooda. Dowladdeenna, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xarumaha waxbarashadu ma bixin karaan mushaarka ay u qalmaan dadka kartida iyo xirfadaha gaarka ah leh, sidaas darteed waxey tagaan hay’adaha, halkaas na waxaa ku baaqda xirfaddii iyo maskaxdii dadkaas iyagoo gudaha dalka jooga ay uga faa’iideyn lahaayeen ummaddooda. Tani waa sababta ugu weyn ee dalku meelna uga dhaqaaqi la’yahay dhankasta, waxaana looga hortagi karaa keliya in la helo siyaasad dowladeed oo xooggan oo dadkaas lagu soo dabayo, loogana faa’iideysanayo in la dhaqan geliyo, sidoo kale wacyi iyo dareen ku dhex celiya goobaha bulshada. Soomaaliya markii dowladdii burburtay, keliya nidaam kii meesha kama bixin, ee sidoo kale waxaa dalkii isaga haajiray intii ugu badneed intii aqoonta lahayd, waana sababta keentay in ay isku haraan Jamhadihii iyo danyartii magaaloyin ku. Si aad meel dhaw uga aragto saameynta ay leedahay qatarta maskax qulqul ku, bal is weydii sababta magaalada Muqdisho iyo magaaloyin ka kale ee dalku u kala fog yihiin dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, sababtu waa in dad kii waxbartay ee magaaloyin kaas dagana dhooban yihiin Muqdisho iyo magaaloyin ka waaweyn ee la mid ka ah. Waxaa Qoray: Maxamed Royal Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta keentay in duqeymaha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka fuliyaan gobolka Gedo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqeymaha Kenya uga hadlay dood ay si Online ah u qabatay warbaahinta Garowe Online oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad kun qof oo isugu jiray madax hore, kuwa hadda xil haya, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno. Isaga oo ka jawaabaya su’aallo kaga timid mid kamid ah ka qeyb-galayaasha kuna saabsaneyd duqeymihii u dambeeyay ee rayidku ku dhinteen laguna eedeeyay ciidamada Kenya, ayuu Xasan ka hadalka arrintaan oo kaliya uusan xal waara ku imaan karin. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaari karo duqeymaha ay Kenya fulineyso, balse wuxuu tilmaamay inay jirto siyaasad xumo, loona baahan yahay in xalka laga raadiyo hagaajinta siyaasadda. “Horay waan uga hadalnay, haddana waan ka hadleynaa. Laakiin, cambaareyn kaliya xal kuma imaanayo duqeymaha Gedo waxaa keenay waa siyaasad xumo. Siyaasadda oo la hagaajiya ayuuna xalka ku jiraa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Kenya ayaa 3-dii bishaan duqeyn ka dhacday gobolka Gedo waxay ku dileen dad Shacab ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo ahaa curruur iyo hooyadood, waxaana falkaas aad u cambaareysay dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ciidamada Kenya aysan duqeymo ka geysan karin gudaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyntaas kadib sheegtay in Midowga Afrika ay u gudbineyso dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, balse waxaa hadda muuqata in laba dowladood ay isku soo dhawaanayaan. Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay dib u bilaabaan xiriirkooda diblomaasiyadeed oo go’naa bilihii u dambeeyey, waxaana la filayaa in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ee Muqdisho iyo Nairobi. The post Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta keentay duqeynta Kenya ay ka waddo Gedo appeared first on Caasimada Online.
  11. Tan iyo markii dhidibbada loo taagay dawladda Israa’iil sanadkii 1948-dii, waxaa jiray taageero aan shuruud ku xirnayn oo reer galbeedku la garab taagnaayeen dawladda Yuhuudda. Taageeradii galbeedka gaar ahaan Maraykanku ay Israa’iil siin jireen, waxaa saldhig u ahaa dhawr arimood oo ay ugu mudnaayeen: Kow, Jaaliyadaha xoogga badan ee Yuhuudda ah ee dalalkaas ku nool. Labo, geopolitiggii adduunka gaar ahaan dagaalkii qaboobaa oo jiritaanka Israa’iil muhiimad gaara siinayey. Saddax caadifad togan oo ka dhalatay xasuuqii Nazigu u gaystay dadkii Yuhuudda ahaa dagaalkii labaad ee adduunka. Afar, Lobby-ga (dullaaliinta siyaasadda) ilaaliya danaha Israa’iil oo xildhibaanada muhiimka ah ee Maraykanka iyagu soo saara, saamayn wayna ku leh qaraarada siyaasiga ah. Iyo ugu danbayn, Christian-zionistaha Jamhuiriga ka tirsan oo qaba in la taageero Israa’iil si qiyaamaha dhicistiisu u soo dagdagto (kuwaan waxa ay aaminsan yihiin in marka dawlad yahuudeed ay dhulka Falastiin ka hir gasho oo gayigaas oo dhan ay camirto, Ciise soo dagi doono oo uu cadawgiisa baabi’in doono.) Sabab waliba taageeradaas ha suurta galisee waxaa xaqiiq ah in taageerayaashii qadiimka ahaa ee Israa’iil ay jeclaan lahaayeen in taageeradoodi aan sharuuddu ku xirnayni ay sii waarto, laakiin waxaa jira dareen sii kordhaya oo laga qabo in wax waliba ay sidoodii hore u socon waayaan. Waxaa jira dhawr arrimood oo taageeradaas (waa taageerada Maraykanka midda aynu inta badan ka hadli doonnaaye) mustaqbalka mugdi galin doonta oo ay walaac ballaaran ka qabaan waxgaradka Yuhuuddu. Arimahaas waxaa ka mid ah. 1- Isbaddal siyaasadeedka Israa’iil Inta badan siyaasiyiintii waawaynaa ee reer galbeedku waxa ay ku garaadsadeen Isra’iil oo ay ka arimayaan dawlado Libaral ah oo kula saaxiibi jirey danahooda hadba maamulkii markaas dawladaha galbeedka ee waawayn taladu u haya, gaar ahaan Maraykanka. Laakiin labaatankii sano oo u dambaysay siyaasadda Israa’iil waxa ay u janjeertay dhanka axsaabta garabka midig, gaar ahaan xagjirka mayalka adag. Tani waxa ay ka fogaysay axsaabta garabka bidix ee galbeedka ka jiray gaar ahaan kuwii reer Yurub. Fal-celiskaani waxa uu si qumman u muuqdaa mar walba oo qaraar taageero u ah reer Falastiin ama cambaarayn ku ah Israa’iil la hor keeno Qarammada Midoobay. Inta badan dawladaha reer Yurub lama gabbadaan cambaaraynta Israa’iil. 2- Caro ka dhalatay qaabkii Obama loola dhaqmay Tan iyo markii uu Obama bilaabay wada-xaajoodkii ku aaddanaa hubka wax guumada ee Iiraan Natanyahu waxa uu dhabarka u duwayey xisbiga Dimmuquraadiga oo ah xisbiga ay dadka Yuhuudda ahi 75% ay taageeraan. Wuxuuse dagaalka ugu ba’an la galay madaxwayne Obama oo uu siyaasaddiisii Iiraan golaha shacabka ee Maraykanka uu ka dhaleeceeyey. Arintaas, oo ay xisbiga Jamhuuriga, oo markaas ahaa aqlabiyadda baarlamaanku soo abaabula, waxa ay noqontay markii ugu horraysay oo hoggaamiye shisheeye uu aqalka shacabka uu madaxwayne Maraykan ah oo wali talinaya uu siyasaddiisa ku dhaleeceeyo. Tani waxa ay caro wayn ku abuurtay kaadiriinta xisbiga oo u arkay ihaano loo gaystay xisbiga iyo hoggaankiisaba. 3- Xulufo la noqoshadii Trump Natanyahu iyo xulufadiisii xagjirka ahayd waxa ay rajaynayeen Trump oo mar labaad la doortaayi in ay tahay fursaddii lagu min-guurin lahaa dhulka reer Falastiin. Trump oo ahaa hoggaamiye aan lahayn qiyam siyaasadeed iyo mid akhlaaqeed toonna waxa uu horay Natanyahu ugu abaal mariyey in uu laalo rajo walba oo ay dadka reer Falastiin lahaayeen. Tani waxa ay caro ku abuurtay in badan oo ka dhur sugayay in ay mar uun arkaan dawlad dadka reer Falastiin leeyihiin. Nasiib wanaag, siddeetankii milyan ee Maraykanka ahayd ee diidday siyaasddii gurracnayd ee Trump, waxa ay sidoo kale si dadban na u diideen siyaasadihii saaxiibbadii Trump shirkada kula ahaa afkaarta. 4- Baraarug ka dhex jira Xisbiga Dimmuquraadiga Inta badan xisbiga Dimmuquraadiga ayuu ahaan midka saaxiibtimimada guunka ah la lahaan jirey Israa’iil. Jiilkii waawaynaa ee xisbiga u talin jiray iyaga oo qaddarinaya taageerada ay ka helaan jamaahiirta Yuhuudda ah ee xisbiga taageera waxa ay aamminsanaayeen in isgarab taagga Israa’iil uu mar walba waajib yahay. Laakiin hadda jiilkaas waxaa baddalaya jiil dhallinyaro ah oo taageerayaasha xisbiga sees iyo saldhigba u ah, aaminsanna in Israa’iil lagula xisaabtamo afcaasheeda. Cadaadiskii xoogga badnaa ee uu dhawaan madaxwayne Biden xisbigiisa kala kulmay markii uu socday dagaalkii Qasa, waxaa saldhig u ahaa kooxdaan. 140 urur oo garabka bidix ee fog ee xisbiga Dimuqiraadiga ah ‘PROGRESSIVE’ ayaa dhaleeceeyey gaboodfalkii ay Israa’iil ka gaysatay Qasa, codsadayna in dagaalka si dagdag ah loo joojiyo. Kooxahaani waa kuwii lafdhabarta u ahaa soo bixitaankii madaxwayne Biden. Sidoo kale kaadiriinta jamaahiirta Progressive-ka ku matala xisbiga iyo golaha shacabkaba ayaa markii ugu horraysay taariikhda si xun uga dhaleeceeyey golaha shacabka siyaasdda Israa’iil ee ku aaddan dadka reer Falastiin. 5- Dhaqdhaqaaqa: Black Lives Matter Dhaqdhaqaaqaan oo ah mid u damqada nolosha dadka madow ee Maraykanka ayaa in dhawaalaba waxa uu ku dhawaaanayey dadka reer Falastiin. Dhaqdhaqaaqaan oo gilgilay magaalooyinka waawayn ee Maraykanka ka gadaal dilkii George Floyd ayaa madaxdiisu waxa ay Isra’iil ku tilmaamaan kuwo la mida dawladdii Cunsuriga ahayd ee Koonfur Afrika. Dhaqdhaqaaqa oo hadda ka hor safar ku tagay daanta galbeed lana kulmay dadke reer Falastiin ee halkaas ku nool waxa uu qabaa in iyaga xil ka saaran yahay dhammaan shucuubta dulman oo ay reer Falastiinna kow ka yihiin. Dhaqdhaqaaqaan oo leh taageerayaal dhalinyaro caddaan ah u badana waxa uu kow ka ahaa xoogaggii madaxwayne Biden culayska ku saaray in la joojiyo gumaadkii Qasa. 6- Isbaddalka ku dhacay qaabka xogta loo helo Inta badan dhalinyarada Maraykanka caadi uma ahaaan jirin in ay raadtaacaan wararka caalamiga ah mana aysan xiisayn jirin daawashada iyo dhagaysiga xogta wararkaas ku saabsan. Haddii ay xiisayn lahaayeenna ma jirin warbaahin ku mashquulsanayd tabinta dhibbanayaasha garabka dulman. Hadda xaalku sidii hore waa uu ka gaddisan yahay. Waxaa lagu jiraa casrigii Xogta, oo qof waliba uu taleefoonkiisa gacanta ka helayo xogtii ugu dambaysay, iyada oo waliba uu dhibbanihii dulmanaa uu dhibtiisii caalamka isagu la wadaagayo. Tani waxa ay abuurtay in dhalanyaradii iyo dadkii kale ee aan fursadda u heli jirin la socoshada iyo raadinta warka dhibbanayaashu, ay ku baraarugaan xajmiga dhibka, gaar ahaan midka haysta dadka reer Falastiin. Gunaanad Dhammaan qodobadaan oo isbiirsaday ayaa sabab u ah ayaa la leeyahay in Israa’iil ay dhumin doonto caadifaddii ay ka heli jirtay xisbiga Dimuqiraadiga haddii anay ka soo noqon dhabbaha qarda jeexa ah ee ay hayso. Laakiin waxgaradka Yuhuudda ah ee galbeedka iyo Israa’iil ba ku nool waxaa u muuqda walwal iyo walaac intaan ka wayn. Thomes Friedman oo ah ninka ugu caansan inta wax ku qorta wargayska New York Times Yuhuudi Maraykan ahna ah ayaa dhawaan yiri: “waxaa dhici karta in madaxwayne Biden uu noqdo madaxwaynihii u dambeeyey ee Dimuquraaddi ah oo Israa’iil taageero u haya.” Friedman iyo in badan oo kale oo la fikir ahba waxaa u muuqda in laga gudbay xilligii dadka la khaldi karay ama la marin habaabin karay. Waxaa lagu jiraa ayay qabaan bilowgii casrigii xogta iyo baraarugga oo aan aqbalayn siiyasaddii Israa’iil ee ku dhisnayd kala sooca cabburinta iyo ku gaboodfalka xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo u muuqda isbaddalka xoogga leh ee ku socda labada xisbi-siyaasadeed ee Maraykanka. Bidixdii (Dimuquraadiga) oo u sii siqaya xagga Progressive-ka oo Israa’iil ka aaminsan mid la mida nidaamkii midab takoorka South Africa iyo midigtii (Jamhuuriga) oo u sii siqaya dhanka xagjirnimada Yuhuud nacaybka caanka ku ahaa. Waxaa u muuqda in Israa’iil la mid noqon doonto ‘hal nin gurran dheelmay oo aan dhanna u fiyoobayn’. Mohamed Ahmed Elmi. The post Faallo: Taageeradii Maraykanka ee Israa’iil oo laga yaabo in isbaddal ku yimaado mustaqbalka appeared first on Puntland Post.
  12. Aqoon iswaydaarsigaan oo ku saabsanaa kor u qaadida kaqaybgalka siyaasada haweenka ayaa lagu qabtey magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug. Qaybaha bulshada oo kakooban Haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka qaybgaley aqoon kororsiga waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan ee ka qayb galey ay wadaageen talooyin iyo fikradu ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahey doorka siyaasada ee haweenka soomaaliyeed gaar ahaan haweenka Galmudug. Hay’adaha Eisa iyo community relief centar CRC ayaa iska kaashadey qabashada siminaarkaan waxaana goobjoog ka ahey maamulka degmada Hobyo. Gudoomiyaha Hobyo C/laahi Cali Faat ayaa daahfurey aqoon iswaydaarsigaan waxa uuna ku booriyey shacabka ilaalinta qoondada haweenka. Axmed cabdi shaakir iyo c/laai cabdaw oo kakala socdey Hay,adaha CRC IYO Eisa ayaa ka hadley ujeedada aqoon iswaydaarisga iyo muhiimada uu leeyahey. Haweenka dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda ka hadley dareenkooda ku aadan sidii loo iaalin lahey sarane loogu qaadin lahey ka qayb galka siyaasada ee haweenka soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warbaahinta la hadlay Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali. Afhayeenka ayaa ka hadlay laba kiis oo kala ah dad lagu soo qabtay iyagoo dhalinyaro u qalqaalinaaya safarro dibadda ah iyo gabar dhawaan meydkeeda laga helay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in 8-dii bishaan June ay hoggaanka baarista dembiyada ee booliska Soomaaliya ay soo qabteen 27 qof oo lagu eedeeyey inay si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka loo waday iyo qorshaha ka dambeeyey, sida uu sheegay Afhayeenku. 23 ka mid ah dadkaas waa dumar, waxuuna sheegay Afhayeenku in dhammaan dhalinyaradaas la dhoofinayey aysan garaneyn halka loo waday markii ay su’aalo ka weydiiyeen, waxuuna ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay ka war hayaan carruurtooda. Dhanka kale Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan ayaa sheegay in xalay xaafadda Galmudug ee degmada Dharkenley lagu arkay meydka garab lagu magacaabi jiray Caasho Maxamed Cabdicasiis oo aheyd Hooyo 20-sano jir aheyd. Waxa uu sheegay in illaa hadda aan lagu guuleysan in la qabto cid ku eedeysan kiiska gabadhaas la dilay, isla markaana ay wadaan baaritaano xoog leh, si cadaaladda loo hor keeno dadkii geystay dilka gabadhaas. Hoos ka Daawo https://fb.watch/65XhGqvrqF/ The post Booliska Soomaaliya oo shaaciyey xogta dhalinyaro si qarsoodi ah lagu dhoofi rabay iyo gabar la dilay appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug oo noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnihii guddiga doorashada ee cabashada laga muujiyey, ayada oo hore usoo gudbiyeen afarta dowlad goboleed ee kale. Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kama dambeys illaa caawa xafiiska ra’iisal wasaaraha u gudbin doona xubnaha laga sugayay, kuwaasi oo dhan illaa shan xubnood. Xubnaha uu Qoor-Qoor u gudbinayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa noqonaya bedelka xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada labada heer. Magacaabista uu madaxweynaha dowlad goboleedka sameynayo caawa ayaa meesha ka saareysa daahitanka dheeri ah oo ku yimaada hanaanka doorashada, sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble. Ra’iisal Wasaaraha ayaa wareegto rasmi ah ku soo magacaabi doona Guddiga doorashada heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si howshooda uga horeysa u bilaabato xareynta iyo seminaarada loo furi doono. Waxay imaaneysa arrintaan kadib markii ra’iisal wasaare Rooble cadaadis hor leh ku saaray maamulada sidii ay si dhakhso leh ugu soo gudbin lahaayeen xubnaha guddiyada doorashada, si loo dar-dar geliyo howlaha doorashada. The post Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabista guddiyada doorashada GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu baaqday kullan uu doonayey inuu la yeesho Madax-dhaqameedka beelaha Barriga Burco,kaas oo ahaa mid la damacsanaa inuu ka qabsoomo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland. Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ayaa la sheegay in ay ku gacansaydheen kullankaa uu doonayey inuu la yeesho Madaxweyne Biixi,waxaanay u sheegeen in aanay diyaar u ahayn in ay wakhtigan la kulmaan isaga iyo xukuumaddiisa. Sidoo kale, xoggo uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in kullankaas uu ahaa mid uu Madaxweyne Biixi uu ku damacsanaa inuu madax-dhaqameedka Beesha uu ku weyddiisto codka Xildhibaanadda 19 ah ee Golaha Wakiillada ee Beesha u soo baxay, kaas oo uu rabo inuu ku dhiso Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo u wato inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Dhinaca kale, xogguhu waxay sheegeen in xubno ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Xubno kale oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo jeeda Beesha inuu ergo ahaan ugu diro Madax-dhaqameedka Beesha Barriga, balse may noqon kuwa guulaysta,waxaanay Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ay ku adkaysteen Go’aankooddii ahaa in aanay la kulmay Madaxweyne Biixi. Geesta kale, waxa xusid muddan in Madaxweyne Biixi uu sannadkii ina-dhaafay uu si cad u diiday inuu ka aqbalo Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco codsi ahaa inuu fasaxo shirkadaha xayiraada ka saaray beesha barriga Burco ee kala ah Fly Dubai iyo Air Arabia. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Beesha Habar-jeclo ay dhisayaan oo ay codka siinayaan Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo u sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ” Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaan taageersanay oo aanu codka siinaynaan, Habar-jeclo waxay caddaynaysaa in aan codka Habar-jeclo la iibsan karrin Muuse amma wasiiro ha soo diro ama wuxuu doonno ha sameeyo,ama lacagta uu doonno ha bixiyo ama yaanu bixin, mawqifkayagu waa kaa isbahaysiga Mucaaradka “ Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka shaqanayey doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay dhammaadkii bishii hore ayaa sheegay in aan la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen ilaa hadda,waxaanay sheegeen in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysay arrintan Shaqaalahan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee ka shaqaynayey doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadkii bishii hore ee May 2021-ka ayaa sheegay in aan la siin lacagtoodii,taas oo ay sheegeen in ay ilaa hadda ka maqan tahay. Geesta kalena Shaqaalahan Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Maroodijeex oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa Wargeyska Waaberi u sheegay in aanay hayn ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen,waxaanay sheegeen in hubiyayaashii iyo Guddoomiye ku-xigeenadii goobaha Codbixinta Gobolka Maroodijeex aan wax lacag ah,kuwaas oo ka hawlgelayey 699 goobood ee codbixinta Gobolka Maroodijeex. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ku saabsan arrintan,marka laga yimaado shaqaalahan Komishanka Doorashooyinka Gobolka Maroodijeex ee sheegay in aan la siin ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay bishii hore. Source
  17. (SLT-Tel Aviva)-Madaxa sirdoonka Israa’iil ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano millatari. Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon. Hadalladiisa ayaa sidoo kale digniin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin. “Haddii sayanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo ayna na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,” ayuu yidhi Cohen. Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro. Bishii July 2020, waxa uu qarax kala dhantaalay mashiinada loo adeegsado uranium-ka, waxayna weerarkaas Iran ku eedeysay Israa’iil. Sidoo kale bishii April ee sannadkan ayaa waxaa isla xaruntaas ka dhacay qarax kale oo saameeyey hoolalka lagu kobciyo macdanta uranium-ka. “Mashiinada Centrifuge-ka halkaas ayey ku shaqeyn jireen,” ayuu yidhi. “ooh adda ma shaqeeyaan miyaa,” ayey weydiisay weriye Ilhan Dayan, wuxuuna ka jawaabay “dhab ahaantii. Cohen si toos ah uma qiran weerarka, hase yeeshee wuxuu yaboohay qirashadii ugu dhoweyd ee ah in Israa’iil ay ku lug laheyd weerarada. Barnaamijka Uvda ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii November loo gaystay saynisyahan qeyb ka ahaa billowga barnaamijka Nukliyeerka Iran oo lagu magacaabay Mohsen Fakhrizadeh, wuxuuna sheegay in Cohen uu saxeexay dilkaas. Cohen ayaa ugu baaqay saynisyahanada Iran inay faraha kala baxaan barnaamijka Nukliyeerka, waxaana mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii ayna sidaas sameyn uu ku jawaabay “way arkeen saaxiibadood,” isaga oo ula jeeda kuwa la dilay. AP Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Maxkamada sarre ee Somaliland oo dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa soo saartay jadwalka ansixinta golayaasha deegaaka cusub. “Waxanu halkan idinku soo gudbinaynaa jadwalka ansixinta natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ee 20 degmo-doorasho oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha gobolada iyo G/degmo, idinkuna waxad soo saartan jadwalka fadhiga 1aad si loo dhaariyo” ayaa lagu yidhi warsaxafadeed maxkamadu soo saartay. Warbixinta ay soo saartay maxkamada sarre ayaa u dhignayd sidan: Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo ra’iisal wasaaraha guddigaas. Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu sameyn lahaayeen cabashada Waalidiinta dhalintooda tobabarka loogu qaaday Eritrea ee ku aadan xaalada ubadkooda. “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka uu qaatay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ah in uu magacaabo guddi heer qaran ah oo baaritaan ku sameeya dacwooyinka ay soo jeediyeen waalidiinta ee la xiriira xaalada ubadkooda oo tobabar ciidan ugu maqan dalka Eritrea iyo eedeymo ay baahisay Hay’adda xuquuql insaanka QM oo ah in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble uusan ka turjumeyn guddi xaqiiqo raadin sax ah, maadama ay qeyb ka yihiin guddigaas wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ku eedeysan arrintaas. Golaha ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in si umadda Soomaaliyeed ay ugu kalsoonadaan guddigaan uu sida ugu dhaqsaha badan dib usoo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah, asaga oo ka saaraya mas’uuliyiinta dowladda ee qeybta ka ah. “Dowladda Soomaaliya waa inay ka waantoowdaa jahwareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso umadda oo ah inay mar walba gacan-bidixeeyaan oo aaney si xalaal ah u gudaneyn howlaha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo doorashooyinka dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. “Golaha wuxuu mar labaad ku boorinayaa Mudane Rooble in uu si deg-deg ah usoo magacaabo guddi hor leh oo raali laga wada-noqon karo oo hanan kara kalsoonida waalidiinta dacwada qaba iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.” The post Midowga Musharaxiinta oo Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyey dalab xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  20. Magaaalada Muqdisho waxa maanta oo Axada ah kulan ku yeeshay kooxda Farsamada Arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka socday Q.M. Inta uu kulankan socday waxa diirada lagu saaray isu duwidda howlaha lagu taageerayo qroshaha hirgelinta doorasho daahfuran. Xubnaha Qaramada Midoobay ayaa inta uu kulankan socday balanqaaday in Guddigan ay kala shaqayn doonaan howlahooda ku saabsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xiligan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doorashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay magaalada Muqdisho dhigayay in muddo ku siman lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com