-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beesha Fiqishini oo ka mid ah beelaha Mogadishu Clan, kana mid ah beelaha dega gobollada Waqooyi ayaa ku doodaysa in ay xaq u leeyihiin kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda ay haysato beesha Dir Waqooyi. Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka hadlayay shir looga hadlay arrinta kursigaas oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay hadii Dir Waqooyi ay siin weydo mid ah mid kuraasta Somaliland ay xoogayaan kursi Aqalka ee Dir koonfureed ku leedahay Galmudug. “Hadii nala ka dhaco kursiga Waqooyi waxaan xoogaynaa kan Dhuusamareeb ee Dir koonfureed, wallaahi labo cali isweydiinmayso, Qoorqoor-na labada dhegood baan goynaynaa” ayuu yiri Xaaf. Xaliimo Yarey iyo odayaal la beel ah ayaa sidaan oo kale shir dhawaan ka dhacay Muqdisho waxay si kulul uga hadleen arrinta kursigan, iyagoo siyaasiyiinta Waqooyi gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ku eedeeyay in ay uu diidan yihiin xaqa ay ku leeyihiin kuraasta Waqooyi. Kuraasta Aqal Sare ee gobollada Waqooyi oo ka kooban 11 kursi ayaa doorashadoodu ka dhacaysaa magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la isku haysto appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar, Maxamed Xuseen Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar. “Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka. Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato. Dowladda Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo ay kaga adkaatay Imaaraaadka. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Qatar? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la doonayo in laga beddelo heshiiska doorashada ayaa la kulmay caqabad xooggan oo kaga timid dhanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo fashilisay isku dayo ay wadeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hase yeeshee, dhinacyadan ayaa hadda dejiyey qorshe yaab leh, oo qodobkan wax looga beddelayo, ayada oo ay ku adkaan doonto Farmaajo inuu is-hortaago, halka sidoo kalena la rumeysan yahay in wax ka beddelkan ay si hoose u taageereyso beesha caalamka. Qodobkan ayaa ah midka la xiriira deegaan doorashada, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu soo koobo hal magaalo maamul goboleedkiiba, halka iminka qorshuhu yahay in doorashooyinka ay ka dhacaan laba magaalo halkii maamul goboleed. In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo. Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe. Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne. Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada. Beesha caalamka ayaa si gaar ah uga walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe, ayada oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto. Ka sokow, caqabadaha sida gaarka ah uga jira Beledweyne, Garbaahrey, iyo Baraawe, waxaa jirta caqabad wada haysata dhammaan maamul goboleedyada, oo dhanka dhaqaalaha taasi oo adkeyneysa in laba magaalo ay doorasho ku qabtaan. Beesha caalamka ayaa weli diidan inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo dhan tahay $40 Milyan oo Dollar. Lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan. Dhammaan arrimahan oo la isku geeyey ayaa adkeeyey in laba magaalo doorasho lagu qabto, waxaana Rooble iyo madax goboleedyada ay isku raaceen in hal magaalo lagu soo koobo doorashada. Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla. Sida aan xogta ku helnay, si arrintan looga gudbo maamul goboleedyada iyo Rooble ayaa dejiyey qorshe ah in marka ay billaabato doorashada Aqalka Sare oo la doorto xildhibaanka ugu horreeyey ay kulan isugu yimaadaan, kuna dhowaaqaan inay kusoo koobayaan doorashada hal magaalo. Arrintan ayey rumeysan yihiin inay Farmaajo ku adkeyn doonto inuu is-hortaago, mar haddii doorashada la guda galay. Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa qorsheynaya in inta laga gaarayo muddadaas uu booqdo dhammaan magaalooyinka ay doorashada ka dhaceyso, kadibna soo saaro warbixin uu ku sheegay in magaalooyinka qaar aysan doorasho ka dhici karin. Rooble oo toddobaadkii tegay booqday magaalada Garbaahrey ayaa xog aan helnay ay sheegeysa inuusan kusoo qancin xaaladda magaaladaas, uuna garowsaday inaan halkaas doorasho lagu qabin. The post Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo damacsan qorshe muran abuuri kara appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in si fudud uusan uga baxeyn Villa Somalia. Senator Suudi ayaa sheegay in Farmaajo uu sharci darro ku jooga Villa Somalia, isagoona ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in uu amar ka qaadan madaxweyne aan sharciyad laheyn. “Ra’iisal wasaaraha waxaa ka codsaneyna Nuur Cadde oo kale ha noqdo, sharafta ha la jiro, cidkasta isaga ayey ka amar qaadane, wax sharci ku jooga asaga ayaa ka jira, Nin aan sharci ku joogin (Farmaajo) ayuu amar ka qaadan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay Senator-ka in halgankii ka dhanka ahaa muddo kororsiga Farmaajo ee Ciidamada Bad-Baado Qaran ka sameeyen dalka uusan weli dhameystirneen inta uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu dhex fadhiyo Villa Somalia. “Asaga oo aan bixin abaalmarin ma jirto, waa isa-sii diyaar-gareyn, dad lagu xad-gudbi maayo. Waxa la iskugu imid in looga mahad-celiyo nabad-galyada ay kusoo galeen baladka ee ay uga baxeen ee looga mahad-celin maayo shaqadii oo gaba-gabo ah wiilasha iyo madaxdoodii.” Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuusan faarujin doonin Villa Somalia, xataa haddii lagaga guuleysto doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo meel walbo isaga oo ku dhagan ayaa laga fujinayay qaar waa lagu feeraaye qaar waa lagu xiraaye ,haddana hadii cod looga raayo in xoog looga baxsho maahee iska bax kuma baxaayo.” The post Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar 23 sano jir ah, kana howl-gali jirtay Hay’adda NISA oo muddo ka badan labo toddobaad ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa waxaa loo haysta NISA. Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA, Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey idaacada VOA-da oo ka hadlay kiiska Ikraan ayaa sii xoojiyey shakiga laga qabo in Ikraan ay ku maqan tahay hay’adda NISA. “Dowladdii Soomaaliya wey aamusan tahay, meeshii ay aheyd in dowladda ay qeylo dhaamiso oo Nabad-sugida ay warqad soo saarto oo ay dhahdo qofkaas ayaa naga maqan, sababtaas waxay keenaysa shakiga u weyn ee la qabi karo in Nabad-sugida ay gacanteeda ku maqan tahay, ha noolaato ama ha dhimato,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro tuhun ah in Ikraan loo qafaashay inay kamid aheyd shaqsiyaad hayey xogta dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad hor leh ka taagneyd, islamarkaana ay cadaadis xoog leh ku wajaheysa dowladda iyo NISA. “Haddey dadkii file-shaas hayey ay kamid aheyd waxaa soo baxeysa sabab aad u weyn oo ah in dowladda ay dooneyso inay baabi’iso raadkas, qof kasta oo ku lug lahaana (wax ka ogaa) uu ka baxo hawada.” Sidoo kale, Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in gabadhan laga yaabo inay halis u gashay kiiska dhallinyarada la geeyey Eritrea. “Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA. Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa kal hore sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. Hooyo Qaali oo maalmo ka hor warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadheeda ay kal hore ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan-gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Laptop ay ku shaqeyneysay. “Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali. Waxaa si weyn isu-soo taraya cabsida laga qabo in Ikraan Dr. Tahliil Faarax la dilay, isla habeenkii ay raacday baabuurka ka diiwaan-gashan NISA oo xiligaas la rumeysan yahay in looga yeeray xarunta. Hoos ka dhageyso warbixin ay VOA ka diyaarisay arrinta Ikraan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/ikraan.mp3 The post Dhageyso: Xog cusub oo laga helay arrinta Ikraan Tahliil iyo ‘waxa ay sababsatay’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo shacab weynaha dalkaas. Farmaajo ayaa Erdogan iyo Shacabkiisa ugu hambalyeeyey xuska maalinta qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga, taasi oo ku aadan maanta oo ku taariikheysan 15-ka bisha July. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Shacabka iyo Xukuumadda Dalkaas Xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ee Villa Somalia. Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka walaalahooda Jamhuuriyadda Turkiga. “Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.” Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara. Maanta oo kale, July 15-keeda, waxaa 5-sano laga jooga afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan askarta dalkaaasi ay isku dayeen afgambi dhicisoobay, kaasi oo ahaa afgambigii 7-aad ee ka dhaca dalkaasi. Afgambiga dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen sida la sheegay saraakiil daacad u ahaa dhaq-dhaqaaqa Gülen oo 2014-kii lagu daray liiska argigixisada, ayaa waxa xiligaas ku dhintay 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000. Dadweynaha Turkiga ayaa si weyn uga horyimid afgambigaas, midaasi oo dalka ka bad-baadisay shirqool halis ahaa, waxayna maalintaas noqotay mid taariikhi ah oo ay xusaan dowladda iyo shacabka Turkiga. The post Madaxweyne Farmajao oo farriin cajiib ah u diray Erdogan iyo shacabka Turkey appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay guriga madaxtooyada Boosooso ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalo Puntland la gashay Al-shabaab iyo Daacisho oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari. Muuqaalka shirka jaraa’id ee Boosaaso Wasiir Gallan ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay guulo waaweyn ka gaareen dagaaladaas, ayna kula wareegeen deegaano badan iyo talisyo ay lahaayeen Daacish iyo Al-shaaab. Dagaalka kowaad oo socday 7 bishii Jun ilaa 25 bishaas oo ka dhacay agagaarka Boosaaso ayuu sheegay in ay kula wareegeen deegaano badan oo ka mid yihiin Sugul, Ceel-gobaad, Dhadhaabo, Majiyahan, Ceel-dibir iyo Maraje. Sidoo kale wuxuu sheegay dagaal socday 26 Jun ilaa 13 July oo ay Daacish kula galeen buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari ay kala wareegeen deegaano iyo saldhigyo badan oo qaarkood ku yaallaan agagaarka degmada Balidhidhin. Wuxuu xusay in ay Daacish ka dileen saraakiil sare oo ajnabi ah, walow uusan magacyadooda sheegin, sidoo kale wuxuu sheegay in ka qabsadeen saad iyo saanad ciidan oo ku qarsoonaa godod dheerdheer oo qaarkoood qodan yihiin ilaa 50-km. Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada Puntland u qaabilsan miinooyin ay fureen ama qarxiyeen ku dhawaad 70 miino oo ay dhigeen Daacish. Khasaaraha dagaaladaas Puntland ka soo gaaray ayuu ku sheegay labo askari oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawacyo kala duwan soo gaareen. PUNTLAND POST The post Puntland oo guulo ka sheegatay dagaalo ay la gashay Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay in muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin oo ku jira xerooyinka xabsiyada ah ee Libya lagula kaco xadgudubyo galmo oo aad u xun oo ay geystaan ilaalada. Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xadgudubyada dadkaas loo geysto ay ka mid yihiin in biyaha nadiifka ah oo ay cabaan iyo cunada looga beddesho galmo lagu sameeyo. Warbixinta ayaa diiradda saartay muhaajiriinta laga qabtay badda meditareeniyaanka 2020 iyo 2021 kadibna lagu celiyey Libya, ayada oo la geeyo xerooyin ay xaaladdooda aad u xun tahay. Ilaadada xerada waxy yiraahdeen “waxaad dooneysaa biyo nadiif soo maaha iyo sariir, aan kula sameeyo galmo kadib xor ayaan kaa dhigayaa,” haweeney ayaa sidaas u sheegtay Amnesty, taasi oo ka mid ah dhowr gabdhood oo sheegay in ilaalada ay kufsadeen ama ay ku qasbeen galmo, si loo siiyo biyo nadiif ah ama la sii daayo. Xogtan ayaa lagu ogaaday wareysi lala yeeshay 53 qaxooti iyo muhaajiriin ah ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 14 illaa 50, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria iyo Syria. Qaar ka mid ah haween uur leh oo xerada ku jira ayaa Amnesty u sheegay in si joogto ah ay u kufsadeen ilaalada, halka raggana lagu qasbay inay xirtaan kaliya nigis ama kastuumo, si loo bahdilo. Warbixintan ku saabsan xaaladda ka baxsan bani’aadannimada ee ka jirta Libya ayaa daba socota warbixino kasoo baxayey dalkaas tan iyo 2017, oo ku saabsan garaac, jirdil iyo nadaafad darro lagula kaco muhaajiriinta. Ciidamada ilaalada xeebaha Libya, oo uu maal-geliyo Midowga Yurub ayaa badda ka qabtay kuna celiyey Libya qiyaastii 15,000 oo muhaajiriin ah, lixdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan, sida ay sheegtay Amnesty. The post Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qasbay inay galmo ku beddeshaan biyo appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada ka soo baxay Waddani iyo UCID, ee ka soo jeedda Beesha West Burco Clan ayaa kulan la yeeshay saddexda Xubnaha Isbahaysigu u xuleen in ay noqdaan shirguddoonka Wakiillada. Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa ah 18 Xubnood, waxaana ka maqnaa 2 xubnood mid xanuunsanayey, halka mid kalena hawlo u gaar uu yeeshay uu ku maqnaa. Waxa iyaguna aan kulan ka muuqan Xildhibaan Naasir Qodax iyo Jamaal Aadan Diiriye oo iyagu ka soo baxay UCID iyo Waddani oo u jan-jeedha dhinaca Kulmiye, kuwaas oo horena u shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada Kulankan ayaa ahaa mid dhoola tus oo Xildhibaannada ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xubnaha isbahaysigu u qorsheeyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada. Kulan ayaa sidoo kale ujeeddada laga leeyahay meesha lagaga saaro shaki la geliyo xubnahan la xidhiidhaa warar inta badan goobaha siyaasadda lagu falan-qeeya hadhaysa oo ah in xubnahan aan la hubin in ay u codaynayaan Xubnaha Shirguddoonka ee Isbahaysigu wato. Source
-
Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay in liisankii Ruqsada kala noqotay Shirkada Integrated Shipping Services oo Sannadkii 2009 ku guulaysatay Wakiilnimada Ganacsiga Dalka Itoobiya. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga Warshedaha iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in iyagoo fulinaya dalabka Hay,adaha Dekedaha Somaliland in aanay fulin Karin wax macmiila. Sidoo kale Shirkada Integrated Shipping Services (ISS) ayaa laga diwaangaliyay dalka Sannadkii 2020, ayaa Sannadkii 2009 heshiis Ganacsi la saxeexatay Shirka Ethiopian Shipping Line, Wakhtigaasi oo ISS ku guuleysatay Wakiilnimada ganacsi ee Ethiopian Shipping Line. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii u horeysay shaaciyey in Maxkamadda Sare ay tahay marjaca u dambeeya ee ka go’aan gaari kara doorashada. Baashe oo hadal ka jeedinayey shirka Madasha Garsooreyaasha oo ah madal saddex biloodle ah oo ay Garsooreyaashu ku kulmaan, ayaa si cad u sheegay in cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka dalka ay dacwadeeda qaadeyso Maxkamadda Sare ee dalka. Waxa uu sheegay in go’aan kasta oo ay gaaran Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, oo aan lagu qasbaneyn in la raaco, islamarkaana aysan ka garnaqi karin cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka, taasi oo marjaceedu yahay Maxkmadda Sare, sida uu sheegay. “Maxkamadda Sare waxa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kasta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrintaasi ku baraarugsanaado,” ayuu yiri Guddoomiye Baashe. Sidoo kale waxa uu xusay in cid kasta oo uu saameeyo go’aanada ay gaaran guddiyada doorashada aysan u arkin in waajib sharci ah uu yahay go’aankooda, hase yeeshe waxa asalka uu yahay dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka bilowdaan doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal, islamarkaana ay jiraan cabashooyin laga muujinayo hanaanka doorashooyinkaas. The post Marjaca go’aanada la xiriira doorashada dalka oo lagu wareejiyey maxkamada sare appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay macallin dugsi quraan oo xalay xaaskiisu ku sumeysay magaaladaas. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Macallin Cumar Maxamed ayaa Boolisku sheegay in uu u geeriyooday sunta beeraha oo loogu qasay ceeno. Boolisku wuxuu sheegay in ay soo qabteen haweeneydii falkaas geysatay oo sida ay xuseen maseyrsanayd. Taliyaha Saldhigga Beledweyne Dhamne Maxamed Maxamuud Rooble ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay u dhacdan dhacdadan. Muuqaalka Taliyaha Marxuumka ayaa maanta lagu aasay magaalada Beledweyne, waxaana aaskiisa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee magaalada. Dhacdadan naxdinta leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto. PUNTLAND POST The post Beledweyne: Macallin u geeriyooday ‘sunta beeraha’ oo caano loogu qasay appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ugu dambeeyey rabshadaha Koonfur Afrika ka socda+Tirada dhimashada oo korodhay JOHANNESBURG Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari. 72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo isku rogay rabshado. Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan. Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaareen 5,000. Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha. Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka. Dowladda ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa. Qaran News
-
Amxaarada oo Dagaal ku dhawaaqday+xaaladda Ethiopia oo faraha ka baxday Dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga. Ciidamada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii horey ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidamadooda si ay u qaadaan weerar ay uga hortagayaan Tigray-ga. “Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yiri afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada. “Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yiri. Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan. Galbeedka gobolka Tigray ayaa waxa wada degan Amxaaro iyo Tigray, waxaana dagaal ka qarxa uu horseedi karaa barakac xooggan. Ciidamada Amxaraada ayaa ka dhinac dagaalamay kuwa dowladda markii ay weerarka ku qaadeen gobolka Tigray bishii November ee sanadkii tegay, ayaga oo fursaddaas uga faa’iideystay inay ku qabsadaan dhul ay tobaneeyo sano haysteen Tigray-ga. Tigrayga ayaa tan iyo markii ay 28-kii June qabsadeen caasimadda Mekelle, waxay kale oo ay gacanta ku dhigeen magaalooyin kale oo muhiim ah oo Koonfurta ku yaalla. Hase yeeshee dagaalka galbeedka Tigray ayaa noqon doona mid xooggan, halkaasi oo Amxaarada ay u arkaan dhul ay lahaayeen oo ay dib u qabsadeen, wacadna ku mareen inay difaacan doonaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta. Kulanka Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka qabsoomay Hotel Airport ee ku yaala xayndaabka Xalane ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo xiisadaha kasoo cusboonanaya deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle. Inta uu socday kulanka ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee dalka uga mahad-celiyey Guudlaawe doorkii uu ka qaatay heshiiskii doorashada ee kal hore lagu gaaray magaalada Muqdisho. Waxa uu ku amaanay kaalinta uu ka ciyaaray heshiiska doorashada, taasi oo dalka u jiheysay dhankaa iyo doorasho, islamarkaana ka bad-baadisay jahwareer siyaasadeed iyo mid amni. Si kastaba, Kulanka maanta uu Guudlaawe la qaatay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif ayaa imanaya xili uu maalmihii dambe ee uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista tabashada reer Hiiraan. The post Sawirro: 3 QODOB oo looga hadlay kulan dhex-maray Sheekh Shariif iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirada Punrtland ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay shirkoodii todobaadlaha, kaas oo shir guddoomiyay ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta garoomada diyaaradaha iyo Imtixaanaadka Shahaadiga. “Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, horumarinta Garoomada diyaaradaha, Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo qodobo kale” ayaa lagu yiri bayaanka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Punrtland? appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Booliska Beledweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey falkii xalay lagu sumeeyey Allaha u naxariistee marxuum Cumar Macalin Maxamud oo ahaa Macalin dhiga dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka. Taliyaha saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble Qorsheel oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dambeysay xaaska marxuumka, isla-markaana ay socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay qaadeen howl-gal, kadib falkaasi waxaana uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiilal yar yar oo uu sheegay in haweeneyda ay u adeegsatay dhacdada sumeynta ee lagu dilay Macalin Cumar. Qorsheel ayaa sidoo kale xusay in cadaaladsa la horkeeni cid kasta oo ka dambeysay dilka marxuumka, isla-markaana ay natiijada baarista dib ka shaacin doonaan. Ugu dambeyn waxa uu digniin adag u diray ganacsatada, isaga oo sheegay in aan la iibin karin sunta dadka disha, iyada oo aan fasax looga heysan laamaha amniga. Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa dhowaan guursaday haweeneyda Sumeysay, lamana oga sababta ku kaliftay. Dhacdadan ayey aad uga argagaxeen dadka ku nool Xaawo-taako ee Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafaddaasi. Allaha u naxariistee Macalin Cumar Macalin Maxamud ayaa maanta lagu aasay gudaha magaaladaasi, waxaana aaskiisa ka qeyb-galay mas’uuliyiin & dadweyne fara badan. The post Yey u adeegsatay haweeneydii sumeysay Macalin Cumar? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn isu keenay wasiirada gargaarka iyo ciyaaraha Xamza Saciid Xamza & Khadiijo Maxamed Diiriye oo uu dagaal afka ah dhex-maray. Kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka soo kala dhex-galay labada wasiir oo horey loogu kala bedalay wasaaradaha, kuwaas oo hadallo kulul isku mariyey warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka. Wasiir Xamza oo faah faahiyey kulankan saddex geesoodka ah ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay si wadajir ah uga heshiiyeen wixii dhacay isaga iyo Khadiija Diiriye. “Waxaan hoyga ra’iisul wasaaraha kula kulmay walaashey wasiir Khadiijo M. Diiriye oo aan is cafinay, si wadajr ahna aan uga heshiinay wixii horey u dhacay,” ayuu yiri Xamza. Dhankeeda wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankan oo uu qaban qaabadiisa lahaa ra’iisul wasaare Roobe, waxaana ay sheegtay inay qaadatay raalli-gelin, isla-markaana ay cafisay wasiir Xamza Saciid. “Madaxdeyda qaranka kama weyni raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamza cafis baa iga tahay Aboow,” ayey iyaduna tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye. Dagaalka labada wasiir oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa yimid, kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliyauu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay. Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa dhankeeda ka soo jawaabtay, waxayna wasiir Xamza Saciid Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’. The post Ra’iisul wasaare ROOBLE oo fara-geliyey dagaalka wasiir Xamza iyo Khadiija Diiriye appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in fariinta ay dawladiisu u dirtay dadka Tigray ay ahayd mid cad oo ahaa in laga fogaado qalalaaso iyo dirir. Abiy Axmed oo arrintan ka hadlayey ayaa yiri“ Waxaa xabadda u joojinay in laga fogaado isku dhaca, si taas loo gaarana aan go’aannay inay xabada joojiso sababo bani’aadanimo awgood”. Fariin uu soo dhigay barihiisa bulshada ayuu Abiy ku sharaxay in mabaadi’da uu qaatay ay ka mid ahaayen in muwaadiniinta loo ogolaado inay ka faa’iideystaan xilliga beerashada iyo in la gaarsiiyo gargaar, isagoo intaa ku daray in tani ay dhacday iyadoo dowladda ay ka warqabto in nabadda “ay wax badan ku weyn doonto.” Wuxuu intaa ku daray in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay ee arrinta si nabad ah lagu xalliyo, maadaama dhinaca kale oo ula jeedo TPLF ay ku doorbidayso dhanka gacan ka hadalka, isagoo ku eedeeyay in ay carruurta iyo dhalinyarada u horseedeen adeegsiga daroogada, sidaas darteedna ciidamada difaaca Itoobiya uu saaranyahay waajib damiiri ah oo ay ku badbaadinayaan dalka. Abiy ayaa arrinkaas ka yiri “Wixii aan la rabnay ma mira dhalin. Golahan militari(TDF) wuxuu cadeystay inuu yahay cadowga ugu weyn ee Itoobiya, waana u midoobi doonnaa oo waan kala furfuri doonnaa iyadoo loo daneynayo dhamaan dadkeena,” isagoo xusay in gacana ku fududeyneyaan gargaarka bani’aadamnimada, dhanka kalena ay ka hortagi doonaan weerarka cadowga dibadda iyo kan gudaha. Qeyladhaanta Abiy Axmed ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya ay cagaha la gashay colaad ba’an oo muddo 9 bilood ka socotay waqooyiga dalkaasi, xilli mudooyinkii dambe ay TPLF sheegtay in ay dib u qabsatay inta badan gobolka Tigreyga iyadoo cagta marisay fariisimihii ciidamada faderaalka iyo kuwa Amxaarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com