Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sida lagu sheegay qoraalka guddiga in lagu saleeyey heshiisyadii laga gaaray qabsoomida doorashada. “Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. 17-ka ilaa 23-ka bishaan ayaa loo asteeyey in lagu soo gudbiyo liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga sugayo madaxda maamul goboleedyada dalka. 25-ka ilaa 28-ka bishaan July ayaa loo asteeyey in la qabto doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoo natiijada doorashadaas lagu dhawaaqi doono 1-da Agoosto 2021. 2-da illaa 11-ka bisha soo socota ee Agoosto waxaa la soo xuli doonaa guddiga soo xulaya ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka. Iyadoo 15-ka bishaas kagu dhawaaqi doono xubnaha guddigaas. 20-ka ilaa 25-ka Agoosto ayaa loo asteeyey in lasoo gudbiyo liisaska ergada doorashooyinka, iyadoo 10-ka September la shaaci doono liiska kama dambeysta ah ee Ergada. Waxaana 11-ka September illaa 10 October lasii doono tababar la xariira qaabka doorashada loo qabto. 7-da bisha September ayaa loo asteeyey in la qabto araajida musharaxiinta golaha shacabka, waxaana 12-ka September lagu dhawaaqi doonaa magacyada musharaxiinta golaha shacabka. 20-ka bisha September ilaa 5-ta bisha October waxaa dhici doonta ku dhawaaqidda natiijada kama dambeysta ah iyo shahaado siinta Xildhibaanada la doortay. Iyadoo ugu dambeyn 7-da October la dhaari doono. Hoos ka akhriso shaxda jadwalka doorashada The post Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  2. Riyadh (Caasimad Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka bedel cusub ku sameeysay shuruucdii adkeyd ee xirista dukaamada iyo goobaha ganacsiga xiliga Salaadda, oo aheyd shan jeer maalintii. Sida uu baahiyey wargeys caan ah oo xiriir dhow la leh dowladda oo ay soo xigatay Reuters, Sacuudiga ayaa dabcinaya shuruucdaas, ayada oo xiligaas sii furnaan karaan ganacsiyada, islamarkaana laga dukaameysan karo. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqoneyso go’aamo hor leh oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku sameynayso wax loogu yeeray “casriyeynta Boqortooyada”, midaasi oo looga gol leeyahay in bulshada caalamka iyo shirkadaha indhahooda loogu soo jeediyo dalkaas. Go’aanka cusub oo lagu waramayo inay gaareen Golaha Rugta Sacuudiga, ayaa waxa uu soo afjari doona tobanaan sano oo ay ahayd “in dhammaan dukaamada la xiro ugu yaraan nus saac inta lagu jiro salaadda maalinlaha ah ee Muslimiinta”. “Si looga hortago ciriiriga, isu imaatinka, sugitaanka dheer ee talaabooyinka ka hortaga ah ee lagula dagaallamayo Coronavirus iyo in la ilaaliyo caafimaadka dadka wax iibsanaya, waxaan ka codsaneynaa milkiilayaasha dukaamada iyo ganacsiyada inay furnaadaan dhammaan saacadaha shaqada, oo ay ku jiraan waqtiyada salaadda.” Xafiiska warbaahinta ee dowlada Sacuudiga ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo dalab ay u dirtay Wakaalada Reuters, oo la xiriiray go’aanka cusub si looga helo faah-faahin dheeri ah. Si kastaba, Go’aamada taxanaha ah ee wax looga badalayo Boqortooyada Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, oo asagu ah hogaamiyaha dhabta ah ee xiligan xukuma dalkaas. Dhaxal-Sugaha ayaa kal hore ballan-qaaday wax uu ugu yeeray “Islaam dhex-dhexaad ah”, taasi oo bar bilow u noqotay in gebi ahaanba meesha laga saaro qawaaniintii adkeyd ee bulshada. Inta uu socday taxanaha wax-ka-badalka shuruucda Sacuudiga, ayaa waxa la ogolaaday xafladaha dadweynaha, ayada oo albaabada loo furay shineemooyinka, ogolaanshaha haweenka inay gawaairada wadaan iyo arrimo kale. The post Sacuudiga oo wax ka beddel lama filaan ah ku sameeyay shuruucdii xilliyada salaadda appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Hargeysa)-Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Adna Aadan Ismaciil, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland burburinayso. Dr Adna Aadan ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay malaayiin dollar ku kharash garaynayso burburinta Somaliland. “Markii awood doorasho ay ku samayso ay waday hadana waxay malaayiin dollar ay u qorshaysay burbur ka Somaliland” ayay tidhi. Adna ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqday in deeqaha caalamku siiyo ay doorashada ku maal galiso. “Calan yar oo inan yari qaatay Somaliland dumin kari maaye madficiiba dumin kari waaye, intaa aad meelaha kaso xadeen doorasho ku qabsada” ayay tidhi. Adna ayaa ku andacootay in ay fiicantahay in Soomaaliya dowlad fiican dhisato intii ay Somaliland ku mashquuli lahayd. “Lacagta idinku isku maamula oo maamulkiina hagaajiya oo baryadan caalamka ka baxa” ayay tidhi. “Wakaa dadkiinii bilaa dowlada ahe dowlad ku dhista” ayay hadalkeeda sii raacisay. Hadalka Dr Adna ayaa u dhigan in dowlada Soomaaliya ay maal galiso dhalinyarada reer Somaliland ee qaata calanka Soomaaliya. Source
  4. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya.” Madaxweynaha DDS ayaa sidan qorey: “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe. Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisalwasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caaddeynteeda la soo bandhigi doono. Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta. Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS. Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo. Mahadsanidiin. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Shil khasaare badan dhaliyay ayaa ka dhacay dulleedka Beri ee Magaalada Hargeysa Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi dad shacab ahi ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaadhay dadkii Rakaabka ahaa e Saarnaa labada gaadhi ee isku dhacay. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinten Seddex qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad laga dayrimayo, waxaana la sheegay in Gurmad loo sameeyay dadkaasi shilka qabsaday. Source
  6. Nin Carruurta dhiiga ka Jaqa intaanu dilin oo la qabtay,lana xidhay Booliska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 20 sano jir lagu tuhunsanyahay inuu dilay ugu yaraan 10 carruur ah. Ninkan oo qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala. Wuxuu saraakiisha booliska u sheegay in meelo kala duwan uu geeyay meydadka dhibanayaashii uu dilay. Waaxda dambi baarista ayaa barta twitter-ka ku daabacday warbixin ku saabsan sheekada ninkan iyo sida uu u fulinayay dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta. Qoraalka booliska ayaa lagu yiri: “Dad-cunkn wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”. Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo. Booliska dembi-barista ah ee Kenya, ayaa sheegay in habka uu dilalka u sameyn jiray ninkan ay tahay mid naxdin leh. Wuxuu qirtay inuu “ceenjinayay carruurta isaga oo isticmaalaya sun kiimiko ah, ka hor inta uusan dilin,” sida ciidanka laga soo xigtay. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in “dhiiga uu ka dhuuqi jiray carruurta”. Masten Milimo Wanjala, the bloodthirsty vampire arrested earlier today is responsible for at least ten cold-blooded murders of innocent children, as our detectives have finally established. Wanjala single handedly pic.twitter.com/rYUlETa1cu — DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 14, 2021 “Ninkan xun ee sida qarsoon dilaaga u ahaa, wuxuu laba wiil ka afduubtay Kitengela iyo Mlolongo. Wuxuu u dhigay shirqool dil, wuuna ceejiyay, ka dibna wuxuu maydkooda ku tuuray bullaacad. Weli maydadkooda lama helin”, ayey qoreen booliska baaraya dembiga ninkan ku eedeysan yahay. Maydadka laba ka mid ah dhibanayaashii uu dilay ayaa laga helay deegaanka Kabete, oo ku taala agagaarka magaalada Nairobi. Waxaa sidoo kale isla deegaankaas shalay laga soo helay mayd kale oo la sheegay in uu ka mid ahaa carruurtii uu dilay ninkan la tuhunsan yahay. “Maydadka oo dhan way wada dhan yihiin; qaybna kama maqnayn balse maydadka wey qurmeen,” Ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Nairobi, Augustine Nthumbi. Waalidiinta wiilasha maydadkooda la helay waxay booliska u sheegeen in la waayey saacado ka dib markii ay ka soo laabteen iskuulka. Mid ka mid ah waalidiinta wiilasha maydkooda la helay oo lagu magacaabo Tony Opindo ayaa sheegay in wiilkiisa uu fasalka lixaad ee iskuulka hoose ee Sagaret dhiganayay, uuna ku ciyaarayay banaanka gurigooda markii la waayay abaare 7:30 fiidnimo. Booliska ayaa sheegay in ninkan uu falalka la xiriira dilalka in uu bilaabay asaga oo 16 sano jir ah. Xilligaas wuxuu dilka ku billaabay gabadh 12 sano jir ahayd oo ka soo dhuntay magaalada Machakos oo 54km u jirta Nairobi, caasimadda Kenya. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay weli wadaan su’aalaha ay weydiinayaan ninkan, si loo helo meelaha uu ku aasay maydadka carruurtii uu dilay. Baarayaasha kiiskan ayaa sheegay in ninkan uu u sheegay in carruurta uu u raaci jiray xarumaha ilmaha lagu ciyaarsiiyo. Masten Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay waddada Kitengela ee caasimadda Nairobi, ka dib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in isla wadadaas lagu waayay laba carruur ah. Kiisaska afduubyada la xiriira carruurta ayaa ku badanayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booliska ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan carruur badan, balse kuwa badan oo ka mid ah waxaa la helay maydadkooda. Booliska ayaa dhowaan sameeyay ciidamada gaar ah oo loo xil saaray ka hortaga kiisaska afduubyada ee ku soo badanaya Kenya, xilli ay waaxda dambi baarista sheegtay in arrintan ay khalkhal-gelinayso amniga guud ee dalka. “Dilaagan oo aan ka qoomameyneynin ficilladiisa wuxuu dembi-baareyaasha u sheegay in uu aad ugu farxi jiray dilka carruurta” Qaran News
  7. Somaliland: Steward of Mother Nature Today, there are increasing warnings from scientists and other scholars specialized in environmental studies about the eminent danger of the global warming caused by multiple factors including deforestation, increasing sea levels caused by the melting ice and high concentration of carbon dioxide. As result, we are seeing extreme weather patterns ranging from excessive heat waves and extreme cold, frequent high-tide flooding and frequent, prolonged drought. The culprit of all forewarned global environmental crises is none other than man himself. A legend, visionary, scholar and the greatest poet alive, Mohamed Ibrahim Warsame, Hadrawi warned us about the dangerous consequences of our actions and the devastating destruction of our environment. In his poem “ Af-ku Siran” which he explains about faith, environment, coexisting with balanced ecosystem; it is about responsibility, accountability and being a good steward of the Mother Nature. He explains the difference between human being and animals on how they treat plants; animals graze and Browns so during the rainy season they could regenerate and blossom, while man the other hand, cuts, burns and uproots the entire forest without replacing and that results in desertification of a whole region. In his poem Hadrawi exactly cites the same concerns explained below by scientists and environmentalists. “In a society, there are many jobs that help keep things running smoothly. A doctor, mailman, garbage man, waitress, and farmer all play an important role in our society. Similar to a society, species in an ecosystem each have a role in keeping the ecosystem running smoothly. For example, predators keep the population of mice under control, insects pollinate flowers, and worms decompose leaf litter. All species are important and help keep the ecosystem balanced. Ecological balance is a term describing how ecosystems are organized in a state of stability where species coexist with other species and with their environment” (Nappi,(n.d.)). In one segment of the video he explains a comparison of one same region in two different eras. This place is still know by the name “Libaaxlay”, as the name indicates it was once a dense forest where lions roam. Now, in that same place he explains, let alone lions, even rabbits, could not hide now as result of deforestation and over-grazing. In this poem on how to nurture the environment, he said, “Samaheedu waa iib, ha amaahan teedo, oogadeeda Waxa yal ha ku urursan boobkee ogolansho waydi” which means roughly “ If you use it replace it” On natures beauty he said, “In ka gooso mooye ha ku agagas dheeran,ashkir weeye qurux badan inanimo carteediyo ugubkay ku tahay shay” When describing self-sufficiency and the problem of dependency he said, “Waxa tahay ugaaski hanashada aduunkiyo ifka loogo hiishe ha la baqin awoodaha lagu furo albaabada xujadoodu adagtay, axdi baa ku xidhaye magantaad ka odaytahay marti adigu ha u noqon” The current volunteerism started by the new mayor of Hargeisa Mr. Abdikarim Ahmed Mooge seems to be contagious as it is spreading around in multiple different cities of Somaliland. This is an excellent initiative, but it must be continued and sustainable in the long term as a new environmental and healthcare solutions.This new volunteerism must also expand into the rural areas and cities planting new flora or plants to reduce water run causing erosion and to enhance the beauty of the cities. Af-ku Siran is very deep and touch all aspects of life and nature. We are very lucky to have and we salute our legend, Mujaahid, hero, sholar, poet and visionary. May Allah bless him and give him good health. By Mohamed Adan Samatar Former State of Arizona Government Management, BSc, MS Agriculture. madan.samatar01@gmail.com Nappi, L. (n.d.). What is Ecological Balance? Study.com. https://study.com/academy/lesson/what-is-ecological-balance-definition-importance-quiz.html Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la’layahay, waxayna ballan-qaaday har iyo habeen ka shaqeyn doonto sidii loo soo heli lahaa, nolol ama geeri. Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii sheegtay in ay garab taagan yihiin hooyo Qaali Maxamuud Guhaad iyo qoyska Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugida ee NISA, ayadoona ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo heli lahaa nolol ama geeri mid un. Waxay nasiib xumo ku tilmaamtay in Ikraan markii u dambeysay laga qafaashay meel u dhow taliska Hay’adda Nabad-sugida, ayada oo lagu kaxeeyay si ka baxsan rabitaankeeda, ka gadaal markii ay raacday gaari la sheegay in hay’adda ay laheyd. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo arrintaas kaga hadashay qoraal dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa waxa uu u dhigna sidaan; Bismillaah. Ugu horreyn, waxaan xannuunka la qeybsanayaa waalidka, walaalaha iyo qoyska walaasheen Ikraan Tahliil Faarax. Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xannuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya. Weliba meel dhowr tallaabo uun u jirta taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo ahayd halkii laga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka muwaadiniinta. Waxaan garab taagganahay hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed iyo walaalaha kale oo nala wadaagay xogta maqnaanshaha Ikraan. Aad Ayaan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idinku dhacaan. Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraaya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhibaan Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka . Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarrimayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, sharafka iyo xorriyadda qofeed. Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaankeeda oo u dhiganta “afduub”. Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama geeri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu “afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo. The post Xildhibaan ka tirsan BF oo sameysay ballan-qaad la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  9. Maamulka Abiy Axmed ayaa leysinka shaqada kala laabtay warbaahinta madaxabannaan ee Addis Standard, taasi oo keentay iney shaqada joojiyaan. Qoraal kasoo baxay Jakenn Publishing P.L.C ayaa lagu sheegay in maanulka Addis Standard uu akhristayaasha ku wargelinayo iney shaqada joojinayaa laga bilaabyo 15-ka July. Waxaa qoraalka lagu xusay iney ka xun yihiin balse ay sidaa dhacday kadib markii Leysnidii ay kala noqotay dowladda Itoobiya. Ugu dambeyntii, waxaa ay balanqaaday iney dib u bilaabi doonaan hababka kasta oo ugu macquulsan, laakin ma sheegin waqtiga iyo goobta. Abiy Axmed oo noqday nin keligii taliyey dhiigyacab ah ayaa kusi dartii waxaa u dilay boqolaal Tigrey ah isaga oo burburiyey magaalooyinka. Inkasta oo beesha caalamka ay dhaleeceysay falalka waxashnimada ah ee Abiy Axmed laakin uma muuqdo nin istaagaya, isaga oo saacadihii tagay sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Maamul goboleedka Jubbaland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ayaa sheega inuu diyaar u yahay qabashada doorashada aqalka sare waqtigeeda oo ah 25-ka bishan. Qoraal kasoo baxay maamulkooda doorashada dadban ee SIET ayaa lagu carabaabay in doorashada ay ku qaban karaan waqtiga loogu talo-galay iyaga oo intaas raaciyey in dhowaan dhisayaan guddiga arrimahan ka shaqeyn lahaa. Source: goobjoog.com
  11. Guddiga doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay doorashada ku qaban doonaan waqtigii loogu talagalay, iyagoo tixraacaya heshiisyadii doorashada ee 17 September 2020, 27 May iyo 29 June 2021. Guddiga oo maanta qabtay war-saxaafadeed ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka labada aqal ee heer Jubaland. Guddiga ayaa baarlmaanka Jubalanad ugu qaaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan u magacaabaan guddi kala shaqeeya doorashada Aqalka Sare oo muddaysan 25 bishan July. Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay musharaxiinta doonaya in ay tartamaan kuraasta Aqalka Sare in ay isu diyaariyaan doorashada. Guddiga waxaybka codsadeen dowladda Jubaland in ay u diyaar garowdo sugida amniga doorashooyinka. Ugu dambeyna guddiga ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay war-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubaland? appeared first on Puntland Post.
  12. Faallada Mustafa Cagjir hoos ka aqriso. Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe. Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisal wasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caddeynteeda la soo bandhigi doono. Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta. Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS. Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo. W/Q: Mustafa Omar Cagjar Madaxweynaha Somali State. Ethiopia The post Mustafa Cagjar oo qormo yaab leh ka qoray dagaalka dowladda Itoobiya iyo TPLF appeared first on Caasimada Online.
  13. Galmudug ayaa sheegtay in ay ku hareeraysan tahay 60 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug. War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada huwanta ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso”. Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug Dhanka kale Galmudug ayaa sheegtay in aroornimadii hore ee saakay la fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay Al-shabaab ku doonayeen in ay la beegsadaan ciidamada huwanta, waxayna tilmaameen in la toogtay wadihii gaarigaas. Wasaaradda Amniga Galmudug waxay sheegtay in ciidamada huwanta ah ay ku sii siqayaan magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn, iyadoo la burburiyey difaacyadii Al-shabaab ee deegaannadaas. Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Galmudug oo laga helayo deegaanadaas. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in ay ku hareeraysan tahay 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  14. Investment will reap benefits — in terms of jobs, growth and deeper engagement in the global economy Migrant children learning French at a charity centre in Medenine, Tunisia, in 2021 © Fathi Nasri/AFP via Getty Images In Africa, there has never been a better time to be alive. The past two decades have seen steady improvements, to the extent that a child born in Africa today has a better chance than ever of living longer, avoiding extreme poverty, receiving a primary school education and joining a growing economy. Yet not all the movement is in one direction. The Covid-19 pandemic is having a profound impact, forcing much of Africa into recession. While the continent’s long-term outlook for growth remains positive, too often the expansion is inconsistent, fails to create jobs and delivers benefits that do not trickle down. There is inconsistency, too, when it comes to governance — the issue that ties it all together. Without good governance, and without transparent, trustworthy and democratic leadership, social and economic gains are wasted. A good year can quickly be followed by setbacks and backsliding. That said, the past decade has broadly been a period of improvement. In 2019, a little over 60 per cent of Africa’s 1.3bn people were living in a country where overall governance, as measured by the Ibrahim Index of African Governance, was better than in 2010. Clearly, I am an optimist and there are good reasons to be optimistic. But we must also be realists. While some economies in Europe and the US are already bouncing back from the pandemic, with vaccination drives that have covered 60-70 per cent of their adult populations, Africa is still waiting. Its leaders deserve credit for enforcing lockdowns and limiting infections, but they have struggled to get hold of vaccines. By the start of June this year, only 32m vaccine doses had been distributed across Africa. While Covax — the multilateral programme to deliver vaccines to poorer countries — is responding to the challenge, and the G7’s pledges of assistance will no doubt be a boost, this is all too little, too late. It is too early to count the full cost of the pandemic for the continent. But this year’s Ibrahim Forum Report on Covid-19 in Africa highlights how it is only likely to deepen inequalities and impose deep costs on governments ill-equipped to handle the shock. The knock-on impact will be fewer resources — not only for health but also for areas such as education, training and investment, which can lead to frustration and anger, and an increased risk of unrest or conflict. In many African countries, children have missed out on months of education and social contact. At home with few resources, they have gone hungry, missed health check-ups, and been exposed to greater risk of violence and abuse. If home-schooling has been a struggle in the richest countries, think what a profound challenge it has been in Africa. It is at moments like these that governance comes to the fore. The pandemic is an unprecedented test of leadership, one that many African leaders have stepped up to. But they can’t rest on their laurels. Every day brings new, harder decisions that will shape outcomes for generations. On public health, on education, investment and even tax policy, leaders must act intelligently at a national, regional, and continental level. They need to seize the opportunity to introduce policies that provide better protection for their populations as they weather the pandemic and emerge from it. And they must be joined in that effort by partners globally that understand the continent and want to ensure that aid and development are seen as an investment in the future, not an emergency stopgap. This is where Britain and its allies need to think strategically. Investment that commits to the future is the sort that will reap benefits for Africans — in terms of jobs, growth and deeper engagement in the global economy. It will also benefit investors — in terms of a return, stronger trade links and better long-term relationships. By 2030, a fifth of the world’s population will be from Africa. Every year, tens of millions more young people from the continent join the labour market. They need the skills and training that allow them to realise their potential. Young people are our continent’s greatest asset, but if we do not create opportunities for them — to learn, to find work, to be productive — we risk losing them as they migrate to places that can deliver what they are looking for. An estimated 80 per cent of young Africans who migrate do so because of a lack of work. 1/5th Proportion of the world’s population that will be from Africa, by 2030I have no doubt Africa can overcome these challenges. But leaders need to take sound decisions, and countries such as Britain need to stand with them. Recent cuts to the UK’s aid budget are a serious concern. This is not a time for a generous donor such as Britain to be scaling back — especially if it wants to live up to its Global Britain label. The latest decision, cutting aid to Africa by two-thirds, from £2.2bn in 2020 to just £760m this year, cuts through the bone. The consequences far outweigh the money saved for the UK. The pandemic is a crisis for Africa, as it is for the world. But, like every challenge, it presents opportunities. With the right decision-making, the ground can be laid to strengthen education, investment, jobs and trade. When you look at the youth and dynamism in economies including Nigeria, Kenya, Ethiopia and Ghana, only a fool would write them off. Young citizens in Africa crave opportunities. Whether it’s in the digital economy, the green transition, resources, energy or infrastructure, Africa and Africans have a role to play. Britain shouldn’t miss out on the opportunity to make it happen. Mo Ibrahim is founder and chair of the Mo Ibrahim Foundation, which he established in 2006 to support good governance and exceptional leadership in Africa. Sudanese-born, he was the founder of Celtel International, one of Africa’s leading mobile telephone companies. Source: Financial Times The post UK can help shape a better future for Africa’s children with its wallet appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney 25 bishaan qaban karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya dowlad goboleedka Jubaland. Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland, oo uu warbaahinta u aqriyey guddoomiyaha guddiga Siyaad Maxamed Mursal ayaa lagu caddeeyay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare. Guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada. Sidoo kale, Guddiga ayaa musharixiinta doonayo inay u tartamaan aqalka sare ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada. Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareyn guddiga 1- In guddiga higelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Jubaland uu diyaar u yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyey ee aheyd 25 July 2021 2- Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed waxay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsanayaan inay magacaabaan guddi doorasho heer Baarlamaan ee guddiga hirgelinta doorashada kala shaqeeyo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare 3- Dhammaan musharixiinta doonayo inay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare inay isku diyaariyaan doorashada. 4- Guddiga wuxuu ka codsanayaa dowladda Jubbaland inay u diyaar garowdo sugidda Amniga Doorashada 5- Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee guddoomiye Maxamed Mursal The post Jubaland oo go’aan kasoo saartay doorashada Aqalka Sare iyo xilliga ay qabaneyso appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiillagu kalsoon yahay, taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa mushaarka ka joojiyay Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indha-Cade oo kamid ah xubnihii hogaaminayay ciidankii Badbaado Qaran. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ugu yaraan 3 bilood uusan wax mushaar ah qaadan Jeneraal Indha-cade iyo ciidanka la socda, waxaana durba billowday kulamo arrintaan ku saabsan. Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Jenaraal Indha-cade iyo ciidankiisa musshaarka looga joojiyay ay la xariirto diidmadii muddo korarsiga, waxaana sidoo kale mushaarka laga joojiyay ciidamo badan oo ka tirsan ilaalada Jeneraalka iyo ciidan ka tirsanaa militariga balse markii ay xiisadda billaabatay kusoo biiray ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga. Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga kama wada sinna mushaar joojinta, hase waxaa laga joojiyay qeyb yar oo ciidankaas ka tirsan, kuwaasoo markii hore qaadan jiray. Ra’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ilaaliyo dhinaca dowladda ee heshiiska ayaa u muuqda inuu ku guul-darreystay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in awoodda uu ku dhex leeyahay dowladda ay ka yar tahay sida loo maleeeyo, islamarkaana go’aanada badankood ay ka go’aan Farmaajo. The post Xog: Dowladda oo qaaday tallaabo aargudasho oo ka dhan ah Jeneraal Indha Cade appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas. Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida ee NISA, oo ay ka tirsaneyd howl-wadeenadeeda. “Haddii aan arrintaan kor ka eegay oo aan hoos ka eegay, tuhunka maqnaanshaha gabadhaan waxay ku arooraysa hay’adda NISA, haddii aysan jirin qof dambiga qiranaya ama lagu haayo, waxaa abuuraya shakiyo, oo ah meesha uu dambiga ka dhacay iyo dadkey la shaqeynaysay,” ayuu yiri. “Dad badan ayaa wareystay, si qaas ah ayaa u daba joogay kiiskaan, waxay dhex deganeyd gabadhu meel amaan ah oo la ilaaliyo, meeshey dhex deganeyd ama u dhaweyd waxay aheyd hay’adda Nabad-sugida, dhaq-dhaqaaq kasta iyo cid kasta oo meeshaas soo galeysa iyo cidkasta oo kasoo baxeysa si toos ah ayaa loo arki karaa ama CC-Camera ayaa laga arki karaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal tahay inay dhibane u tahay arrin ay ogtahay oo aysan rabin saraakiisha iyo madaxda dowladda in la ogaado, lana rabo in gebi ahaanba la tir-tiro. “Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in meel ay ku sheegto gabadhaan nolol iyo geeri, isagoona ku gaabsaday inay ka hordhaceyn kiiskaas. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/ikraan.mp3 The post Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  18. Hargeisa (HOL) - The Somaliland Ministry of Trade and Industries has revoked the license of a transportation company after it illegally entered Berbera Port. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - The Chief Justice of Somalia's Supreme Court, Bashe Yusuf Ahmed, has said that the Supreme Court will hear any complaints lodged against the Federal Electoral Commission. Source: Hiiraan Online
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, taasi oo muujineysa in dagaalka uu weji cusub yeeshay. Ciidamada ayaa ka imanaya mamaul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda. Duulaanka ay qorsheynayaan saddexda maamul ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in ciidamadiisa ay iska caabin doonaan weerarada uga imanaya cadowgooda. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray. Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan. Weriye ka tirsan AFP oo booqday magaalada Adi Arkay, ee ku dhow xuduudda gobollada Tigray iyo Amxaara, ayaa sheegay inuu arkay kumanaan askari oo halkaas ku sugan oo sugaya amar ay ku dagaal galaan. Saraakiisha Amxaarada ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in ciidamada Tigray-ga ay doonayaan inay usoo siqaan koonfurta oo ay qabsadaan magaalada Addis-Ababa, si ay dowladda u ridaan. Madaxweynaha gobolka Oromia Shimeles Abdisa ayaa shir jaraa’id ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Tigary ay doonayaan inay dalka oo dhan “xasillooni darro ka abuuraan.” Dagaalka ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu noqdo mid sidii hore ka xooggan oo lagu hoobto, kuna saleysan qowmiyad. The post Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia oo ku biiray dagaalka TIGRAY appeared first on Caasimada Online.