-
Content Count
213,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug. Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa weerar xooggan ku qaaday degaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay. Dagaallamayaasha Al-shabaab oo laga qabsaday degaanka , ayaa u jihaystay dhinaca degmada Xarardheere oo ku taalla koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana saaran xeebta badweynya Hindiya. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo Al-shabaab ka qabsaday degaanka Camaara appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa saaka weerar culus oo dhawr jiho ah ku qaaday tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug. Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa sida wararku sheegayaan haatan ka socda nawaaxiga degaankaas Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ay ku wajahan yihiin degaanka Camaara, si ay halkaas uga saaraan ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya. Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ayaan weli faahfaahin laga helin waxaana lagu soo warramayaa in dagaalku ku sii fidayo degaanno horleh. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka qarxay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay dhul ay dad- danyar ah kala warreegtay oo ku yaalla dhinaca barri ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana dulleedka tuullada Hallaya ay hadda u addeegsanayo arrimo siyaasadeed iyo danaha Xisbiga KULMIYE. Dhulkan oo la sheegay in cahdigii Dawladii siyaad Barre uu ahaa Saaro oo markii dalka la soo gallay ay qabsadeen dadka degaankaas,haseyeeshee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay ka qaaday dhulkaas. Dhanka kalene Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ayaa la sheegay inay dhulkaas saarihii karaashka Hallay ay hadda u addeegsanayso danno siyaasadeed oo la xidhiidha damaceeda shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay baloogyo siinayso shaqsiyaad,kuwaas oo lagu sheegay dilaaliin iyo Xildhibaannada ay soo gacan gelinayaan. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waxaan maqlay in Madaxweynuhu halkii karaash boorigaraamka ee Hallaya kantaroolka Berbera looga baxa mara in yar la dhaafo meel la odhan jiray oo berrigi hor seeraha ahayd karaash Borigaraamka joogay oo markii dambe dadkii degaanku iska qabsadeen ,ayaa laga qaaday iminka meeshaa waa la qaybsaday ,haddii ay noqon lahayd nimanka Xukuumadda tageera ,haddii ay noqon lahayd Xukuumadda laftigeeda iyo Xildhibaannadan hadda la mustafaynayo ee la leeyahay taageera faratoon waxaas oo dhamba Baloogyo ayaa laga siinayaa ayaan maqlay .” ayuu yidhi Source
-
(SLT-Laascaanood)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qafaashay dad shacab ah, kuwaasi oo ku safraayay gaadhi. Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa dadkaas afduubtay, xilli ay kala dageen gaadhi nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool. Afduubta loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka dib markii Somaliland xidhay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xidhay Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay la tageen dadkii saarnaa gaadhiga ee afduubka ugu geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax war hal ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka kuna aadan falkaas. Source
-
Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland. Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa yimid magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo. Guddiga ayaa markii ay kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden. Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo. Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa uunawarbixin qoto dheer ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland ugashay dadaal dheer sidii xal waara loogu heli lahayd arrimaha ka taagan Gobolka Gedo, iyo sida ay waxbadan uga tanaasushay si dalku u galo doorasho. PUNTLAND POST The post Guddiga Xalinta Khilaafaadka Gedo oo gaaray magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Haiti)-Martine Moïse oo hore loogu dhaawacay weerarkii bishan July 7-dii lagu dilay Saygeeda, Jovenel Moïse ayaa la sheegay inay dib ugu laabatay Hoygeeda gaarka, kadib markii lagu soo daaweeyey cisbital ku yaalla magaalada Miyaami ee dalka Maraykanka. Martine Moïse oo soo kireysatay Diyaarad Khaas ah ayaa waxay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Caasimada dalkaasi ee Port-au-Prince. Raysal wasaaraha Ku-meel-gaadhka ee dalka Haiti, Kaluwde Josef iyo Saraakiil kale ayaana soo dhaweeyey Carmalada oo wadatay Dhar madow iyo Jaakadka aysan xabbaduhu ka dusi Karin, iyadoo uu xadhiga madow uu kaga xidhnaa gacanta Midig. Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda Haiti waxay shaaciyeen in maydka Madxweynihii hore, Jovenel Moise bishan July 23-ad lagu aasi doono magaalada Keeb Haytiyan oo ku taallo Waqooyiga dalkaasi, iyadoo Xaaskii uu ka geeriyooday la rajeynayo inay goobjoog ka noqoto Aaskiisa. Source
-
Doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaank ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Waxey u dhacdey si nabad gelyo iyo farshaxan leh sida caadada u aheyd doorashooyinka Somaliland iyado la adeegsaday qaabka casriga ah ee Bio-metric. Shacabku waxey hiirti hore ba u dareereen goobaha loo cayimey iney ka codeeyaan oo safaf dhaadheer u galeen, iyago in badan ka soo horeyeey guddida doorashooyinka, kuwaaso bilaabey codeeynta 730 subaxnimo halkey aheyd iney bilaabaan 6 subaxnimo. Laakiin nasiib wanaag gelinki dambey safafki dhaadheera mey badneyn. Markey dhamaatey tirinti codadka ee goobaha, waxey muraaqibinti soo tebiyeen in labada xisbi mucaarid marka la isku geeyo ay codad aqlabiyad ah ka heleen labada gole. Waliba, gaar ahaan golaha wakiilada xisbiga Waddani ba ka codad batey xisbul xaakimka Kulmiye. Waddani 31 xubnood, Kulmiye 30 xubnood. Ucid 21 xubnood. Waana marki u horeysey ee xisbi mucaarid ah ka wakiilo bato xisbul xaakim. Doorashadi golayaasha deegaanka, degmo walba waxa ku guuleystey innu ka noqdo mayor iyo mayor ku xigeen isbaheysiga mucaaridka ee xisbiga Waddani iyo xisbiga Ucid marka laga reebo Gabiley, Berbera iyo dhawr degmo yar yar mooye’. Haddaba doorashadi golaha wakiilada ee ka dhacdey Somaliland 2005. Kulmiye wuxu heley 28 wakiil, Ucid 21 wakiil iyo Udub 33 wakiil. waxa isbaheystey labada xisbi mucaarid, Kulmiye iyo Ucid. . Sidaana ku hantey shir guddoonki golaha wakiilada. Maah maah Ingiirisi ah ba tidha ‘’ History repeats itself ‘’ oo macnaheedu yahey dhacdooyinka taariikhigu wey soo noq noqdaan ‘’. Maah maah carbeedna waxey tidha ‘’ ما أشبه الليلة بالبارحة ‘’. Mar haddi lagaga adkaadey xukuumadda Kulmiye golayasha deegaanka, loolanka weyni wuxu usoo wareegey shir guddoonka golaha wakiilada oo ah qeybta ugu muhimsan dhadhaarki sharci dejinta ( golaha wakiilada + golaha guurtida= Golaha Barliamanka ) ee loogu talagaley xakameeynta, la xisaabtanka iyo isu dhelitirka awoodda dawladdnimo Tirada wakiilada isbaheysigu wa 52 wakiil ( 31 waddani + 21 Ucid ). Sinaba uma loodin karto xukuumadda Muse Isbaheysiga mucaaridka. Sababahan awgood : 1- Farqiga u dhexeeya xildhibaanada isbaheysiga iyo Kulmiye oo aad u badan 52- 30 = 22 xildhibaan 2- Xildhibaano kulmiye ah oo debedda ku maqan on soo noqoneyn doorashada shir-guddoonka ka hor sida Cabdikariin Adan Cali Dubad 3- Xildhibaano kulmiye ah sida Axmed Guruuje oo difaacanaya xuquuqdooda xisbinimo saluugsan na musharaxnimada xildhibaanada Ucid ee tahriibta ah ( Wa sida uu hadalka u dhigey e’ ) 4- Xildhibaano kulmiye ah oo toos u shaaciyey iney Isbaheysiga u codeeynayaan sida Mustafa Axmed 5- Reer Awdal oo kulmiye ka reebey in uu sharaxo shir-guddoonka golaha wakiilada, xildhibaanadooda kulmiye na wacad ku mareen iney aqlabiyadoodu’u codeeynayaan mucaaridka. 6- Haddaba markaad isu geyso arrimaha kor ku xusan iyo sagaalka xildhibaan ee kulmiye ka kaxeystey Ucid marnaba ma dhaafi karaan 35 xildhibaan. Haddey wax isla hayaan bal wa kaase (هذا الفرس وهذا الميذان ) madaxweynuhu ha isugu yeedho xildhibaanada. Alla mahad leh, xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Eng. Bashe Cabdi Gaboobe. Source
-
Jabhadda Tigray-ga ayaa shaacisay in ay sii deysay ku dhawaad 1,000 askari oo ay horay uga soo qafaaasheen dowladda Itoobiya. Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Tigreega (TPLF), ayaa sheegay inay sii daayeen 1000 askari oo dabley ah . Hogaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay weli gacanta ku hayaan askar ka badan 5,000 askar oo ay ku jiraan saraakiisha Itoobiya. ” Inkabadan 5,000 Askar Ah Ayaa Welli Nala Joogta, Waxaan Sii Hayn Doonna Illaa Maxkamad Laga Soo Saaro ”ayuu yiri Gebremichael. TPLF ayaa ka gaabsatay in ay cadeyso sida ay ku siideysay askartan, xilli Abiy dhawaan uu ku dhawaaqay in uu xirmay albaabkii Nabadda. Kooxda TPLF dib ula wareegtay magaalada Mekelle kadib markii Bishii November dagaal uu horkacayo Abiy lagala wareegay magaalada xilli mudda dheer kadib jabhadda duurka lagu celiyay. Sikastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto ilaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigreega kaas oo ay ku qabsadeen dagalki ay kujireen xulafada dowlada ee amxaarada. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhowaad 2 milyan ayaa barokacay in ka badan 5 milyanna waxa soo wajahday cuna yari baahsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la yeeshey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, xili lagu gudo jiro u diyaar garowga doorashooyinka dalka. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen, oo ay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka dalka. Rooble ayaa uga warbixiyey Nicolas iyo Heidi halka ay marayaan dadaalada doorashooyinka dalka, oo qaarkood la filayo inay qabsooman dhamaadka bisha aan ku jirno ee July. Safiirada ayaa ayaguna dhankooda uga mahad-celiyay Ra’iisal wasaaraha dadaalkiisa ku aadan sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol, oo uu asaga hormuud u yahay. Kulanka Rooble ee Safiirada Midowga Yurub iyo Norway ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha ay xukuumadiisa si dhow ugala socod-siineyso Beesha Caalamka arrimaha doorashooyinka, maadama ay yihiin dhinacyada u badan ee bixinaya qarashaadka doorashooyinka. The post Maxaa looga hadlay kulanka uu maanta Rooble la qaatay wakiilada beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Gabahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee loo magacaabay arrinta gobolka Gedo, kadib shirkii golaha wada-tashiga qaran ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen dadaalladii ay ka wadeen degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Guddiga ayaa waxa uu shaaciyey inay guuleysteen dadaalladii ay wadeen ee dib u heshiisinta gobolka Gedo si xal loo gaaro, ka hor doorashada ka dhaceysa gobolkaasi. Guddoomiyaha guddigan, ahna wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay heleen garab istaag dhab ah, isla-markaana ay ka miro-dhaliyeen dadaalladii dib u heshiista ee degmada Garbahaarey. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo inay taageeraan go’aanada kasoo baxaya guddigooda ee lagu wajahayo doorashooyinka. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa soo dhoweeyey dadaallada guddiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lasoo afjaray khilaafkii ka taagnaa degmada Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin doorashada xildhibaanada. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii uu u fuli lahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashooyinka oo ay qeyb ka aheyd arrinta Gedo. “Guddiga doorashooyinka qabanaya, ergada iyo cid waliba oo imaaneysa Garbahaarey waxa aan kuso dhaweyneynaa gacmo furmo waana kala shaqeyneynaa fulinta heshiisyadii doorashooyinka dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Buulle Gareed. Dhinaca kale xubnaha guddiga oo saaka ka amba-baxay Garbahaarey ayaa gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo, iyaga oo la kulmi doono madaxweynaha Jubbaland oo la sheegay inay u gudbin doonaan liiska afar musharrax oo waxgaradka Garbahaarey u soo gudbiyeen, kuwaas oo u sharraxan xilka guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa. Magacaabista maamulka degmada Garbahaarey iyo inuu ku dhawaaqo Axmed Madoobe ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii siyaasadeed ee horay loogu gaaray magaalada Muqdisho. Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muhiim ah oo lagu dhawaaqay sida ay u dhacaan doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. The post Khilaafkii doorashada ee GEDO oo xal laga gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Two Lewiston men who came to that city as Somali refugees were sentenced in federal court Friday for their respective roles as interpreters in a health care fraud scheme that bilked MaineCare out of more than $1.8 million through a Lewiston office providing mental health and substance abuse counseling services. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada xoogga dalka ayaa 24-saac ee la soo dhaafay waxa ay howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyeen deegaanada Miir-dugul, Xirsi-fiin, iyo Bulacle oo katirsan gobolka Galguduud. Howl-galladaan ayaa waxaa iska kaashanayay Guutada 15-aad Qeybta 21-aad Xds iyo Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha Guutada 15-aad Gen Mascuud Maxamed Warsame. Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sidoo kale sheegtay in ay burburiyeen farriisimo ururka al-shabaab ay ku lahaayeen deeganada ay howlagalada ka fulinayeen. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada illa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga deeganada dowlad gobaleedka Galmudug ay kaga sugan yihiin Ururka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka wabiga magaalada laga soo saaray meydadka laba wiil oo dhalinyaro. Labada wiil ee wabiga laga soo saaraya oo lagu kala magacaabi jiray Feysal Nuur iyo Khaliid Nuur oo walaala ahaa ayaa la sheegay in shalay galinkii dambi xilli ay ku dabaal baranayeen wabiga, uu qaaday. Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa sheegay in illa iyo shalay wiilashaan la baadi goobayay balse aroorti hore ee saaka meydadkooda laga helay wabiga. Biyaha wabiga ayaa labadaan wiil ee dhalinyarada ah waxa uu ka qaaday agagaarka buuunda-weyn ee magaalada Beledweyne. Sikasta mararbadan oo horay ayaa sidaan oo kale wabiga magaalada baladweyne uu ula tagay dhalinyaro u dabaal tagtay biyaha wabiga, xilli la sheegay in maalmihi dambe wabiga uu aad u kacsanaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada dadka Somaliland loogu xiray calanka Soomaaliya, ayada oo xukuumadda Muuse Biixi ka dalbatay inay sii dayso dadkaas oo sifo sharci ahayn u xiran. War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ay ku saxiixneyd Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah Guddoomiyaha xaruntaas ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska calanka Soomaaliya ilaa hadda u xiran yihiin 42 qof, oo laga soo xiray Boorama, 26 June 2021. “Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabilay, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabilay,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Sida ku cad Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn. Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Dastuurka.” Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada is hortaageen xubno ka tirsan Xarunta Xuquuqul Insaanka oo ayagu rabay inay booqdaan xabsiga Gabiley, si ay ugu kuur-galaan xaalada Gabdho ugu xirnaa xabsigaas calanka Soomaaliya. Waxay ku eedeysay xukuumadda Somaliland inay sifo sharci darro ah ay xabsiyada ugu hayso 42 qof ee loo haysto kiiska la xiriira calanka Soomaaliya, islamarkaana ay ka hor-istaagtay inay booqdaan ehelkooda. “Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar kamid ah eheladii dadku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay “qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah.” “Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.” Ugu dambeyntiina waxay Xarunta Xuquuqal Insaanka ka dalbatay xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dadkaasi u xiranka calanka Soomaaliya oo sifo sharci darro ah loo haysto, islamarkaana ay dowladda ixtiraamto dastuurka. The post Tirada dadka ay Somaliland u xirtay calanka Soomaaliya dartiis oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
The victim, Ali Ahmed Muhamed (61) of Somalia, was in the city for an eye treatment. The incident happened during broad daylight on Tuesday (July 13) when he along with his friend, Abdul Ahid, were travelling in a cab from their lodge on Greams Road. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga dowladda soomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta gobalka Gedo ayaa magaalada garbahaarrey ku soo gaba gabeyay howlaha dib u hishiisnta arrinta gobalka Gedo. Xubnaha guddigan oo uu hor boodayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan ay magaalada garbahaarrey kula qaateen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo dhalinyarada gobalka waxa ay ku shegeen in dhammaan la xaliyay tabashooyinkii gobalka ka taagnaa. ” Ma aheyn in garbahaarrey wax kale kaga duwan tahay deeganada kale ee doorashada loo asteyay in ay ka dhacdo, laakiin waxaan isla ognahay in ay jireen xasaasiyaas siyaasadeed, in ay jireen dadkii kuraastaas ay doorashadoodu wada quseysay say oo wax un siyaasad ah ay kala dhax galeen, shaqadeenuna waxa ay aheyd in aan cid waliba la hadalno oo kala hadalno sidii loo xalin lahaa tabashada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay gaari kala dageen dadkaas islamarkaana af-duubteen. Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in af-duubkan daba socday kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur. Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera. PUNTLAND POST The post Dad lagu af-duubtay degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ayaa kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka dalka ee la filayo inay maalmaha soo socda bilowdan. Kulanka Guddiyada ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya. Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga. Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashada heer Federaal oo La Kulmay guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo cod maadaama uu yahay Murashax aan wali is-shaacin. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu marka hore taageero ka raadinayo ismaamulada beeshiisa sida Jubaland iyo kuwa Kenya balse waxaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay. Sidoo kale degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu ku keeni lahaa Xildhibaano u daacad ah. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la rumeysan yahay in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo markii ay dhacdo doorashada baarlamaanka kadib. Deni ayaa dib u dhigaya ku dhowaaqistiisa musharaxnimo, sababtoo ah waxay su’aal gelin kartaa dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo. Deni ayaa heysto taageerada Jubaland iyo maamulkiisa waxayna taasi gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag. Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta. The post Xog: Qorshaha Saciid Deni ee doorashada madaxweyne iyo tallaabooyin uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya. War kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan. Maxay ka hadashay warbixinta? Ma jirto war bixin rasmi ah oo uu soo saaray Midowga Afrika, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidday waxyaabaha ku jira war bixintan. Sida ku xusan qoraalka, Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa warbixintan oo ka kooban 35 bog ku sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen. Waxay “guddigu” sheegeen inay qiimaynta billaabeen iyagoo ka tallaabo qaadaya qaraarradii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoogay, oo kala ahaa 2520 iyo 2568 (2021) Qodobbada lagu faahfaahiyay waxay kala yihiin: Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM) Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib Xogo la ogaaday Talooyin Warbixintan ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa lagu qeexay warbixinta in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya. Dhinaca amaankana, “Xaaladda amni ee Soomaaliya way xasilan tahay balse ma aha mid la saadaalin karo”, ayaa lagu yidhi war bixinta. “Ma jiraan dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, sida maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho iyo goobo kale oo loogu adeego shacabka,” ayaa ka mid ahaa erayada ku jira war bixinta la sheegay inay kasoo baxday guddiga Midowga Afrika. “Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka”, ayaa lagu yidhi war bixinta. Talooyinka lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika. Sidoo kale waxaa waddooyinka furan lagu daray in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya kaddibna mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda qodobbada qodobbada gaarka ah ee ay ka biyo diidday dowladda Soomaaliya, iyadoo laga war dhowrayo jawaabta faahfaahsan ee ay xukuumadda ballan qaadday. Qoraalka ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay hadda ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada oo in muddo ah soo jiitamayay. Xigasho: BBC SOMALI The post Maxaa ku qoran warbixinta ay ka carrootay DF ee kasoo baxday Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada Seychelles oo sii daysay Soomaali loo haystay denbiyo Budhcad-badeednimo Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii shalay la siidaayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay. Maxkamada sare ayaa xukuntay in xilliga la qabtay raggaasi aan lagu helin inay sameynayeen falal burcad badeednimo ah isla markaana aysan wadan wax hub sharci daro ah. Maxkamadeynta shanta Soomaaliyeed waxay bilaabatay Sebtember 2020, sanad ka dib markii ay qabteen markabkii ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR). Howlgalka Atalanta ee qaabilsan ilaalada xeebaha ayaa shanta tuhmane ku wareejiyay maamulka Seychelles sanadka 2019 iyadoo la tixraacayo heshiis wareejin ah oo u dhexeeya jasiiradda iyo Midowga Yurub oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC). Qareenka difaacayay, Joel Camille, ayaa sheegay in kooxda qareenada eedeysanayaasha la bedelay seddex jeer ay kaalin ka qaadatay dib u dhaca ku yimid maxkamayntooda. Hay’adda UNDOC ayaa qaban qaabinaysa sidii dhalinyaradan loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Balse waxaa laga yaabaa ay bilaabaan dacwado magdhow ah ka dib laba sano oo ay ku jireen xabsiga Seychelles. Qaran News
-
laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska S/land oo looga Duceeyay Masaajid ku yaalla Hargeisa “Waa la innagu soo duulay waxaana innagu soo duulay dadkeena qaar ka mid ah ee booliska aan la shaqayno.” Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahy isgarabtaga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan ciidanku kaligii wax qaban karin, cidda la badbadinayaana ay tahay da’yarteena. Dhanka kale waxa uu Sheekhu masaajidka uga duceeyay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, oo uu sheegay in ay diideen inay laaluush ka qaataan dad daroogo soo geliyay waddanka, isla markaana sharciga hor keeneen, gaadhi khamri siday iyo dadkii ka ganacsanayay oo Qaad u soo eegaysiiyay. Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. Waxaa kale oo uu ka hadlay dedaalka taliyaha ciidanka booliska Somaliand ugu jiro la dagaalanka maandooriyaha iyo xumaanta, waxaanu yidhi “Walaalayaal aniga oo mimbarka saaran waxaan halkan uga ducaynayaa taliyaha ciidanka booliska kheyr ILLAAHEY ha siiyo, shaqo fiican buu hayaa, aqoon isuma lihi oo garasho iyo aqoon naga dhaxaysa uguma ducaynayo, balse shaqada wanaagsan ee uu hayo ayaan ugu ducaynayaa ILLAAHEY caafimaadka ha u barakeeyo. Waxa aan ugu ducaynayaa Janatul Fardawsa, in ILLAAHEY isaga iyo ubadkiisaba barakeeyo, in ILAAHEY ku abaaliyo hawsha uu qarankiisa u hayo,” Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. “Walaalayaal waad arkaysaan maalintii dhawayd inay ciidanku boolisku qabteen, gaadiidka qaadka oo lagu soo qaaday khamri iyo halka uu inala marayo. Ciidanka kheyr ALLE ha siiyee ninkii askariga ahaa ee qabtay gaadhigaasi khamriga siday waxa la siiyay sadex ku oo doolar isaga oo aan askarigaasi hal doolar haysan balse wuu diiday inuu lacagtaasi qaato, askarigaasi waan u ducaynayaa in ILLAAHEY caafimaadka u barakeeyo, arsaaqada u barakeeyo, awlaada u barakeeyo waajibkiisu gutay laaluushkan wuu diiday. Qaran News
-
Hoggaamiyaha Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaana xilli Dagaal culus la filayo Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada. Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael. Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa. Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso saraakiisha xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo gudiga dowlada u xilsaaran arrimaha Tigray balse wax jawaab ah way ka waysay. Dagaalka Gobolka Tigray ayaa qarxay Bishii November ee sanadkii hore markii ay dawladdu ku eedeysay kooxda TPLF inay weerareen saldhigyada milateriga ee gobolka oo dhan, taas oo ay been abuur ku tilmaameen madaxda xisbiga Tigray. Dowladda ayaa ku dhawaaqday guul seddex isbuuc kadib markii ay la wareegtay caasimada gobolka ee Mekelle. Kooxda TPLF ayaa dib ula wareegtay magaalada Mekelle iyo inta badan Tigray dhamaadkii bishii June, kadib markii ay dawladu kala baxday askarteeda ayna ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah. Si kastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigrayga, kaasi oo looga qabsaday dagalkii ay kula jireen xulafada dowladda ee kasoo galay dhanka amxaarada. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howl-gal culus oo gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si gaar ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka. Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay guri-guri ugu galeen xaafado ku yaallo Dayniile, iyaga oo ku sameeyey baaris xoog leh. Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkooda u ahaa baad-goobka xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha dhaca ka geysta degmadaasi. Ma shaacin saraakiishu natiijada ka soo baxday baaritaanadan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ay ku soo qab qabteen intaba. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan baaritaanadooda si loo xoojiyo xaqiijinta aminga caasimada, maadaama ay dhowaan ka dhaceyso doorasho guud. Howl-gallada ciidamada ayaa muddooyinkii dambe sare loo qaaday, waxaana horay looga fuliyey degmooyin badan, sida Hodan, Warta Nabadda, Boondheere & kuwa kale. Waxaa sidoo kale inta ay socdeen howl-galladan oo soo billowday bishii hore lagu soo qab-qabtay rag kala duwan oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan Muqdisho. Si kastaba howl-galladan ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya dalka oo isugu jira mida baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha intaba. The post Howl-gal culus oo markale laga fuliyey MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.