-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Biyo cadde (Caasimadda Online) – Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay goobo aad uga fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida dad goob joogayaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco caasimadda Online. The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay leeyihiin ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Biya-cadde, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya, in qarax xooggan lagu weeraray saldhig Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaankaas. Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay weerarka, oo loo adeegsaday gaari weyn oo qaraxyo laga buuxiyay. Col. Saneey Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii mudda-kororsiga diiday, ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Sidoo kale, weerarka waxa ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga, halka qaar kalena ku dhaawacmeen. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu qoray warbaahinta taageerta ururkaas. PUNTLAND POST The post Taliye ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xubno muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Maxamed Islaaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay wadaan dadaalo wax looga beddelayo heshiiskii doorashada. Sida aan ogaanay, labadan madaxweyne goboleed ayaa wada qorshe ay xubnaha beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in doorashada baarlamaanka lagu qabto min ah magaalo, maamul goboleedkiiba. Labadan Madaxweyne oo dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa shirka Kismaayo horgeyn doona ajando ah in la beddalo qorshaha doorashada ee min laba magaalo, haddii aan sidaas la sameyn karinna daruuf gaar ah loo eego labadaan maamul, islaamrkaana doorashada lagu qabto Jowhar iyo Kismaayo oo kaliya. Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa damacsan in ay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka ka imaan doono magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne, waxaase muuqata in haddii lagu qabto aysan ku yeelan doonin awood lamid ah sida magaalooyinka kale ee Jowhar iyo Kismaayo. Lama oga sida ay ku suurta geli doonto qorshahaan uu ka fulo dhinaca beesha caalamka iyo sidoo kale dhinaca ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu dhaawacayo heeshiiskii 17-kii September ee doorashada Soomaaliya. Magaalada Kismaayo ayaa todobaadkaan marti gelin doonto shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doono wakiilada beesha caalamka. The post Guudlaawe iyo A/Madoobe oo sameystay isbaheysi wax looga beddalayo heshiiska doorashooyinka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xogoay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu heshiis la galay Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo Galmudug, Xildhibaanada labada Gole ee hadda ku jira baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug iyo siyaasiyiinta kale ee degaanka. Heshiiskan ayaa dhigaya in Qoor Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Galmudug, oo la filayo inay ku loolamaan siyaasiyiin miisaan culus oo ka kala socda dowladda dhexe iyo mucaaradka. Xogta ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Qoor Qoor loo sheegay in kursigiisa uu ku weyn doono haddii uu doorashada Xildhibaanada u boobo Musharax gaar ah, sidoo kalane uu la safto dhinac kamid ah kooxaha siyaasadda Soomaaliya. Goobta Qoor Qoor lagula balamay waxaa ku sugnaa guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug, sidoo kale goob joog ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulankan ayaa Muqdisho ka dhacay todobaad ka hor intuu uu Muqdisho joogay Qoor Qoor waxaana xogta aan helay saacadihii la soo dhaafay. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu ballan qaaday in uusan cidna taageeri doonin islamarkaana uu ka shaqeyn doono in si cadaalad ah doorashada ku dhacdo isagoo wadashaqeyn ka dalbaday xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda degaanka. Qoor Qoor ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee heshiiskan isaga oo soo magacaabay xubno guddi doorasho oo aysan ku jirin cid lagu xiriirinayo madaxtooyada Soomaaliya. Doorashada baarlamaanka ee dhinaca Galmudug ayaa sanadkaan loo arkaa in ay wajihi doonto tartan adag waxaana lagu hayaa il gaar ah. The post Qoor Qoor iyo mucaaradka oo heshiis cusub galay – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Somali National Army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia (Amisom) on Thursday killed seven al-Shabab militants in an operation in Mahas town in the central region of Hiran, an official confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn isku soo tareysay xiisada ka dhalatay dhalintii kal hore tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad tan iyo markii laga dejiyay dalkaas. Hanaanka loo maray qorista Askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea ayaa la isku raacay inuu ahaa mid baal-marsan nidaamka ay dowladda ku qorto Askarta ay tobabarka ugu qaadeyso dalalka deriska, ayada oo qaabka loo maray qaadistooda uu ku daboolna mugdi iyo shaki badan. Haddaba, kaalin ma kulahaa xafiiskii ra’iisal wasaare Kheyre oo xiliga uu socday qorshaha lagu qaadayo Askartaas joogay xafiiska? Samiira Axmed Gaydh oo aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee xiligii ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegtay xafiiska Kheyre uu xiligaas waxba kala socon qorshaha lagu qaaday Askartaas. Samiira oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa waxay sheegtay inuusan jirin heshiis rasmi ah oo xukuumadda saxiixay, kaasi oo dhigaya in dhalinyaro Soomaaliyeed tobabar loogu qaado dalka Eritrea. “Heshiis kasta oo ciidan dal kale loogu qaadayo waxaa la keena golaha wasiiradda oo meeshaasa lagu faah-faahiya oo tallo laga bixiyaa. Ciidamada loo qaaday Eritrea-na majiro xataa Wasiir saxiixay, anagana nama soo marin,” ayey tiri Samiira Gaydh oo hore u aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha lagu qaaday dhalintaas iyo qaabka qoristoodaba ay si gaar ah uga wada-shaqeynayeen xafiiska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Hay’adda Nabad-sugidda NISA. Si kastaba, dhalinyarada tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladooda nololeeda, ayada oo ay soo baxday in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay kasoo baxsadeen xeryihii lagu tobabaray, halka kuwa kalena ay wajahayaan tacadiyo ka baxsan tobabarkii la sheegay in loo qaaday. The post Muxuu xafiiskii Kheyre ka ogaa qorshaha lagu qaaday dhalinta la geeyay Eritrea? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa layaab noqotay in Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya oo dhawaan la hadashay dhiggeeda Soomaaliya aysan kusoo qaadin duullimaadkii Khamiistii June 4, 2021 ciidamadooda ay markale ku duqeeyeen Ceel Cadde iyo Xisa-u-Guur ee gobolka Gedo. Duullaanka aan loo meel dayin waxay ku garaaceen guryo qoysas Soomaaliyeed oo hurday oo ay ku jiraan 8 carruur ah. Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan – Abuukar Baalle ayaa Golaha Amniga ka sheegay in shacabka Soomaalida ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen ciidamada Kenya ee AMISOM. Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa lab-kiciyay in hooyo iyo ilmihii ay nuujinaysay isku kor-dhinteen. Warkaas waxaa laga maqlay afka saygeeda Cali Axmed Sheekh oo cisbitaalka Erdogan (Digfer) la jooga afarta rajo oo u soo hartay (laba wiil iyo laba gabar) oo dhaawacan (Reuter 7/6/2021). Dambiyo dagaal oo Joogta ah Kenya waxay si sharcidarro ah Dalka u soo gashay 2011 iyadoo si rasmi ah AMISOM looga mideeyey February 2012. Sheegashada la dagaallanka argaggixisada ayaa shaki la’aan leh ujeeddo ka duwan midda hawlgalka AMISOM sida: (1) Inay barakiciyaan tuulooyinka dhaca xuduudda (as a buffer); (2) In xuduudda laga dhigto meel xiisad joogta ah ka taagan tahay (disputed area); iyo (3) In la qariyo gacanta daahsoon ee saraakiisheeda kula shaqeystaan kooxda Al Shabaab. Warbixin uu Guddiga Khubarada Arrimaha Soomaaliya uu u gudbiyay Golaha Amniga ee QM November 2019, ayay ku xaqiiqsadeen in ilaa iyo 12 siiman isgaarsiin “telecom towers” ay burburiyeen ciidamada Kenya, (APNews – 15/11/2019). Khubarada ayaa xaqiijiyey bambooyinka lagu layo dadweynaha Soomaaliyeed inay yihiin “cluster munitions” oo mamnuuc ka ah caalamka (UN Press 15/06/2021). Hawlgallada Kenya waa dambiyo dagaal (war crimes) oo u baahan in loo gudbiyo Maxkamadda ICC. Debshide Ma Noqon Karo Debdemiye Dowladda Soomaaliya waxay tobankii sanadood ee tegay marar badan ugala hadashay dowladda Kenya iyo Midowga Afrika weerarrada soo noqnoqday ee aan kala sooc lahayn. Danjiraha Abuukar ayaa ergayga Kenya Danjire Michael Kapkiai Kiboino weydiiyey haddii duqeynta cirka ee baahsan iyo burburka joogtada ah ee hantida ay tahay nabad ilaalin. Nasiibdarro, gardarraysiga joogtada ah oo ay Kenya ku xasuuqdo dadka, duunyada, iyo hantida gaarka ah uma eka kuwa joogsan doono mustaqbalka dhaw. Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxay su’aal gelineysaa doorka nabad ilaalinta AMISOM. Sidaas darteed, ciidamada Kenya waa inay si degdeg ah looga saaro dalka. Gardarro Garab Og Kenya waxay isku hallaynaysaa garabka hiilo oo ay mar waliba ka helayso Ururrada caalimiga ah (Sida UA, IGAD, iwm), quwadaha waaweyn ee addunka (sida EU, France, UK, iwm) oo badidooda dano dhaqaale ka leh (ganacsi, maalgashi iyo baaris shidaal iwm), iyo xitaa dawlado horraantii saaxiib la ahaa Soomaaliya (Sida Jabuuti, Masar, Qatar, iwm). Haddii kale ma dhacdeen in dawladdaha lagu tirinaayo saaxibbada ay usoo jeediyaan Soomaaliya talooyin aan maangal ahayn sida inay dib uga gurato dacwada badda, waan waan la gasho amaseba la qaybsato bar iyo bar (50-50) khayreaadka ku jira badda Soomaaliya oo ay Kenya hunguriyaynayso. Malahaa waa sababta xanniibaada hubka ka dhigtay mid joogto ah si Dalka uu u yeelan cudud militari, iyadoo aysan jirin sabab muuqata oo sidaa loo yeelo. Kenya waxay rumeysan tahay in dhaqankeeda gurracan ay raali ka yihiin dalalka Yurub ee masruufa iyo kuwa hubka siiya AMISOM. Waxay filaysaa in dilka sharcidarrada ah ee loo geesto kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida rayidkaba aan lagula xisaabtami karin. Daaddaansigaas iyo ku xadgudubkaba ma soo noqnoqdeen haddii Dalka uu hub iyo saanad u heli laha Xoogga Dalka oo maanta diyaarka u ah. Ilaa la helo ciidan Soomaaliyeed oo hub iyo saanadba leh waa habeenkii xalay oo tagay in dalka uu ka guuleysto argaaggaxisada; waana arrinka ka dhigayso AMISOM inay sii joogto dalka. Malaha, adduunweynaha wuxuu ka doorbidayaa inuu malaayiin doollaar ku bixiyo ciidamo shisheeye (AMISOM) intuu arki lahaa Soomaaliya xur ah oo leh cudud ay kaga hortagto argaaggaxisada. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ciidanka Kenya waa in si deg deg ah looga saaro Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan. Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018. Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah. Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay ku yeeshee, Riyadh, waxay ku sheegeen in dalalka Khaliijka ay tahay in laga qeyb geliyo wada-xaajoodyada lala leeyahya Tehran, ayna diyaar u yihiin “inay ka wada shaqeeyaan in si dhab ah oo wax ku ool ah ay ula macaamilaan diiwaanka nukliyeerka Iran, ayada oo lagu saleynayo dhowrista iyo madax-banaanida iyo daris wanaagga.” Bayaanka ayay ku adkeeyeen “halista ka iman karta in heshiiska nukliyeerka laga reebo” cawaaqibka barnaamijka gantaallada Iran iyo taageerada Tehran ay siiso kooxo ka dhisan gobolka, waxayna ku booriyeen Tehran inay si dhab u gasho wada-xaajoodka si looga fogaado in xaaladdu sii xumaato. Sacuudi Carabiya iyo Iran oo xiriirka kala goostay 2016 ayaa bishii April waxay wada-hadallo toos ah ka billaabeen Iraq, si loo xakameeyo xiisadda gobolka. Reuters + VOA The post Dalalka Khaliijka ‘oo soo jeediyey’ dalab cusub oo la xiriira wada-hadallada Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Justice Minister Awil Sheikh Hamid yesterday defended the law banning practice of female genital mutilation in Puntland State of Somalia. “There is neither a Koranic verse nor a valid ruling in the Prophet’s traditions allowing for the practice of female genital mutilation” said Awil. The Justice Minister responded to criticisms that foreign organisations had sponsored the FGM law. “No foreign organisation is behind the law to ban the practice of the abominable FGM. It is our initiative based on legal principles“ added Awil. Garowe-based religious leaders have opposed the law passed by Puntland Parliament on 10th of June, 2021. “The law banning FGM contravenes our religion and values. There are valid traditions in support of female circumcision” said one Sheikh. “We have other priorities in Somalia such as building hospitals spokesperson for the religious. Pre-1991 Somali governments never entertained banning female circumcision” said another Sheikh. Known among Somalis as Pharaonic circumcision, female genital mutilation is a heinous traditional procedure that many Somali girls undergo. “I believe religious leaders and Puntland government object to FGM but they disagree on how to go about addressing it” said Saido Adan Mire, a senior public health worker. During 1980s the Military government of Somalia organised health awareness campaigns against FGM based on Sisters in Affliction, a book written by former Deputy Health Minister Raqiya Haji Du’aleh. FGM causes reproductive health problems for women. Egypt and Sudan banned FGM several years ago. Puntland government has been commended for submitting the anti-FGM law to Puntland Parliament. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Justice Minister Defends FGM Law appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Milatariga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in ay saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo malayshiyaad la socday. Taliska ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay tuulada Jalable ee Gobolka Shabeellada dhexe, islamarkaana lagu dilay horjooge Jaamac Dheere iyo 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Horjooge Jaamac Dheere ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda Gobolka Shabeellad dhexe, sida ay sheegeen Miltariga Soomaaliya. Sidoo kale waxa hawlgalkaas lagu dhaawacay ilaa 24 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab, sida ay werisay wakaaladda SONNA. Waxa xusid mudan in aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen horjooge iyo dagaallamayaal ka tirsan Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
China is the world’s largest official creditor, but we lack basic facts about the terms and conditions of its lending. Very few contracts between Chinese lenders and their government borrowers have ever been published or studied. This paper is the first systematic analysis of the legal terms of China’s foreign lending. We collect and analyze 100 contracts between Chinese state-owned entities and government borrowers in 24 developing countries in Africa, Asia, Eastern Europe, Latin America, and Oceania, and compare them with those of other bilateral, multilateral, and commercial creditors. Three main insights emerge. First, the Chinese contracts contain unusual confidentiality clauses that bar borrowers from revealing the terms or even the existence of the debt. Read more Source: PIIE The post How China Lends: A Rare Look into 100 Debt Contracts with Foreign Governments appeared first on Puntland Post.
-
Dooroonnayaal, ha Noqonina Kuwo Lagu Hungoobo WQ: Xuseen Cali Nuur Qalabka farsamo ee ciyaartoyga iyo niyadda ay ku ciyaaraan, marka ay garoonka galaan waxay ku xidhan yihiin tababarka ay qaateen iyo hadba dareenkooda, sida loo diyaariyo inta aanay garoonka gelin ka hor. Waxa kale oo ay ku xidhan yihiin jawiga guud ee ku geddaaman ciyaarta. Waxa taas la mid ah loolanka siyaasiyiinta dhawr xisbi dhex mara xilliga doorashada. Qaabka doorashadu u dhacdo, laga bilaabo maalinta ololaha la bilaabo, maalinta codeynta, ilaa dharaarta lagu dhawaaqo natiijada waxay ku xidhan yihiin: Mabaa’dida axsaabtaasi ay leeyihiin. Nooca doorashada, dhaqanka shacbiga iyo ujeeddada iyo hadafka hadba doorashadaas laga leeyahay. Guusha doorashooyinkii isku sidkanaa ee indhaha dunida soo jiitay, caalamkuna la yaaban sida ay innoogu suurtogashay, waxa u sabab ah arrimo dhawr ah. Shacbiga Somaliland oo xornimada iyo madaxbannaanida jecel, waayo-arag u ah doorashooyinka, horena u soo maray gumaysi iyo nidaamka Taliska kaligii taliyenimada. Shacbiga oo waayo-arag u ah faa’iidooyinka halka qof iyo hal cod ah, iyo nabad ku wareejinta xilalka kala duwan ee Madaxtooyo, Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose. Waxa ahmiyad gaar ah leh qaabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu dhaqanto dimuqraadiyadda oo aan ahayn, mid iyadoo duuduub ah la soo waariday, balse ah mid lagu saleeyey hannaan dhaqameed iyo deegaameed oo munaasib ku ah shacbiga Somaliland. Dhaqameynta iyo deegaameynta oo wixii mushkilad ah ama iska-hor imaad kasta hore loogu soo xaliyey, iyadoo la isku tashanayo, Ilaahayna la talo saaranayo, lagana ilaalinayo farogelin shisheeye. Saddexda xisbi qaran oo leh mabda’ kaliya. Mabda’aas oo ah in dalka la horumariyo, loona raadiyo aqoonsiga ay xaqa u leedahay, waxayna taasi shacbiga iyo dalka ka badbaadisay kala-qaybsan siyaasadeed oo ay xisbiyadu yeeshaan. Mabda’a mideysan waxa muujiyey faa’iidadiisa madaxda xisbiyada, murrashaxiintii iyo taageereyaasha oo caddeeyey inay ku kala duwan yihiin oo kaliya qaabka dalka loo dhisayo, loo hormarinayo iyo aqoonsiga loo raadinayo. Hadafka middaysan waxa ka dhashay inay isku goob ka wada codeeyaan taageerayaasha saddexda xisbi, iyagoo astaamo kala duwan sita. Waxa kale oo faa’iidada ka mid ah inay ka marag kacayaan in xisbiga talada hayaa aan looga baqin ku shubashada doorashada. Xildhibaannada la dhaariyey ama kuwa la dhaarin doono ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, waxaan xasuusinayaa, in dalka iyo deegaannadooda horumarkoodu ku xidhan yihiin, hadba danta guud sida ay uga horumariyaan danahooda gaar ahaaneed. Waxaan xasuusinayaa in Ilaahayna xisaabin doono inay maanka ku hayaan. Waxaan leeyahay mar haddii aan kala duwanaansho fikir siyaasadeed oo kala fogeynayaa aanu jirin, in sida ay ololaha ku galeen, shacbigana ugu ballanqaadeen inay ku dhaqmaan, kuna shaqeeyaan. Waxaan kula dardaarmayaa “Dooroonnayaal ha noqonina kuwo lagu hungoobo; balse noqda kuwo dalka iyo dadkuba u aayaan. Qallinkii Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Qaran News
-
Somaliland: Eastern Africa’s Strongest Democracy During thirty years in the cold of non-recognition as a state by the international community and the African Union, Somaliland has engineered a unique hybrid democracy that’s possibly the most impressive in the Horn and Eastern Africa. Built on a foundation of traditional institutions and painful memories of war between 1980 and 1991, quietly and without external interference the small country has successfully built a resilient democracy with a capacity for self-correction; and, a peaceful society that demonstrates what’s possible when a people get the software right and trust informs relations between a people and those who govern them. Theelephant Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gabar 23 jir Soomaali ah oo laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard. Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii. “Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa. “Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yiri. Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsan ee dukaanka Xafsa ayaa muujiyey ayada oo dukaanka galeysa saacadda marka ay aheyd 4:44pm Talaadadii, ayada oo ay wehliso gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab. Labada gabar ayaa durba u baxay deegaanka Kayole, ayada oo aan la ogeyn sababta. Waxaa hadda soo baxday in sidoo kale Xafsa Cabdulwahaab oo qare ku iibisa deegaanka Kayole iyana la’a yahay. Galabkii Arbacadii, kooxda afduubka gaysataya ayaa soo dirtay muuqaal 35 ilbiriqsi ah oo muujinaya Xafsa Maxamed Luqmaan oo indhaha ka daboolan, gacmaha iyo lugahana laga xiray, ayada oo ay ka muuqdaan jir dil. Xafsa ayaa la maqlayey ayada oo qoyskeeda ku leh “Waa ley afduubtay, waxayna dalbanayaan madax furasho, fadlan siiya.” Qoyska Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa hadda dalbanaya in si deg deg ah loo soo faro-geliyo arrintan. Sidoo kale qoyska Xafsa Cabdulwahaab, ayaa iyagana booliska ka codsaday inay caawiyaan gabadhooda. The post Lacag malaayiin ah oo laga dalbaday gabar Soomaali ah oo laga afduubtay Nairobi, iyo mid labaad oo la la’yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu waday inuu ka qeyb-galo. Farmaajo ayaa kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirkaas, ayada oo qorshaha uu ahaa in shirkaas kadib uu kulan-doceed la qaato madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia. Xogta ayaa sheegaysa in Farmaajo uu ka qeyb-galka shirkaas uga baaqday sababo la xiriira xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka, xili uu dhawaan dalka u jiheystay dhanka iyo doorasho, kadib heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Baaqashada safarka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sidoo kale qeyb ka ah xiisada ka taagan dhalinyaradii tobabarka ciidaminimo loogu qaday dalka Eritrea oo xaaladooda kasoo dareyso, xili ay xukuumadda u saartay arrintaas guddi baaris ku sameeya. Wararka ayaa intaas kusii daray in qorshaha safarka Farmaajo ay si gaar ah u daneynayeen dowladah Qatar iyo Turkey oo ayagu maalmihii u dambeeyay ka wada-shaqeynayey kulan gaar ah oo dalkaas ku yeeshan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kadib dib u soo celintii xiriirka labada dal. Safarka Farmaajo ee Turkiga ayaa fursad cusub u noqona lahaa dhidibo u taagida xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay aamisan yihiin xukuumaddaha Ankara iyo Doha, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ragaadiyey mad-madow badan, inkasta oo labada dal ay isku raaceen dib u soo celinta wada-shaqeyntii ka dhaxeysay. The post Xog: Farmaajo oo ka baaqday safarkii Turkiga + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiro ka tirsan Puntland oo difaacay xeerka muranka dhaliyay ee gudniinka gabdhaha Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis saxiixa oo ku soo arooray gudniinka gabdhaha. “Gabdhaha gudniinkooda sharciga Islaamka markii la eego, waxaa wax laga qaataa kitaabka, sunnada Nabiga SCW iyo umadda qiyaasteeda, hal Aayad oo sheegaysa in ay ku soo aroortay gudniinka gabdhaha ma jirto, hal Xadiis oo saxiixa oo sheegaya in gabdhaha la gudi karana ma jiro” ayuu yiri Cawil Sheekh Xaamid. Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa axaadiista ay culimada qaar u daliishato gudniinka gabdhaha ku tilmaamay kuwo daciifa oo aan axkaamta loo xujeysan karin. Wasiir Xaamid wuxuu xusay in cidii dood sharciyeed ka qabta xeerka gudniinka gabdhaha ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay kala hadasho arrintaas. Sidoo kale wuxuu sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha yahay mabda’ ay qabto Xukuumadda Puntland, aysana jirin cid gaara oo gadaal ka riixaysa. Wasiirka Caddaaladda ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland ugu jawaabayeen qaar ka mid ah culimada oo ka hormiyid xeerka gudniinka gabdhaha ee horyaalla Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Puntland: Ma jirto Aayad iyo Xadiis ku soo arooray gudniinka gabdhaha appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamul ku meelgaar ah u magacaabay degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal. Cabdisiciid Faarax Maxamed oo loo garan-ogyahay Cabdisiciid Araab ayaa si ku meelgaara loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Godobjiraan. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Godobjiraan ayaa loo magacaabay Axmed Faarax Maxamed. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhawaan ku guuldareysatay in ay gole deegaan u dhisto degmada Godobjiraan. PUNTLAND POST The post Maamul KMG ah oo loo magacaabay Degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Rahel, a rape survivor in the Tigray region of Ethiopia. Credit…Lynsey Addario Meet Rahel, 19, a human face of a brutal ethnic cleansing now underway in Ethiopia.“There were three soldiers,” she said as she lay on a bed in a crowded hospital. “They were asking me to take off my dress. I refused. I said, ‘You can kill me. ’”The men paid no heed and gang-raped her, part of a scorched-earth counterinsurgency campaign of murder, rape, pillage and famine by Ethiopian and Eritrean troops against rebels and also against innocents like Rahel in the Tigray region of Ethiopia. Countless thousands of Tigrayans have already been killed, and tens of thousands of children are in imminent danger of starving to death. This month the United Nations declared that Tigray was in the midst of the world’s worst famine in a decade. Tigray has attracted little attention, partly because Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has kept out most journalists (expelling one working for The New York Times), so there aren’t many photos or video clips of the suffering. These photos were taken by Lynsey Addario, a conflict photographer and old friend who happened to be in Ethiopia to shoot photos for National Geographic, a visit approved long before the latest attacks. She interviewed nine women who had been raped as part of the ethnic cleansing. Rahel told Addario: “When I got home, I told my mother that I was raped and that I thought I might be pregnant. My mother kicked me out of the house and said, ‘How can you get pregnant with these killers?’” Rahel was being treated at a hospital in Tigray that soldiers had looted earlier. A hospital official said troops had carried off everything that they could and destroyed the rest, including X-ray machines, neonatal equipment, the contents of an OB-GYN center, pharmaceuticals and even medical records. The violence follows decades of ethnic tensions in Ethiopia. For many years, Tigrayans ruled the country harshly, but Tigrayan domination ended in 2018, and Prime Minister Abiy initially won the Nobel Peace Prize for taking genuine steps toward peace and democracy. Then last November he dispatched armed forces to crush a mutiny in Tigray, leading to civil war. Abiy then invited in Eritrean soldiers who have been particularly brutal toward Tigrayans and who now seem unwilling to leave. A Times colleague reported that soldiers had beaten a man to death with beer bottles. The United Nations reports that girls as young as 8 have been targeted for sexual assault. CNN chronicled a massacre of people attending Mass at a church. In contrast to other countries where atrocities are unfolding, including Myanmar and Syria, Ethiopia is one where the United States has considerable influence, if we will use it. President Biden has denounced the “large-scale human rights abuses.” Secretary of State Antony Blinken has bluntly referred to “ethnic cleansing,” and the United States has imposed visa sanctions on some Ethiopian officials. That’s all welcome but seems tepid in the face of mass atrocities and starvation on this scale. I worked with Biden during the Darfur genocide and I know he cares about distant suffering; after seven months of brutality in Tigray, we need to see more signs of that concern.The newest catastrophe in Tigray is mass starvation, with the U.N. reporting that 350,000 people are already suffering famine conditions. “This is going to get a lot worse,” said Mark Lowcock, the U.N. humanitarian chief. The famine appears in part a tactic to starve a restive people into submission. Ethiopia has allowed some assistance, but soldiers have blocked or impeded much emergency aid, and Addario talked to one farmer who had four sons shot dead for working in their fields.Shamefully, the U.N. Security Council has yet to discuss the crisis publicly. That’s because China and Russia are preventing a public meeting, claiming that this is Ethiopia’s internal matter. Here is a photo Addario took of a 5-year-old girl screaming in pain as her wounds were being cleaned after her family home was destroyed. An internal matter? Addario says nine people in the house were killed, including the girl’s sister, mother and grandfather. When governments turn weapons on their own people, that is no longer a domestic affair. That is a challenge to our shared humanity. “Rape is being used systematically to terrorize and brutalize women and girls,” Lowcock told a closed session of the Security Council this week, according to a copy of his remarks that I obtained. “Eritrean soldiers are using starvation as a weapon of war. … Aid workers have been killed, interrogated, beaten, blocked from taking aid to the starving and suffering and told not to come back.” We can’t stop every atrocity. We can’t avert every murder or rape. We can’t save the life of every starving child. But this is a rare case where we do have significant leverage: Ethiopia is the largest recipient of American aid in sub-Saharan Africa and a close security partner of the United States. We should apply every ounce of leverage we have to rein in a savagery in Tigray that increasingly reeks of genocide. Source: New York Times The post Don’t Turn Away From These Images and These Crimes appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham. The post Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baarlamanka 2021? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed. Rooble ayaa hadalka sheegay isaga oo maanta golaha wasiirada, oo Muqdisho ku shiray siiyey warbxin kooban oo ku aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka dalka kadib heshiiskii laga gaaray is-mari waaga doorashada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xubnihii guddiyada ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 la soo wada dhammeystiray, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa. Madaxweynaha Galmudug oo ahaa kii ugu dambeeyey ayaa maanta Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada ee matalaya Galmudug, wuxuuna magacaabay saddex xubnood oo guddiga doorashada ah iyo xubin guddiga xalinta khilaafaadka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonto doorasho hufan oo daah furan, iyadoo oo sida uu sheegay la ilaalinayo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha qaran ee la soo dooranayo. Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa maanta warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in howlaha lagu xaqiijinayo amniga ay si wanaagsan soconayaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, jab xoogganna ay gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Golaha u soo bandhigtay xaaladda deegannada ay saameeyeen fatahaaduhu iyadoo xustay dadaallada dowladdu ay hoggaaminayso ee gurmadka loogu fidinayo dadkeenna ay saameeyeen fatahaaduhu. Ugu danbeyn Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey Habraac Shaqo siinta dibadda ee Shaqaalaha Xoogsatada Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay, golahana horkeentay Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha. The post Rooble oo war cusub kasoo saaray guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.