Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibsiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisa oo heshiis la galay xisbul xaakimka Kulmiye, kaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, ayna wajahi doonaan cawaaqib adag. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadaas oo qeyb ka noqday qorshe uu wato Muuse Biixi, islamarkaana isku dayey inay meesha ka saaran isbaheysigii ay xisbiyada mucaaridka sameysteen si ay xisbul xaakimka Kulmiye uga horjoogsadaan in uu saameyn ku yeesho hogaanka sarre ee golaha wakiilada Somaliland. Waxa uu heshiiskaas ku macneeyay mid “hareer-marsan xeerka iyo dastuurka xisbiga Ucid”, islamarkaana la marsiin doono cawaaqib adag, inkasta oo uusan si cad u sheegin nooca tallaabo ay ka qaadanayaan xildhibaanada, balse sida ugu dhaqsaha badan u wajahi doonaan. Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya maalin un kadib markii ay xildhibaano ka tirsan xisbiga Ucid iyo Kulmiye ku dhawaaqeen heshiis is-afgarad oo ay iskaga taageerayaan doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi u wado Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland. Heshiiska shalay ayaa ahaa mid lama filaan ah, maadama ay hore xisbiyada mucaaridka u sameysteen isbaheysi cusub, si ay xildhibaanada xisbiyada Ucid iyo Waddani u kala qeybsadaan hogaanka golayaasha deegaanka iyo wakiilada. The post Xildhibaano la saftay Biixi oo wajahaya ‘cawaaqib adag’ appeared first on Caasimada Online.
  2. Golaha midowga musharixiinta xilka madaxweyne ayaa walaac ka muujiyay sida ay socdaan howlaha doorashada islamarkaana baaq u diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha ayay ka soo saareen bayaan ay ku caddeynayaan qodobada caqabada ku hor-gudban habsami u socodka hannaanka doorashada. Golaha ayaa shir deg deg ah u soo jeediyay in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-gobolleedyadyada, si ay uga tashtaan caqabadaha hadda taagan. Sidoo kale golaha ayaa sheegay in ay weli jirto faragalin uu nidaamka doorashada ku hayo madaxweyne Farmaajo. Walaaca golaha ayaa ku soo aadaya xili dhowaan guddiga doorashada ay soo saareen jadwalka doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaaka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo walaac ka muujiyay qabsoomidda doorashada appeared first on Puntland Post.
  3. Shirka Wafuuda labada dhinac uga socday Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa ku guul-daraystay inay Heshiis Xabbad-joojin gaaraan muddada lagu jiro Maalmaha Ciidda Al-Adxa oo berrito loo dabaaldegayo. Afhayeenka Xafiiska Ururka Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda Qatar, Maxamed Naciim ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, Kulan 2 maalmood oo ay Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan yeesheen. Waxa uu xusay in lagu heshiis waayey Xabbad-joojin iyop in Maxaabiista Taalibaan la sii daayo. Warar ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin socon doonta maalmaha lgu guda-jiro Ciidda, balse, ma jiraan war rasmi ah oo Ururka Daalibaan xaqiijiyeen. PUNTLAND POST The post Dowlada Afgaanistaan iyo Daalibaan oo ku fashilmay in ay xabad-joojin gaaraan appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa hawlgalo mina baaris ah ka wada degaanka Camaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug. Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay degaanka ka nadiifinayan miinooyinka ay ku aaseen Al-shabaab mudadii dagaalladu ka socdeen Camaara iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka wada koonfurt Mudug appeared first on Puntland Post.
  5. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda ugu baaqaysaa inay sii dayso dadka sifaha aan sharciga ahayn uxidhan. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay sii dayso 42 qof ee u xidhan calanka Somaliya, kuwaas oo la laga soo xidhay Boorama, 26 June 2021. Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabilay, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabilay. Sida ku cad Qodobka 25 (2) “ee dastuurka Somaliland “ Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”. Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Datuurka. 13 Julay 2021, waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku booqatay xabsiga Gabilay, oo ay ku xidhan yihiin 35 hablood oo Boorama laga soo xidhay, si ay ugu kuurgasho xaaladooda, waana laga horjoogsatay xarunta booqashadaas. Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar ka mida eheladii dad ku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay “qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah. Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1)” waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.” Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dhamaan dadka xidhan, isla markana ixtiraamto dastuurka dalka. Yaasmiin Cumar X. aaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana Press release Human Rights Centre calls on the government to release 42 arbitrary detainees. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to release 42 people arbitrarily detained without charges for showing Somalia’s flag on 26 June 2021. They are detained in two different prisons, and they are not charged with a crime. On 13 July 2021, Human Rights Centre visited Gabiley Prison to inquire about the wellbeing of the individuals detained from Borama for wearing the Somalia flag outfits. The purpose of the visit was to see the condition in which the detained persons were in and if any of their rights had been violated. The Prison authorities refused Human Rights Centre’s representatives to meet the detainees in the Prison. Human Rights Centre interviewed prison guards and family members. Thirty-five (35) women are detained in Gabiley Prison whom all were detained from Borama on 26 June 2021 for showing Somalia’s flag or wearing flag outfits. The detainees were apprehended without a court warrant. They are not charged with a crime, and they are not brought to court. Additionally, seven (7) people are detained in Borama Prison for the same grounds with the same conditions. According to article 25(2) of the Somaliland constitution, “No person shall be deprived of his/her liberty except in accordance with the law.” The law prohibits detention without a court warrant unless the person is caught in the act of committing a crime. The constitution further states that detained persons “have the right to be brought before a court within 48 (forty-eight) hours of her/his arrest,” according to article 27(2) of the constitution. Family members told HRC that they are not allowed to meet the detainees in Gabiley Prison. Article 27(1) of the constitution states, “Any person who is deprived of his/her liberty has a right to meet as soon as possible his/her legal representative, relatives or any other persons he asks for.” The authorities violate fundamental rights enshrined in Somaliland’s constitution and international human rights instruments. The 42 people are detained without trial for expressing opinion. Article 32(1) of the constitution stipulates that “every citizen shall have the freedom, in accordance with the law, to express his opinions orally, visually, artistically or in writing or in any other way.” We call on the government of Somaliland to release the detainees immediately, stop arbitrary detentions and respect the freedom of expression enshrined in the constitution. Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson, Human Rights Centre, Somaliland Twitter: @hrcsomaliland — Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
  6. My take out of that debate was disappointing indeed Whether they deliberately disregarded or unconsciously omitted They didn’t sufficiently talked about what the diaspora is to Somaliland 1_ the Diaspora saved Somaliland during the Afwayni economic strangulation 2_ they were the back bone of SNM the Somaliland libration 3_ they were the only resources for the reconstruction of the new liberated Somaliland 4_ They were and still are the economical resources of hundreds of thousands of Somaliland families. 5_ they have invested the country mentally and materially. They built Somaliland 6_ Around 80% of the national budget of all the successive governments of Somaliland came and still comes from diaspora the debaters called “qorba joog” As Somaliland forgot the martyrs who sacrificed their lives for Somaliland the debaters did intentionaly forgot what the diaspora did for their country. It was all envy and ignorance The qorba joog and the wolqol joog was created by the Afwani suicidal regime. We all became refugees, internal ones and diaspora. However both of them are citizens of Somaliland. They created a wedge and and a division between the bothers and sisters. Tribal divisions are enough The thing I regret most was that the new and popular Mayer of Hargeisa has participated that disappointed debate and like most of the participants vilified and diminished the role the Diaspora played in building the second Republic of Somaliland The Mayer fumbled and dropped the ball there I hope he will grow in time By the way I still trust the morality of the new Mayer. He must unite all the citizens of Somaliland, he must not divide them, uniter and not divider I assume you are not a divider. Somaliland must at least respective their diaspora brothers and sisters who immensely contributed to our country Mead’s observation 2021-07-18, 04:36 – Ibrahim Mead: PS: most of the participants including the new mayor were not respectable to the Diaspora at times their tone was discriminative In one moment the mayor said” we don’t want them to come back with empty pockets” what ever that means Well, they are citizens and they can come back home with or with out money, dead or alive however they come home with money and the ” qolqol joog” is the receiving end in some way or the other In the end we are all brothers and sisters sharing one home land. Show quoted text Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah. “Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:” 1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan. 2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin. 3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah. 4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay. 5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo. Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay. “Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Xukuumadda iyo Madaxda Dawlad goboleedyada in ay si deg deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa imaan kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta. Golaha ayaa ugu dambeyntii war-saxaafadeedkaan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay faragelinta uu Madaxweynaha xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka. The post Midowga Musharaxiinta oo soo saaray 5-qodob oo muujinaya in doorasho xor ah aysan ka dhaceyn dalka appeared first on Caasimada Online.
  8. Midawga musharixiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saaren waxa ay walaac kaga muujiyeen xaaladaha cakiran ee ku horgudban qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in welli ay jiraan qodobo muran uu ka taagan yahay oo aan la xalin. Musharixiinta ayaa sidoo kale warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay ku sheegen in arrima ay ka midyihiin Khilaafka Beladweyne, Somaliland iyo Lacagta doorashada oo aan la heyn ay sura gelin karaan in aysan qabsoomin doorasho xor iyo xalaal ah. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  9. Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. The post TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaaday maamullo kale appeared first on Caasimada Online.
  10. Addis Ababa (PP News Desk) — The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed has posted a controversial Amharic tweet that describes Tigrayans as “weeds” to be removed. “We will work to remove the weed. But while removing the weed, we will try our best not to damage the wheat” tweeted Abiy Ahmed. Winning a Nobel Peace Prize has not prevented Abiy Ahmed from using a dehumanising language against his fellow citizens in Tigray. About his decision to call up regional forces to fight alongside Amhara’s extremist Fano militias, Abiy Ahmed paints a picture of all Ethiopian ethnicities fighting another ethnicity: “The children of Ethiopia have risen from all four corners to undo the plans of the junta. This itself is a victory. The children of Ethiopia have identified their enemy. In our country, we weed [out] collectively. And this is what the children of Ethiopia are doing”. Abiy’s tweet normalises persecution of Tigrayans. Observers alluded to the Ethiopian Prime Minister’s characterisation of Tigrayans as a clear example of a dehumanising language that resulted in persecution of Tigrayans by Amhara militias, Eritrean forces and Ethiopian National Defence Forces. “The silence of the International Community about the unfolding genocide in Ethiopia is deafening” said a human rights lawyer in Addis Ababa. © Puntland Post, 2021 The post Abiy Ahmed Threatens to “Weed Out” Tigrayans appeared first on Puntland Post.
  11. Maamulka Dugsiga Shiikh Ibraahim Oo Qalab Computer Kala Wareegay Jaamacada Adimton Source
  12. Waxaa gebi ahaan lagu wadaa in berri oo Isniin ah ay soomaan dadka muslimiinta ah, ee ku nool daafaha caalamka. Bisha Xaj ayaa berri ku beegan maalinta sagaalad oo ay xujeeyda taagan yihiin banka carafo. Soonka berri ayuu rasuulku sheegay in qofka loo dambi dhaafo dambiyadi uu galay sanadkii la dhaafay iyo midka soo socda. Sagaalka bisha Xaj ayaa sidoo kale ah maalintii la dhameystiray diinta Islaamka, allena uu yiri ” Maanta waan idiin dhameystiray Diinta, Waxaana taamyelay dushiina nimcadeyda Waxaana Raalli idiin kaga ahay diinta Islaamka”. Akhriso Fadliga Soonka Berri. Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan mar la waydiiyay uu yidhi (soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda). Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taagay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray. Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yidhi:- Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo. Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay. Ugu horeyn war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah: 1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka. 2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay. 3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. 4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada. Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin. “Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Saalax oo u waramay Dalsan TV The post DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyey inay ka mashquuleen shaqadii Qaranka, isla markaana ay u xuub siibteen olollaha shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo raadinta & raacdada Xildhibaano kooramka Golaha Wakiillada u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Wasiiradda ugu tunka weyn leh Xukuumadda Biixi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan sal dhigan xafiisyaddood,kuwaas oo la sheegay in aanay qaarkood-ba ka soo xaadirin xafiisyadood, kuwaas oo ah qaar ku mashquulsan doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland . Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-” Maamulkii Dawladda ayaa laga fadhiistay shaqadoodii oo wasiiraddii waxay ku mashquulsan yihiin doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada” Xildhibaan Cumar Dhanka kalena Wasiiraddan shaqadii Qaranka ay u hayeen ee rasmiga ahayd ka door-biday olollaha shir guddoonka ayaa iskugu jira laba qaybood oo kale ah wasiiro doonnaya inay iska dhaadhiciyaan Madaxweyne Biixi iyo qaar ka baqanaya in xilka laga qaadayo oo is-daad raacinaya hawlaha socda. Geesta kalene dhawr iyo toban Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ay shalay xafiisyadoodii haawanayeen,isla markaana ay xidhnayeen,kuwaas oo ku mashquulsanaa doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo ka baxsan shaqadii Bulshada ay u hayeen, isla markaana aan meel-na ka soo gelin,waxaanay ka ahayeen wasiiradda shalay jibaysnaa ee xafiisyadoodu xidhnayeen kuwan:- Wasiir Maxamed Kaahin Axmed Wasiir Siciid Sulub Maxamed Wasiir Axmed Muumin SeedWasiir Maxamed Muuse Diiriye Wasiir Shugri Xaaji Baander Wasiir Xasan GaafaadhiWasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Wasiir Axmed Toorno Wasiirka wasaaradda dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiir Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, Wasiir Maxamed Axmed CawadWasiir Maxamuud Sacad Saajin Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Xinif Mareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage . Si kastaba ha-ahaatee Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan qaarkood muddooyinkii ugu dambeeyey aanay furrin xafiisyadooda,isla markaana aanay ka ag-wareegin Wasaaraddaha ay maamulaan,kuwaas oo u xuub-siibtay raadinta Xildhibaano kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Source
  15. Warar Wargeyska Waaberi ka helay ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici uu ka biyo diiday xubnaha Musharraxinta shir guddoonka Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE u xulay,iyadoo meesha laga saaray in lagu darro Xildhibaannada reer Awdal ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay,isla markaana laga doorbiday Xildhibaano ka soo baxay UCID oo aanay qaarkood hal Xildhibaan ka wadda beelahooda. Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,ayaa wararku sheegeen inuu si cad ugu biyo diiday shaxda Musharraxiinta KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo uu arko in aanay wax dan ahi ugu jir Gobolka Awdal,isla markaana cid gaar ah loogu danaynayo. Dhanka Kalena Xoggaha ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer Awdal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Gobolkaas.Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen. Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen shalay ila Xalay, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada reer Awdal ee la xidhiidha arrintani ay soo taxnaa, tan iyo markii ay xubna u cadaatay in Qasriga Madaxtooyaddu go’aansaday in xubnaha xisbiga KULMIYE u xulayo Musharraxiinta shir guddoonka Golaha Wakiilada in aan lagu darin reer Awdal. Inkastoo sida xogguhuu ka dhawaajiyeen uu hadda bilow yahay dhaq-dhaqaaqyada indho-indheynta ah ee reer Awdal ay ku sahan-sanayaan Jabadkey u digo-rogan lahaayeen iyo halkii ay ku jirto danta degaankooda iyo danta Qaranka ee ay marin lahayeen codka Xildhibaannadooda oo middaysan Si kastaba aha ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha soo socda, waxaana la oggaan doonna halka ay maraan aqlabiyada Xildhibaannada Reer Awdal Xigasho: Waabari Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay afar Xildhibaan oo ka soo baxay UCID oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi, isla markaana uu markii hore diiday KULMIYE inay iska sharraxaan,kuwaas oo uu fursado siiyey Xisbiga UCID, balse nasiib darro markii ay soo baxeen carrooga qaybaalada looga afuufay Madaxtooyadda,iyagoo halkaas iska xaadiriyey. Siyaasi Cali Guray oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay ” Niman la yidhi Berbera ayey ka soo baxeen oo Xisbiga UCID ayey ka soo baxeen oo waa saddex iyo nin Hargeysa ka soo baxay saw afar maaha ,afartaasiba UCID ayey ka soo baxeen, waxa la igu leeyahay farta ayaa loogu yeedhay oo waxa la yidhi saw niman reer Habela ma tihidin waar xaggan soo mara.” Dhanka kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in markii hore uu KULMIYE diiday inay iska sharraxaan”Nimankaas markii hore inay iska soo sharraxaan waa loo diiday UCID ayaa bannaanka ka qaatay oo soo saaray .” Sidoo kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto in Xildhibaannada Beelaha kale ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE inay qadaan jidkaas qaybyaaladeed ee uu jeexay Madaxweyne Biixi,”Waxa aan ka baqayaa inay keento taasi illayn ragga lama xiniinyo taab-tee marka aad in taada reer Hebel halkan soo mariso in kuwa reer hebel oo xaggan joogaa ay yidhaah-daan annana xaggan ayaanu marnay.” Source
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Khilaaf u dhaxeeyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa la xaliyay, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay markii baarlamaanka Jubaland ay Axmed Madoobe u sheegeen in kaliya ay codkooda siin doonaan Senatorkii siiya 5 kun oo dollar xildhibaan kasta, laakiin aysan ka yar ku dooran doonin xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Jubaland. Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dhowr bil oo mushaar ah uu ka maqanyahay, islamarkaana ay qorsheesteen in Xildhibaanka kasta uu helo ugu yaraan 40 kun, haddii qof kasta bixiyo 5 kun, sidaas darteed xubnaha uu rabo Axmed Madoobe uu ka bixiyo lacagtaas ama uusan ku tashan codkooda. Murankan ayaa hadda la xaliyey, ayada oo Axmed Madoobe uu ogolaaday inuu xildhibaanada siiyo lacagta ay dalbadeen. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku dayaya in uu soo saaro Senatoro uu ku kalsoonyahay, iyadoo ay sidoo kale ku daba-feylan yihiin saaxiibo badan oo difaac u ahaa intii uu culeyska kala kulmayay Villa Somalia. Xildhibaanada dowlad gobaleeedyada ayaa badanaa xiligaan oo kale lacag ka sameeya doorashada xubnaha Aqalka Sare oo sanadkaan ka adag doorashadii hore. Xildhibaanada Aqalka Sare oo ay dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyada ayaa ah kugu ugu fudud ee madaxweyne goboleedyada musuq-maasuqi karaan, kana dhiga karaan cidda ay doonaan, marka loo eego kuwa golaha shacabka oo ay dooranayaan ergooyin. The post Qorshaha Axmed Madoobe uu kusoo saarayo Senataro taabacsan oo la is-hortaagay appeared first on Caasimada Online.
  18. Maamulka jubbaland ayaa shuruudo ku xiray xoolaha laqalayo maalinta ciidda. Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaarisay sheybaar lagu hubinayo caafimaadka xoolaha ka hor intaan la qalin. Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay goobo lagu qalo xoolaha ay u diyaarisay. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Jubbaland. Source: goobjoog.com
  19. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu maanta ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska. Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray, halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF. Maamulka Soomaalida ayaa noqonayaa maamulkii afaraad ee ku biira dagaalka gobolka Tigray. Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ee Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga. Go’aanka uu maamulka Soomaalida ciidamada ugu diray gobolka Tigray ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka. The post Ciidamada Is-maamulka Soomaalida oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka Tigray appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar, ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowlad deegaanka oo uu shegay in loo diyaariyay in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socda dalka Itoobiya. Cagjar ayaa sidoo kale sheegay ciidamadaan oo au tiradoodu badan tahay in ay garab istaagayan kuwa militeriga dalka Itoobiya. Ciidamada dagaalka loo diyaariyay ayaa ah kuwa soomaali ah. Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa sii xoogeystay saacadihi la soo dhaafay xilli Ra’iisul wasaaraha uu ku baaqay howlgal culus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu ( Wararka PP) —Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qora taariikhda Soomaaliya ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo xoogagga Tigreega. Ingriis oo ka qabgalay dood, ayaa sheegay inay bannaan tahay in wax kasta la sameeyo si looga hortago soo noqoshada TPLF. Wuxuu taageero u muujiyay baaqa ka soo yeeray qowmiyadda Amxaarada oo doonaysa in qowmiyadaha kale ee Itoobiya u midoobaan la dagaallaanka TPLF. Tigreega ayaa dib u qabsaday degmooyin Amxaaradu xoog kula wareegtay dhowr bilood ka hor. Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu qabaa in Amxaarada loo gurmado si ay Tigreega iskaga dhiciyaan. Dooddu waxay ku saabsanayd dadaalka uu Madaxweynaha Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wado si ciidanka Liyuuga loogu diro gobolka Amxaarada si ay dhiggooda ugu daadiyaan Amxaarada oo dagaal kula jirta Tigreega. “Ma garan karo sababta Maxamed Xaaji Ingriis ugu baaqay in Soomaaliya dirto ciidaammo Gondar iyo Gojam ka dagaallama si ay Amxaarada u difaacaan” ayuu yiri Cali Aadan oo ah arday wax ka barta mid ka mid jaamacadaha Muqdisho. Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada qorshe ku sallaysan sarraynsiinta Amxaarada. Wuxuu dhowr jeer xusay dagaalkii 1977kii isagoo tusaale u soo qaatay dagaal ka dhacay buurta Kaaramardha. © Puntland Post, 2021 The post Maxamed Xaaji Ingiriis: “Waa inay Dowladda Soomaaliya Ciidammo u Dirto Itoobiya” appeared first on Puntland Post.
  22. Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool. Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa G/sare Aadan Maxamed Cabdi loogu magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool. Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash Garoowe: 18 July 2021: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Wuxuu u magacaabay:- G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo xil magacaabay appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay guddiga dib u hishiisinta gobalka gedo oo shalay soo gabagabeyay wadahadallo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka. Guddigan oo uu hor boodayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxweyne kuxigeenka warbixin ka siiyay xogtii ay ka soo aruuriyeen gobalka iyo sidii loo xaliyay khilaafki taagna. “Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowladd Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolkaa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooya Jubbaland. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com