Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab ayaa u gooddiyay ergada doorashooyinka ee Soomaaliya ee lagu wado inay ka qeybqaataan doorashooyinka soo aaddan. Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah, oo khudbad munaasabadda ciidda awadeed u soo duubay ayaa soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay dhacdooyinkii iyo jahawareerkii bilihii la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ee salka ku hayay waxa ay ku sheegeen doorasho ay dalka ka qabtaan, waa sida uu hadalka u dhigayee. Waxa uu sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan. Abuu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan. Waxa uu madaxda dalka iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Source
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan maalmaha ciida iyo is-dhex-galka bulshada kala jinsiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda cadaalada ee maamulkaas. Shacabka ayaa gebi ahaanba looga digay inay isugu tagaan Xeebaha oo halis ka dhalan karto, maadaama badda ay kacsan tahay, ayada oo hay’addaha amaanka la faray in dadka ay ka celiyaan. “Waxaa reebban in dadka loo fasaxo meelaha la isugu tago ee Xeebaha ah, Ciidamada amniga waxaa la farayaa in ay wax ka qabtaan Ragga & Dumarka is dhex-galaya, waxaa la arkay Carruur iyo dad kale oo ku dhintay Badda,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda DG Jubbaland. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba la ogoleyn is-dhex-galka raga iyo dumarka oo inta badan maalmaha ciida lagu arko xeebaha. Wasaaradda ayaa soo jeediSay in Ciidamada ammaanka la geeyo Xeebaha si ay uga warqabaan dhaq-dhaqaaqa dadka oo maanta oo kale aad u badan maadaama damaashaadka Ciidda ay ku jiraan. Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu mamnuucay in la qabto bandhig faneen iyo in laga shaqeeyo wax waliba oo abuuri kara amni darro, waxayna sheegtay in dadka ku xad-gudba awaamiirtan ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan laamaha amniga. Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xili uu maamulka Jubbaland isku diyaarinayo qabashada doorashada Senatarada Aqalka sare, islamarkaana la adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayada oo waddooyinkana la dhigay Ciidamo baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan. The post Jubaland oo soo saartay digniin culus iyo heegan la geliyay ciidanka maamulka appeared first on Caasimada Online.
  3. Guud ahaan wadamada Islaamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ee sanadkan Waxaa saaka masaajidyada iyo fagaarayaasha waaweyn ee wadamada Islaamka iyo dalal badan oo ka le laga tukanaya salaada ciida. Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa. Inku dhow boqol kun oo xujay ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan ee Xajka. Hase yeeshee tirada sanadkan oo aad uga yareyd marka lala barbardhigo sanadihii hore ayaa waxaa sababay cudurka Covid 19. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka. Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka u diray farriin la xidhiidha inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  5. Hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cumar Abu-Cubayda oo laga soo duubay hadal dhegaysi ah, ayaa digniin ka soo saaray ka qayb-qaadashada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Hoggaamiyaha Al-shabaab, ayaa si adag uga digay odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka beelaha, in ay doortaan xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka dalka, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug-yeelata doorashada. Abu-Cubayda ayaa doorashooyinka ku tilmaamay kuwa dalka lagu gelinayo gumeysi horleh, islamarkaana ay dabada ka riixayaan dalalka Reer Galbeed iyo Beesha Caalamka. Axmed Cumar Abu-Cubayda ayaa sidoo kale cambaarayn kulul u jeediyay warbaahinta Soomaalida oo sheegay in ay caadaysteen been iyo borobagaandho ka dhan ah Al-shabaab, si ay u raalli geliyaan Reer Galbeedka. Amiirka Al-shabaab ayaa hadalkiisu u badnaa digniino iyo hanjabaado ku wajahan cid kasta oo ka qayb-qaadata arrimaha doorashooyinka Soomaaaliya. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Al-shabaab oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo. Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar. “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri. Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada. “Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir. Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada. The post Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.
  7. Kooxo Burcad hubeysan ah ayaa xalay magaalada CapeTown ee waddanka Koonfur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town. Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas lagu dilay ilaa Afar Dhalinyaro Soomaali ah. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu gaystay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  8. Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya ururada Is-xilqaamayaasha Gobolka ayaa xalay shaqo bilic soo celin ah ka qabtay Laamiga isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo. Saraakiisha iyo Is-xilqaamayaasha ayaa ku guulaystay in ay nadiifin ku sameeyaan Laamiga weyn islamarkaana ka qaadaan qashin badan oo daadsanaa dhinacyada Laamiga. Sidoo kale waxay shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada Gaalkacyo. Tallaabadan ayaa ku soo aadday xilli ay ku beegantahay maalinta kowaad ee Ciidda Carafo. PUNTLAND POST The post Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. The governor of the Hiiraan region, Ali Jeyte Osman, recently took aim at comments made by the Council of Presidential Candidates. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (HOL) - Forty years ago, this day, Somalia experienced one of the worst aviation disasters which claimed all 50 passengers and crew on board among them nine family members. Source: Hiiraan Online
  11. Qarax khasaare badan dhaliyay, ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo laga iibsanayay dharka ciidda. Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa u badnaa qoysas u diyaar-garoobayay dabaal-degga ciidda Carrafo oo ku beegan Talaadada maanta ah. Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo dowladda waddanka Ciraaq aysan weli war rasmiya ka soo saarin khasaaraha qaraxaas. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  12. MOGADISHU (HOL) - Forty years ago, this day, Somalia experienced one of the worst aviation disasters which claimed all 50 passengers and crew on board among them nine family members. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates has expressed doubts if Somalia can hold credible polls on time. Source: Hiiraan Online
  14. Eid al-Adha, Arabic for Festival of the Sacrifice, is the latter of the two official holidays celebrated within Islam (the other being Eid al-Fitr). It honours the willingness of Abraham to sacrifice his son Ishmael as an act of obedience to God's command. Source: Hiiraan Online
  15. This week, Muslims around the world will finally be able to debut their finest abayas, salwar kameezes, kaftans and thobes they've been saving in the backs of their closets for three pandemic Eids. For a growing number who have rethought their fashion choices during that time, those glitzy, intricately woven pieces will be more sustainable. Source: Hiiraan Online
  16. Today marks 10 years since the official declaration of the Somalia famine, which resulted in more than 260,000 deaths. Source: Hiiraan Online
  17. Dhammaan dunida muslimka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta, ayaa maanta looga dabaal-degaya munaasabadda Ciidda Carrafo. Inkastoo saacadaha wakhtigu kala duwan yihiin daafaha dunida, haddana si isku mid ah ayaa muslimiintu ugu dabbaal-degayaan munaasabadda Ciidda. Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga xusayo munaasabadda Ciidda Carrafo, iyadoo dadweynuhu Salaadda ciidda ku oogeen guryaha iyo masaajidda. Ciidda Carrafo ayaa sannadkan ku soo beegmatay iyadoo hoos u dhac laga dareemayo heerka xanuunka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dunida muslimka oo maanta looga dabaal-degayo Ciidda Carrafo appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.” Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.” Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay. Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay. Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya. “Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. “Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.” Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto. The post Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashada, weerarna ku qaaday dhinacyo badan appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya. Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo. “Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed. Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.” Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir. “Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Aamina oo xog cusub ka bixisay kiiska Ikraan Tahliil iyo sarkaal lagu tuhmayo appeared first on Caasimada Online.
  20. Abdi Abdirahman is more than two decades into his professional running career. Source: Hiiraan Online
  21. The Department of Homeland Security (DHS) on Monday re-designated Somalia in the Temporary Protected Status (TPS) program, which allows some Somalis in the United States to work and live in the country. Source: Hiiraan Online
  22. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS). Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023. Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. “Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas. Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen. Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19. Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo. Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya. Xigasho: VOA The post Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  23. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa jira astaamo muujinaya in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya uu sii fidayo, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo gobolka Canfarta ee dariska la ah. Dowlada ayaa ku eedeysay fallaagada inay weeraraan dadka rayidka ah ayna xannibayaan gargaarka inkastoo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi waxayna sheegayaan in ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka xulafada la ah Dowladda Itoobiya. Suuragal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo faahfaahinta isku dhaca ama tirada dhimashada. Wadooyin badan oo gala gobolka Tigreega ayaa haatan gebi ahaanba la xidhay. Weriyaasha ayaa sheegaya in gobolka Canfarta uu noqday mid muhiim u ah isku xirka gargaarka ee gobolka, halkaasoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan gaajo aad u daran. Source