Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqul Insaanka oo caalamka daafihiisa ku kala sugan ayaa la sheegay in telefonadooda la basaasay iyadoo la adeegsanayo Software iyo Barnaamijo ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay Israa’iil. Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah. Software-ka Pegasus ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah. Baadhitaankan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka oo ku jiraan Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahinta caalamka. Source
  2. (SLT-Doxa)-Kulamadii magaalada Doxa, Qatar uga socday kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghanistan ayaa wax guulo ah laga gaadhi waayey kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen qodobo muhiim ah. Warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in qodobka kaliya oo ay isku afgarteen ay tahay in wadahadalka lasii wado! Talibanka ayaa ku eedeeyey dhinaca wafdiga ka socda dowlada Afghanistan inay diideen in laga wadahadlo qodobo iyaga muhiim u ahaa oo ay kamid ahayd Dastuurka dalka Afghanistan qaadanayo iyo waliba siideynta Maxabiista laga heysto kooxda Talibanka. Dowlada Afghanistan ayaa dhankeeda dooneysay in lagu dhawaaqo xabad joojin deg deg ah arrintaasi oo ay ka cago jiidayaan kooxda Talibanka oo iyagu dhawaan awood ciidan kula wareegay in badan oo kamid ah goballada dalkaasi. Source
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay. Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne. Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne. Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi. The post HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  4. Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka jubada hoose, waxa ay ku burburiyeen fariisimo ururka al-shabaab ay ku la haayeen gobalka . Saraakiisha hogaamineysay gowlgalka ayaa sheegay in inta howlgalka ay ku guda jireen ay dileen xubna ka tirsan ururka alshabaab. Ciidamada ayaa sheegay in xubnaha shabaab ka tirsan ee la dilay ay gaarayaan illaa 15- xubnood kuwaas oo ku sugnaa deeganno hoostaga gobalka Jubbada hoose. Sikastaba ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab lagaga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi. Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah. Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada. Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare. “Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo. The post JUBBALAND oo war cusub kasoo saartay doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  6. Rebels in Ethiopia’s war-hit Tigray have carried out operations against pro-government troops in neighbouring Afar region, a spokesman said Sunday, opening a new front in the widening eight-month conflict. Source: Hiiraan Online
  7. The Afghan government and the Taliban concluded diplomatic negotiations in Qatar on Sunday, but both sides said they are committed to further talks. Source: Hiiraan Online
  8. Britain’s most successful Olympic track athlete, Sir Mo Farah, says he has received ‘shocking’ abuse on social media and insists the racists need to be shamed publicly for their online behaviour. Source: Hiiraan Online
  9. Laamaha Amniga Puntland, oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga oo lagu qariyay guri ku yaalla magaalada. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu qabtay 23 dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha guri ku yaalla Badhan Ciidanka Booliiska Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgalo kala duwan ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaanna magaalada Badhan. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalkan lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka Gobolka Sanaag, islamarkaana lagu beegsanayo kooxaha maandooriyaha Khamriga ka ganacsada. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  10. An African man was attacked by a gang of 15 men, beaten, punched and thrown into the sea in Gozo, egged on by a cheering crowd from nearby catering establishments, according to a social media post. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia says its lucrative fishing resources will be completely shielded from looters once a new law comes into force, and which will provide uniform regulation in all parts of the country. Source: Hiiraan Online
  12. For many youth, Kampala Junior Team (KJT) is one of the standards of success in local football. Making it in the team guarantees numerous opportunities. Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda turkiga ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda sare ee midawga yurub ku mamnuucday xirashada xijaabka haweenka ku sugan yurub. Go’aanka ayaa maxkamadda ay ku sheegtay in ay dhaceen falal amniga liddi ku ah, xilli turkiga uu ku tilmaamay go’aanka maxkamadda mid ka soo horjeeda diinta Islaamka. Maxkamadda cadaaladda ee EU ee fadhigeedu yahay Luxembourg (CJEU) ayaa shaacisay in ururka guud ee shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xirtaan indho shareerka iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka sii kordhaya xilli ay sheegtay in haweenka muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoorid sii kordheysa oo ku saabsan diinta ay aaminsan yihiin. “Go’aanka CJEU, waxa uu muujinaya sida ay u sii kordheyso Islaam naceybka, cunsuriyada iyo dhaqamada Islaamka, Yurub waa in ay tixgalinsa xoriyada diinta ,” ayay wasaaraddu tiri. Sikastaba Ankara ayaa marar badan ku eedeysay dowladaha reer Yurub in aysan waxbadan ka qaban ka hortaga takoorka lagu hayo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto soo saarista warbixin sanadle ah oo ay kaga hadlayso waxa ay ugu yeertay tusaalooyinka Islaam nacaybka ee dunida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. A total of 247 sailors aboard a South Korean destroyer off Somalia in East Africa have tested positive for the coronavirus, Yonhap news agency reported Monday, citing the nation’s Joint Chiefs of Staff, making it the worst-ever mass infection among service members. Source: Hiiraan Online
  15. Somali security forces on Sunday retook a town in the country’s central Mudug region from terrorist group al-Shabaab, officials said. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya. Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. “Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. “Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online. Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. The post Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Mikateriga iyo booliska Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade. Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood. Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay. Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Mikateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Caasimada Online ma helin cadeymo arrintaas la xariira. Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga. The post Xog: Ciidan Badbaado Qaran ah oo u badan hal beel oo mushaharka laga joojiyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Masuulka F.C.Waraabe u magacaabay Xilkii uu ka caydhiyey Xildhibaan Qodax Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah 1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir. 3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho. The post Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya appeared first on Caasimada Online.
  20. TPLF oo Jihooyin cusub u rartay Dagaalkii+ weeraro ay ku qaadey Qowmiyado kale Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya. Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay howl-galkan ku khaarijiyeen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo. Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi. Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Sawirro: DF oo shaacisay inay howl-gal culus ku khaarijisay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasiirka Deegaanka S/land Oo Shaacisay Goobta loo rarayo Duur Joogta Shacabku Haystaan Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in ay dhawaan duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo rarri doono xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Debis. Xarunta Debis oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku haysay labadii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay imika ka socotaa diyaarintaa qaybtii la dejin lahaa duur joogta Dugaagga ah. Halkaasoo ay imika joogaan tiro badan oo ka mida duur joogta kala duwan ee ay gacanta ku hayso wasaaradda deegaanka Somaliland, kuwaasoo isugu jira Deerro, Goodirro, Sakaarro, Adeeryo, Cawl, iyo noocyo kale. Wasiirka deegaanka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi oo kormeer ku tegay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Debis, ayaa sheegtay in dhawaan ay xaruntaasi gayn doonaan duur joogta ay gacanta ku hayaan dadka shacabka. Wasiirku waxa ay tilmaantay in xarunta Debis oo ay ku jiraan duur joogta kala duwan in la qorsheeyay sidii dhawaan loogu soo darri lahaa in la geeyo duur joogta Dugaaga ah, sida Harimacadka iyo noocyo kale. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Xaruntani oo markii hore ay haayado naga caawinayeen, imika na ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso. Waxaa jooga shaqaale joogto ah, oo si fiican uga shaqeeya, oo deggan xarunta. Duur joogtii laga keenay Hargaysa ayaa jooga, qaar kaloo iyaguna meello kale laga keenay ayaa jooga. Waxaa iyaguna imika dhamaaday, xarumihii loogu tallo galay in lagu hayo Libaaxyadda, iyo Harimacadka. Harimacadka, iyagana waa loo diyaariyay meeshoodii”. “Intii danbe oo dhan dawladda Somaliland ayaa kharashka maalgelinaysay. Si wanaagsan ayuuna dhimismihii u socdaa. Muddo dheer ayaanay qaadanaysaa inta ay si wanaagsan isugu dubo dhacayso. Waana wax qorshaysan, oo qorshaheedda gacanta lagu hayo. Si wanaagsan ayaanu u socdaa. Meeshan oo markii hore Seerre-kaymeed ahayd, ayaa loo gartay in ay nqoto xarunta lagu xanaaneeyo duur joogta noocyadeedda kala duwan. Waana la soo kordhin doonaa xaruntani.” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare. Geesta kale, wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ku boorisay bulshadda in ay joojiyaan xayawaanka ay duurka ka soo qabsanayaan ee ay guryahoodda ama hudheeladda ku haystaan. Xayawaankaasi oo ay sheegtay in ay dhibaato ku qabaan meelaha lagu hayo, sidoo kalena ay dadka laftoodu dhibaato ku qabaan. Waxaanay tidhi wasiirku, “Dadka waxaan leeyahay duur joogtan aad dhulkeedii ka soo guranaysaan iska daaya. Xayawaankiina dhib bay ku tahay, dadkii hayayna dhib bay ku tahay. Markaa dhulkoodda in loo daayo ayaa loo baahan yahay”. Wasaaradda deegaanka Somaliland waxaa ka caawiyay bilawgii xaruntaasi haayado caalami ah oo kala duwan. Balse labadii sanadood ee u danbeeyay waxaa ka gacan siinaysay wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Wasiirka Shukri Baandare, ayaa ugu baaqday cid kastoo danaynaysa in ay gacan ka siiso caawinta xaruntaasi in ay soo dhawaynayaan. “Cidii doonaysa in ay Garrab nagu siiso, waanu soo dhawaynaynaa. Hore na waa la noola soo shaqeeyay, imika na diyaar ayaanu u nahay cidii nagala shaqaynaysa. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa” ayay tidhi wasiirku. Qaran News
  23. 10-ka Dal ee Dunida dhaqaalaha ugu badan ku bixiya Ciidankooda Millateriga? Qiimaha iibka hubka ee adduunka ayaa kor u kacay ilaa $1981 bilyan sanadkii hore, taas oo ka dhigan koror dhan 2.6 boqolkiiba marka loo eego sanadka 2019 sida lagu sheegay xog cusub oo uu daabacay machadka cilmibaarista nabada ee Stockholm [SIPRI}. Waddamada lacagta ugu badan galiyey sanadkii 2020-kii oo 62% ku bixiyay hubka aduunka waxaa ka mid ah Mareykanka Shiinaha, Hindiya iyo Ruushka. Iibsashada hubka Shiinaha ayaa kordhay 26 jeer. Sannadkii 2017 Mareykanku wuxuu 3.1 boqolkiiba dakhligiisa ku kharash gareeyay hubka, oo ah rubuc ka mid ah qarashka guud ee qaranku ku bixiyo hubka, sida laga soo xigtay SIPRI. Halkaas, waxaa ka cad in Washington aysan ka mid ahayn 20-ka dowladood ee hantidooda u adeegsada iibsashada hubka militariga. Waa kuwan 10ka dal ee ugu sareeya liiska. 10.- Bahrain . Baxreyn waxaa xukumi jiray boqortooyo Sunni ah laakiin muwaadiniinteeda badankood waa Muslimiin Shiico ah, arintaas oo horseedday xiisad. Sannadkii 2011-kii, xilligii Kacaankii Carabta, ciidammo ka socda Golaha Gacanka Carbeed ayaa la geeyay waddanka si ay u joojiyaan dibadbaxyada. Sanadkii 2017 qarankaas waxa uu u qoondeeyey $ 1,396m in lagu kharash gareeyo waaxda difaaca boqolkiiba 4.1 dakhligeeda sida ku xusan qiyaasaha machadka SIPRI. 9.- Rusia Sannadkii 2017, Ruushka ayaa markii ugu horreysay hoos u dhigay qarashka ku baxa qalabka milatariga tan iyo 1998, isaga oo yareeyay qarashkiisa 20 boqolkiiba illaa $ 66,335m, una dhiganta 4.3 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha. Sida laga soo xigtay Siemon Wezeman, madaxa baadheyaasha ee SIPRI, dhimista waxaa sabab u ah dhibaatada dhaqaale ee qarankaasi la kulmay tan iyo 2014, maxaa yeelay xoojinta ciidanka gaar ahaan heerarka casriga ah ayaa ay mudnaanta siisay Moscow. 8.- Lebanon Tobanka waddan ee culeyska milatari ee adduunka haysta, lix ka mid ahi waxay ka yimaadeen Bariga Dhexe. Waddanka Lubnaan ayaa ka mid ah. Lubnaan ayaa ku dhex jirtay dagaal sokeeye intii u dhaxeysay 1975 iyo 1990 wixii markaa ka dambeeyay nolosheeda siyaasadeed waxaa ka muuqanayay kala qeybsanaan qoto dheer. Siyaasaddeeda gudaha iyo dibada waxaa saameyn ku yeeshay dowladaha deriska la ah Siiriya, iyo waliba awooda kooxda xagjirka ah ee Xisbullah ee sanadkii 2006 dagaalka kula jirtay Israel. Kharashaadkeeda militari wuxuu gaadhay $ 2,441m oo u dhiganta 4.5% waxsoosaarka guud ee gudaha. 7.- Israel Tan iyo markii la aasaasay 1948, Israa’iil waxaa ku hareeraysnaa goobo ay qoloba qolada kale u aragto cadaw. Xaaladda ayaa se degtay ka dib markii ay heshiis nabadeed la saxiixdeen Masar 1979 iyo Jordan 1994 . Si kastaba ha ahaatee qarankan ayaa sii ahaaneyey meel khatar ah, gaar ahaan dhanka xuduudaha uu la leeyahay Syria, sidaas oo kale waxa khatartaas qayb ka ah ururka xisbulaah oo isbahaysi la ah Iran, taas oo ka dhigan Israel ay ka dhigan tahay meelaha ugu halista badan. Sida laga soo xigtay Sipri, ciidanka Israel ilaa 2017 waxay qarash gareeyeen $ 16,489m taas oo u dhiganta 4.7% wax soo saarkeeda. 6.- Jordan Sannadkii 1967-dii, intii lagu guda jiray dagaal lix maalmood socday oo ka dhan ah Israa’iil, qaranku wuxuu lumiyay Daanta Galbeed iyo dhulalkii Qudus ee la haystay tan iyo dagaalkii 1948 ee Carabta iyo Israa’iil. Sannadkii 1984, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Israa’iil, tallaabadaas oo aan ka difaaceynin dhibaatada amni ee ka jirta gobolka, sida dowladda Islaamiga ah. Sanadkii 2017, waxay u qoondeysay $ 1,939m waaxda difaaca, oo u dhiganta 4.8% wax soo saarka guud ee gudaha. 5.- Algeria Aljeeriya waxay soo martay xilliyadii ugu xumaa ee rabshado soo maray taariikhdeeda iyada oo ah qaran madax-bannaan oo bilaabmay 1962. Qeybahan waxaa ka mid ah xiisadaha u dhexeeya kooxaha diinta iyo kuwa cilmaaniga ah ee dalkaas. . Intii u dhaxeysay 1992 iyo 1998, qaranku wuxuu galay dagaal sokeeye oo sababay in ka badan 100,000 oo qof oo ku dhinta ka dib markii la joojiyey doorashooyinkii ay kooxda badbaadada Islaamku u muuqatay inay ku guulaysteen. Tan iyo waagaas, qaranku waxaa dalkaasi sii gelayey xaald rebshado ah, laakiin waxaa sidoo kale haldheeyey weerarada kooxaha xagjirka ah sida Al Qaacida ee ka soo jeeda Maghrib. Sannadkii 2017, waxay diiwaangelisay Sipri in kharashkeeda dhanka hubka lagu qiyaasay $ 10,073m oo u dhiganta 5.7% ee waxsoosaarka guud ee gudaha. 4.- Kuwait Iyada oo leh dhul dhan 17,818 kilomitir iyo in ka yar hal milyan oo qof, Kuwait waa dal yar oo ay ku hareeraysan yihiin derisyo kala ah: Sacuudi Carabiya, Iiraan iyo Ciraaq. Waxaana ku dhex yaalla dhowr xero oo Mareykan ah halkaas oo qaar ka mid ah xoogagga isbahaysiga caalamiga ee dagaalka kula jira kooxaha dowladda Islaamka ay ka duulaan. Sanadkii 2017, waxay u qoondeysay $ 6,831m, oo u dhiganta 5.8% wax soo saarka guud ee gudaha dhinaca millateriga. . 3.- Congo Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo waxay ku bixisaa 6.2 boqolkiiba waxsoosaarka guud ee dalka, Jamhuuriyaddani, waa waddanka ugu badan Afrika ee u qoondeeya hantida ugu badan waaxda difaaca, iyagoo u qoondeeyay $ 484m sida ku cad qiyaas laga sameeyey Qubrus. Qarankan ayaa la kulmay tiro khilaafyo gudaha ah oo uu horseed ka ahaa Denis Sassou-Nguesso, oo ahaa askari hore oo xukumi jiray dalka intii u dhaxeysay 1979 iyo 1992 oo dib ugu soo noqday xukunka 1997 oo ilaa maanta jooga. 2.- Saudi Arabia Tan iyo sanadkii 2015, dowladda Sacuudiga ayaa hogaamineysay koox ka qayb ka ah dagaalka Yemen ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee Iran taageerto. Dhacdooyinkani waa mid ka mid ah kuwa yar ee ay Riyadh iyo Tehran ugu dagaallamayaan gacan ku haynta siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dhammaan gobolka Bariga Dhexe. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ka qeyb qaadata isbaheysi caalami ah oo ka dhan ah kooxda la baxday dowladda Islaamka. Sida laga soo xigtay Sipri qaranku wuxuu meel dhigay $ 69,413m oo u dhiganta 10 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha si ay u geliyaan dhinaca difaaca. 1.- Oman Boqortooyada Cummaan waxay ku taal aagga istiraatiijiga ah ee Wabiga Hormuz, oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalku maraan iyo kuwa deriska la ah sida Iran, Saudi Arabia iyo Yemen, Boqortooyada Cumaan waxay kordhisay qarashka ku baxa militariga dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Xaqiiqdu waxay tahay inay tahay qaranka keliya ee adduunka ee inta badan lacagteeda ku bixisa qaybta difaaca. 2017, qaranku wuxuu qoondeeyay $ 8,686m oo u dhiganta 12% wax soo saarka guud ee gudaha. Qaran News
  24. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sagootiyay ciidamo loo dirayo Tigray Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska. Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF. Ciidamadan ayaa la geynaya jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray Qaran News