Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka deyriyey xaaladda cunta-yarida ka jirta dalkiisa, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. Kim ayaa sheegay in dhaqaalaha dalkiisa uu sanadkan horumar sameeyey, balse wuxu ku baaqay tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda cunta-yarida food-saartay dalkaas. Kim ayaa hoggaamiyey kulan ay yeesheen xisbiga Talada haya ee shaqaalaha, kaasi oo dib u eegis loogu sameynayey siyaasadaha waa weyn ee dalka, laguna dejinayey tallaabooyin lagu xalinayo xasaradaha dhaqaale ee dalkaas. Kim ayaa sheegay in si guud dhaqaalaha Korea-da Waqooyi uu barkii hore ee sanadkan horumar sameeyey, ayada oo wax soo saarka warshadaha uu sare u kacay 25%, marka loo eego sanad kahor, sida ay sheegtay warbaahinta. Xisbiga ayaa wacad u maray in uu dhammaan dadaallada isugu geyn doono beerashada sanadkan. PUNTLAND POST The post Kim Jong Un oo ka deyriyay xaaladda dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  2. The four-day G7 summit in Cornwall ended with little cause for celebration from anyone worried about climate change. Most of the pledges that emerged were relatively old news, with the UK repeating its promise of £500 million for ocean conservation efforts and the group reaffirming its commitment to end support for coal production abroad. The leaders of (supposedly) the world’s richest democracies failed again to agree to new funding to help poorer parts of the world invest in green technology and adapt to extreme weather. But more interesting than these pledges and non-pledges were the things that weren’t mentioned at all. One of the greatest unmentionables at climate summit after climate summit is just how badly we keep track of contributions to global warming. It’s the elephant in the room at any gathering where the leaders of rich countries discuss climate change: historical responsibility. Everyone knows that G7 nations have contributed disproportionately to the global warming that has already happened. But exactly how much more? If you search online for which country has caused most global warming, you find a list of how much countries emit each year. Delve deeper, and the next thing you find is how much they have reduced their emissions since 1990. This flatters mature economies, whose emissions are declining. But for carbon dioxide – the effects of which last almost indefinitely (and to an only slightly lesser degree, nitrous oxide, a byproduct of fertiliser production and use) – it’s accumulated emissions over time that determine a country’s contribution to global warming, not emissions in any given year. Focusing on current emissions is particularly kind to the G7’s host. The UK’s emissions have declined sharply since 1990, but the country did start belching carbon dioxide out of its dark satanic mills almost 100 years before the rest of the world caught on. A tonne of carbon dioxide emitted by an English cotton mill in 1800 is having exactly the same impact on global temperature today as a tonne of carbon dioxide emitted by a Vietnamese power station in 2021. Brazil promoted an effort to quantify country-level contributions to global warming in the 2000s, but it was quietly allowed to die. At present, the United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC), the main forum for international climate action, only requires countries to report their contributions to emissions, not warming. And everyone else, from corporations to personal carbon footprint calculators, follows suit. “Isn’t that the same thing?” you might ask. Sadly, no. The method the UNFCCC has settled on to report emissions reflects their effect on the balance between the energy the Earth absorbs from the Sun and the energy it emits back into space over the 100 years after the date of the emission. This is somewhat related to their effect on global temperature, but it is a very long way from the same thing. For emissions that accumulate in the atmosphere over decades to centuries, like carbon dioxide and nitrous oxide, the distinction doesn’t matter. But for methane, and a host of other climate pollutants that persist from only a few days to a couple of decades, it matters a lot. Any country contemplating setting up a fracking industry (notorious for leaking methane) can be quietly confident that it will be 100 years before the warming effect of their fugitive methane emissions will be accurately reflected in their reports to the UNFCCC. Landing the plane with one eye shut In the Paris Agreement, the world set itself a very ambitious goal. The headline goal is not about emissions, but to limit the rise in global average temperature to “well below 2°C”, pursuing efforts to limit warming to 1.5°C if possible. That’s a good thing. By and large, the effects of climate change depend on how much we warm the planet overall, not warming by any given date, or the rate of emissions and warming at any given time, and certainly not planetary energy imbalance summed over an arbitrary time horizon. But right now, it is impossible to take stock of progress towards this temperature goal because countries, in their plans for 2030 and beyond, only report aggregate emissions using this rather odd accounting system that doesn’t reflect the effect of these emissions on global temperature. If rich countries like the G7 are serious about stopping global warming, a good start might be clarifying who and what is causing it. There is no prospect of the UNFCCC changing its accounting system, but it does allow countries to report additional information if they deem it relevant. And what could be more relevant than actual contributions to global warming? At COP26, the Glasgow climate conference in November 2021, the G7 nations could step up and declare they will henceforth report, in addition to their emissions, how much warming they have caused already, how much they continue to cause, and how much they propose to cause in future. All the information exists. Warming contributions can be calculated using precisely the same formulae used for the UNFCCC’s own emissions reporting. It is simply a matter of putting the numbers out there and encouraging everyone else to do the same. This isn’t just about outing the guilty rich. Acknowledging what is causing warming should focus minds on what it will take to stop it. And if we add up the G7’s planned contributions to future warming – never mind the contributions from China, India and the rest – it will soon become clear that we don’t just need to stop causing global warming as soon as possible, but we also need to be able to reverse it by taking carbon dioxide back out of the atmosphere and storing it, safely and permanently, somewhere else. Which is another topic they prefer to avoid at climate summits. Source: The Conversation The post Climate change: what G7 leaders could have said – but didn’t appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay magaalada Muqdisho, Safiirka Norway ee Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal. Safiirka Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo dib u hawl-gelinaysa safaaradeeda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ganacsatada Puntland. Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Siciid Deni ayaa la wadaagay ganacsatada horumarka dalka ka socda iyo guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha , Arrimaha Bulshada iyo Tayeynta Hay’addaha Dowladda. Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxweynuhu Ganacsatada uga mahadceliyay Shaqada wanaagsan ee socota iyo isbedelka dhabta ah ee muuqda. Waxayna la wadaageen Madaxweynaha inay diyaar u yihiin wixii doorkooda ah inay sii laba jibaaraan ka qeyb qaadashada horumarka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan Casho ah la yeeshay Ganacsatada appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda. Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale. “Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira. Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas. Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/06/WhatsApp-Audio-2021-06-15-at-20.37.11-online-audio-converter.com_.mp3 The post Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada ku maqan Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  6. Garowe (Caasimada Online) –Culumada deegaanada Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag uga hor yimid xeer ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Puntland, kaas oo gabi ahaanba lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha. Culumada ayaa sheegay in xeerkaas uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka, iyagoo baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel marin xeerkaas, maadaama baarlamaanka loo gudbinayo, kadib ansixintii golaha wasiirrada. Culumada ayaa xeerkaan ku tilmaamay mashruuc mudo dheer laga hor taagnaa inuu dalka ka hir-galo, isla markaana fasahaad ku ah umadda Soomaaliyeed, iyagoo wasaaradii soo diyaarisay xeerkaan ku eedeeyey in la siiyey sandareero, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaani waa mashruuc, dowladihii dalka soo maray ayaa horay u diiday, maanta waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jeesano. Baarlamaanka Puntland anigu waxaan ka rajeynayaa inay ansixinta xeerkaas diidi doonaan, wasaaradda soo diyaarisayna anigu waxaan is leeyahay waxbaa lagu siiyey, laakiin hadii ay ka war qabi lahaayeen khatarta mashruucaan diinta Islaamka lagula dagaalayo ma aysan yeeleen,” ayuu yiri mid ka mid ah Culumada. “Xeerkaan kama hadlayo gudniin suni ah ama gudniin fircooni ah, balse waxa uu mamnuucayaa gudniin oo dhan, marka golaha wakiillada waxaan leeyahya maanta waa doorkiinii, meesha aad dhigtaan ayaana arki doonaa,” ayuu yiri Sheekh kale. Khamiistii lasoo dhaafay ee 10-kii bishan June kulan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goobjoogna uu ka ahaa ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayey golaha wasiirrada Puntland dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeer lagu mamnuucayo Gudniinka Gabdhaha, kaas oo wasaaradda Cadaaladda Puntland ay hor keentay golaha. Hoos ka daawo culumada The post Daawo: Culumada Puntland oo ka hor-timid xeer ay dhawaan ansixisay xukuumadda Deni appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xiriir taleefoon oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas looga wadahadlay dib u howl-gelinta safaaradaha labada dal oo xirnaa dhowrkii bilood ee u dambeysay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka isku weydaarsaday muhiimadda ay labada dal u leedahay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, waxaana kulankaas ka soo baxay is-faham, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda. “Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. “Ugu dambeyntiina, waxay ku heshiiyeen in la sii wado marinnada diblomaasiyadeed ee labada waddan ee isgaarsiinta u dhexeeya labada caasimadood iyo dhammaan arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed.” Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay maalin ka hor ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah. The post Maxaa looga heshiiyey wadahadalkii wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  8. Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shaaciyay dowlad goboleedka kaliya ee weli u soo gudbin liiska wax ka baddelka guddiga doorashooyinka. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug tahay dowlad goboleedka kaliya ee weli Ra’iisul Wasaare Rooble u soo gudbin xubnaha guddiga doorashooyinka. “Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka guddiyada doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa dowlad goboleedka Galmudug oo ah dowlad goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu. Wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsanayo Madaxweyne Qoorqoor in uu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah. “Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah” ayuu yiri Macallimuu. Dhanka kale wararka laga helayo Dhuusamareeb waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor laga yaabo in uu saacadaha soo socdo gudbiyo xubnaha guddiga doorashada. Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb, kadib safar uu dalka dibadiisa iyo Muqdisho ugu maqnaa muddo, wuxuuna maanta kulan la qaatay wafdi ka socda Baasha Caalamka oo hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambs James Swan. Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi Beesha Caalamka waxay ka wadahadleen dardargelinta arrimaha doorashooyinka, amniga iyo bini aadanimada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Galmudug. PUNTLAND POST The post Waa kuma dowlad goboleedka aan weli gudbin xubnaha guddiga doorashooyinka? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ‘goor dhaw la filayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee Galmudug. Xubnaha laga sugayo Qoor Qoor inuu soo magacaabo ayaa lagu bedelayaa xubnihii dhawaan laga reebay liiska guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo la tilmaamay inay u qeybsamaan shaqaalaha dowladda, ciidanka Qaranka iyo taageerayaal gaar ah. “Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu u xaqiijiyay Ra’isul Wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinayo liiska, sida ugu dhaqsaha badan. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee horey u soo gudbiyay liiska,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo saaray goor dhaw. Qoraalka Afhayeenka xukuumadda ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho, kaas oo dalka u jiheeyay doorasho.” Qoor Qoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee aan weli soo magacaabin xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayey, waxaana la sheegay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalila oo dooneysa inay saameyn ku yeelato xubnaha laga soo magacaabayo Galmudug. Xiriirkaan dhex maray Qoor Qoor iyo Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta Dhuusamareeb tegay wafdi ka socday beesha caalamka, kaas oo la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, waxaana la sheegay in qodobo ay ku jirto dardar gelinta doorashada ay ka wadahadleen. The post Xukuumadda oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada ee laga sugayo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
  10. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab. Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir. Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor. Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka. Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas. The post Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Somaliland iyo Taiwan oo kala sexeexday Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbedda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Mudane: Libaan Yuusuf Cusman ayaa maanta si rasmi ah ula sexeexday dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Mudane: Joseph Wu, Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Somaliland iyo Taiwan. Sidoo kale Waxa Goobjoog ka ahaa Sexeexa Heshiiska, Wasiirada Caafimaadka ee Somaliland iyo Taiwan Heshiiskan oo ku saabsan horumarinta caafimaad ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan Source
  12. 1. Shaqada iyo khibradda Ganacsiga gaarka ah: Golaha Wakiilladu ma aha sharci-dejiyayaal iyo kor-joogteeyayaal balse waxay sidoo kale yihiin siyaasad sameeyayaal, Goluhu wuxu u baahan yahay hoggaamiye sida cabdirisaaq 1991 illaa 2010 ka shaqaynayey ganacsiga gaarka loo leeyahay. Hoggaan sidaas ahi wuxu fahmi karaa doorka Golaha Wakiilladu ku leeyahay samaynta iyo ansixinta sharciyada, iyo siyaasadaha qaran ee badhi-taaraya ganacsiyada gaarka ah. 2. Khibrad Maamul Maaliyadeed: Cabdirisaaq wux 20 sano ka shaqeynayey oo weliba horjooge ka ahaa mid ka mid ah ganacsiyadii maaliyadeed ee guuleystey, kaas oo guud ahaan Soomaalidu, gaar ahaanna reer Somaliland ku soo badhaadheen ee AMAL kaas oo xilligii burburka ahayd dariiq ka mida kuwa kooban ee isku xidha reer Somalilandka waddanka jooga iyo kuwa qurbaha jooga, ma fududa in aad hormuud ka noqoto ganacsi ka dhex shaqaynaya waddan sidaa u burburay, welibana ganacsigaasi noqdo mid guul ka gaadha dhulka Afsomaliga lagaga hadlo oo dhan. Khibraddaa maaliyadeed ee xilliga adagi waxay Cabdirisaaq siin kartaa karti iyo hufnaan uu ku hoggaamiyo hay’adda dejisa, isla markaana jaangoysa siyaasadda miisaaniyadda/maaliyadda qaranka. 3. Khibrad maamul hay’ado dawladeed: Xilligan isbeddelada badani adduunka ka dheceen, way fududdahay in musharax u tartamo oo ku guuleysto kursi dawladeed, balse siddi looga bartay Donald Trump, haddii masuulku aanu hore u soo qaban xil dawladeed way adagtahay in masuulkaasi noqodo hoggaamiye ururin kara, iskuna wadi kara danaha bulshada. Taas beddelkeeda, Cabdirisaaq Khaliif waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay waaxda fulinta ee dalka, gaar ahaan wuxu muddo ku dhow 8 sano ahaa Wasiirka Wasaarado door muhiim ah ku leh adeegga bulshada. Ugu horeyn, Wasaaradda Ganacsiga oo uu muddo badan wasiir ka ahaa iyo markii danbe oo uu noqday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud. Xilliyadaad waxa uu si joogto ah uga tirsanaa Golaha Wasiirada oo ka tirsan waaxda fulinta ee kan uu hadda u tartamayo dhiggiisa ah. Taasi, waxay dhaxalsiin kartaa khibrad iyo waayo-aragnimo la xidhiidha adeegga ay waaxda fulintu u hayso bulshada oo muhiim ugu noqon doonta hoggaamintiisa Golaha Xeer-dejinta. 4. Khibradiisa Xisbiyada: Cabdirisaaq iyo waaya-aragnimadiisa xisbiyadu waa mid aad u dheer, 2018 illaa hadda, waa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI, ka tirsan Golaha Dhexe iyo kan Fulinta ee Xisbiga; waxa ay iyaduna waayo-aragnimadiisa ku kordhin kartaa isu-xoorinta aragtiyaha kala duwan ee ay qabaan bulsho laga yaabo in aanay isku afkaar, isku aqoon iyo isku karti toonna ahayni 5. Hoggaamintiisa Tolmoon: Qiyaastii waa nin da’aadii dabayaaqada kontonaadka maraya, Waa nin reer Sool ah oo dhaqanyaqaannimo dhalad ah leh, waa shaqsi dadku ku soo ururo ee aan laga yaacin, bulshada reer Sool iyo badanka reer Somalilandba aad u loo oggolyahay oo tabantaabiye ah, horumarka iyo hagaajinta xidhiidhka gobolka Sool kaalin weyn oo muuqata ka qaadan kara. Inta aan ka garanayo waxannu ku wada jirney Golaha Fulinta iyo kan Dhexe ee Xisbiga WADDANI, weliba isagu wuxu ahaa Hoggaanka Xisbiga oo aanan anigu ka mid ahayn, Waa shaqsi aragti miisaaman, adeegsiga maanka iyo u-miyirintiisu badan tahay, caadifadda bilaa macnaha ahi ku yartahay, deeqsi ah, aragti leh; kuna adag aragtidiisa, dhegeyste wanaagsan ah, la sixi karo, una debecsan in lala xisaabtamo. Ugu danbeyn, Maadaama uu isku darsaday intaas oo qodob iyo weliba kuwo kale oo badan, Cabdirisaaq waa shaqsi aan inta tartamaysa cidi igagala habboonayn in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland. Source
  13. Muqdishi (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnihii ay Midowga Musharixiinta kasoo gudbiyeen cabasho ku aadan inay ka tirsan yihiin shaqaalah Dowladda iyo Hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA, ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad culus kadib markii la ogaaday inay sii daayeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah. Xubnaha la fasaxay oo ay guddigaas sheegeyn inaysan ka tirsaneyn shaqaalaha rayid ah ayaa qeyb ka ahaa 67 xubnood oo cabashada laga soo gudbiyey, waxayna xubnaha la fasaxay gaarayaan illaa 11 xubnood oo kamid ah NISA iyo Shaqaalaha rayidka ah. Caasimadda Online ayey u suurta gashay inay hesho magaca mid kamid ah xubnaha ay guddigaas fasaxeyn isla markaasna ka tirsanaa Shaqaalaha rayidka ah kaasoo lagu magacabo Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) kaasoo guddiga kasoo galay Maamulka Hirshabelle. Sababta aan Yoonis liiska looga saarin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay cadaadis uu guddiga uu hoggaaminayay Cabdullaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’isul wasaaraha kala kumay xubno ka tirsan dowladda. Yoonis ayaa wuxuu kamid ahaa shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna kasoo shaqeeyey xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, balse markii dambe wuxuu u wareegay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday. Guddiga shaqaalaha rayidka ah ayaa horey Yoonis Xasan ugu soo eedeeyey inuu laba mushaar ka kala qaadanayey madaxtooyada iyo Hey’adda Qaxootiga, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo magdhow lacageed oo ah mid kamid ah mushaarkii uu qaadanayey oo gaarayey illaa 6,352 dollar sida ku cad waraaqaha hoose. Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay. The post Fadeexad kusoo baxday guddigii uu R/W Rooble u xil saaray kala saarista xubnaha guddiyada doorashada appeared first on Caasimada Online.
  14. Inkasta oo midowga musharaxiinta ay xafiiska ra’isul wasaare Rooble u gudbiyeen 67 qof oo ka tirsanaa guddiga lagu muransanaa ee doorashada dadbanaa, codsadeyna in la saaro kuwa lagu helo iney ka tirsan ciidanka ama shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah ayaa hadana waxaa la xaqiiyey in guddiga cusub ee lagu dhawaaqayo ay weli ku jiraan labo mas’uul oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan hey’adda qaxootiga qaranka. Yoonis Xasan Alifow oo ah guddoomiye ku xigeenka hey’adda qaxootiga qaranka iyo Khadar Xariir Xuseen oo isna ka tirsan maamulka sare ee isla hey’adda qaxootiga oo ka mid ahaa 67-kii ay dacwada ka keeneen midowga musharaxiinta iyo xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaan weli la badalin oo sidooda uga tirsan guddiga doorashada dadban. Xog ay heshay Goobjoog News ayaa sheegeysa in labada ninba ay horay uga tirsanaayeen shaqaalaha Villa Somalia, kadiba u wareegeen hey’adda qaxootiga qaranka oo ay qeyb ka ahaayeen shaqaalaha rayidka haddana ay ku jiraan guddiga doorashada dadban, lana diiday in la badalo cabasho kasta oo ka taallo. Yoonis Xasan Alifow, waxaa uu ka tirsanaa 8 xubin oo laga soo magacaabay Hirshabelle 29/10/2020-kii, markii hadda lagu celiey maamulkaasi si ay isaga oo qaar kale oo cabasho laga keenay u badalaan, waxaa lasoo badalay uun Anas Cabdicasis Axmed halka Yoonis aan la taaban. Yoonis Alifow, guddoomiye ku-xigeenka hey’adda qaxootiga oo ah, waxaa hey’adda laga shaqaaleysiiyey 23/10/2019-kii, darajada(A), warqado ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in guddiga shaqaalaha rayidka ah ay ku heleen inuu labo mushaar qaadan jiray, mid Villa Somalia ah iyo mid kale oo hey’adda qaxootiga ah. Fadeexadda dhacday, Guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka ayaa qoraal ay direen 21/05/2020 waxa ay Yoonis Alifow ka dalbadeen magdhow lacageed oo dhan $6,3528 taas oo ah mushaar uu Yoonis ka qaatay xafiiska madaxtooyada xilli uu sidoo kale mushaari ka ahaa hey’adda qaxootiga qaranka, waxaana la amray in laga joojiyo mushaarka uu ka qaato Villa Somalia. Dhanka kale, Dokomenti kale oo ay aragtay Goobjoog News waxaa ku xusan in wasiirka arrimaha gudaha federaalka ah uu magacaabay April 16, 2020-kii xubno sare oo ka tirsan guddiga maamulka sare ee hey’adda NCRI, waxaa dadkaas la magacaabay ku jira Khadar Xariir Xuseen, ninkan isaga oo shaqaalaha rayidka ah ayaa markii hore lagu daray guddiga doorashada dadban. Inkasta oo xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi iyo midowga musharaxiinta labaduba dalbadeen in la badalo hadana dheg jalaq looma siin, oo waxaa la sheegayaa inuu weli ku jiro guddiga. Source: goobjoog.com
  15. Press Release Communication Section 16th June 2021 100 Somali National Army personnel graduate from British led training exercise One hundred (100) Somali National Army (SNA) soldiers graduated today from British-led Company Collective Training in Baidoa, the capital of South West State in Somalia. This is the sixth iteration of an eight-week training programme aimed at improving the SNA’s ability to combat the threats posed by al-Shabaab. The training involved a mix of theory and practice, covering defensive operations, basic command and control, dealing with improvised explosive devices, first aid, safe weapon handling, shooting, tactics, communications, first aid and human rights. Soldiers were trained at the British Security Training Centre (BSTC) in Baidoa. Today’s graduation brings the number of Somali National Army personnel trained by the British Army to over 2300 forces over the last four years. This latest cohort is a step toward transferring security responsibilities to the Somali National Armed Forces and building a security and defence force that is professional and accountable to the Somali people. Ahead of the graduation ceremony, the students demonstrated the skills they acquired during their training that will help them to better perform their duties once back to their units. Speaking during the graduation ceremony, British Ambassador Kate Foster, said: “I want to congratulate you for successfully completing your training. You have proved your ability to march on, shoulder to shoulder, and I admire your dedication and application. Over the last year, Somalia has made real progress towards building its future army and in conducting operations. We’re delighted the UK has played a role in this, especially in Baidoa which is a vital location in the fight against Al Shabaab.” “It is also good that the training which were tailored for the demands of working in Somalia have continued despite the coronavirus pandemic, albeit with strict precautions.” South West State President Abdiaziz Mohamed ‘Laftagareen’ thanked the UK government for the traing “The more sweat on the ground during training, the less blood on the battle field and more victories for Somalia. Training is the best gift to any army and we are grateful to the UK government for helping our army” The graduation ceremony was presided over by the British Ambassador to Somalia Kate Foster and attended by South West State President Abdiaziz Mohamed ‘Laftagareen’, Somalia’s Minister of Defence Hassan Hussein Haji and senior civilian and military officials from the Federal Government and Southwest State. Qaran News
  16. BAIDOA (HOL) - A new batch of 100 soldiers graduated today from the British funded military camp in Baidoa adding to over 2,300 the number of soldiers who have undergone training in the facility. Source: Hiiraan Online
  17. Golaha siyaasiyiniita Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday Farmaajo uu welli fara gelin ku haayo magacaabista xubanaha guddiga doorashooyinka Somaliland . Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan sida Farmaajo uu gacanta ugula jiro magacaabista guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka . Hoos Ka akhriso qoraalka golaha siyaasiyiinta Somaliland Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo guddiyada doorashada ee Gobolada Waqooyi. Golaha oo isugu jiro siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weli wado faragelinta guddiyada doorashada Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inuu jabiyey heshiiskii ahaa in magacaabista guddiyada ay ka tashadaan Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka. “Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay, markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo akhrinayey shirka jaraa’id ee golahaan ayaa sheegay inuu Farmaajo mid mid ugu yeeray wasiirada kasoo jeeda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka oo doonayey inay iska bedelaan xubnaha shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay inuu culeys ku saaray inay arrintaan isaga haraan. Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu gacantiisa ku qortay shantii xubnood ee xukuumadda soo magacaabi lahayd ee ka mida Guddiyada Doorashada kala duwan ee Maamulka Somaliland, waxayna ka digeen in lasoo saaro liisaska Guddiyada Doorashada Somaliland iyadoo aan la isku afgaran. Ugu dambeyntii, Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxay ugu baaqeen inuu shaqadiisa qabsado, maadaama uu isaga mas’uul ka yahay howlaha doorashada iyo hirgelinta heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Muqdisho. The post Siyaasiyinta Waqooyiga ee garabka Cabdi Xaashi oo eedeyn u jeediyey Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare taasi oo loogu talagalay inay noqoto qeybta Imtixaanaadka ee Wasaaradda. Madaxweyne Deni ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha xarunta. Madaxweyne Deni ayaa goobjoog ka noqday, munaasabad ay dhismaha xarunta kula kala wareegeen Wasaaradda Waxbashada Puntland iyo hay’adda Save The Children oo maalgelisay. Ugu danbeyna madaxweynaha Puntland ayaa abaalmarino guddoonsiiyay mas’uuliyiintii iyo howl-wadeenadii shaqada qabtay. PUNTLAND POST The post Deni oo xariga ka jaray xarun loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  20. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Suldaan Bin Sacad, oo uu u gudbiyey dalab la xiriira taageerada dalka. Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in si taxadar leh looga gudbo xaalada ay wajaheyso Soomaaliya, xili la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan doorashooyinkii muddo dhaafay. Wasiirka ayaa Suldaan Bin Sacad ka dalbaday in dowladda Qatar ay kordhiso taageerada ay siiso dowladda federaalka, taasi oo uu ku sababeeyay in xiligan Soomaaliya ay mareyso xaalad xasaasi ah, islamarkaana ay wajaheyso dhibaatooyin kala duwan. Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula qaadanayey qaar kamid ah wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, kuwaasi oo diirada lagu saarayey xaalada Soomaaliya. Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageerada ballaadhan siiya dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer lala xiriiriyey inay saaxiib dhow la tahay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday iyo Agaasimaha NISA. The post DF Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowladda QATAR appeared first on Caasimada Online.
  21. Somalia has called on the International Criminal Court to investigate recent Kenyan airstrikes in Gedo region which killed one woman and injured five children. Source: Hiiraan Online