Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali community leaders in the Coast Region have called upon the Directorate Criminal Investigations (DCI) to immediately investigate kidnappings and killings of Somali girls in the country. Source: Hiiraan Online
  2. Basra Hussein Hersi, a mother of six, had to close her small shop last year in Gacan Libaax village, in the Somaliland capital Hargeisa, when she ran into losses. Source: Hiiraan Online
  3. Xildhibaan u sharaxnaa Maayarnimada Burco oo ka tanaasulay Hankiisii+Sababtu u tanaasulay Xildhibaan Khaalid ayaa Goordanbe soo dhigay Bartiisa Face-book-ga Qoraalkan:- Anigoo ah xildhibaan Khaalid Xasan X.diiriye oo usharaxnaa Maayirka degmada Burco, Markaan eegay Danta Guud ee Burco, midaynta iyo wada Jirka Bulshada Burco ee nasoo dooratay ee naga Sugaysa waxqabadka, waxaan go,aansaday inaan ka tanaasulo hankaygii Maayirnimo. Una tanaasulo walaaladay Cabdirisaaq Hero iyo Mukhtaar Cabdi Maxamuud. Waxaa inoo balana waxqabad iyo horumarka Burco oo Gacmaha isu wada qabsano.… Wabilaahi tawfiiq Xildhibaan khalid hassan. Qaran News
  4. Oday Cawil Cali Ducaale Wuu Moogan Yahay Inay Somaliland Ka Dabargoday Caadadiisi Xasadka Iyo Xiqdiga Ahayd. Cawil Cali Ducaale oo maanta war-baahinta la hadlay ayaan dib u xasuustay soyaalkiisi tarikheed ee fajida iyo xasadka ku dhisna. Markii ugu horraysay ee aan anigu la kawsaday Cawil Ducaale waxay ahayd horaanti sannadkii 2003-, markaas oo Dalka ay ka taagnayd ololihi doorashadii Madaxweyne ee ay ku tartamayeen Ex Madaxweyne Siilaanyo iyo Ex Madaxweyne Daahir Rayaale. Maalin kasta wakhtigaas wuxuu qaban jiray shirjaraa’id, waxaanu xooga saari jiray xagga qabyaalada iyo cunfiga. “Siilaanyo waa Ninkii Cabdiraxmaan Tuur riday, Dalka haduu qabsado dagaalba ka dhacaaya, iyo kalmado aanu Ruux cimrigaas jira ummadda inuu dhexdhigo ay mustaxiil tahay ayuu ku ololayn jiray”. May ka ahayn qabiili qabyaalad ahaan sida u samaynaaya amma Danta rerkiisa u arka inay ugu badinayso, muu ahayn mid hiil uu Cabdiradmaan Tuur Alle hawnaxariiste ugu hiilinayo sidaa u samaynaaya. Markaan raad raac ku sameeyay tariikhda Cawil Ducaale waxay ka ahayd oo kaliya dabeecadiisa xumaatay oo noqotay xanuun nafsi ah isagoo xumaanta xasadka iyo khiyaanada ku dareemaya caafimaad nafsaani ah oo shaydaan u qurxiyay. Wasiirka Maaliyada ayuu noqday doorashadii kadib cid uu ku matalaayay oo degaankiisa ah ma jirin, isaga iyo kuugiisa cuntada u kariya iyo Eyga guriga u jooga ayuu weheshan jiray wakhtiga aanu shaqada joogin, wuxuuse markaasna sii waday naxligii ummadda, xasadkii iyo fajidii lagu kala irdhaynaayay shacabka Somaliland. ” Beesha East Burco Clan kursiba ka cararay oo ay naarta u galayaan raadintiisa, Beesha Gabiley Clan belaayo uunba ka maqan oo Dalka wixii soo gala dhaqaale iyaga qaata, Axmed Siilaanyo wuxuu ka danbeeyay Dilkii shirqool ee lagu khaarajiyay Muj Aadan Shiine iyo Muj Cabdiqaadir Koosaar”. Weedhahaas ayaa kamid aha kuwii laga guntay ee taariikhda u galay. Waxa la yaab leh, Cawil Ducaalihii sida aha markii Axmed Siilaanyo ka guulaystay Daahir Rayaale qofkii ugu horreeyay ee hoos fadhiista Siilaanyo wuxuu aha Cawil Cali Ducaale . Cajiib: Muxuu sidaa u samaynaayay ayaad is waydiin karta haddiiba uu ku farxay guusha Ninkii ay maryaha dhiiga leh kala furteen oo waliba uu gacan yarihiisa noqday markii Xisbigiisi UDUB laga guulaystay intaanu Siilaanyo xilkaba la wareegin, jawaabtu waxay tahay waxaas uu shubaayay kaliya waxay ka ahayd “Khiyaano” Daahir Rayaale wuu khiyaamaynaayay, degaanka uu ka soo jeedo Cawil Ducaale wuu khiyaamaynaayay, ummadda Somaliland wuu khiyaamaynayay, ilaa Naftiisa ayuu khiyaamaynaayay. Maanta Oday Cawil Cali Ducaale isagoo maaski wajiga xidhan ayuu markale hoos fadhiya Madaxweyne Muuse Biixi, mashruuca uu wadaana waa isla kii shalay ee khiyaanada iyo xasadka shaydaan faray ah, isagoo kula colaytamaaya cida xagga kale ka soo jeeda ee aan tallada xukunka Dalka haynin. Kama aha inuu Cabdiraxmaan Cirro Madaxweyne u diidan yahay, amma Faysal Cali Caraabe u diidan yahay, amma Muuse Biixi ugu hiilinaayo. Waxay ka tahay kaliya caado xanuun nafsiya noqotay oo xasad, xiqdi ummadda lagu kala dilaayo iyo xumaan ah. Waa caado 70-sanno in kabadan uu ku soo dhaqmaayay ilaa Dawladdi kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre oo balwad ku noqotay. Waxaase Alle mahadii ah inay maanta Somaliland ka dhammaatay cahdigii xasadka iyo fajida ay uga faa’iidaysan jireen Dadka Shayaadiinul Jiniga ahi. Tusan Muniir A Cigaal. Qaran News
  5. 10-ka tababare ee Kubadda Cagta ee ugu taajirsan Adduunka & Mid waliba intuu haysto Tababareyaasha kooxaha kubadda cagta Tababarayaasha ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwa go’aanka weyn ku leh mustaqbalka kooxaha, ciyaaryahanada ayaa ah kuwa caan ah marka loo barbardhigo tababarayaasha. Tababarayaasha ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta ciyaartooyda iyo tababarkooda si ay usoo bandhigaan ciyaar wanaagsan. Waa kuwa mas’uul ka ah inay qiimeyn ku sameeyaan kooxaha uu loolanka kala dhexeeyo si ay u helaan istaraatijiyad u horseeddo guusha. Si guul loo gaaro, kooxaha waaweyn ee dunida waxay dadaal ugu jiraan sidii ay ku heli lahayeen tababarayaal awood u leh maamulka ciyaarta. Si kastaba, labaatankii sano ee lasoo dhaafay qaar kamid ah tababarayaasha waxay bilaabaan inay qaataan lacag ka badan midda ay qaataan ciyaartooyda. Haddaba, waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa 10-ka tababare ee ugu taajirsan dunida. 10. Rafael Benítez – musharkiisa waa 15,423,642 Malyan oo doolar sanadkiiba Raphael Benitez Rafael Benítez oo horraan tababare usoo noqday kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa kaalinta 10-aad ka galay liiska tababarayaasha ugu taajirsan dunida. Haatan wuxuu leyliyaa kooxda Dalian Proffessionals ee ka dhisan Shiinaha. Mushaarkiisa wuxuu gaaraya 15,423,642 Malyan oo doolar. Benitez waxaa sanadkii 2016-kii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Everton. wuxuu kooxda ka tagey 2019-kii, wuxuu ku biiray kooxda Shiinaha ka dhisan. Rafael Benitez ayaa soo caanbaxay sanadkii 2005 markii kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Liverpool ay qaaday koobka horyaalka Yurub. 9. Massimiliano Allegri -Wuxuu qaataa 16,013,767.50 malyan oo doolar sanadkiiba Allegri Allegri wuxuu kamid yahay tababarayaasha ugu taajirsan dunida. Massimiliano “Max” Allegri wuxuu usoo dheelay Talyaaniga, markii ugu dambeysay kooxda Juventus. Allegri wuxuu guulo u horseeday kooxdiisa, wuxuu mushaarkiisa gaaraya 16,013,767.50 malyan oo doolar. Massimiliano Allegri wuxuu kamid yahay 10-ka tababare ee ugu wanaagsan dunida. 8. Fabio Cannavaro, mushaarkiisa wuxuu gaaraya, 16.79 malyan oo doolar sanadkiiba Canavaro Fabio Cannavaro wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu taajirsan dunida. Cannavaro wuxuu u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatana waa tababaraha kooxda Guangzhou Evergrande. Wuxuu difaac usoo ahaa kooxo badan oo ka dhisan Talyaaniga, waa daafaca kaliya ah ee heysta abaalmarinta Balon d’Or. 7. Ernesto Valverde – mushaarkiisa wuxuu dhan yahay 22,537.9 Malya oo doolar sanadkiiba Ernesto Ernesto Valverde waa weeraryahan u dheeli jiray xulka Talyaaniga, haatan waa tababare. Markii uu ka dheeli jiray horyaalka La Liga ee Spain, wuxuu dhaliyay 68 gool markii uu kasoo muuqday 264 ciyaarood. Markii uu howlgab noqday wuxuu noqday tababare, wuxuu macalin usoo noqday kooxaha Olympiacos 2008-09 iyo Barcelona. Valverde ayaa sanadkan laga ceyriyays shaqada tababaranimada ee kooxda Barcelona kadib markii kooxda Bayern Munich ay 8-2 ku dhufatay Barcelona. 6. Zinedine Zidane -wuxuu qaataa 27,287,982 malyan oo doolar sanadkiiba Zidane Zidane wuxuu kamid yahay tobanka tababare ee ugu taajirsan dunida, wuxuu ahaan jiray ciyaartooy dunida caan ka ah oo u dheeli jiray xulka qaranka Faransiiska. Wuxuu ahaa tababaraha kooxda Realmarid ee ka dhisan Spain tan iyo markii uu iska casilay dhawaan, wuxuu qaadanayay mushaar dhan 27,287,982 malyan oo doolar. Ciyaartooyda khadka dhexe ka dheeli jiray wuxuu kamid yahay ciyaartooyda fara ku tiriska ah ee ku guuleystay koobka horyaalka Yurub isaga oo tababare ah ama ciyaartooy ah. 5. José Mourinho – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar sanadkiiba Jose Mourinho wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan uguna taajirsan dunida. José Mário dos Santos Mourinho Félix wuxuu u dhashay dalka Bortuqiiska waana tababarihii hore ee kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Tottenham Hotspurs. Waxaa shaqada tababarimo ee kooxda Manchester United laga ceeyriyay sanadkii 2018-kii. Wuxuu dhowr jeer ku gacan seyray codsiyo uga yimid dhowr kooxood ah in uu tababaro ka noqdo kooxaas. Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay koobab badan intii uu macalinka ahaa, wuxuu qaataa mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar. 4. Jürgen Klopp – Wuxuu qaataa 28,474,416 malyan oo doolar sanadkiiba Jurgen Klopp Jürgen Norbert Klopp wuxuu u dhashay Jarmalka, waana tababaraha kooxda Liverpool. Waxaana lagu tiriyaa tababaraha ugu wanaagsan. Wuxuu kooxda Liverpool u horseeday inay ku guuleystaan koobka horyaalka Ingiriiska iyo horyaalka Yurub. 3. Pep Guardiola -Mushaarkiisa waa 32,027,535 malyan oo doolar sanadkiiba Pep Guardiola Pep Guardiola waa tababaraha ugu taajirsan Ingiriiska, wuxuu u dhashay Spain, waana tababaraha kooxda Manchester City. Waxaana lagu tiriyaa tababaraha soo hoyiyay guusha ugu badan caalamka. Markii uu ciyaartooyda ahaa, wuxuu wakhti badan kusoo qaatay kooxda Barcelona, wuxuu guulo badan u horseeday kooxo badan uu macalin usoo noqday. Markii uu meel sare gaarsiiyay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, Pep Guardiola wuxuu sanadkii 2016-kii ku biiray Man United. Waxaa uu suurogashay in uu soo dhiso xulka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska inta la ogyahay taariikhda. Wuxuu sanadkiiba mushaar ahaan u qaataa 32,027, 535 malyan oo doolar. 2. Antonio Conte – Wuxuu qaataa 35,593,020 malyan oo doolar sanadkiiba Antonio Conte Wuxuu tababare u dhashay Talyaaniga ahna ciyaartooy hore. Waa tababaraha kooxda InterMilan. Conte wuxuu xirfaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay Lecce, markii dambe wuxuu noqday ciyaartooyda ugu saameynta badan kooxda Juventus. Wuxuu kooxda InterMilan u horseeday inay gaarto ciyaaraha kama dambeysta ee koobka horyaalka Yurub. 1. Diego Simeone – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 48,50,577 malyan oo doolar sanadkiiba Diego Simione Diego Simeone waa tababaraha ugu taajirsan dunida. Wuxuu sanadkiiba qaataa mushaar dhan 48,50,577 malyan oo doolar, wuxuu kamid yahay tababareyaasha ugu mushaarka fiican sanadkan 2021-ka. Tababarahan u dhashay Argetine wuxuu kooxdiisa Atletico Madrid gaarsiiyay inay qaadaan koobabka horyaallada La Liga, Copa del Rey iyo horyaalka Yurub. Qaran News
  6. Doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka oo ka dhacay meelo ay Somaliland ka arrimiso waxay abuureen doodo yimid xilligii loo baahnaa. Doodda ugu kulul waxaa soo bandhigay Maxamuud Geeldoon oo waraysi siiyay Somali TV Minnesota Geeldoon wuxuu xusay in maamulka Somaliland isa saaray xil sharci darro ah: kala goynta Soomaaliya. Laba sababoodba hadalkiisu wuu u culus yahay: 1- wuxuu ka dhashay beel ka mid ah beelaha Imbaradooriyaddii Biritishka la saxiixday heshiis ilaalin oo gaar ah, heshiiskaas oo siyaabo kala duwan Biritishku u jabiyay waayo wuxuu Soomaalida ku dhaqayay xeer (customary law), wuxuuse dadkiisa ku dhaqayay Xeer Guud (Common Law). 2- Kala-goynta Soomaaliya si gaar ah ayay u saamaynaysaa beesha Geeldoon ka dhashay waayo ku dhowaad 40% waxay ku dhaqan yihiin dhulkii Talyaanigu gumeysan jiray gaar ahaan gobolka Bari. Weyddiinta soo bixi karta waa: ma Soomaali ayaa sidii gumeystayaashii reer Yurub u kala qaybsadeen isu kala qaybsanaysa? Maxamuud Geeldoon wuxuu ku dooday in xuduudo gumeystayaal beelo Soomaaliyeed ka dhex sameeyeen aan loo cuskan karin kala goynta Soomaaliya. Geeldoon wuxuu taabtay dagaalkii lagu jabiyay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta iyo xariggii Suldaan Maxamuud Cali Shire. Dagaalkii dhexmaray Biritishka iyo xoogaggii Daraawiishta waxay ka mid yihiin dagaallada lagu xusay A Global History of War, uu qoray Gérard Chaliand. Majaladda The Economist oo sanadkii 2000 gorfeysay Encyclopedia of Africa, waxay xustay in tafaftiryaashu, Kwame Anthony Appiah and Henry Louis Gates, Jr., ka tageen taariikhda hoggaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waa heshiisyada Soomaalidu gashay qarnigii 19aad kuwa yeelan kara doodo sharciyeed oo weli taagan waayo Somaliland waxay dooddeeda goosashadu ku salaysan tahay qayb ka mid ah heshiisyada (sida Soomaalidu u dhowrtay heshiisyada), way illowsan tahay sida Soomaalida danaheedii loogu xadgudbay markii heshiisyadaas la jabiyay. Geeldoon muu xusin in ku dhowaad seddex meelood meel dhulka Soomaalida heshiiska ilaalin ku gashay si qarsoodi ah loogu wareejiyay Imbaradooriyaddii Itoobiya sanadkii 1954kii. Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahiim Cigaal oo hadal ka 1968kii ka jeediyay Royal African Society wuxuu sheegay in Biritayn heshiisyo qarsoodi ahaa la gashay Itoobiya kuna wareejisay dhul Soomaalidu degto. Taariikhdeennu kama billaabanin qarnigii 19aad. Soomaalidu waxay lahayd ilbaxnimo ganacsi, dhulkeedana waxay ku ilaashan jirtay magaca Soomaaliyeed. Dad la qabsado oo dhaqan ahaan la dhalanrogo ayay Soomaalidu noqon lahayd haddii ay ahaan lahayd ummad u nugul weerarro. Soomaalida ayaa gef laga galay markii hashiiskii lala galay uu isu beddelay mid xaq Soomaalidu leedahay lagu duudsiiyay. Mohammed A. Nurhussien, oo dhakhtar ahaa, wuxuu buugga Made in Ethiopia, ku qoray in Xayle Salaase ku tilmaami jiray Muslimiimta Itoobiya “ dadka nala nool”. Soomaalida waxay ka mid ahaayeen dadkaas degganayaasha ahaa; ma lahayn xaq dhalasho. Waa arrinta uu Axmed Mire, sarkaal ka tirsanaaa ururkii SNM, si dadban uga faallooday dhowr toddobaad ka hor, sheegayna in dadka ku noolaa dhulka Soomaaliyeed uu Birtishuku gacanta ku hayay aan loo oggolayn furashada xisbiyo siyaasadeed. Reer Waqooyigu waxay koonfurta Soomaaliya tageen iyagoo aan lahayn xisbiyo siyaasadeed u dhigmay SYL: odayaal dhaqameed ayaa habkii xukunka dadban (indirect rule) iyaga ku maamuli jiray. Marnaba reer Waqooyigu ma helin fursado iyaga loogu diyaarinayay madaxbannaani. SYL uun baa u taagnayd midayn dhulalka Soomaaliyeed ku kala jiray gacanta Talyaaniga (xilligii gobanimo-gaarsiista) iyo Biritayn. Xayle Salaase (Ras Tafari Makonnen) oo 1924kii London kaga qabgalaya Carwadii Imbaraddooyidda Biritishka. Soomaalidu ma sixiixin heshiis dhowray danihii Imbaradooriyaddii Biritayn oo keliya, waxay ka qabgaleen dagaalkii labaad. Waa sababta Hargeysa looga xuso dhammaadkii dagaalkii labaad ama maalin ka mid bisha Nofeembar sanad kasta si loo xusuusto xabbadjoojintii 1918kii. Itoobiya Heshiis ma sixiixin aan ahayn mid ay ku qaadanaysay dhul Soomaaliyeed. Taas waxaa dheereyd in Biritishku xoreeyay Itoobiya markii fashiistadii Talyaanigu soo weeraray dhulkii loo yiqiin Abasiiniya. Somaliland iyo Midowga Afrika Midowga Afrika marnaba dheg uma raariciyo dadaalka Somaliland ku raadinayso inay ka go’do Soomaaliya. Itoobiya, oo xarunta ururku ku taallo ahna dal saamayn siyaasadeed oo wayn leh, waxay aad uga soo horjeeddaa goosashada Somaliland sababo sharciyeed awgood. Itoobiya way og tahay in sheegashada Somaliland oo ku salaysan xudduudihii gumeysiga noqon karto waddo-halaq-mareen (precedent). Haddii Somaliland sheegan karto dhul ka mid dal Afrikaan ah oo xubin ka ah Midowga Afrika maxaa u diidaya inay isla dooddan u adeegsato sheegashada dhul dad Soomaaliyeed oo ay dowladda Biritishku si sharcidarro ah ugu dartay Itoobiya 1954kii? Itoobiya waxay afartaamadkii, xilli ay ku hoos ku jirtay Biritishka oo u yiqiin Dhul Cadaw (enemy territory) heshiis shidaal qodis ku siisay Sinclair, shirkad Maraykan ah, si marnaba uusan dhulkaas uga hoos bixin Itoobiya, sida uu Bahru Zewde ku qoray A History of Modern Ethiopia1855-1991. Xabashidu waxay si qorshaysan uga macaashtay awoodihii Galbeedka: Biritayn baa fashiistihii Benito Musoluno ka xoreysay Itoobiya; ku dhowaanshaha Maraykanka wuxuu Itoobiya ka caawiyay inay sii korodhsato dhulalkii Soomaalida ay ka qabsatay. Itoobiya way og tahay in dareenka Soomaalidu ka qabto dhulballaarsigii Xabashida yahay mid weli jira, keenay dagaallo madaxbanaanni-doon ah dhaliyay in Itoobiya laba dal loo kala jaro 1993kii. Soomaaliya waxay dhalatay markii gobollada Waqooyi iyo Koonfureed Midoobeen Dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya badankood waxay ku salaysnaayeen dareenkii ka dhashay dhulkii Soomaalida oo sida qarsoodi ah loogu wareejiyay Itoobiya. Dadka dhulkaas ku nool waxaa u billoway gumeysi cusub. Dhammaan mahadhooyinkan taariikheed waa kuwo xusid mudan waayo ma aha madaxda Somaliland oo keliya kuwa taarriikhdu uga billaabato 18kii Maajo 1991kii; Soomaalidu guud ahaan waxay waayeen kayd-qoraalladii taariikheed ka caawin kari lahaa waxa dhexmaray dalkooda iyo dalalka la jaarka ah. Soomaaliya waxay maanta ku tiirsan tahay waa xusuus mararka qaarkood aan sugnayn. Menelek (Mililiq): “Soomaalidu lo’ada ayay ii raacaan; anigaa dhulkooda leh.” Leenco Lataa, hoggaamiyihii hore ururka Gobanimaddoonka Oromada (OLF) wuxuu ku qoray buuggiisa The Horn of Africa as Common Homeland, in Menelek (Mililiq) ka codsaday Biritayn inay isaga siiyaan dhulka Soomaalida waayo “Soomaalidu lo’da ayay ii raacaan.” Inkastoo Xabashida iyo Soomaalidu jaar ahayeen qarniyo badan, Menelek dooddiisu waxay muujisay in aqoonta Soomaalida uu u lahaa ay aad uga hoosaysay tii reer Yurub. Fursado la seegay Muddo Somaliland waxay haysatay fursado ay ku jiheyso isbeddellada siyaasadeed ay Soomaaliya u baahan tahay. Way iska soo oodday Soomaaliya inteeda kale halka xasiloonnidarrada koonfurta Soomaliya ka jirtay ay keentay in beesha caalamku maalgeliso dib-u-dhiska hay’adaha siyaasadeed ee Soomaalida. Horumar gaabis ah ayaa la gaaray hase ahaatee maanta wax wayn ayay Soomaalidu ka dheefaan ku faro-adaygga ilaalinta qarannimada Soomaaliya. Way og yihiin in, qarannimo la’aanteed, ay u nuglaanayaan, talis qabqableyaal ama weerarro dowlado shisheeye ku soo qaadaan Soomaaliya. Soomaaliya midnimadeeda dhuleed iyo siyaasadeed waxaa marar badan lagu xusay go’aammo ka soo baxay Golaha Ammaanka. Afrika laba dal uun baa tan 1991kii ka go’ay dalal: Eritreeya (1993kii) iyo Koonfurta Suudaan (2011kii). Go’aanka goosashada Somaliland wuxuu yeeshay dhowr saamayn: 1- dad Soomaaliyeed baa qaybo ka mid ah dhulkaooda laga soo tarxiilay; 2- dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah ka soo degi lahaa Berberba ayaa laga hor istaagay inay soo deegaan inkastoo cadaadis kaddib, loo oggolaaday inay markabka ka soo deegaan; 3- Qaybo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya (ex-British Somaliland) – dhulka lagu murusnan yahay—waa dhul ay hay’adaha gaaggaarku tagi karin waayo Somaliland ayaa u taqaan dal gaar ah una diyaar ah inay ku dagaallanto; 4- dowladda Somaliland waxay saldhig ciidan siisay Imaaraadka Carabta, oo waxay heshiis la gashay shirkadda DP World oo ah shirkad ay dowladda Imaaraadku leedahay haddana maamusha dekedda Bererba. Tallaabooyinkani waa kuwo Soomaaliya maanta ka dhigay dal qarka u saaran inuu lumiyo qarannimadiisa waayo madaxdiisu waxay u dhaqmayaan sida madax-dhaqameedyadii heshiisyada la galay dalalkii reer Yurub, halka Itoobiya oo markii Menelek (Mililiq) ka talinayay iyo maanta, ku dooddayso inay dal tahay kuna guulaysatay inay qaadato dhul Soomaalidu ku nooshahay. Itoobiya waxay Biritayn la gashay heshiis qarsoodi ah iyadoo ka mid ahayd Ururkii Qaramada (League of Nations), ugu dambyantiina la wareegtay dhul Soomaalidu ku noolayd iyadoo xubin ka ah Qaramada Miidoobay xilli Waqooyigu meel la ilaaliyo ahaa, koonfurtuna gobanimo-gaarsiin (trusteeship) ku jirtay. Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Heshiiskii 2013kii dowladda federaalku la gashay Somaliland wuxuu Hargeysa xaq u siiyay inay deeqasha si toos ah u hesho. Heshiiskaasi muu keenin in Somaliland wax ka bedeshso siyaasadeedda abuurtay in qayb ka mid Waqooyiga Soomaaliya noqotay dhul lagu murusan yahay oo hay’adaha gargaarku aysan tagi karin. Ma jirin xil Puntland ka saarnaa ka dhaadhicinta Somaliland inay dhowrto xaqa dadka ku nool dhulka lagu murusan yahay oo qaarkood xildhibaanno ku lahaa Baarlamaanka Federaalka 2012-2017kii. Somaliland waxay dooratay inay ka fa’iidaysato kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dhulka lagu muransan yahay. Puntland ayaa soo magacawda xildhibaannada ka imanaya dhulka lagu muransan yahay. Ma jirto sabab dhulkaasi u sii ahaan karo dhul lagu muransan yahay oo ka mid ah dal jira. Waa lagama marmaan in dhulkaasi noqdo dhul ka caaggan ciidammo iska soo horjeeda. Waxaa sidoo kale tixgelin mudan in dowladaha Soomaaliya kaalmada siiya sida Biritayn, EU iyo Maraykanka lagala hadlo xaqa horumarineed ee dadka ku nool dhulka lagu muransan yahay. Waxtarka Midnimada Midnimada Soomaaliya waxtar badan ayay reer Waqooyiga u leedahay. Reer Waqooyi waa bulsho xoolodhaqato u badan, halka koonfurtu xoolo-dhaqato, beeralay, kalluumaysato iyo magaalooyin soo-jireen ah leedahay. Burburkii dowladdii dhexe wuu saameeyay hab-dhismeedka bulsheed ee koonfurtu caanka ku ahayd waayo ciidammo hubaysan oo badankood miyiga ka yimid ayaa ku habsaday degmooyiinkii caanka ku ahaa kala duwanaanshaha beelaha dhanka haybta iyo dhaqan-dhaqaalaha. Isbeddelladani may jideynayaan in Soomaaliya la kala gooyo. Waa kuwo dowlad karti lihi wax ka qaban kari doonto. Inkastoo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed mas’uuul ka ahaayeen dagaallo beeleedyo 1991kii ka dhashay kala-jabkii ururkii USC, may iska dhaadhicnin in Soomaaliya laba dal tahay ama noqotay dal baaba’ay. Waxay garanayeen waxa dhici kara haddii ay bixiyaan farriin ah in Soomaalidu illowday dareenkeedii qarannimo. Gaboodfallo ayaa ka dhacay koonfurta – xasuuq, barakicin iyo macaluushayn – laakiin madaxdii waagaas joogtay marnaba ma tuurin mabda’a in Soomaaliya hal dal tahay iyo in qof kasta iman karo kuna noolaan kao meeshuu rabo. Sababta maanta Soomaaliya nabaddeeda loo maalgalinayo waa dareenka qarannimo oo weli Soomaalida ku jira. Atul Kohli, oo wax ka dhiga jaamacadda Princeton, wuxuu ku dooday qarannimadu tahay hanti. Waa halis in ummadi ay bannaanka ka istgaagto ama burburiso qarannimo, ummad qarannimada unkiddeeda iska kaashatay. Soomaalidu uma dhaqmi karto qarniga 21aad sidii odayashii Soomaalidu dhaqmi jireen dhammaadkii qarnigii 19aad, xilligaas oo qorsheyaashii Afrika lagu qaybsaday hirgalayeen. Danta Soomaaliya waxaa lagu ilaalin karaa qarannimada. Waa iyada tan loo mari karo xallinta xadgudubyada dhacay tan 1960kii waayo qofka Soomaaliyeed xaqiisa siyaasadeed, horumarineed iyo dhaqaale waa mid aan qaybsami karin. Dhowaan wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in hanti badan oo reer, koonfureedku leeyihiin taallo Hargeysa. Si dadban ayuu dadka ugu sheegayay in Soomaalidu aysan kala maarmin. Maanta fursad wayn ayaa jirta lagu xallin karo dhibaatada horumarineed ka taagan qaybo ka mid Waqooyiga Soomaaliya oo uu maamulka Somaliland ka taliyo ama sheegto. Dhulkaasi ma sii ahaan karo dhul xuddun u noqda colaad siyaasadeed. Soomaliya waa dal kursi ku leh Qaramada Midoobay. Waa bisayldarro siyaasadeed in maanta reer Waqooyigu u ekaaday dad ku kala qaybsan raadkii uu ka tagay taliskii maamulkii dadbanaa ee Biritishka. Dalka Biritayn gudahiisa dhaqdhaqaaq baa jira goobo iyo wadddooyin magacyo lagaga beddelay si dadku aysan u xusuusansin xiriirka taariikheed ay magacyada la beddelay la leeyhiin Imbaradooriyaddii Biritayn. 2018kii Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay goob loogu dabbaaldagayay sanadguurada ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ciidanku ka soo jeedo King’s African Rifles. Taariikh ahaan sax ama, hase ahaatee waa dood aydiyoolijayadeed. Madaxweyne Biixi wuxuu xoogga saarayaa waajibaadka saarnaa Soomaalidii maxmiyadda Soomaalida Biritishka ku noolayd oo wuxuu indhaha ka laalayaa xilkii saarnaa Imbaradooriyaddii Biritayn, waqtigan oo tiro aad u yar oo kaalmada horumarineed ee dowladda Biritayn siiso Somaliland ay soo gaarto dhulka lagu muransan yahay. Dooddiisu waxay dad badan xusuusisaa hadalka diblomaasiyiinta Biritishka marka ay carrabka ku adkeeyaan xiriirka taariikheed ee Biritayn iyo Somaliland. Soomaalidu miyay marna ka caban kartaa ku biirinta dhul Soomaaliyeed dalka Itoobiya, marna miyay ku dhaadan kartaa isla taariikhdaas? Waa dood taariikheed oo lakab hor leh ku kordhin karta cakirnaanta siyaasadda Soomaaliya. Liibaan A. Axmad libahm@gmail.com The post Somaliland iyo Taariikhda Siyaasadeed ee Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  7. Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji, ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyinka af-duubka ah iyo dilalka ah ee maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Nairobi. Degmada Kamukunji, waxa tirsan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay wajahayay af-duub iyo dilal, islamarkaana qaarkood weli la la’yahay. Dadka weli af-duubkaas lagu la’yahay oo afar qof ah, saddex kamid ah waa gabdho, waxaana jirtay in qaar kale madax-furasho lagu sii daayay sida ay sheegeen Eheladooda. Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa dhacdooyinkii u dambeeyay ee lagula kacay Soomaalida, wuxu ku tilmaamay kuwa aan marnaba la aqbali karin isagoo si adag u cambaareeyay falalkaas. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Yuusuf Xasan oo si adag u cambaareeyay af-duubka lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ,ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka degmadaas. Kulanka ayaa waxaa uu ahaa, mid Madaxweyne Lafta-gareen uu Odayaasha dhaqanka uga xog-wareysanayay xaaladda guud ee degmada Waajid iyo baahiyaha ka jira degmada, ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay inta uu socday amniga degmada iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa dadka shacabka iyo laamaha amniga, sidii loo horumarin lahaa adeegyada aas-aasiga ee loo baahan yahay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaii Lafta-gareen oo kulamo kale la qaatay dhalinyarada iyo Haweenka ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga Maamulka, si looga hortego falal amni darro oo Waajid ka dhaca. Kulamada xalay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Maamulka, kuwaasi oo shalay gaaray degmada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo la qaatay Bulshada degmada Waajid appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu gubay dikumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa yaalay. Matxafka ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaa burburiyey nin uu ku amray in falkaasi uu fuliyo, iyadoo la sheegay in Mr Netanyahu uu qof ku amray inuu gubo dhammaan dukumiintiyada xafiiskiisa ka hor inta uusan xafiiska baneyn. Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dukumintiyada dab la qabadsiiyay maalinkii ugu dambeyay ee uu xafiiska ka tagayay Mr Netanyahu, saacado uun ka hor markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha cusub ee Israel, Naphtali Bennett. Sharciga Israa’iil wuxuu mamnuucayaa gubista ama burburin dukumiintiyada taas badalkeedana wuxuu qeexayaa in dukumiintiyada noocaas ah lagu keydiyo meel aamni ah oo ka tirsan xafiiska rai’sul wasaraaha.Sida uu dhigayo sharciga maaraynta dukumiintiyada, ra’iisul wasaaraha iyo kaaliyeyaashiisa aadka ugu dhow ayaa loo oggol yahay inay arkaan dikumiinyadan sirta ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaarahii hore ee Israa’iil oo gubay dikumiintiyo sir ahaa appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda buuxiyo xilal wasiiro oo muddo ka bannaan xukuumadiisa. Xilalka wasiirnimo ee madaxweyne Deni buuxin doono ayaa kala ah Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada oo bishii May ee sanadkii hore uu ka geeriyooday Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda oo bishii December ee sanadkii hore uu iska casilay Maxamuud Xaaji Saalax. Madaxweyne Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay la-tashiyadii ugu danbeeyay la sameynayay beelaha ay ka iman doonaan wasiiradda cusub. Shakhsiyaadka loo saadaalinayo in midkood loo magacaabo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda waxaa ka mid ah sida aan xog ku helnay Axmed Yuusuf Maxmed oo ka tirsan shirkadda Golis oo ay riixayaan saaxiibada madaxweyne Deni iyo nin lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf oo madax ka ah mid ka mid ah hay’adda caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, kaas oo isagana ay wadaan xildhibaanno iyo odayaal dhaqan oo ka soo jeeda gobolka Gardafuu, sidoo kale ragga xilkan raadinaya waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo koobay Faarax oo qurbe-jooga, inkastoo isagu ka fursad yar yahay dhinacyada kale, siday xogtu sheegayso. Dhanka kale Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada ayay u badan tahay in loo magacaabo Prof. Maxamed Diiriye Gama’diid oo ay wada dhasheen wasiirkii geeriyooday, kaas oo taageero ka haysta xildhibaannada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Ceyn. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabaya xilal wasiiro bannaan iyo shakhsiyaadka la saadaalinayo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya, odayaal dhaqan iyo siyaasiin, waxaa dowladda Soomaaliya loo diiday in ay qaaddo dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xubno kamid ah ehellada Korneelka ay shalay taliyaha xoogga dalka ka diideen in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah, isla markaana ay dirtay dowladda Soomaaliya lagu soo qaado kadibna la dhigo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn shalay subax la soo qaaday balse la dhigay gurigiisa, waxaana la jooga dhaqaatiir gaar ah oo u badan xigtadiisa, iyadoo sidoo kale ay wararku sheegayaan in uu dhaawaciisa fududyahay. Qoyska Korneel Saneey Cabdulle ayaa qaba shaki weyn oo dhinaca dowladda ah, iyagoo aaminsan in la sumeyn karo ama loo adeegsan karo daawooyin qaldan maadaama uu yahay mucaarad aad u hubeysan. “Dowlad uma baahno Korneelka ehelkiisa ayaa ku filan oo daaween kara, dhawaanna waa la qaadi doonaa inta ka horreysana gurigiisa ayaa lagu dabiibayaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Korneel Saneey Cabdulle oo la hadlay Caasimada Online. Saneey Cabdulle ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga leh lasoo galay magaalada Muqdisho bishii April, kuwaas oo soo afjaray damacii Farmaajo uu ku sameystay muddo kororsiga sharci-darrada ah, waxaana la sheegay in muddo dheer ay doon dooneysay dowladda Soomaaliya. The post Xog: Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo loo diiday DF appeared first on Caasimada Online.
  12. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble has appointed federal and state-level electoral teams which will oversee the upcoming parliamentary elections. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) –Kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble uu caawa soo saaray liiska dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka ayaa waxaa soo baxaysa fal-celinta siyaasiyiinta ee ku aadan tallaabadaas, waxayna inta ka soo hadashay muujinayaan inay ku qanceen kala shaandheynta xubnihii cabashada kala soo gudbiyey ee guddiyada. Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiir Axmed Macalin Fiqi, Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka soo hadlay tallaabadii uu R/Wasaare Rooble ku shaaciyey liiska guddiyada doorashada ayaa muujiyey inay ku qanacsan yihiin dhammaan xubnaha la shaaciyey magacyadooda ee ku jira heerarka kala duwan ee guddiyada. Ugu horeyn Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhanyahay.” Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna yiri, “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu caawa soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysul wasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii.” Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble, ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda.” Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey. Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.” Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyadya isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni.” Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Siiriin ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa dhameystirka raisalwasaare Rooble uu soo dhameystiray guddiyadda doorashooyinka qaranka. waa talaab muhiim u ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay. waxaan ugu baaqayaa guddiyadda doorashooyinka in ay shaqadooda u bilaabaan sida ugu dhaqsida badan.” Xubno uu ugu horeeyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii muujiyey in guddiyadaan ay ku jiraan xubno uu sharcigu u diidayo, isla markaana aysan ku qancin kala shaandheyntii uu sameeyey guddiga heer wasiir ee Rooble uu u xil-saaray arrintaan, kuwaas oo ku dhawaad 40 xubnood ka saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa shaaciyey liiska guddiyada doorashooyinka oo gaaraya shan qeybood, kuwaas oo kala ah: 1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, 2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed, 3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland, 4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, 5- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada. Linkigaan ka akhriso liiska guddiyada The post Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciyey Rooble appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar yar oo 14-sano jir ah ayaa kufsi wadareed iyo jir dil loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ehelkeedu warbaahinta u sheegeen, waxuuna falkaasi gabi katuuray noloshii gabarnimo ee dhibanahaan. Falkaan waxa uu dhacay 17-kii bishaan, waxayna ragii kufsaday gabadhaan duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ku heysteen mudo laba cisho ah, ehelkeedu waxay warbaahinta u sheegeen in ku dhawaad 20 rag ah ay kufsi wadareed u geysteen gabadhooda. Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer u ah gabadha la kufsaday waxa uu warbaahinta u sheegay in illaa 8-qof loo soo qabtay falkaan, kuwas ooh adda ku xiran xarunta dembi barista booliska ee CID-da. Sidoo kale Adeer Jabriil waxa uu sheegay in lagu daba jiro ku dhawaad 10 nin oo kale, kuwaas oo laga garanayo deegaanka, isla markaana sida uu sheegay ka baxsaday, si aan loo qaban. Gabadha Hooyadeed ayaa sheegtay in markii la afduubanayey gabadheeda ay u dirsatay adeeg, isla markaana ay raadinayeen laba cisho oo duurka lagu heystay, waxayna meel duur ah ka heleen iyadoo dhib xoog leh loo geystay. Hooyadaan waxay dalbaneysaa in raggii dhibkaan u geystay gabadheeda cadaaladda la mariyo. Yaasiin Maxamed oo isna Adeer u ah gabadhan ayaa sheegay in falkani uu muujinayo sida arxan darradu ay ugu sii baaheyso Soomaaliya, isagoo sheegay in 20 rag ah ay isugu tageen gabadhaan, dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in lagu gacansiiyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa raggii kufsi wadareedkaas u geystay gabadhooda. Hoos ka Daawo warbixin ay ka sameysay KNN The post Daawo: GABAR 14 jir ah oo kufsi wadareed iyo jir dil loogu gaystay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa goordhow magacaabay guddiga federaalka u matalaya doorashada iyo khilaafaadka, waxaaase durbadiiba soo baxay cabasho laga qabo. Rooble dadka uu magacaabay waxaa ku jirta la taliyihii hore ee Farmaajo dhanka arrimaha bulshada Caasho Abuukar Qaasim . Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Xildhibaannada wakhtigoodu dhammaaday ee magaalada Burco ayaa hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ku ammaanay in guul taariikhi ah ka soo hooyay doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka magaalada Burco. Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebook oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay waxa uu dhignaa sida tan: Hogaamiye Hersi Ali Haaji Hassan waxa uu ku guulaystay in Burco oo midaysan Mayorkii iyo Mayor ku xigeenkii ba mucaaridku wada qaato. Gudoomiyaha Degmada Burco Abdirisaq Heero iyo Gudoomiyekuxigeenka Degmada Burco Mukhtar Baryaare ka soo baxay Xisbiga Ucid. Waxan hanbalyaynaya Xildhibaan Suldaan Nuux oo tanaasulay shalay wada hadalnay ii sheegay inu danta Burco iyo midnimada iyo wada jirka shacabka burco u tanasuulayo Guul ayan u rajeynaya . Mubaarik Yuusuf(Bidhi) Source
  18. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda kumeel gaarka ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacabaay guddiga doorashada heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka . <span;>Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhaw baahiyay liiska xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal kuwaa oo ka koban guddiga doorashooyinka iyo guddiga xalinta . Hoos Ka akhriso guddiga heer federaal ee doorashooyinka. Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay dhamaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad gobaleed . Rooble ayaa shegay in dhamaan maamul gobaleedyada dalka ay soo dhameystireen xubnaha guddiyada doorashada ku matalaya. Hoos ka akhriso liiska xubnaha guddiga doorashada heer dowlad gobaleed. Ra’iisul wasaare rooble ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska guddiga doorashada xildhibaanada laba aqal ee Somaliland. Hoos ka akhriso Magacyada xubnaha guddiga doorashada xildhibaanada labada gole ku matalaya Somaliland. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale magacabay xubnaha dowladda federaalka ku dareyso guddiyada doorashada dowlad gobaleedyada dalka. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka. Rooble ayaa magacaabay: 1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, 2- Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka, 3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed, 4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland, 5- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, 6- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada. Haddaba hoos ka aqriso dhammaan liiska. Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka. 2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka The post R/W Rooble oo shaaciyey liisaska dhammaan lixda guddi ee doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in kala shaki xoog leh uu soo kala dhax-galay ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku wada sugan degaano ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-Ceelle iyo Mahadaay. Ilo wareedyo ka kala tirsan ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka iyo Guutada Gor Gor ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ay kala qabaan shaki ballaaran, kaasoo keenay in ay istaagto wadashaqeyntii ka dhaxeysay ciidamada. “Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada qaar iyaga gaari ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. “Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankayna, wax nala cunaan, nala dagaal galaan arrintaas shaki ayaa ka qabnay hadana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, kuwaasoo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay. Caasimada Online ma xaqiijin karto dhamaan eedaha loo jeediyay ciidamada qaar balse waxaan xaqiijinay in kala shaki weyn u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, shakigaas oo ka dhashay gadoodkii ay sameeyeen ciidamada qaar ee diidanaa muddo korarsigii Farmaajo. Qaraxa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyey 4 sarkaal oo uu ku jiro Col. Saneey Cabdulle, oo ah Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, kana mid ahaa saraakiisha diiday muddo kororsiga Farmaajo ee ciidanka lasoo galay Muqdisho The post Xog: Kala shaki xoog leh oo ka dhashay qaraxii shalay lala beegsaday ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
  21. Suldaan Nuux, oo ka mid ahaa mudanayaasha u tartamayay Maayirnimada Burco ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay. “Anigoo u tudhaya midnimada iyo wada-jirka Bulshada Burco – una taagan horumarinta iyo walaalaynta Burco. Aaminsan na in la saxo wixii khaldamay oo aan dib loo noqon. Waxaan u tanaasulay danta iyo midnimada Burco. Hankaygu ma noqon doono mid bulshada kala qaybiya, ee wuxuu noqonayaa mid bulshada mideeya. Bisaylka siyaasadeed bay ka mid tahay in aad aqbashid aqlabiyadda. Anigoo xoojinaya xisbinimada, xakamaynayana in kala-qaybsanaantu xoogaysato – waxaan ayidayaa go’aankii xisbigayga Waddani qaatay iyo heshiiskii wadajirka ahaa ee labada xisbi-mucaarid, kaas baanan ku shaqayn doonaa. Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo jadwalka kalfadhiga golaha deegaanka degmada Burco, ee berri loo asteeyey. Dibudhac kasta oo ku yimaadaa wuxuu keenayaa in xamaasadda iyo xaraaradda Bulshadu kacdo, wuxuuna xagal daacin karaa nabadgelyada magaallada. Sidaasi darteed, waa in kalfadhigaasi berito qabsoomaa, Idamka Alle” Source
  22. (SLT-Tehran)-Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Iran kadib markii uu ku guulleystay inta badan codadkii ilaa hadda la tiriyay. Wuxuu ka adkaaday saddex musharax oo kale taas doorasho shalay ka dhacday dalka Iran.Mr Raisi waa xaakimka ugu sarreeya Iran waxaana saaran cunaqabateyn ay dowlada Mareykan ku soo rogtay. Madaxweynaha Iiraan waa ninka labaad ee ugu darajo sareeya wadanka, ka dib hogaamiyaha ugu sareeya. Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasada gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin nidaamka siyaasadeed ee Iran waa hogaamiyaha ugu sareeya ee wadanka Ayatollah Ali Khamenei, oo ah wadaadka diinta ugu sareeya, kaas oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka. Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorka Mr Raisi ee dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii. Wuxuu ka mid ahaa afar garsoore oo maamulayay xukunnada dilka ah ee qiyaastii 5,000 oo maxbuus, sida ay sheegtay Amnesty International. Source
  23. UNFPA Deputy Executive Director and UNFPA Regional Director for the Arab States arrive in Iraq 19 June 2021; Baghdad, Iraq – The United Nations Assistant Secretary-General (ASG) and United Nations Population Fund Deputy Executive Director (DED), Mr. Ib Petersen, and UNFPA Regional Director for the Arabic States, Dr. Luay Shabaneh, started yesterday a five-day visit to Iraq. During the visit, Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will focus on the humanitarian-development-peace nexus, which is also a focus of the UNFPA country programme 2020-2024 and the Iraqi national priorities. The high-level UNFPA officials will discuss with the Government, civil society organizations and partners in Baghdad and Erbil how UNFPA can further support the Government of Iraq and the Kurdistan Regional Government to achieve the 2030 Agenda and meet Iraq’s commitments made at the International Conference on Population and Development (ICPD 25) in Nairobi on November 2019. “I am delighted to be in Iraq as part of my field visit to the Middle East. I look forward to hearing from government officials and civil society representatives how UNFPA can increase its support during the country’s recovery period after years of humanitarian crises to ensure that Iraq meets the goals of the Decade of Action,” said Mr. Petersen from the Baghdad Airport. During the visit, they will also conduct two field visits to camps for the internally displaced persons and meet with women and young people from the host communities to discuss their needs and how UNFPA can scale up its programmes to support their ambitions. Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will depart Iraq on 22 June heading to Amman, Jordan. Qaran News
  24. Tehran (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo uu Maanta oo Sabti ah qabtay madaxa gudiga sare ee doorashooyinka dalka Iiraan Jamal Caarif ayuu ku sheegay in musharaxa madaxweynimo ee dalkaas Ebrahim Raisi uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday. Raisi ayaa helay 17 milyan iyo 800 kun oo cod kadib markii ay soo baxday natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday dalkaas, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad gaarayo ilaa 28 Malyan oo qof. Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharaxa kale ee lagu magacabo Mohsen Rezaei uu helay codad gaarayo 3 Malyan iyo 300 kun oo cod. Musharaxa qunyar socodka ah, Abdel Nasser Hemmati ayaa helay labo milyan iyo 400 kun oo cod, sidoo kalana Qazizadeh Hashemi ayaa helay hal milyan oo cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga, taasoo ka dhigan in Ebrahim Raisi uu noqday madaxweynaha dalka Iiraan. Isaga oo ka hadlayey natiijada hordhaca ah ee doorashada, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif wuxuu sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu la shaqeeyo Ebrahim Raisi wixii hada ka dambeeya maadaama uu yahay madaxweynaha la doortay, wuxuuna ku tilmaamay Raisi inuu yahay “nin caqli badan” oo wadanka si wanaagsan u hogaamin doona. Waa kuma Ebrahim Raisi? Raisi, wuxuu ku dhashay 1960 magaalada Mashhad, waa siyaasi diimeed iyo muxaafid mayal adag. Wuxuu ku soo biiray garsoorka 1980 wuxuuna ka shaqeeyey xeer ilaalinta guud ilaa 1994. Isla sanadkaas waxaa loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud. Sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku xigeenka 1-aad ee hey’ada cadaaladda, wuxuuna xilkaas hayey 10 sano, hogaamiyaha sare ee dalkaas wuxuu u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadka 2019. Raisi wuxuu ku biiray Golaha Khubarada 2006, ka dibna waxaa loo magacaabay 2017 inuu xubin ka noqdo Guddiga dhanka nidaamka kala taliyo Khamenei sidoo kalana xaliyo khilaafkaadka, sidoo kalana wuxuu doorashadii madaxtinimada ee 2017 ka galay kaalinta labaad kadib Rouhani. Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuq-maasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta. Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii, sidoo kalana waxaa kiiskaas awgiis cunaqabateyn u saaray Mareykanka, Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay’addaha xuquuqda aadanaha. Awooda Madaxwynaha Iiraan Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareeya wadanka, kadib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go’aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah. Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka. Guushiisa maxay uga dhigan tahay Iran iyo adduunkaba? Raisi wuxuu ballan qaaday inuu yareeyn doono shaqo la’aanta kana shaqeyn doono sidii meesha looga saari lahaa cunaqabateynta Mareykanka ee ka qeyb qaadatay dhibaatada dhaqaale ee dadka caadiga ah ee reer Iiraan. Weriyaha BBC-da ee Beershiya Kasra Naji ayaa sheegtay in dadka mayalka adage ee Iiraan ay raadin doonaan inay xoojiyaan nidaamka xaigjirnimada ee ku dhisan islaamnimada, taasoo micnaheeda ay noqon karto xakameyn badan oo ku saabsan howlaha bulshada, xorriyadaha yar yare ee shaqooyinka haweenka iyo xakameynta adage ee warhaabinta. Kuwa mayalka adag waxay ka shakisan yihiin reer galbeedka, laakiin Raisi iyo Hogaamiyaha Sare Khamenei labaduba waxay door bidaan in dib loogu laabto heshiis caalami ah oo ku saabsan howlaha nukliyeerka Iran. Heshiiskii Nukliyeerka ee la saxiixay 2015, wuxuu Iran ka yareeyey cunaqabateyntii Reer Galbeedka, waxaana heshiiskaas lagu xakameeyey horumarinta ay Iiraan ka waday dhanka hubka Nukliyeerka. Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskaas 2018, maamulka madaxweyne Trump wuxuu dib u soo rogay xaddidaadyo curyaaminaya awoodda iiraan ee ganacsiga. Mr Raisi wuxuu kamid ahaa saraakiisha cunaqabateynta la saaray. Iran waxay ku jawaabtay dib u bilaabida hawlgaladii nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska. Wadahadalada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska ayaa ka socda magaalada Vienna, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sidoo kale doonayo inuu soo nooleeyo. Laakiin labada dhinacba waxay yiraahdaan kan kale waa inuu sameeyaa tallaabada ugu horreysa. The post Waa kuma Ebrahim Raisi – Muxaafadka mayalka adag ee loo doortay madaxweynaha Iran? appeared first on Caasimada Online.