Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,042
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka. Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in uusan Ninkaasi wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aysan jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale. Boliska waxaa kaloo baareen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xiriir uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale. Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baarayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka. PUNTLAND POST The post Booliiska Jarmalka oo war ka soo saaray nin Soomaali ah oo hore dad ugu dilay magaalada WUERZBURG appeared first on Puntland Post.
  2. (CNN) The Milwaukee Bucks won their first NBA championship in 50 years, downing the Phoenix Suns 105-98 in Tuesday's Game 6 of the NBA Finals in Milwaukee. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU: Somalia’s Al-Shabab extremists have warned politicians against taking part in elections due to kick off this month after months of deadlock and delays. Source: Hiiraan Online
  4. Ramla Ali will be making her debut at the Tokyo 2020 Olympics. On the Gemili & Poz podcast she also speaks about her drive to inspire the next generation and reveals the details behind a phone call from Meghan Markle. There is talk of the cardboard beds that are causing such a stir in the athletes’ village, her love of athletics and how Covid-19 has impacted behaviours in Tokyo. Source: Hiiraan Online
  5. Some 3,720 refugees presently residing in Ethiopia have received COVID-19 jabs, the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) has said. Source: Hiiraan Online
  6. WASHINGTON - Somali commandos coming under attack from the al-Shabab terror group got some help from above, for the first time in months, in the form of a U.S. airstrike. Source: Hiiraan Online
  7. Waa kuwee Madaxwaynayaasha lagu jabsaday Telefoonadooda Barnaamijka Pegasus ee Israel Samayso? Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo caalamka ah oo la rumeysan yahay in la taleefoonadooda la bartilmaameedsaday oo la isku dayay in la jabsado iyadoo la adeegsanayo barnaamij wax lagu basaaso, sida ay ku warramayso warbaahinta. Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira. Waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda. Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan. Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisa Warbixinnada ayaa qeyb ka ahayd qoraalo is xig-xigay oo muujinayay in Software-ka oo loo yaqaan Pegasus lagu bartilmaameedsaday kumanaan qof oo caan ah. Software-kan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay Israa’iil islamarkana waxaa laga iibiyay wadamo badan. Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa Faransiiska ayaa ku warramay in sirdoonka Marooko ay ogaadeen taleefoonka uu Mr Macron isticmaalayay tan iyo 2017-kii. Morocco ayaa beenisay inay macmiil u ahayd ama ay ka mid tahay dadka adeegsada barnaamijka Pegasus. In aad ku jirtid liiska micnaheedu maahan in softiweerka la adeegsaday laakiin waxay ka dhigan tahay in qofku ahaa bartilmaameed suuragal ah. Ma cadda ilaa iyo imika in barnaamijkaas waligiis lagu shubay taleefonka madaxweynaha Faransiiska Lambarada ku jira liiska sirta ah ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan kuwa madaxweyaasha dalalka Ciraaq Baram Salih iyo madaxwaynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyo sidoo kale ra’iisul wasaarayaasha dalalka Pakistan, Masar, iyo Boqorka dalka Morocco. In ka badan 600 oo saraakiil dowladeed iyo siyaasiyiin ka kala socda 34 dal ayaa ku jira liiska dadka taleefoonadood la bartilmaameedsay. Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in haddii waxa la shaaciyay ay run yihiin ay tahay arrin aad u culus. Qaran News
  8. Belgium ayaa qabanaysa maalin baroordiiq ah oo lagu xusuusanayo 31 qof oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadkii waddanka ku soo rogmaday todobaadkii hore. 70 kale ayaa weli la la’ yahay. Calanka ayaa duhurnimadan maanta hoos loo dhigayaa, waxaana is qabsanaya dhawaaqa wiishashka ka hor inta aan la oogin daqiiqad aamusnaan ah. Ugu yaraan 120 qof ayaa ilaa haatan la ogyahay inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay galbeedka Yurub, kuwaasi ayaa intooda badan ku dhintay Jarmalka. Tan iyo markii ay daadadku dib u soo laabteen, boqolaal of ayaanan geeri iyo nololba lagu haynin. PUNTLAND POST The post Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday baroor qaran appeared first on Puntland Post.
  9. Duqeyntii ugu horreysay ee Muddo billo ah oo laga fuliyey Gudaha Soomaaliya,Yaase Fuliyey? Drone Court Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab maanta degaan ka tirsan maamul goboleedka Galmudug. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday saacaddu markii ay ahayd 11-kii aroornimo iyo shan daqiiqo, hase yeeshee lama shaacin goobta saxda ah ee duqayntu ka dhacdday iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday. Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan. 19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya. Xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya. War-saxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaas ay ahayd mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab. Waxay sheegtay dawladda federaalka ah in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Danab ay sii wadaan hawlagallada ka socda Galmudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab si dadka looga xoreeyo Al-Shabaab, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas. Maalmahan ayaa dagaallo ay ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Qaran News
  10. Madaxweyne Afrikaana oo dirqi kaga badbaaday isku day dil Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Mali Colonel Assimi Goita ayaa “badqaba oo ammaan ah” sida uu sheeegay xafiiskiisa kadib isku dil day dil oo maanta ay fuliyeen laba nin oo mid uu mindi watay, xilli uu salaad ku dukanayey masjid ku yaalla magaalada Bamako. Weriye ka tirsan AFP oo goobjoog u ahaa weerarka ayaa sheegay in labada nin ay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga. Weriyaha ayaa sheegay inuu dhiig ku arkay goobta inkasta oo weli aysan caddeyn qofka la dhaawacay. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Goita “uu amni yahay oo uu badqabo, kadib wax ay ugu yeereen isku day khaarijin. Goita ayaa la geeyey xerada militariga ee Kati oo ku taalla banaanka caasimadda, “halkaasi oo amniga la xoojiyey,” sida lagu sheegay qoraalka. Bayaanka madaxtooyada ayaa intaas ku daray, in ciidamada ammaanka ay ka awood badiyeen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana uu hadda baaritaan socdo. Weerarkan ayaa dhacay kadib salaaddii Ciidul Adxa ee masjidka weyn ee magaalada Bamako. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa aaday dhanka madaxweynaha xilli uu Imaamka hagayey dad joogay banaanka Masjidka oo gowracayey xoolaha udxiyada. Wasiirka Maaliyadda Mali Mamadou Kone, oo Masjidka ku sugnaa, ayaa AFP u sheegay in nin uu “isku dayey inuu madaxweynaha ku dilo mindi,” balse la qabtay. Agaasimaha Masjidka Latus Toure ayaa sheegay in ninka mindida watay uu soo weeraray madaxweynaha balse uu dhaawacay qof kale. Goor dambe, sarkaal amni oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in labada qof la xiray oo ay xabsi ku jiraan. Goita ayaa madaxweyne loo dhaariyey bishii June kadib markii uu hoggaamiyey afgambigii labaad ee dalka ka dhaca wax ka yar laba sano gudahood. Qaran News
  11. Masuulka Tigray-ga ugu sareeya Xukuumadda Abiy Axmed Sida Fiinta uga qaylisay? Dr Tedros Adhanom Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa dhawaan daabacday warbixin ay uga hadlayso agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka, Dr Tedros Adhanom, kaasoo ay ku eedaysay in uu ololeeyo urur argagixiso ah oo ay ula jeedo Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Wakaaladda ayaa sheegtay in Tedros bishii la soo dhaafay uu qoray farriimo uu taageero ugu muujinayo ururka TPLF isla markaana uu ku dhaliilayo xukuumadda Federaalka. Waxa ay si gaar ah ugu eedaysay agaasimaha guud in uu u debaal-degay ku soo laabashadii TPLF ee caasimadda Mekelle. Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar been ah oo sheegaya in Dr Tedros uu ka baxay Itoobiyaannimada. Dadka faafinayaa warkaas beenta ah ayaa qaatay waraysi ay BBC la yeelatay nin dhakhtar ah oo lagu magacaabo Tewodros Tefera, kaasoo sanadkii hore u warramay weriye Andrew Harding xilli uu ku sugnaa xero qaxooti oo ku taal Sudan. “Hadda kama fekerayo in aan Itoobiyaan ah, marka ma sii wadan doono baasaboorka Itoobiya,” ayuu xilligaas sheegay Tewodros. Magaca Tewodros ayaa mararka qaar loo qoraa Tedros. Waa kuma Dr Tedros Adhanom? Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus waa 56 jir Itoobiyaanka ah oo tan iyo July 2017 hogaaminayay hay’adda caafimaadka adduunka. Waxa uu noqday Afrikaankii u horreeyay ee xilkaas loo doorto. Waxa uu sanadkii 1965 ku dhashay magaalada Asmara oo xilligaa ka tirsaneyd dal-weynihii Itoobiya. Dhakhtarkan ku takhasusay biology-ga iyo caafimaadka dadweynaha ayaa ah hal xaasle dhalay shan carruur ah. Shaqooyinkii uu horay u soo qabtay waxaa ka mid ah in uu soo noqday wasiirkii hore ee caafimaadka ee Itoobiya waxaa kale oo uu wasiir ka soo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Soomaalida dhexdheeda, waxaa si weyn loogu xusuustaa in uu ka soo muuqan jiray fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya. Dr Tedros (dhexda) Waxa uu dowr muhiim ah ka cayaaray heshiiskii Addis Ababa ay 2013 ku gaareen dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kaasoo loogu aqoonsaday hogaamiyaha Jubbaland. Markii uu bilowday duulaankii ay dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray, waxa uu Tedros beeniyay in uu hub u iibiyay xooggaga TPLF. Balse xukuumadda Addis Ababa ayaa weli diiradda ku haysa mas’uulkan asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigray. Qaran News
  12. Dad Agabkii ciidda iibsanaayey oo qarax lagu laayay Qaraxa ayaa ka dhacay goob laga tukaameysto Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay weerar bambaano oo lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Baqdaad, sida ay sheegeen ila wareedyo dhanka amniga ah. Qaraxa ayaa ka dhacay suuq ku yaal waqooyiga magaalada Sadr, xilli qoysasku isu diyaarinayeen ciidda Ciidul Adxa oo maanta ku beegan. Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Baqdaad muddo lix bilood ah. Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegatay mas’uuliyadda, waxayna sheegeen in mid ka mid ah xubnahooda uu qarxiyay jaakad lagu rakibay walxaha qarxa. Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka ay kula jirtay kooxdan IS sanadkii 2017-kii. Balse, unugyada huraadiga ah ayaa sii wada kacdoon si hoose ku socda. IS ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee dhacay bishii Abriil kaasoo ay ku dhinteen afar qof suuq kale oo ku yaal magaalada Sadr, oo ay ku badan yihiin Shiicada Muslimiinta. Waxay sidoo kale sheegatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay bishii Janaayo Fagaaraha Tayaran kaasi oo ay ku dhinteen 32 qof. Waxaa uu qaraxaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca caasimadda saddex sano gudahood. Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in haween iyo caruur ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii Isniintii ka dhacay suuqa al-Wuhailat. Afhayeen u hadlay militariga Ciraaq ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Mustafa al-Kadhimi uu amar ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada booliska federaalka u qaabilsan amniga aaga suuqa, islamarkana waxaa bilaabmay baaritaano. Qaran News
  13. Sababta Maalqabeennada Adduunka u daneynayaan inay tagaan Hawada sare oo la ogaaday! Dayax gacmeedka New Shepard Maalqabeenka iska leh shirkadda Amazom, Jeff Bezos ayaa maanta u duulay hawada sare, isagoo raacay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ay dad rakaab ah raacaan kaas oo lagu magacaabo New Shepard. Waxaana safarkan uu ku tegayo hawada sare ku wehliya Mark Bezos oo la dhashay Jeff iyo Wally Funk oo 82 jir ah taas oo bilowday tartanka loogu jiro hawada sare xilli ay aheyd arday. Waxay ku safreen qalab sidii gantaalka ah oo leh daaqado waaweyn. Dayax-gacmeedkan New Shepard waxaa soo saartay shirkad uu leeyahay Jeff Bezos oo la yiraahdo Blue Origin si loo xoojiyo suuqa dalxiiska ee hawada sare. “Aad baan u faraxsanahay, dadka waxay i weydinayaan in aan baqayo iyo in kale. Waxaan doonayaa in wax badan aan soo ogaado, waxaan doonayaa in aan soo barto waxa aad ka baran doontaan safarkan,” ayuu yiri Jeff Bezos oo wareysi siinayay warbaahinta CBS News. Wally Funk waxay dhankeeda sheegtay “Waa tallaabo aan qaadeyno, in muddo ah ayaan sugeynay in aan dayaxa tago, waa arrin aan ku haminyay.” Sanadihii 1960-maadkii, Wally Funk ayaa kamid aheyd koox lagu magacaabo Mercury 13 kuwaas oo maray tababaro iyo tijaabooyin lamid ah kuwa ay maraan dadka cirbixiyeennada ah balse weligeed ma aysan tegin hawada sare. Kasoo bilaaw bidix: Mark Bezos, Jeff Bezos, Oliver Daemen iyo Wally Funk Afartan rakaabka ah ayaa ka duulay saldhig gaar ah oo uu leeyahay Bezzos kaas oo ku yaalla meel u dhaw deegaanka Van Horn ee gobolka Texas. Arrintan ayaa imaaneysa xilli toddobaadkii lasoo dhaafay uu Richard Branson oo ah maalqabeen u dhashay UK dayax-gacmeed ku tagey hawada sare. Jeff Bezzos wuxuu heystaa lacag dhan 200 bilyan oo dollar, waana ninka ugu taajirsan adduunka. Ninkan 57 jirka wuxuu dhawaan iska casilay jagada madaxa fulinta ee shirkadda Amazom. Mark oo ah nin la dhashay Bezzos ayaa wuxuu aasaasay shirka qaabilsan xayeysiinta, haatan waa ku xigeenka madaxa hay’adda Robin Hood oo ah hay’ad qaabilsan arrimaha samafalka. Qofka afaraad ee safarka ku wehliya ayaa ah wiil uu dhalay nin lagu magacaabo Joes Daemen, kaas oo aasaasay shirkad gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Netherlands, wuxuu qabsaday kursiga labaad ee dayax-gacmeedka hawada sare tegaya. Waxaan kursigaas horey u qabsaday nin aan magaciisa la sheegin oo ku bixiyay 28 milyan oo dollar kaas oo markii isaga haray sababo la xiriira wakhtiga. Jeff Bezzos iyo Richard Branson ayaa dhaleeceyn kala kulmay baraha bulshada. Dadka qaar waxay ku doodayeen in lacagta ay ku bixinayaan safarkaas ay aheyd inay wax ku bixiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbedallada cimilada iyo dhibaatada ka dhalatay safmarka Fayraska Korona. Richard Branson aaa dadkaas u jawaabay, “Waan fahmi karaa waxa ay ka hadlayaan balse waxay ila tahay in aysan fahansaneyn waxa uu safarka hawada sare uga dhigan yahay dunida.” Wuxuu sheegay in dayax-gacmeedka uu dusha kala soconaya xaalufinta lagu hayo dhirta iyo deegaanka, cunto gaarsiinta dadka iyo xitaa waxka qabashada isbedallada cimilada. Richard wuxuu sidoo kale sheegay “waxaan u baahanahay in daxay-gacmeedyo badan ay hawada sare gaaraan.” Qaran News
  14. Somalia has been plagued by violent conflict for more than 30 years. The devastation caused by the ongoing violence has been compounded by the impact of recurrent climatic shocks which have seen parts of the country ravaged by drought and famine and shattered by periodic floods. With nearly six million people in need of humanitarian assistance in 2021, the institutional humanitarian system carries out multi-sectoral programming in parallel to support provided by emerging actors and Somali social networks including diaspora organizations and groups. Source: Hiiraan Online
  15. Diplomats from Africa’s three representatives and that of the Caribbean at the UN Security Council are gathering in Nairobi to work on a common agenda as the continent faces three crucial crises. Source: Hiiraan Online
  16. The Treasury cannot account for Sh2 billion that Kenya received from the African Union as reimbursement for its troops fighting Al-Shabaab in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. The US military conducted an air strike against Al-Qaeda affiliated Al-Shabaab jihadists on Tuesday, the first since President Joe Biden took office, the Pentagon said. Source: Hiiraan Online
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wiiqay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobollo uu ugu horeeyo Shabeellada Dhexe. Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa soo bandhigay in khilaafkaas uu qarxay markii ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Sida uu barnaamijkaan u sheegay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Shabeellada Dhexe khilaafkan waxa uu qarxay markii ay ciidanka xoogga Soomaaliya bilaabeen howlgal aan lagu war-gelin AMISOM, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage. Intaas kadib waxaa la sheegay inuu qarxay khilaaf iyo kala aragti duwanaasho xoog leh uu u dhaxeeya saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ku sugan qeybo badan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta ku qorneed warqado ay is dhaafsadeen talisyada SNA iyo AMISOM, kuwaas oo Taliska Militeriga Soomaaliya uu uga dacwoonayo ciidamada Burundi ee ku sugan Shabeellada Dhexe. Tasliska militeriga Soomaaliya ayaa ciidanka Burundi ku eedeeyey inay Al-Shabaab madadaalinayaan, oo caajis badan uu ku jiro howlgallada naadirka ah oo ay sameeyaan. Hoos ka dhageyso barnaamijka oo diirada saaraya xogta khilaafka SNA iyo AMISOM https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/76abf8ae-576b-43b1-bb37-6beffbe0316b_16k.mp3 The post Khilaaf saameyn xun yeeshay oo ka dhex-taagan talisyada ciidanka xoogga iyo Amisom appeared first on Caasimada Online.
  19. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray habraaca doorashada aqalka sare oo lagu wado in muddo shan maalin kadib ah dalka ka bilaabato. Hoos Ka akhriso shuruudaha iyo habraacyada leyska rabo. Source: goobjoog.com
  20. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray habraaca doorashada aqalka sare oo lagu wado in muddo shan maalin kadib ah dalka ka bilaabato. Hoos Ka akhriso shuruudaha iyo habraacyada leyska rabo. Source: goobjoog.com
  21. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray habraaca doorashada aqalka sare oo lagu wado in muddo shan maalin kadib ah dalka ka bilaabato. Hoos Ka akhriso shuruudaha iyo habraacyada leyska rabo. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saarat habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo Akoon Bangi uu musharaxu ku shubayo Khidmada lacageed ee 20,000 oo dollar ah. Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri, “Guddigu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay u soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada golaha Aqalka Sare.” Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu qabanayo waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ka hubinaya shuruudaha musharaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee30%. Sida lagu shaaciyey qoraalka guddiga shuruudaha laga doonayo musharixiinta Aqalka Sare ayaa kala ah qodabadaan soo socda: 1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya 2 – In Dhimirkiisu dhan yahay 3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano 4 – In Ann xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay. 5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. 6 – In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxa argagixisada ah. 7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aata ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal. “Mushamx kasta oou tartamaya Galaha Aqalka Sare waa in uu bixiyaa lacagta is diiwan-gclinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.” 1 – Lacagta is diiwan-galinta Musharaxiinta u tanamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan kun oo dollar) musharaxiinta Golaha Shacabka $10,000 (Toban kun oo dollar) 2 – Lacagta is diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran The post Habraaca doorashada Aqalka Sare oo lasoo saaray (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda. Farmaajo ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda. “Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno,” ayuu yiri Farmaajo Farmaajo ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu. The post Sawirro: Farmaajo oo la ciiday cutubyo ka tirsan ciidanka appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn cirka ah maanta lala beegsaday dagaal yahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay dhacday barqanimadii maanta abaaro 11:15Am, taasi oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab. Qoraalka marnaba laguma shaacin goobta ay duqeynta ka dhacday, marka laga imaado inay kamid tahay deegaanada maamulka Galmudug, oo ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo looga sifeynayo Shabaabka. “Cabsidii ugu weyneyd ee Al-Shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Luulyo 11-ka barqanimo ayaa duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ka dhacday Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasi oo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xooga dalka ee DANAB” ayaa lagu yiri qoraalka kasooo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Duqeyntaas ayaa aheyd sida lagu sheegay war-saxaafadeedka mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanada maamulka Galmudug. “Duqeynta lagu difaacayay Ciidanka wax dhibaato uma geysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xooga dalka iyo DANAB way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-Shabaab.” Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan, hase yeeshe waxaa la rumeysan inay qeyb ka ahaayeen saaxiibada Soomaaliya ee ka taageera dagaalka ka dhanka ah Shabaab. 19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya, xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya. “Haddii aynu wada-jirno, Al-Shabaab wax uma dhimi karaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay Wasaarada Warfaafinta kasoo saartay duqeymaha maanta laga fuliyey Galmudug. Si kastaba, duqeynta ay sheegtay dowladda in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab ayaa imaneysa xili ay maalmahan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post DF oo shaacisay duqeyntii u horeysay oo muddo bilo ah lagu beegsaday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.