Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,194
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha wax ka qoray ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eretria ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaan iyo halka loo sheegay in markii hore ciidamadaan loo qaadayo. Nabadoonka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa qirtay inuu damiin ka ahaa 44 dhallinyaro oo kamid ah ciidamada ay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka u sheegtay in tababar ciidan loogu qaadayo dalka Turkiga. Xaad ayaa sheegay in marki uu damiinta ka noqonayey dhallinyaradaan loo sheegay in loo soo tababari doono inay kamid noqdaan aas-aaska ciidanka Nabadsugidda Galmudug sida uu hadalka u dhigay inkastoo aysan jirin illi madax banaan oo arrintaan xaqiijiyey. “Inta aan xusuusto illaa 44 Wiil oo dhallinyaro ah ayaan aruuriyey, waxa aan geeyey taliska Nabadsugidda xarun uu leeyahay oo lagu qoro dhallinyarada taas oo aan filayo in ay ku tiil degmada Shangaani, dhallinyaradaasi waxa ay ahaayeen qaybta ay ka heshay beesheyda hoose ee aan Nabaddoonka u ahay, balse waxa naloo sheegay oo keli ah waxa ay ahaayeen laba arrimood, kuwaas oo kala ah In lagu Asaasayo Nabadsugidda Galmudug iyo in lagu soo tababarayo Turkiga” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoon Xaad ayaa meesha ka saaray in marnaba loo sheegay in ciidamadaan loo qaadayo dalka Eretria oo ay hadda ku heysato nolol xumo iyo jirdil, iyadoo la sheegay in qaar ka tirsan ciidamadaas ay u geeriyoodeen jirdil loo geystay. Habka loo diiwaangeliyey ayuu sheegay in Sawirada Dhallinyarada iyo Sawirkiisa iyo macluumaadka kale lagu dhejiyey xaashiyaha lagu diiwaangelinayey dhallinyarada. Qaar kamid ah dhalinyarada loo qaaday Eretria oo wareysi siiyey VOA ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen. Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen. “Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar waxaa noogu dambeysay bishii 9-aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsadaa,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada. Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaaday tobabar ciidanimo. The post Xaad oo ka hadlay qaabkii loo qoray dhallinyarada loo qaaday Eretria iyo tirada uu damiintay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan warbaahinta dalka Kenya, Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasoo wax ka badan 10 sano ka socda gudaha Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa dhimay 66% oo kamid ah lacagihii uu siin jiray howlgalka lagula dagaalamo ururka Al-Shabaab ee awoodda ku leh gudaha Soomaaliya, waxayna gaareysaa lacagta la dhimay in ka badan $45 Milyan. Lacag dhimista uu sameeyey Midowga Yurub ayaa dhaqan geli doonto sanad maaliyadeedka cusub oo ka bilaaban doonta Bisha Luulyo ee sanadkaan, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii loogu talagalay in AMISOM ay guud ahaan isaga baxdo Soomaaliya. Sida qorshaha yahay, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeyn rabay Bisha December ee sanadkaan, iyadoo amniga dalka lagu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya inkastoo aysan hadda muuqan ififaalo muujinayo arrintaan, waxaana qorshahaan horey shaki u geliyey khubaro dhanka amniga ah. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Ciidamada Kenya ee ka howlgalo Soomaaliya ayaa inta badan Fariisimahooda Militari ku leh deegaanada uu ka arrimiyo maamul Goboleedyada Jubbaland, waxayna Dowladda Soomaaliya dhowr jeer ku eedeysay Kenya in ciidamadeeda ay faragelin qaawan ku hayaan madax-banaanida Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa iydana dhankeeda ku dhawaqday isla waqtigaas inay gudaha u geli doonto Kenya, waxaana kooxdaan u suurta gashay inay weeraro khasaaro geystay ka fuliso gudaha Kenya iyadoo ku hanjabtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab inkastoo weli lagu guuleysan la’yahay in la ciribtiro kooxdaan. The post Midowga Yurub oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga appeared first on Caasimada Online.
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Al-shabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo ay saldhig Militari ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa warka kasoo baxay ku sheegtay in taliska ciidamada dowladda ee Biyo-cadde lagu qaaday weerar is-miidamin ah oo lagu beegsaday saraakiil uu ka mid yahay taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada Xoogga Col. Saney Cabdulle. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dhaawacday taliyaha Guutada 4-aad Col. Saney Cabdulle halka sidoo kale ay sheegtay in lagu dilay 10 askar. “Camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari ayaa saaka ka dhacday xarunta taliska ciidanka dowladda ee deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe. Weerarka waxaa ku dhaawacmay Korneel Saneey Cabdulle taliyaha guutada 4aad waxaana ku dhintay 10 askari’” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dhanka kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe. “Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab. Degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, iyadoo ay sidoo kale joogaan ciidamada milatariga dowladda oo dhowaanahan howlgallo milatari ka waday Gobolka Shabeelada Dhexe. The post Al-Shabaab oo sheegtay cidda ay ku beegsatay qaraxii Ismiidaaminta ah ee Biya-cade appeared first on Caasimada Online.
  4. Qarax ismiidaamin ah ayaa la sheegayaa in lala beegsaday xero ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Biya-Cadde ee Shabeelada Dhexe . Qaraxa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyey 4 sarkaal oo uu ku jiro Col. Saneey Cabdulle Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka. Alshabaab ayaa sheegtay iney dileen tobaneeyo, laakin dowladda ayaa beenisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Biya-cadde (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Biyo-cadde oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe. “Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab. Gen Odaywaa ayaa intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay inay banneysatay daadinta dhigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. 4 askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa geeriyootay halka tiro kale ay dhaawacmeen sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan kadib markii Gaariga qarxay lagu dhuftay mid kamid ah Difaacyada Xerada Ciidanka. Askarta la qarxiyay waxa ay hoostagaan Taliska 27-aad ee Militariga Soomaaliya, waxaana gaaray Gurmad ay u sameeyeen ciidamada kale ee ku sugan xeryaha u dhaw sida ay sheegeen ilo kala duwan. Ciidamadaan waxa ay qayb ka ahaayeen Askartii diidday muddo kororsiga Madaxtooyada ee Golaha Shacabka uu sameeyay ee la magac baxay “Badbaado Qaran” oo heshiis kadib dib loogu celiyay Saldhigyadii ay kasoo baxeen 7-dii May 2021. The post Gen. Odowaa oo war kasoo saaray qaraxii Ismiidaaminta ah ee Biya-cade appeared first on Caasimada Online.
  6. Biyo cadde (Caasimadda Online) – Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay goobo aad uga fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida dad goob joogayaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco caasimadda Online. The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay leeyihiin ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
  7. Wararka ka imaanaya degaanka Biya-cadde, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya, in qarax xooggan lagu weeraray saldhig Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaankaas. Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay weerarka, oo loo adeegsaday gaari weyn oo qaraxyo laga buuxiyay. Col. Saneey Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii mudda-kororsiga diiday, ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Sidoo kale, weerarka waxa ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga, halka qaar kalena ku dhaawacmeen. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu qoray warbaahinta taageerta ururkaas. PUNTLAND POST The post Taliye ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe appeared first on Puntland Post.
  8. The Maine Supreme Judicial Court on Thursday unanimously upheld the conviction of a Portland man convicted of manslaughter in the shooting death of his sister's boyfriend more than two years ago. Source: Hiiraan Online
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Xubno muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Maxamed Islaaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay wadaan dadaalo wax looga beddelayo heshiiskii doorashada. Sida aan ogaanay, labadan madaxweyne goboleed ayaa wada qorshe ay xubnaha beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in doorashada baarlamaanka lagu qabto min ah magaalo, maamul goboleedkiiba. Labadan Madaxweyne oo dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa shirka Kismaayo horgeyn doona ajando ah in la beddalo qorshaha doorashada ee min laba magaalo, haddii aan sidaas la sameyn karinna daruuf gaar ah loo eego labadaan maamul, islaamrkaana doorashada lagu qabto Jowhar iyo Kismaayo oo kaliya. Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa damacsan in ay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka ka imaan doono magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne, waxaase muuqata in haddii lagu qabto aysan ku yeelan doonin awood lamid ah sida magaalooyinka kale ee Jowhar iyo Kismaayo. Lama oga sida ay ku suurta geli doonto qorshahaan uu ka fulo dhinaca beesha caalamka iyo sidoo kale dhinaca ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu dhaawacayo heeshiiskii 17-kii September ee doorashada Soomaaliya. Magaalada Kismaayo ayaa todobaadkaan marti gelin doonto shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doono wakiilada beesha caalamka. The post Guudlaawe iyo A/Madoobe oo sameystay isbaheysi wax looga beddalayo heshiiska doorashooyinka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  10. At least 2.8 million people are projected to face high levels of acute food insecurity and hunger in Somalia, the United Nations humanitarian agency warned on Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Prosecutors say Sadiyo Ibrahim Mohamed beat the child severely before neighbors found her laying in the street outside the family's home. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xogoay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu heshiis la galay Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo Galmudug, Xildhibaanada labada Gole ee hadda ku jira baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug iyo siyaasiyiinta kale ee degaanka. Heshiiskan ayaa dhigaya in Qoor Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Galmudug, oo la filayo inay ku loolamaan siyaasiyiin miisaan culus oo ka kala socda dowladda dhexe iyo mucaaradka. Xogta ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Qoor Qoor loo sheegay in kursigiisa uu ku weyn doono haddii uu doorashada Xildhibaanada u boobo Musharax gaar ah, sidoo kalane uu la safto dhinac kamid ah kooxaha siyaasadda Soomaaliya. Goobta Qoor Qoor lagula balamay waxaa ku sugnaa guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug, sidoo kale goob joog ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulankan ayaa Muqdisho ka dhacay todobaad ka hor intuu uu Muqdisho joogay Qoor Qoor waxaana xogta aan helay saacadihii la soo dhaafay. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu ballan qaaday in uusan cidna taageeri doonin islamarkaana uu ka shaqeyn doono in si cadaalad ah doorashada ku dhacdo isagoo wadashaqeyn ka dalbaday xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda degaanka. Qoor Qoor ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee heshiiskan isaga oo soo magacaabay xubno guddi doorasho oo aysan ku jirin cid lagu xiriirinayo madaxtooyada Soomaaliya. Doorashada baarlamaanka ee dhinaca Galmudug ayaa sanadkaan loo arkaa in ay wajihi doonto tartan adag waxaana lagu hayaa il gaar ah. The post Qoor Qoor iyo mucaaradka oo heshiis cusub galay – Xog appeared first on Caasimada Online.
  13. Somali National Army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia (Amisom) on Thursday killed seven al-Shabab militants in an operation in Mahas town in the central region of Hiran, an official confirmed. Source: Hiiraan Online
  14. (ERGO) – Small traders in the Somali capital Mogadishu are struggling to recover the losses they incurred when Wadajir district’s Madina market was destroyed by fire last December, after reopening their shops in a new stone building. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU - Environmentalists are warning that the demand for charcoal in Somalia is fueling desertification and drought. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn isku soo tareysay xiisada ka dhalatay dhalintii kal hore tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad tan iyo markii laga dejiyay dalkaas. Hanaanka loo maray qorista Askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea ayaa la isku raacay inuu ahaa mid baal-marsan nidaamka ay dowladda ku qorto Askarta ay tobabarka ugu qaadeyso dalalka deriska, ayada oo qaabka loo maray qaadistooda uu ku daboolna mugdi iyo shaki badan. Haddaba, kaalin ma kulahaa xafiiskii ra’iisal wasaare Kheyre oo xiliga uu socday qorshaha lagu qaadayo Askartaas joogay xafiiska? Samiira Axmed Gaydh oo aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee xiligii ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegtay xafiiska Kheyre uu xiligaas waxba kala socon qorshaha lagu qaaday Askartaas. Samiira oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa waxay sheegtay inuusan jirin heshiis rasmi ah oo xukuumadda saxiixay, kaasi oo dhigaya in dhalinyaro Soomaaliyeed tobabar loogu qaado dalka Eritrea. “Heshiis kasta oo ciidan dal kale loogu qaadayo waxaa la keena golaha wasiiradda oo meeshaasa lagu faah-faahiya oo tallo laga bixiyaa. Ciidamada loo qaaday Eritrea-na majiro xataa Wasiir saxiixay, anagana nama soo marin,” ayey tiri Samiira Gaydh oo hore u aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha lagu qaaday dhalintaas iyo qaabka qoristoodaba ay si gaar ah uga wada-shaqeynayeen xafiiska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Hay’adda Nabad-sugidda NISA. Si kastaba, dhalinyarada tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladooda nololeeda, ayada oo ay soo baxday in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay kasoo baxsadeen xeryihii lagu tobabaray, halka kuwa kalena ay wajahayaan tacadiyo ka baxsan tobabarkii la sheegay in loo qaaday. The post Muxuu xafiiskii Kheyre ka ogaa qorshaha lagu qaaday dhalinta la geeyay Eritrea? appeared first on Caasimada Online.
  17. Waxaa layaab noqotay in Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya oo dhawaan la hadashay dhiggeeda Soomaaliya aysan kusoo qaadin duullimaadkii Khamiistii June 4, 2021 ciidamadooda ay markale ku duqeeyeen Ceel Cadde iyo Xisa-u-Guur ee gobolka Gedo. Duullaanka aan loo meel dayin waxay ku garaaceen guryo qoysas Soomaaliyeed oo hurday oo ay ku jiraan 8 carruur ah. Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan – Abuukar Baalle ayaa Golaha Amniga ka sheegay in shacabka Soomaalida ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen ciidamada Kenya ee AMISOM. Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa lab-kiciyay in hooyo iyo ilmihii ay nuujinaysay isku kor-dhinteen. Warkaas waxaa laga maqlay afka saygeeda Cali Axmed Sheekh oo cisbitaalka Erdogan (Digfer) la jooga afarta rajo oo u soo hartay (laba wiil iyo laba gabar) oo dhaawacan (Reuter 7/6/2021). Dambiyo dagaal oo Joogta ah Kenya waxay si sharcidarro ah Dalka u soo gashay 2011 iyadoo si rasmi ah AMISOM looga mideeyey February 2012. Sheegashada la dagaallanka argaggixisada ayaa shaki la’aan leh ujeeddo ka duwan midda hawlgalka AMISOM sida: (1) Inay barakiciyaan tuulooyinka dhaca xuduudda (as a buffer); (2) In xuduudda laga dhigto meel xiisad joogta ah ka taagan tahay (disputed area); iyo (3) In la qariyo gacanta daahsoon ee saraakiisheeda kula shaqeystaan kooxda Al Shabaab. Warbixin uu Guddiga Khubarada Arrimaha Soomaaliya uu u gudbiyay Golaha Amniga ee QM November 2019, ayay ku xaqiiqsadeen in ilaa iyo 12 siiman isgaarsiin “telecom towers” ay burburiyeen ciidamada Kenya, (APNews – 15/11/2019). Khubarada ayaa xaqiijiyey bambooyinka lagu layo dadweynaha Soomaaliyeed inay yihiin “cluster munitions” oo mamnuuc ka ah caalamka (UN Press 15/06/2021). Hawlgallada Kenya waa dambiyo dagaal (war crimes) oo u baahan in loo gudbiyo Maxkamadda ICC. Debshide Ma Noqon Karo Debdemiye Dowladda Soomaaliya waxay tobankii sanadood ee tegay marar badan ugala hadashay dowladda Kenya iyo Midowga Afrika weerarrada soo noqnoqday ee aan kala sooc lahayn. Danjiraha Abuukar ayaa ergayga Kenya Danjire Michael Kapkiai Kiboino weydiiyey haddii duqeynta cirka ee baahsan iyo burburka joogtada ah ee hantida ay tahay nabad ilaalin. Nasiibdarro, gardarraysiga joogtada ah oo ay Kenya ku xasuuqdo dadka, duunyada, iyo hantida gaarka ah uma eka kuwa joogsan doono mustaqbalka dhaw. Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxay su’aal gelineysaa doorka nabad ilaalinta AMISOM. Sidaas darteed, ciidamada Kenya waa inay si degdeg ah looga saaro dalka. Gardarro Garab Og Kenya waxay isku hallaynaysaa garabka hiilo oo ay mar waliba ka helayso Ururrada caalimiga ah (Sida UA, IGAD, iwm), quwadaha waaweyn ee addunka (sida EU, France, UK, iwm) oo badidooda dano dhaqaale ka leh (ganacsi, maalgashi iyo baaris shidaal iwm), iyo xitaa dawlado horraantii saaxiib la ahaa Soomaaliya (Sida Jabuuti, Masar, Qatar, iwm). Haddii kale ma dhacdeen in dawladdaha lagu tirinaayo saaxibbada ay usoo jeediyaan Soomaaliya talooyin aan maangal ahayn sida inay dib uga gurato dacwada badda, waan waan la gasho amaseba la qaybsato bar iyo bar (50-50) khayreaadka ku jira badda Soomaaliya oo ay Kenya hunguriyaynayso. Malahaa waa sababta xanniibaada hubka ka dhigtay mid joogto ah si Dalka uu u yeelan cudud militari, iyadoo aysan jirin sabab muuqata oo sidaa loo yeelo. Kenya waxay rumeysan tahay in dhaqankeeda gurracan ay raali ka yihiin dalalka Yurub ee masruufa iyo kuwa hubka siiya AMISOM. Waxay filaysaa in dilka sharcidarrada ah ee loo geesto kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida rayidkaba aan lagula xisaabtami karin. Daaddaansigaas iyo ku xadgudubkaba ma soo noqnoqdeen haddii Dalka uu hub iyo saanad u heli laha Xoogga Dalka oo maanta diyaarka u ah. Ilaa la helo ciidan Soomaaliyeed oo hub iyo saanadba leh waa habeenkii xalay oo tagay in dalka uu ka guuleysto argaaggaxisada; waana arrinka ka dhigayso AMISOM inay sii joogto dalka. Malaha, adduunweynaha wuxuu ka doorbidayaa inuu malaayiin doollaar ku bixiyo ciidamo shisheeye (AMISOM) intuu arki lahaa Soomaaliya xur ah oo leh cudud ay kaga hortagto argaaggaxisada. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ciidanka Kenya waa in si deg deg ah looga saaro Somalia appeared first on Caasimada Online.
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan. Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018. Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah. Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay ku yeeshee, Riyadh, waxay ku sheegeen in dalalka Khaliijka ay tahay in laga qeyb geliyo wada-xaajoodyada lala leeyahya Tehran, ayna diyaar u yihiin “inay ka wada shaqeeyaan in si dhab ah oo wax ku ool ah ay ula macaamilaan diiwaanka nukliyeerka Iran, ayada oo lagu saleynayo dhowrista iyo madax-banaanida iyo daris wanaagga.” Bayaanka ayay ku adkeeyeen “halista ka iman karta in heshiiska nukliyeerka laga reebo” cawaaqibka barnaamijka gantaallada Iran iyo taageerada Tehran ay siiso kooxo ka dhisan gobolka, waxayna ku booriyeen Tehran inay si dhab u gasho wada-xaajoodka si looga fogaado in xaaladdu sii xumaato. Sacuudi Carabiya iyo Iran oo xiriirka kala goostay 2016 ayaa bishii April waxay wada-hadallo toos ah ka billaabeen Iraq, si loo xakameeyo xiisadda gobolka. Reuters + VOA The post Dalalka Khaliijka ‘oo soo jeediyey’ dalab cusub oo la xiriira wada-hadallada Iran appeared first on Caasimada Online.
  19. Garowe (PP News Desk) — Puntland Justice Minister Awil Sheikh Hamid yesterday defended the law banning practice of female genital mutilation in Puntland State of Somalia. “There is neither a Koranic verse nor a valid ruling in the Prophet’s traditions allowing for the practice of female genital mutilation” said Awil. The Justice Minister responded to criticisms that foreign organisations had sponsored the FGM law. “No foreign organisation is behind the law to ban the practice of the abominable FGM. It is our initiative based on legal principles“ added Awil. Garowe-based religious leaders have opposed the law passed by Puntland Parliament on 10th of June, 2021. “The law banning FGM contravenes our religion and values. There are valid traditions in support of female circumcision” said one Sheikh. “We have other priorities in Somalia such as building hospitals spokesperson for the religious. Pre-1991 Somali governments never entertained banning female circumcision” said another Sheikh. Known among Somalis as Pharaonic circumcision, female genital mutilation is a heinous traditional procedure that many Somali girls undergo. “I believe religious leaders and Puntland government object to FGM but they disagree on how to go about addressing it” said Saido Adan Mire, a senior public health worker. During 1980s the Military government of Somalia organised health awareness campaigns against FGM based on Sisters in Affliction, a book written by former Deputy Health Minister Raqiya Haji Du’aleh. FGM causes reproductive health problems for women. Egypt and Sudan banned FGM several years ago. Puntland government has been commended for submitting the anti-FGM law to Puntland Parliament. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Justice Minister Defends FGM Law appeared first on Puntland Post.
  20. Taliska Milatariga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in ay saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo malayshiyaad la socday. Taliska ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay tuulada Jalable ee Gobolka Shabeellada dhexe, islamarkaana lagu dilay horjooge Jaamac Dheere iyo 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Horjooge Jaamac Dheere ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda Gobolka Shabeellad dhexe, sida ay sheegeen Miltariga Soomaaliya. Sidoo kale waxa hawlgalkaas lagu dhaawacay ilaa 24 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab, sida ay werisay wakaaladda SONNA. Waxa xusid mudan in aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen horjooge iyo dagaallamayaal ka tirsan Shabaab appeared first on Puntland Post.
  21. China is the world’s largest official creditor, but we lack basic facts about the terms and conditions of its lending. Very few contracts between Chinese lenders and their government borrowers have ever been published or studied. This paper is the first systematic analysis of the legal terms of China’s foreign lending. We collect and analyze 100 contracts between Chinese state-owned entities and government borrowers in 24 developing countries in Africa, Asia, Eastern Europe, Latin America, and Oceania, and compare them with those of other bilateral, multilateral, and commercial creditors. Three main insights emerge. First, the Chinese contracts contain unusual confidentiality clauses that bar borrowers from revealing the terms or even the existence of the debt. Read more Source: PIIE The post How China Lends: A Rare Look into 100 Debt Contracts with Foreign Governments appeared first on Puntland Post.
  22. Dooroonnayaal, ha Noqonina Kuwo Lagu Hungoobo WQ: Xuseen Cali Nuur Qalabka farsamo ee ciyaartoyga iyo niyadda ay ku ciyaaraan, marka ay garoonka galaan waxay ku xidhan yihiin tababarka ay qaateen iyo hadba dareenkooda, sida loo diyaariyo inta aanay garoonka gelin ka hor. Waxa kale oo ay ku xidhan yihiin jawiga guud ee ku geddaaman ciyaarta. Waxa taas la mid ah loolanka siyaasiyiinta dhawr xisbi dhex mara xilliga doorashada. Qaabka doorashadu u dhacdo, laga bilaabo maalinta ololaha la bilaabo, maalinta codeynta, ilaa dharaarta lagu dhawaaqo natiijada waxay ku xidhan yihiin: Mabaa’dida axsaabtaasi ay leeyihiin. Nooca doorashada, dhaqanka shacbiga iyo ujeeddada iyo hadafka hadba doorashadaas laga leeyahay. Guusha doorashooyinkii isku sidkanaa ee indhaha dunida soo jiitay, caalamkuna la yaaban sida ay innoogu suurtogashay, waxa u sabab ah arrimo dhawr ah. Shacbiga Somaliland oo xornimada iyo madaxbannaanida jecel, waayo-arag u ah doorashooyinka, horena u soo maray gumaysi iyo nidaamka Taliska kaligii taliyenimada. Shacbiga oo waayo-arag u ah faa’iidooyinka halka qof iyo hal cod ah, iyo nabad ku wareejinta xilalka kala duwan ee Madaxtooyo, Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose. Waxa ahmiyad gaar ah leh qaabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu dhaqanto dimuqraadiyadda oo aan ahayn, mid iyadoo duuduub ah la soo waariday, balse ah mid lagu saleeyey hannaan dhaqameed iyo deegaameed oo munaasib ku ah shacbiga Somaliland. Dhaqameynta iyo deegaameynta oo wixii mushkilad ah ama iska-hor imaad kasta hore loogu soo xaliyey, iyadoo la isku tashanayo, Ilaahayna la talo saaranayo, lagana ilaalinayo farogelin shisheeye. Saddexda xisbi qaran oo leh mabda’ kaliya. Mabda’aas oo ah in dalka la horumariyo, loona raadiyo aqoonsiga ay xaqa u leedahay, waxayna taasi shacbiga iyo dalka ka badbaadisay kala-qaybsan siyaasadeed oo ay xisbiyadu yeeshaan. Mabda’a mideysan waxa muujiyey faa’iidadiisa madaxda xisbiyada, murrashaxiintii iyo taageereyaasha oo caddeeyey inay ku kala duwan yihiin oo kaliya qaabka dalka loo dhisayo, loo hormarinayo iyo aqoonsiga loo raadinayo. Hadafka middaysan waxa ka dhashay inay isku goob ka wada codeeyaan taageerayaasha saddexda xisbi, iyagoo astaamo kala duwan sita. Waxa kale oo faa’iidada ka mid ah inay ka marag kacayaan in xisbiga talada hayaa aan looga baqin ku shubashada doorashada. Xildhibaannada la dhaariyey ama kuwa la dhaarin doono ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, waxaan xasuusinayaa, in dalka iyo deegaannadooda horumarkoodu ku xidhan yihiin, hadba danta guud sida ay uga horumariyaan danahooda gaar ahaaneed. Waxaan xasuusinayaa in Ilaahayna xisaabin doono inay maanka ku hayaan. Waxaan leeyahay mar haddii aan kala duwanaansho fikir siyaasadeed oo kala fogeynayaa aanu jirin, in sida ay ololaha ku galeen, shacbigana ugu ballanqaadeen inay ku dhaqmaan, kuna shaqeeyaan. Waxaan kula dardaarmayaa “Dooroonnayaal ha noqonina kuwo lagu hungoobo; balse noqda kuwo dalka iyo dadkuba u aayaan. Qallinkii Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Qaran News
  23. Somaliland: Eastern Africa’s Strongest Democracy During thirty years in the cold of non-recognition as a state by the international community and the African Union, Somaliland has engineered a unique hybrid democracy that’s possibly the most impressive in the Horn and Eastern Africa. Built on a foundation of traditional institutions and painful memories of war between 1980 and 1991, quietly and without external interference the small country has successfully built a resilient democracy with a capacity for self-correction; and, a peaceful society that demonstrates what’s possible when a people get the software right and trust informs relations between a people and those who govern them. Theelephant Qaran News
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Gabar 23 jir Soomaali ah oo laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard. Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii. “Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa. “Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yiri. Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsan ee dukaanka Xafsa ayaa muujiyey ayada oo dukaanka galeysa saacadda marka ay aheyd 4:44pm Talaadadii, ayada oo ay wehliso gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab. Labada gabar ayaa durba u baxay deegaanka Kayole, ayada oo aan la ogeyn sababta. Waxaa hadda soo baxday in sidoo kale Xafsa Cabdulwahaab oo qare ku iibisa deegaanka Kayole iyana la’a yahay. Galabkii Arbacadii, kooxda afduubka gaysataya ayaa soo dirtay muuqaal 35 ilbiriqsi ah oo muujinaya Xafsa Maxamed Luqmaan oo indhaha ka daboolan, gacmaha iyo lugahana laga xiray, ayada oo ay ka muuqdaan jir dil. Xafsa ayaa la maqlayey ayada oo qoyskeeda ku leh “Waa ley afduubtay, waxayna dalbanayaan madax furasho, fadlan siiya.” Qoyska Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa hadda dalbanaya in si deg deg ah loo soo faro-geliyo arrintan. Sidoo kale qoyska Xafsa Cabdulwahaab, ayaa iyagana booliska ka codsaday inay caawiyaan gabadhooda. The post Lacag malaayiin ah oo laga dalbaday gabar Soomaali ah oo laga afduubtay Nairobi, iyo mid labaad oo la la’yahay appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu waday inuu ka qeyb-galo. Farmaajo ayaa kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirkaas, ayada oo qorshaha uu ahaa in shirkaas kadib uu kulan-doceed la qaato madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia. Xogta ayaa sheegaysa in Farmaajo uu ka qeyb-galka shirkaas uga baaqday sababo la xiriira xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka, xili uu dhawaan dalka u jiheystay dhanka iyo doorasho, kadib heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Baaqashada safarka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sidoo kale qeyb ka ah xiisada ka taagan dhalinyaradii tobabarka ciidaminimo loogu qaday dalka Eritrea oo xaaladooda kasoo dareyso, xili ay xukuumadda u saartay arrintaas guddi baaris ku sameeya. Wararka ayaa intaas kusii daray in qorshaha safarka Farmaajo ay si gaar ah u daneynayeen dowladah Qatar iyo Turkey oo ayagu maalmihii u dambeeyay ka wada-shaqeynayey kulan gaar ah oo dalkaas ku yeeshan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kadib dib u soo celintii xiriirka labada dal. Safarka Farmaajo ee Turkiga ayaa fursad cusub u noqona lahaa dhidibo u taagida xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay aamisan yihiin xukuumaddaha Ankara iyo Doha, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ragaadiyey mad-madow badan, inkasta oo labada dal ay isku raaceen dib u soo celinta wada-shaqeyntii ka dhaxeysay. The post Xog: Farmaajo oo ka baaqday safarkii Turkiga + Sababta appeared first on Caasimada Online.