Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya, Cali Ibraahim Roba oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah ayaa ka hadlay ammaanka magaalada uu maamula iyo weerarada ay ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Cali Roba ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay halis ku tahay amniga Mandera, isla-markaana ay weeraro joogto ah ka fuliso magaalada iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinkaasi, isla-markaana ciidamada ammaanka ay laftooda cabsanayaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarada Al-Shabaab ay saameyn xoogan ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla-markaana dadka degaanka ay dareemayaan cariiri xoogan. Guddoomiyaha Mandera oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan, sidii looga hortegi lahaa weerarada khasaaraha geysta ee Al-Shabaab ka fuliso halkaasi. “Waa inaan galno dagaal nafsi ah, noloshaanada cariiriga gashay waa inaan u istaagno oo aan isku tashano kan adkaano Al-Shabaab, ma aragno askar la dagaamaleysa oo cabsi ayaa heysa,” ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. The post Cali Roba oo shaaciyey inay AL-SHABAAB halis weyn ku tahay amniga magaaladiisa appeared first on Caasimada Online.
  2. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay halista Laaluushku leeyahay, ayaa waxa uu ka digay cawaaqib xumada ay leedahay laaluush qaadashadu, weliba dadka madaxda ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay arrinta Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxyaabaha xaaraanta, waxa ka mid ah laaluushka, oo maalmahan suuqiisu xaami yahay, marka iyo waxaas la dhaqdhaqaajiyo, madaxda in ka badan oo ka mid ah marka hore shacabka ayey laaluushaa si loo doorto, marka iyagu soo baxaana, iyagii ayaa laaluush doonaya, ilayn isaga markii hore laga qaaday laaluushe.” Sheekh Dirir oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan arkayey oo aan aad ula yaabay mid ka mid ah Xildhibaanadii soo baxay, uu qaylinayaa, wuxuu leeyahay Illaahay ka yaaba oo laaluushka aad nagu daldalaysaan naga daaya, ma nihi xoolo daabax ah oo suuqa lagu kala iibsanayo’e, waxaanu nahay dad bi’idaam ah oo fikir lehe, doorashadayda noo daaya, isagii ayaa yaabay marka uu arkay lacagta iyo inta ay leeg tahay. Codka in la iibsado waa xaaraan. Ilaahay waxa uu yidhi kuwa iibsanaya cahdiga ay dadka u qaadeen iyo kitaabka ay mareen, kuwaas aakhiro waxba uguma hayo, adduunka waa u calaf la’aan. Mid muhiimka ahi waa in aad ilaashato, Iimaankaaga, akhlaaqdaas, ballanka aad qaaday iyo dhaartaada iyo shakhsiyadaada si aad Ilaahay iyo bulshada dhexdooda aad u ilaashato shakhsiyadaas, una nabad gasho. Haddii aad qaadato Laaluush waxa aad soo gelaysaa Liiska Kuwa la nacdalay, la laaluusha bixinaya, ka qaadanaya iyo ka Dilaalka ahba.” Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, waaxdeeda Arrimaha Bulshadda iyo bilicda caasimadda Hargeysa ayaa maanta bilawday olole balaadhan oo lagu ururinaayo, isla markaana lagu gubaayo alaabooyinka waqtigoodu dhacay. Hawlgalkan ay dawladda hoose ee Hargeysa maanta qaaday ayaa lagu gubay 105 tan oo ah alaabooyin waqtigoodu dhacay, kuwaas oo laga soo ururiyey degmooyinka caasimadda Hargeysa,waxaana ololahan ay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaana waaxda Arrimaha Bulshadda iyo Bilicda caasimadda Hargeysa ay qaaday ka warbixiyey Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshadda iyo bilicda dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo tilmaamay in ay maanta gubeen alaabooyinkii ugu badnaa ee waqtigoodu dhaco kuwii ugu badnaa ee ay gubaan. Waxa uu sheegay Agaasime Khadar in ay gubeen 105 tan oo waxyaalo dhacay ah, kuwaas oo ay kasoo kala ururiyeen degmooyinka caasimadda Hargeysa,waxaanu tilmaamay in alaabooyinka ay gubeen ay u badnaayeen daawooyin, isla markaana ay ku jireen raashin iyo waxyaalaha Cosmatics-ka loo yaqaano. Agaasime Khadar waxa uu sheegay in waxyaalahan lasoo ururiyey lixdii bilood ee sannadkan oo suuqyadda caasimada laga soo ururiyey iyo alaabooyin kale oo ay ganacsatada caasimadda Hargeysa qaar kamid ahi soo ururiyeen. Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada iyo Bilicda caasimadda Hargeysa Khadar Yuusuf Cali waxa uu fariin u diray ganacsatadda caasimadda Hargeysa oo uu ugu baaqay in aanay dadkooda Alaabooyin dhacay ka iibin,isaga oo tilmaamay in maxkamad la horkeeni doono ciddii lagu qabto. Source
  4. (SLT-Limpop)-Wararka naga soo gaadhay dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku nool gudaha waddankaasi lagu toogtay gobolka Limpopo. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Kaariye ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay meel aan ka fogayn goobtiisa ganacsi oo lu taalla gobolka Limpopo ee dalkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in nin Soomaaliga ah oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta iskaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama hadlin dhacdadaasi. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan waajahay xaalado adag. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika. Source
  5. (SLT-Ankara)-Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa shaciyay inay Millatariga Turkiga ku guuleysteen Tijaabadii u dambaysay ee Gantaalka ATMACA ee Lidka Maraakiibta. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Mdaxweyne Erdogan ku sheegy in Gantalkaasi oo lagu farsameeyey gudaha Turkiga uu duqeeyey Markab bar-tilmaameed ahaa, ka hor inta aanu hawlgelin Gantalkaasi. Mashruuca Gantaalka ATMACO waxa la doonayaa in lagu bedelo Gantaalka lagu farsmeeyey Maraykanka ee HARPOON. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu dhowaan dib usoo magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor kadib xubnihii lagu celiyey, ayaa sheegtay inay is-casishay. Xaawo Aadanyare Culusow (Xaawo Kiin), oo ka mid xubnaha guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ayaa go’aankan ku shaacisay qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda facebook. “Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin. “ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda. Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin. Qoor Qoor ayaa horey loogu ammaanay inuu soo magacaabay guddi ka maran saameynta Villa Somalia, inkasta oo taas ay ka carreysiisay taageerayaasha madaxweyne Farmaajo. The post Xubin ka mid ah guddiga uu magacaabay Qoor Qoor ee doorashada oo is-casishay appeared first on Caasimada Online.
  7. Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse, ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta oo Sabti ah Garoowe laga saaro xoolaha ku dayacan gudaha magaalada. “Laga bilaabo Sabtida 19 Juun waxaa magaalada laga saarayaa xoolaha ku dayacan” ayuu yiri duqa degmada Garoowe. Sidoo kale, wuxu dadweynaha ka codsaday, in ay gacan-siiyaan shaqaalaha iyo ciidanka dowladda hoose u xil-saartay fulinta hawshaas. “Waxaan ka codsanaynaa dadweynaha inay gacan siiyaan hawlwadeenada iyo ciidanka hawshaas loo xilsaaray”. Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, iyadoo Garoowe uu ka socdo barnaamijka cagaarinta caasimadda, kaas oo la doonayo in dhir badan lagu beero magaalada si loo hagaajo bilicdeeda. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo amar ku bixiyay in xoolaha laga saaro magaalada appeared first on Puntland Post.
  8. The Somali national team arrived this morning in Doha to participate in the qualifiers for the FIFA Arab Cup Qatar 2021, which will be hosted by Doha. Source: Hiiraan Online
  9. Jigjiga (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta guud ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dacwadda ka dhanka ah madaxweyinihii hore ee dowad deegaankaasi, kaas oo haatan ku jiro xabsi ku taallka magaalada Addis Ababa. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la soo gaba-gabeeyey dhammaan baaritaanadii socda ee ku aadanaa tacadiyadii uu geystay Cabdi Maxamuud Cumar, xilligii uu hoggaanka u hayey maamulka Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu shaaciyey in natiijada baaritaankan ay u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Itoobiya. Dhanka kale xeer ilaaliyaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac oo wareysi siiyey laanta afka Soomalaiga ah ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey baaritaankaasi, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo dambiyadii la galay tobankii sano ee la soo dhaafay. Cabdiweli Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kiiskan uu qeyb ka yahay musuq-maasuq ay gashay dowladdii xilligaas jirtay. “Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda Soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuq-maasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kale jeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac. Cabdi Maxamuud Cumar oo xukumayey dowlad deegaanka laga soo bilaabo 2010-kii illaa 2018-kii ayaa haatan wajahaya dambiyo culus, isaga oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisii, wuxuuna marar badan kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Itoobiya. The post Maxaa ka soo kordhay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar? appeared first on Caasimada Online.
  10. Burcad hubeysan oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika, ayaa xalay degaan ka tirsan Gobolka Limpopo ee dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sida laga soo xigtay Booliiska. Marxuum Maxamed Cali Jimcaale, ayaa Burcadda hubaysan ku dileen goob ganacsi oo uu ku-lahaa Siloam, oo ka tirsan Gobolka Limpopo ee waddanka Koonfur Afrika. Kooxdii dilka u gaystay muwaaddinka Soomaaliyeed, ayaa markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaas hawlgal ka bilaabay Booliiska dowladda Koonfur Afrika. Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan dhacdadan, islamarkaana dib ka shaacin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaankooda. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha waddanka Nigeria Muhammadu Bukhari ayaa ku baaqay in ciidamada dalkiisa ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxda Boko Haraam. Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay magaalada Mayduguri ee xarunta Gobolka Borno, oo dhacda waqooyiga-bari dalka Nigeria , halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda Boko Haram, waana goobaha ay inta badan ka sameeyaan dhaq dhaqaaqyada. Sidoo kale Muhammadu Bukhari ayaa shalay khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka Nigeria, kuwaasoo dhawaan bilaabi doona Hawlgallo ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Haraam gaar ahaan,kuwa ku sugan Gobolka Borno. Madaxweynaha aya muujiyay sida uu u daneynayo in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah kooxa Boko Haraam iyadoo la soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska dhamaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Nigeria oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Boko Haraam appeared first on Puntland Post.
  12. Somalia is host to more than 25,000 refugees and asylum seekers majority of whom are fleeing war or persecution from countries such as Ethiopia, Yemen, Syria, Eritrea and Tanzania. Source: Hiiraan Online
  13. Cape Town (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay gobolka Limpopo. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Kaariye ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeen goobtiisa ganacsi oo lu taalla gobolka Limpopo ee dalkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajahay xaalado adag Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika. The post Ganacsade SOOMAALI ah oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhiggiisa waddanka Azerbaijan Jeyhun Bayramov kula kulmay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga oo ay uga qaybgalayaan Shirka Diblomaasiyadda. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Azerbaijan & Turkmenistan ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal. Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in iskaashiga labada dowladood uu gaaro meel aad u sareyso labada dalna ay kawada shaqeeyaan muhiimadda uu leeyahay xiriirkooda Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Azerbaijan ayaa soo shaacbaxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Jeyhun Bayramov. PUNTLAND POST The post Wasiirada Arrimaah Dibada Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku kulmay magaalada Antalya appeared first on Puntland Post.
  15. The Somali National Army (SNA), backed by regional forces, on Thursday killed 30 Shabab terrorists and injured 24 others in an operation in the country’s southern Middle Shabelle region, an official confirmed on Friday. SNA spokesman Ali Hashi said the operation was conducted in the Jalable area where the terrorists were planning attacks against government forces. “The militants attempted to resist the army, but our forces managed to kill 30 of them and injured 24 others,” Hashi told SNA radio. He noted those killed in the operation included Jama Dhere, a senior leader of al-Shabab in the Middle Shabelle region. The latest operation comes amid sustained efforts by the Somali army against al-Shabab in the southern and central regions where militants still control swathes of rural areas, conducting ambushes and planting landmines. Meanwhile, Chief of Defense Forces Odowaa Yusuf Rageh confirmed that four government soldiers were injured on Friday morning in a suicide car bomb attack outside a military base in Biyo Adde, also in the Middle Shabelle region. Odowaa said the suicide bomber, who was in an explosive-laden vehicle, was shot dead before he could reach the army base. Al-Shabab, which has been fighting to topple the internationally-backed government, claimed responsibility for the latest attack, saying its forces killed 10 soldiers and injured a military commander in the bombing. Source: Xinhua The post Somali army kills 30 terrorists in southern region appeared first on Caasimada Online.