-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadal ka jeediyay munaasabaddii lagu doortay maamulka degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug, ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay Canshuurta bixiyaan, si loogu fuliyo hirgelinta adeegyada dowliga ah. Guddoomiye Sanyare ayaa ku boorriyay shacabka degmada Jarriiban in ay maamulka cusub kala shaqeeyaan horumarinta degmada taas oo sida uu sheegay ku imaan karta in la bixiyo Canshuurta si loo socod-siiyo shaqada maamulka ee dhinacyada xaqiijinta Amniga iyo horumarinta. Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in aysan waxba ka sugin hay’adaha Samafal oo keliya, balse ay iyagu isku-tashi sameeyaan, waxaana uu tilmaamay in deeqda laga keeno dibadda ay tahay Canshuur ay bixiyeen dadka ku nool dunida horumartay. “Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare. Sidoo kale, wuxu ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha Samafalka oo la weydiiyo waxay dadka u qabanayaan iyo halka ay ka yimaadeen, islamarkaana aan la ogolaan hay’ad aan sharciyad ka haysan dowladda. Hoos ka daawo muuqaalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Guddoomiye Sanyare: Dadka mad-madow waa dad inkaaran oo kharriban waxa liibaanay dadka cad-cad appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda maalinti labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan ayaa looga arinsanayaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii 27-kii May Muqdisho ay ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirka ayaa shalay ku soo dhamaaday isfaham sida ay madaxda sheegen, maanta ayaana lagu wadaa in shirka warbixin looga dhageysto guddiga doorashada . Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Rooble ayaa la filaya in warbixinta guddiga kadib ay war-murtiyeed ka soo saaray shirka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Six hundred and fifty-one students graduated from Umma University in Kajiado Kenya. Graduating students earned academic degrees in Sharia Law, economics, and computer science. Graduating students were awarded Masters, Bachelors, Diploma, and Certificate Degrees by the University Chancellor Dr.Abbas Gullet and Vice-Chancellor Dr. Idle Farah. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay, in ay toogasho ku fuliyeen 10 ruux oo ku eedaysnaa arrima ku saabsan basaasnimo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku warrantay in fagaare ku yaalla degaanka Buura-fuulaay ee Gobolka Baay lagu toogtay shan kamid ah dadkaas oo ku eedaysnaa basaasnimo sirdoon caalami ah. Waxa kale oo sheegtay in degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe lagu toogtay shan nin oo lagu eedeeyay, in ay la shaqaynayeen sirdoonka Maraykanka. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa maalin ka hor degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogtay lix ruux oo ay ku tilmaameen basaasiin la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo mar kale toogasho ku fuliyay 10 ruux oo ku eedaysnaa Basaasnimo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow shirka ka socda Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay inuu socdo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka. Sida aan xogta ku helnay, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May. “Madax goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in maaliyad ahaan, iyo farsamo ahaan intaba ay ku adag tahay in halkii xildhibaanba ay soo doortaan 101 ergo, taasi oo ka dhigan kumanaan ergo,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online. Qodobkan ayaa u muuqda mid ay inta badan ka mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada, marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada. Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga. Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey. The post Xog: Qodob xasaasi ah oo la doonayo in isbeddel loogu sameeyo shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mekele (Caasimada Online) – Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidamada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa. “Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yiri xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey. Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. “Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yiri xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaarka ah. “Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. Maamulka ku-meel gaarka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka. Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada. Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP. The post Maxaa ka dhacay gobolka Tigray kadib markii ay dib u qabsadeen ciidamada TDF? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan kuwa sugan Muqdisho ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada hoggaamiye waxa ay diirada ku saareen xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay iyo fulinta heshiiska 27-kii May laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, kaas oo muhiim u ah doorashada soo socota. Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku saabsan labada maamul iyo wada-shaqeyntooda. Waxa uu kulankan sidoo kale kusoo aadayaa, iyada oo haatan caasimada uu ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana goob jooga ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha maamulka HirShabelle oo shirka uga qeyb-galayo Aaladda Zoom-ka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ku jira heshiiska doorashooyinka wax laga bedalayo, sida in la yareeyo tirada ergada soo dooraneyso xildhibaanada iyo in la koobo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, haddii ay isku fahmaan golaha. Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad kala guur ah, waxaana haatan isku diyaarineysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. The post Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashquulka badan ee ku yaala gacanka magaalada Istanbul wuxuu dhawaan xarigga ka jaray mashruuca kanaal looga dhisayo magaaladaas. Erdogan ayaa mashruucaan oo uu ku baxayo 15 bilyan oo dollar, laguna magacaabo Canal istanbul, ku sheegay inuu yahay mashruuc han weyn laga leeyahay islamarkaana ah mid ka shaqeenayo danaha shacabka Reer Turki. “Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay xafladda xarig jarka mashruucaas. Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus. Mashruucaan ayaa wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad lix sano sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga, balse wuxuu mashruucaan la kulmay dhaleeceyn tiro badan oo ka imaaneyso qeybaha kala duwan ee Bulshada dowladdaas iyo hey’adaha kala duwan. Dadka dhaleeceynta usoo jeediyey mashruucaan ayaa sabab uga dhigay inuu dhibaato ku yeelan doono deegaanka, sidoo kalaa waxay ku tilmaameyn inuu yahay mashruuc waali ah oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo Biyaha. Sidoo kale dhaleeceynta loo soo jeediyey mashruucaan waxaa kamid ah inuu ku kacayo lacag aad u badan taasna ay keeni karto in deymo badan uu soo amaahdo Turkiga. Dooda looga soo horjeedo mashruucaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu yalis weyn ku yahay noolaha badda, halka uu halis gelin karo biyaha macaan oo ay hadda helaan dadweynaha reer Turki. Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah. The post Muxuu yahay mashruuca culus ee uu wado Erdogan ee walaaca laga muujiyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan. Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Caasimadda Online, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe. Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo. Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi weyn, maadaama laga cabsi qabo inay dilaacaan iyadoo xusid mudan tahay in dadkaas aysan laheyn aqoon ay uga gaashaantaan walxaha kiimimada ah. Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa wasaqda iyo kiimikada kusoo daadiyo dowlado badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soomaray Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa lagu eedeeyey inay heshiis u saxiixeen dowlado shisheeye si ay xeebaha Soomaaliya ugu soo daadiyaan haraaga kiimikada loo isticmaalo warshadaha iyo hubka casriga. The post Sawirro: Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta degmada Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhada TPLF qabsatey Mekelle+Maamulkii Ku-meelgaadhka ahaa Abiy u magacaabay Gobolka Tigray oo ka baxsaday Maamulkii ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka geysay gobolka Tigray ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Mekelle oo xoogagga falaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP “Qof kasta oo ka tirsanaa mamaulka dowladda wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay galabta ayay baxsadeen. Gobolka hadda waa maamul la’aan”, ayuu yidhi masuul ka tirsanaa dowladda ku meel gaarka ah oo ka gaabsaday magaciisa. Qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan magaalada Mekelle ayaa sidoo kale xaqiijiyay in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada. Qaran News
-
Qofkii ugu horeeyay ee Somaliya oo ka mid noqday Baarlamaanka Finland+Taariikhdiisa SULDAAN SACIID AXMED Suldaan Saciid Axmed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo baarlamaanka dalka Finland. Wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaasi loo dhiibo. Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in noqanaya xildhibaan. “Shaqo badan ayaa inoo taalla sidii aan uga shaqeyn lahayn Finland ka fiican sida ay hadda tahay,” ayuu yiri Axmed. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xilkaasi qabta tusaale lagu daydana u noqdo dhallinyarada. Waa kuma Suldaan Saciid Axmed? SULDAAN SACIID AXMED Suldaan Saciid Axmed waa qof sidoo kale u dooda xuquuqda dhalinyarada. Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa mar kale loo doortay isla xilkaas. Noloshiisa inteeda badan iyo waxbarashadiisii wuxuu ku noolaa dalka Finland, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah, isaga oo asalkiisii hore ka yimid Soomaaliya. Muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka xildhibaannimada hayay ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah. “Waddankan waxaa ka jirtay cunsuriyad badan, midab takoor aad u fara badan, dhibaatooyin badan oo dadka wdadanka u soo qaxa heystay. Dadka waxay u guuri jireen sida dallaka Ingiriiska iyo Sweden. Marka inta aan guuri lahayn inaan isbeddel sameyno ayay ila noqotay,” ayuu yiri. “Dalkan qofka aqoon walba oo uu leeyahay marka uu shaqo dalbado, haddii magaciisa uu muujinayo inuu Muslim yahay shaqada looguma yeero, sababo la xiriira takoor, waxaan sameeyay inaan beddelo hannaanka shaqo gelinta ee magaalada Helsinki. Hadda qofka dalbanaya shaqada kuma qoro magaciisa, da’diisa iyo isirkiisa, taas oo ka dhigan inay meesha ka baxayso cunsuriyadda,” ayuu yiri. Xildhibaan Suldaan Saciid Axmed 28 Da’diisa 2012 Sanadkii uu siyaasadda ku biiray 2016 wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga Left Alliance 15 da’da uu jiray markii uu galay Finland isagoo ka yimid Soomaliya Xigasho: Suldaan Saciid Axmed Suldaan oo 28 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanakdii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray. “Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go’neyd.” Ayuu yiri Suldaan. Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu ka tirsan yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku xigeenka xisbigaas. Waxyaabaha hadda u qorsheysan ayuu sheegay inay ka mid yihiin inuu diiradda saaro dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn, dadka dalkaas u dhashay ee dhibaatooyinka ay ka heystaan guryaha iyo inuu cod u noqdo dhammaan dadka dhibban. Qaran News
-
Madaxweynaha Taiwan oo Wacad ku Martay in ay Xoojinayso Xidhiidhka Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in ay sii xoojinayso xidhiidhka Wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda nabdoon ee Somaliland waxaanay dhambaal diiran u dirtay dhigeeda Mudane, Muuse Biixi Cabdi “Taiwan waxay garab taagan tahay Somaliland waxanay dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan dadkeennu,” ayuu tidhi Madaxweyne Ing-wen. “Fadlan aqbal, Mudane, kalsoonida iyo tixgalintayda ugu sareysa iyo sidoo kale sida ugu fiican ee aan u rajaynayo fayoobidaada shakhsi ahaaneed iyo barwaaqada sii socota ee ummadaada sharafta leh,” ayaa lagu yidhi fariinta Madaxweynaha. Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay si qumman u muujisay ‘hambalyo qalbi furan oo ku aaddan sannad guurada 61aad ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland’. Sidoo kale, Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan wuxuu isna dhanbaalkan oo kale u soo mariyay wasaaradda arimaha dibada Somaliland Taiwan iyo Somaliland, waa laba waddan oo dimuqraadi ah ka hanaqaaday Aasiya iyo Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, waxay sii xoojiyeen xidhiidhkoodii sannadkii hore, iyagoo xafiisyo wakiillo ka samaystay Taipei iyo Hargeysa. Tan iyo waagaas, xidhiidhkaasi wuxuu soo jiitay dareenka wanaagsan ee caalamiga ah waxayna labada dal ka soo gudbeen marxalad kale si ay u dhisaan iskaashi soo ifbaxaya kaas oo si muuqata u wanaajiyay adeeg bixinta qaybo badan oo ka tirsan Somaliland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay isa-soo tarayay cabasho xoogan oo ka dhalatay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-kii May, taasi oo qaar kamid ah musharaxiintii ka qeyb-galay ay sheegen in la musuq-maasuqay. Musharaxiin kamid ah kuwa cabashada ka qaba doorashadaas oo ka sharaxnaa xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa waxay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sarre ee Somaliland, maadama ay ku doodayaan in la dhacay codadkoodii oo la musuqay. Musharaxiinta maxkamadda u gudbiyey dacwada ayaa warbaahinta u sheegay “in codadkii ay heleen lagu soo saaray musharaxiin kale oo cid gaar ah ay wadatay”, iyagoona xusay in arrintaas ay cadeymo u hayaan. “Musharixiinta halkan fadhiyaa waxay ka kooban yihiin labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid, dhammaan waxay yihiin musharixiintii labada Xisbi Mucaarad oo codkoodi si xaq daro ah u boobeen, iyaga iyo Komishankuba, waxaan caqliga iyo maankuba yeelayn in dadweynaha ku nool Hawd iyo Hargeysa tiro ahaana ah dad soo saari kara Musharixiintooda,” ayuu yiir Dr. Ciise Kayd oo kamid ah Musharaxiinta dacwada gudbiyey. “Waxaa nasiib-daro ah in dadka leh misaankaas in labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanku codadkii musharixiinta ay ku soo saareen dad iyagu jeebada ku siteen, oo doorashada ka hor sii calamaydaysteen, inay codadkayagii ku soo saareen.” “Waxaan hayaa anigu in ka badan 800 goobood oo cod iga yimid, waxaan hayaa in ka badan boqol goobood, oo cod iga iman lahaa oo siro la ii soo qoray, waxaan hayaa waraaqihii caddaynta ahaa ee goobahaas eberka la iiga soo qoray, inaan tiro ku lahaa, waxaan lahaa markhaatiyaal aan Xisbiga Waddani ahayn oo ii caddayn doona maalinta ay Maxkamaddu furanto.” Si kastaba, doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland ayaa aheyd mid isku sidkan oo lagu dooranayay mudaneyaasha golaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof. The post Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah doorashadii Somaliland ee la gudbiyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose, Xildhibaan ka tirsan Puntland iyo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug ayaa ka qayb galay Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa Degmada Jariiban. Doorashadan ayaa waxaa ku soo baxay Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cali Saciid Cabdi, Gudooomiye ku xigeena Degmada Jariiban ayaa waxaa isna loo doortay Mursal Cabdale Khalaf. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu Hambalyeeyey Maamulka cusub ee loo doortay Degmada jariiban isagoona kula dar-daarmay in ay kula xisabtamayaan waxii loo idmaday Bulshada dhexdeedana looga dhex doortay, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada kula dar daarmay inay la shaqeeyaan maamulka Cusub. PUNTLAND POST The post Maamul cusub oo loo doortay degmada Jariiban appeared first on Puntland Post.
-
QAAB DHISMEEDKA NIDAAMKA MAAMULKA DAWLADEED EE HEER GOBOL /DEGMO IYO GOLEYAASHA CUSUB !!! Sida ku cad xeer lr-23/2019 cutubka 3aad Qodobka 14naad ilaa 19naad , waxa uu faham buuxa kaa siinayaa qaabka maamulka heer gobol, kala soocnaanta shaqo, shaqooyinka iyo gudiyada wadajirka ah , awooda maamul iyo dhaqaale , iyo waajibaadka hay’adaha dawlada ee heer gobol/Degmo. Halkani waxa ku cad in degmooyinka A iyo B ay ka masuul yihiin dhamaan adeegyada nololeed, caafimaad, horumarineed, deegaan, shaqo, waxbarasho ilaa heer dugsi dhexe oo ay iyagu gacanta ku hayn karaan , arinkaasi waa hab wanaagsan oo maamul daadejin , waxaana muhiim ah in ay ku baraarugsanaadaan in waajibaadka laga sugayo ay ka mid yihiin kuwanina. Degmooyinka derajada C xeerku waxa uu sheegay in aanay ku qasbanayn iyagu adeegyadani aan kor ku soo xusnay ee awoodooda dhaqaale halka ay gaadhsiisan tahay uun laga doonayo. Sida xeer 23/2019 ka muuqata Gudomiyaha Gobolka ( badhasaab) ku xigeenka iyo Xoghayaha fulinta waxa ay ka socdaan xukuumada dhexe waxaana halkani si cad ugu qeexan shaqooyinkooga gaarka ah iyo kuwa wadajirka ah ee gudiyada gobolada iyo degmooyinka sida gudiga horumarinta heer gobol. Waxa iyaguna xubno ka ah gudiyada Gobolka isu-duweyaasha hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada , oo hoos imanaya Gudomiyaha Gobolka iyo maamulkiisa si toos ah , waxii farsamo ah ee shaqooyinkooga ku saabsana waxa lagala tashanayaa iyaga ( isu-duweyaasha ). Xeerkani waxa uu si cad u qeexayaa kala sareynta maamul ( Hierarchical administration) , masuuliyada qayb walba oo dawlada heer gobol/degmo ah ( responsibility of regional/district institutions ) , shaqooyinka wadajirka ( collective work ) iyo kala soocnaanta maamul iyo shaqo ( separation of power and jobs ) . Lagama maarmayo in goleyaasha deegaanka iyo gudoomiyeyaasha goboladu ay noqdaan dad wada shaqeyn kara oo meel u wada jeeda , xiligani lagu jiro , waana sida kaliya ee gobolkastaa ku horumari karo oo waxna ku qabsan karo waxna dawlada dhexe kula qaban karto hadii la helo maamul mideysan . Gudomiyaha Gobolka waxa saaran in uu xukuumada uga soo jaro Gobolka uu gudoomiyaha ka yahay wax walba oo ay xaq u leeyihiin iyo baahidooda heer gobol/degmo ilaa tuulo, marka aad eegto xeer lr-23/2019 shaqooyinka iyo masuuliyadaha laga filayo Golaha deegaanka degmooyinka qaar A iyo B ah ayaan wada awoodin dhaqaale ahaan, hawshaasi , Waxaana ay tahay in ay tunka u ridato gudiga horumarinta heer gobol oo uu badhasaabku Gudoomiye u yahay, meel walba oo ay u gali karto danta gobolkaasina u gasho. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
SHIRARKII DIB U HESHIISIINTA SOMALIA , KAALINTII DJIBOUTI IYO MAWQIFKII SOMALILAND. Markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia dalkana ay la wareegeen jabhaduhu waxa shirkii ugu horeeyey ee Somali dib u heshiisiin loogu sameynayo lagu qabtay Djibouti , ( 5 -11/June 1991 ) waxaana ka qayb galay jabhadaha SSDF , SPM,USC,SAMO,SNU,SDM oo ahaa inta koonfur Somalia isku haysatay. Shirkaasi waxa aan ka qayb galin SNM oo waqooyi qabsatay oo xiligaasi lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada jamhuuriyada somaliland, waxaana si cad looga sheegay madasha shirka lagu qabanayey. Haddana waxa shirkii labaad ee somalia loo qabtay dib u heshiisiinteeda lagu qabtay Djibouti , ( 15-21/July 1991 ) waxaana loo qabtay isla lixdii urur ee kala ahaa SSDF , SPM , USC , SAMO, SNU , SDM shirkaasi waxa lagu cadeeyey in aan ururkii SNM goob joog aheyn oo ay dalkoogii kaga dhawaaqeen dawlad. Dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska somalia waxaa loo qabtay ilaa 14 shir oo isugu jirey shirar waaweyn oo soomaaliya loo qabanayo iyo heshiisyo is af garad siyaasadeed ah oo hogaamiye kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii horjoogeyaasha ka ahaa Somalia lagu heshiisiinayey kuwaasi oo ka kala dhacay ; 1- Djibouti 1991 june ( Dawlada Djibouti ) 2- Djibouti 1991 july ( Dawlada Djibouti ) 3- Adis-ababa 1993 Jan ( United Nations) 4- Adis-ababa 1993 March ( UN iyo dawlada Ethiopia) 5- Sodare 1996 Nov/1997 Jan ( Dawlada Ethiopia ) 6- Qaahira 1997 ( Dawlada Masar ) 7- Arta May/Aug 2000 ( Dawlada Djibouti ) 8- Eldoret/Mbaghati 2002/2004 ( IGAD iyo Dawlada Kenya ) Waxaa jirey iyaguna kulano lagu heshiisanayey siyaasiyiinta iyo hogaamiye kooxeedyada Somalia oo kala ahaa 1- Nairobi 1994 Kenya ( UN ) 2- Nairobi 1996 oct Kenya , Aideed, Osman Atto , Ali Mahdi ( dawlada Kenya ) 3- Yemen 1997 , Hussein Aideed iyo Osman Atto. ( Dawlada Yemen ) 4- Nakuru 1999 ( government of Kenya ) 5- Khartoum 2006 TFG iyo ICU ( Jamacada Carabta ). 6- Djibouti 2008-2009 TFG,ARS ,Djibouti ( UN ) Shirarkani midwaliba waxa ku qoran halkii lagu qabtay cida maal galisay iyo qaybihii ka qayb galay, shirarkaasi waxa ay isugu jiraan qaar loo qabtay ururadii jabhadaha, dadka soomaaliya iyo qaar loo qabtay hogaamiye kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii xiligaasi isku hayey talada. Laba shir oo midina dhacay 1994 oo uu Nairobi ahaa midina dhacay 1999 oo Nakuru ka dhacay oo labaduba Kenya ahaayeen ayaa waxa markaa iyo haddaba jira in la tuhunsan yahay in siyaasiyiin iyo madaxdii Somaliland si dadban uga qayb gashay laakiin la isku fahmi waayey ajendaha iyo ujeedadaba. Shirarkaasi waxa ka muuqata tacabka iyo dedaalka ay dawlada Djibouti ugu jirto dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Somalia iyo tacabka ay la daba taagnayd mudadaa dheer ee hagar la’aanta ah oo la odhan karo waxaa wada damqasho, kalgacayl iyo somalinimo. MAWQIFKA SOMALILAND IYO SHIRARKA SOMALIA WAXII KA HOREEYEY 2012 . Jamhuuriyada somaliland laga soo bilaabo shirkii ugu horeeyey ee ururadii jabhadaha loogu qabtay Djibouti 1991 ilaa shirkii Embaghati ee Kenya 2004 waxaa somaliland ka istaagtay mawqif cad oo ah in aanay qayb ka aheyn shirarkaasi shirwalbaba war murtiyeedka waa lagu soo saarayey in aanay ,SNM , Jamhuuriyada Somaliland ama waqooyi ka mid aheyn shirarkaasi. Shirkii London ee 23 Feb 2012 ayaa aduunku waxa uu ka soo saaray war murtiyeed ka kooban 26 qodob oo uu qodobka 6aad sheegayo in Somaliland iyo Somalia wada hadlaan oo ay markaasi matalaysay dawkadii TFG ee Sheekh Shariif hogaaminayey, waxaana qodobkaasi lagu xusay dawladaa markaa joogta iyo kuwa ka dambeeya waa Sida uu hadalku u qornaaye. Maalintaasi waxii ka dambeeyey waxa is badelay mawqifkii Somaliland iyo qaabkii Somalia loola xidhiidhayey, waliba isaga oo caalamku dabada ka riixayo ayaa Somaliland lagu qasbay in ay waxii shuruuc uga yaalay ee ka hor istaagayey wadahadalada Somalia in meesha laga saaro. Jamhuuriyada somaliland sidii bay yeeshay way u diyaar garowday waxaana la bilaabay wadahadaladii ay Somaliland iyo Somalia wada yeelan lahaayeen oo kulankii koowaad lagu qabtay UAE , waxaa sidoo kale sadex goor lagu kulmay Turkey, halka laba goorna lagu kulmay dalka Djibouti dhamaantood wax midho dhal ahi kama soo bixin waxii lagu heshiiyeyna ma fulin. Qodobka 26naad ee gunaanadka shirka London ayaa waxa lagu xusay in waa cusub oo siyaasada Somalia ahi baryey, lana rajeynayo in Somalia nabadi ka dhalato oo dadka soomaaliyeed si dhow loola dareemayo damaqa dawlad la’aanta , waxaa aduunku uu balanqaaday in uu laban laabayo dedaalada Somalia ay mustaqbal wanaagsan ku gaadhayso. HALKEE LA JOOGAA MAANTA , MAXAA WADAHADALADII KA QALDAMAY , DEDAALKII DUNIDU HALKUU KU DAMBEEYEY? Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia waxa ay ahaayeen qaar la galay xili aan haboonayn oo lagu deg-degay dawladii Somaliland waxa ay tix-galisay doonista iyo dedaalada aduunku waddo oo ay wax walba ka hor marisay, sidoo kale ay dabarkii shuruucda ee dalka uga qaaday, si wax waliba hore ugu dhamaadaan. Wadahadaladii la galayey waxaa ay noqdeen qaar aan aduunkii soo jeediyey ku lahayn wax dul ka eegid ah ( over view ) waa sababta keentay in aanay ilaa maanta natiijo ka dhalan, sidoo kale waxa ay si siman u miisaami waayeen danihii labada dhinac oo markii yididiilo muuqatay ayaa ay faraha ka laabteen. Shirkii ugu dambeeyey ee Djibouti lagu qabtay waxa lagu heshiiyey in wadahadaladii la sii wado gudiyo la sameeyo ka shaqeeya sidoo kale la dhaqaajiyo wax walba oo caqabad ku ah na la joojiyo ilaa maanta meel uu ku dambeeyey lama yaqaano. Hadda waxa Muqdisho ka socda doorashooyinkii goleyaasha shacabka oo soo dooran doona madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Somalia, shirkaasi waxa lagu sheegay in Somaliland qayb ka tahay. Odhaahdani iyo ficiladeedu waxa ay ka hor imanayaan dedaaladii wadahadaladii Somalia iyo ujeedadii uu caalamku ka lahaa , wali beesha caalamka oo taageerada ugu badan galisay kama hadal , kama ay dabatagin wadahadaladii hore iyo heshiisyadii ahaa in aan mucaawimada iyo taageerada aduunku bixiyo la siyaasadayn. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa. Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa kulankooda sidoo kale uga wada hadlay Arrimo ku aadan deegaanada mamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo xoojinta wadashaqeynta labada maamul. Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga. PUNTLAND POST The post Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Oo Xalay Kulan Gaar ah Yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka maanta Muqdisho ka furmay ku diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo qodob ka mid ah heshiiska doorashada oo la xiriira deegaan doorashada. Labadan madaxweyne goboleeda ayaa doonayey in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga. Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey. Diidmada Rooble, ayaa waxaa si dadban sidoo kale maanta u xaqiijiyey afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu oo yiri “Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May.” The post Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bay waxay ku toogteen ugu yaraan 16-qof oo ay ku eedeeyeen in dhamaantood ay sirdoon u aheeyeen Dowladda Soomaaliya Mareykanka iyo AMISOM. Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Bay ayaa lagu kala dilay dadkaas. 10 ka mid ah 16-kaas qof waxaa la toogtay gelinkii dambe ee maanta, waxaana 5 ka mid ah lagu toogtay fageere ku yaalla deegaanka Buula-Fulaay ee gobolka Bay, halka 5-ta kale lagu toogtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxayna 10-ka qof ee maanta la toogtay dhamaantood ahaayeen Rag. Shalay ayaa sidaan oo kale fageere ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose waxay Al-Shabaab ugu toogteen 6-qof, waxayna tirada guud ee dadka saacadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab toogteen gaareysaa 16-qof. Dadka ay shalay ku toogteen Saakow waxaa ku jirtay gabar lagu magacaabi jiray Fartuun Cumar Abkow, waxayna dhammaan dadkaas ku soo eedeeyeen inay ahaayeen sirdoon u kala shaqeeya Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo AMISOM. Dil wadareedkaan ay Al-Shabaab ka geysteen deegaanadan dhaca koonfurta Soomaaliya waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo shalay dowlad goboleedka Puntland uu dil toogasho ah ku fuliyey 21-nin oo ka tirsanaa jiray Al-Shabaab, kuwaas oo maxakamadaha Puntland ay horay u xukumeen. 18 ka mid ah ragaas waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, laba kamid ah waxaa lagu toogtay Garowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay nin kale, raggaas badankood waxay muuqaallo la soo bandhigay ku qirteen in 13-kii sano ee lasoo dhafay ay dadka ku dili jireen magaalooyin ay ugu horeyso Gaalkacyo. Dalalka saacadihii lasoo dhaafay ay 16-ka qof ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dadka qaar ku macneeyeen aar gudasho iyo inay ka caroodeen raggaas ka tirsanaa ee Puntland ay laysay, balse waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab deegaanada ay ka maamusho dalka mar kasta ka fuliso dilalka dad ay ku eedeeyaan basaasnimo, gogol-dhaf, xatooyo iyo waxyaabo kale. The post Al-Shabaab oo dilay 16-qof, kadib markii 21-nin ay ka toogatay Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND: Violating Somaliland Colonial Borders Is Violating African Colonial Borders European Colonial Borders define the statehood and diplomatic recognition of each African country. Somaliland inherited its Internationally recognised borders from Somaliland British Protectorate as any other African Country did from its colonising power. There is no disputed land in Somaliland as there is no disputed land in any African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders. borders are based on land, not on lineage or tribal origin. The internal security, stability, and peace of the continent of Africa rest on respecting, recognizing, and implementing its current borders that rose from colonial borders. If an African country would claim the tribe and its land located in another African country, the whole continent would fall to endless devastating, bloody clan wars, violence and anarchy. The African continent would not exist as we know it today if tribes were allowed to dismember African countries, rejecting land-based colonial borders. The peace and stability of African states as well as Arab World states and Asia countries depend on respecting and recognizing colonial borders. Even though Somaliland is not recognized yet, it does not mean that it’s colonial borders is subject to change. Any tribe or group of people who try to dismember Somaliland territory or people commits treason and must pay price for such attempt. Organization of African unity and African countries must reject any claim of Somalia over parts of Somaliland for reasons of tribal origin or lineage in such a way violating its colonial borders unless they want to have their countries broken up by tribal secessionists encouraging borders based on tribal linage and discarding colonial borders that define their territory and national unity. The declaration of Organization of African Unity (O.A.U) in 1964 on African Borders was the formal acceptance of the existing colonial borders inherited from colonial powers on which independence and recognition of each African country were based including Somaliland. That declaration had nothing to do with unifications, federations, and unions between two or more African countries like the failed union between Somaliland and Somalia formed with chauvinism and haste in 1960. A union or federation could be dissolved anytime if the sides disagree each restoring and retaining its original independence and borders. That declaration reinforces the rightful claim of Somaliland to be recognized as independent nation based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate on June 26, 1960. That declaration does not prevent Somaliland from withdrawing from the union with Somalia and restoring its independence and diplomatic recognition achieved on June 26, 1960 without the need of Somalia approval. If Uganda and Kenya share union today and after some time they disagree and dissolve that union, each country would still be independent, recognized nation on its own colonial borders. Senegal and Gambia founded federation or union in February 1982 calling it Senegambia. That union was dissolved in September 1989 after disagreement and each country retained its original independence and diplomatic recognition without changing the borders of Africa. So, why denying Somaliland of retaining that independence and recognition it had before the union with Somalia? Somaliland is not a secessionist or breakaway region from Somalia but Somaliland just withdrew from the union with Somalia after Somalia grossly violated the union with injustices and atrocities against humanity in Somaliland (1960-1991). If Nyanza Province of Kenya, or Arusha Region of Tanzania, or Puntland province of Somalia break away from their own respective countries, that would make them secessionists, separatists, or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from colonial powers and that would create instability and political unrest in the continent of Africa because these provinces share history and colonial borders with their own countries. Violating Somaliland Colonial Borders is violating African Colonial Borders. So, African leaders and OAU must recognize Somaliland with its own colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate to save African colonial borders from tribal secessionists who want to create tribal-based borders instead of respecting colonially inherited land-based borders on which the peace and stability of the continent depend. Somaliland does not need approval from Somalia for its recognition as no African country needed approval of its independence and recognition from another African country. Abandoning colonial borders in Africa would destroy current African states and lead to endless tribal wars of catastrophic proportions. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
-
Magaalada Maqalle ee xarunta maamulka Tigreega waxaa saacado ka hor dib ula wareegay ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay Maqalle oo ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore, waxaana magaalada hadda ka socda dabaal-degyo lagu taageerayo ururka TPLF. Maqalle iyo caawa Dhanka kale dowladda federaalka Itoobiya ayaa goordhaweyd xabad joojin hal dhinac ah uga dhawaaqday gobolka Tigreega, taasoo uu soo jeediyay maamulka ku meelgaarka ah ee gobolkaas. Gobolka Tigreega ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo kharaar, waxayna TPLF gacanta ku dhigtay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya. PUNTLAND POST The post TPLF oo dib u qabsatay Maqalle iyo Abiy oo ku dhawaaqay xabad joojin appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale Jabhadda TPLF ay la waeeegtay magaalada caasimadda ah gobalka Tigreega ee Makelle . Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay kadib weeraro culus kala kulmeen TPLF magaalada. Dhanka kale maamulka cusub ee kumeel gaar ah goballa Tigeeraga ayaa ka dalbaday TPLF xabad joojin. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaallo ay weli ka socdaan gobalka xilli magaaloyin badan ay soo galeen gacanta Jabhadda hubeysan TPLF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mekele (Caasimada Online) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay kusoo dhowaadeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan. Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed. Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka. Sarkaal ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maamulka uu go’aansaday inuu ka cararo caasimadda Mekele, kadib markii ciidamada TDF ay kaga soo dhowaadeen “dhinac kasta.” “Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” ayuu yiri. Sidoo kale, sarkaal ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada oo ku sugan caasimadda ayaa xaqiijiyey in dowladda ay ka carartay halkaas. “Saraakiisha ku-meel-gaarka ah waxay carareen saaka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adahaas oo isna codsaday inaan la magacaabin. Goobjoogeyaal dhowr ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada federaalka iyo booliska ay sidoo kale ka carareen Mekele, waxaana lagu warramayaa in rasaas dabaal deg ah laga maqlayo magaalada. Xafiiska Abiy Ahmed ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka. Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada caasimadda ah ee Mekele. Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray. Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah. The post Maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy oo isaga cararay caasimadda Tigray iyo mucaaradka oo ku dhow appeared first on Caasimada Online.