Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Today marks the International Day of Micro, Small and Medium Enterprises (MSMEs). Small businesses led by women and young entrepreneurs continue to face the pandemic's wrath economically. Source: Hiiraan Online
  2. Maanta waxaa Muqdisho ka furmaya Shirka Wadatashiga Qaran oo looga wada xaajoonayo Arimaha Doorashada, Madaxweynaha Hirshabelle oo iminka jooga Turkiga, Kana caraysnaa Kulanka ayaa uga qaybgalaya khadka Telefoonka la iska Arko Zoom-ka. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegey in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Aqbalay inuu Shirka ka qayb galo isagoo ku sugan Dalka Turkiga. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maalmahaanba ka biya diidanaa kulanka, Waana sababta keentay in kulanku uusan shalay furmin, Qoraal been abuur ah oo maalmahaan la wareejinayay ayaa lagu sheegey in Cali Guudlaawe uu sheegey inaan lagu wargalin Qabsoomida Shirka, Laakiin Xaqiiqda keentay inuu ka Biyo diido Shirka ayaa ahayd inuu dalbadey in Shirka dib loogu dhigo inta uu Dalka kusoo laabanayo, waxaa iyana jira qodob ka mida Heshiiskii Doorashada oo Cali Guudlaawe uu doonayo in wax laga badalo kasoo ahaa Deegaan Doorashada, oo uu doonayo in Jowhar oo qura ay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada. Kulanka maanta furmaya waxaa goob joog ah Madaxda Dalka, Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug. Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Hirshabelle wuxuu uga qaybgalaysa Aalada Zoom-ka. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya iyo Cali Guudlaawe oo Zoom-ka uga qaybgalay appeared first on . Source
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Wisil oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraray halkaasi. Dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka muujinayo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo. Galmudug ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah u dirtay Wisil, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa waxa ay kasoo ka dhaqaaqeen magaalooyinka Dhuusamareeb, Hobyo iyo Gaalkacyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Wasaaradda ayaa shaacisay in ciidamadaasi loogu tala-galay inay ka hortegaan dagaalka ay kooxda Al-Shabaab ka wado koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. “Waxaa xusid mudan in Dawladda Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo fara badan oo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale oo gaaray nawaaxiga Wisil, kuwaasoo diyaar u ah in ay argagixisada dersi lama ilaawaan u dhigaan maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri. Ugu dambeyn warsaxaafadeedkan ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolkaasi. “Dawladda Galmudug waxay tacsi u diraysaa ehelada shuhadadii ku shahiiday weerarkii argagixisada ee Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, ayadoo aan u rajaynayno dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Galgaduud iyo Mudug oo weli ay ku xoogan tahay Al-Shabaab. The post Galmudug oo ciidamo fara badan u dirtay deegaanka Wisil appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa markale lagu wadaa in muqdisho maanta shir uga furmo . Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin 1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn 2. Jadwalka Doorashada 2021 4. Ansixinta qorshaha amniga doorashada 5. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah 6. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. Rooble oo xiriir khadka telefoonka ah la sameeyey Cali Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ugu horreyn ka raalli-geliyey tabashadii uu ka qabay shirka maanta ka furmaya Muqdisho. “Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran,” Sidoo kale qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu shirka uga qeyb-galayo aladda fogaan aragga ee ZOOM, maadaama uu ka maqan yahay dalka, kuna sugan yahay gudaha wadanka Turkey. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. Guudlaawe ayaa ka cabanayey in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysanayo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay, maadaama uusan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka wada-tashiga ee ka dhacaya gudaha magaalada caasimada Muqdisho. Shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii horey loo gaaray. The post Guudlaawe oo tabashadii laga qanciyey iyo warkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Waxaa maanta lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur galbeed, Jubbaland, maamulka Gobalka Banaadir iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka uga furmo Muqdisho. Shirkan ayaana waxaa joogin madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen . Ra’iisul wasaare Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, lana xaliyay khilaafkii jiray iyo tabashadii maamulka Hirshabeelle. Rooble ayaa shegay in Guudlaawe uu shirka kaga qeyb galayo habka fogaan aragga ee Zoom-ka . “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Former model Halima Aden to speak about finding your authentic self at One Young World Summit Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree. Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaaro dowladda Itoobiya. Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” Muuqaal ku saabsan maxaabiista Xabashida oo ay ciidammada Tigreegu hayaan. René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega. © Puntland Post, 2021 The post Ruushka oo Ku Gacansayray Codsi uga Yimid Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  9. The suspect in a knife attack in southern Germany that left three women dead was ordered kept in custody Saturday on suspicion of murder, while authorities puzzled over a possible motive, examining his mental health and seeking to determine whether he was radicalized. Source: Hiiraan Online
  10. The Ethiopian Finance Minister, Ahmed attended a meeting with Finance Ministers of Djibouti, Kenya, Somalia, and Sudan to discuss the progress of the Horn of Africa Initiative (HoAI) in areas such as trade and energy as well as to develop a regional digital eco-system. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xukun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka. Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toogashada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas ruux ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen howl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi. Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheegtay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixiyeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka. Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka. Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la qisaasay. Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix ruux + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  12. The Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, has congratulated the government and people of the Republic of Djibouti, on the occasion of the country’s 44th Independence anniversary. Source: Hiiraan Online
  13. Bulsho marka aanay ku iimaan qabin waxa ay haysato (opportunities) ama aanay aqoonsanayn kartideeda xaaladda noloshooda waxba kama bedeli karaan, horumar la sheegi karana ma samayn karaan. Wax badan oo ay qabsan karaan waxay ka sugaan in ay cid kale u qabato. Bulshada in badan oo ka mid ah waxay aamminsan yihiin dalka in aan horumar laga samayn karin ilaa citiraaf la helo waxaanayse ogayn horumarku in uu ku xidhan yahay dadaalka aad la timaaddo iyo sida ummaddu wax u qabsato, waxaanay ogayn in ay jiraan waddamo aan aqoonsi caalami ah haysan oo haddana ka horumarsan kuwo badan oo la aqoonsan yahay. Bulshadeena qaybo kale waxay aamminsan yihiin in aynu barwaaqo sooran noqon doono marka badroolka iyo macdanaha dhulkeena ku duuggan la soo saaro. Akhriste aan ku xasuusiyo in ay jiraan waddamo aan shidaal iyo macdano kale toona lahayn oo ka hodansan, kana horumarsan, kana nolol wanaagsan kuwo laga helo khayraad dabiici ah oo aad u fara badan, waxa ka mid ah Singapore, Taiwan, Dubai iyo qaar kale. Bulshada qaybo kale waxay naawilaan ama ay sugaan deeqaha yar ee laga helo hay’addaha Caalamiga ah iyo ururada UN-ta ee dalka ka hawl gala. Waxay qabatimeen ama ay qabaan xanuunka loo yaqaanno ‘dependence Syn-drome’ 0o macnuhu yahay qofku ama bulshadu in ay aamminto in aanay noloshiisa maarayn karin haddii aanu helin taageerada cid kale. Si kastaba ha ahaatee waxaan u malaynaya haddiii aynu is tijaabino oo aynu isku tashano in aynu wax badan qabsan kari lahayn. Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Axmed Bin Sulayem mar sii horaysay oo uu ka hadlayay xaflad loo sameeyay dhismaha dekedda Berbera wuxuu yidhi: “We don’t have much resources but we have vision and believe,” macnuhu wuxuu yahay Imaaradda Dubai ma laha khayraad badan laakiin, waxaanu leenahay hammi iyo hiigsi, waxaanu rumaysan nahay in aanu samayn karno horumar cajiib ah iyo in aanu suurto gelin karno waxaan suurto gal ahayn waana sababaha keenay in aanu heerkaa gaadhno. Lee Kuan Yew aasaasihii Singapore isaguna mar la waydiiyay sida ay ku gaadheen horumarkan mucjisada ah wuxuu si kooban ugu jawaabay hal eray oo ah isku kalsooni (confidence). Muwaadin weedhahan maxaa kaaga baxay? Somaliland waxa soo maray lix doorasho oo hore dhaqaalaha iyo farsamadaba waxa inaga caawin jiray Beesha Caalamka. Waxaynu aamminay in aynaan doorasho qaban karin iyaga la’aantood haseyeeshee markii Madaxweynaha JSL ku dhiirraday qabashada doorasho Somaliland leedahay waxay inagu baraarujisay in waxyaabo badan oo laga baqayo in la qabto la qaban karo kaliya waxa loo baahan yahay in ummadda la jaheeyo, in aynu aqoonsano awooddeena, in aynu garano waxaynu doonayno in aynu qabano iyo halka inoo calaamadsan ee aynu doonayno in aynu gaadhno. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@yahoo.com Qaran News
  14. Afhayeenka TPLF Getagew Reda ayaa farriintan ku Baahiyay Twitter. “Ciidanka cududda Tigray waxay jabiyeen laf-dhabartii ciidanka Abiy Ahmed, Iyada oo cutubyadii ​​ugu waaweynaa gebi ahaanba la baabi’iyay oo la haysto Abiy siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba waanu ku jabinay dagaalka” Farriintan kadib, dawladda Ethiopia ayaa khadka Internet ka jartay gobolka Tigrayga. Source
  15. The German city of Wuerzburg on Sunday held a memorial service for the victims of a brutal knife attack that left three women dead, while questions about the possible motive of the assailant remained unanswered. Source: Hiiraan Online
  16. A new container terminal opened at Berbera port in the semi-autonomous Somaliland region is expected to be a major trade gateway for landlocked Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  17. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in la xalliyay tabashadii maamulka Hirshabeelle ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle, islamarkaana ka raalli-geliyay tabashadii uu ka qabay Shirka. Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay, in madaxweynaha Hirshabeelle shirka uu aaladda Fogaan-aragga ee Zoomka kaga qayb-galayo shirka oo maanta furmaya, kadib markii laga qanciyay Tabashadii uu muujiyay. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Hirshabeelle laga qanciyay Tabashadii Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo. War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab. Waana Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo shan nin iyo qof dumar ah ku toogtay degmada Saakow appeared first on Puntland Post.
  19. Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Muqdisho, maalmahaanba Hirshabelle waxay u ololaynayeen in Soo xulida Xildhibaanada Maamulkaan ka imaanaya lagu qabto Jowhar oo qura lagana tanaasulo Baledweyne. Arintaan waxaa si weyn uga horyimid Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Raysal wasaaraha, waxayna soo jeediyeen in aan waxba laga badalin Heshiisyadii horay loo gaaray. Madaxweynaha Horshabella ayaa maalmahaan doonayay in aysan Doorashadu ka dhicin Baledweyne, taas badalkeedana wuxuu doonayaa in Xildhibaanada Beelaha Dega Gobolkaan la isugu keeno Jowhar halkaasna lagusoo xulo Xildhibaanada Gobolka Hiiraan. Beesha ugu Tunka weyn Gobolka Hiiraan oo ah Beesha Xawaadle ayaa aaminsan in Villa Soomaaliya ay u ololaynayaan Shaqsiyaad Beesha Ah oo ay iyagu wataan. Jubbaland ayaa horay looga diiday in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal magaalo, Sababtoo ah Muranka ka taagan Gobolka Gedo, Puntlandi.com Muqdisho The post Hirshabelle oo laga diiday codsigii wax ka badalka Heshiiska doorashada appeared first on . Source
  20. Alloow alle Shaxdaan degayba maad garan oo way kaashisheysaa. Waxaan aad ulayaabay siyaasiyiinta durbaanka utumaaya furista axsaabta Waxabadan oo aan siisheegay hortiina ayay Yimaadeen hadaan idiin iftiimiyo Ujeedada muuse biixi kaleeyahay furista axsaabta hadii aad kufarxaysaan iyo hadii kaleba Wuxuu uga danleeyahay marka wakhtigii Doorashada maalmo yari inaka xigaan Inuu yidhaahdo liisankii xisbiyadu Wuu dhacay doorashana sidaan Laguma geli karo doorasho haynoo danbayso Ee xisbiyada halafuro hadii aan arintaa laga gaashaaman soomaaliland waxay kudhici doontaa god madow waxaan ka cabsi qabaa Inay horseedo dhamaadkii jiritaankii soomaaliland waa sabata xukuumadu Udoonayso inuu qabto hogaanka baarlamaanka cid kushaqayn karta Fulunta amarada. Madaxtooyada Cid waliba way usacaba tumilahayd Haday xaajadu kaduwantahay Sidaan kasoo sheekeeyey Waxaa inalagudboon feejignaan Inlaga yeesho mudokordhin loogu gabado furis xisbiyo W/Q Boqor Buurmadow Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in uu ka qeybgalo shirka la filayo in toddobaadkaan uu ka qabsoomo Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble u sheegay in maadaama heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya, islamarkaana shirka hadda qabsoomaya uu yahay mid farsamo iyo dardar gelinta doorashada uu Madaxweynaha daneynayo in uu ka qeybgalo si uu ula dardaarmo madaxda maamullada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgalaya. Farmaajo ayaa sidoo kale doonayey in niyad-wanaag iyo is-cafis la sameeyo kahor doorashada dalka, si rajada shacabka sare loogu qaado. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweynaha u sheegay in ka qeybgalkiisa ay abuuri karta xasarad siyaasadeed oo cusub, islamarkaana uu dhalan karo khilaaf siyaasadeed oo markale saameeya doorashada Soomaaliya. Cadaadis badan kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qancay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la sheegay in uusan ka qeyb-geli doonin balse waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la kulansiin doono Maamul Gobaleedyada dalka oo intooada diidan Madaxweyne Farmaaajo. Shirkii la filayay in uu maanta ka qabsoomo Muqdisho ayaa u baaqday qaadacaad uu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo dalka Turkiga ku maqan. Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka halkan ka aqriso. The post Xog: Rooble oo diiday codsi ka yimid FARMAAJO oo ku saabsan shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dheere ayaa lagu warramayaa in uu ciidamo beeleed ku diyaarsaday duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku badan yihiin qoyskiisa ama dadka uu ka soo jeedo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka oo siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, la filayo in kursigiisa lagu doorto Kismaayo maadaama uu ka soo galo Jubaland. Waxaa suurta-gal ah in kursigaas loo wareejiyo degmada Garbahaarey, hase yeeshee waxaa hadda socda dadaal la doonayo in deegaan doorashada maamul goboleedyada lagu soo koobo min hal magaalo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Cabdiraxmaan Dheere uu beeshiisa ka dalbaday in loo diyaariyo ciidamo beesha ah, kuwaasi oo suga ammaankiisa haddii ay dhacdo in uu tago Kismaayo ama la isku dayo in la boobo kursiga beesha, sida uu u sheegay odayaashiisa degaanka. Wasiir Cabdiraxmaan Dheere waxa uu kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna ku jiraa shaqsiyaadka xoogga geliyay in uu badasho kursigiisa inkastoo qorshahaas suurta geli waayay. Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale ahaa ninkii ka shaqeeyey heshiiskii uu wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda federaalka, ugana soo goostay Jubaland. Doorashada Soomaaliya ayaa loo arkaa in sanadkaan ay ka adagtahay sanadihii hore waxaana sababta lagu sheegay ahmiyadda ay doorashada sanadkaan leedahay iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo aad ukala fogaaday muddooyinkii dambe. The post Xog: Wasiir ka tirsan DF oo ciidamo ku diyaarsaday duleedka KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  23. Magacaabidda Jeffrey Feltman ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika ayaa rajo iftiimisay. Diblomaasiyaddaas ayaa sare u qaadday dadaallada wax looga qaban karo gobol ay ka jiraan colaado aan wax badan laga fahmin, iyo dhibaatooyin isku miliqsan oo ay hadheeyeen loollan awood iyo dano shisheeye. Itoobbiya oo culays diblomaasiyadeed kala kulantay buuxinta wejiga labaad ee harada biyoxireenka (Grand Renaissance Dam – GERD) iyo colaadda Tigray ayaa adeegsatay “lobbyist – Holland & Knight” si ay ula jaanqaaddo siyaasadda maamulka Joe Biden dibna loogu xoojiyo saameyntoodii congress-ka Mareykanka. “Diblomaasiyad hufan” waa tubtii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaga badbaaday cunaqabatayn ku soo food lahayd kaddib markii uu ku simbiriirixday talo xumidii Golaha Shacabka. Dhinaca kale, Nairobi oo xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya, maalmo uun ka dib markii Soomaaliya ay si niyad wanaag ah dib usoo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa June 10, 2021 dib u furtay duullimaadyada hawada Soomaaliya. Dad badan ayaa su’aal gelinaya xikmadda ka dambeysa tillaabadaas iyo guud ahaan isbeddelka siyaasadda Kenya ee Soomaaliya. Qayb ka mid ah jawaabaha arrintaas ayaa ah: Kenya oo doonayso inay badbaadsato heshiiska ganacsiga ay la gashay maamulkii Trump iyadoo maamulka Joe Biden uu dib u eegis ku samaynayo si loo hubiyo inuu la jaanqaadi karo ajandahooda, oo ay qayb ka tahay xasilinta Geeska Afrika; iyo Kenya oo isku muujineyso dunida inaysan khatar ku ahayn deriskeeda ayaa ku barraarugta ashtakada Soomaaliya ay horgeysay Golaha Amniga QM ee xasuuqa dadka rayidka ah iyo burburinta hantida gaarka ah, taasoo maamulka Joe Biden uusan indhaha ka qabsan karin dhici kartana in lagu canaanto mid la mid ah “cunaqabatayntii” lagu soo rogay Addis Ababa oo ahayd “Weysha Gowrac Dibiga Ha Ku Quustee.” Ka hor inta aan lagu eedayn dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee Tigray, Addis Ababa waxaa weligeedba bogga ku sitay Washington oo u dulqaadan jirtay gaboodfalladeeda dabooli jirtayna daldaloollada maamulladii kala duwanaa ee soo maray. Dabcan wax badan ayaa isbeddelay tan iyo toddobaadkii ugu horreyay ee June 2020 markii Feltman uu gaarsiiyay dalalka Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya waxa Mareykanku ka filayo. Ujeeddada Washington waa sida ay gacan kaga geysan karto fududaynta xallinta arrimaha murugsan ee Geeska Afrika. Waxayse su’aal kedis ah ku noqoday dad badan in mar qur ah Muqdisho lagu wada arkay wafdi ka socda Boqortooyadda Sacuudiga iyo Danjiraha Imaaraadka oo aan in muddo ah cag soo dhigin Muqdisho. Dhammaan digorrogashadaas waxaa loo aaneynayaa inay sababtay “cunaqabateynta,” mase ka tarjumeyso in Washington ay si joogta ah u beddeshay siyaasaddii ay ku dhaqi jirtay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay “ka hortagga iyo xakameynta – deterrent and containment.” Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya iyo Kenya ma awoodi karaan in cilaaqaadku ka sii xumaado meesha uu gaaray. Xidhiidhkooda waxaa had iyo jeer hadheeya “kalsoonidarro.” Waa inay ka gudbaan siyaasadda aragtida gaaban ee ribix doonka ah si hufanna u raadiyaan fursado macquul ah oo sababi kara horumar wadareed raja leh. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxaa sababay isbeddelka siyaasadda Kenya ee Somalia? appeared first on Caasimada Online.