Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradaha dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa war kasoo saaray shirkii shalay Muqdisho ugu soo dhammaaday madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Safaaradda UK oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa xustay inay soo dhaweneyso war muriyeedkii shalay kasoo baxay shirkii mudada labada maalin aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga socoday magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo bandhigay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya. Dowladda UK ayaa sheegtay inay rajo weyn ka leedahay in doorashooyinka Soomaaliya ay kusoo dhamaato si nabad ah. Sidoo kale waxay bogaadisay in kaalin fiican doorashada laga siiyo Haweenka Soomaaliyeed. “Dowladda UK waxay soo dhaweeneysaa shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey iyo dadaalka joogtada ah ee lagu abuurayo is afgarad ku saabsan sidii horey loogu sii socon lahaa. Waxaan rajeyneynaa in dhawaan doorashada ay u dhacdo si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaasna door fiican laga siiyo haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya. The notes Somali leaders’ conclusion of the National Consultative Council meeting, and continued efforts to forge consensus on the way ahead. We look forward to peaceful and credible elections 🗳 soon, with meaningful women’s participation #SomaliaElections2021 — UK in Somalia (@UKinSomalia) June 30, 2021 Sidoo kale qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey twitter-ka ayaa lagu amaanay jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya ee laga soo saaray kulankii Shalay ugu soo dhamaaday Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaranka. Mareykanka ayaa ku baaqay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo qaab nabdoon iyadoo la raacayo waqtiga loo dajiyey inay ku dhamaato. “Waxaan xuseynaa gabagabadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ku boorineynaa sii wadida wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada si doorashooyinka loogu soo gabagabeeyo qaab nabdoon, loo wada dhan yahay, oo hufan iyadoo la raacayo waqtiga loo dejiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. We note the conclusion of the National Consultative Council meeting and urge continued constructive dialogue among #FGS and #FMS leaders to conclude peaceful, inclusive, transparent elections in accordance with the established timeline. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 30, 2021 Hadalka kasoo baxay Safaaradaha Mareykanka iyo UK ayaa imaanaya xilli Shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii u socday Shirka Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada kaasoo laga soo saaray saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya. Madaxda ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka. Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka. Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka. The post Mareykanka iyo UK oo war kasoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. The former ruling party in Tigray said it took back control of the regional capital Mekele on Monday after Ethiopia's federal government troops controlled the city for eight months. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia. Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka. Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad. Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya. In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia. Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka. Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad. Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya. The post Sawirro: In ka badan boqol arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda HORMUUD appeared first on Caasimada Online.
  4. Garowe ( PP News Desk) — Two days after Qardho Mayor rejected the number of potential voters for the planned pilot local elections, people of Ufayn had taken to the streets to express similar objection. Last week, the Transitional Puntland Electoral Commission unveiled the number of registred voters in Qardho, Ufayn and Eyl, the three districts whose inhabitants have been granted the privilege to vote during the pilot local government elections. Both Qardho and Ufayn local governments are lobbying Puntland Government to persuade TPEC to revise its numbers. Demonstrators in Ufeyn object to “fraudulent voter registration results.” Guled Salah, TPEC Chairman and architect of pilot local elections that bypass universal suffrage stipulations in Puntland Constitution, was upbeat about the voter registration exercise when he told BBC Somali Service that fewer complications might arise when the voter registration “comes to an end”. If Qardho and Ufayn residents pull out of the pilot local government elections, TPEC would feel compelled to reschedule elections. The decision to conduct pilot local government elections only at three districts at the expense of major cities of Puntland was already unpopular with key stakeholders some of whom look upon the election as a failure to honour Puntland Constitution articles on the rights of citizens to vote. Puntland State government has yet to comment on what one political commentator describes as “an electoral fiasco and a repeat of 2013 experiment.” © Puntland Post, 2021 The post Puntland Stakeholders Question Voter Registration Results by TPEC appeared first on Puntland Post.
  5. Wasil (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta soo bandhigtay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo naftii haligii isku qarxiyey weerarkii ay kooxdaan Maalintii Axadda aheyd ku qaaday Magaalada Wasil ee Gobolka Mudug. Idaacadda Andalus ee ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay dardaaran uu reebay dagaalyahankii qaraxa ku daah furay dagaalkii Wasil, waxayna magaciisa ku sheegtay Sagaar Mad Huroow oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Cabdullaahi Jeeri) kaasoo ahaa 28 jir. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaan uu ku dhashay degmada Rabdhuurrre ee gobolka Bakool halkaas oo uu markii ugu horeysay Al-Shabaab kaga soo biiray isagoo 16 jir ah. Cabdullaahi Jeeri ayaa kasoo jeedo Qabiilka Hadamo ee beelweynta Raxanweyn, gaar ahaan wuxuu ka dhashay lafta Ligsi. Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Magaalada Wasil ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur ku yimid qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Magaalada. Inta la xaqiijiyey weerarkaas waxaa ku dhintay 25 qof oo isugu jiro dad Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay inay weerarkaas ku dishay 35 qof. Magaalada Wasil ayaa waxaa hadda gacanta ku hayo ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa u abaabulan qaab qabiil, waxaana halkaas gaaray saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kuso qaaday Magaalada Wasil ayaa la sheegay inay ka yimaadeyn degmada Bacaadweyn oo ay dhawaan la wareegeyn, waxaana socdo abaabul dagaal loogu qaaday Bacaadweyn si Al-Shabaab halkaas looga saaro. The post Aqriso: Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii Wasil isku qarxiyey oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidanka dowlada & kuwa AMISOM. Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burudi ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigga ciidanka AMISOM, balse ma cadda inta uu gaariisan yahay khasaaraha. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ay dhankooda hooboyiyeaal ku jawaabeen, kadib weerarka lagu soo qaaday xeradooda deegaanka Biyo-Cadde. Al-Shabaab ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda haatan degan, hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. Biyo-Cadde waxaa ku soo noq-noqday weeraro joogto ah oo ay ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga oo uu ka mid yahay Korney Saney Cabdulle Gaab. Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi. The post Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday xero ku taalla Biyo-Cadde appeared first on Caasimada Online.
  7. Inkastoo Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle uu Ku macneeyey Lacagaha laga jaray Xukuumada, Dhaqan ay Beesha Caalamku u lahayd inay hakiyaan dhaqaalaha lagu kabo Xukuumada xiliga Kala guurka, balse waxaa xaqiiq ah in aysan jirin dhaqaale la jaray ama hakad lagaliyey kala guurkii (Xiliga Doorashada) kan ka horeeyey Xukuumadii Madaxweyne Xasan Shekh. Xogta rasmiga ah ee Warbaahinta Puntlandi hayso, Mucaaradka iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxay Beesha Caalamka ku cadaadiyeen in la Cunaqabateeyo Xukuumada Federaalka iyagoo ka faa’iideysanaya Buuqii Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa Xukuumada Farmaajo iyo Beesha Caalamka. Mucaaradka iyo Puntland waxay ku andocoonayeen in Xukuumada Federaalku ay dhaqaalaha loogu deeqo u adeegsatay caburin, Burburin Maamuladii dhisnaa iyo Baraha Bulshada si loo abuuro Borobogaando lagu taageerayo Xukuumada. Mudo hada Sanad laga joogo ayay Beesha Caalamku bilaabeen iney tartiib tartiib u karaan dhaqaalihii lagu labo jiray kharashaadka Xukuumada, Dowlada Ingiriiska ayaa bilowday iyagoo ka caroodey falalkii ka dhacay Baydhabo xiligii Doorashada Madaxweyne Lafta Gareen. Talyaaniga iyo Norway ayaa iyana hakad galiyay Dhaqaalihii ay ku taageeri jireen oo u badnaa mushaarka Ciidamada iyo Dhaqaalaha Dowlada. Maraykanka ayaa isna qaadey wadadaas wuxuuna jaray dhaqaalihii ugu badnaa oo taageero ay u heli jirtay Dowlada Federaalku. Intaas kuna ekaan Beesha Caalamku, waxay Cadaadis saareen Turkiga iyo Carabta si loo cunaqabateeyo Villa Soomaaliya. Qatar iyo Turkigu waxay mudo laga joogo Lixbilood ay joojiyeen Dhaqaale Kaash ah oo siyaabo kala duwan ay ku bixin jireen. Waxaa iyana jirta Lacag ay Sacuudiga ku deeqi lahaayeen oo Maraykanku hor istaagay. Reer Galbeedka daneeya Arimaha Soomaaliya waxay taas badalkeeda bilaabeen iney Sare u qaadaan Deeqaha ay siiyaan Soomaaliland iyo Puntland. Puntlandi.com Garowe The post Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada oo ku guulaystay in la galiyo Lacago lasiin jiray DF appeared first on . Source
  8. Guddiga Amniga Gobolka Mudug, ayaa saaka shir ka yeeshay xaaladda Ammaanka Gobolkaas, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ku weheliyay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muumin Cabdi shire iyo saraakiil kale. Shirka waxa warbixin looga dhegaystay Laamaha Amniga Gobolka Mudug, waxaana lagu go’aamiyay Adkaynta iyo dardar gelinta Amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Shirkan ayaa ku soo beemay maalmo, kadib markii Gaalkacyo lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ku shiray appeared first on Puntland Post.
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, balse haatan Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Imaamka iyo walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen duleedka magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Macalin Bashiir ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ka tegay magaalada Boosaaso oo uu ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’din iyo Imaamba ka ahaa masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi Boosaaso. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey ciidamada ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi dilka ah. Inta badan deegaanada K/Galbeed waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar toos ah oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool. The post Wadaad caan ah iyo walaalkiis oo lagu dilay duleedka Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa dhamaan saasaan colaadeed laga dareemaya gobalada dalka Itoobiya, Jabhadda TPLF ayaa dhankeeda waddo dhaqdhaqaaqyo ay ku dooneyso in ay magaalooyin cusub kala wareegto ciidamada Itoobiya. Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay heer gaba gaba ah mareyso tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Itoobiya ee golaha wakiilada . 65% ayeey guddiga ku dhawaaqen in la tiriyay codadka doorashada ka dhacday dalka, marka laga reebo gobalka Soomaalida iyo Tigrayga . Guddiga doorashada ayaana ku sheegay in ay maalmaha soo socda shaacin doonaan doorashada uu welli muranka ka taagan yahay . Ciidamada TDF ayaa dhankooda wada qorsha ay ku sheegen in ay doonayaan in ay kula wareegan gobalka Amaxaarada . Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Maamulkiisa ayaana weli ka hadlin dhaqdhaqaaqyada ay wadaan TPLF, xilli xabad joonin uu codsaday ay ka diiday Jabhadda hubeysan . Abiy oo horay ugu guuleystay billadda Nabadda ayaa iminka lugaha kula jira jawi colaadeed oo ka dhashay mudda kororsi uu sameystay, wallow hadda laga fashiliyay . Hogaamiyahan biladda Nabadda hayta ee dagaalka oogay ayaa dhamaan waxa ku soo jeestay indhaha dowladaha caalamka. Golaha ammaanka Qaramada midoobay ayaa dhankooda kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda dagaalada ka socda gobalka dhaca waqooyiga Itoobiya ee ku sii fidaya dalka oo dhan. Waaga cusub ee dagaal ee ka curtay dalka Itoobiya ayaa sabab u noqday in ay falan qeeyayaasha siyaasadda caalamka iyo kuwa wax ka qora siyaasadda dhulalka hodanka ah ee dhaaca qaaradda Afrika , in ay shaki geliyaan jiritaanka dowladnimada Itoobiya . Qaar ka mid ah aqoonyahana ayaa sheegay in ay suura gal tahay maamulada qaar in ay ku dhawaaqan madaxbanaani, halka kuwa kale ay shaki gelinayaan hogaamiyaha sida uu ku helay biladda Nabaddda ee qarisay fahamka siyaasadiisa dagaal . Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in gabood fallo ka dhan ah bini aadanimada ay weli ciidamada dowladda ka geysanayaan gobalka Tigrayga . Sanadki hore Abiy ayaa dagaal libintiisu ku garabsiisay Eritrea oo uu TPLF kaga saaray gobalka ay ka arimiso, Abiy iyo TPLF ayaana isku afdhaafay xilligaas mudda kororsi ay guddiga doorashooyinka Itoobiya u sameeyen xukuumaddiisa, markaas oo maamul gobaleedka Tigrayga uu ku dhawaaqay madaxbanaani isagoo sheegay in uu qabsanayo doorasho ka madax banaan dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho. Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub. “Lix bil kahor doorashooyinka ayey jaraan kaalmada, waxaa lasoo celiyaa marka la doorto madaxweynaha waxa ay ku qiimeeyaan isbadalkiisa iyo sida uu howsha u wado marka ay taa ka qancaan ayey dib usoo celinayaan,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan loo diyaar garoobayo doorashooyinka Soomaaliya oo shalay lasoo saaray jadwalka lagu wajahayo qabsoomideeda. Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh, taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda, isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka. The post DF oo shaacisay sababta looga jartay dhaqaalihii dalalka beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
  12. Dad fara badan ayaa gudaha dalka Canada maalmihi la soo dhaafay ugu geeriyooday kuleyl daran oo dalkaas ka jira, dadka ayaana ah kuwa u badan dad da’ ah . Ciidamada Booliska magaalada Vancouver ayaa sheegay in tan iyo jimcihii ay magaalada ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee u dhinta kuleyl . Booliska ayaa xaqiijiyay in Afarti maalin ee la soo dhafay ay magaalada Vancouver ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 130 qof, kuwaas oo dad da’ah u badan . Dadka dhintay ayeey booliska sheegen in ay aheeyn kuwa uu aad u hooseyo difaaca jirkooda maadama aya aay u da’ weynaayeen, waxaana dadka ku jiray kuwa qabay xanuunno. Cabirka heerkulka ayaa hoos uga sii dhacay saacadihii la soo dhaafay – 49.5C (121F), waana heerkii ugu xumaa oo uu intaas gaaro heerkulka. Todobaadkan ka hor, heer kulka dalka waligiis ma dhaafi jirin 45C, halka dalka canada uu hadda ka jiro kuleelkii ugu badnaa . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish. Qoraal kasoo baxay taliska PSF-ta ayaa looga hadlay howl-galkaasi, waxaana taliska uu shaaciyey in lagu dilay xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in xubnaha la dilay ay miino ay ku aasayeen aadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari. “Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland. Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada Puntland laguma shaacin tirada rasmiga ah ee lagu dilay howl-galkaasi ka dhan ahaa kooxda Daacish. Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada maamulkaasi. Si kastaba Puntland ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Islaamiyiinta ah, iyada oo dhowaan xukun toogasho dil ah ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. The post Ciidamada Puntland oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsanaa Daacish appeared first on Caasimada Online.
  14. Wadaad lagu magacaabi jiray, macallin Cali Bashiir Xasan oo dhowaan fasax uga baxay magaalada Boosaaso, islamarkaana safar u aaday degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay nawaaxiga Baydhabo. Allaha u naxariiste, macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa sida wararku sheegayaan xalay lagu dilay degaan ka tirsan magaalad Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay. Marxuumka oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, wuxu mudda kusiman 21 sano mu’addin iyo imaam ka ahaa masaajidda Boosaaso, gaar ahaanna wuxu hadda imaan ka ahaa masjidka Al-Nawaawi Boosaaso. Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed weli faahfaahin kama bixin dilka macallin Cali Bashiir iyo walaalkiis oo si weyn looga wada-naxay. PUNTLAND POST The post Wadaad 21 sano Imaan ka ahaa masaajida Boosaaso oo xalay la dilay appeared first on Puntland Post.
  15. Somalia will indirectly pick a new president on Oct. 10, the prime minister said on Tuesday, potentially easing a political crisis brought on by a delay in holding the election. After a series of meetings between the main parties, clan elders will now pick lawmakers in September, who will then vote for a president on the new date, Prime Minister Mohamed Hussein Roble was quoted as saying by the state news agency (SONNA). Under the indirect election system, clan elders were meant to have selected lawmakers in December and the new lawmakers were due to elect a new president on Feb. 8. Both procedures failed to take place amid disputes over issues that included the composition of an election commission supervising the voting. The disagreements caused concern that clans could turn on each other and that the al Qaeda-linked al Shabaab Islamist insurgency could exploit a security vacuum. The elders will vote over several days while the lawmakers meet in one venue in the capital Mogadishu to pick the president. Source: Reuters The post Somalia to hold indirect election on Oct. 10, PM says appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Mekelle)-Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaadhsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada. Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay. Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horreysay iskaga baxay magaalada. Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Source
  17. “Dadkii Muruq Maalka Ahaa Ee Dhismayaasha Ka Shaqaysan Jiray Qaarkood Reerahoodii Miyiga Ayey U Saareen Duruufo Nololeed Oo Soo Wajahay Awgeed.” (SLT-Hargeysa)-Shaqo la’aan baahsan, ayaa soo food saartay kumanaan qof oo muruq-maal ah oo ka shaqaysan jiray dhismaha Guryaha laga dhisayo dalka, ka dib markii la waayey sida la sheegay Looxa cas ee lagu dhisi jiray guryaha. Muddo ku dhow afar bilood, ayaa waxa istaagay inta badan dhismeyaasha Guryaha ee ka socday Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyin kale ee Somaliland qaarkood, taas oo ay sababtay Looxa cas ee Guryaha lagu dhiso oo laga waayey suuqyada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay uu kala go’ay. Looxan cas ee dhismaha guryaha muhiimka u ahaa ee la waayey, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay noloshooda kumanaan qof oo Muruq maal ah oo isugu jiray Kuuliyo, Wasdaadiin, Nijaarro, Injineerro iyo dad kale oo iyaga iyo qoysaskooda ku tiirsanaayeen nolol maalmeedka ay ka heli jireen shaqada dhismaha Guryaha. Qaar ka mid ah Shirkaddaha Dhismaha iyo Dadka Muruq maalka ah ee ka shaqayn jiray Dhismaha Guryaha, ayaa walaac ka muujiyey dhismayaasha ay ka shaqayn jireen ee istaagay, iyaga oo xusay in ay keentay in ay durba saameyn ku yeelatay shaqadoodii iyo noloshii qoysas badan. Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, oo ka tirsan Shirkadda Haboon Construction, ayaa u sheegay Wargeyska Saxansaxo in looxii casaa ee Guryaha lagu dhisi jiray oo la waayey wuu sababay in ay qarka u saaran yihiin in ay dhismeyaashu istaagaan, isla markaana taasi ay keentay in durba saameynteeda ay bulshada noloshoodu ku tiirsanayd ay dareemaan culays. Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa uu xusay in Shirkadda Oomaar oo keeni jirtay Looxa Cas ee guryaha lagu dhiso ay u sheegeen in ay kala go’an yihiin oo ay soo socdaan, isla markaana aanay weli hayn wax loox ah oo ay Guryaha ku dhistaan, taasi ay sababtay in ay shaqadu istaago oo dadkii muruq maalka ahaa ay waayeen nolol maalmeedkii ay ka heli jireen shaqada dhismaha. Eng. Maxamed Cabdi, waxa uu ka dhawaajiyey in ka hor intii aanu suuqa laga waayey looxan in qiimihiisu kor u kacay oo halkii markii hore ka ahaa 10 dollar xabadu, uu gaadhay 38 Dollar, iyada oo uu xusay in markii dambena la waayeyba. Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey in ay arrintan hoos u eegto oo ay raadiso sababta keentay iyo waxa ka jira in Dekedda Berbera ay taallo, sida uu xusay in ay u sheegeen Shirkadda Oomaar oo iyadu soo dejin jirtay Looxdan, waxaanu yidhi “Dawlada waxaan u soo jeedinayaa in ay arrintan hoos u eegto oo raadiso sababta keentay in Looxa la waayo, waayo dhismeyaashii way istaageen oo wakhtigii aanu dadka kula heshiinay in aanu u dhamaynayno way gaadhay, markaa waa in arrintan waa in xal loo helo.” Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa kale oo uu sheegay in dad badan oo ka shaqayn jiray dhismaha ay ku shaqo waayeen, taasina ay culayskeeda leedahay in kunamaan qof oo noloshoodu ku tiirsanayd ay shaqo waayeen Axmed Xasan Xuseen, oo ka mid ah dadka noloshoodu ku tiirsanayd dhismaha Guryaha, isla markaana haystay Huteel yar oo ay wax ka cuni jireen dadka guryaha dhisa, ayaa u sheegay Saxansaxo in Looxa la waayey wuu saameyn ku yeeshay shaqadoodii iyo noloshadoodiiba, waxaanu yidhi “Dadka aan wax ka iibin jiray waxay ahaayeen dadka ka shaqeeya Dhismaha oo imika muddo afar bilood ah taagan, taasoo la noo sheegay in ay sababay in la waayey Looxdii Casaa ee Guryaha lagu dhisayey, 80% ay dadka ay noloshoodu ku tiirsanayd shaqada dhismayaasha, markaa imika Meheradaydii iyo kuwo kale oo la mind ahina waxba kuma hayno in aanu iska xidhno ayey u dhowdahay.” Axmed Xasan, waxa uu sheegay in dadkii Muruq maalka ahaa ee guryaha dhisi jiray qaarkood ay reerahoodii u saareen Miyiga markii ay afartii bilood ee u dambeeyey awoodi waayeen in ay iska bixiyaan kiradii, Biyihii iyo waxyaabihi kale ee noloshoodu ku tiirsanayd, waxaanu yidhi “Dadkii muruq maalka ahaa ee dhismayaasha ka shaqaysan jiray qaarkood reerahoodii Miyiga ayey u saareen duruufo nololeed oo soo wajahay awgeed, kiradii, Biyihii iyo nolol maalmeedkii ayuu bixin kari waayey.” Axmed Xasan oo baaq u diraya Xukuumadda waxa uu yidhi “Dawladda waxaanu leenahay arrintan hoos ha u eegto oo ha ogaato cidda wax u jiraan, maadaama oo kumanaan muwaadiniin ah oo noloshoodu ku tiirsanayd Dhismaha maanta aanay waxba la nooleyn oo duruufo haystaan.” Masuuliyiinta Shirkadda Oomaar ee soo dejista Looxa cas ee dalka laga waayey oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino sababta keentay in la waayo looxii ay keeni jireen, ayaanay noo suurto gelin in aanu helo ka dib xidhiidho kala duwan oo aanu la samaynay. Wargeyska Saxansaxo Source
  18. XILKA QARANKU WAA MEERTO Aniga xagayga wakhtiga furitaanka iyo tartansiinta ururada dibna waa loo durkin karaa horena waa loo soo dhigi karaa. Hadii dib loo qaado Doorashada Madaxtooyada waxa tartami doona sadexdan xisbi. Hadii hore loo soo qaado Doorashada Madaxtooyada waxa geli doona sadexda xisbi ee ku soo baxa tartanka ururada/xisbiyada. Markaa waxa lama taabtaan ah in mar kasta ay Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto XILIGEEDII November 2022. Doorashadan isku sidkanayd guulaheeda waa in ay ku jirtaa in Somaliland ay ka baxdo wixii la odhan jiray muddo kordhinta doorashooyinku oo ay doorasho waliba ku qabsoonto goorteeda. Xil kasta oo dadwaynuhu ay cid u doortaan waa in aay banayso kursiga ee aanay isku sii dhejin marka muddadii xilka loo igmaday ay dhamaato waayo xilka qaranku waa meerto. Maxamed Baaruud Cali oo wasiiradii xukuumaddii AHN M.I Cigaal ka mid ahaa sidii caadada u ahayd markii xilka uu ka qaadayay wuxu ku sababeeyay in xilka qaranku uu meerto yahay taasina ay sunnaha dawladnimada tahay.,Wuxu ugu jawaabay Maxamed “waa run xilka qaranku waa meerto ilaa Madaxwayne”. Muddo xileedkii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa ka hadhsan wax ka yar sanad iyo badh. Xaq wuxu u leeyahay in mar labaad uu hadana isu soo taago oo tartamo isagoo kursiga ku fadhiya. Sida caqligu ina siinayo sharciguna ogol yahay in labadii uu markii hore ka helay hadana la tartamo wax u dhaama ma heli karo hadii aanu ka baqayn in Cabdiraxmaan Cirro uu ka helayo oo markaa xaalkiisu ahayn muddo korodhsi. Taas oo laga yaabo in Somaliland ay u horseedi karto khilaaf xooggan oo keeni kara xasilooni darro. Hadaba hadii loo danaynayo shacbiga Somaliland waxa dan u wada ah in Doorashada Madaxtooyadu ay xiligeedii ku qabsoontu kolay ciddii Ilaahay u qoray ayuun baa ku guulaysan doonta eh. Madaxwayne Muuse in uu tartamo iyo in musharax kale oo Kulmiye ah u tanaasulo labadaba isaga ayaa xaq u leh. والله على ما اقول وكيل Caligurey, Hargeysa Source
  19. OTTAWA (HOL) - A Somali-Canadian police officer has been appointed a Justice of the Peace to the Ontario Court of Justice. Source: Hiiraan Online
  20. In ka badan 130 qof ayaa todobaadkan kulayl ba’an ugu dhintay galbeedka waddanka Canada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dowladda. Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka kulaylka u geeriyooday badankoodu ahay ahaayeen waayeel da’ ah, islamarkaana xamili waayay heer-kulka oo gaaray 49.5 degrees Celsius. Sido kale, magaalooyin Portland Oregon, Seattle iyo Washington ee dalka Maraykanka, waxaaa saameeyay kulayl aad u daran oo gaaraya 42C ilaa 46C. Heer-kulkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee dunida laga diiwaan-geliyay tan iyo sannadkii 1940. PUNTLAND POST The post In ka badan 130 ruux oo Canada ugu dhintay kulayl ba’an appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT- Eritrea)-Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka, balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’. TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka baxsaday magaalada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas. Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalada Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan. Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka, iyaga oo ridaya baaruud waxayna sitaan calanka ismaamulkii cagta la mariyey ee Tigray, kaas oo hadda soo laba kacleeyey. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socdo banaanka hore ee caasimadda Mekelle. Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka laga soo galo caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan. Source
  22. Jabhadda TPLF ayaa markale la wareegtay magaalooyin ka tirsan gobalka Tigrayga ee dalka Itooobiya, xilli ay gobalka ka wadaan dhaqdhaqaayo ciidan. Xoogagga difaaca ciidamada Tigrayga ee TDF ayaa la wareegay saaka magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed. Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto. “Waa inaan hubinaa in cadowga uusan laheyn awood uu ku cabsi galiyo amniga dadkeena mar dambe,” ayuu yiri. Xaaladda guud ee gobalka ayaa weli kacsan, Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay qorsheyneyso la wareegitaanka gobalka Amaxaarada sida ay mas’uuliyiin u hadlay jabhadda ay sheegen . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. A new container terminal opened at Berbera port in the semi-autonomous Somaliland region is expected to be a major trade gateway for landlocked Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  24. A Chinese naval fleet on Tuesday returned to a military port in Zhanjiang, south China's Guangdong Province, after concluding escort missions in the Gulf of Aden and the waters off Somalia. Source: Hiiraan Online
  25. The Defense Department is considering sending U.S. troops back to Somalia just about six months after pulling them all out of the country as part of a broader look at the military’s force posture. Source: Hiiraan Online