Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Soomaaliya. Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas heshiis laga gaarin. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dooday in xafiiskiisa laga maamulo dhaqaalaha ku baxaya doorashada, halka madaxda maamul gobaleedyada ay dalbadeen in la qeybiyo oo maamul kasta la siiyo qiimo gaar ah, sida uu doonana u maamulo. Qodobkan ayaa lagu heshiin waayey, waxaana la isla gartay in si hoose oo farsameysan loo xaliyo. Dhaqaalaha doorashada ayaa waxaa bixinaya beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in go’aanka kama dambeysta ah ee cidda maamuleysa uu ayaga ka yimaado. Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa shalay si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay, ayada oo la qorsheeye in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021. Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo. Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka. The post Xog: Maamulka dhaqaalaha doorashada oo la isku hayo appeared first on Caasimada Online.
  2. Wisil (Caasimada Online) – Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan. Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, islamarkaana aysan keeni karin dhallinyaro u dagaalanta Al-Shabaab. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dadkan ku amray in la shaqeeyaan maamulkooda, islamarkaana ay u ogolaadaan in dugsiyada Qur’aanka ay macalimiin ka noqdaan xubno Al-Shabaab ah, si carruurta loo baro caqiidada ay aaminsan yihiin Al-Shabaab. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in boqolaal qoys ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen Bacaadweyn iyo Wasil, islamarkaana ay geereen degaano ku dhow Gaalkacyo si ay u helaan amni. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa u muuqda in ay ku guul dareysteen in Al-Shabaab laga qabto dadka ku nool degaanadaas maadaama ay shacabka awoodi waayeen in ay iska difaacaan qatarta Al-Shabaab ee degaanadaas. Al-Shabaab ayaa subaxii Axadda weerar culus ku qaaday deegaanka Wisil, waxaana dagaal ka dhacay ku dhintay in ka badan 30 qof. Waxay sidoo kale marar badan horey u weerareen deegaanka Bacaadweyne. The post Saddex arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug appeared first on Caasimada Online.
  3. Hadalkii Wasiir Qambi Ee Loolanka Shi gudoonka Wakiiladu Ma Wuxuu Ahaa Codsi Cabdirasaaq Khaliif Kusocda, Mise Wuxuu Ahaa Taagwaa? Marka loo eego Nuxur ahaan, Sida uu Wasiirku u dhigay, Arinta la Xidhiidhay in uu Mr Cabdirasaaq Khaliif Sameeyo Tanaasul uu Loolanka uga Tanaasulo Oday,Faratoon Waxey aheyd mid Sigaar ah u Shaki galisay Guud Ahaanba Taageerayaasha Xukuumada iyo Xisbi Xaakimka Islamarkaana, hoos uga dhigtey Rajadii ay Ka Qabeen in ay Suurtagal Tahay, in Xubno badan laga Dareersado Xildhibaanada Mucaaridka Si uu Faratoon u helo Aqlabiyad Lagu Meelmariyo Doonista Wakhtigan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu la garab joogto. Marka Dib loo Tixraaco, Dareenka ka Muuqdey Wasiir Qambi, oo hadalkiisu Xaraarad Badan ku Keenay, Naftiisa, ayaa iyaduna Qeyb ka ah in Niyad jab badani Ka Dhashey Qaabka uu usoo.Dhigay hadalkan. Hadalka Wasiir Qambi ayaa Kusoo Beegmay Wax yar uun Kadib, Hadal isaguna Shaki Galiyay Taageerayaasha Mucaaridka oo,isna Mawduucan ku Sahabsanaa kaas oo uu Maalmo ka hor ku Cawdey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isaguna Sitoos ah ula hadlayay Madaxweyanaha. Isku soo Wada duub oo, Waxa hadalhaynta Arimihii Loolanka Shir gudoonka Soo dhexgalay labadii maalmood ee u dambeeyay, Xeerkan ay Duuduubka ku ansixiyeen Golaha Guurtidu, ee Furitaanka Ururada Siyaasada Kaas oo laf ahaantiisa Lagu Xidhiidhinayo in uu Dabada ku hayo Cadho Ka kacdey, dhaq dhaqaaqyada Loolanka Shir gudoonka Golaha Wakiilada oo lagu bajinayo Labada Xisbi Mucaarid balse, aanay Wax badani ka suurtoobayn xaalada lagu jiro Geedi Socodka Siyaasadeed ee Wakhti Xaadirkan taagan. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu sugayey amniga guud ee caasimada dalka. Howl-galladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu shaaciyey Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Cabdiftaax ayaa shaaca ka qaaday in ragga lasoo qabtay ay gaaraan illaa 14 ruux, kuwaas oo xilliga gacanta lagu soo dhigayey ku howlanaa furashada dadka rayidka ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray inay ku hubeysnaayeen qoryaha fud-fudud, sida AK47, Bastoolado iyo Mindiyo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. “Howl-galka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxaha qowleysatada ah ee dadka furta isla markaana baneystay hantida Shacabka waxaa suuragashay in la qabto 14-ruux oo ku labisan dharka ciidanka iyaga oo watay hubka fud-fudud,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdiftaax Aadan oo ah ku simaha afhayeenka Booliska. Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego falalka liddiga ku ah amniga ee ka dhacaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. “Bulshada Gobolka Banaadir waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu gacansiiyaan kooxaha kale ee aan ku raad-joogno” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa shacabka ku dhaqan gudaha caasimada ay ka cabanayeen dhac baahsan oo habeen iyo maalin loo geysanayo, waxaana tani ay jawaab cad u tahay qeylo dhaanta kasoo yeereysa bulshada oo qaati ka taagan burcad hubeysan. The post Talisk Booliska oo soo bandhigay kooxo hubeysan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Hogaanka TPLF oo shaaciyey inay Weerarayaan Kililka Amxaarada & Eritrea Dabaaldegyo ka socda magaalada Shire ee Tigray Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’. TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada federaalka ee ka baxsaday magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas. Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalad Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan. Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka iyaga oo ridayo baaruud xilli ay sitaan calanka Tigray. Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socda banaanka hore ee caasimadda Mekelle. Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan. Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto. In ka badan shan malyan oo qof oo ku nool Tigray ayaa buhaan gargaar banii’aadanimo, sida ay sheegtay UN Tira dad ah oo ku sugan magaaldaa Mekelle ayaa sidoo kale BBCda u sheegay inay u dabaaldagayaan bixitaanka ciidammada federaalka. Ila wareed aanan la magacaabin oo ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP “qofwalba waa uu baxay”, halka laba qof oo goobjoogayaal ah oo u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in askar Tigray ah lagu arkay gudaha magaalada Mekelle. Dowladda Itoobiya ayaanan weli wax war ah ka soo saarin wararka sheegaya in ciidammadeeda ay dib u guranayaan. Hasayeeshee bayaan la shaaciyay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa waxaa lagu faafaahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan xabbad joojinta, iyadoo bayaanka lagu sheegay in xabbad joojintu “ay socon doonto illaa uu ka dhammaanayo xilliga beeraha”, in gargaarka loo ogolaado inuu gaaro dadka u baahan iyo in fursad la siiyo habkii xal siyaasadeed lagu gaari lahaa. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Isniintii khadka taleefan kula hadlay Mr Abiy, ayaa sheegay in “muhiim ay tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, gargaarka uu gaaro dadka u baahan iyo in la gaaro xal siyaasadeed”. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa uu ku “rajo waynaa” in xabbad joojin ay dhaqangasho. Qaran News
  6. Wax ka ogow noocyada Hubka “sunta” ay basaasiinta dadka ku dilaan Bishii Agoosto ee sanadkii 2020, hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny, ahna nin u ololeeya ka hortagga musuq-maasuqa ayaa la sumeyay, waxaana muddo uu ku jiray cisbitaal lagu daweynayay. Baaritaannadii lagu sameeyay waxay muujinayeen in dhigiisa laga helay sun, waxay arrintaas horseeday cabsi ah inay jiraan walxo sun ah oo lagu bartilmaameedsado dadka. Waxaa jiraa dowlado dadka kasoo horjeeda ku bartilmaameedsanayo sun. Halkan waxaa idiin kuugu soo gudbineynaa shan kamid sunta halista ah ee sida hubka ah loo adeegsado. Polonium 210 Basaasiintii u dhashay Ruushka waxay sanadkii 2006 magaalada London ku weerareen Alexander Litvinenko oo horey uga tirsanaa ciidamada sirddoonka Ruushka. Baarayaal kasoo jeeday Ingiriiska ayaa sheegay in basaasiinta Ruushka ay Litvinenko shaah ugu dareen suntan. Polonium 210 ma ahan sun suuqa taallo oo lasoo iibsan karo, lamana ogaan karo haddii qofka lagu sumeeyay jirkiisa si deg deg ah looga baari waayo, waxay jirka qofka ku jiri kartaa 138 cisho. Waxaana sunta soo saari karaa oo keliy ah dalalka awoodda u leh sameynta hubka nukliyeerka. Sunta Polonium 210 waa mid qofka uu gacanta ku hayn karo waa haddii ay ku jirto qalab si wanaagsan loo soo xir xiray. Haddii qofka uu ursado ama uu liqo waxay burburin kartaa unugyada dhiigga, waxay ka hortaggi kartaa in unugyada jirka ay koraan. Suntan ayaa dadka ku disha maalmo ama todobaadyo gudahood. Ricin Waa mid kamid ah sunta ugu halista badan adduunka. Qeyb yar oo kamid ah sunta haddii qofka lagu duro ama uu ursado ama uu liqo waxay meesha ka saareysaa maaddada Protein-ka ee uu ku shaqeeyo jirka banii’aadanka. Waxaa laga soo saaraa suntan geedka saliidda ee Castor Oil. Mar haddii ay gasho jirka banii’aadanka waxay ka hortaggeysaa in jirka uu soo saaro Protein-ka, waxay horseedeysaa inay shaqeyn waayaan kelyaha, beerka iyo xubnaha kale ee u muhiimka ah jirka. Ricin waxaa lagu ogaaday kiiskii la xiriiray dilkii qoraagii u dhashay Bulgaria ee dhaleeceyn jiray dowladda, Georgi Markov, waxaana la ogaaday in qof basaas u ahaa Bulgaria uu lugta ka toogtay xilli u adeegsanayay sunta sanadkii 1978 gudaha magaalada London. Markov ayaa sunta u geeriyooday saddex maalmood kadib. VX 13-kii bishii February sanadkii 2017, labo haween ah ayaa sunta VX ku buufiyay Kim Jong Nam, oo ahaa nin la dhashay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Kuala Lumpur. Kim Jong Nam ayaa geeriyooday xilli loo waday cisbitaal. Labada haween oo u kala dhashay Vietnam iyo Indonesia ayaa sheegay in aysan ogeyn in sunta ay waxyeello u geysaneyso neerfayaasha qofka iyo in kale. Baarayaasha waxay rumeysnaayeen in Kim Jong Un uu usoo amray dilka. VX waa sunta ugu halista badan adduunka, 0.4 milligrams oo sunta ah ayaa dili kartaa qofka. Chemist Ranajit Gosh ayaa ogaaday sunta sanadkii 1950’s xilli uu darasaad ku sameynayay sunta lagu buufiyo beeraha ee cayayaanka looga reebo. Sunta waxaa la mamnuucay sanadkii 1997 xilligii la gaaray heshiiskii ka hortagga hubka kimikada. Kuuriyada Waqooyi ma aysan saxiixin heshiiskaas. Botox Waxaa sunta laga sameeyaa maaddada Clostridium Botulinum, waxaana inta badan loo adeegsan jiray is qurxinta. Waxay saameysaa neerfayaasha iyo murqaha. Wuxuu walaac ka taagnaa in sunta loo adeegsado weerar argagixiso. Dowladdii Ciraaq ee uu hoggaaminayay Sadaam Xuseen ayaa waxaa u yaalla qorshe ah in sunta Botox ay noqoto hub loo adeegsado dagaalka. BTX Batrachotixin waa sun kale oo waxyeeleyn u geysata neerfayaasha. Waxaana sunta laga keenay nooc kamid ah Raha ku nool koonfurta Amerika, 0.2 grams oo kamid ah sunta ayaa qofka dili karta. Sunta waxaa soo saara Raha kaas oo la rumeysan yahay in uu cuno nooc kamid cayaayaanka. Laakiin lama hayo taariikhda ku aadan dad lagu waxyeelleeyay suntan. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna murashax Madaxweyne ee sanadkaan 2021-ka ayaa billaabay in uu xal u raadiyo tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shacabka gobalka Hiiraan, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aad looga qiimeeyo Soomaaliya, gaar ahaan degaanada HirShabeelle, ayaa billaabay in uu la kulmo siyaasiinta iyo odayaasha qaar ee beesha Xawaadle, isagoo kala hadlay tabashooyinka ay qabaan. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu ergo ka noqdo, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu ku tagi lahaa Beladweyne. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Sheekh Shariif dadkii uu la kulmay ee beesha Xawaadle rajo wanaagsan geliyeen, iyagoo u sheegay in aysan ka hor imaan doonin wixii uu u keeno. “Markii ay u sheegeen tabashada Xawaadle waxay u ballan qaadeen in wixii uu keeno oo xal ah aysan ka hor imaan doonin kuna kalsoonyihiin balse waxay is dul-taageen heerka tabashada ay qabaan oo ah mid culus,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda beesha Xawaadle oo la hadlay Caasimada Online. Lama oga in qorshaha xal u raadinta tabashada beesha Xawaadle ee uu wado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ka soo hormari doonto doorashada Soomaaliya iyo in ay kadib mari doonto, hase yeeshee wararka ugu badan waxay sheegayaan in laga soo hormarin doono doorashada Soomaaliya. Heshiiska doorashada ayaa waxa uu dhigayaa in xildhibaanada ka imanaya HirShabeelle lagu kala doorto Beledweyne iyo Jowhar, waxaana Guudlaawe u uku qasban yahay inuu helo xal kahor, xilli dagaal loogu hanjabay ciddii isku daydaa inay doorasho ku qabato Beledweyne. The post Sheekh Shariif oo billaabay qorshe uu Cali Guudlaawe ku geynayo magaalada… appeared first on Caasimada Online.
  8. War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Sekada Somaliland War-murtiyeed lix qodob ka kooban, ayaa laga soo saaray shirweyne ku saabsan arrimaha Sakada oo Maalintii Isniinta ee todobaadkan ka furmay Magaalada Hargeysa, kaasoo la soo gebagabeeyey Salaasada maanta. Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa furay Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaana ka qaybgalay in ka badan lix boqol qof oo ka kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka Waddanka. Dood iyo falanqeyn laba maalmood socotay oo lagaga hadlayey arrimaha Sakada, cilmi-baadhiso la xidhiidha ahmiyada Sakada, tusaallooyinka guulaystay iyo sida Qaran ahaan looga faa’idaysan karo, kaddib waxa laga soo saaray shirkaasi war-murtiyeed lagu soo uruuriyey sida loo dabaqayo nuxurka qodobadii lagaga hadlay intii uu socday. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Aadan Cabdilaahi Cabdile oo gunnaanadkii Shirkaasi Saxaafadda u akhriyey war-murtiyeedka, ayaa sheegay in si qoto dheer loogu lafa-guray ahmiyadda iyo waajibaadka Sakada, isla markaana diirrada la saaray sidii siyaasad iyo xeerarka qaran loogu samayn lahaa maamulka Sakada. Agaasimuhu waxa uu intaasi ku daray inay Shirkan ka qaybgaleen, xubno kamida Golaha Wasiirrada,Culimada, Ganacsatada, Ardayda Jaamacadaha dalka iyo haldoorka kale, qodobada lagu soo qaadayna ay kamid yihiin sida ay Dawladdaha Islaamku u maamulaan Sakada, Caqabadaha ka ku xeerran arrinta Sakada iyo sida looga gudbi karo. Sh. Aadan Cabdilaahi Cabdile ayaa xog-waran iyo faahfaahin kaddib, war-murtiyeedka oo qodobaysan warbaahinta u akhriyey “Dood dheer iyo fallanqeyn kaddib shirweynaha qaran ee Sakada waxa ka soo baxay warmurtiyeedkan soo socda:- 1. In Urruurinta Sakadu ay muhiim u tahay horumarka Bulshada, amniga iyo baabi’inta saboolnimada. 2. Inay muhiim tahay kor u qaadista wacyi-gelinta bulshada ee la xidhiidha barashada arrimaha Sakada iyo Axkaamteeda 3. Inay Dawladda waajib ku tahay nidaaminta, uruurinta, qaybinta iyo maamulka Sakada. 4.In la sameeyo cilmi-baadhis dheeraad ah, iyadoo laga faa’idaysanayo tusaallooyinka guulaystay ee wadamda Muslimka ah iyo gudaha Somaliland. 5. In kor loo qaado Kalsoonida isku-xidhnaanta Dawladda iyo Bulshada ee ku aaddan maamulka iyo maareynta Sakada. 6. In laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa Siyaasad iyo xeerrar la xidhiidha arrimaha Sakada. “Ugu dambeyntii Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimo-awdiinka dalku inay ka qayb-qaataan horumarinta arrimaha Sakada”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland. Sakada ayaa ah Rukniga afaraad ee Tiirarka Islaamka, waxaana lagu waajib yeellay qof kasta oo Islaam ah oo haysta Hanti adduun oo gaadhsiisan sida Shareecada Islaamka ku soo arroortay. Qaran News
  9. Waxaan uga digayaa Puntland xadka gobolka Sool in aan lagu soo xad-gudbin… Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga digay maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku soo xad-gudbeen deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland gaar ahaana gobolka Sool. Waxaanu uga digay maamulka Puntland in ay ka waantoobaan faro-gelina ay ku hayaan dhulkaasi, isla markaana uu yahay dhul ka mid deegaamadda Somaliland. Waxaanu yidhi, “Tuuladda la yidhaahdo Hadhwanaag, oo Buuro-wadal ka sokaysa, oo ka tirsan gobolka Sool, waxaa jira in dhawayto, in maamulka aynu jaarka nahay ee Puntland halkaa in ay ku soo fideen. Fariin adag baanu u diraynaa, waxaanan u sheegaynaa in ay ka waantoobaan. Dhulkaa anaga ayaa iska leh, waxna isuguma keen jiraan. Dhul inagama dhexeeyo, laba dawladood baynu kala nahay. Waxaan uga digayaa Puntland, xadka gobolka Sool in aan lagu soo xad-gudbin. Ka waantooba ayaanan leeyahay”. Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in haddii ay Puntland joojin waydo faro-gelinta ay ku hayso deegaamadda gobolka Sool in ciidan, shacab iyo dawladba ay Somaliland diyaar u tahay in ay dhulkeedda difaacato. “Dhamaantayo, shacab, ciidan, iyo dawlad ba, waxaanu u taagan nahay, dhulkayaga in aanu ilaalino. Fariintaasi adag ayaanan nimankaasi u dirayaa. Lagumana arki karro mar danbe, loomana ogolaan doonno. Meeshaasi oo 30KM degmadda Boocame, u jirta. Mana aqbali doono. Waxaanan leeyahay Puntland derisnimo wanaaga ilaaliya. Idinkuna ha nagu soo xad-gudbina, oo dhul iyo dad iyo deegaanba waynu kala leenahay” ayuu yidhi C/qani Maxamuud Jiidhe. Qaran News
  10. Saddex Xildhibaan oo Xisbiga UCID Uga Soo Baxay Gobolka Saaxil Oo Dhabarka U Jeediyey Xisbigoodii Saddex Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID, ayaa la sheegay inay u dhabarka ujeediyeen Xisbiga ay ka soo baxeen ee UCID,kuwaas oo ay ugu dambaysay maalintii lagu dhawaaqay natiijadda hor-dhaca ahayd ee doorashada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,iyagoo aan ka soo qayb-gelin kullanada Xisbiga UCID uu la yeeshay Xildhibaanada u soo baxay ee Golaha Wakiillada, Xildhibaaanada Golaha Wakillad ee Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ayaa la sheegay in aanay sidoo kalena ka soo qayb-gelin kullanadii Xildhibaanada UCID iyo WADDANI ay wadda yeesheen iyo shirarkii Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland uga socday Hargeysa. Dhanka kalene Saddex-dan Xildhibaan ee Xisbiga UCID uga soo baxay Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,ayaa kale ah Xildhibaan Cali Jaamac Caraale Barre (Cali Qaran) Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale iyo Xildhibaan Mubaarik Xuseen Maxamed ( Xeel-dheere ),lama ogga sababta rasmiga ah ee ay uga soo qayb-geli waayeen kullanada Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID. Geesta kalena xoggo hoose oo Warbaahintu heshay ayaa sheegay in Xildhibaanada Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ay uga baaqdeen shirarka Xisbiga Xidhiidho ay la yeesheen Xisbiga KULMIYE iyo heshiisyo hoose oo la lageleen, kuwaas oo ku amray in aanay ka qayb-gelin shirarka Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID,isla markaana ay xidhiidhka u jaraan. Ma jiro wax ar ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga UCID,marka laga tago xoggahan xaqiijiyey in aan Xildhibaanada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID ay dhabarka ujeediyeen Xisbigii ay ka soo baxeen,isla markaana ay diideen inay ka qayb-galaan kullanadii Xisbigu uu la yeeshey Xildhibaanadiisii Golaha Wakiillada. Qaran News
  11. IS-HAYNTA AXSAABTA SIYAASADU YAANAY QARANKA HADIMO U KEENIN !!! Awoodaha hay’adaha qaranka iyo wada shaqeyntoodu waxa ay ku cadahay dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland, waxa xilka iyo waajibaadka golaha wakiilada ee wada-shaqeynta xukuumada si cad u qeexaya qodobada dastuurka ee 53aad, 54aad 55aad iyo 56aad . Madaxweynaha sababaha uu xilka ku waayi karaa maaha wax sahlan waxaana si cad u qeexaya qodobka 86aad ee dadtuurka somaliland , markaa wax mad-madaw gali karaya maaha . Arimahani waxa ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee midiba labada dhadhaar mid ka kale uga baqayo oo qodobka 56aad ee dastuurka laftiisa waxa ku jira xiliyo madaxweynuhu kala diri karo golaha wakiilada laakiin maaha wax sahlan oo waa marka afti ay dadweynaha dalka maxkamada dastuuriga ahi ka qaado. Haddaba maal-mahan waxa badatay in loolanka axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadu ee shirgudoonka golaha wakiiladu meel adag marayo oo dalka hadimo iyo dhibaato u keeni karta , muhiimna aan aheyn in sidaa loo sii ficiltamo. Hadalkiii faysal cali Waraabe ee maalintii ay shirgudoonka isbahaysigu u dooranayeen sadexda xubnood iyo wareegto madaxwayne Mohamed Ibrahim Egal qorey 16 Jan 1996 ( Ref buuga ducoqabe boga 175 ) oo ku saabsanayd wadashaqeynta golihii wakiilada ee xiligaasi iyo xukuumada oo isku mar-may sidii dawladaha nidaamkoogu yahay prime ministerial ka ayaa aad isugu mid ahaa . Axsaabta mucaaridku hadii ay haystaan aqlabiyada golaha macneheegu maaha in xukuumada iyo madaxweynuhu dhacayo, sidoo kale maaha wadashaqeyntu labada dhadhaar ee qaranku meesha ka baxayo , ee waxa wanaagsanaanayaa isla xisaabtanka iyo in goluhu shaqadiisa si wanaagsan u qabsado mid shirgudoonku wax weyn ka badeli karona maaha. Wallow ay mudo hadhsan tahay haddana maaha in loolanka loogu jiraa uu qaranka dhaawaco, waxii umadu wada lahayd iyo dawladnimadana curyaamiyo oo arimuhu noqdaan ku jiqsii. Doodii xalayto ee dood wadaag maxamud xaashi ayaa si fiican ugu sharxay isaguna in helida shirgudoonku aanay muhiimada iyo aqlabiyada golaha waxba ka badelayn . Taariikhda waa in aynu waayo aragnimo ka qaadanaa oo waxii hore inooga qaldamay aanu dib inoogu soo noqon, ficiltankii mucaaridka iyo muxaafidka ee golaha 2005 ilaa 2010 waxa uu dalka ka dhigey ragaad iyo is eryad hay’adaha qaranka midiba mid ka kale iska dhicinayey dabadeedna waxa yaraaday wax qabadkii. Isku soo wada xoori doorashadii aynu galnay waxa ay ahayd mid qurux badan, dhameystirkeeduna waxa uu ku jiraa qaabka shirgudoonka loo doorto iyo waxa ka soo baxa Sida uu u ekaanayo , oo caalamkuna aad inoogu eegayo , markaa waxa aanu leenahay is haynta axsaabta siyaasadu yaanay qaranka hadimo u keenin. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Qaran News
  12. After months of deadlock, political leaders in Somalia have agreed that the country’s long-delayed presidential election will be held on October 10. The office of Prime Minister Mohamed Hussein Roble unveiled the timetable for indirect parliamentary and presidential elections in a statement on Twitter, saying stakeholders had agreed to a road map for a vote following two days of talks in the capital, Mogadishu. “I commend the leaders of the council and hope the election will be a peaceful and transparent one, based on the agreed-upon schedule and processes,” the prime minister said. President Mohamed Abdullahi Mohamed, commonly known as Farmaajo and the leaders of Somalia’s five states had been unable to agree on the terms of a vote before his term lapsed in February, triggering an unprecedented constitutional crisis. The political impasse exploded into violence in April when negotiations collapsed and the lower house of parliament extended the president’s mandate by two years, sparking gun battles on the streets of Mogadishu. Under pressure, the president reversed the mandate extension and ordered his prime minister to reconvene with the state leaders to chart a fresh road map towards elections. In May, the warring leaders announced plans to commence the multi-stage election process within 60 days, helping ease political tensions. The timetable announced on Tuesday schedules elections for the upper house on July 25, and the lower house between August 10 and September 10. Both houses will then convene and a vote for the president will be held on October 10. Complex election Somalia has not held a direct one-person, one-vote election since 1969, the year Siad Barre led a coup and went on to rule for twenty years. Barre’s military government collapsed in 1991 and Somalia fell into anarchy, and repeat efforts to organise such a ballot since have been scuttled by security problems or lack of political will. The upcoming election, like others past, follows a complex indirect model. Special delegates, chosen by the country’s myriad clan elders, pick lower house MPs while senators are nominated by state presidents and then endorsed by local legislatures. This election was to go further in terms of inclusivity, with double the polling locations and almost twice as many delegates voting as the last election in 2017. Women candidates will pay less to register, Roble said, in the hope of boosting female electoral participation. SOURCE: NEWS AGENCIES The post Somalia to hold indirect presidential election October 10 appeared first on Caasimada Online.
  13. PRESS RELEASE Ethiopia: As Mekelle changes hands, civilians remain in urgent need of protection The Tigray Defence Forces (TDF), the armed forces of the Tigray People’s Liberation Front, regained control of Mekelle LONDON, United Kingdom, June 29, 2021/ — Commenting after regional forces took control of Mekelle, the regional capital of Tigray, from Ethiopian government forces yesterday, Sarah Jackson, Amnesty International’s Deputy Regional Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, said: “Amnesty International remains deeply concerned about the safety of civilians in Tigray, who have endured months of fighting and serious human rights abuses, including war crimes, by all sides. As Ethiopian government forces retreat and Tigray regional forces re-establish control, protection of civilians must be paramount. Sarah Jackson, Deputy Regional Director “We call on all parties to prevent further massacres and war crimes, including by ensuring no reprisal attacks are carried out by their troops or militias allied to them. All parties must ensure unfettered access to humanitarian aid for all civilians, and work to restore full access to communication as there is no access to the internet, print or broadcast media at the moment.” The Tigray Defence Forces (TDF), the armed forces of the Tigray People’s Liberation Front, regained control of Mekelle, the regional capital of Tigray, on 28 June following months of fighting with the Ethiopian army – the Ethiopian National Defence Forces (ENDF), its allied militias, and troops from Eritrea. There are fears of reprisal attacks against civilians in Tigray by all sides – retreating ENDF troops, their allied armed forces and militias in the neighbouring Amhara region and Eritrean forces and the TDF. Access to information is currently hindered by a communication blackout, with no internet service, newspapers, radio or television broadcasts in the region. Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International. SOURCE Amnesty International Qaran News
  14. ‘Dabkaas bidhaamaya’: Abiy Ahmed oo Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhicinaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay hir doog leh ka soo durdurin doonaan isdhexgalka dhaqaale awgiis. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kama dhaadhicin oo keliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa loo yaqaan isdhexgal-dhaqaale oo Geeska Afrika “ka dhici doona”. Wuxuu ka raariday Madaxweyne Farmaajo xiriirka aan wanaagsanayn u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu innusan saamayn doonin isdhexgalka dhaqaale. Hindisaha isdhexgalka dhaqaale waxaa watay maamulkii Trump oo u arkayay istaraatijiyad lagu yaraynayo saameynta Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika. Madaxda Geeska Afrika way ku hadaaqayeen uun. Itoobiya waa dal Shiinuhu aad kala shaqeeyay tisqaadista waxa hadda loo yaqaan Dowladda Horumarinta (Developmental State); Eritreeya waa dal kelitalisnimo ay dilootay; Soomaaliya waa dal aan burbur weli ka soo kaban. Sidee isdhexgal dhaqaale u dhexmari karaa seddexdan dal? Imaaraadka Carabtu waa dal saameyn siyaasadeed ku leh Geeska Afrika: wuxuu billad siiyay Isaias iyo Ra’iisal Wasaare Abiy; wuxuu gacanta ku dhigay maamulista dekedado Soomaaliyeed dowladda federaalka oo aan u fasaxin; waxay si dadban u maalgelisaa siyaasiyiin badan oo u tartamaya Madaxtooyada Soomaaliya aanse awoodin inay ka hadlaan qorshaha Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika oo ah “dhedo roob noqon weyday”. Sidee dowladda federaalka Soomaaliyeed ugu doodi kartaa in dalka Imaaraadka Carabtu farogelin ku hayo Soomaaliya haddii dowladdu ay si tartiib-tartiib ah u hirgalinayso qorsheyaal Imaaraadka iyo Itoobiya wada dhoodhoobeen? Abiy Ahmed, Dhaxalsugaha Imaaraadka iyo Afwerke Imaaraadku wuxuu u xuubsiibtay dal dallaal ah. Tobankii qof dadka dalkaas ku nool ku dhowaad 8 qof waa shisheeye. Xiriir ganacsi baa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka hase ahaatee danta qaranka Soomaaliyeed kuma salaysnaan karto danta geddisleyda siyaasadeed oo u guntaday kireynta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaalida. Maanta halista ugu weyn waxay ku soo fool-leedahay kaabayaasha dhaqaale waayo Soomaaliya ma laha siyaasad heer qaran si looga hortago inay dowlado ama shirkado shisheeye ku adeegtaan. Haddii xaalka siyaasiyiinta Soomaaliyeed noqdo “Af wax cunay xishoo” yaa ilaalinaya danaha qaranka Soomaaliyeed? Maxay Soomaalidu uga hadli kari la’dahay kaabayaasha qaranka sida dekedaha sida ay uga hadasho badda Soomaaaliyeed oo ay siyaasiyiin dhegweyn ahi muran galiyeen kaddib markii ay Kenya u saxiixeen heshiis is afgarad? Haddii Imaaraadku siyaabo kala duwan u maalgashado madaxda Soomaaliyeed waxa aan la huri doonin in Soomaaliya ku caanbaxdo siyaasad iyo siyaasiyiin “ii dhiib ah”. Soomaaliya wax ii dhiib lagu doono ka wayn. © PUNTLAND POST, 2021 The post ABIY AHMED WUU SIRAY MADAXWEYNE FARMAAJO – Faallo appeared first on Puntland Post.
  15. Qaar kamid ah dadweynaha ku nool degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shalay dhigay mudaharaad ay uga soo horjeedaan tirakoob ay degmadaas u qaateen Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland (TPEC). Dadweynaha mudaharaadka dhigay ayaa TPEC ku eedeeyay in ay isticmaaleen tirakoob mala’awaal ah, waxayna tilmaaameen in ay tahay arrin meel ka dhac ku ah degmada Ufeyn. Mudaharaadayaasha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Qorsheynt in ay wax ka qabtaan cabashadooda, haddii kalana aysan aqbalayn doorasho ka dhacda degmadaas. Muuqaalka mudaharaadka Ufeyn Dhanka kale maamulka degmada Qardho ayaa isaguna cabasho taas la mid ah ka qaba tirakoobka TPEC ay soo bandhigtay. Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmaamay tirakoobka TPEC mid mala-awaala oo xaqiiqada ka fog. Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ayaa tirada guud ee dadka degmada Qardho ku sheegay 181,039 qof, halka Ufeyn uu ku sheegay 57,095 qof, waxayna xuseen in ay xogtaas ka soo xigteen Wasaaradda Qorsheynta Puntland. PUNTLAND POST The post Mudaharaad ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka dhacay Ufeyn appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo qaar ka mid ah golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankaan oo ka dhacay guriga uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo galabta la soo gaba-gabeeyey, isla markaana jadwal doorasho laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada. Kulankaan ay caawa isugu yimaadeen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno ka socday golaha midowga musharaxiinta waxaa gogoshiisa dhigay oo madaxda casho sharaf u sameeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Golaha midowga musharaxiinta oo mudooyinkii dambe u muuqday mid ku kala jabay siyaasadda dalka ayaa xubnaha ka socday ee caawa kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ah, madxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdinaadir Cabdulle. Xubnaha ugu cad-cad ee ka maqnaa kulankaas waxaa ka mid ah madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo aan la cadeyn sababta ka baajisay kulankii ay caawa isugu yimaadeen xubnaha ka kala socday mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo xukuumadda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u muujiyey saluugiisa ku aadan shaandhayntii u dambeysay ee lagu sameeyey guddiyada doorashooyinka, balse illaa hadda ma jiro siyaasi ka hor yimid ama saluugay heshiiskii maanta ay gaareen madax goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo lagu cadeeyey shaxda doorashada. The post Sawirro: Maxuu ahaa u jeedka kulanka Rooble, mucaaradka iyo madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  17. Ciidamada Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo dhigayay wadada isku xirta tuulada Xamure iyo degmada Balidhidin ee gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay PSF ayaa lagu yiri “Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari”. PSF waxay sheegtay in xubnaha ay dileen uu ku jiray muuqaal duube horey internet-ka ugu baahiyay qaraxyo maalmo ka hor laga beegsaday kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan Puntland. “Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri qoraalka PSF. PSF ma xusin tirada xubnaha ay ka dileen Daacish, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada PSF oo laga helayo deegaanadaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dilay muuqaal duube ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  18. Mekelle (Caasimada Online)-Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka, balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’. TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka baxsaday magaalada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas. Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalada Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan. Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka, iyaga oo ridaya baaruud waxayna sitaan calanka ismaamulkii cagta la mariyey ee Tigray, kaas oo hadda soo laba kacleeyey. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socdo banaanka hore ee caasimadda Mekelle. Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka laga soo galo caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan. The post TPLF oo ku duuleysa Amxaarada iyo Eritrea kadib qabsashadii magaalada Makelle appeared first on Caasimada Online.
  19. Warsaxaafadeed 29, 06, 2021 Xarunta Xuquuqal Iinsaanku Waxay Canbaraynaysa Xadhiga Muwadiniinta Xidhan. Xaruntu Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xadhiga Aadan Xuseen Xaashi oo ah nin muwaadina oo degan magaalada Hargeisa 15, Febuary, 2021, waxa magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada masalaha lagaso xidhay Aadan Xuseen Xaashi. Xadhigiisu waxa uu yimid ka dib markii isaga oo dhisme kawada meel udhow aqal la sheegay in ay degan yihiin ciidamada Sidoonka Somaliland oo ku yaala xaafada masalaha, uu ag fadhiistay ka dibna ay ku soo baxeen laba nin oo gacan ka hadal ku bilabeen, isla markibana ku xereexeen gurigi ay ka soo baxeen jidhdilna u gaysteen. Intasi marki ay dhacday way sii dayeen, ka dib Aadan oo ah muwaadinka xidhanani waxa u dacwooday saldhiga, muddo kadib waa laxidhay ilaa hadana wuu xidhan yahay. Waxaana dacwadi kaga socota maxakamada ciidamada, isagoo lagusoo eedeeyay is ka horkeen ciidan. Qodobada 205(1) (2) 267, Xeerka Ciqaabta Guud. Aadan waxa u sifo aan sharci ahayn u xidhan yahay mudo seddex bilood ka badan. Waxana dacwad kuso oogtay Maxkamed Ciidan, oo aan awood u lahayn in ay maxkamadayso amaba ay danbiyo kusoo oogto dadka civilian ka ah. Sida ku cad qodobka (25) ee dastuurka, waxa uu dhigaya “Qofna xorriyadisa looga qaadi karin si aan xeerka waafaqsanayn. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadinka, waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadisa logso celiyo muwadinka. Sidoo kale Xarntu Xuquuqal Insaanku waxay canbaraynaysa xadhiga 50 dhalin yaroda ah oo lagu xidhay Boorama, 26, June, 2021, kuwaaso u xidhan kadib marki ay xidheen maryo calan ka Somalia ka samaysan, sida ay sheegeen ciidamka booliska Somaliland. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaraynaysa xadhigaas lagula kacay muwadiniinta. waxaanay dowlada usoo jeedinaysa in sida ugu dhaqsaha badanle xoriyadoda loogu so celiyo muwadiniinta xidhan. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insanka Mobile: +252 (0)634472011 Press Release: 29, 06, 2021 Human Rights Centre condemns the baseless arrest and violence against citizens. Human Rights Centre condemns the arrest of Aadan Hussein Haashi in Hargeisa. Aadan is a construction worker, who was brutally violated and assaulted by the Somaliland intelligence agency in his work place. He was arrested on 15, February 2021. According to the victim’s statement, he was attacked and taken inside the building and was considered loitering. The incident took place after they questioned him for being outside while he was waiting outside the building he worked on. Once inside, they questioned him about many things during the attack. After the incidence, the victim went to a police station and lodged a complaint. While lodging the complaint, he was arrested and held in a detention centre while being in chains. He has been denied his due process, a basic right, and dignity that belongs to a citizen of Somaliland, according to the Bill of Rights in the Somaliland Constitution and international humanitarian law, which is severely lacking at this point since the victim has been held for more than three months. He has been charged by the Military court of the Somaliland National Security, of which is an unfair treatment and denies his basic right to fair trial as he is a civilian and not a military individual. Based on Article 105, sub one and sub two and article 267 of the Somali Penal Code, he has been accused of instigating a conflict between the intelligence agency and police of where he lodged the complaint. There have been several other arrests involving forty-three individuals from Borama for wearing Somali flag outfits that contradict the national interest of Somaliland. The Human Rights Centre vehemently condemns this attack on the victims, as well as the basic rights afforded to him based on the Constitution, which he has not received. We would like to urge those involved in this incidence to release the victim, allow him the opportunity to receive medical attention and proper care, and a restitution by the offending individuals. The victim needs due process of his case, immediate release and proper care during his time in detention. As well as we would also like to urge those involved in arresting the individuals with the Somali flag outfits to be released as it violates their right to express their views and contradicts the basic principle of Freedom of Expression entrenched in the Bill of Rights of the Somaliland Constitution. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq culus oo la xiriira dhalinyaro ay xirtay maamulka Puntland oo muddo u xiran, islamarkaana aan lasoo taagin maxkamadd. Odayaasha ayaa sheegay in dhalinyartaas oo dhan lix qof ay u xiran yihiin maamulka Gaalkacyo ee Puntland, kuwaasi oo ay sheegen inay u xiran yihiin muddo ka badan lix billood. Dhalinyarta ayaa waxay u tageen Puntland sidii ay uga shaqeysan lahaayeen, ayaga oo qaarkood ka ahaayeen wadayaal mooto bajaaj iyo hiliblayaal, sida ay sheegen Odayaasha iyo waalidka la hadlay warbaahinta. “Waxaa ka codsaneyna dowladda Puntland, gaar ahaan madaxweyne Deni in ilmahaas uu xoriyadiisa u soo celiyo,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha shirka jaraa’id qabtay ee dalbanayey in dhalinyartaas la sii daayo. Sidoo kale waxay beeniyeen inaysan wax lug ah ku laheyn dhalinyartaas argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, midaasi oo loo badinayo in maamulka Gaalkacyo uu u xirtay dhalinyartaas, inkasta oo aan loo ogeyn si rasmi ah. Odayaasha iyo waalidiinta qabtay shirka jaraa’id ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo dhalinyartaas ama la cadeeyo waxa loo haysto mudada ka badan lixda billood. Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili uu maamulka Puntland uu shalay dil toogasho ah ku fuliyey rag ay ku sheegen inay ka tirsan yihiin kooxaha argixisada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Murusade oo baaq u dirtay Puntland appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee lagu go’aamiyay heshiiskii 27 May 2021. Xubnaha gudda dib u heshiisiineed ee Gedo oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubaland ayaa kala ah. 1. Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle. 2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland. 3. Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed. 4. Aadan Cismaan Xuseen, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga faray in ay si deg deg ah u hawlgalaan, una bilaabaan dib u heshiisiinta gobolka Gedo. Guddiga waxaa ka mid ah shaqooyinka u yaalla dhameystirka qorshada xasilinta gobolka Gedo iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey. PUNTLAND POST The post Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ASU ayaa waxay cabasho xoogan uga muujiyeen tallaabooyin uu kula kacay maamulka gobolka Banaadir. Qoraal ay soo saareen madaxda ururkaas kadib kulamadii ay yeeshen ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiisyada Canshuuraha Berriga degmooyinka gobolka Banaadir uu sameeyay xad-gudub ka dhan ah macalimiinta ku shaqeynaysa duruufaha adag iyo qaar kamid ah goobaha waxbarashada. “Iyada oo aaney jirin shuruuc si cad u qeexeysa xuquuqda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed iyo waajibaadka laga rabo, ayaa waxaa soo gaaray Xarumaha Jaamacadaha amar kasoo baxay Xafiisyada Canshuuraha Berriga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dalbanaya in ay soo gudbiyaan gunada ay qaataan macalimiinta si looga jaro canshuur. Waxa uu macalinku ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo dhowr xarumo waxbarasho si uu u daboolo baahidiisa dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Sida aad la socotaan burburkii kadib, waxbarashada dalka qeybaheeda kala duwan waxay ku aasaasmeen si is-xilqaan bulsho ah, iyadoo maanta la dareemi karo miraha dadaalka bahda waxbarashada iyo kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.” Sidoo kale wuxuu Ururka ASU si weyn u cambaareeyay afar hab dhaqan oo uu sheegay inay ku kaceen ciidamo yimid goobaha Waxbarashada, ayaga oo fulinaya amarka maamulka gobolka, kuwaasi oo kala ah; La soo galid hub goobaha waxbarashada. Handadaada iyo caga-jugleynta howl-wadeenada goobaha waxbarashada. Xarig lagula kacay howl-wadeenada goobaha waxbarashada. Xirida xarumaha waxbarashada iyadoo ay socdaan howlihii waxbarasho ee loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed. The post Jaamacadaha Muqdisho oo war kulul kasoo saartay afar arrin oo maanta lagula kacay appeared first on Caasimada Online.
  23. In 2018 when Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, paid an unannounced visit to Mogadishu, he had unveiled the Horn of Africa Economic Integration Initiative (hereafter HAEI ) involving Somalia, Ethiopia and Eritrea. Under HAEI, Ethiopia will, among other business ventures, invest in Somalia’s seaports. How Somalia, a country with multiple authorities and currencies, can benefit from economic integration with Ethiopia and Eritrea has been an almost undiscussed economic mystery. Somalia’s comparatively weaker position affects its abilities to benefit from any economic integration initiative in Africa. Nothing demonstrates the precariousness of Somalia’s position in the new economic agenda in the Horn of Africa more clearly than the state of two of its seaports. Both Somaliland and Puntland administrations have signed concession agreements with DP World, a company owned by the United Arab Emirates government. In 2018 The former Somali Prime Minster Hassan Ali Kheire described the agreement between Somaliland Government and DP World as illegal. Why has a government that signs offshore oil exploration agreements with foreign companies, and grants fishing licences to China-owned vessels, failed to exercise its sovereignty on key national infrastructures? Somaliland President inaugurating the expansion of Berbera Port on 24 June 2021 Ten years ago when Somalia had a transitional government, subnational entities did not sign infrastructure-based agreements with foreign countries. The establishment of a permanent Somali Federal Government able to enter agreements with foreign countries and companies was supposed to lead to the formulation of a common policy to safeguard Somalia’s seaports against unscrupulous politicians who view them as properties in clan fiefdoms. If the whole point of ending the transition was to promote a freewheeling entrepreneurial approach to signing questionable agreements with foreign companies, a question arises as to what Somalia can gain from its sovereignty in a world that prizes sovereign status of countries. Professor Atul Kohli of Princeton University describes sovereignty as ‘a national asset’. Berbera Port: DP World has modernised the seaport DP World, the main investor in Berbera Port expansion and Berbera Corridor, also manages Bosaso Port through P&O, a company it acquired in 2019. The UAE uses those concession agreements as a leverage to deepen its influence on Somali politics. It was not in Somalia’s interest to end the transition without putting in place a government whose writ runs large throughout the country. If the national government cannot protect its infrastructures against exploitation by foreign countries it is likely that it has had a role in facilitating emergence of parallel authorities accountable to no one. Ethiopia is an investor in Berbera Port. One expects that Ethiopia would directly deal with the Somali Federal Government to invest in Berbera Port. Ethiopia has an embassy in Mogadishu, but it risks being accused of violating Somalia’s sovereignty by signing an agreement with a government that views itself as a sovereign state. Despite its claim to have seceded from Somalia, Somaliland has signed agreements with UAE and Ethiopia. The Federal Government of Somalia cannot raise objections to Ethiopia’s role in Berbera Port. Ethiopia’s understanding of the economic integration initiative grants it the privilege to invest in Somali seaports without dealing with the Federal Government of Somalia. The spirit of the HAEI promotes economic development projects such as Berbera Corridor. In this charitable interpretation, HAEI is lays foundations for deeper economic ties between Somalia and Ethiopia, although it remains devoid of transparency: it is not clear how the Federal Government will oversee the agreement between Somaliland and Ethiopia. In this murky legal situation Somaliland risks being exploited by a bigger and a united Ethiopia, a country that, according to Professor Worku Aberra, Eritrea took advantage of between 1991 and 1998 when the two countries were economically integrated. Professor Anthony J. Venables of the University of Oxford argues that economic integration between high-income countries reduces differences in per capita income whereas in low-income countries (Ethiopia with per capita income of US$ 855.76 (2019), and Somalia with a projected per capital income of US$ 225 (2021), for example), “there is some evidence that the opposite process is at work, with regional integration promoting divergence.” Ethiopia stands a better chance to exploit Somalia’s weaknesses. It has Ethiopian Economics Association made up of experts who publish studies on the state of the Ethiopian economy. Somalia does not have a similar association that can advise the Federal Government and subnational entities on economic development programmes. As it stands, HAEI could unwittingly become an economic exploitation tool for Ethiopia. For several reasons, it will have disastrous economic and security consequences for Somalia. Firstly, economic integration between a functioning state and post-conflict state/subnational entity is a new, untested policy. Secondly, it could spark intra-state conflicts over disputed territories in Somalia. Thirdly, it could undermine the sovereignty of Somalia and reverse the slow progress made towards institution-building. Somalia’s political leaders have not devised strategies to mitigate possibly adverse consequences of an economic integration with Ethiopia. Somali leaders at all levels have sold their country short. Liban A. Ahmad libahm@gmail.com The post Berbera Corridor and the Perils of Horn of Africa Economic Integration appeared first on Puntland Post.