-
Content Count
213,016 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - Somali National Army (SNA) on Monday claimed to have captured the Al-Shabaab's chief of operations in Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Mohamed Hussein Roble left for the United Kingdom Monday to attend the Global Education Summit that will be taking place in London later this week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in maanta uu garoonka diyaaradaha Kismaayo ka degay Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Safarka Cabdi Cali Raage ayaa imaanaya kadib markii uu Ra’iisal wasaare Rooble soo saaray amar dhigaya in qofna laga celin karin garoomada dalka, taasi oo maalmo ka hor dhaqan galkiisa xilalkii uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde. Cabdi Raage oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhowr jeer cadaadis hor leh kala kulmay maamulka Jubbaland, oo horraantii bishaan diyaarad uu saarna ka celisay garoonka Kismaayo. La-taliyaha madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayuu maamulka Jubbaland ku eedeyay qal-qal gelinta amniga maamulkaas iyo abaabulo ka dhan ah. Caasimada Online ayaa kal hore baahisay in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo maanta si shaacsan u soo baxday. Xog lagu kalsoon yahay oo xiligaas ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay. Ujeedada arrintaas ka dambeysay ayaa aheyd in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha, islamarkaana dadweynaha loo tusiyo mid ka hor imaanaya geedi socodka heshiiska doorashada haddii uu ka hor imaado amarka Rooble. Ra’iisal wasaaraha oo u gogal xaaraya safarka Cali Raage ayaa maalmo ka hor xilkii ka qaaday Kulane Jiis oo Guddoomiyihii hore ee Gedo ka hor-istaagay in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho, taasi oo lagu xoojinayo amarka ah “in qofna aan laga celin karin garoon ku yaala dalka.” The post La-taliyaha Farmaajo CABDI CALI RAAGE oo ka degay Kismaayo – Ma hirgalay qorshihii Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada house ee Hargeysa ayaa bilowday banaynta meelihii ay biyaha roobku Ka bixi lahaayeen xili roobaadka oo xidhnaa in mudo dheer ah, sidoo kale waxa ay shaqaalaha dawlada hoose baneeyeen dhabadii ay dadwaynahu mari lahaayeen oo xidhnaa taasi oo dadwaynaha lugaynaaya iyo baabuurtu ay is garab mari jireen halis badanina ka taagnayd maamulka dawlada hoose oo mudo 3 todobaad xilka hayay ayaa ay sugaysaa hawl culusi hase ahaatee talaabadan ay ilaa shalay ku jireen ayaa ah bilow fiican oo ay dadweynaha caasimadu ay aad ugu riyaaqeen Qaran News
-
Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hoggaaminayso oo maanta soo gaaray Garowe ayaa kulan la qaatay madaxda Puntland. Anita Kiki Gbeho waxay shir madaxtooyada Puntland kula qaadatay madaxweyne Deni, xigeenkiisa Axmed Karaash iyo qaar kamid golaha wasiiradda, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya. Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho waxay shir jaraa’id oo ay Garowe ku qabatay ku sheegtay in ay madaxweynaha Puntland ka wada hadleen in doorashadu ku qabsoonto waqtiga loogu talagalay, qoondada haweenka oo ah 30% iyo ka qaybgalinta dhallinyarada iyo dadka matalaadda siyaasadeed lagaga tiro-badan yahay. “Waxaan Puntland ku imid martiqaad aan ka helay Madaxweynaha Puntland. muddo toban sano maan imanin Puntland. Waan arkaan isbeddelada ka dhacay Puntland oo ku yimid dadaalka dowladda iyo dadka Puntland. Ujeeddada safarkaygu waa inaan wadatashi la sameeyo dowladda Punland maadaama la isla qirsan yahay in Soomaaliya ay marayso marxalad taariikhi ah loona baahan yahay in doorashada la siiyo mudnaan kaddib heshiiskii ay madaxda Soomaalidu gaareen. Waxaannu ka wada hadalnay in doorashadu ku qabsoonto waqtiga loogu talagalay waayo doorasho la’aan Soomaaliya hore uma sii socon karto. Waxaan kale oo madaxweynaha kala hadlay qoondada haweenka oo ah 30% iyo ka qaybgalinta dhallinyarada iyo dadka matalaadda siyaasadeed lagaga tiro-badan yahay. Qaramada Midoobay waxay madaxda Soomaaliyeed ku aamanaysaa qaadashada go’aanno wadar-oggol ah waannuna garab-taagannahay Soomaaliya.” ayay tiri Anita Kiki Gbeho. Dhanka kale Anita Kiki Gbeho ayaa kulan la qaadatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxayna kala hadashay doorashada Aqalka Sare ee dhawaan lagu wado in ay dhacdo. Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa sidoo kale inta ay Garowe joogto kulamo la qaadan doonta qeybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Arrimaha ay ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kala hadashay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacday kadib markii uu fuli waayey jadwalkii cusbaa ee doorashada ee dhigayey in doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ay billaabato 25-ka July, oo ku beegneyd Axaddii. Marka laga reebo khilaafka ka taagan guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi, ma jirto caqabad siyaasadeed kale, oo maamul goboleedyada ka hor-istaagtay inay qabtaan doorashada. Iska daa in doorasho ay qabtaan’e, maamul goboleedyada qaarkood ayaan xitaa dhisin guddiyadii baarlamanada u qaabilsanaa qabashada doorashada Aqalka Sare. Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, qabashada doorashada ayaa markan wajaheysa caqabad cusub, oo ah cayaar siyaasadeed u dhaxeysa beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, taasi oo salka ku haysaa lacagta ku baxeysa doorashada. Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, beesha caalamka ayaa diiday inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo gaareysa illaa 40 milyan oo dollar, ayada oo ku xirtay shuruud ah, in marka hore lasoo geba-gebeeyo doorashada Aqalka Sare. Lacagtaas ayaa waxaa dowladda federaalka laga rabaa kaliya inay bixiso afar milyan, halka inta soo hartay, oo ah 36 milyan laga sugayo beesha caalamka. Walaaca beesha caalamka ayaa ah, in haddii ay lacagta bixiso ay suurta-gal tahay in siyaabo kale loo adeegsado, oo doorasho lagu qaban waayo, ayada oo qiil ka dhiganeysa dib u dhacyada aan xisaabta laheyn ee horey ugu hareeyey doorashada. Waxay sidoo kale beesha caalamka qabtaa, in doorashada Aqalka Sare aysan u baahneyn wax qarash ah, ama haddii ay u baahan tahayna aysan aheyn wax badan, maadaama xildhibaanada Aqalka Sare ay soo dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyad, oo ah kuwa iminkaba jira, islamarkaana shaqeeya. Aragtida beesha caalamka ayaa ah, in qarashka ugu badan uu ku baxayo xildhibaanada golaha shacabka, oo ay soo dooranayaan ergo u baahan in la isku keeno, hoteello la dejiyo, la tababaro, islamarkaana muddo la biilo. Sidaas darteed, wakiilada beesha caalamka waxay ku doodayaan, inay lacagta fasixi doonaan doorashada Aqalka Sare kadib. Dhankoodana, madaxda maamul goboleedyada ayaa qaarna ku doodaya inay wajahayaan dhaqaale xumo baahsan, halka qaarka kalen ay ka cabsi qabaan in haddii ay lacagta jeebkooda ka bixiyaan, aan dib loogu soo celin doonin. Mamaul goboleedka kaliya ee illaa iyo hadda ay si buuxda uga go’an tahay qabashada doorashada Aqalka Sare ayaa ah Jubaland, oo dano siyaasadeed gaar ah ka leh qabashada doorashada. Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu doorashada Aqalka Sare kusoo geba-gebeeyo bishan July gudaheed, si uu ugu xoojiyo sharciyaddiisa. Qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, ayey ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay. Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, oo aan quseyn. Si kastaba, Caasimada Online ayaa rumeysan, in Axmed Madoobe weli uu qabo walaac la xiriira arrintaas, islamarkaana haddii waqtigaas la gaaro isaga oo aan doorasho qaban ay muran cusub gelin karto awoodda uu ku qabanayo doorashada. Waxaa taas dheeri, in maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia uu shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha August ee soo socota, tani oo muujineysa in Villa Somalia ay xiisad cusub ka shaqeyneyso. Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay. “Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule. “Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey. Dib u dhacyada aan dhammaadka laheyn ee doorashada, ayaa waxaa ku raaxeysanaya madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadda galay bishii lixaad ee uu kursiga ku fadhiyo isaga oo aan sharciyad heysan. Sida muuqata, Farmaajo waxa uu ugu yaraan heli doonaa hal sano oo dheeri ku ah muddo xileedkiisa oo dhammaaday 7-dii Febraayo, 2021. Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo The post Xog: Cayaar siyaasadeedka cusub ee dib u dhigeysa doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya oo leexisay Duulimaadyadii ku wajahanaa Addis-ababa,Halka loo leexiyey+Sababta Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn. “Taxaddar dartiis, duulimaadyada ku wajahan Addis-Ababa ayaa loo weeciyey garoomo diyaaradeed kale oo ku dhow sababo la xiriiro cimilada aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. “Maadaama bad-qabku yahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hadda ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa. Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.” Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay soo jeediyay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacagaha ay hesho Al-Shabaab iyo howlaha sugida Amniga ee ka socda deegaanadaas. Cabdiladiif oo hadda booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa uu soo jeediyay inaysan marnaba Ganacsatadu siin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan, halka lacagahooda lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in lacagaha ay ganacsatadu siiyan Al-Shabaab iyo Daacish ay sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee lagu laynayo shacabka, islamarkaana ay ganacsatadu qeyb ka tahay falalkaas, maadama ay lacagta u badan baxshaan, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaaso, waa in Ganacsatada ay si deg-deg ah u diidaan lacagtaas oo ay u fariistan, una midoobaan arrintaas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la toogto ganacsade kasta oo la ogaado in uu lacag siiyo argagixisada, ama’se la maxkamadeeyo, si looga waantoobo arrintaas oo dhibaato weyn ku ah dalkeena. “Waa in la marsiiyo dariiqa argagixisada ay dadka marsiiyan, waxaan jeclaan lahaa in cidii lagu ogaado in dariiqa ku toogataan, haddii ganacsato weyn lagu ogaado lacag waa in la toogta ama maxkamadeysaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey shacabka in loo midoobo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay gaancsatada ka waantowdo lacagaha ay siinayaan kooxahaaas, midaasi oo lagu leynayo dadkooda. The post “Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab waa in la toogto” – Amar culus oo lasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska tobanka ciidan ee ugu awooda badan qaarada afrika waxaa ku jira ciidamada lix dal oo carbeed, oo uu hogaaminayo ciidanka masar, kaas oo kaalinta koowaad galay, waxaa ku xigay ciidamada Algeria oo galay kaalinta labaad, Halka ciidanka Marooko ay ku jiraan kaalinta shanaad, ka dibna ciidamada Liibiya aya ku jira kalinta sideedaad ee Afrika, dalalka Tunisia iyo suudaan ayaa buuxiyay kaamaha sagaalaad iyo kaalinta tobnaad ee kala sareynta awoodaha ciidamada afrika. Sida laga soo xigtay xogta laga soo xigtay website-ka Global fire Power, oo ku takhasusay arrimaha militariga iyo kala soocida ciidamada adduunka oo dhan, ciidanka Masar, oo hogaaminaya liiska ciidamada ugu awooda badan ee Afrika iyo Carabta, ayaa kaalinta 13aad ka galay adduunka. 1 Ciidanka Masar Ciidanka Masar waxay gaareen horumar la taaban karo oo ku aadan hawlgalada hubka iyo awoodaha tikniyoolajiyadda casriga ah, kadib afganbigii juun 30, 2013kii iyadoo dalka uu saxeexay heshiisyo militari oo horumarsan oo aan horay loo arag. Tira ahaan, xoogga ciidamada qalabka sida ee Masar waa ilaa 930,000 oo askari 450,000 oo kamid ah ay diyaar ku yihiin xeryaha ciiramada halka 480,000 yihiin ciidmaada keydka Marka loo eego warbixinta wargeyska, miisaaniyadda difaaca ee masar waxay gaareysaa toban bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Ciidanka Masar waxay leeyihiin 1,053 diyaarado dagaal oo kala duwan oo 250 diyaaradood kuwa dagaalka ah ay ku jiraan, 59 diyaarad xamuul oo milatari ah, 341 diyaarad oo tababarada ciidamada, 11 diyaaradood oo gaar ah, iyo 304 helikobtar milatari, oo 91 kamida ah ayihiin helikobtarada weerarka, Masar waxay leedahay 83 garoon diyaaradeed milltary. Dhanka Taangiyada, ciidamada Masar waxay leeyihiin 3,735 taangi, 11,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 1,165 madafiicda dhaqdhaqaaqa ah, iyo in ka badan 2,200 oo madafiicda goobta ah, marka lagu daro 1,235 gadiidka laga ganao gantaalaha . Ciidanka Badda ee Masar waxa ay leyiihiin 316 gadiidka badda oo kala duwan. Masar waxay leedahay laba marakiibta xambaara diyaaradaha oo lagu kala magacaabo Anwar Sadat iyo jamal Abdel Nasser. 2-Ciidanka Aljeeriya. Kaalinta labaad ee Afrika waxaa soo galay ciidanka Algeria -oo kaalinta 27aad kaga jira adduunka- oo leh awood dhan 280,000 oo askari (130ku diyaarsab xeryaha miltry iyo 150,000 keyd). Miisaaniyadda difaaca – sida ku cad isla webseytkan0 – waxaa lagu qiyaasaa qiyaastii 13 bilyan oo doolar. Ciidamada Algeria waxay leeyihiin 551 diyaaradood oo kala duwan 102 kamid ah ay yihiin kiwa dagaalka 22 diyaaradood oo kuwa weerarka ah, 60 diyaaradood oo xamuul ah, 87 diyaarado tababar ah, sagaal diyaaradood oo kuwa qaaska ah, 268 helikobtarro militari. Heerka taangiyada, ciidanka Aljeeriya waxay heystaan 2,024 taangi, 7,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 324 madafiicda dhaqdhaqqada 396 madaafiicda goobta ah iyo 300 oo ah gaawarida laga tuuro madaafiicda. Sido kale oo uu leeyahay 201gaadiidka badda ah oo kala nooc ah. 3-ciidanka koonfur afrika:- Kaalinta seddexaad ee Afrika, iyo tan 32 adduunka, waxaa soo gala ciidanka Koonfur Afrika, oo leh awood 81,500 oo askari 66 kun oo askari oo shaqada ciidamada ,yo 1500 keyd ah. Ciidanka Koonfur Afrika waxay leeyihiin 221 diyaaradood oo noocyo kala duwan leh (17 diyaaradood oo dagaal ah, 22 diyaaradood oo xamuul ah, 88 diyaaradood oo tababar ah, toddobo diyaaradood oo gaar ah, iyo 87 helikobtarro militari. 4-ciidanka nigeria. Kaalinta afaraad ee Afrika, waxaa soo galay ciidanka Nigeria – oo kaalinta 35-aad kaga jira adduunka – kaasoo leh awood dhan 120,000, Miisaaniyadeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa ilaa $ 2 bilyan. 5-Ciidanka Marooko Ciidanka Marooko waxa lagu tilmaamay ciidanka shanaad ee ugu awooda badan qaarada afrika, waxaayna gaarayaan 460,000 oo askari (310 kum oo kamid ah ay ku jiraan aajibaadkooda shaqo halka 150,000 oo keyd. Miisaaniyadda difaaca – sida ku xusan isla bogga GFP waxaa lagu qiyaasaa illaa lix bilyan oo doolar. Ciidanka Morocco – oo kaalinta 53aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 1,053 diyaaradood oo kala duwan 250 diyaaradood oo kamid ay yihiin kuwa dagaalka, 88 diyaarado weerar ah, 59 diyaaradood oo xamuul milatari ah, 341 diyaaradood oo tababar ah, 11 diyaaradood oo khaas ah, iyo 304 oo helikobtarro milatariga. 6-Ciidanka Itoobiya Ciidmaada itoobiya ayaa kaalinta lixaad ka galay qaaradda Afrika, iyadoo ay tiradoodu ahayd 192,000 oo askari. Miisaaniyadda difaaca itoobiya, sida laga soo xigtay Global fire Powe, waxaa lagu qiyaasaa illaa $ 520 milyan. Ciidanka Itoobiya – oo kaalinta 60aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 92 diyaaradood oo kala duwan oo oakooban 24 diyaaradood oo dagaal, sagaal diyaaradood oo xamuul millatari ah, 26 diyaaradood oo tababar ah, iyo 33 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 7-Ciidanka Angola Ciidamada Angola waxay kujiraan kaalinta 7-aad ee lala horeynta xoogga ciidamada ee qaarada Afrika, waxayna gaarayaan 110,000 oo askari. Miisaaniyaddeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa in ka badan toddobo bilyan oo doolar, sida lagu sheegay tirakoob laga soo xigtay websaydhka Global Firepower, oo ku takhasusay qiimeynta ciidamada adduunka oo dhan. 8-Ciidanka Liibiya. Ciidanka Liibiya, waxay kujiraan kaalinta sideedaad ee Afrika. Libiya Waxay leedahay awood dhan 30,000 oo askari, miisaaniyadda difaaca dalkan waxaa lagu qiyaasaa $ 4.9 bilyan. Ciidanka Liibiya – oo kaalinta 70-aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 118 diyaaradood oo kala duwan (20 diyaaradood oo dagaal ah, lix diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah, 64 diyaaradood oo tababar ah, iyo 26 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 9-Ciidanka tunisia. Ciidanka Tuniisiya waxay kujiraan kaalinta sagaalaad. Waxay leedahay awood dhan 36,000 oo askari. Global Fire Power waxay ku sheegtay miisaaniyadda difaaca Tunisia qiyaastii $ 810 milyan. 10- Ciidanka sudan Ciidamada Suudaan waxay kujiraan kaalinta tobnaad ee kala horeynta ciidamada Afrika, iyo kaalinta 77aad adduunka. Waxay leedahay awood 190,000 oo askari 105,000 oo ku diyaar ku ah xeryaha ciidmaada iyo 85,000 oo keyd ah. Miisaaniyaddeeda difaaca suudaan waxaa lagu qiyaasaa $ 4 bilyan. Dalalka Qaaradda Afrika waxaa soo foodsaaray caqabado sii kordhaya, iyadoo ay sare ukacayaan khataraha kala duwan ee ku wajahan qaarada taas oo lagama maarmaan ka dhigaysaa tayeynta iyo horumarinta awoodda milltari ee Ciidmaada milatari ee dadlalka xubnaha ka ah midawga africa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay jeedinayay codsi ku saabsan in anshax-marin lagu sameeyo xil. Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Kuluc), kaas oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Xildhibaannada ayaa sheegay, in mudane Kuluc uu been-abuur ka sameeyay Golaha, islamarkaana lagu qaado anshax-marin, haddii uusan raalli-gelin ka bixin hadalkiisi ahaa in wax-ka beddelkii lagu sameeyay xeer-hoosaadka uusan waafaqsanayn Dastuurka. Sidoo kale, waxa jirtay in Guddoonka Golaha Wakiilada oo la kulmay Xildhibaan Kuluc ay ka codsadeen in uu raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas, inkastoo xildhibaanku diiday codsigooda, isagoo ku adkaystay in uusan wax been-abuur ah ka sheegin Golaha. Guddiga Anshaxa Golaha Wakiilada oo shalay lagu wareejiyay arrinta Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa sidoo kale Fadhiga berri laga sugayaa in ay jawaab ku soo celiyaan Golaha. Dhinaca kale, Xog lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in lix mudane oo keliya ay dabada ka riixayeen abaabulka ku aaddan in anshax-marin lagu qaado Axmed Kuluc, haddana ay taageero uga waayeen inta badan xildhibaannada Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in anshax-marin lagu samayn doono xildhibaan Kuluc? appeared first on Puntland Post.
-
Feeryahanada Ramla Cali, oo Soomaaliya metelaysay ayaa lagaga guulaystay feedhkii maanta iyadoo guushu raacday Maria Claudia Nechita oo Romania u dhalatay. Source
-
(SLT-Hargeysa)- marna is-muquuninta shir guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee Xisbga KULMIYE iyo isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI oo hadda isu arka dhankooda inay yihiin Ragga Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku qoor-diyeyn,waxad mooda in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey ay hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gal-beedka dalka, walow Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitameyey. Dhanka kalene Hoggaanka Isbahaysiga mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa qaabilay xildhibaanno Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal oo ballanqaaday in ay dhisayaan musharraxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee Isbahaysiga Mucaaradka. Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif iyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 1-aad Cumar Jaamac Faarax ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaannada, islamarkaana ballanqaaday in ay tabashada reer Awdal ee dhanka Saamiga si weyn u taageeri doonan dadaallada wax lagaga qabanayo. Sida oo kale Afhayeenka Xildhibaannada Gobolada Awdal iyo Salel Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ballan qaaday in ay u codaynayaan Musharraxiinta Shirguddoonka ee Isbahaysiga Mucaaradku soo xulay” annigu KULMIYE ayaan ahay KULMIYE ayaan ahaan doonnaa ,lakiin caddaaladu meesha ay taallo waddanku caddaalad ayuu u baahan yahay, maanta caddaalad cid noogu hiilisa ayaan isbahaysi la samaysanay haddii aanu raar Awdal nahay ,waxaan ka tagnay Caddaalad darrada Madaxweynaha maanta jooga ee Muuse .” Waxa uu intaas ku sii daray “ Maalintii aan haddalnay ee hawsha shir guddoonka aan ka hadlaynay in caddaalad loogu qaybiyo dadka wey dhici weyday annagoo nidhi toddobada xubnood ee mucaaradka ayaanu keenaynaa Guddoomiye ku-xigeenka ayaan xaq u lahaynay hanala siiyo ayaanu jawaab weynay,markii aanu war-baahinta ka haddalnay waa na loo yeedhay waanu is hor fadhiisanay,waxaan ku nidhi haddii aad labadii xubnood naga qadisay oo ma inankaas ayaa naga miisaan culus Qodax waxa uu noogu jawaabay isaaq ayuu tirsanayaaye ,annagu Madaxweyne Somaliland ah ayaan mooddaynee haddii uu oday isaaq noqday ,taas ayaan ka tagnay wax reer Awdal halkaa u yaallaa ma jirto.” Geesta kalene Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay in Xildhibaannada kale ee reer Awdal oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ay iyana imanayaan halkan si ay u dhisaan shir guddooonka Somliland loo dhan yahay “Xildhibaannadii Xisbiga KULMIYE anniga oo ah inta kalene u tallinayana wallaahay oo leh soo raaca xaqa ,Waxa aan ballan-qaadayaa in aan codkayga ugu hiilinayo codkayga xaqa halka uu yaallo Musharraxiinta isbahaysia Cabdirasaaq Khaliif, Cumar Jaamac iyo Cali Xaamud .”ayuu yidhi Geesta kalene warar xog-oggaal ah ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in tiradda Xildhibaannada ay haystaan isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay gaadhayaan kontan muddane,halka Xildhibaannada uu haystaa Xisbiga KULMIYE ay yihiin 32 Xildhibaan, waxaana la sheegay in haddii uu haysan lahaa KULMIYE aqlabiyad aanu u laba lugoodiyeen ee uu Madaxweyne Biixi isku yeedhi lahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada,balse weli uu naawilayo inuu xubno kale helo. Source
-
Dekeda Berbera, waxa Ilahay dhigay Marin-muhiim u ah, isu-socodka dunida, iyadoo ku taala goob istaatiya, isla markaana ah Wadnaha Geeska Afrika, Marin-biyoodka Baabul-mandab oo ay kulaalayso iyo isu-gudubka Saxiimadaha Xamuulka qaada ee u kala goosha qaaradaha dunida. Wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, waxa la rumeysan yahay inuu qaadi doono in ka badan hal milyan oo konteenar sanadkiiba oo leh kaabayaal casri ah, oo isugu jira wiish-ka-dejineed iyo wiishashka wareega. Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, oo Heshiis la gashay Shirkada Dp World, oo maalgelisay Dekeda Berbera, waxay Mashaaric Horumarineed ee Maalgelinta Dekeda Berbera guulaysteen mudadii uu hoggaanka talada Somaliland yimi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Tisqaadka Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa uu soo maray maraaxil kala duwan, waxana Guusha Dhismaha Dekeda Berbera, si shaqqsiyana ugu suntan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo shaqsiyaad uu kow ka yahay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi. guulahaas ay Somaliland gaadhay Maanta cid kastoo ka qayb qaadatay, waxa ay istaahishaa in magacooda lagu xardho Taalooyin Waaweyn, waayo?. Hoggaamiye kastaa oo dalkiisa Horumarinaya kaabayaashiisa dhaqaale, wuxuu Taarikhda dalkaas ka galaa Baal Dahab ah. Dekeda Berbera waxay noqonaysaa sannadaha dhow mida ugu Mashquulka badan, Dekedaha ku yaala dalal Geeska Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxay ku hawlan yihiin, inay noqoto Dekeda Berbera mida waraabisa inta badan dalka Itoobiya oo aan lahayn bad, waxanay ku guulaysteen qorshaha, Itoobiya na waxay diyaar u tahay inay badeecaddaheeda kala duwan kala soo degto, 70%, Dekeda Berbera oo ah mid Casriya oo Caalamiya. Dekeda Berbera waxay Xukuumada Somaliland intii kalankeeda ah si weyn ugu horumarisay qalabayn badan iyo sidoo kale dhismayaal xafiisyo iyo weliba Tabobar xirfadooda kor loogu qaadayo Shaqaalaha Dekeda Berbera. Haddaba Ujeedada qormadan kooban ayaa ah inaynu ku iftiimino isbedelada la mahadin doono ee ay Dekeda Berbera samaynayso sannooyinkii u dambeeyey. Dekeda Berbera waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto midda ugu hoggaamisa Dekedahaha Geeska Afrika mustaqbal dhow, waxayna sadexdii sanaadood ee u dambeeyey qaadaysaysay tallaabooyin Horumarineed oo dhinacyo kala duwan ah, waxay u muuqata saadaasha mustaqbal wanaagsan ee Dekeda Berbera inay noqon doonto Dubai Geeska Afrika. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu abuuray Xirfad-yahano ku xeel-dheer shaqada loo qabanayo Maraakiibta waaweyn iyo Gaadiid Gaadiid kasta oo bada mara. Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow. Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac. jamafarxaanaadan@gmail.com Hargeysa/Somaliland. Qaran News
-
Madaxweyne kala diray Baarlamanka dalkiisa, shaqadana ka eryay raysal wasaarihiisa+Sababta Dibadbaxayaasha magaalada Tunis Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka ceyriyay ra’isul wasaaraha, isla markaana kala diray baarlamaanka, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan wadanka. Kumannaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo ka careysan qaabka khaldan ee dowladda u maamushay xanuunka ‘Covid-19’, ayaa soo buux dhaafiyay waddooyinka waxayna isku dhaceen booliska. Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub, waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalka oo uu dib usoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta. Balse dadka ka soo horjeedaa waxay ku tilmaameen talaabadiisa inay inqilaab tahay. “Waxaan qaadanay go’aannadan … illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu Mr Saied ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay ka dib kulan deg deg ah oo amniga looga hadlay oo ka dhacay qasrigiisa. Gelinkii dambe ee habeenkii Axadda, ka dib go’aanka madaxweynaha dibadbaxayaashu ayaa sameeyay dabbaal degyo ay ku taageerayaan warka ah in ra’isul wasaare Hichem Mechichi la ceyriyay. Kumannaan kun oo qof ayaa banaanbax ka dhan ah xisbiga talada haya ka dhigayay caasimada Tunis iyo magaalooyin kale, iyagoo ku qeylinayay “banneeya meesha!”, Waxayna ku baaqayeen in baarlamaanka la kala diro. Ciidamada amaanka ayaa xiray baarlamaanka iyo waddooyinka ku xeeran bartamaha Bourguiba, oo ah xarun saldhig u ahayd mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda intii lagu gudajiray kacdoonkii Tunisia ee sanadkii 2011. Dibadbaxayaasha magaalada Tunis Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday dibadbaxayaasha waxayna xireen dhowr qof, iyadoo iska hor imaadyo ay ka bilowdeen magaalooyin kale oo dhowr ah. Dibadbaxayaasha ayaa xoog ku galay xafiisyada xisbiga talada haya ee Ennahdha, iyagoo jajabiyay kumbuyuutarro isla markaana dab qabadsiiyay xaruntiisa deegaanka ee Touzeur. Xisbiga ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen “kooxaha dambiilayaasha ah” ee isku dayaya inay “abuuraan fowdo iyo burbur”. Digniin militari Madaxweyne Saied wuxuu wacad ku maray inuu tallaabo military kaga jawaabi doono rabshado kale oo dheeraad ah. “Waxaan uga digayaa qof kasta oo ku fikira in uu hub adeegsado… iyo qofkii xabbad ridana, ciidamada qalabka sida ayaa ku jawaabi doona rasaas,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in dastuurka uu u ogolaanayo inuu kala diro baarlamaanka hadii ay jirto “khatar soo food leh”. Laakiin afhayeenka baarlamaanka Tuunis Rached Ghannouchi ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu wado “afgambi ka dhan ah isbadalka iyo dastuurka”. “Waxaan u aragnaa hay’adaha inay wali taagan yihiin, taageerayaasha xisbiga Ennahda iyo shacabka Tunisia waxay difaaci doonaan isbadalka,” Mr Ghannouchi, hogaamiyaha xisbiga Ennahda, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Toban sano ka hor, kacaankii Tuniisiya wuxuu horseeday dimuqraadiyad, wuxuuna kiciyay kacdoonkii Gugii Carabta ee ka curtay dalal badan. Laakiin rajadii laga qabay in isbadalkaasi uu horseedo shaqooyin iyo fursado badan ayaa lagu hungoobay. Toban sano kadib, Tunisia waxay la dagaallameysaa dhibaato dhaqaale oo qoto dheer iyo waxaana xaaladda uga sii daray dhibaatooyinka ka dhashay fayraska corona. Kiisaska ayaa si aad ah kor ugu kacay todobaadyadii la soo dhaafay, taas oo cadaadis dheeri ah saareysa dhaqaalaha sii liicaya. Ra’isul wasaare Hichem Mechichi ayaa shaqada ka ceyriyay wasiirka caafimaadka toddobaadkii la soo dhaafay, hase yeeshee tallaabadaasi ayaanan waxba ka baddalin carada dadka. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)- Khilaaf-yadda u dhaxeeya Wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ah qaar soo noq-noqda,isla markaana uu khilaafkoodu debada u soo baxo,waxaana xusid muddan in agaasimayaal dhawr ah xilalka loogga qaaday arrintan. Haddaba waxa hadda uu khilaaf ba’ani ka dhex –qarxay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha guud ee wasaraddaa Maxamed Xasan Dirir,kaas oo ahaa mid huursanaa,isla markaana muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa wasaaradda ayaa markii ugu horaysay soo shaac baxay,kadib markii la baahiyey warqad uu wasiirku shaqadii kaga joojiyey agaasimaha. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa shaqadii ka hakiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Dirir,iyadoo u wasiirku ka joojiyey Agaasimaha shaqadii,isla markaana uu ku eedeeyey inuu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn iyo in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka iyo weliba in uu mihiim u arki waayey shaqadii maalin laha ahayd ee wasaaradda ,sidaana waxa lagu sheegay warqad qoraal oo ka soo baxday xafiiska Wasiir Maxamed Muuse Diiriye. Dhanka kalene illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in khilaaf uu ka dhex alloosan yahay Wasiirkada Wasaaradda Macdanta Jaamac Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Maxamed Cali,kuwaas oo la sheegay inay isku jiq yihiin muddooyinkii ugu dambaysay,isla markaana ay isku hayaan awooda maamul ee wasaaradda dhex-deeda,wallow aaanu soo shaac bixin khilaafkani,balse waxa la sheegay inuu gaadhay Madaxtooyadda,ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay wasaaradda marka laga yimaado xoggahaanu ka helnay illo wareedyadda ka agdhow wasiirka iyo agaasimaha. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn. “Maadaama nabadgelyadu tahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hada ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. “Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.” Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul-wareegayeen. The post DEG DEG: Ethiopia oo leexisay duulimaadyadii Addis Ababa + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Warar iyo xoggo hoose oo soo baxaya ayaa sheegay inuu kala shaki uu soo kale dhex-galay Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii Xisbiga UCID ee dhawaan heshiiska la galay KULMIYE,kadib markii ay keeni karri waayeen Xildhibaanno kale oo ay hore u sheegaan inay soo duuf-sanayaan iyo qaar kamid ah xubnaha oo la sheegay inuu KULMIYE u tuhun-san yahay inay xidhiidh la leeyihiin isbahaysiga. Xoggaha ayaa sheegay in Xildhibaannada UCID ay ballan qaadaan gaar ahaana Cabdinaasir Qodax iyo Xildhibaan Giirre inay keenayaa Xildhibaanno ka soo jeeda Beelahood West Burco Clan iyo Habar-jeclo,balse taas ay u suurageli wadday, isagoo uu Qodax illaa hadda yahay keli oo aanu jirin Xildhibaan beeshiisa ah oo uu KULMIYE geeyey si uu kooramka uu ugu dha dhawaado KULMIYE,balse waxa laga cabsi qabaa in Xildhibaannada West Burco Clan ee KULMIYE ka soo baxay ay iyana u tagaan isbahaysiga, maddaama oo uu Madaxweyne Biixi intii beeshiisa ee ka soo baxda UCID uu gaar u soocday. Dhanka kalena Xoggaha ayaa sheegay in kaatiriinta KULMIYE ay arrintaas ku abuurtay walaac,isla markaana ay u cadaatay in aan Xildhibaan Qodax aanu awood u lahayn in Xildhibaannada West Burco Clan uu keeno KULMIYE,isla markaana aanu hal Xildhibaan keeni karrin,halka uu Xildhibaan Giire uu isna lamid yahay oo aanu Xildhibaan ka so jeeda Beeshiisa Habar-jeclo keeni karrin KULMIYE si uu kooramka ugu buuxiyo,sidoo kalena KULMIYE ayaa ka shaki qaba in aanay Xildhibaannada u tegay u coddaynayn,isla markaana ay si hoose ula socdaan qaarkood isbahaysiga UCID iyo WADDANI. Xildhibaannada UCID ayaa iyana walaac ka muujiyey Xildhibaannada KULMIYE oo ay u arkaan inay ku meel gaadhayaan, Xildhibaan Qodax ayaa mar uu hadlayey dhawaan muujiyey walaac uu ka qabo in Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE inay uga fadhiistaan,isla markaana ay codka siin waayaan doorashada shir guddoonka“Reer KULMIYE waxa aan leeyahay annagu xoog idinku soo biiray ayaanu nahay Xildhibaannada ayaan ka hadlayaa Raggayaga halkaa fadhiyana nin aan tacab iyo cadaadis la soo saarin ma jiro aynu isku hiilino oo waa aanu idin dhisaynaa na dhisa ,Rag baddan oo han leh oo KULMIYE ah ayaa jiray oo ixtiraamay go’aankaa la qaatay annaguna waxa aanu jecelnay mawqifkaa aanu idinla qaadanay.”ayuu yidhi Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaannadii dhawaan u tegay ee Xisbiga UCID ayaa waxa soo kale dhex-galay shaki uu mid-ba ka kale ka qabo ,KULMIYE ayaa ka boodsan isagu kadib markii ay xubnaha UCID keeni waayeen Xildhibaanno ay sheegeen inay keenayaa si ay ugu buuxiyaan kooramka,halka ay xubnaha UCID ay iyana is leeyihiin waa la idinku dan-gaadhayaa uun ee meesha wax-ba idiin-ma yaallaan, waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo maal-maha soo socda. Source
-
M/weyne Muse Biixi oo Kulan sagootina Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga oo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku jooga safarkiisi shaqo ee ugu danbeeyey. Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- Qaran News
-
Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta oo Isniin ah Xafiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore dowladda Puntland, ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare ee dalka, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole). Kulanka waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xoghayaha guud ee Golaha Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sidoo kale, waxa goob-joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo La-taliyaha dhinaca Amniga ee madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole. Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in Baarlamanka Puntland doorto xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ku metela Puntland. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Sen. Cabdiraxmaan Faroole appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga oo Somaliland ku jooga safarkiisi shaqo ee ugu danbeeyey. . Source
-
Qeexitaanka erayga “Xabash”, waa eray Af-Carabi ah oo la micno ah huwan ama is-bahaysi. Sababta loogu bixiyey ayaa ah dadyowga kala duwan ee dhulkaasi ku nool. Reer Yurub waxa ay iyana u yaqaanan “Abbyssinia”. Saddexdii hoggaamiye ee ugu dambeeyey ee ka dhashay qoomiyada Axmaarada ee Itoobiya xukumayey waxa ay dejiyeen siyaasad Soomaalida lagu dafiro dhulkooda oo la sheegto inay Itoobiya ka tirsanaayeen oo ay ka fallaagoobeen. Qoomiyadda Axmaaradu Soomaalida waxa ay u haystaan inay iyagu leeyihiin oo ka tirsan yihiin qoomiyayaha ku hoos jira. Waana colaad guun ah oo soo taxnayd laga soo bilaabo 1890 ilaa 1991. Bal dhacdooyinkan dhugo si aad u fahanto colaadaasi soo jireenka ah: Qoomiyadda Axmaarada. = Intii u dhaxaysay 1890 ilaa 1897 waxa ay ciidamada Boqor Mililig ay Soomaalida ka dhaceen boqol kun oo Lo’ ah, laba boqol oo kun oo Geel ah, lix boqol oo kun oo isugu jira Riyo iyo Ido. Beelaha ugu badan ee uu xoolaha ka dhacay waxa ay kala ahaayeen, Geri, Jid-waaq, Ciise iyo Gadabuursi. Xoolo dhicistan waxa keenay abaar ka dhacday guud ahaan Itoobiya intii u dhaxaysay 1888 ilaa 1892, sida ku xusan buugga” The Great Ethiopian Famine” ee uu qoray Richard Pankhurst. = Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya. = “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?. Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Ka eeg faahfaahinta” Tiirka Colaadda 2005, Cabdiqaadir Aroma. = Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. = Inay qoomiyada Axmaaradu Saylac la wareegto waxa ka warramay John Spencer oo la-taliye u ahaa boqor Xayle Salaasa waxaanu yidhi”. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii”. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika “Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa”. Qoomiyadda Tigreega: 27-kii sanno ee ay dalka Itoobiya ka talinayeen waxa ay adeegsan jireen madaxdii Soomaalida ee Kililka iyo hoggaamiye-kooxdyadii Soomaaliya ka jiray. Kililka Shanaad ee Soomaalida ayaa ay dhib badan ka dhacday iyo Muqdisho oo ay weerareen in badan kuntan kun oo ciidamada Itoobiya ah oo ay badnaayeen madaxda Tigreegu. Shicib badan ayey dagaalladii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo ciidanka Itoobiya ku dhintay. Tigreega intaasi ayaa loo tiriyaan dhibta ay geysteen. Hasayeeshee meel ay dhulka Soomaalida ku sheegtaan taariikhda meel laguma sheegin. In kasta oo ay deegaan ahaan ka fog yihiin Soomaalida. Cali Cabdi Coomay Source