-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jabhada TPLF oo si adag uga jawaabtay Xabad joojintii Abiy Axmed ku dhawaaqay Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin. Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele. “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.” Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah. Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray. Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”. Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee dalka south africa Jacob Zuma ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah kadib markii uu ka dhaga laabtay amar ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka oo ahaa in uu maxkamadda hor yimaado si loo dhageysto eedo loo heysto . Xukunka maxkadda ayaana yimid kadib markii loo yeeray Bishii February si gal dacwadeedkiisa loo bilaabo, madaxweeynihii hore ee koonfur afrika . Zuma ayaa lagu soo eedeyay in uu ka dambeyay Musuq maasuq iyo eedo dhaqaale oo uu sameyay intii u dhaxeysay sanadihii 2009-kii ilaa iyo 2018-kii. Horay ayeey aheyd markii Zuma uu sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin kiiska loo heysto ee maxkamadda horyaalay xilligaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ex-Madaxweyne Jacob Zuma oo lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bil oo xabsi ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado, si loo dhageysto eedeymo loo heysto. Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa. Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February, waxaana kiiska Zuma horkacayay ku xigeenka xeer-ilaaliyha guud Raymond Zondo, sida ay qortay wakaladda wararka ee Reuters. New York Times ayaa qortay in Zuma si geesinimo ku jirto u diiday amarka maxkamadda. Zuma, kaliya ma diidin inuu maxkamadda horyimaado, hase yeeshee wuxuu sidoo kale ku gacanseyray jiritaanka kiiskan iyo inuu is difaaco. Qaran News
-
Qaramada Midoobay ayaa si adag uga hadashay xiisadda colaadeed ee ka aloosan Gobolka Tigray ee waddanka Ethiopia. War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan looga muujiyay colaadda ka taagan Tigray kadib markii jabhadda TPLF la wareegtay magaalada Mekele. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Bayaankaas. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay colaadda Gobolka Tigray appeared first on Puntland Post.
-
Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin. Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele. “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.” Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah. Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray. Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”. Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.” Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo. “Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres. Isha: AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee Tigray iyo mucaaradka oo soo saaray go’aan culus appeared first on Caasimada Online.
-
There’s a new reality in Ethiopia: the Tigray Defense Force has defeated the Ethiopian National Defense Force. In a series of battles over the last two weeks, the TDF has broken the back of the ENDF and taken control of most of Tigray. The armed forces do not possess the leadership, capacity, resources, or time to rebuild from their recent rout. PM Abiy Ahmed has been taking the line that the troubles in Tigray are only a road bump on the track to a great Ethiopia. It appears that the road bump has broken the chassis of his great Ethiopian project. If Abiy acts according to form, he will deny the reality, blame everyone except himself, and ratchet up the level of incitement and vengefulness. Given that those are the habits that have got him – and Ethiopia – into this crisis, it seems probable that more of the same will only deepen the problem, perhaps to a point at which the country cannot recover. Having long dismissed any calls for a ceasefire, the Ethiopian government has declared a ‘ceasefire.’ It’s an empty statement. Prime Minister Abiy and Foreign Minister Demeke Mekonnen don’t have an army in Tigray capable of firing a shot. The Ethiopian ‘ceasefire’ keeps Eritreans in occupation of substantial parts of Tigray and has no provisions for humanitarian access. They declared a unilateral ceasefire because they don’t want to open negotiations with the TDF/TPLF. But that is what they will have to do if they are serious about the political future of the country. A ceasefire can mean many things. The Ethiopian ‘ceasefire’ keeps Eritreans in occupation of substantial parts of Tigray and has no provisions for humanitarian access. It could be an armed truce to try to rearm while continuing to use hunger as a weapon, blockading Tigray. A peace mediator would want the parties to negotiate on a full package of items to constitute a comprehensive ceasefire. These would include protection of civilians, humanitarian access, release of prisoners, redeployment of foreign forces out of the contested zone, third party monitoring, investigation of war crimes and steps towards political negotiations. Abiy managed to sustain the myth that he was a victorious warrior for just long enough for him to win acclaim from an electorate desperate for a strong leader. He could use that mandate to reverse course and negotiate with the TPLF/TDF on equal terms. Such humility is necessary but would be out of character. The TDF won its battles without external support, though it was helped on its way by some remarkable miscalculations by the ENDF generals, and probably by Abiy himself. The TDF has not yet engaged the Eritrean Defense Force at scale. The EDF is a tougher proposition than the ENDF. President Isaias Afewerki may decide to deepen his involvement in Ethiopia, thereby escalating and broadening the war, or he could decide instead to withdraw. Isaias will take that decision solely in his own interest, but the TDF could also force his hand, as their view is that they cannot be secure while he remains in power, and they have a better chance of a decisive military victory while the EDF is inside Tigray. The last eight months of slaughter, atrocity and destruction have demonstrated two elementary truths. First, the war has proven the old TPLF adage that a people, politically aware, mobilized, and armed, cannot be ruled against their will. Second, it has shown that the dream of a great martial imperial Ethiopia was a dangerous illusion, and those who believed in it have led their country towards collapse. There should be a ceasefire – but not the empty words of the Federal Government today. What’s needed is a comprehensive ceasefire as the basis for protecting civilians, ending famine, removing Eritrean forces, and bringing about a definitive political settlement. Alex de Waal is the Executive Director of the World Peace Foundation at The Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University. Considered one of the foremost experts on Sudan and the Horn of Africa, his scholarly work and practice has also probed humanitarian crisis and response, human rights, HIV/AIDS and governance in Africa, and conflict and peace-building. Source: Eritrea Hub The post New Realities in Ethiopia by Alex de Waal appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah. Ex. Madaxweyne Jacob Zuma ayaa lagu helay in uu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa in uu horyimaado, si loo dhegaysto eedeymo loo heysto. Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa. Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February. PUNTLAND POST The post Ex. madaxweyne Jacob Zuma oo xabsi lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho. Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynahaa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo khadka Zoom-ka uga qayb-galaya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish. Madaxda oo maanta dhegaystay warbixinta farsamo ee Arrimaha Doorashada, ayaa qaabilay xubno ka socda Haweenka Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Haweenka, Kulanka ayaa looga hadlay doorka Haweenka iyo sidii ay kooto kufilan uga heli lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo galay maalintiisii labaad oo xiriir ah. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, halka ay goobjoog yihiin hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka dalka iyo sidoo kale duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa dardar-gelinta doorashada iyo wixii ka qabsoomay heshiiska 27-kii May lagu gaaray magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa fadhiga maanta ee shirka ka socda Teedhanada Afisyooni warbixin looga dhageysan doonaa guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Qaar ka mid ah qodobada qaar ee doorashada ayaa sidoo kale la’isku hayaa, waxaana xogta ku helnay in madaxda qaar maamul goboleedyada ay doonayaan in ergada lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii doorashooyinka. Dhankooda Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taasi beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, iyada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ku cad heshiiska la gaaray 27-kii May ee sanadkan. Si kastaba gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo lagu wajahayo qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Soomaaliya ayaa waxaa ku dheeraaday ka gudubka xaaladda guurka ah, taas oo sababtay in khilaaf xoog-leh uu ka dhasho doorashooyinka, walow haatan heshiis laga gaaray. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho oo galay maalintiisii laabaad appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s government declared an immediate, unilateral cease-fire Monday in its Tigray region after nearly eight months of deadly conflict as Tigray fighters occupied the regional capital and government soldiers retreated in a region where hundreds of thousands are suffering in the world’s worst famine crisis. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu doortay maamulka degmada Jariiban ee gobolkaasi ayaa waxa uu ka jeediyey khudbad xasaasi ah. Sanyare ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira nolosha bulshada, sida bixinta canshuuraha, xoojinta amniga iyo horurmarka deegaanadaasi. Guddoomiyaha ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan Jariiban in aysan sugin wax la siiyo, balse looga baahan yahay inay iyagu wax qabsadaan, ayna bixiyaan canshuurta maamulka. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa tusaale yaab leh usoo qaatay dadka mad-madow iyo kuwa cad-cad, isaga oo kala jeedo dadka ku nool qaaradda Afrika iyo kuwa cadaanka ee qaaradaha kale, sida Yurub, wuxuuna tilmaamay in marka is-bar bar dhig lagu sameeyo ay horumarka & wax soo saarka ay ku horeeyaan dadka cadaanka ah. “Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri guddoomiyuhu. Ugu dambeyn gudoomiye Cabdiladiif Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Jariiban inay si dhow u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay degmadaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo deegaanada Puntland ay ka jiraan cabasho xoogan oo bulshada ay ka muujineyso lacagaha canshuuraha & sicir barar ka jira deeganada qaar. The post Sanyare: Dadka madow-madow waa dad kharriban waxaa liibaanay dadka cad-cad appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay fursad doorasho qof iyo cod ah dalka looga qaban lahaa ay ka qasaartay . Qoraal GMDQ ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay sanad ka soo wareegatay xilligii guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay baarlamaanka ka horjeediyeen jadwal doorashoo oo dalka looga qabanayo doorasho qof iyo cod ah . Xaliima Ibraahim Ismaail Yareey ayaa mudanayaasha golaha shacabka 27-kii june u soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka guddiga u dajiyen in ay ka qabtaan . ” 27-ka Juun waxay ku beegan tahay sanad markii NIEC ay soo bandhigtay warbixin iyo laba soo jeedin doorashada ah oo ay u soo gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, taasoo qeexaysa habsami u socodka doorashada 1 qof 1 cod.” a) Soo-jeedintii ugu horreysay waxay ku salaysnayd isla maalintaas diiwaangelinta gacanta oo ku dhammaan lahayd bisha April 2021″ ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka . GMDQ ayaa sidoo kale qoraal kooda intaas ku daray in nooca labaad ay soo bandhigeen xilligaas uu ahaa nuuc dalka ay doorasho qof iyo cod ah kaga qabanayaan iyadoo la adeegsanayo hanaanka casriga ah. “b) Soo jeedinta 2aad waxay ku salaysnayd diiwaangelinta jismiyeed, taasoo ahayd in la dhaqan geliyo bisha Ogos 2021. Hindisaha NIEC wuxuu ahaa in dadka Soomaaliyeed awood loo siiyo inay doortaan hoggaanka dalka iyo in la xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay GMDQ . Ugu dambeyn qoraalka lagu daabacay Twitter-ka ayeey ku sheegen in umadda soomaaliyeed ay ka qasaartay Fursad mujiim ah . “Waxay ahayd fursad la seegay dadka iyo dalka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada Mek’ele ee gobalka Tigrega kadib markii ay xalay la wareegen ciidamada TPLF. Ciidamada xoreynta tigreega ee magacooda loosoo gaabiyo TDF ayaa lagu arkayaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada, xilli shacabka ay soo dhaweyn ciidamada markii ay soo galeen caasimadda . Jabhaddan oo dib isku soo abaabushay kadib markii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sheegay in uu dagaal kaga adkaaday ayaa wacad ku martay in ay xukuumadda kala wareegi doonto deegana badan. Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin gobolka ay dagaalladu halakeeyeen ee Tigreega, xilli xaaladda jawigu uu cakiran yahay. Dhinaca kale TPLF ayaa ku gacan seertay xabad joojinta uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy, iyagoo sheegay in ay dhamaan gobalka ka saarayaan Cadawga (Dowladda Itoobiya). Macadda khaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada TPLF iyo ciidamada Itoobiya 24-ki saac ee la soo dhaafay dhex maray . Dhanka kale Wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya dowladdii Hailemariam Desalegn hadana ah agaasimaha guud ee hay’adda caafimadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus, Ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka markii TPLF la wareegtay Mak’ele ku ” Runta ayaa guuleysata” . Qoraalka uu soo dhigay ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu ku taagerayo la wareegitaanka TPLF ee Mak’ele. Truth prevails. — Tedros Adhanom Ghebreyesus (@DrTedros) June 28, 2021 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin Dawaar oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dib usoo celinta xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Faarax Macalin ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in aan lagu deg-degin go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Kenya, haddii aysan ku adkeysan karin. Sidoo kale wuxuu dhaliilay in haatan dib loo soo celiyo xiriirkaasi, isaga oo ku tilmaamay inay tahay arrin nasiib darro ah, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weli ay taagan yihiin eedaha ay Soomaaliya ka tirsaneysay Kenya, wuxuuna intaa ku daray inay sharaf dhac ku tahay arrintan dadka ka shaqeynaya soo celinta xiriirka. “Shalay adoo goysay xaaladdii aad ka andacootana aysan waxba iska bedalin, bal ay ka sii ballaaran tahay, hadane in maanta aad ku baryooto in adiga aad soo celiso waa nasiib xumo weeyaan,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka wadanka Kenya. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay weli Kenya faro-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay socdaalkii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tegay magaalada Nairobi i iyo sidoo kale kulmada mucaaradka ay ku yeeshaan dalkaasi. “Faro-gelinta waxaa ka mid ah Somaliland waa Muuse Biixi oo inta imaaday, Axmed Madoobe, Deni iyo mucaaradka oo dhan oo si joogto ah inta loogu hayo, si loogu adeegto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya. Hadalka Faarax Macalin iyo eedeyntiisa ka dhanka ah dowlada Soomaaliya ayaa dad fara badan la yaaab ku noqday, maadaama uu siyaasigan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageersanaa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. . The post Faarax Macalin oo dhaliil culus u jeediyey DF Soomaaliya – Maxaa is-bedalay? appeared first on Caasimada Online.
-
“Kululaatay Soomaalidii Kebeddu saarayde, Kari Waaye kuwii lahaa Koloni weeyaane” Waa Ereyadii Marxuum Maxamuud Ducaale oo Magaalada Addis Ababa ku noolaa, markii ay neecowda xornimo heerkii ugu sarraysay ay ka gaadhay deegaanka Soomaaliyeed iyo Qaarada Afrika. Dhallinyaro, ma ogtihiin in xilligaa neecowda xornimo ka dhacaysay Qaarada Afrika, inay ku jirtay maalintii ugu madoobayd ee abid soo marta Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waa Maalintii aan xornimadeenna u hurnay sidii loo rumayn lahaa riyada Soomaali weyn. Waa maalintii Saxaafadda caalamku nagu tilmaantay in aan nahay dal iyo dad diiday inay noqdaan Jamhuuriyad Madaxbannaan. Waa 1-dii July 1960kii. Waa maalinta lagu tilmaamay inay ahayd maalinta is-raaca labadii dal ee ugu horreeyey deegaannada Soomaaliyeed ay xoroobeen. Hase ahaatee, waa maalintii dhaqankii madaxdii Soomaaliya ay xabaasha u qodeen himiladii Soomaali, meel kasta oo ay joogto, waana maalintii kafanka loo tolay riyadii Soomaali weyn. Waa maalintii dhaqankii madaxda Soomaaliya ee wacyiga Siyaasadeed ee caalamka iska indho-tiriyey ama aan aqoonta u lahayn ay seeska u dhigeen sababihii dhaliyey in Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqoto xornimadeedii. Xornimadaa oo ay u gashay halgan hubaysan oo aad u qadhaadh, waana maalintii aragtidii fogeyd ee Somaliland ay warbaahinta caalamku ay khalad ka fahmeen. Dhallinyaro, maalintaas madow waxa ka dhashay in Somaliland u hurtay saddexda jago ee dal ugu sarreeya, waxaanay taasi dhaxal siisay inay afar xubnood oo kaliya ku yeelato Golaha Wasiirrada. Marxuum Axmed Keyse oo noqday Wasiirka Beeraha, kormeerkiisii ugu horreeyey ee uu ku soo maray beerihii Jilib, Jamaame iyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuu arkay inay gacan shisheeye ku jiraan, Soomaalidii ka shaqeynaysayna si aadminimada ka baxsan loola dhaqmayo. Warbixintii socdaalka markii uu Golaha Wasiirrada ku soo celiyey, qorshiisiina u soo bandhigay waxay ku tilmaameen “Waa Soomaali Qaldaane’ ee ha la yaabina”. Siduu maalintaas Soomaaliya uga baxay Axmed Kayse waxa uu dalkiisa Hooyo oo Jamhuuriyadda Somaliland ah uu yimid kadib markii ay xornimadeeda la soo noqotay. Dhallinyaro, doorashadii 1967-kii ka dhacday waxa Ra’iisul-wasaare loo magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Tallaabooyinkii uu qaaday waxa ka mid ahaa; in bulshada Soomaaliyadii Talyaanigu u talinayey qaybo bulshadeeda ka mid ahi in xuquuqo badan oo ka maqnaa inuu wax ka qabto. Tallaabooyin kale oo aanay jeclaysan kuwii tagri falayey maamulka wax buu ka qabtay, waana arrimaha ay ka dhasheen in markuu Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke la dilay dalka ay ciidammadu afgambi ku qabsadeen. Inkastoo ay yidhaahdaan wuxuu ahaa kacaan. Dhallinyaro, Golihii Sare ee Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre madaxda u ahaa, waxa Ku-xigeen u ahaa Jaamac Cali Qoorsheel oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Dhallinyaro, in aanay Soomaaliya waxba u ogolayn Somaliland waxa caddayn u ah, in muddo sannad ka yar gudaheeda lagu eedeeyey in kaligii isku dayey inuu afgambi ku sameynayo. Askari qudha ama shakhsi kale oo eedayntaa lagu daray haba yaraatee may jirin. Dhallinyaro, waxa ka sii yaab badnayd in mudaharaadkii ugu weynaa ee sannadahaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo la taageerayo eedaas beenta ah oo ku salaysnayd in xilka madaxweynenimo laga ilaaliyo qof u dhashay Somaliland, haddii uu Siyaad Barre dhinto ama hawsha qaban kari waayo. Dhallinyaro, ma ogtihiin waxa maalintii madoobayd ka dhashay, waxa ka mid ahaa: • NFD oo afti laga qaaday, natiijadeedu wax kasta oo ay ahaan lahayd, waxay noqotay mid aan waafaqsanayn aragtida siyaasadeed ee dalalka horumaray ka qabeen qaab maamuleedka Soomaaliya. • Dagaalkii Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii dimuqraadiga ee Soomaaliya 1977-1978 dhex maray, dalalka Ruushka iyo Kuuba si cad ayey ula safteen Itoobiya. Saaxiibadii Soomaaliya wax ka filaysayna faraha ayey ka laabteen. • Jabuuti oo la filayey inay noqoto dalka saddexaad ee is-raaca ku biira, waxay ku waayo-aragtay waxa Somaliland qabsaday. Waxay ka guurtay magacii Soomaali. waxay la baxday deegaanka Ciise iyo Canfar, ugu dambayntiina waxay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti. • Somaliland soddon sanno ka bacdi, halgankii ay gashay iyo la soo noqoshadii xornimadeeda horumarka ay gaadhay dunida kama qarsoona maanta. Waxaan leeyahay maamulka Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, 61 sannadood ka hor xabaashii uu u qoday shanta deegaan ee Soomaaliyeed, afar ka mid ahi way ka nabadgaleen. Waxa maanta xabaasha qarkeeda saaran Soomaaliya oo kaliya, waxaanan uga baqayaa in taliska maantu sabab u noqdo in magaca Soomaaliya laga waayo khariidadda adduunyada. By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Source
-
Kenyan leaders are ready to work closely with the Republic of Somaliland to build trade and social networks in the region. Source: Hiiraan Online
-
Regional competition on ports is shaping up as Somaliland and Tanzania angle themselves to give Kenya a run for its money in shipping and logistics. Source: Hiiraan Online
-
1.mr Khaliif Oo 3 Sano Ugu Danbeeyey Wuxuu Aad Ugu Mashquulsanaa inuu Hanto Kursigaasi Isagoo Olole Xoogan U Galay Wado Kasto Oo Loo Mari Kursigaasi Halka Xildhibaan Faratoon 3 Bilood Ugu Danbeeyey La Maqlay Dhawaaqiisa Gudoomiyenimo. 2.Gudoomiye Xisbiga Waddani Oo Waayo Aragnimo Weyn U Leh Nidaamka Golaha wakiilada Iyo Shirgudoonka Ayaa Ka Caawinaya Kursigaasi Sidii U Fuuli Lahaa Waana Shax Culus Dr Ciro Sxbkiisa U Dajiyey 3.Aqbaliyad Golaha Wakiilada Oo Isbahaysigu Mucaaridka U Badan Yihiin 52 Ay Haystaan Ayaa Soo Dadajijanaya In Cabdirisaaq Khaliif Kursigaasi Hanto Iyadoo Hadalado Kulul Wasiirada Xukumada Madaxweyne Muuse Jeediyeen Ay Wadada U Xaadhayso In Culays Weyni Haysto Xildhibaan Yaasiin Faratoon 4.Shacabka Soomaliland Badankoodu Waxay Danaynayaan Gole Wakiilo Oo La Xisaabtama Xukumada Wakhtigan Talada Haysa Waxay Ka Daalaan Gole Gacansaar La Leh Kolba Xukumada Jirta Waxaa Qoray Xamse Cali Bulbul Source
-
Wararka ugu dambeeya ee laga helayo Teendhada uu ka socdo Shirka looga arinsanayo dardar galinta Arimaha Doorashada ayaa sheegaya in Wafuuda qaarkood ay doonayaan in wax laga badalo Qodobadii horay loogu heshiiyay maadaam Wakhtiga iyo Dhaqaalahuba aysan saamaxayn in Doorashadu ku qabsoonto walhtiga harsan. Horshabeele waxay doonayaan in Deegaan Doorashada lagusoo koobo oo qura Hal Magaalo halka Heshiisyadii hore ay ahayd laba Magaalo. Jubbaland ayaa iyana soo jeedisay in Ergooyinka laga dhigo tiro lamida tii Doorashadii hore oo ah 51 Ergo. Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa diidan in la farfareeyo Heshiiskii horey loo wada gaaray, waxayna spp jeedoyeen i. Shirkaan looga hadlo oo qura waxyaabaha dhiman oo Jadwalka Doorashadu kamid tahay. Madaxweynaha Hirshabele ayaa shalay Shirka hordhegay Codsi ah in Magaalada Jowhar oo qura lagu qabto Doorashada isagoo daliil ka dhigtay Amaanka Magaalada Jowhar, Cali Guudlaawe wuxuu sheegey in Xukuumadiisu aysan awoodin damaana qaadida Amaanka Ergooyinka Doorashada ka dhico doonta Gobolka Hiiraan. Maanta ayaa dib la isugusoo laabanayaa waxayna u muuqataa in Aan dib loogu lanabanayn Heshiiskii hore balse loo gudbi doono dardar galinta waxyaabaha dhiman. Puntlandi.com Muqdisho The post Muran ka taagan Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in ay sii xoojinayso xidhiidhka Wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda nabdoon ee Somaliland waxaanay dhambaal diiran u dirtay dhigeeda Mudane, Muuse Biixi Cabdi “Taiwan waxay garab taagan tahay Somaliland waxanay dooneysaa inay sii xoojiso xidhiidhkeena saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan dadkeennu,” ayuu tidhi Madaxweyne Ing-wen. “Fadlan aqbal, Mudane, kalsoonida iyo tixgalintayda ugu sareysa iyo sidoo kale sida ugu fiican ee aan u rajaynayo fayoobidaada shakhsi ahaaneed iyo barwaaqada sii socota ee ummadaada sharafta leh,” ayaa lagu yidhi fariinta Madaxweynaha. Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay si qumman u muujisay ‘hambalyo qalbi furan oo ku aaddan sannad guurada 61aad ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland’. Sidoo kale, Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan wuxuu isna dhanbaalkan oo kale u soo mariyay wasaaradda arimaha dibada Somaliland Taiwan iyo Somaliland, waa laba waddan oo dimuqraadi ah ka hanaqaaday Aasiya iyo Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, waxay sii xoojiyeen xidhiidhkoodii sannadkii hore, iyagoo xafiisyo wakiillo ka samaystay Taipei iyo Hargeysa. Tan iyo waagaas, xidhiidhkaasi wuxuu soo jiitay dareenka wanaagsan ee caalamiga ah waxayna labada dal ka soo gudbeen marxalad kale si ay u dhisaan iskaashi soo ifbaxaya kaas oo si muuqata u wanaajiyay adeeg bixinta qaybo badan oo ka tirsan Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta soo gabo gabaysay dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii golaha Wakiillada JSL Waxayna dhagaystay Maanta 8-dii dacwadood ee u danbeeyay. Fadhigan Waxaa Shirgudoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Waxaana ka soo qayb galay 9 garsoore oo kala ah oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku soo gabagabaysay dhagaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL. Warkan ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in Sida qorshaha ay Maxkamadda Maanta u qorshaysnayd dhagaysiga 9 dacwadood hase ahaatee waxa gunnaanadkii dhagaysiga dacwadaha soo xaadiri waayay hal murashax iyo qareenadiisii, taasi oo ka dhigaysa tirada la dhagaystay maanta 8 dacwadood, oo marka loo geeyo 14-kii dacwadood ee ay hore maxkamaddu u dhagaysatay noqonaya 22 dacwadood. Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhagaysatay dhammaan dacwadaha ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhagaystaan, sidoo kale dhagaysigii maanta waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo maxaliga ahaa. Iyadoo maxkamaddu u eegaysa dacwadaha ay dhagaysatay xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala, Warku waxa uu gabo gabadii sheegay in Maxkamadu dhawaan go’aan kama danbays ah ka soo saari doonto dacwadaha ay dhagaystay, si loogu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada JSL. Source
-
On 16 June, Dr Mamunur Malik, WHO Representative to Somalia, and H.E. Staffan Tillander, Swedish Ambassador to Somalia, signed an agreement, totalling 4 300 000 SEK (US$ 517 868), aimed at strengthening the National Institute of Health and health information systems in Somalia, through the financing of 2 senior WHO national staff positions. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Mikelle)-Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidammada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa. “Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yidhi xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey. Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. “Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yidhi xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaadhka ah. “Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. Maamulka ku-meel gaadhka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka. Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada. Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP. Source
-
Mogadishu: Somali National Army (SNA) said that 41 al-Shabab militants were killed and several others injured in a suicide attack in the country’s Galmudug state. Source: Hiiraan Online