Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Daraawiishta Jubaland, oo ku sugan Gobolka Jubada hoose, ayaa halkaas dagaal culus kula galay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Dagaalka oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni, ayaa sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga hayn. Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay, in ay iska caabiyeen dagaallamayaasha Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhiga Baar-sanguuni, islamarkaana khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 8 askari oo ka tirsan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aaden. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tallooyin wax-ku-ool ah u jeediyay shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiillada. 07/08/2021- Sabtidii maanta oo ay xilka la kala wareegayeen shir-guddoonkii hore ee golaha Wakiillada JSL iyo shir-guddoonka cusub, ee dhawaan loo doortay xilkaasi, ayaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadaasi, qaar ka mid ah la gudoonsiiyay shahaadooyin lagu maamuusay. Masuuliyiinta shahaado sharafta la gudoonsiiyay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam oo loo guddoomay, guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed iyadoo lagu maamuusay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen doorashadii shir-gudoonka cusub ee salaasadii 03/08/2021 lagu doortay Cabdirisaaq Khaliif Axmed guddoomiye, Siciid Mire Giire guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Cali Xaamud Jibriil guddoomiye ku xigeenka labaad. Waxa kale oo la guddoonsiiyay shahaado sharaf, masuuliyiin kale oo ay u arkeen in ay mutaysteen, abaal-marin, Waxanna kamid ahaa shir-guddoonnadii hore. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo madasha xil-wareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay shir-guddoonkii hore isagoo xusay sidii wanaagsanayd ee ay u soo wadashaqeeyeen halka uu u rajeeyay shir-guddoonka cusub iyo dhammaan xildhibaanada cusub in si wanaagsan ay u wada shaqayn doonaan isagoo Alle-na uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee ay qaadeen. Guddoomiye Aadam oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Hoggaanka cusub ee guddoomiye Cabdirisaaq hogaaminayo waxaan kula dar-daarmayaa waxa idiin taala shaqada ah in aad isku dheeli-tirtaan la shaqaynta hay’addihii Dastuuriga ahaa, wa’ayo shir-guddoonka imika yimid, waxay hoggaankiisa qabteen waax ka mid ah waaxihii qaranka, markaa waajib Dastuuri ah bay ku tahay in ay hay’adaha kale ee Dastuuriga ah la shaqeeyaan oo ay ixtiraam ku wada shaqeeyaan, wanaag ku wada-shaqeeyaan, aa’raa fiican la is-waydaarsado taana waan ka rajaynayaa, wa’ayo ragga loo doortay guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen waa rag u qalma xilka loo doortay”. Waxa kale oo uu guddoomiye Aadam u jeediyay golaha cusub in ay dib-u-habayn ku sameeyaan xeerarka u baahan dib-u-habaynta (reform-ka) sida xeer hoosaadka golaha si aanay gol-daloolooyin u soo bixin. Allaa Mahad leh. Qaran News
  3. Wasiirka Arrimaha dibadda waddanka Kenya, Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa, in ay maanta oo Axad ah booqasho ku timaado magaalada Muqdisho. Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasiir Omamo, inta ay ku sugantahay magaalada Muqdisho ay kulamo la qaadan doonto wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay la kulmi doonto Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiir Raychelle Omamo ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya kala hadli doonta arrima ku saabsan dacwadda badda ee u dhexaysa labada waddana, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya. Balse, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo la xiriira booqashada Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi. Bayaan ay soo saareenayaa lagu yiri“ waxaan muwaadiniinta labada dal ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeya”. Madaxda Safaaradahaasi ayaa intaas ku daray inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karaan safaaradaha sabab amni oo jira aawadeed,waxayna muwaadiniintooda kula taliyeen inay si dhaqso ah uga baxaan Afghanistan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu codsaday muwadiniinta jooga Afghansitaan inay la soo xiriiraan safaaradaha si loo qorsheeyo amba bixidooda. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Ingiriiska oo dadkooda kala baxaya Afganistan appeared first on Puntland Post.
  5. Washington (Caasimada Online) – Osama Bin Laden waxa uu markii la dilayey qorsheynayey inuu khaarajiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, waxaa sidaas shaaca ka qaaday buug cusub. “Markii ay soo dhowaatay sanad-guuradii tobonaad ee weerarkii 9/11, Bin Laden waxa uu aad u daneynayey inuu munaasabaddaas ku xuso weerar kale oo weyn,” ayuu Peter Bergen, oo fallanqeeya amniga qaranka Mareykanka ku qoray buuggiisa “Soo Bixiddii iyo Dhiciddii Osama bin Laden”, oo nuqul ka mid ah lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal. “Waxa uu ku-xigeenadiisa u sheegay inuu doonayey ‘howlgal wax ku ool ah, oo sameyntiisa ay ka weyn tahay weerarkii 9/11,’” ayuu Bergen ku qoray buuggiisa oo badanaa saldhig looga dhigay dukementiyo laga soo helay guriga Bin Laden markii la dilay. “Waxa uu sheegay in dilitaanka madaxweyne Barack Obama ay aheyd ahmiyad weyn, hase yeeshee wuxuu sidoo kale isha ku hayey Jeneral David Petraeus oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan,” ayuu qoray Bergen. “Bin Laden wuxuu kooxdiisa u sheegay inaysan isku mashquulin in la dilo madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Joe biden, oo uu u arkay ‘nin gebi-ahaanba aan u diyaarsaneyn’ jagada madaxweynaha. Bergen ma sheegin sababta Jihaadiyiinta ay sidaas ugu arkeen Biden, oo toban sano kadib geeridii Bin Laden noqday madaxweynaha Mareykanka. Biden ayaa lagu warramay inuu kasoo horjeeday howlgalkii lagu dilay Bin Laden oo ay fuliyeen cutubka Seal Team Six ee ciidamada Marines-ka Mareykanka, sababtoo ah ma hubneyn in guriga la weeraray uu ku jiray Bin Laden Damaca Osama Bin Laden ee warar kale oo weyn ayaa salka ku hayey inuu dareemay in dunida ay hilmaamtay, sida buugga lagu qoray. “Waxay u muuqatay in taariikhda ay dhinac martay,” ayuu qoray Bergen. Osama ayaa sidoo kale ka war hayey in kooxaha xulufada la ah Al-Qacida ay dileeen kumanaan qof oo Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, taasi oo wiiqday farriinta kooxda ee ah inay ku jiraan Jihaad ay ku difaacayaan Muslimiinta oo dhan Bin Laden wuxuu sidoo kale ka fakaray in magaca kooxda la beddelo lagana dhigo mid dabacsan, sida lagu qoray buugga Bergen. Qorshihii Bin Laden ayaan hirgelin, waxaana la dilay 2-dii May 2011, markii ciidamada Mareykanka ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan. The post Muxuu qorsheynayey Osama Bin Laden kahor inta aan la dilin? – Xog cusub oo la helay appeared first on Caasimada Online.
  6. Somalia is putting on a brave face and promising a transparent election, even as the first Senate polls in the three federal states elicit old problems for the country. Source: Hiiraan Online
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xooggan oo salka ku hayo kursi ka mid ah Aqalka Sare. Kursiga ayaa ah midka uu hadda Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo laga soo doortay magaalada Caabudwaaq oo ay degto beesha Mareexaan, waxaana loolanka ku saabsan yahay musharaxiinta loo soo sharxayo kursigaas. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa la sheegay inuu doonayo in kursigaas lagala tashado, halka Qoor Qoor uu doonayo in kursiga uu u qoro qof ay wadato madaxtooyada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah Cali Ciid uu u doonayo in kursigaas ay sanadkaan qaadato jufada uu ka yahay Mareexaan, waxuuna u rabaa gabar ay walaalo yihiin oo la yiraahdo Fardowsa. Ma cadda, cidda ay Villa Somalia la rabto kursigaas, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in labada dhinac ay ka siman yihiin in jufada hadda ku fadhisa laga wareejiyo, lana siiyo jufada Cali Ciid, balse waxa la isku hayo ay tahay qofka la siinayo. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senatorka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga, ayaa wararku ay sheegayaan in Villa Somalia ay dooneyso in loo wareejiyo Golaha Shacabka. Qoor Qoor ayaa awood buuxda u leh cidda uu kusoo darayo liiska musharaxiinta mana cadda waxa uu sameyn doono Cali Ciid haddii Qoor Qoor ku gacan seero rabitaankiisa. The post Xog: Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo isku haya kursi ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  8. Foreign Affairs Cabinet Secretary Raychelle Omamo is expected in Somalia on Sunday to discuss the long-standing maritime border dispute. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed yaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu amray in si deg deg ah loo soo gaba-gabeeyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Socdaalka labadaan mas’uul ayaa sidoo kale ku qotoma xal u helida ciidamo la sheegay in ay diidan yihiin doorashada qaar kamid ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isku urursanaya duleedka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle. Maleeshiyaadka isku urursanaya duleedka Jowhar ayaa mid ka mid ah waxay ka soo jeedaan beel kamid ah beelaha daga degmada Cadale, kuwaas oo dood ka qaba kursiga uu ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Maaxmed Abuukar Islow Ducaale, halka kuwa kalane lagu sheegay in ay yihiin Maleeshiyo Macawiisleey ah oo dhowaan weerartay Jowhar, weerarkaas oo ay ku dhinteen kaaliyaal katirsan xafiiska Guudlaawe. Yuusuf Dabageed waxaa Jowhar ugu dambeysay maalmo kadib markii la doortay bishii November ee sanadkii hore, waxa uuna mudadaas sanadka ku dhow uu joogay Beladweyne, taasoo maamulka u ekeysiiyay labada madaxweyne mid kasta uu gobalkiisa ka arrimyo maadaama Cali Guudlaawe uu tagi waayay Hiiraan. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markii hore xal u la’aa tabashada mid kamid ah beelaha daga gobalka Hiiraan ayaa u muuqda in markale uu wajahaya culeys amni iyo kuwa siyaasadeed oo kaga furmaya Jowhar, kuwaas oo aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karaan doorashada baarlamaanka Soomaaliya. Cali Guudlaawe waxaa safarkiisa sidoo kale ku wehlin doono guddiga SEIT ee maamulaya doorashada baarlamaanka ee degaanada HirShabeelle, kuwaasoo muddooyinkan ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay uga sii gudbi doonaan Beladweyne oo sidoo kale ay ka dhici doonto qeyb ka mid ah doorashada Baarlamaanka Soomaaliya. The post Xog: Maxay yihiin ciidamada doorashada diidan ee isku urursanaya duleedka Jowhar? appeared first on Caasimada Online.
  10. Xildhibaanka 20 bishan Kusoo Gudbin Waaya Hantida Uu Leeyahay, Waxaa Loo Aqoonsanayaan In Aanu Wax Hantiya Lahayn””Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex. Badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa shaaciyay in xukuumadu diwaan galinayso hantida ay leeyihiin mudanaaysha cusub ee golaayasha deegaanka ee degmooyinka Hargeysa & Sallaxley Sidoo kale badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa xildhibaanada ku wargaliyay in hantidooda soo diwaan galinayaa inta ka horaysa 20bishan cidii kusoo gudbin waynada loo aqoonsanayo in aanu lahayn wax hantida Halkan ka daawo warkan:- Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho ee xubnaha guddoonka guddiga maamulaya doorashada gobalada Waqooyi ayaa daaha ka qaaday in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexday jidkii dhax-dhaxaadnimada doorashada Soomaaliya. Rooble ayaa ku guul dareystay in uu wax ka qabto dooda guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa astaantii Midnimada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana la aaminsan yahay in Rooble ay ku adeegteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Rooble kaliya kuma ekaan go’aankiisii ahaa in guddiga is doorto, ee sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday is doorashadii guddiga ee shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Xalane. Guddiga SEIT ee gobalada Waqooyi ayaa ka kooban 11 Xubnood, afar iyo afar waxaa kala keenay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, halka saddexda xubnood ee soo hartay ay magacaawday Xukuumada, waxaana la aaminsanyahay in rabitaanka Mahdi Guuleed ay ku yimaadeen, taasoo meesha ka saareysa dhax-dhaxaadnimadii Rooble. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay talooyin badan oo uu ka muuqdo tanaasul iyo dabacsanaan, hase yeeshee waxaa muuqda in dhinaca Villa Somalia ay cadaadis badan saartay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo shalay qaatay go’aan aad u qaraar oo dhaawac ku ah wixii laga filayay Maxamed Xuseen Rooble. Loolankii Cabdi Xaashi ayaa u muuqda inuu halkaas kusoo xirmay, mana cadda halka u uku dambeyn doono mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi. The post R/W ROOBLE oo si rasmi ah uga leexday waddadii dhax-dhaxaadnimada doorashada appeared first on Caasimada Online.
  12. Harun Aydin ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha JKIA ee magaaladda Nairobi, xilli uu la socday Diyaarad Rakaab oo ka timid Uganda. Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Booliska dalkaasi ayaa la sheegay in ay Muwaadinka Turkish-ka kaxaysteen, waxayna markii hore gudbiyeen Xafiiska La-dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada oo ku yaalla wadada Ngong Road ee Nairobi, kadibna waxay u gudbiyeen Saldhig Boolis oo ku yaalla Deegaanka Nairobi. Saraakiisha waxay sheegeen inay wax ka weydiinayaan isfahan Sharci uu ku joogo Kenya iyo waxay tahay Shaqada uu ka hayo Kenya ka sokow Qaaradda Afrika. Harun Aydin ayaa jaal dhow William Ruto, wuxuuna Uganda ku maqnaa tan iyo bishan August 2-dii. PUNTLAND POST The post Kenya oo xirtay Ganacsade Turki ah appeared first on Puntland Post.
  13. Wiilashii Soomaalida oo guul wayn Yurub uga soo hooyay Maaradoonka Olympic-ada adduunka Eliud Kipchoge Eliud Kipchoge oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guuleystay kaalinta kowaad ee orodka dheer ee Marathoon-ka. Eliud Kipchoge ayaa si sahlan ugu guuleystay tartanka isaga oo aad uga horeeyay orodyahanadii ku xigay dhanka kaalmaha. Waxaa kaalinta labaad iyo saddexaad-ba ku guuleystay 2 wiil oo Soomaali ah, oo u ordayay labo dal oo Yurub ku yaalla. Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka , halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo u ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta. Waa kuma Cabdi Nageeye? Nageeya ayaa haysta rikoorro badan oo dalkiisa ah. Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay sidii qaxootinimo dalka Nederland. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah. Nageeye wuxuu ku dhameystay kaalinta 8aad ee Marathon -ka Boston ee 2016. Dabayaaqadii sannadkaas wuxuu ku dhammeystay kaalinta 11 -aad orodka marathon -ka ee Rio. 2018. Abdi Nageeye, sida oo kale waxa uu tartammo kaga qaybgalay dalka Kenya isaga oo galay kaalmaha hore. Waxaana ay soo wada tababarteen Eluid Kipchoge, oo ah orodyahanka ugu caansan Kenya. Dalka ee u ordana wuxuu haystaa rikoorro badan, Halka dhanka kale Cabdi yahay luuqad yahan ku hadla, Soomaaliga, Dutch, Carabi, English iyo Amxarariga. Axmed waxa uu sidan oo kale qayb ka ahaa Olombikada Xagaaga ee 2012 iyo 2016. Waa kuma Bashiir Cabdi? Bashiir, ayaa kaalmaha hore ka galay tartamo badan Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebarweri, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland. Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m. Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain. Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah. Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabbuuti. Sannadkanna waxa uu ka mid yahay orodyahannada ka qaybgeli doono ciyaaraha Olympic-ka ee Tokyo. Qaran News
  14. Ksimaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib weerar ay xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey meelo fog-fog oo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraal illaa 8 askari, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta la dilay uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku sheegtay Yuusuf Aadan, kaas oo ka mid ah saraakiisha ka howl-gala halkaasi. Qoraalka ka soo baxaya Al-Shabaab ayaa intaasi ku sii daraya in sidoo kale dagaalkan ‘ay ku furteen’ illaa 5 qoray oo nooca AK47 ah. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay deegaanka Baarsanguuni. Si kastaba Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay duleeda Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  15. Baashe Cawil “Morgan” oo ka jawaabay Hadal ka soo duulduulay Siyaasi Warancade Wasiir hore Cali Warancade ayaa yidhi ” Xisbiga kulmiye ma noqon doono mid rafadkiisa lay dhiibo Waayo dad badan ayaa aaminsan in aan ka dambeeyay dhicitaankii xisbigii udub,Markaa ma doonaya in hadhow muuse biixi yidhaa xisbigii kulmiye Waxaan kaga tagay waran cade” Waxa aan ku leeyahay Wasiir Kii Hore Cali Waran-Cade, Xisbiga Kulmiye Looga biqi maayo in uu maro waddadii UDUB, waana uu ka soo kaban doonaa. Haddii tartankii doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiiladu dhammaaday, mar haddii tartankii guushu dhinac raacday, waxaan si adag kuugu sheegayaa oo kuu caddaynayaa in xisbiga Kulmiye aanu noqon doonin mid guul-darada maanta uu la kulmay sammeyn taban ku yeelan doonin, Balse xisbigu noqon doono mid dib isku noqda oo dib u habayn iyo hufid samayn doona, taas oo horseedi doonta inuu saxo wixii khaldamay tagtadii, timaadadana ku hoggaamisa guulo kale oo taariikhi ah. Ugu dambayntii waxaan Leeyahay “Kulmiye Ma rafan-doono ee wuu soo rogaal celin doonaa” Qaran News
  16. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Arbacadii Xukuummadda Suuriya ee uu hoggaamiyo Bishaar Al-Asad ku qaaday magaalada Daraa al-Balca ee koonfur galbeed Suuriya. Blinken ayaa ku baaqay in si deg -deg ah loo joojiyo rabshadaha, oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayna ku barakaceen kumanaan rafaad iyo cunto yari soo wajahday. Maamulka Suuriya ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradii ay ku hayeen Daraa al-Balca kadib markii uu fashilmay wadahadaladii dhexdhexaadinta ee uu hogaaminayay Ruushka oo u dhaxeeyay Xukuummadda Asad iyo xoogaga mucaaradka. PUNTLAND POST The post Marykanka oo cambaareeyay weerar ka dhacay Suuriya appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo saaray digniin ku socota xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo dhowaan doortay guddoon cusub. Cirro ayaa sheegay in golahan looga baahan yahay in uusan ku milmin awood ahaan xukuumadda, isla-markaana looga fadhoyo inay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii waya ayaa ugu baaqay labada dhinac in mid weliba uu guto waajibaadka saaran, si loo gaaro horumarka ay haatan hiigsaneyso Somaliland. “Baarlamaanku waa hay’ad ka mid ah saddexda waaxood waxa loo sameeyay waa in mid weliba gaarkeeda ay wax u qabato oo ay isla xisaabtamaan balse looma sameyn in ay isku milmaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saddexda waaxood ee Sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ay ka dhexeyso wada-shaqeyn, balse loo baahan yahay in hay’ad kasta lagu cadaadiyo wax -qabadkeeda, si loo helo daah-furnaan ku yimaada isla xisaabtan dhab ah. “Sharci dejinta, fulinta & Garsoorka waa saddex waaxood oo wadashaqeyn ka dhaxeysa oo kala madaxbannaan si Dowladda loo xakameeyo, taas micnaheedu ma aha in lugaha looga dhegayo balse waa in lagu cadaadiyaa waxqabad,” ayuu markale yiri gudoomiyaha Wadani. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo aadaya, xilli dhowaan doorashadii guddoonka golaha wakiilada maamulka Somaliland ay kusoo baxeen xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo la wareegay hoggaanka golaha, gaar ahaan guddoomiyaha iyo sidoo kale labadiisa ku xigeen. The post CIRRO oo soo saaray digniin ku socota golaha wakiilada appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda dalka Kenya, isla-markaana ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wada-hadallo gaar ah la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxay la kulmi doontaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday. Inta badan wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac. Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyey. Sida aan xogta ku helnay kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya. Socdaalka wafdigan sare ee ka socda Kenya, isla-markaana soo gaaray Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jiro marxalad doorasho. The post Wasiirka arrimaha dibadda KENYA oo timid Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. ANKARA: The announcement by Turkey on Thursday of a $30 million donation to Somalia has attracted widespread criticism. It follows the recent revelation that Turkey does not have any firefighting planes available as efforts continue to battle devastating wildfires on the Aegean and Mediterranean coasts. The money donated by Ankara to the war-torn African country, which will be paid in monthly installments of $2.5 million, will be used for “budget financing and international capacity building.” It is part of an agreement signed by the two countries last month. Since declaring 2005 the “Year of Africa,” Turkey has engaged strongly with Somalia and enhanced bilateral political, military, trade and economic ties. This has been motivated both by ideology and Ankara’s desire to boost its geopolitical influence — but some observers wonder how long this level of engagement in the region can continue given Turkey’s own economic constraints. Over the past six years, Turkey has allocated $117 million to Somalia. Last year, amid the pandemic and the resultant economic downturn, Turkey contributed to debt relief for Somalia by pledging about $2.4 million in Special Drawing Rights, which are International Monetary Fund foreign exchange reserves. It was one of the 116 countries to contribute to this debt relief. Last year, exports from Turkey to Somalia were worth $272.76 million and Turkish companies invested $100 million in the African nation. Turkey’s largest overseas military base is in Somalia, and Somali soldiers are trained there by Turkish armed forces. However the latest donation has been condemned by some in Turkey as extravagance, particularly in light of the fact that funding is not available for aircraft to help firefighting efforts. “A total of six firefighting planes could have been purchased with this money,” said Alpay Antmen from the main opposition Republican People’s Party. Others welcomed the donation as an important contribution to a country that has suffered from famine, drought and civil war for decades. Abdirashid Hashi, a former minister and former director of the Heritage Institute for Policy Studies, a think tank in Somalia, said that the majority of the country’s national resources are invested in priority areas, and so strategic investments require funding from overseas. “Turkey’s $30-million budget support to Somalia’s state-building effort is one of these instances and it means a lot to Somalia, which considers Ankara as one of its closest allies,” he told Arab News. Turkey sees a return on its investment in Somalia in the form of the significant volume of trade between the two countries, Hashi added. Last year, a Turkish business signed a 14-year contract to manage and upgrade the port in Somalia’s capital city, Mogadishu. Somalia also receives assistance from Ankara, especially with development and social projects, through the Turkish Cooperation and Coordination Agency. Turkey built a hospital in the country and rebuilt the Aden Adde International Airport in the capital. Soner Cagaptay, a Turkish academic from the Washington Institute for Near East Policy, said Turkey’s expanding footprint in Africa is one area in which Turkish President Recep Tayyip Erdogan deserves credit. “Turkey really ignored sub-Saharan Africa for the most part until the rise of Erdogan,” he told Arab News. “He used aid, personal visits, engagements, military assistance and humanitarian help as a way to build influence and it has worked in the region. African leaders were among those who congratulated him for his 2018 move in assuming executive presidency.” While Turkey has built significant influence in other parts of Africa under Erdogan and former Prime Minister Ahmet Davutoglu, Cagaptay believes Somalia is a unique and interesting case study in Ankara’s development of ties in the region. “Turkey’s influence in Somalia is many times greater than in other countries in the region,” he said. “It has the largest-ever embassy in Mogadishu. “Turkey customized its outreach to Somalia as a country that doesn’t have any colonial roots in the country. Erdogan also used his personalized touch with the Somali leadership, and in August 2011 he became the first non-African leader to visit Somalia, including a refugee camp, in a decade. “I think Somalia served as a strategic stepping stone for Turkey’s entry into Africa.” The post Turkey’s latest donation of $30 million to Somalia stirs debate appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay amar caawa kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay in hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto xukuumadda, laga reebay inay galaan wax heshiisyo ah xilliga doorashada. Waxaa xeerka Farmaajo si gaar ah loogu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.” Waxaa durba soo baxay warar sheegaya in amarkan lagu beegsanayo ra’iisul wasaare Maxamed Xasan Rooble, si looga hortago heshiis ganacsi oo uu la geli rabo dowladda Kenya, si xiriirka labada dal loo hagaajiyo, marka uu Talaadada u safro Nairobi. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu fasiraad kaga bixinayo dikreetada Farmaajo, isagoo ku macneeyey mid loogu dan lahaa Ra’iisul wasaare Rooble. Mahad Salaad oo qoraal ka soo saaray arrintaan waxa uu sheegay in Farmaajo shalay uu soo abaabulay warar been abuur ah oo laga faafiyey Rooble, balse markii ay taasi u socon weysay uu caawa afka furtay, sida uu hadalka u dhigay. “Duqa haloo sheego qaylodhaantiisa iyo propagandada uu faafinayo ee boor isku qariska ah in aysan waxaba u dhibi karin safarka beri ay ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya, safarkaas oo qayb ka ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri. Wararka qaar ayaa sheegaya in Rooble uu doonayo inuu dib u fasaxo qaadka Kenya oo ay horey u xayirtay xukuumadda, si qaadka dalka Ethiopia loogu furo ganacsato ehel la ah madaxweynaha iyo kuwa kale. Rooble ayaa waxaa bilihii tegay cadaadis xooggan saarayey ganacsatadii horey u keeni jiray qaadka oo ka codsaday in ganacsiga qaadka laga dhigo mid xor ah, oo aan dad gaar ah u xirneyn, taasi oo sida la sheegay uu Rooble aqbalay. Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in wareegtada uu caawa soo saaray madaxweyne Farmaajo ee xadidaadda awoodaha hey’adaha Dowladdda ay ka dalbanayeen musharaxiinta mucaaradka, tan iyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021. Sidaas darteed, waxaa is-weydiin mudan maxaa kusoo beegay caawa iyo kahor safarka Rooble uu Talaadada ku tegayo Nairobi? The post Amarka Farmaajo caawa kasoo baxay ma waxaa lagu beegsanayaa Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya sida xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah. Wareegtada waxaa lagu xusay in ay reebban tahay ilaa doorashada kaddib, in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ay magaca dowladda federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka. Sidoo kale waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka lagu guda jiro. PUTNLAND POST The post Xukuumadda Rooble oo laga joojiyay gelitaanka heshiisyada iyo is af-garadyada appeared first on Puntland Post.
  22. Wax qoraal ah oo goordhaw ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu hakiyay dhamaan heeshyada iyo Is-afgaradyada ay dowladda la gaarto dalalka kale iyo hay’adaha caalamiga ah inta lagu guda jiro doorashada. Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in inta doorashada ka dhacaceyso uu sidoo kale hakiyay dhamaan bixinta hantida dadweynaha . Hoos ka akhriso qoraalka Villa Soomaliya ka soo baxay Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray dikreeto lagu shaaciyey in isagoo gudanaya ‘waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madax-bannaanida dalkeenna’ uu xeer Madaxweyne ku joojiyay in hey’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan: 1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah. 2- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna. 3- Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro. 4- Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud. 5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay. DHAMMAAD The post DEG DEG: Farmaajo oo soo saaray amar xayiraad loogu soo rogay hay’adaha DF xilliga doorashada appeared first on Caasimada Online.