-
Content Count
213,016 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A large group of Somali students in Pakistan celebrated their country’s 61st independence day in Islamabad in connection with Eid-ul-Azha when they had some time off from their online studies. Source: Hiiraan Online
-
The European Union (EU) and its partners cut by half the budget for troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia after a secret partial withdrawal of Kenyan soldiers. Source: Hiiraan Online
-
Nin Soomaaliya oo loo heysto inuu gawracay Nin 52 jira oo lagu xidhay Jarmalka Nin Soomaali oo looga shakisanyahay inuu dilay Nin 52 Jir ah oo aan dhalashadiisa la sheegin ayaa lagu xidhay dalka Jarmalka Magaalada Regen oo ka tirsan Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa Isniintii hore waxaa Maydkiisa laga helay 52 Jir ku noolaa Hoyga Dadka Bilaa Hoyga ah, kaasoo midi lala dhacay, sida ay warbaahinta qaar sheegayaana Madaxa laga Jaray. Laba saacadood kadib dhimashada 52 Jirkaas waxaa gacanta lagu dhigay Wiil Soomaali ah oo 21 Jir ah, kaasoo la sheegay inay wada daganayeen ninka 52 Jirka ah ee Geeriyooday . Booliska markii ay qabteen wiilka Soomaaliga ah ayaa ka dib baadhitaan ay ku sameeyeen waxay ogaadeen inuu Danbiyo hore galay kuwaasoo iskugu jira burbur hantiyeed iyo dhaawacyo Jidheed, kuwaasoo sababay in lagu tuhmo dilka ninkan.Booliska ayaa sheegay inuu wali baadhitaan ku socdo wiilka Soomaaliga, ayna raadinayaan cadeymo dhameystiran oo kiisan ku saabsan. Dadka degaankaasi ku nool ayaa aad uga naxay waxayna dhacdadani soo xasuusisay dhacdadii ka dhacay Magaalada Würzburg ee uu wiilka Soomaaliga ah 3 qof ku dilay, dhawr kalena ku dhaawacay. Shalay ayey aheyd markii Booliska Magaaladda Frankfurt ay toogasho ku dhaawaceen 27 jir Soomaali ah oo ku hubaysnaa laba midiyoood kaasoo isku dayey inuu dilo oday Waayeel ah oo uu weeraray. Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa ka walaacsan dhacdooyinkan iyaga loo nisbeynayo iyagoo ka cabsi qaba in loo geysto dhibaatooyin kaga yimaada dadka cunsuriyiinta ah ee neceb soo galootiga. Qaran News
-
Farmaajo & Mid ka mida Saraakiishii ugu dhadhawaa,Isku beelna ka soo jeedaan oo khilaaf culus soo kala dhax-galay Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay. Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe. Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo. Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud. Bakaal kooke Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho. Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale. Qaran News
-
Dabley hubaysan ayaa dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Laba nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaas. Weerarkan oo la rumaysanyahay in uu la xiriiro aanooyin qabiil, ayaa dableyda fulisay ka yimaadeen dhinaca koonfurta Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Dad Rayid ah oo lagu laayay miyiga degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay. Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe. Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo. Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud. Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho. Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale. The post Xog: Farmaajo iyo mid ka mid ah saraakiishii ugu dhowaa oo khilaaf uu kala dhax-galay appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasi Cali Guray oo Amaaney Gudoomiye Cirro “Runtu Fanto Maaha”Cali Guray. Labadan Afhayeen labaduba waxay ka mid ahaayeen murashaxiintii u tartamaysay Baarlamanka Somaliland. Mid wuxu noqday murashaxii ugu codka badnaa 246kii tartamayay, kuwii soo baxay iyo kuwii aan soo bixinba. Kaasi waa Barkhad Batuun, Afhayeenka Xisbiga WADDANI. Afhaynka Madaxtooyada JSl oo dabcan musharixiintii Kulmiye ee odaygu dhabarka soo taabtay ka mid ahaana wuu dadaalay itaalkiisa balse nasiib darro muu soo bixin. Halkaa ma laga saadaalin karaa hogaaminta Gudoomiyaha WADDANI iyo hogaamiyaha KULMIYE isla markaana ah. Madaxwaynaha JSL, ilayn ninba awrkiisa ayuun baa u doobyaye? Guulaha Cabdiraxmaan Cirro ee aan qof ahaan u qirsanahay waxa ka mid ah sidii uu ula soo dabaashay Xildhibaan Barkhad Batuun oo si gaar ah aan ula socday tobankii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan odhan karo gacanta ugu wayn ayuu ku lahaa guusha Barkhad. Siyaasi cali maxamed Yuusuf (Cali Guray). Qaran News
-
Wasaaradda Warfaafinta S/land oo Shirkadda Telesom kala wareegtay Laba Warlaliye oo FM ah Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kala wareegay Shirkada Telesom laba War laliye FM ah oo loogu talo galay in lagu balaadhiyo idaacadda qur’aanka ee Raadiyo Hargeysa. Munaasibada la wareegida labadan War laliye oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Waxaa ka hadlay Agaasiyeyaasha Waaxyaha Idaacadaha Axmed Ibraahin Cali “Axmed Shiine” Farsamadda Ayaan C.risaaq Jaamac iyo Telefishanka C.risaaq Cismaan Maxamed waxayna Shirkada Telesom uga Mahadceliyeen deeqdan ay soo gaadhsiisay wasaaradda Warfaafinta. Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa sheegay in labadan War laliye ay ugu talo galeen in lagu balaadhiyo Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee Radio hargaysa si ay meelo fog fog looga dhagaysan karo Waxa uu intaas ku daray in labadan War laliye ay awoodoodu dhan tahay 2000 oo Waat iyo Mid Kun waat ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Labadan War laliye ku xoojin doonaan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in labadan War laliye ay door fiican ka qaadan doonaan tayada dhagaysi ee Idaacada Qur’aanka Kariimka ah, Waxa uu Agaasimaha Guud uga mahadceliyey Shirkadda Telesom deeqdan ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, Waxa uu agaasimaha Guud intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay dalbeen qalab kale oo FM ah oo la gaadhsiin doono Lixda Gobol ee Waaweyn ee dalka isla markaana wax weyn ka tari doona kor u qaadista maqalka idaacada radio hargaysa . Qaran News
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Jubbaland. Xubnaha guddiga labada heer iyo madaxweynaha ayaa isdhaafsaday talooyin ku qotoma geeddi socodka doorashada, iyo diyaar garowga qabashada doorashada Aqalka Sare Madaxwaynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ay hayaan guddiga waxa uuna sheegay in uu rajo wanagsan ka qabo in shaqooyinka adag ee loo igmaday ay si hufan oo hagar la,aaneed ay u gutaan. Sidoo kale, wuxu kula dardaarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka saaran, isla mar kaana u dhabar adaygaan duruufaha qalafsan ee ku xeeran xayndaabka doorashada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka dadban appeared first on Puntland Post.
-
57 Muhaajiriin ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen Dooni shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalkaasi. Afhayeenada Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM, Safa Mesheli waxay tilmaamtay in Doonidasi oo ay la socdeen ugu yaraan 75 Muhaajiriin Afrikaan ah ay maalintii Axadda ee la soo dhafay ka soo shiraacatay Xeebaha Degmadda Khumusee Galbeedka Libiya, iyagoo ku wajahnaa Xeebaha Qaaradda Europe. Waxay intaasi ku dartay in 57 qof ee ku hafteen Badda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 20-haween iyo 2 carruur, iyadoo la soo badbaadiyey 18 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria, Ghana iyo Gambia. Shilka Doonida shalay ku qalibantay Xeebaha Libiya waa shilkii labaad ee wax ka yar hal isbuuc ka dhaca meel ka baxsan Xeebaha Libiya, iyaadoo ay ugu yaraan 20 Muhaajiriin ah ku dhinteen Dooni degtay Arbacadii la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin Ku geeriyootay dooni Ku degtay Xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.
-
“Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah..”Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux I.Taani Ceerigaabo-Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa sheegay in CQ qeyb ka noqon doono horumarka Somaliland gaadhayso, xilli uu shalay xadhiga ka jaray guri cusub miiska saraakiisha oo Ciidanka Qaranka JSL ku yeesheen, magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Wefdi uu hogaaminayey Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux oo socdaal ku tegay magaalada Ceerigaabo ayaa shalay furay gurriga cusub oo madaxda CQ ee booqashada ku taga gobolka Sanaag ku nasan doonaan, maadama inay hudheelada shicibka u hoydaan looga wanaagsan yahay. Hoygan oo ka kooban laba dabaq, ayaa leh 3 qol oo fadhiyo waaweyn ah, 10 qol hurdo iyo xafiisyo ayaa hadalo laga jeediyey waxuu ugu horeyn Afhayeenka CQ G/Sare C/raxmaan C. Xasan oo ka hadlay sheegay in gurrigan oo qiimo badan u leeyahay CQ iyo xukuumada Somaliland, lagu qaban doono hawlaha qaranka. Taliyaha Ciidanka Qaranka, qeybta Saddexaad G/Sare Muuse Jaamac Delef oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo CQ tacab badan geliyeen dhismaha gurrigan, isla markaana Taliyaha CQ S/Gaas Nuux xil weyn iska saaray dhismahiisa. Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, isla markaana sheegay inay qorsheynayaan sidii dhismayaal kale Ciidanka Qaranka loogu dhisi lahaa, si ay qeyb uga noqdaan horumarka Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Waxaan ku faraxsannahay furitaanka gurrigan oo Runtii qeyb ka ah horumarka Ciidanka Qaranka iyo dalka Somaliland. Ciidanka Qaranku qeyb muuqda ayuu ka noqonaya horumarka Somaliland gaadhayo Insha Alaah. Mohamoud Ali Walaaleye Qaran News
-
The first act of a newly elected parliament, after members have taken the pledge of loyalty, is the election of a speaker. The parliament speaker is an elected MP who presides the sessions of the parliament, maintains order during sessions, punishes MPs who break the rules of the house, determines which members might speak and, once bills and proposals are introduced, decides which ones are to be discussed first, to assign them to a committee whose members peruse and make changes to the bills and proposals when necessary, to put them before the parliament to be voted on. Principally, contemporary MPs are considered to have two duties, or three when they belong to a political party. Their primary responsibility is to act in the national interest. They must also act in the interests of their constituents where this does not override their primary responsibility. Examples of having a sincere interest for national progress include enhancing peoples’ living standard, performing acts of kindness without expecting anything in return and creating an environment that can equip communities with relevant skills and knowledge that will enable them to be self-reliant and active in the economic. This sums up that an MP’s primary role is, at the very least, to come up with the effort to guide their conduct by sincerity –that is, to do what there are the best reasons for doing – while giving equal weight to the interests of each citizen who will be affected by what a representative does. If every Somaliland MP is elected to observe above noble role, why the age-old tribal intrigues and streams of invective once again come into play and Kulmiye party is restlessly calling on some MPs from opposition parties to come to its side? What is the aspirational goal that led Kulmiye leadership to strike an alliance deal with MPs from opposition parties? Who will the parliament speaker serve? The presidency or the public? Public representation is ‘not an experieental policy, but an endeavor that must be won’; a social responsibility that could dictate and design what the future for one’s constituencý and country would look like and how every elected representative is going to make that future a reality. As they say, “becoming is better than being.” Today Somaliland population is expecting to see a parliament that is totally different from the previous parliament in every ethical aspect. The participation of Somaliland population in recent parliamentary and local council election proves the reality that the people of this country are in dire need of having MPs who should revive the honor of public representation; representatives who by all means prove that the legislature is a political institution with high-minded principles and innovative policies; a legislature that would leave no stone unturned in order to clean the rotten system from under the carpet; a parliament whose activity in public engagement should embody a considerable sense of connectivity that offers forms of symbolic representation, which ought to present the public with what this age requires. Faced limitless levels of distrust from the forner parliament, the election of the speaker should be about choosing a personality that can ponder on how to make right what has already gone wrong; a person who has the ability to materialise the means that can make Somaliland stronger; an individual who has the capacity to set plans and policies that can uplift the poor; an honorable MP who can inspire the legislature with the will to act effectively and the courage to create an efficient environment where all legal institutions are accountable for their actions by re-introducing check-and-balance procedures to Somaliland’s current political system. Picking the speaker from among the PMs is not about selecting a yes-man, who only fulfills the wishes and wants of the current Somaliland presidency. Somaliland is fed up of a parliament that always followed the directions and dictations given by the executive body. The way in which Somaliland presidency (‘the executive) worked was not built to deliver promising results in the public interest or to foster policy innovation. Instead it was based on political corruption – that is, abuse of power, to put the context on its proper pretext. In politics, a political alliance, also known as a coalition, is collaboration by members of different political parties, in countries with a parliamentary system, on a common goal. This usually involves formal agreements between two or more entire parties, to choose a prime minister or parliament speaker. The coalition between the two parties, Waddani and Ucid, is a constitutional move in the first place and, in addition a temporary agreement which, in and of itself, is not a destructive pact. Rather it is a defining mission or a motto fundamentally designed for reactivating and reinforcing measures ensuring adherence to the principles of supremacy of law, equality before the law, accountability to the law, fairness in the application of the law, division of government tasks among legal institutions, separation of powers, participation in decision-making, legal certainty, procedural transparency, and avoidance of arbitrariness. As the old gag goes to say, “Change is the law of life.” Change is what mostly makes people grow. The new parliament must examine how government officials work, what they do and how they do what they do. Moreover the MPs must also throw their weight behind implementing political innovation that would help government institutions intellectualise governing system, so that Somaliland’s mode of governance can grow. Having a sincere interest for human development is what realistically plants the seeds of progress. Much like a seed, any progress must be nurtured. And much like a plant, the progress becomes more durable as it grows. Left unattended, for any length of time, a plant begins to wither. Likewise, so progress and persistence. Looking into and investing in following sectors are the areas where projections of change-making movements should begin: 1. Invest in education and job skills training. Pay teachers more and modernize and support public schools, vocational education, community colleges, job training academies, and apprenticeships. 2. Invest in innovation. Enhance governing by systemising how people work and inspire them with confidence and courage to get things done and hold them accountable. 3. Identifying differences between regions. Study regional strengths and weaknesses, support enabling and creative ideas, create the conditions for local communities to thrive in future growth areas such as regenerative agriculture, self-reliance and knowledge-based enterprises (when the ability to do is avsilable). 4. Invest in Infrastructure. Repair and modernize roads, bridges. 5. Invest health. Clean common areas, keep wellness centres tidy, supply public places with better lighting and community policing so that people can feel safe. If the new parliament will look Somaliland’s current situation in a new way and act on that new look, things may change for the better. But if the newly elected MPs begin their duty with the intenationality to look only what comes into their pockets, it is cetain that Somaliland would miss a promising future. By : Jamafalaag Hargeisa, Somaliland. Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo maalmahaan ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa u sharaxan kursi kamid ah golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Mudug. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa la sheegay in musharaxnimadiisa uu taageero xoog leh uga helayo kooxda ololaha doorashada u qaabilsan Madaxweyne Farmaajo. Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ay ku leedahay golaha shacabka Soomaaliya. Sida ay ku warantay warbaahinta Puntland Post Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxuu kooxda ololaha dib u soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug. Wasiirkan ayaa hoggaamin doona qorshe xildhibaanada gobolkaas ka soo gelaya baarlamaanka Soomaaliya loogu soo saarayo xubno taabacsan Madaxweyne Farmaajo, sida ay daaha ka qaadeyso xogtaan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhaw madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbiyey dacwado ka dhan ah madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Ugu yaraan seddax jeer ayaa la sheegaa in Wasiir Maxamed Cabdirisaaq uu golaha ammaanka QM hor-geeyey dacwado ka dhan ah madaxda Puntland iyo Jubbaland, intii uu taagnaa khilaafkii doorashada Soomaaliya, madaama ay aad uga soo hor jeesteen damacii Farmaajo ee mudo kororsiga ahaa. Maalin ka hor wasiirkaan oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo la qaatay Isimada beeshiisa oo degta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Loolan adag ayey kooxda ololaha Farmaajo kala kulmi doontaa inay saameyn ku yeelato xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo dooranayo Puntland, maadaama hoggaamiyaha maamulkaas ay aad siyaasadda isugu hayaan Farmaajo. The post Xog: Kooxda ololaha Farmaajo oo sharxeysa wasiir Maxamed Cabdirisaaq una wakiilatay Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia's Hormuud Telecom has pledged to ensure full 4G coverage across Somalia by 2023. Source: Hiiraan Online
-
Itoobiya waxaa ay hakad galisay Duulimaadyadii Garoonka Addis Ababa. Cimilada Addis Ababa oo xun awgeed waxay Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ay hakisey duulimaadyadii Garoonka Bole International Airport. Dhamaan duulimaadyadii waxaa loo weeciyay garoonada ku dhaw. Sidoo kale duulimaadyo badan oo Ethiopian Airlines ah ayaa ka dagay Garoonada Diyaaradaha ee Jabuuti iyo Khartuun. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa London uga qeybgalaya shir caalamiga ah oo sare loogu qaadayo tayada waxbarashada caruurta, waxaana inta uu halkaas joogo la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sare u qaadista tayada waxbarashada carruurta”. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda iyo waxbarashada Maxamed Cabdirisaaq iyo Cabdullaahi Carab. Shirka London ee waxbarshada caruurta oo dhici doona 28 iyo 29 bishan July, waxaa ka qeybgalaya madax kale oo Afrika ah oo ka mid yahay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay u jeedada safarka Rooble ee London? appeared first on Puntland Post.
-
In Somalia, the clan system has always been a major factor in the running of the social and political affairs, and ever since the power-sharing system based on the 4.5 method was introduced in 2000 during the peace and reconciliation conferences in Arta of Djibout, clan influence has become more prominent for participating in governance and political activities. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, Rooble ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka caalami ah. Shirka uu Ra’iisul Wasaare uga qeyb gelayo London waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa ‘tayada waxbarashada carruurta’ sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu kulamo la qaadan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale. The post Ra’iisul Wasaare oo u baxay SAFAR dalka dibaddiisa ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army (SNA) has said that they have captured the Al-Shabaab's chief of operations leader in the Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online