-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle. Wasiir Koore ayaa waxa uu ku eedeyay Mahdi Guuleed iyo Beyle inay ka dambeeyan abaabul ka dhan ah Somaliland oo laga bilaabay deeganadooda, kuwaasi oo inta badan lagu ilduufayo dhalinyarada, sida uu sheegay. “Koley in aad warqad soo qorataan (Cafis dalbataan) ayaa ku dambeyn doontan, cadaawada aad Jamhuuriyada Somaliland ka galeysaan waa mid idiin qornaan doonto oo bulshadu idiin xasuusnan doontan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in cadaawada mas’uuliyiintaas gashadeen Somaliland, aysan marnaba ilaawin doonin, taasi oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono. “Waan wada ognahay in waxa Xamar kasoo dhacdaan ama kasoo shaqeysaan aad Hargeysa ku dhistaan, Guryaihiina iyo hantidiiduna waa tirsan tahay,” ayuu yiri Wasiir Koore oo hanjabaad adag hawada u mariyey Mahdi Guuleed iyo Beyle. Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ku dardaaray bulshada reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeestan waxkasta oo dhaawacaya jiritaanka Somaliland, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin difaaca iyo nabad-gelyada Somaliland. The post Daawo: Somaliland oo hanjabaad culus u dirtay laba ka mid xubnaha golaha wasiirada DF appeared first on Caasimada Online.
-
Kulanka maanta lagu balan san yahay inuu Muqdisho uga furmo Hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa looga xaajoonayaa Qodobo horay loogu heshiiyay laakiin hada muran cusub uu ka dhashay. Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa ogaadey in Qodobka Muranka xoogan uu ka taagan yahay uu yahay Goobaha Doorashadu ka dhacayso Dowlad Goboleedyada, Heshiiskii u dambeeyay ee bishii May ay wada gaareen Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo waliba Heshiiskii 17sebtembar waxaa la isla meel dhigay in Doorashooyinka ay ka dhacaan Caasimadaha Dowlad Goboleedyada iyo Magaalo kale Maamul walba, inkastoo Xiligaas Muran xoogan uu ka taagan Dhanka Jubbaland, Axmed Madoobe wuxuu ku dadaalay in Doorashooyinka ay ka dhacaan Caasimadaha oo qura Laakiin aakhisrkii wuu ka tanaasulay. Maxaa hada dib udoo celiyey Qodobkaan Wararka hoose oo aan helayno waxay sheegayaan in Xukuumada Federaalka khaasatan Xafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Horshabeele Cali Guudlaawe ay ka laabteen Heshiiskii Labada Magaalo kadib markii Maamulka Hirshabeele ay ka quusteen inay taagan Magaalada Baledweyne, waxayna Qorsheysteen in Doorashadu ay ka dhacdo oo qura Jowhar,Laakiin Arintaan Raysal wasaaruhu kuma taageersana waana tan Muranka dhalisay. Dhanka kalena waxaa dabkaan Baasiin kusii bilbilay Madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland kolkuu ka warhelay in loo ololaynayo in Doorashada Hirshabeele laga dhigo hal Magaalo wuxuu isna soo istaagay in Doorashada Jubbaland iyana laga dhigo hal magaalo, oo ah Kismaayo. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Raysal wasaare Rooble oo dhowr jeer Teleefoon ku wada hadlay waxay isla meel dhigeen in lagu dhaqmo Heshiisyadii horay loo wada gaaray, waxayna aakhirkii isla garteen in Shir la isugu yimaado Muqdisho, waana Shirka hada loo balan sanyahay. Laakiin waxaa Shirkaas durba isku dayay inuu fashilmo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo gadaal ka riixaya Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe. Baledweyne Reer Baladweyne marnaba kuma qanacsaneyn Madaxweyne Guudlaawe Doorashadiisii, tan iyo markii la doortayna Dagaal Siyaasadeed ayay kula jireen, waxaa hada soo ifbaxay in Beesha ugu Tunka weyn Gobolka Hiiraan oo ah Beesha Xawaadle ay qorsheysteen inaan cidna u yeerin cida ku matalaysa Baarlamaanka Federaalka, waxayna hor istaageen shaqsi walba oo looga shakisan yahay inuu gacan saar laleeyahay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan balse gacan saar la leh Villa Soomaaliya ayaa hada unololaynaya in Doorashadii ka dhici lahayd Baledweyne losoo wareejiyo Jowhar. Kulanka Madaxda Dalku waxaa lagu wadaa inuu maanta furmo laakiin waxaa wali kulanka ka maqan Madaxweynaha Hirshabeele,Hadii uu sii maqnaadana waxaa Macquul ah in kulanku uu u dhaco beri oo isniin ah. Puntlandi.com Muqdisho The post Muxuu yahay Muranka cusub ee hor taagan Heshiiskii Doorashada appeared first on . Source
-
Garowe (PP News Desk) — Twenty one Al-shabaab ringleaders have today been executed by a firing squad after Puntland Martial Court upheld death sentences. The former Al-shabaab senior members were executed in Galka’yo, Garowe and Qardho. Mohamed Ali Awke (Jerry), senior Al-shabaab officer in charge of recruitment and overseeing a reign of terror in North Galkayo, was one of the convicts who had been executed today. His associate, Faysal Ahmed Bashir, who gave an in-depth interview on his recruitment into the terrorist organisation, was also executed in Galka’yo, the city the bore the brunt of terror activities by Al-shabaab cells. Puntland Martial Court has sentenced Al-shabaab ringleaders to death by a firing squad. Puntland Security forces managed to beef up counter-terrorism operations following a spate of targetted assassinations that forced many people to flee North Galkayo. Al-shabaab started its recruitment drive in North Galkayo in 2007. “It retired the first batch of assassins and assistant assassins to recruit younger and impressionable members” Faysal told an interviewer last month. Security analysts credit reforms by incumbent Puntland Government with effective counterterrorism strategy to respond to the threat of Al-Shabaab cells in major Puntland cities. Somali Memo, a pro-Al-Shabaab website, reported that Puntland had “executed civilian prisoners.” © Puntland Post, 2021 The post Puntland Executes 21 Al-Shabaab Ringleaders appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Kornayl Muumin Cabfi Shire oo ka hadlayay munaasabadii lagu toogtay Maleeshiyaadkii Argagixisada ayaa dhambaal hanjabaad ah u diray kuwa wali ku howlan ama faraha kula jira falalka Argagixisada. Taliye Muumin euxuu yiri “ Kuwo badan oo Ganacsato leh, Wadaado leh, Dhacab ah ayaanu Cadaalada soo hortaajin doonaa” Hadalka Taliyaha ayaa u muuqda in Howlgalka ay wadaan Bileyska iyo Ciidamada uu wali socdo isla markaasna ay jiraan Dad kale oo falal Argagixiso loo hayo iyo kuwo lagu Raad joogo. Maanta oo Axada ayaa Gaalkacyo lagu toogtay Maxaabiis kor u dhaafaysa labaatan kuwasoo lagu helay falal Argagixiso iyo Dilal qorshaysan oo ay geysteen ama wax ka maloogeen. Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Mudug Kornayl Muumin wuxuu balan qaaday in Cadaalada la horkeeni doono dambiilayaal badan Laakiin ma uusan carabaabin in Dambiilayaashaa gacanta lagu hayo hada iyo in kale. Puntlandi.com Gaalkacyo The post Taliye Muumin “Fari kama qodna Gaalkacyo, Kuwo badan Ayaan Cadaalada soo hortaagaynaa” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaaliya. In kasta oo bil tagtay hadana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanayaan ra’isul wasaaraha iyo madaxda Dowlad goboleedyada, tiiyo xataa la sheegayo inuu qaadhacay Guud-laawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle. “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir Maanta uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn Jadwalka Doorashada 2021 Ansixinta qorshaha amniga doorashada Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho. Intaas kadib, waxaa lagu wadaa in la guda galo doorashada aqalka sare oo ka dhaceysa xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada, waxaa kale oo la bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada golaha shacabaka oo gaaraya 275. The post 30 maalin kadib maxaa ka hirgalay heshiiskii 27-ka May ee doorashada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Deegaanka Wisil ee Koonfirta Gobolka Mudug oo Xalay saq Xalay ay Al-shabaab soo galeen ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay Xasuuq loo geystay Dhacabka, inkastoo Galmudug aysan dhaacin dhibka soo gaaray Dadka Rayidka ah. Wariyaha Puntlandi ee Gobolka ayaa ogaadey, Sida ay Dadka Deegaanku la wadaageen in Shacab badan ay ku nafwaayeen Wisil gudeheeda. Shacabka Deegaanku waxay sheegayaan in Al-shabaab ay laayeen Dad rayid ah halka Dagaalkii looga saaray Maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhaæiyeen Khasaare labaad oo Shacabka gaaray, Rasaastii ay isweydaarsanyeen Ciidamada iyo Maleeshoyaadka Argagixisada ayaa khasaare xoogan u geystay Dadka Rayidka ah. Sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Ciidamada Dowlada Puntland ayaa ka qayb qaatay Dagaalka Al-dhabaab looga saarey Wisil. ugu yaraan 20 rayid ah ayaa ku nafwaayay Nawaaxiga Wisil tan iyo Xalay. Puntlanfi.com Gaalkacyo The post Al-dhabaab oo Shacab ku xasuuqay Wisil appeared first on . Source
-
GALKAYO (HOL) - Twenty one Al-Shabaab members whose death sentence was affirmed by a superior military court two weeks ago in Puntland today faced the firing squad in an unprecented move in recent years. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug, Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ku billowday qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay deegaanka Wisil, kadib weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab. Mire ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 4:30, isla-markaana ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay ka hortegeen dagaalkaasi. Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh ay gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday. “Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay Salaad Subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse khasaaraha iyagu uu soo gaaray,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya “Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhammaan deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug, maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hadda awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay weerarada gaadmada ah,” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug. The post GALMUDUG oo war kasoo saartay dagaalkii WISIL appeared first on Caasimada Online.
-
The relations between the State of Qatar and the Federal Republic of Somalia have evolved stronger year after year enjoying full support of the leaders and their keenness to strengthening of bilateral co-operation in the trade, investment, culture, diplomatic cooperation and other fields. Source: Hiiraan Online
-
Ahmed Shide, Minister of Finance of Ethiopia is attending a meeting with Finance Ministers of Djibouti, Kenya, Somalia, and Sudan to discuss the progress of the Horn of Africa Initiative (HoAI) in areas such as trade and energy as well as to develop a regional digital eco-system. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaaliya. In kasta oo bil tagtay hadana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanayaan ra’isul wasaaraha iyo madaxda Dowlad goboleedyada, tiiyo xataa la sheegayo inuu qaadhacay Guud-laawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle. “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin 1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn 2. Jadwalka Doorashada 2021 4. Ansixinta qorshaha amniga doorashada 5. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah 6. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho. Intaas kadib, waxaa lagu wadaa in la guda galo doorashada aqalka sare oo ka dhaceysa xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada, waxaa kale oo la bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada golaha shacabaka oo gaaraya 275. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Caafimaadka dowlada Ingriiska Matt Hancock ayaa iska casilay xilka wasiirnimada dalkaas kadib markii uu dhaleeceyn xooggan kala kulmay mucaaradka daalkaas, xilli la arkay isaga oo dhunkanaya gabar gacan yarihiisa aheyd. Mr Matt Hancock ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in uu jabiyay sharciga dalkaas ee ka hortagga xanuunka corona virus . Wasiirka ayaa warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson kadib markii cadaadis xooggan uu la kulmay . Horay sanadkii 2004-tii wasiirkii arrimaha gudaha Ingiriiska David Blunkett ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu dedejiyay iqaamad loo cusboosiinayey adeegto reer Filibiin ah oo shaqaale u ahayd haweenay ay David saaxiib ahaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977. Xuska munaasibadda 44-sano guuradii ka soo wareegatay markii xurnimada Jabuuti ay ka qaadatay gumeystaha Faransiiska. Hoos Ka Akhriso Taariikhda Jabuuti Oo Kooban Dalka Djibouti, waxaa uu qeyb ka ahaa Soomaaliya, illaa gumeystaha uu u kala qeybiyay dhulka Soomaaliyeed, Djibouti waxaa uu qeyb ahaan u soo aaday gumeystaha Faransiiska. Dhulka Soomaaliyeed, taariikh ahaan, waxaa la qeybiyay 1884-tii gaar ahaan shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas ka soo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta Soomaaliya ee Talyaaniga gumeystay, Somaliland oo gumeystaha Ingiriiska reebtay, Djibouti oo ku jirtay cadawda Faransiiska, Nfd oo ku jirta gumeystaha dalka Kenya, Soomaali galbeed oo iyana weli ku jirta gacanta gumeystaha Itoobiya. Dalka Djibouti waxaa uu xuriyad ka qaatay Faransiiska June 27, 1977, Madaxweynihii ugu horeeyay Djibouti waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, Caasimadda Waa Djibouti, Waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Magaalada Djibouti marka laga soo tago, Waxaa jira magaalooyin kale oo caan ah sida Arta, Taourah, Cali Sabeih, Obok, Dakhil, lacagta laga isticmaalo Franc. Dalkaasi xuriyaddiisa waxaa u soo halgamay dad badan, Laakin waxaan ka xusi karnaa Maxamuud Xarbi, Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jabuuti), dalkan Masar ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalkan Masar ayaa lagu hardhay, ururkii PMP ayuu ku dhisay, isaga oo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti, ugu dambeentii cadawga Faransiiska ayaa diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday. Djibouti, Maanta waa dal, Laakin waxaa ummadda Soomaaliyeed u qabteen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib shirar badan oo dib u heshiisiin ah, dalka Djabuti waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin, waxaa lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed, maanta waxaa ay ciidamadooda nabad ilaalin u joogaan gudha Soomaalida, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan xiligan la joogo Hiilwalaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Getachew K Reda oo kamid ahaa lataliyayaasha sarsare ee Madaxweynihii Tigreyga ayaa lagusoo waramayaa in la qabtay shalay oo sabti ahayd. Hadal lagasoo xigtay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegey in la qabtay Getachew K Reda oo mudo lagu taad joogay. Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa Mudadii u dambaysay waxay ugaarsanay een Siyaasiyiinta Tigreyga. Puntlandi.com Muqdisho The post Itoobiya oo sheegtay inay qabteen mid kamida Hogaamiyayaasha Tigrey appeared first on . Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool gudaha Nairobi. Hay’adda dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay gsaaka acanta kusoo dhigeen haweeney iyo nin Kenyaan ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kuna mid ah Soomaalida xaafadda Islii DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga iyaga oo ku sugan hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku dhuumaaleysanayeen. Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono. Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha. Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyey afduubka iyo tacadiyada ay la kulmayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nooql dalkaasi oo sare u kacay. The post Kenya oo dad horleh usoo qabatay afduubkii Xafsa Maxamed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Raysal wasaare Rooble, Shirka oo looga arinsanayo Qodobo kamida Heshiiskii Horay loo wada gaaray ee Doorashada. Madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe ayaa ka carooday ka qaybgalka Shirka wuxuuna sheegey in aan isaga lagu wargalin qabsoomida Shirka. Qodobka xasaasiga ah ee sababay in kulankaan la isugu yimaado ayaa ah qodob kamida Heshiiskii 17 Sebtembar, waana Qodobka Doorasha Deegaanka. Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa gadaal ka riixaya in Doorashada Hirshabele ay ka dhacdo hal goob oo ah Jowhar. Madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna sheegey in Hadii Hirshabelle ay Doorashadu ka dhacayso hal meel in Isagana loo ogolaado in Doorashadu ay ka dhacdo Kismaayo oo qura . Muranka Qodobkaan ayaa cirka isku shareeray tasoo keentay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu Dalbado in shir degdeg ah la isugu yimaado si looga arinsado Qodobkaan . Maantanoo Axada ayaa la filayay in kulanku furmo waxaase dhici karta in uu dib u dhaco maadaama Madaxda Dowlad Goboleedyada ay qaar wali maqan yihiin. Puntlandi.com Muqdisho The post Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on . Source