Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa magacii laga baddelay waxaana loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Caruurta. Magac baddelida wasaaraddda ayaa ka mid ahaa qodobo ka soo baxay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Garowe. Shirka waxaa maalmihii uu socday ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goleyaasha dowladda, mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, lataliyeyaal iyo khuburo waxbarasho, qurbojoogta, ganacsatada, waalidiin, ardey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Den oo soo xiray shirka horumarinta waxbarashada Puntland ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Puntland ka go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso waxbarashada oo ah adeegyada dowliga. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo magacii laga baddelay appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, isagoona ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada 2021-ka. “Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa in dalka ka billaabatay doorashadii 2021-ka. Waxaa u hambalyeynayaa oo bogaadinayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo runtii ku dhiiraday oo billaabay doorashadii muddada dheer soo jiitameysay, waxaa leeyahay madaxweyne hambalyo waxaa billowday wixii aheyd in la billaabo, dhowr maalmood dib u dhac ha ku jiro laakiin waa billowday,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Senator-dii maanta kusoo baxay doorashadaas, isagoona qabsoomida doorashada ku bogaadiyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo xildhibaanada maamulkaas. “Waxaa u hambalyeynayaa Senator-da Afarta ah ee maanta la doortay, waxaa leeyahay dhamaantiin hambalyo waxaa tihiin Senator Soomaaliyeed, xilka iyo mas’uuliyada la idiin doortayna Ilaahay ha idiin fududeydiyo. Waxaa rajeynayaa in afarta sano ee soo socoto aad u gaari doontaan go’aamo dhaxal-gal ah.” Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saaran dar-dar gelinta howlaha horyaala. “Dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada waxa uu mugdi gelinayaa sharciyadda hay’adaheena dastuuriga.” Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Sheekh The post Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashadii Kismaayo, soona saaray baaq deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Somalia’s Jubbaland state has announced its first four senators to join the 11th Parliament of Somalia, as the country kicked off elections for representatives in the Upper House. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa guddi heer Wasiir ah u saaray xallinta colaada deegaannada Saax-maygaag iyo Sanjabshe. Guddiga heer Wasiir ee Madaxweyne Ku-xigeenku magacaabay ayaa isla maanta go’aamo soo saaray, kuwaas oo kala ah. 1. In beelaha haalkaas ku dagaalmaay la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer. 2. Iyo in ciidamada Puntland la wareegaan goobihii lagu dagaalamay. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Axmed Kulan ayaa ka warbixiyay go’aamada ka soo baxay dowladda ee la xiriira colaada beelaha walaalaha ah ku dhexmartay deegaannada Saax-maygaag iyo Sanjabshe. Hoos daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aamo ka soo saartay colaada Saax-maygaag iyo Sanjabshe appeared first on Puntland Post.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Senator-da ka imaanaya Jubbaland ee Aqalka Sare, oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dalka u jiheystay doorasho. Axmed Madoobe ayaa doorashada Afarta Senator ee ka dhacday Kismaayo ku tilmaamay “Guul weyn oo taariikhi ah”, kadib muddo badan oo khilaaf ka taagna doorashooyinka dalka. “Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saabsanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Afarta Senator ee kusoo baxay doorashadii maanta, isagoona uga mahad-celiyay dhamaan guddiyada doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaalinta ay ku lahaayeen qabsoomida doorashooyinka dalka. “Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.” “Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland in doorashada maanta ka dhacday Kismaayo ay ka dhigan tahay mid xaqiijinaysa in dalka uu doorasho aaday, kadib heshiiskii ay madaxdu ku gaareen Muqdisho. “Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.” The post Axmed Madoobe oo war kasoo saaray doorashadii Kismaayo iyo waxa ay ka dhigan tahay appeared first on Caasimada Online.
  6. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada London ee caasimada Britain ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Intii uu socday kulanka waxa uu Ra’iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageeradeeda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena Soomaaliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan. Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas’uuliyiin kale. The post Sawirro: Muxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay xoghayaha arrimaha dibedda Britain? appeared first on Caasimada Online.
  7. Xildhibaan Cabdikariin Aadan Dheeg oo ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Togdheer, islamarkaana ahaa Xildhibaankii ugu codadka badnaa Gobolkaasi ayaa inyar kadib natiijadii doorashada waxa uu u dhoofay Dalka dibadiisa, taasi oo aanu illaa hadda kasoo laaban. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa ka walaacsan maqnaanshiyaha Xildhibaan Cabdikariin Dheeg oo ku soo beegmay wakhtigan adag ee lagu jiro madax tirsiga islamarkaana aan laga maarmi karin codkiisa, waxaana la sheegay in telefano badan oo ay kadaba direen inaanay illaa hadda u suurtagalin inay ka helaan jawaab ay ku seexdaan ama ay ku naaloodaan codkiisa inuu soo laabto ama uu kusoo gaadho fadhiga ugu horeeya ee Golaha wakiilada kaasi oo lagu dooranayo Shirgudoonka cusub ee Golahani yeelanayo. Xildhibaan Cabdikariin Aadan Dheeg ayaa la sheegay inuu inyar kadib markii lagu dhawaaqay Natiijadii doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada uu u dhoofay dalka ingiriiska gaar ahaan Caasimadda London, halkaasi oo uu markii hore deganaa, muddo dheerna uu ka shaqaynayay. Wararka safarkiisa ku saabsan oo Wargeyska Foore isku dayay inuu wax ka ogaado ayaa waxaa la noo sheegay inuu safarkiisu la xidhiidho sidii uu fasax ama shaqo ka tegis u soo qaadan lahaa Bankgi dalkaasi ku yaala oo uu muddo labaatan sanno ku dhaw uu ka shaqaynayay. Warar kale ayaa sheegaya inuu markii hore doonayay inuu muddo gaaban kaga soo laabto safarkan balse Xildhibaanka ay ku timid isbadel siyaasadeed oo la xidhiidha loolanka ka dhex aloosan Isbahaysiga Mucaaridka iyo Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha tartanka loogu jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub islamarkaana uu daahista badan ee uu u qaadan laayahay Kulmiye ay tahay mid siyaasadaysan oo aan cudur daar kale lahayn. Warar kale oo aanu ka helnay saraakiil Kulmiye ka tirsana ayaa noo sheegay in Xildhibaan Cabdikariin safar ugu soo jeedo dhinacan Hargeysa islamarkaana la sugayo oo uu kasoo gaadhayo Kal-fadhiga ugu horeeyo ee Golihiisu yeelanayo. Majiro war rasmi ah oo aanu ka helnay dhinaca Xildhibaan Cabdikariin oo ku saabsan arinta safarkiisa dibada iyo ujeedada rasmiga ama cudur daarka uu qabo. Wargeyska Source
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka. Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Caasimada Online, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe. Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo. Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare. Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada. Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod. Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas. Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan. Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah. Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare. Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha. The post Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ka dhacay appeared first on Caasimada Online.
  9. Maanta oo khamiis ah, 29-ka July 2021-ka, waxaa Kismaayo lagu doortay afar Senator oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka, waxaa muuqato in Farmaajo iyo Nabad iyo Nolol lagu jabiyey Jubbaland. Sidee Wax u Dhaceen? 1. Kursiga 1-aad, Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu helay 55 halka ninka la tartamay uu helay 17 cod. Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol. Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa midig. Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho. Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe. 2. Kursiga 2-aad, waxaa kusoo baxay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kadib markii uu tanaasulay Axmed Maxamed Jamaamac. Waa markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo. Senator Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubbaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay , kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo, waxaa xubin UDP ah ee xisbiga Madaxweyne Xasnan Sheekh. 3. Kursiga 3-aad, Cabdirisaq Maxamed Cusmaan ayaa ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, waxaa uu helay 59 haka ah Xaliimo heshay 11 cod. Waxaa uu ku dhashay degmada Luuq ee Gedo halkaas oo waxbarashadiisa inta hoose kusoo dhigtay, waxaa uu sidoo kale wax ku bartay dhaqaalaha Gaheyr ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kasoo shaqeeyey oo agaasime waaxeed ka noqday wasaaradda maaliyadda qeybta canshuuraha dadban. 14 sano waxaa uu deganaa Holland isaga oo halkaas ku bartay Compurter isaga oo 2003-dii wixii ka dambeeyey kusoo noqday Afrika, noqday ganacsade. Waxaa uu ka mid ahaa dadkii IGAD u xilsaartay dhismaha Jubbaland iyo aasaaseyaasha Jaamacadda Kismaayo. 4. Kursiga 4-aad, Iftin Baasto ayaa ka guuleystay Ibraahim Yacquub Aadan kadib markii ninka dambe uu tanaasulay. Iftin Baasto, waxaa uu ku dhashay, oo ilaa heer dusgi sare ku qaaday degmada Kismaayo ee Jubbanad hoose, waxaa uu jaamacadda ku qaatay dalka Kenya isaga oo halkaas ka ahaa ganacsade. 2006-kii wixii ka dambeeyey waxaa uu ahaa siyaasi, isaga oo guddoomiye ku xigeen ka noqday guddiga dib u heshiisiinta Jubbaland, waxaa uu sidoo kale horay uga tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah ka noqday Senator. Senatorka ayaa sidoo kale xulafo la ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee UDP. W/ D: Cabdicaziz Gurbiye Source: goobjoog.com
  10. Waxaa goordhaw la soo gaba gabeyay doorsahada kursigii afaraad ee aqalka sare oo ay kuwada tartameen Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan. Kursiga ayaa waxaa ku guuleystay Iftin Xasan Iimaan kadib markii uu uga tanaasulay musharixii la tartamayay. Waa Kuma Senatorka la doorta ee Iftin Xasan Iimaan Waxaa uu ku dhashay, oo ilaa heer dusgi sare ku qaaday degmada Kismaayo ee Jubbanad hoose, waxaa uu jaamacadda ku qaatay dalka Kenya isaga oo halkaas ka ahaa ganacsade. 2006-kii wixii ka dambeeyey waxaa uu ahaa siyaasi, isaga oo guddoomiye ku xigeen ka noqday guddiga dib u heshiisiinta Jubbaland, waxaa uu sidoo kale horay uga tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah ka noqday Senator. Senatorka ayaa sidoo kale xulafo la ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud ee UPD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ugaaska guud ee Beesha Geri-koombe, Ugaas Cabdisalaan Jaamac Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Beeshiisu gogol u dhiganayso madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan. Ugaaska ayaa sheegay in labada mas’uul ee Deni iyo Axmed Madoobe, ay Beesha Geri-koombe ku haystaan halkii kursi ee ay ku lahayd Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Hoos ka daawo muuqaalka Ugaaska PUNTLAND POST The post Geri-koombe: Halkii kursi aan ku lahayn Aqalka sare Deni iyo Axmed Madoobe baa boobay appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii afaraad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Iftin Xasan Iimaan 2: Ibraahim Yacquub Aadan. Musharax Ibraahim Yacquub Aadan ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Iftin Xasan Iimaan uu ku guuleystay Kursiga afaraad ee maanta loo tartamay. Source: goobjoog.com
  13. Waxaa goordhaw la soo gaba gabeyay doorsahada kursigii seddaxaad ee aqalka sare oo ay kuwada tartameen Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan. Kursiga ayaa waxaa codad dhan ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, halka musharaxa la tartamayay ee Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay . Waa Kuma Senatorka la doorta ee Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan Waxaa uu ku dhashay degmada Luuq ee Gedo halkaas oo waxbarashadiisa inta hoose kusoo dhigtay, waxaa uu sidoo kale wax ku bartay dhaqaalaha Gaheyr ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kasoo shaqeeyey oo agaasime waaxeed ka noqday wasaaradda maaliyadda qeybta canshuuraha dadban. 14 sano waxaa uu deganaa Holland isaga oo halkaas ku bartay Compurter isaga oo 2003-dii wixii ka dambeeyey kusoo noqday Afrika, noqday ganacsade. Waxaa uu ka mid ahaa dadkii IGAD u xilsaartay dhismaha Jubbaland iyo aasaaseyaasha Jaamacadda Kismaayo. Mar uu la hadlay maanta baarlamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu u shaqeeyo dadka iyo dalkii uu si lacag la’aan ah wax ugu bartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii seddaxaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Xaliimo Jaamac Maxamed. 2: Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan. Musharax Cabdirisaax Maxamed Cusmaan ayaa ku guleystay kursiga kadib markii uu helay codad gaaraya 59 , halka Musharax Xaliimo ay heshay 11 Cod. Natiijada Labada Musharax ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, waxa uuna noqonaya musharixii seddaxaad ee la doorta kadib Fartaag iyo Gaboose. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol. Haddaba, waa kuma Goboose? Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig. Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho. Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe. Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga. Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo. Waa kuma Fartaag? Senator Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo. Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.” Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye The post Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay is-beddal-doonka? appeared first on Caasimada Online.
  16. Is Badalka ka socda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland ayaa keentay in dhalinyarada ay qaataan doorkooda horomarinta ee dhinacyada isdhaxgalka bulshada iyo kor u qaadida ciyaaraha, waxaan doorasho ka dhacday Magaalada Garbaaharey Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo loogu doortay mudane Maxamed Cabdi Nuur oo haray xilkan u hayay, waxaana guusha Gudoomiye Maxamed soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dhalinyarada Maamulka Jubaland. “Hal sano iyo bar oo aan horay u hogaaminayay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo waxaan la kulanay caqabado waaweyn oo ay ka midyihiin taageero dhaqaalo,mid qalab iyo mid horomarineyd oo aan ka waynay Xiriirka Kubbadda Cagta Maamulka Jubaland iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ,balse kama quusanayno in aan horomarino kubbadda cagta Gobolka” ayuu Gudoomiye Maxamed Cabdi Nuur u sheegay saxaafadda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goorsii horaysay gaaray magaalada Gabahaaray ee Gobolka Gedo ayaa dhalinyarada iyo bahada ciyaaraha u dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobolka Gedo ,waxaana talabaadan Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ay u arkaan guul weyn oo u soo hooyatay. Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ayaa ku guulaystay in ciyaar saaxiibtinimo u qabto Degmooyinka Garbaaharey iyo Baardheere waxaan ciyaartaas ka qeybgalay madax ka socotay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Maamul Goboleedyada,waxaana madaxdii ka qeybgashay ay sheegeen in ay muhiim tahay in la taageero shaqooyinka culus ay hayaan dhalinyarada maamulaysa Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo. “Kubbadda Cagta waa is dhaxgalka bulsho iyo nabad,maamulkayga wuxuu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta Gobolka Gedo,waxaana taageero ka rabnaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland,bulshada iyo qubajoogta ka soo jeedo Gobolka Gedo” ayuu Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo mudane Maxamed Cabdi Nuur u sheegay warbaahinta. Daawo Warbixin Ku Saabsan X.K.Cagta Gedo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com