-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliska S/land oo Qabtay Maandooriye Lagu soo dhex Qariyey Khudaar Saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed Dhagax ayaa gacanta kusoo dhigay tiro maandooriyaha xishiishadda ah oo la soo gelinayay dalka. Taliyaha saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed dhagax iyo saraakiil kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ay ku soo dhigeen 35 xabbo oo ah maandooriyaha xashiishadda loo yaqaan kaasi oo lasoo geliyey magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanaa ay tilmaameen in falkaasi ay u soo xidheen lix eedaysane isla markaana ay ku dabo jiraan eedaysnayaal kale oo baxsad ah. Saraakiisha ciidanka boolisku waxay intaas ku dareen in eedasanayaasha la hayaa ay isugu jiraan kuwii dibadda ka keenay maandooriyaha iyo kuwii sii iibinayay. Saraakiisha ciidanka Booliska Somaliland waxay sheegeen in maandooriyahan xashiishadda lagu soo dhex qariyay markii dalka la keenayay khudaarta baradhada iyo basasha halka qaar kalena lagusoo qariyay maryaha ganacsiga. Waxaana ay tilmaameen inay maandooriyahan ay ku dabo jireen muddo laba cisho ah, ugu dambaynna ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan maandooriyahaasi xashiishadda iyo ciddii ku lug lahayd. Gebo gebadii waxay sheegeen inay ku dabo jiraan eedaysanayaasha baxsadka ah ee iyaguna ku lug lahaa falkan, iyagoo sheegay in sharciga horgeyn doonaan cidkasta oo ku lug lahayd falkan maandooriyaha lagu soo gelinayo Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo jadwalka hannaanka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Jadwalkaan waxaa xalay soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT. “Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraalkan uu soo saaray. Ra’iisul Wasaaraha oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada dalka. Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn.” Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka oo Muqdisho ay ku gaareen isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada ee haatan socota. The post Rooble oo war ka soo saaray jadwalka cusub ee uu soo saaray guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Buuhoodle waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka gabayada ah oo muddo labo maalmood ah halkaas ka socday. Tartanka oo ay soo qaban-qaabiyeen dhaliyaro lagu magacaabo Qaryadaada Quruxso waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo qaarkood ay ka yimaadeen degaannada kale ee Soomaalida, waxayna u jeedada loo qabtay ahayd in la soo bandhigo jiil cusub oo noqda abwaano. Goobta tartanka lagu qabtay waxaa lagu soo bandhigay sawirada qaar kamid ah dadkii ugu magaca dheeraaa suugaanta Soomaalida ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle. Ilaa 30 qof ayaa tartamay, waxaana kala saarayay oo garsoorayaal ka ahaa tartanka abwaano Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Jaamac Kadiye, Yuusuf Suusle iyo Cali Food Xasan. Tartanka waxaa kaalinta kowaad ka galay Cabdullaahi Faarax Odawaa, halka kaalinta labaad uu galay Khadar Maxamed Cismaan, kaalinta saddexaadna waxaa galay Cabdirashiid Axmed Yuusuf, guuleystayaasha oo loo aqoonsaday abwaano ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino lacageed. Tartanka gabayada Buuhoodle oo markii ugu horreysay la qabtay ayaa la sheegay in uu noqon doono mid sanad walba la qabto. PUNTLAND POST The post Tartan gabayada ah oo lagu soo gabagabeeyay Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-Somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Business man. 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Ganacsade 9.Mohamed Musa Mohamed – Islamic Relief 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Wuxuu ahaa Businessman 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahim. Wuxuu ahaa civil Servant 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qarannews Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la la’yahay, ayaa codsi u diray bulshada iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in si wadajir ah looga qeyb qaato baadi goobka Ikraan oo nolol iyo geeri lagu la’yahay. Xildhibaan Jeesow oo tilmaamay inuu yahay mudanaha baarlamaanka ku metela Ikraan Tahliil ayaa sheegay in looga wacay xarunta taliska hey’adda NISA, islamarkaana la tusay muuqaal muujinaya gaarigii ay raacday Ikraan, markii cid ugu war dambeysay. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in la aqoonsaday gaariga ay raacday Gabadha maqan, kaas oo laga lahaa taliska NISA, islamarkaana ay socdaan baaritaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa halka lala aaday gabadha. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in la joojiyo wararka aan xaqiiqada aheyn ee baraha bulshada lagu faafinayo, islamarkaana cidii xog ka heysa gabadhaas ay asaga si gaar ah ula soo wadaagto. Xildhibaanka ayaa soo bandhigay lambarka taleefankiisa ee lagala soo xariiri karo, waxuuna bulshada ka codsaday inay la soo xariirto cidii war ka heysa Ikraan nolol iyo geeri. “Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan cidii wax macluumaad ah ka heysa meesha ay ku sugan tahay gabadhaas, in anigoo ah Adeerkeed, Xildhibaankeeda, ay ila soo xariirto, arrintaan waa na xanuujineysaa naga daaya wararka aan saxda aheyn, gaar iila soo xariira xataa hadii wax la qarinaayo ay jiraan ila soo wadaaga aniga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow. Hoos ka Daawo The post Daawo: Jeesow oo shaaciyey inuu tegay xarunta NISA iyo wixii uu kasoo ogaaday arrinta Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. “Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada. “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay jadwalka doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GDHF) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Baarlamaanka labada laqal ee dowladda federaalka Soomaaliya. Doorashada xubnaha Aqalka Sare 17 ilaa 23 July 2021 ayaa lagu soo gudbin doonaa liiska musharaxaiinta Aqalka Sare. 17 ilaa 23 July 2021 waxaa lagu soo gudbin doonaa cabashada Aqalka Sare. 24 July waxaa la shaacin doonaa liiska kama danbaysta ah ee xubnaha Aqalka Sare. 25 ilaa 28 July 2021 waxaa la qaban doonaa doorashada Aqalka Sare, waxaana u codeyn doona xildhibaanada Golaha Wakiiladda dowlad goboleedyada. 25 ilaa 31 July waxaa la xallin doonaa wixii cabashooyin ah ee la xiriira doorashada Aqalka Sare. 1 August 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada rasmiga ah ee Aqalka Sare. Doorashada Golaha Shacabka 2 ilaa 11 August 2021 waxaa la xuli doonaa guddiyada soo xulaya ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose). 2 ilaa 14 August 2021 waa waqtiga cabashada guddiyada soo xulaya ergooyinka. 4 ilaa 15 August 2021 waxaa lagu dhawaaqaya liiska ugu danbeeya ee guddiyada soo xulaya ergooyinka. 16-19 August 2021 waxaa tababar loo qaban doonaa guddiyada soo xulaya ergooyinka. 20 ilaa 25 August 2021 waxaa la soo gudbin doonaa liisaska ergada doorashada. 21 ilaa 28 August 2021 waxaa la gudbin doonaa cabashooyinka la xiriira ergooyinka. 22 Aug. ilaa 4 September 2021 waxaa la xallin doonaa cabashooyinka ergooyinka. 5-10 September 2021 waa xaqiijinta, diiwaangelinta iyo shaacinta liiska kama danbaysta ah ee ergooyinka. 1 ilaa 10 September 2021 waxaa la diyaarin doonaa goobaha codbixinta. 11 Sept. ilaa 1 October 2021 waxaa tababar la siin doonaa ergooyinka. Diiwaangelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka 1 September 2021 waxaa la shaacin doonaa waqtiga bilaabashada codsiyada musharaxiinta Golaha Shacabka. 2 ilaa 7 September 2021 waxaa la qaban doonaa araajida musharaxiinta Golaha Shacabka. 3 ilaa 12 September 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa musharaxiinta Golaha Shacabka. 5 ilaa 19 September 2021 waa waqtiga cabashada musharaxiinta. Codbixinta iyo soo saarista natiijada doorashada 12 Sept. ilaa 2 October 2021 waxaa la qaban doonaa codbixinta doorashada Golaha Shacabka. 12 Sept. ilaa 2 October 2021 waa hubinta iyo soo saarista natiijooyinka doorashada kama danbaysta. 13 Sept. ilaa 4 October 2021 waxaa la xalin doonaa khilaafaadka. 20 Sept. ilaa 5 October 2021 waxaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada kama danbaysta ah iyo shahaado siinta xildhibaannada la doortay. 7 October 2021 ayaa ugu danbayna la dhaarin doonaa Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sida lagu sheegay qoraalka guddiga in lagu saleeyey heshiisyadii laga gaaray qabsoomida doorashada. “Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. 17-ka ilaa 23-ka bishaan ayaa loo asteeyey in lagu soo gudbiyo liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga sugayo madaxda maamul goboleedyada dalka. 25-ka ilaa 28-ka bishaan July ayaa loo asteeyey in la qabto doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoo natiijada doorashadaas lagu dhawaaqi doono 1-da Agoosto 2021. 2-da illaa 11-ka bisha soo socota ee Agoosto waxaa la soo xuli doonaa guddiga soo xulaya ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka. Iyadoo 15-ka bishaas kagu dhawaaqi doono xubnaha guddigaas. 20-ka ilaa 25-ka Agoosto ayaa loo asteeyey in lasoo gudbiyo liisaska ergada doorashooyinka, iyadoo 10-ka September la shaaci doono liiska kama dambeysta ah ee Ergada. Waxaana 11-ka September illaa 10 October lasii doono tababar la xariira qaabka doorashada loo qabto. 7-da bisha September ayaa loo asteeyey in la qabto araajida musharaxiinta golaha shacabka, waxaana 12-ka September lagu dhawaaqi doonaa magacyada musharaxiinta golaha shacabka. 20-ka bisha September ilaa 5-ta bisha October waxaa dhici doonta ku dhawaaqidda natiijada kama dambeysta ah iyo shahaado siinta Xildhibaanada la doortay. Iyadoo ugu dambeyn 7-da October la dhaari doono. Hoos ka akhriso shaxda jadwalka doorashada The post Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimad Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka bedel cusub ku sameeysay shuruucdii adkeyd ee xirista dukaamada iyo goobaha ganacsiga xiliga Salaadda, oo aheyd shan jeer maalintii. Sida uu baahiyey wargeys caan ah oo xiriir dhow la leh dowladda oo ay soo xigatay Reuters, Sacuudiga ayaa dabcinaya shuruucdaas, ayada oo xiligaas sii furnaan karaan ganacsiyada, islamarkaana laga dukaameysan karo. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqoneyso go’aamo hor leh oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku sameynayso wax loogu yeeray “casriyeynta Boqortooyada”, midaasi oo looga gol leeyahay in bulshada caalamka iyo shirkadaha indhahooda loogu soo jeediyo dalkaas. Go’aanka cusub oo lagu waramayo inay gaareen Golaha Rugta Sacuudiga, ayaa waxa uu soo afjari doona tobanaan sano oo ay ahayd “in dhammaan dukaamada la xiro ugu yaraan nus saac inta lagu jiro salaadda maalinlaha ah ee Muslimiinta”. “Si looga hortago ciriiriga, isu imaatinka, sugitaanka dheer ee talaabooyinka ka hortaga ah ee lagula dagaallamayo Coronavirus iyo in la ilaaliyo caafimaadka dadka wax iibsanaya, waxaan ka codsaneynaa milkiilayaasha dukaamada iyo ganacsiyada inay furnaadaan dhammaan saacadaha shaqada, oo ay ku jiraan waqtiyada salaadda.” Xafiiska warbaahinta ee dowlada Sacuudiga ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo dalab ay u dirtay Wakaalada Reuters, oo la xiriiray go’aanka cusub si looga helo faah-faahin dheeri ah. Si kastaba, Go’aamada taxanaha ah ee wax looga badalayo Boqortooyada Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, oo asagu ah hogaamiyaha dhabta ah ee xiligan xukuma dalkaas. Dhaxal-Sugaha ayaa kal hore ballan-qaaday wax uu ugu yeeray “Islaam dhex-dhexaad ah”, taasi oo bar bilow u noqotay in gebi ahaanba meesha laga saaro qawaaniintii adkeyd ee bulshada. Inta uu socday taxanaha wax-ka-badalka shuruucda Sacuudiga, ayaa waxa la ogolaaday xafladaha dadweynaha, ayada oo albaabada loo furay shineemooyinka, ogolaanshaha haweenka inay gawaairada wadaan iyo arrimo kale. The post Sacuudiga oo wax ka beddel lama filaan ah ku sameeyay shuruucdii xilliyada salaadda appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Adna Aadan Ismaciil, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland burburinayso. Dr Adna Aadan ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay malaayiin dollar ku kharash garaynayso burburinta Somaliland. “Markii awood doorasho ay ku samayso ay waday hadana waxay malaayiin dollar ay u qorshaysay burbur ka Somaliland” ayay tidhi. Adna ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqday in deeqaha caalamku siiyo ay doorashada ku maal galiso. “Calan yar oo inan yari qaatay Somaliland dumin kari maaye madficiiba dumin kari waaye, intaa aad meelaha kaso xadeen doorasho ku qabsada” ayay tidhi. Adna ayaa ku andacootay in ay fiicantahay in Soomaaliya dowlad fiican dhisato intii ay Somaliland ku mashquuli lahayd. “Lacagta idinku isku maamula oo maamulkiina hagaajiya oo baryadan caalamka ka baxa” ayay tidhi. “Wakaa dadkiinii bilaa dowlada ahe dowlad ku dhista” ayay hadalkeeda sii raacisay. Hadalka Dr Adna ayaa u dhigan in dowlada Soomaaliya ay maal galiso dhalinyarada reer Somaliland ee qaata calanka Soomaaliya. Source
-
“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya.” Madaxweynaha DDS ayaa sidan qorey: “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe. Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisalwasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caaddeynteeda la soo bandhigi doono. Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta. Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS. Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo. Mahadsanidiin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shil khasaare badan dhaliyay ayaa ka dhacay dulleedka Beri ee Magaalada Hargeysa Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi dad shacab ahi ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaadhay dadkii Rakaabka ahaa e Saarnaa labada gaadhi ee isku dhacay. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinten Seddex qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad laga dayrimayo, waxaana la sheegay in Gurmad loo sameeyay dadkaasi shilka qabsaday. Source
-
Nin Carruurta dhiiga ka Jaqa intaanu dilin oo la qabtay,lana xidhay Booliska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 20 sano jir lagu tuhunsanyahay inuu dilay ugu yaraan 10 carruur ah. Ninkan oo qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala. Wuxuu saraakiisha booliska u sheegay in meelo kala duwan uu geeyay meydadka dhibanayaashii uu dilay. Waaxda dambi baarista ayaa barta twitter-ka ku daabacday warbixin ku saabsan sheekada ninkan iyo sida uu u fulinayay dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta. Qoraalka booliska ayaa lagu yiri: “Dad-cunkn wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”. Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo. Booliska dembi-barista ah ee Kenya, ayaa sheegay in habka uu dilalka u sameyn jiray ninkan ay tahay mid naxdin leh. Wuxuu qirtay inuu “ceenjinayay carruurta isaga oo isticmaalaya sun kiimiko ah, ka hor inta uusan dilin,” sida ciidanka laga soo xigtay. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in “dhiiga uu ka dhuuqi jiray carruurta”. Masten Milimo Wanjala, the bloodthirsty vampire arrested earlier today is responsible for at least ten cold-blooded murders of innocent children, as our detectives have finally established. Wanjala single handedly pic.twitter.com/rYUlETa1cu — DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 14, 2021 “Ninkan xun ee sida qarsoon dilaaga u ahaa, wuxuu laba wiil ka afduubtay Kitengela iyo Mlolongo. Wuxuu u dhigay shirqool dil, wuuna ceejiyay, ka dibna wuxuu maydkooda ku tuuray bullaacad. Weli maydadkooda lama helin”, ayey qoreen booliska baaraya dembiga ninkan ku eedeysan yahay. Maydadka laba ka mid ah dhibanayaashii uu dilay ayaa laga helay deegaanka Kabete, oo ku taala agagaarka magaalada Nairobi. Waxaa sidoo kale isla deegaankaas shalay laga soo helay mayd kale oo la sheegay in uu ka mid ahaa carruurtii uu dilay ninkan la tuhunsan yahay. “Maydadka oo dhan way wada dhan yihiin; qaybna kama maqnayn balse maydadka wey qurmeen,” Ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Nairobi, Augustine Nthumbi. Waalidiinta wiilasha maydadkooda la helay waxay booliska u sheegeen in la waayey saacado ka dib markii ay ka soo laabteen iskuulka. Mid ka mid ah waalidiinta wiilasha maydkooda la helay oo lagu magacaabo Tony Opindo ayaa sheegay in wiilkiisa uu fasalka lixaad ee iskuulka hoose ee Sagaret dhiganayay, uuna ku ciyaarayay banaanka gurigooda markii la waayay abaare 7:30 fiidnimo. Booliska ayaa sheegay in ninkan uu falalka la xiriira dilalka in uu bilaabay asaga oo 16 sano jir ah. Xilligaas wuxuu dilka ku billaabay gabadh 12 sano jir ahayd oo ka soo dhuntay magaalada Machakos oo 54km u jirta Nairobi, caasimadda Kenya. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay weli wadaan su’aalaha ay weydiinayaan ninkan, si loo helo meelaha uu ku aasay maydadka carruurtii uu dilay. Baarayaasha kiiskan ayaa sheegay in ninkan uu u sheegay in carruurta uu u raaci jiray xarumaha ilmaha lagu ciyaarsiiyo. Masten Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay waddada Kitengela ee caasimadda Nairobi, ka dib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in isla wadadaas lagu waayay laba carruur ah. Kiisaska afduubyada la xiriira carruurta ayaa ku badanayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booliska ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan carruur badan, balse kuwa badan oo ka mid ah waxaa la helay maydadkooda. Booliska ayaa dhowaan sameeyay ciidamada gaar ah oo loo xil saaray ka hortaga kiisaska afduubyada ee ku soo badanaya Kenya, xilli ay waaxda dambi baarista sheegtay in arrintan ay khalkhal-gelinayso amniga guud ee dalka. “Dilaagan oo aan ka qoomameyneynin ficilladiisa wuxuu dembi-baareyaasha u sheegay in uu aad ugu farxi jiray dilka carruurta” Qaran News
-
Somaliland: Steward of Mother Nature Today, there are increasing warnings from scientists and other scholars specialized in environmental studies about the eminent danger of the global warming caused by multiple factors including deforestation, increasing sea levels caused by the melting ice and high concentration of carbon dioxide. As result, we are seeing extreme weather patterns ranging from excessive heat waves and extreme cold, frequent high-tide flooding and frequent, prolonged drought. The culprit of all forewarned global environmental crises is none other than man himself. A legend, visionary, scholar and the greatest poet alive, Mohamed Ibrahim Warsame, Hadrawi warned us about the dangerous consequences of our actions and the devastating destruction of our environment. In his poem “ Af-ku Siran” which he explains about faith, environment, coexisting with balanced ecosystem; it is about responsibility, accountability and being a good steward of the Mother Nature. He explains the difference between human being and animals on how they treat plants; animals graze and Browns so during the rainy season they could regenerate and blossom, while man the other hand, cuts, burns and uproots the entire forest without replacing and that results in desertification of a whole region. In his poem Hadrawi exactly cites the same concerns explained below by scientists and environmentalists. “In a society, there are many jobs that help keep things running smoothly. A doctor, mailman, garbage man, waitress, and farmer all play an important role in our society. Similar to a society, species in an ecosystem each have a role in keeping the ecosystem running smoothly. For example, predators keep the population of mice under control, insects pollinate flowers, and worms decompose leaf litter. All species are important and help keep the ecosystem balanced. Ecological balance is a term describing how ecosystems are organized in a state of stability where species coexist with other species and with their environment” (Nappi,(n.d.)). In one segment of the video he explains a comparison of one same region in two different eras. This place is still know by the name “Libaaxlay”, as the name indicates it was once a dense forest where lions roam. Now, in that same place he explains, let alone lions, even rabbits, could not hide now as result of deforestation and over-grazing. In this poem on how to nurture the environment, he said, “Samaheedu waa iib, ha amaahan teedo, oogadeeda Waxa yal ha ku urursan boobkee ogolansho waydi” which means roughly “ If you use it replace it” On natures beauty he said, “In ka gooso mooye ha ku agagas dheeran,ashkir weeye qurux badan inanimo carteediyo ugubkay ku tahay shay” When describing self-sufficiency and the problem of dependency he said, “Waxa tahay ugaaski hanashada aduunkiyo ifka loogo hiishe ha la baqin awoodaha lagu furo albaabada xujadoodu adagtay, axdi baa ku xidhaye magantaad ka odaytahay marti adigu ha u noqon” The current volunteerism started by the new mayor of Hargeisa Mr. Abdikarim Ahmed Mooge seems to be contagious as it is spreading around in multiple different cities of Somaliland. This is an excellent initiative, but it must be continued and sustainable in the long term as a new environmental and healthcare solutions.This new volunteerism must also expand into the rural areas and cities planting new flora or plants to reduce water run causing erosion and to enhance the beauty of the cities. Af-ku Siran is very deep and touch all aspects of life and nature. We are very lucky to have and we salute our legend, Mujaahid, hero, sholar, poet and visionary. May Allah bless him and give him good health. By Mohamed Adan Samatar Former State of Arizona Government Management, BSc, MS Agriculture. madan.samatar01@gmail.com Nappi, L. (n.d.). What is Ecological Balance? Study.com. https://study.com/academy/lesson/what-is-ecological-balance-definition-importance-quiz.html Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la’layahay, waxayna ballan-qaaday har iyo habeen ka shaqeyn doonto sidii loo soo heli lahaa, nolol ama geeri. Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii sheegtay in ay garab taagan yihiin hooyo Qaali Maxamuud Guhaad iyo qoyska Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugida ee NISA, ayadoona ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo heli lahaa nolol ama geeri mid un. Waxay nasiib xumo ku tilmaamtay in Ikraan markii u dambeysay laga qafaashay meel u dhow taliska Hay’adda Nabad-sugida, ayada oo lagu kaxeeyay si ka baxsan rabitaankeeda, ka gadaal markii ay raacday gaari la sheegay in hay’adda ay laheyd. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo arrintaas kaga hadashay qoraal dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa waxa uu u dhigna sidaan; Bismillaah. Ugu horreyn, waxaan xannuunka la qeybsanayaa waalidka, walaalaha iyo qoyska walaasheen Ikraan Tahliil Faarax. Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xannuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya. Weliba meel dhowr tallaabo uun u jirta taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo ahayd halkii laga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka muwaadiniinta. Waxaan garab taagganahay hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed iyo walaalaha kale oo nala wadaagay xogta maqnaanshaha Ikraan. Aad Ayaan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idinku dhacaan. Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraaya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhibaan Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka . Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarrimayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, sharafka iyo xorriyadda qofeed. Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaankeeda oo u dhiganta “afduub”. Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama geeri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu “afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo. The post Xildhibaan ka tirsan BF oo sameysay ballan-qaad la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Abiy Axmed ayaa leysinka shaqada kala laabtay warbaahinta madaxabannaan ee Addis Standard, taasi oo keentay iney shaqada joojiyaan. Qoraal kasoo baxay Jakenn Publishing P.L.C ayaa lagu sheegay in maanulka Addis Standard uu akhristayaasha ku wargelinayo iney shaqada joojinayaa laga bilaabyo 15-ka July. Waxaa qoraalka lagu xusay iney ka xun yihiin balse ay sidaa dhacday kadib markii Leysnidii ay kala noqotay dowladda Itoobiya. Ugu dambeyntii, waxaa ay balanqaaday iney dib u bilaabi doonaan hababka kasta oo ugu macquulsan, laakin ma sheegin waqtiga iyo goobta. Abiy Axmed oo noqday nin keligii taliyey dhiigyacab ah ayaa kusi dartii waxaa u dilay boqolaal Tigrey ah isaga oo burburiyey magaalooyinka. Inkasta oo beesha caalamka ay dhaleeceysay falalka waxashnimada ah ee Abiy Axmed laakin uma muuqdo nin istaagaya, isaga oo saacadihii tagay sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ayaa sheega inuu diyaar u yahay qabashada doorashada aqalka sare waqtigeeda oo ah 25-ka bishan. Qoraal kasoo baxay maamulkooda doorashada dadban ee SIET ayaa lagu carabaabay in doorashada ay ku qaban karaan waqtiga loogu talo-galay iyaga oo intaas raaciyey in dhowaan dhisayaan guddiga arrimahan ka shaqeyn lahaa. Source: goobjoog.com
-
Guddiga doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay doorashada ku qaban doonaan waqtigii loogu talagalay, iyagoo tixraacaya heshiisyadii doorashada ee 17 September 2020, 27 May iyo 29 June 2021. Guddiga oo maanta qabtay war-saxaafadeed ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka labada aqal ee heer Jubaland. Guddiga ayaa baarlmaanka Jubalanad ugu qaaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan u magacaabaan guddi kala shaqeeya doorashada Aqalka Sare oo muddaysan 25 bishan July. Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay musharaxiinta doonaya in ay tartamaan kuraasta Aqalka Sare in ay isu diyaariyaan doorashada. Guddiga waxaybka codsadeen dowladda Jubaland in ay u diyaar garowdo sugida amniga doorashooyinka. Ugu dambeyna guddiga ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay war-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubaland? appeared first on Puntland Post.