Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan oo qeyb ka ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka. “Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Dhawaan ayaa sidaan oo kale loo filayaa in Beesha Caalamka ay dhaqaale kale ugu yaboohdo doorashada Soomaaliya oo dhaqaaluhu ka mid yahay caqabadaha dib u dhigay. Beesha Caalamka ayaa horay u ballanqaaday in ay taageero dhaqaale siin doonto haddii ay noqoto mid daahfuran oo xor ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo $7.2 Milyan ku bixinaysa doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka oo qeybo kamid ah dalka ka qabsoomay. Kulanka Rooble uu la yeeshay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo uu Ra’iisul wasaaraha la yeelanayo Musharaxiinta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Rooble ayaa mas’uuliyiintaas kala hadlaya arrimaha doorashooyinka, asaga oo uga warbixin doona hanaanka doorashada, taasi oo dhabaha u xaareysa in doorashooyinka ku qabsoomaan jawi xasiloon. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo looga hadlay arrimaha taagan iyo xaaladda guud ee dalka, waxaana lagu soo hadal qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo. Si kastaba, kulamadaan ayaa waxay kusoo aadayaan xili uu ra’iisul wasaaraha wajahayo dagaal siyaasadeed oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia, kaasi oo uu hormuud yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. The post Sawirro: Rooble oo la kulamo siyaasadeed la billaabay xubno miisaan culus xilli uu wajahayo dagaal appeared first on Caasimada Online.
  3. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 Reported Cases in Ethiopia (08 August 2021) ADDIS ABABA, Ethiopia, August 9, 2021/ — Daily Laboratory Test: 5,791 Cases: 424 Severe Cases: 291 New Deaths: 5 Recovery: 305 Total Laboratory Test: 3,069,384 Active Cases: 15,046 Total Cases: 284,091 Total Deaths: 4,426 Total Recovery: 264,617 Total Vaccinated: 2,270,390 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. Access Multimedia Content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  4. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa kulan kula qaatay madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Rooble iyo madaxweynayaasha ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka. Kulanka ayaa sidoo kale madaxda ay kaga wada hadleen sidii dalka ay jawi nabdoon kaga qabsoomi laheyd doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd heshiis la xiriira arrimaha doorashooyinka la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xafiisku uu QM la saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan (Toddobada Milyan iyo labo boqol oo kun oo dollar), oo qeyb ka ah qarashka ku baxaya doorashada. “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka. Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in lacagta uu maanta xafiiska Rooble la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobe ay qeyb ka tahay yabooha fududeyn doona dardar-gelinta doorashooyinka ka bilowday dalka. Rooble iyo xafiiskiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira dardar-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka oo uu mas’uul ka yahay, taasi oo ka bilaabatay qeybo kamid ah dalka doorashada Aqalka Sare. Heshiiskan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Farmaajo uu wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo. Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka. The post Xafiiska Rooble oo saxiixay heshiis iyo beesha caalamka oo $7.2 milyan ku bixineysa… appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Maamu-goboleedka Puntland oo Liiska Xubnuhu u xushay Aqalka sare ku daray Gacan-ku-dhiigle Morgan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaai Deni ayaa soo gudbin doonaa liiska murashaxiinta u taagan Aqalka sare ee Somalia u meteli doona Puntland.Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo bandhigo murashaxiinta u taratameysa doorashada Aqalka sare ee Deni uu soo magacaabay. Wasiiro iyo siyaasiyiin caan ah ayaa raadinaya inay sanadkaan ka mid noqdaan golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya,Hase yeeshee Liiska murashaxiinta la qoray waxaa lagu dhex arkay magaca general Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo Dawladii Dhexe Sargaal sare kasoo ahaa. Dadka yaqaana siyaasada Deni waxay ku tilmaameen inuu hore Morgan ugu ballanqaaday Senetor inuu ka dhigi doono,sida muuqatana waxay aad ugu dhawdahay inuu kaga dhabeeyo arintaasi. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa labadii cisho ee u dambeysey qoraalo isku jawaabaya is-weydaarsadey xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble. Qoraaladan ayaa ku soo beegmey xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku imaaneysey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale. Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda. Haddaba saameyn intee le’eg ayey qoraaladan iska soo horjeeda ku yeelan karaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo arrimaha doorashada? Ridwaan Xirsi Maxamed oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtada kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu ku wiiqayo awooda xukuumadda. Waxa uu sheegay in Farmaajo uu markale faraha lasoo galay arrimo sharci darro ah, islamarkaana uu ku doonayo inuu ku ciriirsado awood uusan xaq u laheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Marka hore sidii 2016-kii uu yeelay madaxweyne Xasan Maxamuud wey aheyd in uu soo saaro qoraal waqtigii uu sharciyada haystay lagu hakinayo arrimaha masiiriga ee dalka aysan faro-gelin hay’adda fulinta laakiin taasi ma dhicin,” ayuu yiri Ridwaan Xirsi. “Maanta in madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu mar labaad soo fara-geliyo, waxay noola muuqata inuu doonayo in uu ciriirsaday arrimo aan awoodisa aheyn oo xaq u laheyn.” Si kastaba, maalamaha soo socda ayaa laga dhursugayaa sida uu usii socda xiriirka labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble, midaasi oo keeni karta dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada oo hadda ka bilowday dalka. The post Saameynta ka dhalan karta khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  8. 5-Arrimood oo ku saabsan Dagaalka Itoobiya ka socda oo uu ka hadlay Hoggaamiyaha Falaagada TPLF Debretsion Gebremichael Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xulafadooda “ay sii wadayaan ilaa ay gaaraan hadafkii ay dagaalka u billaabeen.” Debretsion oo la hadlay warbaahinta Tigray Media oo afka fallaagada ku hadasha, wuxuu si faahfaahsan uga ka hadlay xaaladda dagaalka ka socda deegaanka Tigray ee tan iyo dhammaadkii sannadkii hore soo socday. Debretsion wuxuu sheegay in dagaalka dowladda dhexe ay kula jiran “ay kaga guuleysteen” deegaanka Tigrayga, intiis badanna “ay ka xoreeyeen” waxa uu ugu yeeray cadawga deegaanka Tigraay weerarka qaawan ku soo qaaday. Wuxuu qirtay in malleeshiyaadka TPLF ay qabsadeen qayba ka mid ah deegaannada Amxaarada iyo Canfarta. Haddaba wareysiga hoggaamiyaha TPLF lala yeeshay oo dheeraa waxaan ka soo qaadaneynaa shanta qodob ee wareysigiisa ugu muhiimsan: 1. Aaya ka tashiga shacabka Tigray Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalka ay bilooyinka kula jireen dowladda Itoobiya iyo xulafadooda ee Eritrea, inay ugu dhigeen “casharro lama illaawaan ah”. Isagoo faanaya wuxuu sheegay in “aysan mar dambe u soo hanqal taagi doonin inay guumeystaan ama sandulleeyaan shacabka Tigray.” “Dagaalka waxaan u qaadnay seddex arrimood oo kala ah; kow inaan cadowga soo weeraray Tigray aan jabinno, laba in aan talada deegaanka Tigray aan ku soo celinno maamulki ay shacabka deegaankaas codkooda ku doorteen iyo tan seddexaad oo ah inuu shacabka Tigray aayahiisa uu ka tashto,” ayuu yiri. “Hadafki koobaad iyo kan labaad waan ku guuleysannay marka laga reebo arrimo kooban oo inoo harsan oo aan dhawaan dhammeystireyno.” “Balse qodobka seddexaad ee ugu muhiimsan hadda lagama hadlayo maadaama aan dagaal ku jirno. Dagaalka ka dib ayaan tan seddexaad hirgelinteeda guda galeynaa,” ayuu yiri Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebresillase. “Dagaalkii cadawga isu kaaya baheystay aan kula jirnay ee deegaanka Tigray wuu ka gudbay oo hadda, waxaan mareynaa in aan qaybaha ugu badan deegaanka Tigray dhul badan oo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta ka mid ah aan qabsanno”. Debretsion waxaa kale uu sheegay in dagaalka marka uu soo dhammaado ay wax weliba kala caddaanayaan, go’aanka ugu dambeeyna ee mustaqbalka deegaanka Tigray ay iyagu go’aamin doonaan.” 2. Shacabka Tigray oo dhan waa ciidan Debretsion wuxuu ku faanay in dowladda dhexe ee Itoobiya iyo waxa uu ugu yeeray “cadowga”, aysan aqoon durugsan u lahayn shacabka Tigray iyo xorriyaddiisa inuu cidna u daba fadhiisaneyn. “Shacabka deegaanka ku nool oo dhan waa ciidan aan u baahneen tababar maadaama ay u dagaallamayaan xorriyaddooda iyo madax bananaidooda, waxayna u shahiidayaan sidi ay hadafka ay leeyihiin ay u gaari lahaayeen”, ayuu yiri. Balse deegaanka Tigray waxaa ka qaxay dad aad u badan oo qaarkoodna ay ku jiraan xeryo barakac oo ku yaalla gudaha gobolka, halka kuwana ay u baxsadeen dhanka Sudan oo xeryo qaxooti looga furay. Balse hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalka “sida uu ku billaawday iyo degdegga ay ciidmada dowladda iyo xulafadooda ay ku qabsadeen deegaanka ay u maleynayeen in dagaalka uu sidaa ku gabagaboobay oo TPLF-na sidaa looga guuleystay balse xaalku uu sidaa ka beddelnaa.” Wuxuu ku faanay in ay jebiyeen “Ciidamadi qaranka Itoobiya ee aadka u hubeysnaa”. “Muddo gaaban ayay deegaanka Tigray intiisa badan kaga carareen. Ma aha mid iska timid balse wuxuu ku yimid dagaalka faraha looga gubtay oo shacabka Tigraay aysan u kala harin”, ayuu yiri Debretsion Gebre Mikael. 3. Maleeshiyaad nagama guuleysan karaan Wuxuu dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeyay in ay “soo abaabushay malleeshiyaad la dagaallama TPLF”. Wuxuu tilmaamay in arrintaas aan looga adkaan karin. “Ciidamada qalabka siday ee dalka ayaa hadafka aan u dagaallameyno hor istaagi waayey, marka malleeshiyaad maalmo tababarro degdeg ah la siiyey oo qowmiyad naceyb lagu soo kiciyey, kama guleysan karaan ciidamadayada haysta tababar iyo hub ku filan oo ay codawgooda kula xisaabtamaan,” ayuu yiri. Wuxuu ku goodiyay: “Waxaan u sheegi lahaa maleeshiyaadka iyo shacabka ay xukumadda Abiy soo khaldeyso inay naftooda badbaadsadaan oo aysan is halligin. Haddii Talooyiinka aan u soo jeedineyno ay qaadan waayaan, haddaba ciidamadeena waxay diyaar u yihiin inay ka hor tagaan cid kasta oo dagaal nala gasha”. 4. Xalka nabadeed Debretsion wuxuu ku andacooday in ay ka hortagayaan dagaal kulul oo uu ku tirmaamay “ka hortagga isir sifeyn”, haddana in iyaga ay marweliba nabad doonayaan, ayna aaminsaneen in wax weliba lagu dhammeyn karo si nabad ah. “Waxaan dowladda u soo bandhignay shuruudo dhowr ah oo aan xukumadda Abiy ugu sheegnay in haddii ay dhab ka tahay oo ay doonayaan in dagaalka ay joojiyaan ama xabbad joojinta halka dhinac ah ay sheegeen inay dhab ka tahay, waa in ay fuliyaan 7 shuruudood oo aan markii hore soo gudbinay, ka dibna aan 6 shuruudood ku soo koobnay,” ayuu yiri. “Wadahadal nabadeed iyo in dagaalka la joojiya haddii la doonayo waa in marka hore la billaabaa adeegyada aasaasiga ah oo aan wax xiriir ah la lahayn in la sii daayo adeegyadaas oo ay ka mid yihiin Isgaarsiinta, Bangiyada, iyo isu socodka gaadiddka.” Wadahadal nabadeed kasta oo ay labada dhinac yeelanayaan waa inuu ahaadaa mid aan qarsoodi ahayn oo dunida oo dhanna ay arkeyso.” “Runtii nabad miyey rabaan? Wadahadal miyey rabaan? Haddey rabaan si cad ha u sheegaan, haddey rabinna oo dagaal ay rabaanna, annagana dagaalka waan sii wadeynaa, haddii dagaalka uu sii socdana iyaga ayaa cagta la marinayaa”, ayuu ugu hanjabay dhinaca iyaga ka soo horjeeda. 5. Guddi caalami ah oo loo saaro dambiyada dagaal ee dhacay Gaboodfallada ka dhacay deegaanka Tigray, inti uu socday dagaalka u dhexeeyey TPLF iyo Ciidamada dowladda dhexe ee garabsanaya kuwa Eritrea, waxay ahaayeen wax lala yaabo. Hay’ado caalami ah ayaa labada dhinacba ku eedeeyay in dembiyo ay geysteen. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay weerarro la eegteen dadka Tigrayga ah iyo kuwii horey uga soo qaxay Eritrea ee qaxootiga ku ahaa gobolkaas. Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay: “Anigu waxaan isleeyahay tacaddiyada ka dhacay deegaanka Tigray, inti aan noolaa, horey uma arkin. Anigu ma aqaanno wax la mid ah ama wax ka sii xun iney waddamakala ka dhaceen.” “Marka dhibka dhacay ciddi ka dambeysay waa in wax laga weydiiyaa,” ayuu yiri. Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay oo barooranaya “Waa in loo saaraa guddi caalami ah oo baara dambiyada dagaal ee deegaanka Tigray ka dhacay,” ayuu ku adkeystay hoggaamiyaha TPLF. “Annagu wixii dhacay waan diiwaan gelineynaa. Hay’adaha garsoorka ee aan leennahayna dhankooda kaalintooda ayey ka qaadaayaan, balse waa in cidwalba oo dhibkaas ka dambeysay ama geysatay caddaaladda la horkeeno si ay u noqoto mid ay wax ka bartaan jiilalka dambe”. Dagaalka Tigray oo billaawday 4-tii bisha November, sannadkii 2020-ka oo socda in ka badan 8 bilood, ayaan weli soo afjarmin. Dowladda Itoobiya aya bil ka hor ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamada ka saartay caasimadda gobolka Tigray ee Maqale iyo qayba badan oo deegaankaasi ka mid ah. Dowladda Mareykankana waxay xoogagga TPLF ugu baaqday inay joojiyaan dagaalka ay dhul hor leh uga qabsaneyso deegaannada Amxaarada iyo Canfarta. Balse TPLF ayaan dhag u dhigin baaqa Mareykanka uu u soo jeediyey. Qaran News
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Oramada ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada. Shemelis Abdisa, oo ah madaxweynaha Oromia ayaa sheegay in aysan fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga. Shemlis ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF. “TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Oromia. Abdisa ayaa hadalkaan ka sheegay isku soo bax balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda. Madaxweynaha Oromia ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”. Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Make’lle. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go’aan kasoo baxay Oromada appeared first on Caasimada Online.
  10. Golaha Amniga oo Maanta ka doodaya Amniga badda Somalia Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa in uu qabto dood furan oo looga hadlayo amniga badda Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Amniga warbixin ka siin doonaa arrimaha amniga ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee xafiiska Qaramada Midoobey ee qaabilsan nabadda iyo siyaasadda. The Security Council will hold an open debate to discuss maritime security on Monday, 9 August. @UNSomalia Special Representative James Swan will update the Council on the situation in #Somalia on Thursday, 12 August. pic.twitter.com/440JOUeqK9 — UN Political and Peacebuilding Affairs (@UNDPPA) August 8, 2021 Qaran News
  11. Warbixin Xasaasiya:Sheeko laga qoray nin Soomaaliya oo lagu daldalay Britain Maxamuud Mataan, oo si caddaaalad daro ah loo daldalay Bishii September 1952, qofkii ugu dambeeyay ee lagu daldalay Cardif, Britain, ayaa meeshii lagi dilayay la saaray. Maxamuud Mataan ayaa si khalad ah loogu hlay dembi ahaa in uu dilay qof dukaan iibinayay oo lagu magacaabay Lily Volpert, oo ku sugnayd Tiger Bay ee Cardiff. Nadifa Maxamed oo buug ka qortay sheekada ninkan waxay sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The Fortune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan. Balse, Nadifa Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali. Inta badan Soomaalida Britain u safartay waxay halkaas gaareen wixii ka dambeeyay 1990-kii, Nadifa-na ma aysan qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo ka badan boqol sano. “Horay way u jireen sheekooyiin la xiriiray dhibbaneyaal ay booliska ku xadgudbeen, balse sheekadiisa way ka sii fogey arrimahaas, shaqsi ahaan,” ayey tiri. “Dadka yaqaana waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa in uu difaaco xuquuqdiida iyo xaqa dadka ku hareereysan”, ayey tiri Nadiifo. “Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bartilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca.” Labadaba, Nadifo aabeheed, Maxamed iyo Maxamuud waxay ku dhasheen Somaliland, waxayna isla kulmeen markii ay u safrayeen Hull oo UK ah. “Labadoodaba waxay la socdeen Ciidanka Badda, balse nolol ahaan waxay kala qaadeen laba dhabbo. Aabahey wuxuu dhahay in Maxamuud oo ahaa qof iska caadi ah oo keli-ahaanshaha jecel,” ayey tiri. Guddiga qiimeeya buugaagta ee The Booker Committee, ayaa la filayaa in buugga ay qortay Nadiifa ee The Fortune Men, ay ku soo daraan kuwa la xushay ee Bisha September ee sannadkan, abaalmarintana waxaa la bixin doonaa bisha November. Qoraa Nadiifa Maxamed aabeheed wuxuu garanayay Maxamuud Mataan. Balse, sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain. Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa. Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatey sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaa waxey sheekadan ka dhex baarney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna inaan ogaano xogta iyo warbixinada ku saabsan sheekadan murugada leh. Markaan sii aqriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool Britain. Markii aan ku soo dhex barbaarayey, qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda, kuwaas oo xooggoodu yimid halkan sanadihii sagaashameeyadii “1990-kii” illaa iyo labaddii kun “2000”, ma maqal qof soo hadal qaadayo in Soomaalidu joogeen in ka badan qarni, oo arrintaasi waxba kama ogayn. Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff. Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii. Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxey aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahadeeda ay lahaayeen badmaxiintii, kuwaasoo halkaasi u tagey iney ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay boqortooyadii Britain – oo ay kamid ahayd Somaliland. Soomaaligii ugu horeeyey ee yimid Cardiff waxaa la diiwaan galiyey inta la og yahay qarnigii labaatanaad, ka gadaal markii la furey Kanaalka Suez. Ha yeeshee way yaraayeen illaa iyo intii laga soo gaarayey 1914-kii, markii uu bilawday dagaalkii koowaad ee dunida, waxaa kordhay baahida loo qabo dadka xoogga leh, si loogga faa’iideysto xooggooda shaqooyinka adeegga ku saleysan. Ragga ayaa ka shaqeyn jirey maraakiibta ganacsiga kala daabusha, kuwaas oo matoorradooda ay isticmaali jireen dhuxusha. Waxey awood u heleen raggani iney shaqeystaan, oo lacagihii ay heleen dib ugu diraan dalkoodii, adduunyadana goobo kala duwan oo badan ay arkaan. Raggani waxey ahaayeen dad reer guuraa ah, wax dhib ah kuma aysan qabin safarka ku saleysan guur guuridda. Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh,”. Ma jirin caddeyn lagu hayay Maxamuud Mataan. Intii lagu guda jirey sanadihii dagaalka koobaad ee dunida, 1914 illaa iyo 1918-kii, Warsame aabihii iyo Soomaalidii kale ee ay badmaaxiinta isla ahaayeen way hodmeen, sida ay sameeyeen kuwii kale ee tegay Yemen, iyo qeybaha kale ee dunida ee hoos tegi jiray boqortooyada Britain. Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii dagaalka, waxaa dib u soo noqday badmaaxiin badan oo Britain u dhashay, waxey sidoo kale u baahdeen shaqo. Taasina waxay sababtay in markii ugu horreysay ay billawdaan dibedbaxyo midib takoor ku salaysan oo ka dhacay Cardiff iyo Liverpool. Raggii caddaanka ee shaqo doonka ahaa waxay weerar ku ekeeyeen dadkii madoobaa iyo guryihii ay ku noolaayeen, ayey tiri Nadifa Maxamed, oo ah qoraa asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeddo balse British ah, taas oo ka shaqeyneysa sidii ay usoo saari laheyd buug ka hadlaya Maxamuud Mataan, “halka Soomaalidii, iyo madowgii kale ee ku dhaqnaa goobtii uu weerarka ka dhacay ay iska caabiyeen kuwii soo weerarey”. Waxaa muuqatey in weerarka kadib dadkii qaarkood ay isaga tagaan goobtaasi, laakiin kuwa kale ayaa ku harey goobtii, kuna adkeystay iney sidoodii usii noolaadaan, waloow shaqooyinkii la heli jirey ay hoos u dhaceen. “Noolaanshaha Cardiff, waxey badey badmaaxiintii ajnebiga ahayd iney ku ekaadaan guryo ay lahaayeen shirkadihii maraakiibta, kuna hoos noolaadaan nidaam kudhisan faquuq, kaasoo xadiday fursadaha shaqo ee ay heli karayeen, goobaha ay tagi kari lahaayeen,” sida ay sheegtay Nadifa Maxamed. “Inkastoo ay noolashu adkayd, waxey halkaasi ka abuurteen noolol hor leh, taas oo ka dhalatay goobaha ay degganaayeen dadka dhaqamada kala duwan leh. Waxey sameysteen maqaayada, masaajido, iskuullo ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, iyo hanaan ay isku garab qabtaan. Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab. Sannadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen. Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa. Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay. Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen. Butetown, oo xilligaas loo garanayay Tiger Bay, waxay ahayd meeshii soo jiidatay shaqaale caalami ahaa oo ku kala sugnaa daafaha caalamka, sida dadkii ku noolaa deeggaannadii Britain ay gumeysatay ee Soomaaliya. Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta. Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka. Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska. Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa. Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn. Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass. Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira. Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo. Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas. Qoys ku noolaa Tiger Bay, 1939 Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”. Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil,Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii. Harold Cover, oo ahaa ninkii ku marqaati furay Mataan, ayaa muddo kadib la xirey, isagoo lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu isku dayey inuu gabadhiisa qoorta ka gooyo isagoo adeegsanaya sakiin, halka Taher Gass, oo ahaa isagana ninkii lagu tilmaamay inuu ku sugnaa dukaanka uu dilka ka dhacay, lagu soo oogay dambi ah inuu qof toorrey ku dilay, balse wax dambi waa lagu waayay. Xaaskii Mataan, Laura, looma sheegin markii la dilayey ninkeedii, waxayna ogaatay mar ay booqatay xabsigii uu ku xirnaa. Markaas kaddibna iyada waxaa u billawday dadaal sanado badan socday oo ahaa sidii ay ku caddeyn lahayd in ninkeeda uusan gelin dembiga loo daldalay. “Wuxuu hubay in la ogaan doono in meel un ay wax iska daba-mareen, afka Ingriiska si wanaagsan kuma hadli Karin, balse waxaa ku celcelinayay “qof dumar ah ma dilin”, sidaasi ayay Laura u sheegtay wargeysaka The Independent sanadkii 1997-dii. “Ilaa maalintii ugu dambeysay waxaan aaminsanaa inay sii deyn doonaan, laakiin ma aaney sameyn, oo wey daldaleen. Markii falkaasi daldalaada ay ku kaceen kaddib, waxaan isku xirey qolkeygii anigoo ay i wehliyaan caruurteedii, muddo dheerna waxaan u maleyn jiray inaan mar un arki doono, wuxuu ahaa nin wanaagsan iyo aabe wacan, badda ayuu ka shaqeysan jiray, si uu noolol u kasbado, markii dambena wuu iska dhaafay, oo wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu la joogo carruutiisa intay ka korayaan,” Dukaanka uu dilka ka dhacay Isku daygii ugu horeeyey ee ay qoysku ku doonayeen in xukunkii dhacey la baabi’iyo waa laga diidey, laakiin kiiskani wuxuu noqday kii ugu horeeyey oo loo gudbiyo guddiga dib u eegiska kiisaska ee la dhisay sanadkii 1990-kii. Ugu danbeyntii xukunkii waa la buriyey sanadka markii uu ahaa 1998-dii. Lord Justice Rose ayaa ku tilmaamey kiiskani “mid ay caddahay inuu khaldanaa,” isagoo sheegay in ay meesha ka maqanayd wax cadeyn ah oo Mataan la xiriirinayay inuu isaga dilay Lily Volpert. Qoyskii Maxamuud Mataan ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaaraya 1.4 million oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay wasaaradda arrimaha gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si qald ah loo daldalay. Jaldiga buugga The Fortune Men ee Nadiifa ay qortay. Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimtay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen. Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff. Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay”. Qaran News
  12. Mogadishu ( PP News Desk) — The Press Statement from the Somali Federal Government has sent the message that incumbent Federal Government’s talks with Kenya Government is confined to exploring ways to improve relations between the countries, says a Mogadishu-based political analyst. On Saturday, Villa Somalia moved to fend off accusations that Somalia was signing secret agreements with Kenya. Villa Somalia Statement stressed that the role of the incumbent government was to ensure continuity of services, and that it had no a mandate to enter into agreements with foreign countries until the Presidential Elections take place in October. The Cabinet Secretary for Foreign Affairs of Kenya, H.E. Ms. Raychelle Omamo with Somalia Foreign Minister Mohamed Abdirizak in Mogadishu yesterday. The joint statement signed by the Somalia Foreign Minister Mohamed Abdirizak and the Kenya Cabinet Secretary for Foreign Affairs Raychelle Omamo emphasises “a framework through which the two counties will undertake comprehensive discussions” under a Joint Commission for Cooperation. Raychelle Omamo held a meeting with the Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed at Villa Somalia. “Both President Mohamed and Prime Minister Roble share a common view on normalizing relations with Kenya without making the government susceptible to accusations for selling out at a time Somalia is heading for elections” said Mohamud Ali, a political journalist in Garowe. © Puntland Post, 2021 The post Statement from the Federal Government “Assures Villa Somalia” appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdi iyo Wasiirka arrimaha dibadda kenya Raychelle Omamo, ayaa si wadajir ah u furay Safaaradda Kenya ee Muqdisho, kaddib lix bil oo Safaaradda xirneyd, markii uu xumaaday xiriirka labada dal. Omaamo ayaa booqasho ku timid magaalada Muqdisho kadib markii ay casuumaad ka heshay xukuumadda Muqdisho. Haweneydaan ayaa sidoo kale kulama la qadatay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Omaamo ayaa Soomaaliya la furtay wadaxaajood la xiriira in dib loo soo celiyo cilaaqaadka labada dowladood oo muddo xumaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Shaqsiyad Aaminsan in Diinta & Siyaasada la kala saaro oo Bartilmaamed ka dhigtay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada S/land Doorashadii Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada ka dib waxa isa soo taraya weerarada ku wajahan Gudoomiyaha Golaha Cabdirisaq Khalif ee ka imanaya xoogaga lagu xanto inay ka tirsan yihiin Calmaaniyada ah in diinta laga ilaaliyo maamulka dowliga ah (secularists). Tusaale ahaan, Abdisalam Hereri oo ka socda TV-ga Universal, ayaa su’aalo anshax daro ah (unethical) oo shakhsi weerar ah (personal attacks) waydiiyey Gudoomiye Khalif. Su’aalahaa waxaa ka mid ahaa: “miyaad ka tirsanaan jirtay ururkii Al-Itixaad?” Waxaynu ogonahay inay ugu danbaysay jiritaanka Al-Itixaad sagaashanaadkii (1990-naadkii), manaan fahmin sababta uu su’aashaa u waydiiyey waayo siyaasiyiinta Somaliland lama waydiiyo inay hogaamiye kooxeed, dayday iyo dagaal ogayaal ahaayeen sagaashanaadkii (1990-naadkii). Sababta aan loo waydiini waxay tahay in laga soo gudbay xaaladii 30 sanno ka hor lagu jiray. Sidoo kale, Guuleed Dafac, ayaa isna soo dhigay Facebook-giisa aragtidan: “Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif arimaha maaliyadda ee ay ka mid yihiin xawaaladaha iyo bangiyada waa in aanu qayb ka noqon doodaha Baarlamaanka ee ku saabsan oo aanu gudoomin Golaha xilliyadaas (recuse himself) sababta oo ah dano gaar ah ayuu ku leeyahay (conflict of interest) oo kama caddalad samayn karo. Waxba kama duwana Faratoon inuu gudoomiyo fadhigii lagu dooranayay Gudoomiyaha.” Waxaan waydiinayaa Guled Dafac miyaanu Gudoomiyaha Maxkamada Sare u ogolaan Faratoon inuu gudoomiye kulankii Golaha Wakiilada? Sow arintaa sharci umuu arkayn Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyadoo conflict of interest ah? Ma waxaad ka rabtaa Gudoomiye Khalif wax ka sareeya(above and beyond the legal requirement, i.g., Ethics) waxa Somaliland lagaga dhaqmo? Ma standard gaar ah baad u samaysatay Gudoomiye Khalif adoo ku colaadinaya kaliya waa wadaad diin ku dhaqma? Kooxaha diidan in dadka qiyamka diiniga lehi dowladnimada soo dhex galaan walwal baa ku bilaamay laakiin bilaash bay u baqayaan waayo dowladnimadeenu waxay u baahan tahay dad leh aqoon (knowledge) iyo amaano (trustworthy). Abdillahi Xuseen Abdullahi Hussein <abhussein1988@gmail.com Qaran News
  15. Doorashadii Somaliland ka qabsoontay 31-kii bishii May waxa guullo waaweyn ka soo hooyay xisbiyadda mucaaridka ah, mar la eego doorashada maayirradda degmooyinka waaweyn ee dalka iyada xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku guulaysteen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, halka xisbiga KULMIYE uu ku guulaystay degmada Berbera oo kaliya. Sidoo kale waxa ay xisbiyadda mucaaridku ku guulaysteen lab aka mid ah saddexda kursi ee ugu sarreeya shirguddoonka golaha wakiillada. Waxa aan daawaday/dhagaystay/akhristay dad badan oo leh waa la wada guulaystay, Somaliland ayaa guulaystay, guusha ugu weyn waxa leh muxaafidka aqbalay natiijadda, sidaa marka ay tahay waxa ay meel ka dhac ku tahay cidda dhabta ah ee guulaystay oo loo qiri la’yahay guusha weyn ee ay gaadheen. Haddaba si aad u ogaado in la kala guulaystay iyo in la wada guulaystay akhriso faalladan oo aan ku soo koobi doono tartankii adkaa ee dhex-maray muxaafidka iyo mucaaridka. Maxaa dhacay intii uu tartanku socday? Sideedaba waxa sunnaha nolosha ka mid ah in marka ay tartamaan laba amma saddex iyo in ka badan ay guushu raacdo cidda bixisay dadaalka ugu badan ogolaasha Alle ka sokow. Madaxweyne Biixi ayaa mar uu ka hadlayay doorashadii 2017 waxa oo sheegay inay jiraa laba qolo oo kala guulaystay, qolo uu isagu hoggaamiyo oo ku sheegay inay tahay qolada guulaystay iyo qolo kale oo laga guulaystay oo ku canaantay inay u qaateen inay gumoobeen inay noqdeen gabadhaa guur beeshay, sidoo kale Cabdikariin Xinif oo ka mid ah kaadiriinta KULMIYE ayaa mar la waraysanayay sheegay in aanay marnaba suurtagal ahayn in kooxdii guulaystay iyo kooxdii laga guulaystay ay u sinaadaan manfaca dawladda, haddaba maxaa loo qiri la’ayahay guusha hadda ay gaadheen mucaaridku. Xisbiyadda mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID oo samaystay isbahaysi ayaa tartankii ugu adkaa la galay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa wasiirrada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isagu ahaa mushiinka iyo hoggaamiyaha garabka muxaafidka ayaa hawl-galay cid kasta oo uu xil u magacaabay isla markaana uu ku tuhmayay inay guul ka keeni karto tartan adage e lagu jiro balse nasiib darro guul-darro weyn ayaa loo xanbaariyay. Dhankooda xisbiyaddu mucaaridka markasta waxa ay haysteen aqlabiyad waxa aynu dadaaleen inay difaacdaan aqlabiyadooda, iyaga oo dadaalka ugu badan galinayay inay hantaan quluubta xildhibaannada xisbiyadooda ka soo baxay taas oo la odhan karo mid kaliya ee ay dheeraayeen muxaafidka oo iyagu ku mashquulsanaa arrimo kale oo aan si toos ah u taabanay xildhibaannada codkooda lagu kala baxayo. Waxa aynu si kooban u eegi doonaa tallaabooyina dhawr ah uu qaadeen madaxweyne Biixi iyo qaar ka mid golihiisa wasiirrada intuu uu tartanku socday. Madaxweyne Biixi isaga inta badan faro-gelin toos ah kuma samayn doorashadii golleyaasha deegaanka dalka laakiin waxa uu hawl-galiyay xubno ka mid golihiisa wasiirrada oo iyagu isku dayay inay mucaaridka kaga guulaystaan qaar ka mid maayirrada magaalooyinka sida Boorama, Laascaanood, Berbera, Gabiley, Oodweyne oo qaarkood dib loogu dhigay wakhtigii loo cayimay inay isdoortaan balse intooda badan waa lagaga guulaystay. Markii lagu kala adkaaday doorashadii golleyaasha deegaanka waxa haddana tartan culus loo galay shir-guddoonka golaha wakiillada, madaxweyne Biixi oo isagu arkayay muhiimada shir-guddoonka wakiilladu u leeyahay hoggaaminta dalka ayaa xoog iyo xeelad isku geeyay sidii uu hanan lahaa saddexda kursi ee ugu sarreeya golahaasi, waxa uu isticmaalay hab qabali ah, hab maaliyadeed, in uu ka faa’iidaysto awoodda xukunka uu gacanta ku hayo isaga dad qaar ka laaluushayay hanti ummada, dadka qaarna u samaynayay ballanqaadyo xilal iyo mashaariic laga fulin doono deegamadooda, dada qaar xildhibaan lagaga bedelanayay in la si daayo dad la loo xidhay inay dambiyo ka galeen dalka Somaliland oo aynu tusaale u soo qaadan karno dad loo xidhay inay xidheen calanka Soomaaliya, halka dadka qaar xildhibaanno lagaga bedeshay in loo sii daayo ganacsiyo laga xanibay oo in muddo ah ka xidhnaa, waxa xusid mudan in dhammaan ballanqaadyada uu deg-deg u fuliyay madaxweyne Muuse Biixi balse uma suura-gelin in ku guulaysto guddoonka golaha wakiillada. Gabagabadii muxaafidka waxa aan leeyahay guul-darradaada in aad qirtaa waxa ay kuu sahlaysaa in aad guulaysatid, mucaaridkana waxa aan leeyahay guushaada in u dabaal-degtida waxa ay dariiqa u xaadhaysaa in aad guullo kale ku naalootid. W/Q Xamse Maxamed Iimaan Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka dhex-qarxay dagaal siyaasadeed ku saabsan cidda leh awoodda fulinta iyo heshiis gelista xukuumadda. Labada mas’uul ayaa isku haya heshiis ganacsi oo dib loogu furayo qaadkii Soomaaliya uga iman jiray Kenya, oo Rooble uu doonayo inuu saxiixo, iyo Farmaajo oo kasoo horjeeda maadaama qoyskiisa uu xiran yahay qaadka laga keeno Ethiopia. Hase yeeshee, marka meel la iska dhigo wareegtooyinka ay soo saareen labadooda iyo ujeedka mid walba, yuu awoodda arrinta la isku hayo siinayaa dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya? Muxuu cuskanayaa Farmaajo? Wargeetadii uu 7-dii bishan kasoo baxday Farmaajo waxaa lagu yiri “Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.” Si kastaba, Farmaajo ma uusan shaacin qodobka dastuuriga ah ee uu u cuskanayo tallaabada uu qaaday iyo halka uu dastuurka uga qoran yahay Waxaan eegnay qodobka 90-aad ee dastuurka oo qeexaya “Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,” mana jirto meel xitaa ay kaga qoran tahay in madaxweynaha ay waajib ka saaran tahay ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna. Waxaa intaas dheer, haddii xitaa dastuurka uu ku jiri lahaa qodob Farmaajo awood u siinaya “ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna,” Rooble ma wuxuu sameynayaa wax madax-banaanida dalka wax u dhimaya mase bixinayaa hanti-qaran? Muxuu cuskanayaa Rooble? Wareegtadii xafiiska Rooble kasoo baxday 8-dii bishan, wuxuu dastuurka kaga xusay laba goor, labada goorna wuxuu cuskaday laba qodob oo kala ah; qodobka 97-aad iyo kan 103-aad. Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.” Qodobka 97-aad- ee dastuurka ayaa u dhigan sidan:- Farqada 1-aad: Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman. Farqada 2-aad: Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno. Qodobka 103-aad ee dastuurka oo sidoo kale Rooble uu cuskaday ayaa waxa aku qoran sidan: “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.” Gunaanadka Doodda Farmaajo iyo Rooble waxay u dhaceysaa; Farmaajo oo doonaya inuu digreeto wax ku maamulo, iyo Rooble oo adeegsanaya sharciyad iyo qodobo dastuuri ah oo aan dood la gelin karin. Waxaa intaas dheer, in madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, inta laga dooranayana madaxweyne cusub, ay talada dalka leeyihiin ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda xil-gaarsiinta. The post Dagaalka Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda? appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed oo ay dowladda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho. Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho. Furista safaaradda cusub ee ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble. Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan uu weji cusub yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu horay dhaawac culus usoo gaaray, kadib markii ay labada dowladood oo daris ah ay kala rarteen 2 safaaradood. Kenya ayaa sidoo kale isku dayeyso inay si dhow ula shaqeyso Rooble oo shalay casuumad uu u fudiyey Uhuru Kenyatta ka guddoomay wasiir Raychelle Omamo, waxaana rajo weyn laga qabaa inuu mar dhow dib u billowdo xiriirkii tooska ahaa ee labada iyo ganacsiga. Dhinaca kale isku soo dhawaashaha Ra’iisul wasaaraha iyo Kenya ayaa xiisad xoogan ka dhex-dhaliyey Rooble iyo Farmaajo, waxaana kadib soo baxay khilaaf dhexdooda ah. Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya galeyso doorasho, waxaana sidoo kale halkiisii ah kiiska badda ee horyaalla ICJ. The post Kenya oo safaarad cusub ka furatay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  18. Wariye u shaqeeya telefishinka dawlada Congo ayaa geriyooday kadib markii qoorta laga jaray, waxa falkan uu ka dhacay degmada Rutshuru oo ka tirsan Waqooyiga goobolka Kivu, bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, oo ay ka socdaan rabshado, sida ay ilo -wareedyadu sheegeen. Saxafi la dilay oo lagu magacaabo Hrithier Magayan, waxa uu aha 26 jir ah, waa xaasle iyo aabbe laba carruur ah, wuxuuna tan iyo 2018 -kii ka shaqeynayay xarunta Idaacadda iyo Telefishinka Kongo ee dehmada Ruchuru” sida uu sheegay saaxiibkiis Roger Siberado. “Waxaan aaminsanahay in dilkiisu la xiriiray arimo sirdoon sababtoo ah waxay qaateen taleefankiisa markii ay dileen,” Ceberado ayaa intaas ku daray. Mr Magayan wuxuu dhiirrigelinayay barnaamijyo lagu beegsanayo dhallinyarada, isagoo kula taliyay inay qaadaan “waddada nabada” si looga hortago amni-darrada qotada dheer ee gobolka. Kooxo hubaysan oo kala duwan ayaa ka hawlgala aagga, laakiin ciidanka Koongo ayaa gacanta ku haya aagga dhacdadu ka dhacday, sarkaal haysta ciidmada milatariguna waxa uu sheegay in dilkan u ahaa dembi abaabulan, isagoo xusay in loo baahan yahay in la sugo natiijada baadhitaanka oo la furay subaxnimadii Axadda . Saddex bilood ka hor, ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Ituri iyo gobolka deriska la ah ee Kivu si loo soo afjaro dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee argagaxa ku haya dadka rayidka ah. Source: goobjoog.com
  19. Labada gudoomiye ku xigeen ee la doortay waa in aanu hal seegin. Saaxiibkay Cali Xaamud Jibriil, iyo seedigay Siciid Mire Faarax, oo loo doortay labada gudoomiye xigeen ee golaha wakiilada, kuwaas oo ka kala yimi labadii garab ee is hayay. Waxaa la gudboon in aanay seegin, in ay isku yihiin shirgudoon keli ah, balse aanay ahayn shirgudoon ka kooban laba garab. Shirgudoonka cusub ee golaha wakiilada waxaa la gudboon, in ay u jilaan masuuliyadooda wadareed jamac ahaan si jabsan, Isla markaana jaanta iyo jiibta ay isula helaan si joogto ah. Madaxweynaha waa in aanu hal seegin. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, mar waa hogaamiyaha qaranka, marna waa hogaamiyaha sadexda xisbi qaran mid ka mid ah. Madaxweyne Muuse, haduu shalay u muuqday mid aad u dagaalamay, oo adeegsaday kaadhkii hoggaamiye kooxeed nimada, taas oo aanay jirin habayaraatee wax u diidayay in uu jeeniga saaro jaalkiisa iyo jeedha xisbigiisa. Haddaba, amintan waxaa la gudboon madaxweynaha in aanu seegin, in uu isticmaalo kaadhkii hogaamiyanimada qaranka. Kaas oo faraya in uu mudnaan siiyo midaynta iyo wadajirka mudanayaasha aqalka cusub. Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu gudoomiyaha la doortay iyo gacan yarayaashiisa, ka siiyo gacan dhab ah, sidii goluhu xalay dhalay uga noqon lahaa xagtimihii, xafiiltankii, xamaasadii iyo xanaftii ka dhalatay loolankii iyo laacdankii shirgudoonka golaha wakiilada. Mudanayaasha cusubna waa in aan hal seegin. Mudanayaasha cusub ee golaha wakiilada, lixdan kii cisho ee u danbeeyay waxaa daashaday kooxaysi, kala qayb sanaan, iyo kaambayn kulul oo u raacay, kii hore ee ay doogtii iyo nabaradii ka soo gaadhay weli damqanayaan. Murti soomaaliyeed ayaa tidhaahda (Gorayga sheedo ku taagani ama Xudun u dhac, ama Nagaad-weyne u dhac). Sidaa darteed, guuli laba nin kama wada qoslisee, hadii lagu kala calaf qaaday hirdankii loogu jiray hanashada shirgudoonka golaha wakiilada, gaar ahaan jagada gudoomiyaha oo ah ta ugu muhiimsan. Waxaa la gudboon golaha cusub in aanay seegin, in ay guusha isku haniyeeyaan, si towfiiq lehna isugu tanaasulaan, isla markaana halkaa ku ekeeyaan orta, qaylada, abaabulka, ololaha iyo ardaa kala fadhiisiga ibo furka u noqday. Waxaa la gudboon golaha in ay si wadajir ah xilkooda u gutaan, isla markaana ay isku ixtiraamaan kala duwanaashaha aragtiyahooda. Waxaa kale oo la gudboon in aanay marnaba ka gedman, goorta ay waajibka ku tahay, in ay is garab taagaan ama taageeraan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse, iyo goorta looga baahan yahay in ay toosiyaan, ama hadii ay gaf galaan gacanta ka qabtaan. La soco taxanaha qormada dambe Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la wanaajiyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee xumaaday kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta labada dal. Wafdiga Kenya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Raychelle Omamo ayaa wadahadallo la yeeshay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Sida lagu sheegay war -saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha, dowladdaha deriska ah waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xidhiidhkooda gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga iyo amniga. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu casuumaad u fidiyay raysal wasaaraha Soomaaliya si uu u soo booqdo Nairobi. Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in muranka badda ee u dhexeeya labada dal ay go’aamin doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ, in kasta oo Kenya ay dhowr jeer ka codsatay in xal laga gaadho maxkamadda. Soomaaliya ayaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya bishii December ee sannadkii hore sababo la xidhiidha sheegashada faragelinta siyaasadeed ee Kenya ay ku haysay arrimaha Soomaaliya, eedeyntaas waxaa beenisay xukuumada Nairobi. Source
  21. (SLT-Khartoum)-Xukuumada Sudan ayaa ka cadhootay diidmada xukuumada Itoobiya oo qaadacday codsi ka yimid Khartuum oo ahaa in Sudan dhex dhexaadiso dagaalka ka socda gobalka Tigray ee waddanka Itoobiya. Raysal wasaaraha Sudan Hamdok ayaa sheegay in Sudan oo hadda ah Madaxa Urur goballeedka IGAD ay soo bandhigtay inay waan waan ka bilowdo Tigray si dagaalkaasi loo xaliyo, hase yeeshee waxaa diiday Xukuumadda Itoobiya. Cabdalla Hamdok Raysal wasaaraha Sudan ayaa shalay khadka Telefoonka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinknen oo ay ka wadahadleen dagaalka sii xumaanaya ee ka socda Waqooyiga Itoobiya. Itoobiya iyo Sudan oo jaar ah ayaa hore waxa uga dhaxeeyey xiisado la xadhiidha dhulka ay isku heystaan ee xaduuda iyo dhismaha Biyo-Xidheenka Itoobiya ka dhistay wabiga Nile, balse Sudan ayaa ku dooday in dhankooda doonayeen in xal waara laga gaaro dagaalka u dhaxeeya xoogaga Tigray iyo Xukuumadda Federaalka Itoobiya. Source
  22. (SLT-Garoowe)-Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud & gaadiidka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Marxuum Asad Xuseen Xaashi. Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo xanuunsanaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay uu u geeriyooday cudurka saf-marka ah Covid-19 oo soo kacleeyey markii 3-aad. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxa ka tacsiyeeyey madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiskiisa dhambaal tacsi ah loogu diray ehellada wasiirka geeriyooday & guud ahaan reer Puntland. “Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay Marxuum Asad Xuseen uu ahaa mas’uul soo qabtay xilal ka duwan, isla-markaana u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa. “Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu sii raaciyey Deni. Source
  23. Maamulka Oramada ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada. Shemelis Abdisa, oo ah madaxweynaha Oromia ayaa sheegay in aysan fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga. Mr Shemlis ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF. “TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Oromia. Abdisa ayaa hadalkaan ka sheegay isku soo bax balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda. Madaxweynaha Oromia ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”. Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Make’lle. Goobjoog News Source: goobjoog.com