-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku sheegay inuu ku hakiyey awoodaha ra’iisul wasaare Rooble waxay xog weyn ka bixisay halka uu marayo dagaalkooda. Waxaa warqadda ku jirta jumlad uu Farmaajo ku muujiyey in dagaalka looga adkaanayo, welibana halka ugu muhiimsan oo ah maamulka dhaqaalaha dowladda. Farmaajo ayaa jumladdaas ku yiri “Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood.” Sida ay ogaatay Caasimada Online, qeylo dhaanta Farmaajo ayaa la xiriirta xog aan saaka hore daabacnay oo aheyd in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu maamulka maaliyadda hay’adda NISA ku wareejiyey agaasimaha uu ra’iisul wasaare Rooble magacaabay, Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Ayada oo xilka agaasinka NISA ay ku loolamayeen Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey oo uu magacaabay Farmaajo, ayaa u gacan-gelinta maamulka maaliyadda hay’adda ee Bashiir Goobe waxay ka dhigan tahay in loolanka uu isaga ku adkaaday. Waxay tani sidoo kale keeni doontaa in ciidamada Duufaan ee NISA oo Farmaajo taageersan aysan helin mushahar haddii aysan soo raacin ciidanka kale, si la mid ahna saraakiisha sare iyo hoggaanka ciidanka hay’adda. Halka uu Farmaajo ku leeyahay “awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood,” waxaa sida aan ogaanay loola jeedaa hay’adaha maaliyadda dalka sida wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe oo ayagana taabacsan ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa toddobaadkii tegay soo saaray amar uu hay’adahaas ku faray in lacag uusan isaga saxiixin aan la bixin karin, taasi oo ay u hoggaansameen maalin kadib markii uu kulan la yeeshay. Sidaas darteed, Jumladdaas ku jirtay qoraalka Farmaajo, waxay muujisay in Rooble uu gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha dowladda, waana taas sababta Farmaajo u carooday ee uu warqad kale oo wiifto ah usoo saaray. The post Qoraalka Farmaajo oo ay ku jirto jumlad uu ku qiranayo in looga adkaaday dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Somali Journalists Syndicate (SJS), Somali Media Association (SOMA), and Robert F. Kennedy Human Rights welcome the opinion of the United Nations Working Group on Arbitrary Detention (UNWGAD) declaring the arrest and detention of our client, journalist Mohamed Abdiwahab Nuur (“Abuuja”), in Somalia arbitrary and in violation of international law. Source: Hiiraan Online
-
Qoraallo Weerar & Weerar-celina oo ay isdhaafsadeen Farmaajo & Rooble DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA IYO HAKINTA AWOODAHA WASIIRKA KOOWAAD pic.twitter.com/22lXIkguYK — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 16, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo si adag uga jawaabay Wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada. 3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah. 4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan. 5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin. B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda. 1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay. 2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu. 3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021. 4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka. 1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka. 2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka. 3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka. 4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka. 5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. 6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Baaq. 1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax 2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha. 3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho. 4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni. Balanqaad. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaaka fal-celiyey wareegtadii shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Haddaba waa kuwan siyaasiyiinta ka hadlay iyo qoraalladooda. Cabdullaahi Goodax Barre: Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS. Cabdi Faarax Juxa: Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”. Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha, warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo. Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda R/W Rooble. R/W Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis R/W waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida. Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan R/W Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo. Taabit Cabdi Maxamed: Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday. Qoraalka Villa Somalia waa in R/W Rooble laga weeciyo hawlihiisa dastuuriga ah ee dardar gelinta doorashada, sugidda amniga, ilaallinta dhaqaalaha ummadda xilligan kala guurka iyo hor-istaag caddaalad u raadinta #IkraanTahliil iyo qoyskeeda. Waxaan shacabka Somaaliyeed & dunida saaxiibka la ah Soomaaliya ugu baaqayaa in si buuxda loo garab istaago sharciga, caddaaladda iyo hannaanka doorasho ee RW Rooble hormuudka u yahay. Xasan Maxamed Muungaab: Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha. Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni. Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlamaanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaadaa sidda ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Dastuurka KMG ah. Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd. Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalad. Wasiir KhadiijaMaxamed Diiriye: “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”. The post Falcelin weyn oo ka dhalatay wareegtadii yaabka laheyd ee kasoo baxday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Wiilka ka mida carruurta Cusama Bin Laden muxuu ka yidhi ‘jihaadka’ uu aabbihii ku jiray? Wiilkii ugu yaraa caruurtii uu dhalay hoggaamiyihii Al-qaacifda Osama bin Laden ayaa sheegay inuu ka yaxyaxo kana naxo falkii uu sameeyay ururka uu mar hoggaamiyaha ka ahaa aabihiis ee ka dambeeyay weerarkii 11 -kii September sanadkii 2001 -dii. “Way igu adkayd inaan rumeysto inuu leeyahay awood uu ku abaabulo wax caynkan oo kale ah. Maalintaas waxay beddeshay nolosheena, aad bayna u adkeyd inaan sii noolaano wixii ka dambeeyay markaa ,” ayuu yiri Cumar Bin Laden oo 40 jir ah oo wareysi bixiyay toddobaadkii hore.Wuxuu sheegay inuu dareemay “ceeb iyo argagax” falalka aabihiis uu ku kacay dartood.Farshaxaniistahan oo 40 jir ah kuna nool magaalada Normandy ee dalka Faransiiska ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii uu u qaban lahaa booska aabihiis oo ah hoggaamiyaha Al Qaacida balse uusan awoodin. Cumar bin Laden ayaa wareysi siiyay wakaaladda wararka ee AP xili uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, wuxuuna shaaca ka qaaday in qaar badan oo ka mid ah carruurtii aabbihiis la joogay Afgaanistaan ay u baxsadeen Iiraan ka dib duulaankii Maraykanku hoggaaminayey sanadkii 2001, welina ay ku wada jiraan xayndaab ay ilaaliso Iiraan. Wuxuu sheegay in falalka Al-qaacidda sameysay ay nolashiisa saameyeen. Cumar Bin Laden ayaa wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu helo fursad uu ku booqdo Israa’iil iyo Mareykanka.Wuxuu yiri:”Waan ogahay inay yihiin waddamo qurux badan, dad badan oo ku noolna waxay rabaan inay nabadda kala shaqeyaanFalastiiniyiinta,” .Cumar bin Laden wuxuu sheegay in loo soo bandhigay fursado uu casharro ku saabsan nabadda kaga bixiyo jaamacadaha dalalkaas uu kor ku soo sheegay. “Waa dal quruxsan, dad badanna waxay doonayaan inay nabad la yeeshaan Falastiiniyiinta”, ayuu yiri isagoo ka hadlyay Israa;iliyiinta. Omar bin Laden hooyadii ayaa ka soo jeeda yuhuud, waxaana laga dalbaday marar badan inuu khudbada ku saabsan nabadda ka jeediya jaamacada ku yaalla Israa’iil, sida uu ku sheegay wareysiga. Qaran News
-
Lixda meelood ee aan qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood Nolasheennu waxay ku wareegtaa saacadaha kooban ee maalintii iyo habeenkii oo badanaa ah 24 saacadood. Hasa-yeeshee ma ogtahay in dunida ay ka jiraan meelo aanay qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood? Bal qiyaas sida sheekadaan ay xiiso ugu leedahay dalxiisayaasha iyadoo xitaa dadka deegaannadaas ay ku jaha wareeraan qoroxda oo aan dhacaynin 70 maalmood oo xiriir ah. Haddaba Lixda meelood ee aaney qorraxdu ka dhicin wax badan ka ogow. Dallka Norway Dalka Norway, waxaa loogu yeeraa ‘Dhulka Qorraxdu ay soo jeedo saqdadhexe halkaasoo laga bilaabo bisha May ilaa dhammaadka bisha Luulyo, aaney qorraxdu dhicin. Arrintaan ayaa ka dhigan in qiyaastii 76 maalmood, qorraxdu aaney ka dhicin dalka Norway. Magaalada Svalbard, ee dalka Norway, qorraxdu waxay si joogto ah u soo baxdaa laga bilaabo bisha Abriil 10-keeda ilaa bisha Ogoosto 23-keeda Waxaad booqan kartaa gobalkaas waxaadna halkaas joogi kartaa maalmo kala duwan oo aan habeen jirin. Dhulka Nunavut, ee dalka Canada Nunavut waa dhul ku yaalla Waqooyi galbeed dalka Kanada.Halkaan waxaa ka jira qiyaastii laba bilood oo cadceed ah 24-ka saacadoodba, halka xilliga jiilaalka, qiyaastii 30 maalmood oo isku xiga uu mugdi ka jiro. Jasiiradda Iceland Iceland waa jasiiradda ugu weyn Yurub marka laga soo tago dalka Ingiriiska, sidoo kalana waxaa lagu yaqaanaa inay tahay waddan aan kaneeco lahayn. Xilliga xagaaga, habeenadu waa caddaan Iceland ma jiro mugdi, bisha Juunna, qorraxdu ma dhacdo. Si aad u aragto qorraxda saqda dhexe xaaladdeeda dabiiciga ah, waxaad booqan kartaa magaalada Akureyri iyo Jasiiradda Grimsey ee halkaa ku yaalla. Barrow, Alaska Ilaa bilowga bisha May iyo dabayaaqada bisha Luulyo, qorraxdu halkaasi kama dhacdo. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in waddanku uu mugdi ku jiro xilliga jiilaalka ah. Aaggan ayaa sidoo kale caan ku ah buuraha barafku ka buuxo. Waxaana la sheegaa in inta badan dalxiisayaashay booqan karaan xagaaga ama jiilaalka. Dalka Finland Waa dhul leh kumanaan harooyin iyo jasiirado ah, qaybo badan oo Finland ka mid ah waxay helaan qorraxda tooska ah 73 maalmood oo kaliya inta lagu gudo jiro xagaaga. Dhanka kale, qorraxda iftiinkeeda ayaa sii jira ilaa 73 maalmood, halka xilliga jiilaalka, aaggu uusan arag iftiinka qorraxda. Sidoo kale waa mid ka mid ah sababaha ay dadka halkaan u seexdaan wax yar inta lagu jiro xilliga xagaaga, iyo xilliga jiilaalka. Intaad halkaa joogtid, waxaad ku raaxeysaneysaa Nalalka sidoo kale waxaad fursad u helaysaa inaad ka qeybgasho ciyaarta barafka lagu ciyaaro. Dalka Sweden Bilowga bisha May ilaa dhammaadkii bisha Ogoosto, Sweden waxaa ka jira qorrax dhac saqda dhexe ah waxayna soo baxdaa abbaare 10-ka subaxnimo. Halkaas, qorrax madoobaadka joogtada ah wuxuu socdaa sida la sheegao ilaa lix bilood oo sanadka ah. Marka intaad halkaan joogto, qofku wuxuu waqti badan ku qaadan karaa ciyaarta golf, kalluumeysiga, safarka, iyo waxyaabo kaloo badan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa qaab sheeko faneed ah uga jawaabay Wareegtadii uu shalay soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, taasi oo uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran. Warqadda Farmaajo waxey i soo xusuusay sheeko xariirtii caanka ahayd “Dharka Cusub ee Boqorka “The Empero’s New Clothes” ee qoraaga reer Denmark, Hans C. Andersen uu 1837 qoray. Qisadu waxay ku saabsanayd Boqor labbiska aad u jecel, keliya maahee waxay ugu baxdaa in dadka uu xukumayo, uu isku soo bixiyo kaddibna ku dhex xarrakoodo. Labo harqaanle oo xarfaan faraha kala xada ah ayaa yimid beledkii boqorka ka talinayey. Waxay sheegteen in ay toli karaan dharka ugu qurxan, kana tolayaan naqshad aan horay loo arag. Boqorkii ayaa farriintoodii la gaarsiiye. Wuxuu dalbaday in loo keeno. Waxay u sheegeen in dharka ay tolayaan ishu qaban karin, aysana doqomadu arki karin. Waxay dalbadeen xariir iyo dahab ay dharka ka tolaan iyo lacag fara badan oo ay shaqada ku qabtaan. Markii ay muddo la maqnaayeen ayuu boqorkii wasiirkiisii u diray labadii harqaanle. Wuxuu u tegey rag xuurtaysan oo hawl haya oo neeftu ka tuurmayso. Waxay ku yiraahdeen sow dharku qurux maaha? Wasiirkii wuxu yiri “ war anigu wax ma arkee, malaha doqon ayaan ahay”. Boqorkii ayuu ku laabtay, wuxuuna u sheegay in tolliinkii dhammaad yahay, isagoo ka cabsanaya in doqonimo lagu sheego. Ugu danbayn raggii way yimaadeen, boqorkiina dhar aan la arkaynin ayey ku cabbireen. Boqorkiina isagoo ka baqaya, yaan nacas lagu oran ayuu labbis aan loo jeedin jam isku siiyey. Subixii danbe ayaa dadkii la isku soo bixiyey, si uu boqorku ugu xarrakoodo dharka ay dadka caqliga leh oo keliya arki karaan. Cid walba waxay ka cabsatay in caqli la’aan lagu sheego, haddii ay dharka arki weyso, laakiin wiil yar ayaa hal mar la soo booday “ boqorku dhar ma qabo ee waa qaawanyahay” dadkii oo dhan ayaa mar qura codkoodii is qabsaday “Boqorku waa qaawanyahay” boqorkii wuu cararay oo hoygiisii ayuu dib u galay. Farmaajo waxaan leenahay wiilasha ku leh dhar aan loo jeedin ayaan kuu xiraynaa, yaysan ku ceebaynin. Rooble waxaan leenahay waa la wada arkaa in ay odaygu marada ka dhacday, oo eryiddii Fahad ayaad dadka ku tustay in uu qaawan yahay ee intaas ugu sin, doorashana ka aad. The post CC Shakuur oo sheeko hore oo cajiib ah uga jawaabay wareegtadii FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in ay todobaadka dambe shir ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Shirka Garoowe oo dhici doona 21 ilaa 23 bishaan September ayaa la sheegay in looga hadli doono dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya. “Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan magaalada Garoowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafeed wadajir ah oo ka soo baxay dowlad goboleedyada. Shirka ay iclaamiyeen madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka, kaas oo laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku keeno doorashada. PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo shir ku yeelan doona Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa khadka telefoonka uga wadahadlay khilaafka sii xumaanaya ee madaxda federaalka. War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen shanta madaxweyne dowlad goboleed ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa soo jeediyay qodobo ay u arkaan in xal looga gaari karo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah: 1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka. 3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh. 4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021. 5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah. 6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada. 7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka. PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo wadajir uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa war-murtiyeed wadajir ah kasoo saaray khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hoos ka aqriso qoraalka. War-saxaafadeed Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda: 1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka. 3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh. 4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021. 5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah. 6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada. 7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka. The post Madax goboleedyada oo qoraal wadajir ah kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Commentary) — In 1992 when Hussein Mohamed Farrah Aidid was selected to replace his father, General Mohamed Farrah Aidid, a self-styled President in South Mogadishu, the State Department had issued a statement that identified Hussein as an American soldier. Those memories were evoked today by the telephone conversation between the Swedish Minister for International Cooperation and Humanitarian Affairs Per Olsson Fridh and the Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble, who holds Swedish citizenship. Sweden has a stake in the ongoing political deadlock in Somalia: one of its citizens is defying the President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed, who nominated him and entrusted with him preparing Somalia for elections. Roble (left) retains his Swedish citizenship, but President Mohamed gave up his American citizenship two years ago. President Mohamed gave up his American citizenship two years ago. Having dual citizenship and serving in the country of origin without renouncing the citizenship of the host country is an absurd political choice. If Roble ever faces risk to life and limb in Mogadishu the Swedish government will issue a statement on his plight. President Mohamed does no longer have that privilege, and rightly so. Dual citizenship is a major nemesis in Somali politics. The former Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire is Norwegian citizen; his predecessor is a Canadian citizen, to give several examples about the enormity of the problem. Sweden is concerned about the the impact Roble’s political decisions have on his mandate to oversee the electoral process. Mohamed Mo’alimu, Roble’s spokesman, tonight said that President Mohamed had not given up on “his bloody term extension.” The Presidential decision to limit certain powers of Roble’s prompted the spokesperson to spew innuendos against the President against whom Roble authorised a news blackout. How would Swedes react if the Foreign Minister captured the state media to institute a news blackout policy against the Swedish Prime Minister? It is unsettling to see an aspiring Swedish-Somali citizen taking a leaf from the book of Somalia’s 1990s warlords. Dual citizenship plagues the Somali politics. It can no longer be brushed aside. By Adan M. Dawad The post Dual Citizenship Plagues Somali Politics appeared first on Puntland Post.
-
The feud between Somalia’s top leadership escalated Thursday after the president announced he was suspending the executive powers of his prime minister, prompting a furious response by the premier as the troubled country plunges deeper into political crisis. The move by President Mohamed Abdullahi Mohamed, who is popularly known as Farmajo, came despite efforts by Somali politicians to defuse the escalating tensions with Prime Minister Mohamed Hussein Roble. He accused Roble – the man he appointed just a year ago – of violating the constitution and taking “reckless decisions which can pave the way for political and security instability“. Roble in turn lashed out at Farmajo in a statement released late Thursday, dismissing his move to suspend the premier’s powers as “unlawful” and accusing him of seeking to sabotage the government’s functioning. The two men have locked horns over top security appointments and dismissals in a dispute that has stoked fears for Somalia’s stability as it struggles to hold long-delayed elections and keep an Islamist insurgency at bay. Farmajo said he was withdrawing Roble’s executive powers, particularly the ability to hire and fire officials, until the election process was completed. He said his prime minister had failed to consult or collaborate with him and made decisions that were “not in line with the laws and constitution of the country”. The power struggle became public last week when Roble sacked Somalia’s spy chief over his handling of a probe into the disappearance of a young intelligence agent. Farmajo overruled the prime minister, appointing the dumped intelligence official as his national security adviser. Ikran Tahlil, a 25-year-old officer with the National Intelligence and Security Agency (NISA), was abducted near her Mogadishu home in June, and her employers concluded that she had been killed by Al-Shabaab jihadists. The militants issued a denial, while Tahlil’s family accused NISA of murdering her. Playing with fire Roble on Thursday instructed Somali “security forces not to intermingle with the politics”, as the row raises the spectre of fresh violence erupting in Mogadishu and threatens to throw an already fragile electoral process into deeper peril. Security forces “have to preserve the rule of law of the democratic agencies and maintain their responsibilities towards the protection of the Somali citizens and the national stability”, he said. Farmajo’s four-year mandate expired in February, but was extended by parliament in April, triggering deadly gun battles in Mogadishu, with some rivals viewing it as a flagrant power grab. Roble cobbled together a new timetable for a vote, but the process has fallen behind, and on Thursday he accused Farmajo of trying “to foil the elections, violating the agreement, (and) undermining the powers of the prime minister.” The UN Assistance Mission in Somalia has urged the pair to stop bickering and on Sunday, Roble sought to reassure UN diplomats about the status of the vote, saying the country was “committed to hold the elections as planned”. Elections in Somalia follow a complex indirect model, whereby state legislatures and clan delegates pick lawmakers for the national parliament, who in turn choose the president. The next phase is scheduled for October 1-November 25 with elections for the lower house of parliament, but voting has yet to take place in some states for the upper house as previously scheduled. Analysts say the impasse has distracted from Somalia’s larger problems, notably the Al-Shabaab insurgency. The Al-Qaeda allies were driven out of Mogadishu a decade ago but retain control of swathes of countryside and continue to stage deadly attacks. “Somalia’s factions are playing with fire. All sides need to de-escalate,” the International Crisis Group said in a report issued earlier this week. “International partners should publicly name spoilers, threaten sanctions if they do not change course and prepare targeted measures against those who continue destabilising behaviour,” it said. “Both sides need to take a step back from the brink. Rather than constantly finding new issues over which to duel, they should instead focus on bringing the long-overdue elections to completion.” The post Somali PM rejects president’s ‘unlawful’ suspension of powers appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo si gaar ah u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday. Kheyre ayaa warqaddii kasoo baxday Farmaajo ku tilmaamay “mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.” Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Kheyre. Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble. Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni. Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe. Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa uu dib u dhac iyo sharaf xumo ku yahay dowladnimadeenna curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladeenna. Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda. Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka. The post Kheyre oo weerar culus ku qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Qoraalkii Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo taas oo sheegaysay in la hakiyay Awoodaha Ra’iisul wasaaraha. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Rooble Kadib markii Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ka arkay Warbaahinta Warqad baal marsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray bayaankan. A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada. 3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah. 4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan. 5- Hadaba iyadoo laga duulayo saraynta Sharciga, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqriadiisa koowaad ee Dastuurka oo qeexaya in Xukuumaddu u hogaansamayso oo kaliya Go’aanada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharcidarrada ah ee kasoo baxday Madaxwaynaha loona hogaansamaynin. B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda. 1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay. 2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu. 3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021. 4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka. 1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka. 2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka. 3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka. 4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka. 5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. 6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Baaq. 1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax 2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha. 3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho. 4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni. Balanqaad. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah. Wabbilaahi Towfiiq PUNTLAND POST The post Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Qoraalkii Farmaajo appeared first on Puntland Post. -
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka jawaabayey qoraalka uu Farmaajo shaqada uga hakiyey ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday aanu xaq u laheyn inuu sidaasi sameeyo isaga oo xusay iney ka been abuuray qodobada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka, waxa uuna intaa raaciyey in Farmaajo ku tuntay qodobka 99-aad ee dastuurka. Rooble oo dastuurka xiganaya ayaa sheegay in Farmaajo isku indho-tiray qodobka 91-aad ee xil gaarsiinta xukuumadda iyo 103-aad ee xukuumadda siinaya awoodaha fulinta. Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sidoo kale Ku eedeyay farmaajo Carqaladeynta doorashooyinka, abuurid fowdo iyo degenaansho la’aan iyo aanu Farmaajo ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. Ugu dambeyntii, waxaa uu xusuusiyey in Farmaajo waqtigiisu dhamaatay February 8, 2021-kii, uuna jiray heshiiska September 17 oo ra’isul wasaaraha siiyey awoodda doorashada, isaga hey’adaha dowladda ugu baaqay iney sii wataan shaqada, waxaa uuna Farmaajo xusuusiyey in aanu carqaladeyn hawlaha xukuumadda, doorashada, kiiska Ikaraan, beesha caalamka ka dalbaday iney indhaha ku hayaa shakhsiyaadka fashilinaya doorashada. Source: goobjoog.com
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka jawaabayey qoraalka uu Farmaajo shaqada uga hakiyey ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday aanu xaq u laheyn inuu sidaasi sameeyo isaga oo xusay iney ka been abuuray qodobada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka, isaga oo intaa raaciyey in Farmaajo ku tuntay qodobka 99-aad ee dastuurka. Rooble oo dastuurka xigaya ayaa sheegay in Farmaajo isku indho-tiray qodobka 91-aad ee xil gaarsiinta xukuumadda iyo 103-aad ee xukuumadda siinaya awoodaha fulinta. Ugu dambeyntii, waxaa uu xusuusiyey in Farmaajo waqtigiisu dhamaatay February 8, 2021-kii, uuna jiray heshiiska September 17 oo ra’isul wasaaraha siiyey awoodda doorashada, isaga hey’adaha dowladda ugu baaqay iney sii wataan shaqada, waxaa uuna Farmaajo xusuusiyey in aanu carqaladeyn hawlaha xukuumadda, doorashada, kiiska Ikaraan, beesha caalamka ka dalbaday iney indhaha ku hayaa shakhsiyaadka fashilinaya doorashada. Hoos ka akhriso qoraalka Ra’iisul wasaaraha oo dhameystiran Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada. 3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah. 4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan. 5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin. B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda. 1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay. 2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu. 3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021. 4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka. 1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka. 2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka. 3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka. 4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka. 5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. 6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Baaq. 1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax 2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha. 3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho. 4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni. Balanqaad. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab kulul ka bixiyey wareegtadii uu maanta soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kuna tilmaamay mid baal marsan dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Hoos ka aqriso bayaanka uu Wareegtada Farmaajo kaga jawaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada. 3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah. 4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan. 5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin. B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda. 1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay. 2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu. 3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021. 4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka. 1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka. 2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka. 3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka. 4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka. 5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. 6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Baaq. 1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax. 2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha. 3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho. 4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni. Balanqaad. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah. The post DEG DEG: Rooble oo jawaab kulul ka bixiyey warkii kasoo yeeray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Wax lala yaabay ayuu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (AUN) ku dhaqaaqay December 8, 2008. Wuxuu ku dhawaaqay in uu wareegto xilka uga qaaday RW Nuur Cadde (AUN) oo ku howlanaa nabaddoonimada shirkii Jabuuti iyo soo af jarridda colaad siyaasadeed oo ay dad badani ku naf waayeen. Waxay ahayd arrin sharci darro ah maaddaama RW xilka looga qaadi karo oo keliya mooshin baarlamaan. Aragtida nabadeynta Nuur Cadde ee shirka Jabuuti ee lagu heshiisiiyay mucaaradkii Asmara fadhiyay waxaa taageeranaa beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed intooda badan. Sharci darradii ayuu madaxweyne Cabdullaayi Yuusuf ku adkeystay, wuxuuna Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) u mahacaabay RW. Dec 24, 2008, Gacmadheere oo ma laha dareemay in aysan sheekadaas soconeyn, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii loo magacaabay. Col.kii tan iyo dhallinyaronimadiisa ku taamayay in uu mar uun Soomaaliya hoggaamiyo, una soo galay halgan dheer oo nabad, colaad iyo xabsiba leh, ayaa garwaaqsaday in uu iska daaye uu dalka sii heysto, aysan suura gal ahayn inuu dhamaysto muddo xileydkiisii oo ay ka dhineyd muddo sanad ah! December 29, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa Baarlamaankii Baydhabo fadhiyay u sheegay in uu xilka iska casilay! Waxaa laga bartay dhowr cashar: in aan Soomaaliya xoog lagu heysan karin; in qofka nabadeynta wada ay Soomaali ka jecel yihiin kan colaadda wada; iyo in qofka wax garadka ah uu yahay kan fahma marka ay dabeyshu dhankiisa u socoto iyo marka kale. Waddadii….. W/Q: Hassan Adam Hossow The post Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex galay. Haddaba, Sharciyan Farmaajo xilligaan awood ma u leeyahay inuu qaado tallaabadaas? Garyaqaan Daahir Maxamed Carab oo ah sharciyaqaan ku sugan Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday awood u laheyn in uu tallabadaas qaado, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ah. Garyaqaanka ayaa isaga oo soo xiganaya Dastuurka KMG waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu kalsoonida siiyay xukuumadda, islamarkaana uu Dastuurka uu awooda u badan siiyay xukuumadda xil-gaarsiinta. “Mar hadduu dhamaado muddo xileedkii madaxweynaha iyo kii baarlamaanka, awoodihii Dastuuriga ahaa ee labadaas hay’adood halkaas ayey ku dhamaadeen, laakiin xukuumaddu waa ka duwan tahay,” ayuu yiri. “Awoodaha Hay’addaha waxaa bixiya Dastuurka, Madaxweynaha sida ogsoonahay waa lasoo doorta waa afar sano oo ka billaabaneysa marka la dhaariyo, laakiin xukuumadda maadama laga rabo shaqo maalinle ah lagama maarmaan ay tahay inay bulshada u adeegto waxaa awood loo siiyo in shaqada sii wado ilaa xukuumad kale laga soo dhisayo si firaaq Dastuuri ah u dhicin.” Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin qoddob Dastuuri ah oo siinaya in Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay sii wadi karaan shaqada, isagoona xusay in shaqadii caadiga aheyd ee hore u socday uu dar-dar geliyo Ra’iisul Wasaaraha oo uu ka go’aan gaari karo amaanka qaranka, xasiloonida iyo daganaashaha guud ee bulshada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hay’adda keliya ee Dastuurka uu xilligan awooda siiyey ay tahay xukuumadda oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo ka dhigan in wareegtada Farmaajo aysan sharciyad ku dhisneyn. Hoos ka dhageyso wareysiga garyaqaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/09-16-LEGAL-ANALYSIS-ON-SOMALI-POLITICS.mp3 The post Fallanqeyn sharci: Farmaajo ma hakin karaa awoodaha ra’iisul wasaare Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qurshuhu yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri ah kulan deg deg ah ka yeelan doona xaaladda Soomaaliya, kadib markii uu maanta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu soo saaray wareegtu ku sheegay in uu ku hakinayo awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Kulankaan oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa lagu eegi doona xaaladaha kasoo cusboonanaya siyaasadda Soomaaliya, xili uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana ay billowdeen doorashooyinka. Soomaaliya ayaa gashay marxalad aan horay loo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, uuna madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday is-bidayo awoodo abuuri kara qalaalase amni. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hore u sameeyay is-bedelo cadaalad loogu raadinayo kiiska Ikraan Tahliil, taasi oo uu si cad uga horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo abuuray khilaaf cusub. Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhinaca saaray saaxiibadiisa siyaasadda oo ugu horeeyo Fahad Yaasiin iyo Xundubeey oo uu xilalkii ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha. Si kastaba, Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay waji halis badan, kaasi oo kal hore dalka looga bad-baadiyay kadib markii awoodaha doorashada iyo amniga lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble. The post Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ka yeelanaya xaalada Somalia + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland. Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga, nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku. Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin. Ugu danbayntii, Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegay wixii lidi ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xoriyada saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
