-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar. Labada mas’uul oo muran kooda dhanka doorashada mudda soo taagna ayaa maanta shaaciyay in ay xal ka gaareen khilaafka. Heshiiska oo goordhaw warbaahinta loosoo bandhigay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in guddoomiye ku-xigeenka guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi la siiyo garabka Cabdi xaashi. Hoos ka akhriso Heshiiska oo dhameystiran Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay. Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland. “Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland. Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay. The post Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca… appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin ay soo saartay Hay’adda la socodka iyo Maareynta musiibooyinka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in abaaro ba’an ay ku dhufteen gobalada ku yaalla waqooyiga dalkaas. Hay’adda ayaa sheegtay in inkabadan 70% dadka ku nool Gobalada waqooyiga dalka Kenya ay wajahayaan macluul iyo abaar daran. Warka ay soo saartay Hay’adda ayaa sidoo kale ay ku sheegtay in dadka iyo duunyada ku nool gobaladaas aysan seddaxdii sano ee la soo dhaafay helin biyo ku filan. Roobabka ayaa la sheegay in gobaladaas aysan iyaguna ka da’in muddooyinkii dambe, dadka ayaana soo foodsaarta biya yari baahsan. Dadka ayaa la soo wariyay in ay inta badan bilaabeen in ay isaga barakaacaan deeganada ay ka jiraan biya la’aanta baahsan iyagoo u ruuqaansanaya goobaha biyaha laga heli karo. Xoola dhaqato badan oo Soomaali ah ayaa la soo wariyay in ay soo wajahday xaalad nololeed oo adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. “Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. “Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. Mar la weydiiyay in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ayuu Cabdiweli sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka aheyn in waddo caddaalad ah la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo sidoo kale weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ilaa hadda kiiskaan ka aamusan. Weli waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil oo ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay Al-Shabaab iska fogeeyeen. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wareysi: Maleeshiyada ku beesha ah Ikraan Tahliil ee gaysanaya afduubyada oo hanjabaad culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalada kooxda TPLF, taas oo ay shegen in ay jihooyin badan ka soo weerareeen gobalka Amxaarada. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda ay dooneysay in ay isku sii fidiyaan gobalka, balse ciidamadooda ay iska caabiyeen qorshaha TPLF. Madaxa Waaxda Dhismaha Ciidanka ENDF Let.-Gen Bacha Debele, ayaa sheegay in Tigrayga ay abaabuleen in ka badan 10,000 dhalinyaro la askareyay kuwaas oo dulaan ku soo qaaday gobalka Amxaarada. Sarkaalkan ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in abaabulka Tigrayga ay ciidamadooda u kala qeybiyeen seddax qeyb oo ay qeyba dhinac u qorsheysay in gobalka ay kala wareegto. Dhanka kale ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in intii ay socdeen dagaalada Tigrayga iyo Xukuumadda Abiy ay dileen kumanaan askar ah oo ka tirsan kooxda TPLF. Generaal u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in inkabadan in 2,300 oo ka tirsan Jabhadda dagaalada bilawday bishii Novermber ay ku dhaawaceen halka TPLF ay ka qabsadeen 2,000 Dagaal yahan. Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dagaalada ku dileen kumanaan aan tiradooda la soo koobi karin oo ka tirsanaa Jabhadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Sahan,” said Sahan Journal founder Mukhtar Ibrahim, is a “beautiful Somali word which means ‘pioneer.’” He explained that when faced with a drought, the ancient nomadic villagers of East Africa would search for greener pastures by sending out the sahans: “The most trusted figures in the community doing the scouting and coming back with reliable information.” Source: Hiiraan Online
-
Sometimes when Shugri Said Salh is running errands in Sonoma, Calif., where she currently lives, she says she has "visions" of her former life as a young nomad in Somalia. For example, one day, while eating sushi in front of Whole Foods, she spotted a customer carrying an African-style basket and a water jug — and suddenly she was transported. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo weerar madaafiic loo adeeg saday oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Madaafiicda ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga dhaceen xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaagga, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda loo adeegsaday, ee ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Hirshabeelle. Xaaladda magaalada Jowhar ayaa sakaa ah mid dagan kadib weerarkii xalay, ciidamada Ammaanka ayaa saaka waaberigii hore baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada. Maamulka Hirshabeelle ayaa dhankooda war ka soo saaray Weerarka xalay lagu qaaday magaalada. Wasaaradda Amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay Madaafiicda. ” Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay ayaa lagu yiri, Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Free medical camp brings relief for poor IDPs in Beletweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Displaced Somali grandmother Sharifo Harun Mahdi, 70, was grateful to receive free treatment for malaria, along with her three sick grandchildren, by volunteer doctors. Source: Hiiraan Online -
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle. Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan in uu u soo gudbiyo liiska xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare. Waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in mas’uuliyadi ka saran tahay ilaalinta waqtiga loo qorsheeyey in doorashada lagu qabto, waxuuna qoraalka guddigaan heer dowlad gobooleed ee HirShabeelle ku soo aadayaa, iyadoo xalay guddiga doorashooyinka heer federaal uu soo saaray jadwalka doorashada. Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka. PUNTLAND POST The post Cali Guudlaawe oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadaha warbaahinta dawladda Sacuudiga ee fadhigoodu yahay Dubai ayaa bilaabi doona inay shaqaalaha u wareejiyaan bishan magaalada Riyadh, xilli uu sii xoogeystay loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta Tallaabada Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan uu sii wado qorshihiisa ah inuu boqortooyada u rogo xarun ganacsi oo gobolka ah, meeshana ka saaro Dubai. Arrintaan ayaa timid kadib markii Dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay joojisay qandaraasyada ay siiso shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee fadhigoodu yahay dalalka kale ee Bariga Dhexe. Laba ilo wareed oo kale ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kanaallada Al- Arabiya iyo Al-Hadath oo ay dawladdu leedahay ay toddobaadkan ku wargeliyeen shaqaalahooda qorshayaal ay ku bilaabayaan baahinta 12 saacadood maalintii oo laga sii deyn doono Magaalada Riyaad bisha January ee sanadka soo soosocda, iyaga oo intaa ku daray inay qaadan karto illaa laba sano in la dhameystiro wareejinta. Illo wareedyada ayaa sido kale shaaca ka qaaday in MBC Group oo ah shirkadda warbaahineed ee ugu weyn ee Bariga Dhexe iyo Asharq News, oo ah kanaalka wararka oo telefishan ah dhowaana la aasaasay ayaa bilaabay qorshayaal shaqadooda loogu wareejinayo magaalada Riyadh. Xarumaha Shirkadaha MBC, Al-Arabiya iyo Al-Hadath ayaa waxay ku yaalaan Magaalada Dubai, gaar ahaan Xarunta warbaahinta Imaaraadka Carabta, oo ay ku yaalaan boqolaal shirkadood oo warbaahineed. Asharq News, waxay xarunteedu tahay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai. Al-Arabiya iyo Al Hadath weli kama aysan hadlin guuritaankooda. Si kastaba ha ahaatee, MBC ayaa ku xaqiijisay war qoraal ah oo loo diray Reuters in bishii Febraayo ee sanadkii 2020, uu guddoomiyaha MBC uu ku dhawaaqay damaca ah in laga hirgeliyo Riyaad xarun cusub. “Qorshayaasheena meel wanaagsan ayay marayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay MBC usoo dirtay Wakaalada Wararka ee Reuters. Inkastoo ay yihiin xulafo aad isugu dhow, haddana Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dariska ah ayaa ku tartamaya sidii ay usoo jiidan lahaayeen maalgashadayaasha iyo shirkadaha, waxayna bilaabeen qorshayaal kale oo dhaqaale laga sameyn karo marka laga soo tago soo-saarka shidaalka. Danaha labada dowladood ayaa u muuqda mid sii xumeenaya xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale ku kala aragti duwanaadeen arrimaha Gobolka, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Turkiga. The post Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xoogeystay iyo Riyadh oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortageen saddex gantaal oo lagu weeraray magaalooyinka Najran iyo Jazan ee kooofurta wadankaas. Ma jirto koox sheegtay in ay ka dambeysay mas,uuliyadda gantaalada balse isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga ayaa weerarkaasi ku eedeeayay dowladda Iran oo taageerta maleeshiyadda Xuutiyiinta. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xustay in aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay gantaaladaasi balse la doonayey in lagu bartilmaameedsado gobalka hodanka ku ah saliida oo ku dhaw xadka Yemen. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in gantaalada oo laga hortagay ay dhaawacyo ka soo gaareen labo caruur ah. Weerarkan ayaa yimid afar maalmood ka hor oo drones lagu xiray gantaalo lala bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Abha halkaasoo ay ku dhaawacmeen sideed ruux. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku weeraray Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo habeenimadii xalay lagu qaaday Magaalada Jowhar. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in tirro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Jowhar, gaar ah agagaarka Xarunta madaxtooyada, Xaruntii UNICEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale. Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda oo kusoo dhaceysay xaafadaha magaalada Jowhar, isla markaana ay dareen cabsi xoogan. Weli si rasmiya looma oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii xalay lagu weeraray Magaalada Jowhar , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka oo ay uga hadlayaan weerarka. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Wasiir suuxdin la dhacay ka dib markii lagu wargeliyey in xilka laga qaaday Wasiirkii tamarta waddanka Nigeria, Saleh Mamman, ayaa miyir-beelay ka gedaal markii ay soo gaartey akhbaar sheegeysa in xilka laga qaadey. Saleh Mamman oo xilka hayey tan iyo 2019-kii ayaa markii uu suuxay waxaa la dhigay isbitaal halkaasoo lagu daaweynayo haatan. Qoyskiisa ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in uusan fileyn kana naxay xilka ka qaadista lagu sameeyey. 63 sano jirkan ayaa 3-dii bilood ee lasoo dhaafay deganaa Hotelka loo tamashlo tago ee Transcorp Hilton halkaasoo ay ku biilayeen ganacsato ka fileysay inuu qandaraasyo siinayo sida uu qoray The Street Journal. Wasiir Mamman ayaa ku baxay isku-shaandheyn uu golaha wasiirada bdala Nigeria ku sameeyay madaxwayne Muhammadu Buhari, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa dalka Nigeria. Qaran News
-
Naadiga calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas. Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba. Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada. by Taboola You May Like Al-Shabaab oo gurigooda ku dilay, aabe, hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhaleenAl-Shabaab oo gurigooda ku dilay, aabe, hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhaleen Farmaajo oo Xubbi Faarax Macallin u magacaabay la-taliye iyo halista ku xeeranFarmaajo oo Xubbi Faarax Macallin u magacaabay la-taliye iyo halista ku xeeran Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigay ERGADII soo dooratay Prof. JAWAARISawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigay ERGADII soo dooratay Prof. JAWAARI Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya, waxaana loo dhiibay Tiina Intelmann oo aheyd danjirihii Estonia ee boqortooyada UK. Tiina ayaa hoggaamin doonto shaqada laga bilaabo bishan September, waxaana ay xafiiska kala wareegeysaa Nicalos Berlang oo xafiiska joogay muddo saddex sano ah. Sidoo kale ergeygii hore ee Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad sagaatin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, maadaama u dhammaaday muddo xileedkiisa. Ergeyga cusub oo hadal kooban siisay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonto, iyada oo kaashaneyso UN-ka iyo Ururka Midowga Afrika. “Midowga Yurub wuxuu la kaashanayaa ururada sida UN -ka iyo Midowga Afrika si loo xoojiyo qaab -dhismeedka qaranka iyo hagaajinta amniga Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka caawinaya la -dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada,” ayay tiri Tiina Intelmann. Waxa kale oo intaasi raacisay “Midowga Yurub waa deeq -bixiye muhiim u ah Soomaaliya, hadday tahay iskaashiga horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo labadaba.” Marka laga tego Tiina inay aheyd safiirkii hore ee Estonia u fadhisay UK, waxay ku biirtay wasaaradda arrimaha dibadda 1991, waxayna sidoo kale intii u dhexeysay 2014 illaa 2017,aheyd madaxa ergada Ururka Midowga Yurub ee wadanka Liberia. Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay. Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011 waxayna noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada. The post Ergeygii Midowga Yurub ee Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacabaay appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka Taalibaan ayaa sheegay in ay horumar ka sameeyeen dagaalka ka socda dooxda Panjshir oo ah gobalka kaliya ee ku jira kooxda mucaaradka ah Afhayeen u hadlay jabhadda NRF ee madaxda u yahay Axmed Mascuud ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Taalibaan ay gaareen deegaanka Darband oo oo ku yaala xadka gobalada Kapisa Iyo Panshjir balse ay iska caabiyeen. War ka soo baxay Taalibaan ayaa lagu sheegay in guulaha ay gaareen ay caqabado ku noqdeen miinooyin lagu aasay wadada gasha magaalada Bazarak ee caasimada gobalka. Ururka Taalibaan ayaa todobaadyo ka hor la wareegay wadanka Afghanistan kadib markii ay ka baxeen ciidamadii shisheeye ee uu hor kacayey Mareykanka. Dooxda Panjshir ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen dagaaladii looga soo horjeeday ururkii midowga soofiyeeti ee ku duulay Afghanistan tobonaan sanno ka hor. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Loolanka Sacuudiga & Imaaraadka oo xoogeystay+Riyadh oo tallaabo qaaday Shirkadaha warbaahinta dawladda Sacuudiga ee fadhigoodu yahay Dubai ayaa bilaabi doona inay shaqaalaha u wareejiyaan bishan magaalada Riyadh, xilli uu sii xoogeystay loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta Tallaabada Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan uu sii wado qorshihiisa ah inuu boqortooyada u rogo xarun ganacsi oo gobolka ah, meeshana ka saaro Dubai. Arrintaan ayaa timid kadib markii Dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay joojisay qandaraasyada ay siiso shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee fadhigoodu yahay dalalka kale ee Bariga Dhexe. Laba ilo wareed oo kale ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kanaallada Al- Arabiya iyo Al-Hadath oo ay dawladdu leedahay ay toddobaadkan ku wargeliyeen shaqaalahooda qorshayaal ay ku bilaabayaan baahinta 12 saacadood maalintii oo laga sii deyn doono Magaalada Riyaad bisha January ee sanadka soo soosocda, iyaga oo intaa ku daray inay qaadan karto illaa laba sano in la dhameystiro wareejinta. Illo wareedyada ayaa sido kale shaaca ka qaaday in MBC Group oo ah shirkadda warbaahineed ee ugu weyn ee Bariga Dhexe iyo Asharq News, oo ah kanaalka wararka oo telefishan ah dhowaana la aasaasay ayaa bilaabay qorshayaal shaqadooda loogu wareejinayo magaalada Riyadh. Xarumaha Shirkadaha MBC, Al-Arabiya iyo Al-Hadath ayaa waxay ku yaalaan Magaalada Dubai, gaar ahaan Xarunta warbaahinta Imaaraadka Carabta, oo ay ku yaalaan boqolaal shirkadood oo warbaahineed. Asharq News, waxay xarunteedu tahay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai. Al-Arabiya iyo Al Hadath weli kama aysan hadlin guuritaankooda. Si kastaba ha ahaatee, MBC ayaa ku xaqiijisay war qoraal ah oo loo diray Reuters in bishii Febraayo ee sanadkii 2020, uu guddoomiyaha MBC uu ku dhawaaqay damaca ah in laga hirgeliyo Riyaad xarun cusub. “Qorshayaasheena meel wanaagsan ayay marayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay MBC usoo dirtay Wakaalada Wararka ee Reuters. Inkastoo ay yihiin xulafo aad isugu dhow, haddana Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dariska ah ayaa ku tartamaya sidii ay usoo jiidan lahaayeen maalgashadayaasha iyo shirkadaha, waxayna bilaabeen qorshayaal kale oo dhaqaale laga sameyn karo marka laga soo tago soo-saarka shidaalka. Danaha labada dowladood ayaa u muuqda mid sii xumeenaya xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale ku kala aragti duwanaadeen arrimaha Gobolka, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Turkiga. Qaran News
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad gobaleed ee Hirshabeelle ayaa madaxweynaha Maamulkaas ugu baaqay in uu soo gudbiyo Liiska Musharixiinta Aqalka sare. War ay soo saareen guddiga ayeey madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ku fareen in uu soo gudbiyo liiska Musharixiinta. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Source: goobjoog.com
-
Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada Baarlamanka Soomaaliya. Sida ku cad jadwalkaan xalay ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September. Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka. 1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November. Ugu dambeyntii 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashashada Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Itoobiya oo Ooda ka qaaday 150 gaadhi oo u raran Tigray,Baaqii qaramada midoobayna…. Itoobiya ayaa sheegeysa in inkabadan 150 gaari oo xaamuul ah oo siday gargaar bini’aadanaimo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay galeen gobolka uu dagaalka daashaday ee Tigray. Hadalkan ka soo baxay wasaaradda nabadda ee Itoobiya ayaa imanaya maalma uun ka dib markii Qaramada Midoobay ay xukuumadda Addis Ababa ugu baaqday in dhaq-dhaqaaqa gargraagka bini’aadanimo aanay wax shuruud ah ku xirin. Midowga Afrika ayaa sheegay in weli loo baahanyahay in wax-badan laga qabto gargaarka si loo xaqiijiyo inuu gaaro shacabka tabaaleysan ee ku xayiran gobolka Tigray. Gulufka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF ayaa bilowday bishii Nofeembar ee sannadkii tagay. Qaramada Midoobayna waxay sheegeysa in dad ka badan shan milyan oo qof ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin. Qaran News
-
Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas. Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba. Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada. Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post NAADIGA calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.