-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Geesiyaddii Carbeed ee Afduubtay Diyaaradda Israa’iil Ogosto 29, 1969. Haweeneey 25 jir ah oo xirneyd suud cad, koofiyadda cadceeda iyo muraayadaha qorraxda ayaa ku sugeysay garoonka diyaaradaha Rome, duullimaadka diyaaraddii numberkeedu ahaa TWA 840. Gabadhan da’da yar oo u ekeyd Aktarada Hollywood -ka Audrey Hepburn, ayaa ku guuleysatay inay la gasho bastoolad yar iyo laba bambo gacmeed iyada oo khiyaamaysay saraakiisha ammaanka garoonka. Waxayna isku deyday in ay muujiso in aanay qof kale ka aqoon safarkan. Saalim Isavi, wuxuu fadhiyay aagga ay rakaabku ku sugan yihiin gegida dayuuradaha oo sugaya bixitaankooda. Ninkaasi wuxuu isna ahaa xubin muhiim ah ka ahaa ciidanka kumaandooska Che Guara ee dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin (Popular Front for the Liberation of Palestine), gabadha magaceedana waxaa la oran jiray Laila Khalid. Laila Khalid ayaa ku timid Rome diyaarad khaas ah oo ka timid Beirut. Laila iyo saaxiibkeeda Isavi waxay si ula kac ah u qorsheeyeen inay iibsadaan kuraaskooda fasalka koowaad ee diyaaradda, qaybta VIP-da si ay ugu suurtogasho inay si sahlan ku gaadhaan agga duuliyaha. Kuraasta Laila Khalid iyo Salim Isavi ayaa si wadajir ah ugu dhowaa halka laga hago diyaaradda. Shaqaalaha diyaaradda ayaa u dhiibay Laila Coffee halka ay Isavi siiyeen khamri. Laakiin intaas ka dib, Laila Khalid waxba ma cunin inkasta oo mudalabkii diyaaraaddu ku adkaystay in ay waxa cunaan ama cabbaan. . Taas beddelkeeda waxay u sheegtay adeegaha inay qabow iyo calool xanuun dareemayso, ee i sii buste dheeraad ah si aan isku daboolo. Isla markii ay heshay bustahii, Laila waxay ku dhex qarsatay bistooladdii iyo banbadii si ay si fudud ugu gaadhi karto. Wareysi uu la yeeshay Eileen Macdonald, oo ah qoraaga buugga ‘Shoot the First Women’, ayay tidhi Laila Khalid, ‘markii shaqaalaha diyaaradda uu bilaabay quudinta, Salim ayaa si degdeg ah ugu booday qafaskii duuliyihii. Waxa kale oo aan gadaashiisa ka orday anigoo bam -gacmeedkii gacanta ku haya. ‘Kadib bastooladdii ayaan la soo baxay” ayay sheegtay Liala. Aniga iyo Isaavi waan qaylinnay waxaanan ku amarnay dhammaan rakaabkii darajada koowaad inay u gudbaan fasalka labaad. Afduubkan, Laila Khalid waxaa loo dhiibay hawsha la hadalka duuliyaha iyo xarunta laga hago duulimaadka. Laila ayaa ka codsatay duuliyihii diyaaradda inuu geeyo gegida diyaaradaha ee Lod, oo hadda lagu magacaabo David Ben Gurry Airport. Markii ay soo gashay dhulka Israa’iil, saddex diyaaradood oo kale oo kuwa dagaalka ah oo Israa’iil ah ayaa bilaabay inay duulaan. Sababtoo ah jahwareerka ay la kulmeen safarkii hore dhacdadii dhacday awgeed. Waxay moodayeen in diyaaradaha Israa’iil ay soo ridi doonaan diyaaraddooda. Laila Khalid waxay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha waxayna ku tiri hadda waxaad noo qaabili doontaa sidii PFLP Falastiin Carab ah, oo ma aha Flight TWA 840. Amarka garoonka diyaaradaha Israel ee Lod wuxuu ahaa kaliya in la khiyaaneeyo. Diyaaraddii waxa ay dul martay Lod. Boqolaal askari oo Israa’iiliyiin ah iyo taangiyadoodii ayaa dhulka taagnaa, diyaarna u ahaa inay ka hortagaan. Laila Khalid ayaa markaas ku amartay duuliyaha inuu diyaaradda geeyo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya. Intii uu jidka ku soo jiray, waxa ay ka codsatay duuliyihii inuu dul maro Haifa oo ah magaaladii ay ku dhalatay. Laila Khalid ayaa markii dambe wax ka qortay taariikh -nololeedkeeda, ‘markii aan ka arkay Falastiin xagga sare, waan iska hilmaamay inaan ahay afduube. Fikirkan ayaa maskaxdayda ku soo dhacay inaan qayliyo si aan u salaamo ayeeyaday, habaryartay iyo cid kasta oo kale oo aan guriga ku soo noqonaynay. Goor dambe duuliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay marayaan cirkii Haifa, wuxuu arkay anoo u muuqda sidii qof faraxsan” Markii uu ka soo degay gegida dayuuradaha ee Dimishiq, Salim Isavi ayaa waxyaabaha qarxa ku dhex riday qolka diyaaradda, kadibna wuxuu qarxiyay diyaaraddii. Aragtidiisa, tani waxay ahayd habka ugu wanaagsan ee lagu gaarsiin karo dadka reer Falastiin farriinta ay dunida u dirayaan. Wuxuu ogaa in Israa’iil aysan waxba ka tari doonin in la afduubtaa, sida oo kalena ay dili doonaan Laila Khalid. Laila Khalid waxay noqotay geesiyadda dumarka ah ee dunida Carabta. Laila Khaalid ayaa markii dambe lagu sameeyay lix qalliin si ay u beddesho sankeeda, dhabannada, indhaha iyo afka si ay gebi ahaanba u beddesho muuqaalkeeda isunana diyaariso afduub kale. Bishii Sebtember 1970kii, Laila Khaalid waxay ka soo haajirtay Lubnaan una guurtay Yurub. Halkaas oo uu ka bilawday hayaan kale. Qaran News
-
Dawlada Maraykanka oo lagu eedeeyay inay diidan tahay inuu maalgeliyo Dimoqradiyada Somaliland Xilli uu Malaayiin Dollar ku bixinaayo Somalia! Khabiirka Ameerikaanka ah ee Michael Rubin oo inta badan wax ka qora Arrimaha dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland, ayaa War-bixin dheer ka qoray Siyaasadda Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku kula Macaamilayso Dalalka Afrika ee Dimuqraadiga ah. Michael Rubin, ayaa war-bixinta dheer ee uu arrintan ka qoray isla-markaana uu ku soo qaatay Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somalilad wuxuu Ciwaan uga dhigay “Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanu waa inay joojiso sida quudhsiga ah ee ay ula dhaqmayso Dimuqraadiyadda Afrika..”. War-bixinta dheer oo uu Michael Rubin ku baahiyey Bog uu Internet-ka ku leeyahay, ayuu ku sheegay inaan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku aanay si siman taageero dhaqaale u siinin Dalalka Afrika, balse qaar aan dimuqraadi ahayn ay Malaayiin dollar siiso, kuwo ay hoggaamiyaan Madax Kaligood Taliyeyaal ahna ay sidaasi oo kale Malaayiin dollar u siiyaan si sanadle ah, balse Dawladaha Dimuqraadiga ah uu Maraykanku Quudhsado nidaamkooda Dimuqraadiyadeed. Michael Rubin oo dalalkaas uu Maraykanku siiyo dhaqaalaha barbar-dhigaya Somaliland, ayaa yidhi “Waddamadan (uu Maraykanku lacagta siiyo) barbar-dhig Somaliland, oo ah Qaran madax-bannaanidiisa Maraykanku aqoonsaday 1960, ka hor Midowgii isxilqaanka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, si ay Udhisaan Soomaaliya. Midowgaasi wuxuu burburay 1991-kii, laakiin Maraykanku uma soo celin aqoonsigii Rasmiga ahaa, halka Soomaaliya u xuub-siibatay Dagaallo sokeeye, Somaliland-na waxay sii ahaatay Nabadgalyo, waxay qabsatay doorashooyin kala duwan oo Hal qof iyo Hal Cod ah, kuwaasi oo ay ugu dambaysay doorashadii dhacday 31-kii May, 2021.” Michael Rubin oo War-bixintiisa sii wata, ayaa Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ku eedeeyay in aanay goob-joogayaal u dirin doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May ee sannadkan 2021, taasi oo illlaa 10 waddan oo Midowga Yurub ahi u soo dirsadeen kormeerayaal “Si ka duwan dal kasta oo Afrikaan ah, Somaliland waxay ku xaqiijisaa (Doorashada) hufnaanta hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyada oo lagu sameeyo baadhitaannada Isha Bu’deeda, diblumaasiyiin ka socda ku dhawaad toban dal dal oo tirsan Midowga Yurub, ayaa indho-indheeyey doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland, laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya midna uma dirin goob-joogayaal Mareykan ah..” Khabiirkan Maraykanka waxa kale oo uu qoraalkiisa ku soo hadal-qaaday doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay in labada Xisbi Mucaarad oo iskaashanayaa inay doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, lagana adkaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda oo Biixi u soo sharraxay Afhayeenka Baarlamaanka, laakiin Faratoon wuxuu aqbalay guul-darradiisa, Madaxweyne Biixina intii uu wiiqi lahaa dimuqraadiyadda wuu u dabbaal-degay Natiijada, Waayo ? “Karaamada dimuqraadiyaddu waxay hoos u dhigtaa damaca nin kasta..” Wuxuu sheegay in Boqortooyada Midowday ee UK aanay aqoonayn Madax-banaanida Somaliland, balse ay Somaliland ku leedahay Xafiis, Stuart Brown oo ah Wakiilkeeduna uu hambalyeeyay Guusha Somaliland ee doorashada. Rubin wuxuu ku canaantay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka in aanay Caawin Somaliland, iskaa inay caawisee xitaa aanay qiranin inay arrintaa ku khaldan tahay “Waaxda Arrimaha Dibeddu, waxay diiddan tahay inay xitaa qirato (inay khaldan tahay), iskaba daa inay caawiso oo ay Maalgeliso dimuquraadiyadda kaliya ee guulaysatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “In la taageero Somaliland uma baahna in la aqbalo Madax-bannaanideeda.” Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Arbacada berri ah dib uga soo laabanaya fasax kooban oo ay maalmahan ku jireen. Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan fadhigooda berri ku magacaabi doona guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay shaaciyay liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland. Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay Puntland ka qabsoonto maalmaha soo socda kadib marka la magacaabo guddiga xildhibaannada ah oo qabanaya doorashadaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo guda-galaya doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Xalay Ka Da’ay Magaalada Hargeysa Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay ilaa caawa ka hawlgalayay khasaarayaal kala duwan oo ay keeneen Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta khasaarihii ka dhashey iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee caawa ku hoorey caasimada Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :- 1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud. 2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas. 3-Dagmada Gacan-Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah. Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas. 5.Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe. Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen. Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas. Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa. Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goordhaweyd soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa soo saaray 22 musharax oo tartami doona 11-ka kursi ee Puntland ku leedahay Aqalka Sare, waxaana liiska ka soo muuqaday xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland. Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Cumar Cabidrashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Juurile. The post Deni oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Xamas ayaa naxdin ka muujisay xukun ay maxkamad ku taalla Sacuudiga ku riday tiro Falastiiniyiin iyo Jordanian ah oo deganaa dalkaas. Sida ay sheegtay Xamas, 69 ka mid ah xubnaheeda iyo taageerayaasheeda Sacuudiga, oo kasoo kala jeeda Falastiin iyo Jordan ayaa Axaddii lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa 21 sano. Raggan ayaa la xiray saddex sano kahor, ayada oo lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin urur argagixiso islamarkaana ay lacag u ururinayeen. Xamas ayaa ah laan ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Sacuudiga iyo Dalalka Gacanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso. “Walaalahan ma aysan gelin wax dambi ah oo horseedi kara xukunadan adag ee aan cadaaladda aheyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xamas. “Waxay sameeyeen ayaa ahaa kaliya inay taageereen qadiyadda shacabkooda, taasi oo aan wax dhibaato ah ku aheyn boqortooyada iyo dadkeeda.” Xamas ayaa soo dhoweysay go’aanka maxkamadda ay dambigi ugu weysay qaar ka mid ah dadka lasoo eedeeyey, hase yeeshee waxay sheegtay inay ka xun tahay xukunada adag ee aysan u qalmin ee lagu riday badankood. Xamas ayaa ugu baaqday hoggaanka Sacuudiga inay si deg deg ah usii daayaan raggan, ayna soo afjaraan silaca ay marinayaan qoysaskooda, oo socday laba sano ka badan. Dadka la xukumnay ayaa waxaa ku jira wakiilkii Xamas ee Sacuudiga Dr. Muhammad al-Khudari, oo 15 sano oo xabsi ah lagu riday. The post Sacuudiga oo si arxan darro ah mar kale u beegsaday xubno ka tirsan XAMAS appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa marti-qaad rasmiya ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuro Kenyatta, waxaana la filaya in Rooble iyo Kenyatta wada-hadalo ku yeeshaan magaalada Nairobi. Labada mas’uul ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadli doona adkaynta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, Socdaalka iyo Ganacsiga. Maalin ka hor, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Waxa xusid mudan, in xukuumadda Federaalka oo war soo saartay kulankaas kadib ay caddaysay in arrinta badda aysan ku jirin qodobada laga wada-hadlay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal. Kulanka labada mas’uul waxa ku weheliyay guddiga doorashada heer Galmudug iyo xubno ka socday guddiga Xalinta Khilaafaadka. Wararku waxay sheegayaan in Kulanka looga hadlay howlaha dardar gelinta doorashooyinka oo la filayo in Galmudug ay todobaadkan gudihiisa bilowdo doorashada Aqalka Sare. Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii u dambeeyay laga sugayay inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay guddiga doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
-
DEG DEG: Deni oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo saaray liiska musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Deni ayaa soo qoray liis musharaxiin ah oo intooda badan ay cusub yihiin, isaga oo reebay xubnihii Puntland horey ugu matalayey Aqalka Sare. Xubnaha laga reebay liiska musharaxiinta waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, inkasta oo wararka ay sheegayaan in isaga uu sidaas doonayey. Puntland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee soo saaray liiska, kadib Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraasta. Magacyada 22-ka musharax ee ku tartamaya 11-ka kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ayaa kala ah. 1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Maxamed Cusmaan Colaad 2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) iyo Kawsar Cabdulaahi Xirsl 3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud 4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur 5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin 6- Daahir Ayaanle Saciid iyo Maxamed Cumar Maxamed 7- Farxaan Cali Xuseen iyo Hodan Isxaaq Maxamed 8- Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim 9- Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabduqadir Maxamad Yuusuf 10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciima Axmad Bakar 11- Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac Waxaa hadda la sugayaa in guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ay shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee xubnahan oo ay dooranayaan xildhibaanada baarlamanka Puntland. The post DEG DEG: Deni oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online. -
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan. Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota. Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii. Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kooxda Taliban ayaa todobaadkan saddex caasimad goboleed ka qabsaday dowladda Afghanistan. Dagaalka ayaa sii xoogeysanayey wixii ka dambeeyey bishii May, markii ciidamada ajnabiga ay billaabeen wejigii ugu dambeeyey ka bixitaankooda dalka, oo la filayo in lasoo geba-gebeeyo bishan. Caasimad goboleedyada kala ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa saacado gudahood waxay dhammaantood Axaddii ugu gacan galeen Taliban, sida ay xaqiijiyeen sharc-dejiyayaal, ilo-waeedyo amni iyo dadka deegaanka. Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli dagaalka wadaan si ay dib ugu qabsadaan magaalooyinkaas. PUNTLAND POST The post Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan appeared first on Puntland Post. -
Somalia’s Prime Minister Hussein Roble on Sunday countered a presidential ban on agreements with foreign entities during the election period, instead suggesting that the executive arm of the government will continue to perform its full duties. It came a day after President Mohamed Farmaajo issued a decree banning Somali government institutions from entering into agreements with foreign countries of entities during the election season. Contrary to the president’s decree, PM Roble instructed all institutions to continue serving the nation as per the provisional constitution and the laws of the state. A statement by Roble and read by Government Spokesman Mohamed Ibrahim Moalimu said that the Premier wants the government’s business to continue as usual. “The Provisional Constitution grants the Council of Ministers full authority until the ongoing election generate a new government. “The executive power of the Federal Republic is vested in the Council of Ministers according with Article 97, Clause 1 of the Provisional Constitution. “The (Provisional) Constitution grants the cabinet the highest authority,” the statement said. Farmaajo’s decree on Saturday forbade government ministries and other institutions from entering memorandums of understanding or talks that can impact the future of the country, its sovereignty, and its territorial and marine boundaries. “No commercial agreements can be entered with foreign parties in the course of the election season,” the decree states. “The president urges all state institutions to respect the dignity, sovereignty and the progress achieved in recent years.” Farmaajo’s orders came as Roble prepared to host Kenya’s Foreign Affairs Cabinet Secretary Raychelle Omamo in Mogadishu on Sunday. The Kenyan minister met with her counterpart Mohamed Abdirizak and then PM Roble, handing him an invitation from Kenyan President Uhuru Kenyatta. But Ms Omamo left the country without paying a courtesy visit to President Farmaajo, which contradicts earlier remarks by Minister Abdirizak who had earlier said that the Kenyan minister would pay a courtesy call on President Farmaajo. Based on Article 103 of the constitution, Roble insisted that his government had authority to enter into agreements during the election season until a new government takes over. “The government is fully responsible for enforcing the law, maintaining security, protecting the interests of the country and the people of Somalia,” he said. “The National Constitution mandates the government to negotiate with foreign entities on aid, trade, treaties or other issues that are important for our international relations and agreements.” Omar Shire, a political insider in Mogadishu, expressed worry over Farmaajo and Roble’s difference in opinion. “The bitter exchanges between the two leaders are likely to widen the rift between the two offices – two leaders with unpredictable results for the big jobs in hand such the election process…It is a sad development at this point in time.” Source: The East African The post Somalia PM counters presidential ban on foreign agreements appeared first on Caasimada Online.
-
Hamdi Mohamud spent over two years in jail after getting tangled in an officer’s web of lies. But after all criminal charges against her were dropped, her lawsuit against that officer was thrown out. Why? Merely because the local police officer had been deputized as a federal officer during her bogus investigation. Source: Hiiraan Online
-
Somalia and Kenya have agreed to shore up their frosty diplomatic relations following a meeting in Mogadishu on Sunday between senior officials from the east African neighbors. Source: Hiiraan Online
-
Sideynu la socono 31 May, waxaa dalka ka qabsoomey markii koowaad doorashooyin isku sidkan ee Goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, taas oo guud ahaan jewiga nabad galyo ku dhacdey, dalka oo dhan si qurux badan murrashaxiin iyo bulshaba looga qeyb qaatey. Doorashadii ka dib casharro ayaa laga bartay dhinac walba ah, kuwaas oo u baahan in dhamaantood la dul istaagto, balse waxaan qalinka u qaatey maanta in aan aragtideyda ka dhiibto ka dib casharrada laga bartay doorashada, maxaa la gudboon xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbul xaakimka KULMIYE. Waxaa marag ma doon ah in guul darro aan looga baran Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhey labadii doorashaba, oo shacabka aqlabiyadiisu u codeeyeen in isbedel ay rabaan, farriinta shacabka ka timidna waxay uffo u aheyd waxaa la filan karo doorashada madaxweynaha ee innagu soo aadan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, haddii la guuleystana guusha Xisbiga, isagaa ku suntan oo taariikhda ku galaya, sidoo kale guuldaraddana isaga ayey ugu jirtaa diwaanka Xisbiga, sidaas oo ay tahey waxaa ii muuqatay illaa bilowgii xukuumadda Madaxweyne Muuse in ay jireen fursado badan oo uu Madaxweynuhu u lumiyey, siyaabo kala duwan iyo wakhtiyo kala duwan, kuwaas oo is biirsadeyna ay maanta banaanka soo dhigeen guuldarada ku habsatey Xisbigii aan guuldarada aqoonin ee KULMIYE. Fursadda koowaad ee Madaxweynuhu lumiyey waxay aheyd in aanu soo dhisin xukuumad tayo leh oo la jaan-qaadi karta waaqica shacabka ka filanayey, taas oo markiiba abuurtay kala xidhiidh furan bulshadda iyo Xukuumadda ah, taas waxaa u raacday in damalkii hadhka weynee ee KULMIYE noqday ka culayska ugu weyni ku dhaco oo maalinba ciddi ka tageysa ama laga saarayey. Haddaba, Maxaa la gudboon Madaxweynaha, isagoo Guddoomiye xisbi ah iyo isagoo ah Madaxweynihii qaranka? 1: Marka koowaad waa in Madaxweynuhu si degan oo bilaa Turxaan ah u qiimeeyaa Muddo xileedkii uu Madaxweynaha ahaa xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa waxaa u qabsoomay, waxaa ka qaloocmay iyo sababaha keenay dhamaantood, isagoo ka duulaya taariikhdii Xisbiga KULMIYE iyo waayo aragnimadiisa siyaasadeed. 2: Qiimeyn ka dib, Madaxweynuhu waa in uu yeesho dhiiranaan iyo kalsooni cad oo uu ku wajihi karo sidii xukuumad ahaa iyo xisbi ahaanba loo dhisi lahaa ama loo kasban lahaa Shacabka, taas oo aragtideyda ku imaneysa in isbeddel la taaban karo ku sameeyo gun iyo baarba golaha xukuumadda ee hadda joogta, dhiig cusubna ugu shubi lahaa xukuumadiisa inta u hadhey muddo xileedkiisa, iyadoo ay fududahey in isbeddel la sameeyo hadana waa in uu noqdaa isbedelkaasi mid daboolaya galdaloolooyinka muuqda ee doorashooyinku daaha ka feydeen. 3: Waxaa muuqatey in guuldarada Xisbiga soo gaadhay ay qeyb weyn ku lahaayeen kaadiriin xisbiga ka tirsan oo madaxweynaha isa seegeen, inta ay taasi jirtana waa la sii kala fogaanayaa, Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu noqdo odayga Xisbiga, arrinkaas xal kama danbeys ah u helo, macal hadey dacarta ka qadhaadhahey. 4: Sida la wada socono toddoba sanno oo Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ahaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Taasi waxay siisey fursad uu xisbiga ku dhiso isna uu hankiisa ku gaadho, Madaxweynuhu waxaan kula talin lahaa waa in uu abuuro jewi uu fursad siyaasaddeed iyo mid awooddeedba ku muuqan karo qofka isaga ka beddeli doona jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, 5:Bulshadu waxay ka kooban tahay qeybo kala duwan, waxaa muuqata in uu madaxweynuhu lumiyey xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii uu lahaa Madax dhaqameedka bulshada, inkastoo wanaagsan tahay in madax dhaqameedku saameyn ku yeelan siyaasadda, haddana waa furayaasha bulshada iyo albaabada laga galo, madaama ay Bulshada metelaan, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa waxaa la gudboon in ay xidhiidh wanagsan la yeeshaan madax dhaqameedka oo maalinba maalinta ka danbeysa ka sii fogaanaya. 6: Waxaa muuqatey tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi noqday Madaxweynaha in isha kaliya ee xukuumadda laga gaadho ay isaga aheyd, taasi waxay yareysey fursadihii ay bulshaddu u wada gaadhi laheyd ama dareenkooda ay ugu gudbin lahaayeen, waxaa madaxweynaha la gudboon in uu sameeyo hawl daadejin sahli karta in dhamaan hawlaha qaranka oo dhan kaligii lala sugin go’aan qaadashadeeda, Ugu yaraan uu soo celiyo Wasaaraddii Madaxtooyadda oo aheyd biriish ku xidha bulshada iyo madaxweynaha maanta ay si cad u muuqato baahida loo qabo. Gebogabadii, Guusha ay Xisbiyadda Mucaaridku ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkanaa iyo hanshadda shir gudoonka wakiiladdu waxay fariin digniin ah u tahay xisbi KULMIYE, tallaabo kasta oo madaxweynuhu qaadana waa in ay noqotaa mid dhalin karta in xisbiga KULMIYE darajo u kordhineysa una gogol xaadheysa sidii mar labaad Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka ugu guuleysan lahaa, Waxaana haboon in niyad jab laga qaadin natiijooyinkii doorashooyinkii dhacay balse cashar ayaa laga baranaya dib laysku qiimeeyo Waxa qoray: Hussein Hassan Yusuf Cadde Birmingham UK Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya waxaa la burburiyey gawaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lagu beegsaday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay ku xoogan tahay. Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogagga baraha bulshada ee warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka, isla markaana la burburiyey dhammaan gaadiidkii ay qaraxyada ku diyaarisay kooxdu. “Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, dhammaantoodna waa la baabi’iyey,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, dhammaantoodna waa la baabi’iyey. — Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) August 9, 2021 Faahfaahin intaas ka dheeri ah lagama bixin howlgalkaas qaabka loo fuliyey, tirada gaadiidka laga burburiyey Al-Shabaab, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo halka loo waday ama lagu beegsa rabay qaraxyada laga hor-tegay. Kooxda Al-Shabaab ayaa awood badan ku leh gobolka uu howlgalkaan ka dhacay ee Jubbada Dhexe, kaas oo gabi-ahaantiis ay maamulaan. Inta badan diyaaradaha wax duqeeya ee dowladda Mareykanka ayaa beegsada saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada ay ka joogaan gobollada dalka, waxaana loo maleynayaa in howlgalkaan lagu fuliyey duqeyn dhanka cirka ah. Waxaa aad u yar xogta laga heli karo dadka deegaanka, sidoo kale dhanka Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin howlgalkaan ay dowladda Soomaaliya shaacisay in lagu beegsaday gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen. The post DF oo shaacisay in laga hor-tegay qatar ay soo maleegeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay ilaa caawa ka hawlgalayay khasaarayaal kala duwan oo ay keeneen Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta khasaarihii ka dhashey iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee caawa ku hoorey caasimada Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :- 1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud. 2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas. 3-Dagmada Gacan_Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah. Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas. 5.Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe. Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen. Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas. Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa. Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada. Cabdiwahaab Toox Media Section Info@fire.govsomaliland.org 990 Emergency Service Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay Caasimadda Online ka heshay ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xaqiijineysa in Qoorqoor uu labadii todobaad ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa sidii uu meesha uga saari lahaa kurisiga Aqalka Sare ee uu ku fadhiyo Abshir Bukhaari. Arrintan oo qeyb ka ah heshiis hoose oo ay galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Qoorqoor ayuu Farmaajo ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in Abshir Bukhaari oo uu eedo badan ka tirsanayo meesha laga saaro. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa caqabad weyn oo maamulka Farmaajo ka hortaagnayd wax ka bedelka nidaamka federaalka dalka muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo ayaa sidoo kale arrintan ku tijaabinaya daacadnimada Qoorqoor iyo sida uu uga soo dhalaali karo fulinta dib-u-doorashada madaxweyne Farmaajo. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in durbaba uu Qoorqoor billaabay isku dayga ah kursigan loo wareejiyo Golaha Shacabka, si Abshir meesha looga saaro. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in kursigan uu Qoorqoor siiyo qof jufo hoose la ah Abshir Bukhaari, si uu xitaa uga rajo tiro Golaha Shacabka. Dhanka kale, heshiiska Qoorqoor iyo Farmaajo waxaa ka mid ah in dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug lagu qoro taageerayaasha Farmaajo, maadaama ay yartahay fursadda uu Farmaajo ka heli karo kuraasta Golaha Shacabka oo qabaa’ilku ay leeyihiin go’aankooda. Waxaa la xaqiijiyay in Senetor Samsam oo ka mid ah kooxda Farmaajo dib loo qorayo, halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed oo ku dhow Farmaajo kursigiisa loo soo wareejinayo Aqalka Sare, si loo damaanad qaado in uu dib u soo laabto, taas oo muujineysa dadaalka uu Qoorqoor ku bixinayo dib-u-soo laabashada Farmaajo. Si uu u fuliyo qorshahan, Qoorqoor ayaa malaayiin dollar loo ballan-qaaday, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inay tan horseedo dagaal ka dhacao Dhuusomareeb ama ay Galmudug burburto. Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada caasimadda u ah Galmudug ku qulqulayey ciidamo badan oo taabacsan siyaasiyiinta beesha Habargidir ee xil doonka ah, waxaana magaalada uu dagaal ka qarxi karaa marka Qoorqoor uu shaaciyo liiska musharaxiinta. The post Xog: Waa maxay sababta uu QOOR QOOR meesha uga saarayo Abshir Bukhaari? appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Sudan: Ethiopian refugees face increasingly difficult conditions as more people flee their homes Ethiopian refugees in the camps in south-east Sudan face increasingly dire living conditions ADDIS ABABA, Ethiopia, August 9, 2021/ — As fighting in Ethiopia’s Tigray region and other areas in the north of the country forces more people to flee their homes, Ethiopian refugees in the camps in south-east Sudan face increasingly dire living conditions. Food, clean water, shelter and sanitation are desperately insufficient, and an increasing number of people suffer from malnutrition and diseases like malaria and hepatitis E. The onset of the rainy season worsened the situation and some refugees are choosing to undertake dangerous migration routes or move to other areas of the country. “Everyone is just trying to make their life better, but youth are in a bad situation and they’re turning to drugs and alcohol. They’re starting to have psychological problems. There are also all the children separated from their families who are here alone,” said Daniel, a 23-year-old student living in Um Rakouba camp. Besides the harsh living conditions, thousands of refugees are unable to contact their family members with telecommunication networks in many areas of the Tigray region down. Many people suffer trauma and emotional distress, following months of not knowing if they will be reunited with their spouses and children. Since the beginning of the Tigray crisis, the International Committee of the Red Cross (ICRC) facilitated nearly 22,200 successful phone calls between refugees and their families. However, it registered over 20,000 unsuccessful phone calls in the same period, meaning that thousands of people could not receive news from home. “Months go by without any news from family members for far too many people,” said Maria Carolina Aissa, the head of the ICRC sub-delegation in Kassala. “It is heartbreaking to see how people struggle to maintain dignity and hope in these circumstances.” About ICRC’s work for refugees in Sudan: • The ICRC supports the Sudan Red Crescent Society (SRCS) in Gedaref and Kassala to help refugees maintain contact with their families. The SRCS works in Um Rakouba and Tunaydba Ethiopian refugee camps, in Shargrab camp for Ertirean refugees, as well as in two transit sites, where the SRCS and the ICRC trained 38 host community and refugee community volunteers. • The ICRC collected 228 tracing requests for family members inside the camps and received 20 cases from abroad through national Red Cross and Red Crescent societies. It resolved 6 cases and registered 58 unaccompanied minors. In total, approximately 60 – 70% of the total Tigrayan refugee population in eastern Sudan has benefitted from phone calls or tracing services. • The ICRC has been supporting Doka Rural Hospital, rehabilitating infrastructure, providing medical supplies, personal protection equipment and training for the staff. It donated more than four tons of medical supplies to the hospital, that provides services to more than 40,000 members of the host community and to over 18,000 refugees in Um Rakouba camp. Distributed by APO Group on behalf of International Committee of the Red Cross (ICRC). Access Multimedia Content SOURCE International Committee of the Red Cross (ICRC) Qaran News
-
Maalinta berri Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaal rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay u wada hadlaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa labadii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii hore Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, waxaase xiriirka diblomaasiyadeed la soo celiyay laba bil ka hor markii ay dhexdhexaadisay dowladda Qadar. Dowladda Soomaaliya waxa ay hakisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, sidoo kale labada dal ayaa adkeeyay dal ku galka ay muwaadiniinta labada dal ugu safraan Muqdisho iyo Nairobi, waxaa adkeyntaas socdaalka ka mid ah in Kenya ay hakisay in masuuliyiinta Soomaaliya ay dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya marka ay yimaadaan, waxaa kaloo ay canaaddaa dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah oo qaarkood ay soo celisay iyagoo wata dal ku gal. Haddaba maxaa muhiim u leh Soomaaliya? Soomaaliya waxa ay kenya kala hadli kartaa saddex arrin oo hortabin u leh, kuwaasoo dhammaantood horay looga heshiiyay, laakin ay Kenya fulin waysay. 1- Joojinta fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya Dowladda Soomaaliya waa in ay ku adkeysayaa oo ay shuruud wayn ka dhigtaa in Kenya ay joojiso fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya. Arrintan oo qeyb wayn ka ahayd khilaafka labada dal waa mid lama taabtaan u ah Soomaaliya. Inkasta oo ay inkirsan tahay dowladda Kenya jiritaanka arrintan, haddana waxaa lagama maarmaan ah in ay ballan qaaddo in ay ilaalinayso madax bannaanida daleed, dhuleed, siyaasadeed iyo siyaadada dalka Soomaliya. 2- Socdaalka iyo dal ku galka (Visa) Kenya iyo Soomaaliya waxa ay saddex mar (2016, 2017 iyo 2019) ku heshiiyeen in dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah laga dhaafo dal ku galka (visa) ama ay garoomada labada dal ka qaataan dal ku galka (fiisaha). Arrintaan oo December 2016-dii lagu beddeshay in Kenya qaadka ay usoo dhoofiso Soomaaliya, marna lama fulin, waxaa diidday dowladda Kenya oo marba keeneysay marmarsiyo hor leh. Sanadihii la soo dhaafay Kenya waxa ay garoomadeeda ka soo celisay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo wata baasaboorro diblomaasi ah iyo kuwa Service-ka oo qaarkood haystay dal ku galka Kenya, iyagoo joojiyay in ay xildhibaannada iyo wasiirrada Soomaaliya ay Dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya, taas oo loo oggolaa muddo dheer. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu ku adkaystaa wax ka qabashada arrintan, oo waliba uu hubiyaa in aysan Kenya ballan qaad afka ah kaliya bixin halka dhinaca Soomaaliya ay ka gaarayso danaheeda, marka laga soo tago dadka ku safraya baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa Service-ka, waxaa kale oo muhiim ah in lagala hadlo in ay fududeeyaan dal ku galka baasaboorka caadiga ee shacabka ama ay ka dhigaan in garoomadooda laga qaato. 3- Isu-dheeli tirka ganacsiga labada dal Kenya waxa ay Soomaliya u soo dhoofisaa badeeco badan, Qaadka, caleenta shaaha, cunto iyo dhar ayaa ka mid ah, waxaa huban in ay ajandaha ku darsan doonto in dib loogu oggolaado in ay qaadka u soo dhoofiso Soomaliya. Dhinaca kale Soomaaliya waxba uma dhoofiso Kenya, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa laga sugayaa in ay kala hadlaan Kenya in ay oggolaato in loo soo dhoofiyo badeecadaha laga helo Soomaaliya sida qudaarta, kalluunka iyo kuwa kale ee loo baahdo. Kenya dhowr jeer ayay ka baxday heshiisyo ay la gashay Soomaaliya ama ay ku guul darraysatay in ay dhaqan geliso. Heshiisyadaas waxaa ka mid ah qodobbada kore oo dhowr jeer laga heshiiyay laakin aanan fulin, waxaa Ra’iisul Waaaaraha iyo wafdigiisa laga doonayaa in ay arrintaan u sheegaan Kenya, lana sameeyo qaab lagu kormeeri karo waxa ka fula heshiisyada ay gaaraan labada dhinac oo ka tarjumaya danaha labada dal. W/Q: Abdiaziz Golfyare The post Saddex arrin oo Soomaaliya ay ka doonayso Kenya marka ROOBLE uu tago Nairobi? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Mudug oo la dabaal-degaya ciyaartoyda Mudug Xulka kubbadda cagta gobolka Mudug ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta saddex iyo waxba (3:0) ugu awood sheegtay xulka Karkaar. Labo ka mid ah goolasha waxaa Mudug ka caawiyay ciyaaryhanka Axmed Cabdiqaadir (Darwiish), halka goolka kale uu ilbiriqsiyadii ugu horreeyay ciyaarta uu dhaliyay Cabullaahi Jaamac (Jufo). Xulka Mudug ayaa ah xulka weli shabaqiisu nadiifka yahay ee kaalinta kowaad uga soo baxay guruubka ‘B’, waxaana soo raaaci doona midkooda xulalka Ceyn iyo Karkaar oo 11 bishan Agoosto wada ciyaari doona, kuwaas oo midkiiba leeyahay 3 dhibcood. Xulka Mudug waxaa u harsan kulan aan macne sameyn doonin oo ay la leeyihiin Arbacada xulka Gardafuu oo isagu ka haray tartanka. Mudug waa xulkii labaad ee u soo baxa wareega afar dhammaadka tartankan, Nugaal oo ku jirta guruubka ‘A’ ayaa shalay u soo baxday wareega afar dhamaaadka. PUNTLAND POST The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Xulka Mudug oo u soo baxay wareega afar dhamaadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha watigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble. Dr. Xasan Sheekh oo wareysi siiyey telefishinka Unviersal TV ayaa sheegay in madaxtooyada Villa Somalia lagu joogi karo laba arrin oo kaliya, oo kala ah; heshiis siyaasadeed iyo Dastuurka. Waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan midna labadaas ku joogin madaxtooyada Soomaaliya, midaasi oo ka dhigan inuusan haysan dood Dastuuri ah, sida uu hadalka u dhigay. “Qofka madaxweynaha ka noqonayo Soomaaliya laba qodob midkood ayuu ku joogi karaa Villada, mid waa heshiis siyaasadeed iyo midna waa Dastuur, Farmaajo labadaba midna ma heysto, sidaas darteed ma heysto dood dastuuri, fursadda dastuuriga ah waxaa heysto Rooble,” ayuu yiri Dr. Xasan Sheekh. Dr. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in warqadda uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay mid lagu saxayo siyaasadda Soomaaliya. “Warqadahaan iska soo daba dhacay waxaan ku magacaabi karnaa sixitaan siyaasadda Soomaaliya la saxayo, xaqiiq ahaantii warqadda uu soo saaray Ra’isulwasaaraha Xkuumadda Xil-gaarsiinta waxay aheyd inuu soo saaro 9-kii bishii February oo aheyd maalin kadib markii uu dhammaaday waqtigii dastuuriga ahaa ee Farmaajo,” ayuu yiri Dr. Xasan. Dr. Xasan oo wax laga waydiiyey saameynta ka dhallan karta khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrintaan ay ku xiran tahay sida uu u dhaqmo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna xusay inay suuragal tahay in khilaafkaan uu sababo gacan ka hadal haddii uu Farmaajo isku dayo inuu faragelin ku sameeyo hey’adaha amniga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay qaaday tallaabo lama filaan ah oo ku saabsan mas’uuliyadda ka saaran hagidda maamulka dowladnimo ee xilliga kala guurka, kadib markii uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu uga joojinayo xukuumada inay gasho heshiisyo. The post Dr. Xasan Sheekh: “Farmaajo laba qodob oo kaliya ayuu ku joogi karaa Villa Somalia” appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxeexday magaalada Muqdisho qayb kamid ah misaaniyadda doorashooyooyinka oo gaadhaysa toddobo malyan iyo laba boqol oo kun oo doollar ($7.2 Million). Lacagtan oo ay bixinayaan deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto dardargalinta doorashooyinka ka billaamaya Soomaaliya. Dhinaca kale isla maanta waxa magaalada Muqdisho dib loo furay safaaradda dalkan Kenya ku leeyahay Soomaaliya oo xidhneyd dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababbo la xidhiidha khilaafka ka dhaxeeyay labada wadan oo hadda u muuqda inay meelo badan isaga soo dhawaanayaan. Source