-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sareedo Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay kursiga Kow iyo tobanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senatorka 11aad ee Puntland kasoo baxay Sareedo Maxamed Xasan “Jeyte” ayaa ku guulaystay kadib markii Fartuun yuusuf jaamac ay tartanka isaga hartay iyada oo cod gacan taag ah oo barlamaanka puntland u qaadeen ka heshay wadar ogol 64 Cod . Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Kow iyo tobanaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda iyo siyaasiyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ahaa qaar si weyn uga soo horjeeday in aan reer Awdal kamid noqon xubnaha shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas oo fikirkaa la qabay Xukuumadda Madaxqweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE. Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka tirsan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ahaa qaar si weyn uga soo horjeeday oo u diidanaa in reer Awdal ay kamid noqdaan shir guddoonka Golaha Wakiillada,isla markaana dagaal qaawan la galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil,waxaanay ahayeen kuwo la safnaan Xukuumadda,isla markaana kursigaas u diidaan reer Awdal. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiir Saajin saddexdan masuul ayaa ahaa kuwa ugu darran,isla markaana dagaal cidiyo ku dagaalan ah la galay Gobolka ay ka soo jeedaan ee Awdal oo ay u diidanayeen kursigaas u soo kordhayey ee Guddoomiye ku-xigeenka 2 aad ee Golaha Wakiillada Somaliland. Dhanka kalene Wasiiradda ayaa la arkayey iyagoo si weyn ugu ololleynaya ,isla markaana Xildhibaannada reer Awdal ugu baaqayaa inay codka siiyaan Musharraxiin kale oo aan ka soo jeedin Gobolka,waxay taas baddelkeeda amrayeen in aan loo coddayn Cali Xaamud Jibriil,waxa xusid muddan in la arkayey Wasiiradda qaar oo Xildhibaannada beelaha kale ka codsanayna in aan loo coddeyn Cali Xaamud jibriil. Source
-
Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad ayaa ku guuleystay kursiga Tobanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senatorka 10 aad ee Puntland kasoo baxay samiiro maxamuud xaaji cawad iyada oo murashax naciima axmad bakar ay isaga hartay tartanka cod gacan taag ah oo barlamaanka puntland ay u qaadeen ka heshay wadar ogol 65 Cod . Samiiro Xaaji Cawad, waxay ku dhalay Muqdisho 1983-dii Waxbarashada hoose ilaa Sare Kenya, dusgi sare ilaa Jaamacad dalka Holland Waxay kasoo shaqeysay Daryeel bulshada dhimirka, caawinta haweenka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad ayaa ku guuleystay kursiga Tobanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senatorka 10 aad ee Puntland kasoo baxay samiiro maxamuud xaaji cawad iyada oo murashax naciima axmad bakar ay isaga hartay tartanka cod gacan taag ah oo barlamaanka puntland ay u qaadeen ka heshay wadar ogol 65 Cod . Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Tobanaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdi qani Geelle Mohamed ayaa ku guuleystay kursiga Sagaalaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. senatorka 9aad ee Puntland kasoo baxay ayaa noqday Cabdi qani Geelle Mohamed isaga oo helay 52 cod isaga oo murashaxii la tartamayay cabduqaadir maxamed yuusuf uu helay 12 cod . Cabdiqani Geelle Maxamed waxaa uu ku dhashay 1970, waa aabe xaasle ah, waxbarashada 1976-1980 dugsiga hoose, sare 1980-1983 dhexe Axmed Gurey Muqdisho, Muuse Galaal, SIDAM Diploma, 2004-2006 Post Graduate Diploma Kenya, 2010-kii Project Management heerka 1-aad F. University. Wuxuu kasoo shaqeeyay Ha’adda Unicef, Bisha Cas, Islamic Charity oo uu ku xigeenka Madaxeeda Galkacyo iyo Burtinle isaga oo Puntland kasoo noqday wasiir xigeen duulista hawada, iyo Wasiir dowle wasaaradda duulista hawada iyo wasiirdu dowlaha kaluumeysiga ee xukuumadda madaxweyne Deni . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdi qani Geelle Mohamed ayaa ku guuleystay kursiga Sagaalaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. senatorka 9aad ee Puntland kasoo baxay ayaa noqday Cabdi qani Geelle Mohamed isaga oo helay 52 cod isaga oo murashaxii la tartamayay cabduqaadir maxamed yuusuf uu helay 12 cod . Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Sideedaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay “Food Cade” ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay Sarkaalkan kasoo goostay Al-Shabaab, kaasi oo ahaa madaxii ilaalinta xabsiyada. Food Cade ayaa waxa uu ka howl-gali jiray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna xarakada ka tirsanaa muddo lagu sheegay 7 sanno, isagoo oo ka qeyb galay dagaalo faro badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa dib uga laabtay fikirkii uu hore dadka ugu gumaadi jiray, wuxuuna warbaahinta u mariyey xubnaha kale ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo aan loo adeegsan daadinta dhiiga shacabkooda. Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay soo bandhigaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u soo goostay dhanka dowladda, waxayna kusoo aadeysa xili ay socdaan howl-galo ballaaran oo dagaalyahanada kooxdaas looga xoreynayo dalka. The post Madaxii xabsiyada ee Al-Shabaab oo u gacan galay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska Xubnaha Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Somalia oo hadda la doortay Golaha Wakiilada Puntland Doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa lagu doortay 11-ka Senator ee maamulka Puntland ku matalaya Aqalka Sare ee Soomaaliya. Qaar badan oo kuraasta ka mid ah ayaan doorasho la gelin kadib markii, sida la sheegay ay “tanaasuleen,” xubnihii u sharaxnaa, taasi oo sababtay in doorashadu ay waqti gaaban kusoo idlaato. Xubnaha maanta la doortay ayaa kala ah: 1-Cabdiraxman Maxamed Maxamuud oo ka guuleystay Maxamed Cusmaan Colaad. 2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ka guuleystay Kawsar Cabdulaahi Xirsi. 3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) oo ka guuleystay Maxamed Geedi Maxamuud. 4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) oo ka guuleystay Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur. 5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka guuleystay Ismaaciil Mire Muumin. 6- Daahir Ayaanle Saciid oo ka guuleystay Maxamed Cumar Maxamed. 7- Farxaan Cali Xuseen oo ka guuleystay Hodan Isxaaq Maxamed. 8- Saynab Ismaaciil Maxamed oo ka guuleysatay Aamina Jaamac Ibraahim 9- Cabdiqani Geelle Maxamed oo ka guuleystay Cabduqadir Maxamad Yuusuf. 10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad oo ka guuleysatay Naciima Axmad Bakar. 11- Sareedo Maxamed Xasan oo ka guuleysatay Fartuun Yusuf Jamac. Maamul Puntland ayaa noqonayaa maamulkii koowaad ee soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare,iyada oo dhammaan la doortay xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare. Maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana horey u doortay Xubno ka mid ah tirada guud ee xubnaha laga soo dooranayo maamulladaas. Qaran News
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilalkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasimada. Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle. Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir. Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa waxaa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kumeel gaar ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxamed isna ah ku xigeenka amniga degmada, halka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi. Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka. The post FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah doortay Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland. Xubnahan oo ka kooban 11 xubnood ayaa qaarkood lagu doortay hab gacan-taag ah kadib markii ay u tanaasuleen murashixiin kale oo kula qornaa kursiga Aqalka sare. Halkaan hoose ka akhriso magacyada xubnaha loo doortay Aqalka sare: Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Maxamed Cali Yuusuf Gagaab Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan). Daahir Ayaanle Siciid Farxaan Cali Xuseen Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) Cabdiqani Geelle Maxamed Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte). Liiska wax aka soo dhex muuqda afar ka tirsan Golaha xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo doortay 11 xubnood oo Puntland ku matala Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Senatorka 8aad ee Puntland kasoo baxa waxaa ku guulaystay Zaynab ismail Mohamed kadib markii murashax Aamina jama ibrahim ay tartanka isaga hartay iyada oo cod gacan taag ah oo barlamaanka PL u qaadeen ay heshay 65 Cod . Zaynab Ismaaciil Maxamed waxay ka soo baxday Gahayr, waxayna kasoo shaqeysay ha’addo si gaar ah xalinta khilaafaadka ,waxbarashada haweenka iyo ilaalinta deegaanka . Waxay haatan kamid ahayd golaha wasiirada Puntland iyada oo ahayd wasiir xigeenka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senatorka 8aad ee Puntland kasoo baxa waxaa ku guulaystay Zaynab ismail Mohamed kadib markii murashax Aamina jama ibrahim ay tartanka isaga hartay iyada oo cod gacan taag ah oo barlamaanka PL u qaadeen ay heshay 65 Cod . Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Sideedaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga Todobaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa markale loo doortay Aqalka-sare ee BJFS ee Puntland, kaddib markay tartanka ka hadhay Hodon Isxaaq. PhD ka heystaa oo waxbarashada Jaamacadda North Dekota, Project Management Saint Mary’s University, Minnesota iyo BS oo cilmiga Computerada. Waxaa uu horay uga soo shaqeeyey Lighthouse Academy of Nations, Minneapolis, Minnesota, agaasime Rochester Math and Science Academy. Soomaaliya, waxaa uu 2016-kii noqday Senator, waxaa u tanaasushay Hodan Isaaq Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga Todobaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa markale loo doortay Aqalka-sare ee BJFS ee Puntland, kaddib markay tartanka ka hadhay Hodon Isxaaq. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Todobaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid ayaa ku guuleystay kursiga 6aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacan-taag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 6aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Maxamed Cumar Maxamed uu ka haray tartanka. Waxaa uu ku dhashay 1962-dii, ilaa dusgi sare isla Xamar, waxaa uu kasoo shaqeeyey guud ahaan dalka gaar ahaa hey’ado maxali ah iyo kuwoo caalami ah. Waxaa tagay Puntland burburkii kadib, waxaa uu ka mid aha aasaasayaasha waxbarashada Puntland, waxaa uu kasoo shaqeeyey caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid ayaa ku guuleystay kursiga 6aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacan-taag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 6aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Maxamed Cumar Maxamed uu ka haray tartanka. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga shanaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga shanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa waxaa u tanaasulay musharixii la tartamayay Ismaaciil Mire Muumin, kaas oo sheegay in uu doorashada isaga haray. Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan: 1996-dii, Guddoomiyihii wargeyska codka nabadda, 1996-2004 waxaa uu ahaa ganacsade, 2006-2008 waxaa uu noqday wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha ee Puntland ee Cadde Muuse, 2019-2021 guddoomiyaha gobolka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga shanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa waxaa u tanaasulay musharixii la tartamayay Ismaaciil Mire Muumin, kaas oo sheegay in uu doorashada isaga haray. . Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga shanaad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shan xubnood ayaa ilaa iyo hadda ku soo baxay doorashada Aqalka sare ee ka socota xarunta Baarlamanka Puntland ee Garoowe. Xubnaha la doortay ayaa kala ah; madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo isagu hore u fadhiyay Aqalka sare afartii sano ee la soo dhaafay. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo Puntland ka soo noqday wasiirka Maaliyadda iyo madaxweyne ku xigeen, kaas oo cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay, Kawsar Cabdullaahi. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo isna lagu doortay cod-gacan taag ah, kadib markii uu u Cabdullaahi Xaashi oo la tartamayay. Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Majiino ayaa noqday shakhsiga afraad ee ilaa iyo haatan ku soo baxay Aqalka sare, kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Geeddi oo la sharraxnaa. Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa loo doortay xubinimada Aqalka sare kadib markii uu u tanaasulay Ismaaciil Mire Mumin oo la sharraxnaa. PUNTLAND POST The post Shan xubnood oo ku soo baxay doorashada Aqalka sare ee Garoowe ka socota appeared first on Puntland Post.
-
Cabdullaahi Cali Xirsi ‘Tima-cadde ayaa ku guuleystay kursiga Afaraad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Timacadde oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa cod gacan-taag ah loogu doortey Senator Aqalka-sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasuley msuahrrax Cabdullaahi Xaashi. Cabdullahi Cali Xirsi Tima cadde, ayaa waxa uu horay u soo noqday wasiiirka wasaaradaha Wasiirka howlaha guud ee duulista , wasiirki beeraha, wasiirka arrimaha gudaha. Timacadde ayaa sidoo kale hadda ahaa wasiirkii warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland, isagoo hadda noqday senator Aqalka sare ka tirsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdullaahi Cali Xirsi ‘Tima-cadde ayaa ku guuleystay kursiga Afaraad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Timacadde oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa cod gacan-taag ah loogu doortey Senator Aqalka-sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasuley msuahrrax Cabdullaahi Xaashi. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in musharax gaagaab uu ku guuleystay kursiga Afaraad ee aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com