-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye xagjir ah oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay isbaheysi Militari la sameysatay ciidamada Tigrayga oo hadda kusii jeeda caasimadda dalkaas ee Addis Ababa, xilli colaadii ka qaraxday gobolka Tigray sanadkii hore ay ku fidday qaybaha kale ee dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan. “Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, laguna hadlo luuqadda ay rabaan in lagula hadlo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, xilli uu wareysi siiyey Associated Press. Isbaheysiga cusub oo uu hoggaamiyahaan la yeelanayo kooxda TPLF ayaa ah astaan muujineyso in collaadii kasoo bilaabatay dhulka Tigreyga Bishii November ay gaartay meel xun, wuxuuna dagaalkaan markii hore kasoo bilowday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Ra’isuwasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo xukumayey dawladda Itoobiya ku dhawaad 30 sano. Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalka sagaalka bilood socday gobolka Tigray, waxaana ciidamada Dowladda Itoobiya lagu eedeeyey inay deegaanada qowmiyadda Tigreega ka geysteen kufsi wadareedyo, sidoo kalana waxaa dagaalka ka dhashay macluul iyo barakac xooggan. Hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada ayaa sheegay in heshiiska uu la galay TPLF la gaaray dhowr todobaad ka hor kadib markii ay hoggaamiyaasha Tigreega sidaas soo jeediyeen. “Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga dhanka milateri, waxaan wadaagnaa macluumaadka goobta dagaalka waxaana u dagaallanaa si isbarbar socda,” ayuu yiri Diriba. Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa sheegay inuu socdo wadahadal isbaheysi dhanka siyaasadda ah, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo kale oo wada-hadal lagula jiro isagoo carabka kusii adkeeyey inay jiri doonaan isbaheysiyo waaweyn oo ka dhan ah taliska Abiy Axmed. Isbahaysigaan ayaa waxaa ku midoobayo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray, oo hore udub dhexaad u aheyd dowladdii Itoobiya balse si weyn uga hor timid midda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo Oromo Liberation Army oo sanadkii hore ka go’day xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front, waxaana xusid mudan in qowmiyadda Oromada ay tahay qowmiyadda ugu badan Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkaan ku dhawaaqday in labadaan urur ee TPLF iyo OLA ay yihiin ururo argagixiso oo ay tahay in laga ciribtiro dalka Itoobiya. Hoggaamiyaha ciidamada TPLF Gen. Tsadkan Gebretensae iyo afhayeenka xukuumadda Ra’isuwasaare Abiy weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha OLA oo uu ku sheegay inuu isbaheysi Militari la sameystay TPLF. Hoggaamiyaha OLA ayaa hadlay maalin kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee kartida leh inay ku biiraan milateriga si ay uga hortagaan ciidamada Tigray ka dib markii ay dib ula wareegeen inta badan gobolka Tigray toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay u tallaabeen gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta. Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa AP u sheegay inay u dagaalamayaan sidii ay u sugi lahaayeen gobolkooda oo muddo dheer go’doonsanaa. Iyada oo la sii xaddidayo gelitaanka qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaasna saxaafadda loo diiday, way adag tahay in la sheego sida muwaadiniintu uga jawaabi doonaan baaqa Ra’isulwasaaraha, ama haddii ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah isaga. The post Koox awood leh oo xulufo la noqotay ciidanka Tigray-ga, kuna sii jeeda Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this Qaran News
-
Somali-born Dutch runner Abdi Nageeye encouraged his friend to keep up the pace moments before the duo finished second and third in Sunday's men's marathon at the Olympics in Tokyo. Source: Hiiraan Online
-
On May 18, 2021, Somaliland celebrated its 30th independence anniversary after unilaterally breaking away from Somalia in 1991. Compared to its neighbors across the Horn of Africa, and indeed much of East Africa, Somaliland represents a relatively stable territory with very little terrorism inside its borders. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Qoor Qoor ayaa dib usoo celiyey saddex ka mid ah xubnaha hadda ku jira Aqalka Sare, wuxuuna meesha ka saaray saddex kale, oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayna wehliyaan Abuukar Axmed Xaashi iyo Jawaahir Axmed Cilmi. Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. Marka aad eeegto liiska, iyo sida uu Qoor Qoor u maareeyey, waxaa muuqata in Qoor Qoor uusan si gaar ah ugu daneyn dhinac, balse uu dhinacyo badan qanciyey, abaal-mariyey saaxiibadiis, islamarkaana wax isku xeeriyey. Haddaba aan eegno, xubnaha uu sharxay Qoor Qoor, beelaha ay kasoo jeedaan iyo dhinacyada ay raacsan yihiin siyaasad ahaan, innaga oo xooga saareynaa lixda xubnood ee aan hubno in la dooran doono, oo aan isku dhibi doonin xubnaha malxiisayaasha ah. Kursiga koowaad: Waxaa u sharaxan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Nuur Xasan Guutaale, oo kasoo jeeda beesha Murusade. Kursigan waxaa mar kale ku guuleysan doona oo la salxay Dhagdheer oo hadda ku fadhiya, ayada oo laga reebay musharaxiintii uu loolanka ugu adag kala kulmi lahaa, oo kala ah; Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Jaahweyn. Xulashada Dhagdheer, wuxuu Qoor Qoor ku saleeyey saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga Dhagdheer oo isku ah kooxda Waayo Arag. Si kastaba, waxaa si kale xulashadan uga faa’iideysanaya Xasan Cali Kheyre oo Dhagdheer ay isku dhow yihiin. Kursiga labaad: Kursigan waxaa u sharaxan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow oo kasoo jeeda beesha Duduble. Yuusuf Geelle oo hadda kursigan ku fadhiya ayaa mar kale dib u qaadan doona dhib la’aan. Yuusuf Geelle, oo mar damcay inuu u wareegto Golaha Shacabka, ayaa xilli dambe is-beddelay, si uu Aqalka Sare usii joogo. Si la mid ah Dhagdheer, Yuusuf Geelle wuxuu ka tirsan kooxda Waayo Arag, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweyne Qoor Qoor. Inkasta oo lagu riixo Kheyre iyo Guuleed, haddana waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka huban Yuusuf Geelle ay tahay inuu si weyn u macaaradsan yahay Farmaajo. Kursiga saddexaad: Qoor Qoor ayaa kursigan u sharxay Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan. Kursigan, oo uu ku guuleysan doono Saciid Siyaad Shirwac, waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo aan liiska lagu soo darin. Saciid Siyaad waxay isku dhow yihiin Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu saaxiib la yaay Qoor Qoor, waxaana xulashadiisa ay qancisay labadaas dhinac. Soo saarista Saciid Siyaad, waxaa kursigiisa golaha shacabka ku weyn doona Abtidoon Yare, oo ay jufo ahaan wadaagaan hal kursi, taasi oo macnaheedu yahay in Abshir Bukhaari uu hadda u tartami karo kursi Golaha Shacabka ah. Kursiga Afaraad: Kursigan waxaa loo sharxay Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure, oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana la filayaa inay dib ugu guuleysato Samsam oo hadda kursiga ku fadhisa. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kursigan ku qanciyey madaxweyne Farmaajo oo Samsam taageero ay u aheyd intii uu kursiga fadhiyey, taasi oo muujineysa sida Farmaajo weli saameyn ugu leeyahay Qoor Qoor. Kursiga shanaad: Kursigan wuxuu Qoor Qoor u sharxay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen, oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto Cabdixakiim. Kursigan waxaa hadda ku fadhisa Jawaahir Axmed Cilmi. Kursigan wuxuu Qoor Qoor si cad ugu qanciyey Farmaajo, sababtoo ah Cabdixakiim wuxuu taageero aan gabasho laheyn u muujiyey muddo kororsigii Farmaajo, waxaana ku nacay oo soo eryey tolkiisa. Maadaama, xildhibaanada golaha shacabka ay soo sharxaan qabaa’ilka, oo Cabdixakiin uusan taageero ka heleyn, waxaa Qoor Qoor lagu qasbay inuu Cabdixakiim siiyo kursi Aqal Sare ah. Kursiga lixaad: Qoor Qoor wuxuu kursigan u sharaxay Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq, oo kasoo jeeda beesha Dir, waxaana ku guuleysan doonta Duniya, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Kursigan waxaa hadda ku fadhiya Abuukar Axmed Xaashi. Qoor Qoor kursigan kuma qancin cid gaar ah, wuxuuna xulashada Duniya ku saleeyey abaal ay u gashay, mar ay ka furfurtay cadaadis ka saarnaa beesha Dir ee degta Galmudug. Ma jirto cid ka mid ah musharaxiinta oo Dunida ay si aad ah ugu dhowdahay, waxaase lagu tiriyaa dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xog: Sida Qoor Qoor u kala qeybiyey lixda kursi iyo dhinacyada uu qanciyey appeared first on Caasimada Online.
-
The central duty of establishing governments of all levels local, state, and national level throughout the world; is to improve the livelihood of its nationals. They must deliver basic human necessities such as food, water, shelter, and health. Politics is about governance, development, and serving the best interest of the people. However, in most African countries, those principles are neglected intentionally, or people are oblivious about their basic rights of holding their leaders accountable. In both scenarios educating the public is the only way out of this difficulty. Source: Hiiraan Online
-
Egalement disponible en Français, تتوفر أيضا في العربية PRESS RELEASE International Islamic Trade Finance Corporation Releases 2020 Annual Development Effectiveness Report ‘Embracing disruption to build back better’ Report Highlights Impact of US$ 4.7 Billion Trade Financing for OIC Member Countries During COVID-19 Pandemic Access Multimedia Content JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, August 11, 2021/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (www.ITFC-idb.org), member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, released today the fifth edition of its Annual Development Effectiveness Report titled ‘Embracing disruption to build back better’, addressing the overwhelming disruptive impact the COVID-19 pandemic has had on the world. The report highlights how the pandemic created opportunities that can be leveraged to overcome the challenges it has imposed on every market. The Annual Development Effectiveness Report (ADER) report showcases ITFC development effectiveness by focusing on certain thematic or operational aspects of its interventions. In 2020, ITFC featured organizational resilience to navigate disruptions, deliver results, approving US$4.7 billion of trade financing, including to benefit 21 OIC member countries. Responding to the pandemic’s unprecedented economic impact, ITFC swiftly reacted to its members countries needs through an ambitious and timely US$850 Million COVID-19 Response Plan to mitigate the impact of the pandemic and sustain trade supply chains. Commenting the Institution’s achievements in 2020, Eng. Hani Salem Sonbol, CEO, ITFC said, “As the pandemic unfolded, ITFC reacted swiftly to help member countries respond to the immediate public health emergency and ensuing social and economic impact. The ITFC response to the crisis aimed at supporting our clients to meet their immediate needs during the outbreak and strengthening their long-term resilience to external shocks. ITFC support was delivered through a blended approach combining trade finance facilities with grants, enabling us to extend support to those clients who were most in need.” The COVID-19 pandemic has shown just how critical Development Finance Institutions (DFIs) are in moments of crisis. The ensuing health and economic crisis prompted by COVID-19 called for rapid, large scale and previously unprecedented responses. ITFC’s interventions in 2020 main objective was supporting member countries recovery through restoring livelihoods, building resilience, and kick-starting economic growth. In support of these objectives, ITFC placed particular focus on supporting MSMEs, sustaining agriculture value chains and building capacities to begin addressing the challenges posed by the pandemic. Moreover, ITFC laid the foundations to build back better in a post-COVID-19 world. A more inclusive, sustainable, and resilient future for OIC member countries can be achieved by increasing focus on policy dialogue, SDGs, regionalization, and embracing technological disruptions as key tools for better impact, which is demonstrated by some ADER highlights: Health: In 2020, ITFC disbursed US$ 15 million to mitigate the immediate health impact of the pandemic. The financing enabled member countries to purchase PPE, testing and health-related equipment, and pharmaceutical products to strengthen their capacity to respond. The financing benefited member countries such as Maldives, Suriname, Benin, Palestine, Tajikistan, and Burkina Faso. Overall, an estimated 62,000 patients, 2,500 health workers and 40 medical facilities have benefited Food Security: US$484 million disbursed towards food imports to ensure that over 25 million households in members countries have access to affordable, safe and sufficient food 1.1 million tons of wheat, 220 000 tons of rice, and 15 000 tons of sugar have been purchased in Egypt, Suriname, Maldives, Mali, and Tajikistan, among other countries US$200 million disbursed in favor of AfreximBank and utilized to purchase 206,611 tons from different food commodities (soya beans, groundnuts, maize, sesame seeds) across 10 African member countries. ITFC food financing increased by 15% compared with the previous year and benefitted over 25 million households in member countries Agriculture: Over 600,000 farmers benefitted from ITFC pre-export and inputs financing, and capacity building initiatives, worth a total US$240 million Agriculture financing has been on a constant increase since 2018, growing respectively by 3% and 13% from 2019 and 2018 levels. The financing benefitted over 600,000 farmers in Africa and Asia The value of cotton and groundnut exported to international markets by ITFC agricultural clients reached US$ 360 million. Energy: US$2.7 billion were disbursed to secure the supply of energy inputs in member countries, supporting over 8 million households to access electricity. ITFC’s main comparative advantages is its capacity to leverage large amounts of financing from international markets to fund large-sized syndicated deals and meet member countries’ needs 33% of the energy financing was allocated towards the Least Developed Member Countries In 2020, around 22% or ITFC energy portfolio was allocated to the purchase of LNG, the “cleanest” fossil fuel. Private Sector: US$373 million channelled through 26 partner banks towards 7,500 SMEs. ITFC has also scaled up its West Africa SME’s Program aimed at improving access to finance for SMEs to support them during the COVID-19 economic crises. ITFC launched LC Confirmation products to support the private sector and SMEs in member countries with recovery from the impact of COVID-19. In 2020, MSME support became an even greater focus of ITFC operations, becoming one of the key pillars of the COVID-19 Response Program. ITFC has approved 11 Line of Finance worth US$133,2 million as part of the IsDB Group SPRP for the COVID-19 Pandemic. In 2020 alone, ITFC established new partner-ships with Banks and FIs in member countries such as Bangladesh, Maldives, Cote d’Ivoire, and Uzbekistan. The total number of private sector clients increase 25% compared to last year. In 2020, ITFC approved 80 transactions worth US$4.7 billion of trade finance benefitting 21 member countries; Disbursements reached US$4.1 billion. Download the Executive Summary here – (https://bit.ly/3Cz791X) Download the full report here – (https://bit.ly/3jJtDEP) Distributed by APO Group on behalf of International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC). Contact Us: Tel: +966 12 646 8337 Fax: +966 12 637 1064 E-mail: ITFC@itfc-idb.org Twitter: @ITFCCORP Facebook: @ITFCCORP LinkedIn: International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) About the International Trade Finance Corporation (ITFC): The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) is a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. It was established with the primary objective of advancing trade among OIC member countries, which would ultimately contribute to the overarching goal of improving socioeconomic conditions of the people across the world. Commencing operations in January 2008, ITFC has provided US$55 billion of financing to OIC member countries, making it the leading provider of trade solutions for these member countries’ needs. With a mission to become a catalyst for trade development for OIC member countries and beyond, the Corporation helps entities in member countries gain better access to trade finance and provides them with the necessary trade-related capacity building tools, which would enable them to successfully compete in the global market. SOURCE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Safe sender instructions / Privacy Policy / Unsubscribe / Update My Preferences Qaran News
-
PRESS RELEASE UNHCR Regains Access to Tigray Refugee Camps, Calls for Emergency Funds to Scale Up Assistance This is a summary of what was said by UNHCR spokesperson Boris Cheshirkov – to whom quoted text may be attributed – at today’s press briefing at the Palais des Nations in Geneva GENEVA, Switzerland, August 10, 2021/ — UNHCR, the UN Refugee Agency, and its partners have regained access to the Mai Aini and Adi Harush camps for Eritrean refugees in Ethiopia’s Tigray region. Violent clashes in the area had prevented UNHCR staff from reaching the camps since 13 July. The delivery of urgently needed assistance restarted on 5 August for the 23,000 refugees in both camps. However, access is limited by a complex and fluid security situation and refugees continue to face dire conditions. Basic services such as healthcare remain unavailable, and clean drinking water is running out. UNHCR is calling for safe passage which will allow refugees from Mai Aini and Adi Harush to be moved to the new site of Alemwach, near Dabat town, some 135 kilometers away. While UNHCR and ARRA, the Ethiopian Agency for Refugees and Returnees Affairs, complete works at Alemwach, emergency accommodation in community shelters in Dabat have been identified, with local community support, and the first 126 refugees relocated there, where they are being provided with assistance. In the past week, humanitarian access into Tigray has improved and UNHCR staff and 12 trucks carrying emergency aid have reached Mekelle, the region’s capital. Unhindered access into Tigray and throughout the region must be ensured by all parties to the conflict, to allow UNHCR and our partners to deliver and scale up life-saving humanitarian assistance and protection to tens of thousands in dire need of urgent support. Since 4 August, UNHCR with ARRA and non-governmental organization WISE, have begun issuing temporary identification documents to Eritrean refugees who fled to Addis Ababa from the Shimelba and Hitsats camps in northern Tigray, which were destroyed at the start of this year. The three-year documents will enable refugees to access assistance, services, and protection. UNHCR is also concerned about fresh displacement from fighting in Ethiopia’s Amhara and Afar regions. According to estimates from local authorities and the UN Office for Coordination of Humanitarian Affairs, OCHA, some 100,000 people in Amhara and 70,000 in Afar have been internally displaced. UNHCR has also observed more refugees crossing into Sudan from Ethiopia. Last month, more than 275 refugees, of which about 40 were Eritrean, arrived in Sudan’s Hamdayet, which borders Tigray. A larger group of about 900 people of Qemant ethnicity crossed into Sudan from the Amhara region through Gallabat. UNHCR and partners are jointly responding and overseeing preparedness plans in case of a further influx into eastern Sudan. UNHCR is appealing for US$164.5 million to assist 96,000 Eritrean refugees and 650,000 internally displaced people in Ethiopia’s Tigray region and up to 120,000 Ethiopian refugees in eastern Sudan. Some US$101.3 million, or 61 per cent of the appeal, will help provide essential aid such as shelter, domestic items and protection, including support for survivors of gender-based violence, inside Tigray. In addition, US$63.2 million will strengthen UNHCR’s response in eastern Sudan and Blue Nile State, where we are providing protection assistance, shelter, water and sanitation, health, and logistics. UNHCR is also working to urgently preposition supplies and put in place facilities at border points for any new arrivals from Ethiopia. UNHCR teams stand ready to help these populations for whom humanitarian aid is their only lifeline, with some still out of reach as active conflict prevails. UNHCR continues to call all parties to the conflict to protect civilians in line with their obligations under international humanitarian law and requests safe and unhindered access to reach all those in need. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Xoggo Wargeyska Waaberi helay, ayaa iftiimiyey in Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamid Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana dhawaan tartan adag u gallay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,balse lagaga guuleystay inuu qorshaynayo inuu iska casilo Xilka Xildhibaannimo ee Golaha. Xoggahan oo Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo ka agdhow Xildhibaan Faratoon,ayaa tibaaxay in Xildhibaan Yaasiin uu hadda ku hawlan yahay sidii uu iskaga casili lahaa Xildhibaannimadda Golaha Wakiillada Somaliland,maddaama oo uu ku guulaysan waayey xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiillada oo uu soo doontay,waxaana la sheegay in asxsaabtiisu ay kula talliyeen,isla markaana ay ku booriyeen inuu go’aankaa qaato,balse waxa la sheegay inuu sugayo tallo waddaag uu kale yeellanayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa kaloo,illaha Wararkan aanu ka helay daah-furreen in Xildhibaan Yaasiin Faratoon uu laftiisu sheegay in aanu xiiso u qabin Xildhibaannimada Golaha Wakiillada,isla markaana ay ujeedadiisu ahayd inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,balse haddii uu waayey inay ku adagtahay inuu ka sii mid ahaado Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hore uga soo mid noqday. Geesta kale, waxa xoggahani ay markii u horraysay fasiraad ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo is casilaada Xildhibaan Faratoon inay sabab u yihiin guul-darradii uu ku guul-darraystay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ,arrinkaasna waxa xogguhu ku fasireen inuu salka ku hayo laba ujeedo oo midi tahay hore inuu Xildhibaan hore oo Golaha Wakiillada ahaa,isla markaana aanu xiiso u qabin Xildhibaannimo,waxa kaloo qodobkaa raaca in dawladda Madaxweyne Biixi ay u wadday inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana ay ahayd sababtii uu iskaga soo casiley Xilkii Wasiirka Wasaaradda arrimaha debada Somaliland,haseyeeshee haddii uu waayey Guddoomiyenimaddii Golaha Wakiillada in ay adagtahay inuu ka sii mid ahaado Golaha uu hore uga soo mid ahaan jiray. Dhanka kalene waxay xoggahani intaas ku dareen in Siyaasiyiin iyo haldoor baddan oo asxaab la ihi ay u soo jeediyeen Xildhibaan Faratoon in sumcadiisu ay ku jirto inuu iska casilo Golaha,isla markaana aanu ka sii mid ahaan Xildhibaannada Golaha,maddaama oo uu ku guul-darraystay maqsadkiisii ahaa inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillad,balse waxa la sheegay inuu qaatay tallooyinkaas,isla markaana uu go’aankiisu kale caddaan doonno maal-maha soo socda. Source
-
Lix bilood ayaa laga jooggaa markii Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha debada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu iska casiley xilkii Wasiirka arrimaha debada Somaliland,kaas oo isku casiley sababo siyaasadeed,isla markaana kamid noqday Musharraxiintii u tartamaysay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo kamid noqday Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Isla Maalintaa uu Xilka Wasiirka arrimaha debada iska casiley Faratoon,ayaa isna waxa iska casiley xilkii Afhayeenimadda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac,kaas oo isna isku casiley sababo lamid ah kuwaa Faratoon,waxaana labadan masuul is casilaadooda ka dambaysay Madaxtooyadda Somaliland oo danno siyaasadeed ka lahayd,iyadoo labada masuul ay kamid noqdeen Musharraxiintii Golaha Wakiillada ee ka tartamaysay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo u muuqday qaar ay soo dhabar taabatay Madaxtooyaddu,waxaana xusid muddan in Maxamuud Warsame uu isagu ku hadhay tartanka,halka uu Faratoon ku soo baxay tartankii doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland. Si kastaba haku timaadee, Labadan Siyaasi ee ka soo kale jeeday Gobollada Sool iyo Sanaag,way ka baxeen Saaxada waaxda fulinta ee Dawladda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,kuwaas oo hadda mid-na uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Wakiillada ,halka kii kalene uu suuqa iska joogo,isla markaana naawilayo in dib loo magacaabo. Haddaba marka laga yimaado Labadan siyaasi iyo halka uu sal-dhigan doono hadhiinkooda siyaasaddeed, waxa ay arrinta isweydiinta mudani tahay Yaa buuxin doona jagooyinka ay banneeyeen?. Goormaase bedelkooda loomagacaabi doonaa. Labadan Su’aallood waxay bogga hore kaga jiraan mowduucyada lagaga doodayo Bulshada dhexdeeda Maalmahan u dambeeyay si weyn ayay dadku ugu dhegtaagayaan magacaabista Madaxweynaha ee buuxinta Boosaska bannaan iyo hadiiba ay jirto talaabo uu mar kale isku-shaandheyn ugu samaynayo Xukuumaddiisa. Majirto ilaa hada cid si toosa loo calaamadiyey oo u dhow in loo kala Magacaabo Wasaaradda arrimaha Debada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo isu jira inta Dhulka iyo Xiddigu isu jiraan marka la miisaamo derejada ay kaga jiraan Hay’addaha Dawladda, hase-yeeshee sida dadka caadiga ahiba dareemi karaan waxa socda hirdan hoose ay Kuraastan ugu jiraan xubno Ehel u noqon kara iyo kuwo meel ka soo tiigsaday. Tusaalle ahaan waxay dadku leeyihiin waxa xilalkan buuxinaya laba qof oo ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, islamarkaana u dhashay Ardaaya da labada xubnood ee baneeyay. Aragti kale ayaa odhanaysa “waxa suurtoobi karta in mid kamida labadan jago ee Wasaaradda arrimaha debada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda in midkood laga dhigo shakhsi ka soo jeeda Beellaha Darafyada, ee Bariga Sanaag, Sool iyo Awdal, taasoo hadii ay timaado ama ay jirtaba, si cad u fasiraysa Istaraatiijiyad go’aan iyo ku-dhiirasho ku timi oo isku-dheeli-tiraysa Saami-qaybsiga Dawlada. Dadka Fikirkan qabaa waxay ku andacoonayaan “ma Faralbaa in Wasiiro ka soo jeeda Sool iyo Hargeysa loo magacaabo xilka Wasaaradda arrimaha debada, Marka ay sidan isugu cayn iyo bayd go’anyihiin aragtiyaha Siyaasad dhaadhigu ku saadaalinayaan xubnaha cusub ee bedeli doona Faratoon iyo Afhayeen Warsame, jirina ilaa iyo wakhti xaadirkan cid la ogyahay oo ay si gaar ah u wadato Madaxtooyadu,waxa muuqata inaanu tafsiir cad oo lagaga jawaabi karo Su’aasha ka taagan buuxinta Jagooyinka banana, balse ay gacanta Madaxweyne Muuse Biixi ku xidhantahay u meel dayidda Manaasiibtan, haduu iskaga gufaynayo tabashooyinka uga imanaya Beellaha kale iyo haduu sida loo badinayo u daynayo reer Sool. Su’aasha labaad ee ay wali jawaabteedu ku laallantahay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa iyaduna ah goorma ayuu hoosta ka xariiqi doonaa dheeli-tirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadiisa Madaxweyne Muuse Biixi Jawaabta Su’ashan ayaa lagu tilmaami karaa furaha rasmiga ah ee goobta laga ogaan karo xaqiiqooyinka oo dhan ama si kale hadii aan u dhigno su’aasha hore jawaabteeda oo sax ah. sidaas darteed fal-celinta isweydiimahani ayaa ah kuwo isku sidkan oo aan midkoodna ta kale Xawaare dheerayn. Laakiinse , hadana marka diirada la saaro sida ay wax u socdaan iyo xoggaha dhex guuxaya ardaayada siyaasada lagu faaqido, waxa la filayaa in Madaxweyne Biixi arrinta magacaabista labada xil iyo qorshaha isku-shaandheynta laabad ee uu maaganyahay go’aan kaga gaadho ugu dambeyn 18 Bishan ogos , muddadaas oo ay inaga xigto Sagaal Maalmood. Haa’ wakhtigani waa mid ku dheer dhamaan daneeyayaasha buuxinta jaggooyinkan, haday tahay sugeyaasha iyo Bulshada kaleba, balse la eego aqoonta loo leeyahay go’aan gaadhista Madaxweynaha iyo duruufaha ku xeerran arrimaha horyaalla waxaaba dhici karta inay maalmo intaas ka badan ku qaadato magacaabista labadan xil, iyadoo taas bedelkeeda loo baahnaa inaanu wakhti badan ku lumin ka baaraan-degista arrintaasi oo hadii uu ku hafto Kalsooni badan ka luminaysa. Source
-
Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadad Online) – Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale. Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah inaan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo, balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah. “Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu codeeyo, oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug. Go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa ah mid looga hortagayo in musharax loo tanaasulo kadibna midka kale uu si toos ah usoo baxo, taasoo ka dhacday maamul Goboleedyada kale oo ay ugu dambeysay Puntland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa muddo badan u ololeenayey inaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug loo xirin shakhsiyaad gaar ah, balse waxaa muuqato in arrintaan looga adkaaday kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kuraasta u xiray shakhsiyaad isaga aad ugu dhow, waxayna shuruudaan adag u muuqataa mid looga jawaabayo taallabada uu qaaday. Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Galmudug ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana ku tartamayo illaa 12 musharax oo 6 kamid ah ay yihiin malxiis lana filayo inay tanaasulaan marka doorashada bilaabato. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday guddiga doorashada Baarlamaanka Galmudug The post Baarlamanka Galmudug oo qaaday tallaabo looga hortagayo musharaxiinta malxiiska ah appeared first on Caasimada Online.
-
Shirweynaha Golaha dhexe ee Urur Siyaasadeedka Mideeye, oo mudda laba maalmood ah ka socday Garoowe ayaa maanta soo xirmay. Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mideeye, mudane Daahir Xaaji Khaliilf ayaa si rasmiya u soo xiray Shirweynaha, oo ay ka qayb-galeen xubnaha Golaha dhexe ee ururka iyo Taageerayaashiisa kala duwan. Shirweynahan oo looga tashanayay arrimaha Ururka, ayaa sidoo kale lagu ansixiyay guddiyo kala duwan oo ka tirsan Urur Siyaasadeedka Mideeye, kuwaas oo ay ansixiyeen Golaha dhexe. Sidoo kale, Shirka waxa lagu ansixiyay Xeerka doorashooyinka Urur Siyaasadeedka Mideeye iyo xeer-hoosaadyo kala duwan oo uu yeeshay Mideeye. Geba-gabadi Shirweynaha Golaha dhexe ee Mideeye ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhallinyaradii qabanqaabisay madasha iyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee ururka. Halkaan ka eeg Sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Shirweynaha Golaha dhexe ee urur Siyaasaeedka Mideeye oo Garowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo kamid ahaa musharixiintii laga reebay liiska dadka u tartamayo xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Sheekh Yuusuf ayaa sheegay inuu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka musharaxa ah, wuxuuna xusay inaysan jirin sifo sharci ah oo looga hor istaagay inuu isku soo sharaxo xilkaas. Sheekh ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diidan yahay rabitaanka Baarlamaanka, isagoo xusay inuu hubo in cod aqlabiyad leh lagu dooran lahaa haddii si xor iyo xalaal ah loo tartami lahaa. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Sheekh Yuusuf kusoo daabacay barteeda Facebook Bismillahi Raxmani Raxiim. Waxaan codkeyga ku biirinayaa inta ka dhiidhisay sida uu madaxweynaha Galmudug u maamulay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka uu madaxweyne Axmed Qoorqoor ku qaatay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed duudsiiyo xuquuqdooda dastuuriga ah waa mid baal-marsan dastuurka dalka, midka Galmudug Ivo dhaqanka suubban ee Soomaalida. Waxaan kamid ahaa muwaadiinta Soomaaliyeed ee isku soo taagay xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanna buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahan yahay murashaxa. Ma jirto sifo sharci ah oo la iiga hor istaagi karay inaan isku sharroxo xilkaas. Sidaas darteed, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Mar haddii si sharci darro ah la iiga hor istaagay inaan waxqabadkeyga iyo barnaamijkeyga siyaasadeed horgeeyo mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, waxaa meeshaas ka caddaatay in la diiddan yahay rabitaanka baarlamaanka Galmudug, oo aan hubo iney cod aqlabiyad ah igu dooran lahaayeen haddii aan si xor ah oo xalaal ah u tartarmi lahaa. Ugu dambeyntii, waxaan ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta booobka doorashooyinka iyo ku takarifalka awoodda siyaasadda. Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney had iyo goor u hiilliyaan xaqa Ivo caddaaladda. Allaa mahad leh. The post Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo jawaab culus kasoo saaray liiskii kasoo baxay Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa isu soo bax ka dhigay ehellada toddoba qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab. Ehellada dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen toddobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan. Ehelladu waxa kaloo ay sheegeen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan. Maydadka toddobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah qoysaska dadkii shaley lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in meydadka aanan la aasi doono tan iyo inta caddaaladda ka helayaan. “Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan usoo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn. The post Daawo: Qoysaska dadkii lagu xasuuqay Sh/Hoose oo diiday in la aaso meydadka appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia is a country that has since it’s inception, had some ever-changing situations in regards to Economy and Security. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Xiriika kubadcagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Cabdulle Cabdulle ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garooweyn qabashada is reerbka reebka 24 koox ee heerka kowaad iyo labaad ee kubad Cagyaraha Soomaaliya oo magaalada Muqdisho laga qabanayo markii ugu horeesay tan iyo markii SOMFA la aas aasay sanadii 2015. “Waxaan shano ka soo shaqaynay ayaa maanta inoo hergalay, waana guul weyn oo u soo hooyatay SOMFA, waxaan guul iyo horomar u rajaynaa 24 koox ee saldhiga u ah waxqbadka Xiriirka Kubadcagyaraha” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane Xaaji Aadan Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcagyaraha Soomaaliya. Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu sheegay in sababaha loo qabanayo tartankan in ay tahay in laga helo macallimiin, ciyaartooy iyo garsoorayaal matasha shacabka Soomaaliyeed kana qeybgasha dhacdooyinka Caalamka ee Minifootboolka. “U Jeeda aan u aas aasnay kooxahan waan in aan ka helnaa ciyaartooy, macallamiin iyo garsoorayaal kasoo muuqda fagaarayaasha Caalamka, kuwaas oo kor u qaada sharafta iyo magaca Umadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha mudane Xaaji Aadan Cabdulle. Daawo Shirka SOMFA Oo Ka Dhacay Muqdihsho Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Sareedo Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay kursiga Kow iyo tobanaad ee doorashada Aqalka sare ee Puntland. Senatorka 11aad ee Puntland kasoo baxay Sareedo Maxamed Xasan “Jeyte” ayaa ku guulaystay kadib markii Fartuun yuusuf jaamac ay tartanka isaga hartay iyada oo cod gacan taag ah oo barlamaanka puntland u qaadeen ka heshay wadar ogol 64 Cod . Sareedo Maxamed Xasan, waxaa u tanaasuashay Fartuun Yuusuf Bossaaso ku koray, waxna ku baratay, waxay heysataa shahaadada heerka 1-aad ee cilmu nafsiga Shaqada, 1996-2001: Macalimad iskuul Imaamu shaafici Boosaaso, 2005-2006: Imaamu Nanawi ee Galkacyo, 2006-2010 waxay aheyd ganacsato. Waxay sheegtay iney korisay 3 wiil oo agoon ah 2012-2018 save the children, NGO’s dalka gudahiisa ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com