Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in ay si dhow uga la shaqeynayaan xulafadiisa Turkiga iyo Qadar sidii dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha Kabul. “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa saaxiibadeenna Qadar iyo Turkiga si aan gacan uga geysanno in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu u shaqeeyo oo uu u shaqeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri xoghaye Blinken. Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa lagu wadaa in ay booqdaan beri dalka Qadar si wadajir ah si ay boqortooyada ugaga mahadceliyaan dadaallada ay ka wado Afghanistan. Saraakiisha sare ee maamulka Biden ayaa ka tagi doona Washington Axadda, Blinken wuxuu sheegay inuu la kulmi doono hoggaamiyeyaasha Doha. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Xulafadiisa oo iska kaashanaya sidii dib loogu furi lahaa Airport-ka Kabul appeared first on Puntland Post.
  2. Kabul (Caasimada Online) – Mustaqbalka Dooxada Panjshir ayaa weli ah mid cakiran oo weli waxaa socda dagaal culus oo u dhaxeeya Taalibaan iyo kooxda difaacaneysa dooxada. Ilo wareedyo Taalibaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qabsadeen aagga, laakiin kooxda Panjshir ayaa arrintaas beenisay. Dhanka kale Cali Nazari, oo ah afhayeenka dagaalyahannada Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka, ayaa BBC World News waxa uu u sheegay in fallaagadu ay dib u riixday Taalibaan. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Amrullah Saleh, oo dhawaan ku biiray kooxda NRF ee ka soo horjeeda Taliban ee Panjshir, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu baxsaday. Sidoo kale wuxuu qiray in xaaladdu aad u adag tahay. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka ka socda Panjshir. Dagaalyahannada wax-iska-caabbinta oo ay ku jiraan ciidamo hore uga tirsanaan jiray milateriga Afgaanistaan iyo maleeshiyaad maxalli ah – ayaa waxaa horkacaya hogaamiyaha qabiilka halkaas deggan ee Axmed Mascuud. Aabihii ayaa guulo ka soo hooyay dagaalkii Midowgii Soofiyeet kaas oo dalkaas soo galay 1980-yadii, iyo weliba ururka Taalibaan oo uu la dagaallamay 1990-yadii. Waxay ku taalaa woqooyiga caasimadda, Kaabul, dooxadani waa mid ka mid ah gobollada ugu yar Afgaanistaan ​​oo hadda ah gobolka keliya ee aan weli gacanta u gelin hayn Taalibaan. Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro. BBC + Reuters The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ay Taalibaan ku qaaday dooxada Panjshir appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka siyaasadeed uu dhexeeya wasaaradda madaxda waxbarashada dowladda federaalka ah iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir. Goodax Barre oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa marka horre shaaciye inuu jiro heshiis waxbarasho oo ay kala saxiixdeen labada dhinac, xilligii uu joogay wasaaradda, loona baahan yahay in la dhaqan-geliyo, si meesha looga saaro khilaafaadka xoogan ee jira. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaas uu dhigayo in waxbarashada & iskuullada magaalada Muqdisho, si toos ah looga wareejiyey gobolka Banaadir, isla-markaana uu wasaaradda ka mamnuucayo inay sameyso fara-gelin dambe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray wasaaradda laga doonayo oo kaliya in ay la shaqeyso, sidoo kalena ay taakuleyso maamulka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay. “Arrinta heshiiskan wuxuu ka mamnuucaayey wasaaradda waxbarashada inay fara-gelin dambe ay sameyso ee balse fara-gelintu ay noqoto mid lagu taakuleynaayo oo lagu garab galaayo oo looga shaqeysiinaayo oo wax loogu qabanaayo,” ayuu yiri Goodax Barre. Waxa kale oo uu soo hadal qaaday go’aanka ka soo baxay wasaaradda ee ah in ay bixin doonto warqadaha bedalashada ardayga ka baxaya iskuul ee gelaya mid kale, wuxuuna ka soo horjeestay tallaabadaasi, isaga oo tilmaamay in aan loo baahneyn in wasaaraddu ay gacanta la gasho arrimahaasi, maadaama uu jiro system guud oo horey loo diyaariyey, kaas oo dhex-maraya wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Nidaamka aad hadda ka dhawaajisay ee iskuullada la kala bedalanaayo, maba loo baahneyn wasaaraddu inay howshaas gacanta lag gasho,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa wasaaradda waxbarashada iyo gobolka Banaadir, waxaana labada dhinac ay soo saareen go’aanno xasaasi ah oo midba midka kale ku weerarayo, balse waxaa haatan billowday daadaallo lagu dhammeynayo xiisaddaasi. The post Muxuu Goodax Barre ka yiri dagaalka W/waxbarashada iyo gobolka BANAADIR? appeared first on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Dawladda Itoobiya ayaa shalay si weyn u qaadaa dhigtay kulankii caasimadda Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul-dawladaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Ridwaan Xuseen oo socdaal yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Idaacadda Faana ee Itoobiya oo sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya ay wadajir u falanqeeyeen arrimo la xidhiidha Ammaanka, dadka socotada ah ee xudduudaha iskaga gudba. Waxa kaloo warbaahinta Itoobiya ay intaas ku dartay in labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada ummadood ee Somaliland iyo Itoobiya. Warbaahinta Itoobiya waxay xustay in si diirran weftiga ka socday dalkooda loogu soo dhaweeyey madaarka Cigaal International Airport ee caasimadda Hargeysa. Sidoo kale waxa warku intaas ku daray in Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Md.Ridwaan Xuseen iyo ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md.Liibaan Yuusuf Cismaan, ay kulan ay yeesheen ku lafo-gareen sidii dib loogu bilaabi lahaa dadka iskaga gudbaya xuduudda Wajaale iyadoo la raaciyo nidaamka tilmaamaha caafimaadka ee xannuunka COVID 19. Idaacada Faana waxay sheegtay in Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya uu booqday dekedda Berbera, isla markaana uu sheegay inay doonayaan inay adkeeyaan cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay kor u qaadi doonaan maalgashiga iyo dalxiiska laga faa’iidaysanayo mashruuca Berbera Corridoor. Source
  5. Waxaa weli muran xooggan uu ka taagan yahay sida ay dowladda uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil oo horay waalidiinteeda ay u sheegen in ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda nabad sugidda ee NISA. Midawga Musharixiinta, Culimada iyo Bulshada ayaa si isku mid ah Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in uu sameeyo baaritaano madaxbanaan oo ku aaddan xaqiiqda wejiga dahsoon ee kiiska. Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Midawga musharixiinta ayeey kaga hadleen kiiska Ikraan Tahliil oo NISA ay sheegtay in ay dileen ururka alshabaab. Musharixiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka ugu baaqey in uu cadaaladda horkeeno dadka dilka ka dambeyay baaritaanona la sameeyo. Bayaan ay shirka ka soo saareen ayeey sidoo kale waxa ay ku sheegen in loo baahan yahay in isbadal deg deg ah lagu sameeyo hogaanka Nabadsugidda NISA. Dhanka kale Gudoomiyaha Majmaca culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda ugu baaqay in Jawaab cad oo bulshada ay ku qanacdo ka bixiso Kiiska Ikraan Tahliil. “Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Oo Dhameystiran Source: goobjoog.com
  6. Allaah u naxariisto waxaa goordhaw dalka Canada ku geeriyooday safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhisay dalalka Austria, Belgium, iyo Yugoslavia, Faadumo Maxamed Eenoow. Faaduma Eenoow ayaa Soomaaliya safiir uga aheyd dalalkaas intii u dhaxeysay sanadihii 1985- iilla iyo 1991, Faaduma Eenoow ayaa sidoo kale aheyd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliya oo gabar ah. Allaah u naxariiste Safiir Faaduma waxa ay sidoo kale mudda dheer ka mid ahyed Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Ahmid Ayaa Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha. Source
  8. Dooxada Panjshir ee dhacda waqooyi bari dalka Afghanistan ayaa laga soo warinaya in ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Taliban iyo kooxda iska caabinta ee gobalkaas maamusha. Sarkaal u hadlay Taliban ayaa jimcihii sheegay in ay qabsadeen inta badan dhul badan oo ka tirsan Panjshir, balse warkaas kooxda iska caabineysa ciidamada Taalibaan ayaa beenisay. Talibaan oo bartamihii bishii ina dhaaftay si rasmi ah guud ahaan talada dalka Afghanistan ula wareegtay, kadib markii uu madaxweynihii dalkaas isaga cararay dalka. Kooxda Taalibaan oo qorsheynaysa in ay dhawaan soo dhisto dowlad culus, ayaa gacanta ku heyn Panjshir halkaas oo ay koox kale ay maamulaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bambo gacmeed lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyay Saddex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay bambo gacmeedka lagu weeraray guri ay degaanaayeen oo ku yaalla magaalada Jowhar. Xildhibaanad ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla gudaha magaalada Jorhaw. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kadib markii uu dhacay weerarka ay rasaas fureen ciidamada Ilaalada u ahaa xildhibaanada. Maamulka magaalada iyo kan dowlad gobaleedka Hirshabeelle illa iyo hadda kama hadlin weerarkan xalay lagu qaaday xildhibaanada ka tirsa baarlamaanka dowlad gobaleedkaas. Goobjoog Source: goobjoog.com
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa la filayaa in todobaadkan uu toos uga dago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in qaban-qaabada soo dhoweynta haatan laga sii bilaabayo waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo sidoo kale aad loo adkeeyey dhanka ammaanka. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Deni marka uu gaaro Gaalkacyo uu xarigga ka jari doono garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamo uu ka bilaabi doono waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo uu la qaadan doono waxgaradka deegaanka iyo maamulka. Sciid Deni ayaa sidoo kale maamlmo joogo doono Gaalkacyo, isaga oo kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada, si u qiimeeyo xaaladda guud ee deegaanka. Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland, waxaana muddooyinkii dambe aad loo xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaaladaas. Si kastaba socdaalka la filayo in madaxweynaha Puntland uu ku tego degmada Gaalkacyo ayaa kusoo aadayo, xilli dagaallo ka dhan Al-Shabaab ay ka socdaan gobolka Mudug. The post Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, oo weli ku maqan safar dibadda ah, ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto dalka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha sida warar ku sheegayaan, inta uu Gaalkacyo ku suganyahay wuxu xarigga ka jari doonaa garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium. Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo dhismaha dekedda magaalada Gacarad oo meel geba-gabo ah maraysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Somaliland has been a destination for many bloggers and newsmakers from different parts of the world. Hargeisa, the capital city of Somaliland, is the safest place to visit in the Horn of Africa. The city experiences high levels of peace that can’t be equalled to any city around the world. Thanks to community policing, the city is so secure that one can easily walk around without fear of being. robbed. The people of Somaliland are very friendly and helpful to foreigners visiting their country. The citizens will easily pull a conversation about your country of origin, your likes and dislike about Hargeisa. Most of the shopping centres run late into the night hence anyone planning on shopping can find a place at any time of the day or night. Commuting from the CBD to the estates can be done using taxis and buses where one only pays about 2000 Somaliland shillings equivalent to 0.2US dollars. Taxi services can also be easily accessed using mobile applications. This has made transportation convenient around the city Content created and supplied by: RichardMwanga (via Opera News ) Qaran News
  13. Islam Slimani scored four goals as Algeria equalled the widest winning margin for an African World Cup qualifier by crushing 10-man Djibouti 8-0 in a Group A rout on Thursday in Blida. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dilka Allah ha u naxariistee ikraan Tahliil Faarax, wuxuu abuuray argagax, diidmo, iyo caro xooggan oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujiyeen. Hay’adda NISA, oo Ikraan ay ka tirsaneyn, waxay afduubka iyo dilkeeda ku eedeysay Al-Shabaab, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa durba iska fogeysay, ayada oo sheegtay inay eedaas “ula yaabtay si la mid ah shacabka kale ee Soomaalida.” Siyaasiyiin badan oo ka hadlay dilka, oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Caynte, Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sanbalooshe, Cumar Cabdirashiid, Taabit Cabdi iyo kuwa kale, waxay falcelintooda, inkasta oo qoraal ahaan ay kala duwaneyd, ay laheyd hal macno, waxayna ku dalbadeenin ra’iisul wasaare Roobleuu tallaabo qaado. Waxaa la mid ahaa shacabka Soomaalida badankood, oo u kuur gelid ay sameysay Caasimada Online, ay ku ogaatay inay badankood dalbanayeen in Rooble uu tallaabo ka qaado dadka lagu tuhmayo kiiskan, oo Ikraan ay caddaalad hesho. Aaway Farmaajo? Baaqyada ku socda Rooble waxay nagu dhalisay su’aal ah, maxaa loo waayey cid baaq u direysa Farmaajo, oo ka codsaneysa inuu wax ka qabto xaaladdan? Baaqyada ku socda Rooble, waxay macno weyn ka bixinayaan halka uu maanta Farmaajo ka taagan yahay Soomaaliya, sumcad ahaan iyo sharciyad ahaan; haddii uu dareensan yahay iyo haddii kaleba. Dadka dalbanaya inay caddaalad hesho Ikraan, ee dhinaca maraya Farmaajo una qeylinaya Rooble, waxay Farmaajo u dirayaan farriin laba macno leh; 1- iInuusan sharciyad madaxweyne haysan, 2- Haddii uu haysatana aysan ku kalsooneyn inuu caddaalad fali karo. Sharciyadda Farmaajo Madaxweyne Farmaajo, wuxuu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin inuu kursiga ku fadhiyo sharci-darro, oo ay tahay inaan waxba laga weydiin masiirka umadda iyo dalka. Famaajo kahor, waxaa jiray madaxweynayaal waqtigooda dhammaaday, sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif haddana marnaba aan sharciyaddooda dood la gelin, sababtuna waa inaysan isku dayin muddo kororsi, islamarkaana jallaafo kasta oo ay awoodaan u dhigin in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida ka duwan Farmaajo. Waa taas sababta ay u rumeysan yihiin in Farmaajo uu kursi un ku fadhiyo, balse aanu dalka maamulin, oo Rooble iyo xukuumaddiisa ay haystaan sharciyadda xil-gaarsiinta, illaa inta madaxweyne kale laga dooranayo. Tacaddiyada Farmaajo Qeyb kale oo shacabka a ka mid ah ayaa Farmaajo u muujinaya in xitaa haddii ay rumeysan yihiin inuu sharciyad haysto, aysan aaminsaneyn inuu caddaalad fali karo, ama qaado karo wax tallaabo ah oo ka dhan dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan. Farmaajo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, waxaa dhacay tacaddiyo badan oo loo gaystay dad shacab ama siyaasiyiin ah, sida dhiibistii Qalbi-Dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xasuuqii shacabka Baydhaba, iyo askartii la geeyey Eritrea ee weli la’yahay, qaarkoodna la xaqiijiyey in la dilay. Dhammaan tacaddiyadan waxay si toos ah ugu dhammaadeen Farmaajo, waana taas sababta aysan maanta u jirin cid soo hadal qaadeysa Farmaajo, ama caddaalad uga dalbeysa marxuumad Ikraan Tahliil. Afar sano kadib markii Farmaajo la doortay, oo shacbiyadda uu helay ay aheyd mid aan horey loo arag, wuxuu maanta taagan yahay maqam loo arko inuu ahaa madaxweynihii ugu tacaddiyada badnaa uguna xukunka xumaa ee dalka uu arko 30 sano kadib. Waxaa dhimatay sumcaddiisa, wuxuuna marayaa heer, xitaa aan lasoo hadal qaadin, xilli kiis xasaasi ah oo noociisa aan dalka lagu arag uu taagan yahay. Farmaajo waa kaas. The post Dilka Ikraan Tahliil iyo halka FARMAAJO uu taagan yahay appeared first on Caasimada Online.
  15. The defense ministers of Turkey and Somalia discussed bilateral and regional issues in a meeting on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia's semi-autonomous region of Puntland said on Friday it had sent forces to the neighbouring region of Galmudug to help the military there push Al-Shabaab Islamist militants out of a strategic town they captured last month. Source: Hiiraan Online
  17. In June 2021, Osman Mohamed, 18, from Mogadishu, felt unwell for over a week. He was quickly getting tired and was coughing a lot. He decided to go to the hospital and was diagnosed with COVID-19. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia’s journalists face daily threats to their lives. But the biggest scare in their daily work is lack of legal protection, according to their lobby, the National Union of Somali Journalists (Nusoj). Source: Hiiraan Online
  19. Most African Union member states are urging the United Nations to help bolster its peacekeeping efforts in Somalia, which is contending with an insurgency being waged by an al-Qaeda affiliate, a call spurred by the Taliban’s takeover of Afghanistan. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa dowladda ugu baaqay in jawaab waafi ah oo dadku ay ku qancaan ay ka bixiso kiis gabadhaas oo hey’adda NISA ay xalay baahisay inay dileen Al-Shabaab, halka Al-Shabaab-na ay iska fogeeyeen dilka iyo afduubka gabadhaas. Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan ku tagri falin awoodeeda oo kiiska gabadhaan iyo kuwii horay u dhacay ay jawaab cad ka bixiso, shacabkana ka qanciso, halka shacabkana uu ugu baaqay in wax kasta ay dowladooda uga dambeeyaan. Sidoo kale qabaa’il ayuu ugu baaqay in aysan is dhibaateyn oo qadarta ay ku qancaan, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta kiiska Ikraan loo afduubto dad aan waxba galabsan oo heybtooda lagu beegsanayo. “Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Sheekha ayaa dadka ehelka ah ee gabadhu ay ka maqan tahay ugu baaqay inay sharciga u maraan baadi goobka gabadhooda, si looga sal gaaro kiiska, iyadoo dhib kale aan la geysan. “Qawaacidda Islaamka waxay noo sheegeysaa dowladdu inay masuul ka tahay dadka dhiigooda, ammaankooda iyo maalkooda, dowladdu dalka ayey ka waardiyeyneysaa in cadaw ku soo duulo, shacabka xitaa inay kala celiso ayaa laga rabaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Sidoo kale waxa uu sheegay in kiis gabdheed uu culeyskiisa leeyahay, “Gabdhuhu diin ahaan iyo dhaqan ahaan xurmo gaar ah ayey leeyihiin, culeys gaar ah ayey leeyihiin, waa in daryeel iyo dadaal fiican laga geysto in kiiskaas xogtiisa dhabta ah laga gun gaaro, ama ugu yaraan dadkii ay gabadhu ka dhalatay laga qanciyo,” ayuu yiri. Sheekh Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Sax ma aha in la dilo ama la qafaasho qof aan geysan dembigaas, sida aan hadaba maqleyno, ficilkaas mid diini ah maaha, qof kale ayaan ka aar goosanayaa hadaa dhahdo dulmi waaye, diinteenu ma ogola, dulmina, dulmi loogama jawaabo, hadii cadaaladda la waayo, dad kale yaan la afduuban oo la dilin, dulmiga iyo dhibku waa sii badanayaa.” Ugu dambeyntii Sheekh Bashiir ayaa dowladda ugu baaqay in arrintaan ay mas’uuliyad iska saarto si dhibku uusan u sii badan, halka guud ahaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan uu kula taliyey in la isku dul qaato. Hoos ka daawo The post Muxuu Sheekh Bashiir ka yiri dilka Ikraan Tahliil? (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  21. Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xalay ka dhacay magaalada Jowhar. Weerarka bambo gacmeedkaa halka lagu tuuray ayaa ah xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada. Xaaladda Caafimaad ee xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso , waxaa la sheegay in dhaawacyadooda ay fudud yihiin. Howlgalo dadka guryaha loogu galayo ayaa saakay oo sabti ah ka socda xaafadda Hanti-wadaag gaar ahaan laanta koowaad ee magaalada Jowhar halkaas oo uu xalay ka dhacay Qarax bam gacmeedka. PUNTLAND POST The post saddex xildhibaan oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar appeared first on Puntland Post.
  22. Sawirka Todobaadka:Bundadan yaa lagala baxay? Qaran News
  23. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid maamulkiisa iyo waxqabad la’aanta xukuumadiisa, ayaa ugu qiil sameeyay in uu kusoo aaday xili uu taagna khilaafka doorashooyinka. Waxa uu sheegay in ayada oo muddo kooban uu dhisan yahay maamulka HirShabelle uu qeyb ka noqday xalinta khilaafka doorashooyinka, midaasi oo sida uu sheegay ka mashquulisay wax badan oo u qabsoomi lahaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadihii badnaa ee ku gudboona doorashada laga soo gudbay badankooda, islamarkaana uu dalka uu jiheystay doorashooyin, ka maamul ahaana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare. Cali Guudlaawe oo kamid ah Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu maamulkiisu wajahaya khilaaf iyo xiisado ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay, taasi oo illaa hadda aan xal muuqda laga gaarin. Si kastaba, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la daala dhacayay muddooyinkii dambe eedo iyo dacaayado ka dhan inuusan tagin karin qeybo kamid ah maamulka uu ka taliyo, xiisado taagan awgood. The post Madaxweyne Cali Guudlaawe oo qiil yaab leh u sameeyay dib u dhaca maamulkiisa appeared first on Caasimada Online.