Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya. Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo saaray 12 musharax oo u tartami doona 6 kursi oo ka mid ah 8-da kursi ee Galmudug ku matala Aqalka Sare. Liiska waxaa ka soo muuqday 3 xubnood oo ka mid ah Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas oo kala ah Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud. Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u dhigay 2 kursi oo muran iyo loolan adag ka jiro, waxaana ka mid ah isku haya Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa, waana kursigii uu ku fadhiyay Cabdiwaaxid Goonjeex, halka kursiga kale ay isku haystaan Cabdi-qeybdiid oo horey ugu fadhiyay iyo Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf). Liiska waxaa laga saaray Abshir Bukhaari guddoomiye ku xugeenka Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo soo saaray liiska tartamayaasha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay laga dhisay xabsi ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kaas oo ay soo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada laga leeyahay. Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno kamid ah hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in uu jiro xabsigaas, islamarkaana loo qorsheeyay in lagu xiro dadka ka soo daga garoonka iyo kuwa ka duulaya ee maamulka u arko in ay halis ku yihiin ammaanka. Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay jiritaanka xabsiga iyo walaaca ay qabaan Murashaxiinta mucaaradka ah. “Waxaan xaqiijinayaa in dhowaan xarigga laga jaray xabsi weyn oo ku dhax-yaala garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana loogu talagalay siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Lafta-gareen,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay warbaahinta Muqdisho. Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay maamul aad u caburiya dadka aan ku aragtida aheyn hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lafta-gareen sidoo kale waa madaxweyne goboleedka ugu daacadsan taabiciyiinta Farmaajo, waxaana la filayaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed badankood uu ka dhigo kuwa uu soo qoranayo Farmaajo. The post Garoonka Baydhaba oo laga dhax dhisay xabsi loogu talo-galay mucaaradka – Xog appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharaxiinta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex. Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka. Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Farmaajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin. LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aadayaan ayaa kala ah: 1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale 2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow 3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed 4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure 5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen 6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq The post Qoor Qoor oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 kursi oo Aqalka Sare ah appeared first on Caasimada Online.
  4. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Arbaco ah dooranaya xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Guddi ka tirsan Baarlamanka oo qabanaya doorashada Aqalka sare, ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen dhammaan murashixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare. Madaxweyne Deni ayaa habeen hore soo saaray liis ka kooban 22 xubnood uu u sharraxan kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, kuwaas oo la doonayo in 11 xubnood oo keliya ka soo baxan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo maanta dooranaya xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) - A father in Lower Shabelle has told a radio station in Somalia on Tuesday that AMISOM forces operating near the Golweyn village killed his son and six other civilians. Source: Hiiraan Online
  6. President Kenyatta and Prime Minister Roble exchanging gifts at Mombasa State House Mogadishu (PP News Desk) — Kenya’s State House social media managers have moved quickly to limit diplomatic damages caused by President Uhuru Kenyatta’s call for called for an amicable solution to for the maritime dispute between the two countries. The statement that Kenya State House social media managers amended to delete any reference to the maritime dispute. Kenya State House Facebook page made changes to the press release and deleted any reference to the maritime dispute. The amended statement seeks to limit the impact of diplomatic faux pas. “There are some sensitive and recurrent issues between the two countries including the maritime dispute whose outcome we are waiting from the International Court. We must move on from this issue to discuss our trade and progress” said Roble. At Mogadishu International Airport before departure for Kenya, the Foreign Minister of Somalia Mohamed Abdirizak told media representatives that bilateral talks would not pertain to the maritime dispute. Roble’s remarks at the Kenya State House in Mombasa. © Puntland Post, 2021 The post Diplomatic Faux Pas Overshadows Somali Prime Minister’s Visit to Kenya appeared first on Puntland Post.
  7. Warsaxaafadeed 10/ 08/ 2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay Canbaaraynaysa Xadhiga Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo Boorama ku Xidhan. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaraynaysa xadhiga labada muwaadin ee Boorama kuxidhan, 3, July, 2021, waxa Boorama lagu xidhay Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen oo ah nin ganacsada iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo isna ah macalin. Xadhigoodi waxa uu yimid kadib markii ay ka hadleen garaacid iyo dhaawac loogeystay Cabdirisaaq Axmed Gorayo, oo bartiisa Facebook ku qoray qoraal uu ku dhaliilayo Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed. Ismaaciil iyo Cabdiqani waxay muddo 38 cisho ah ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah. Waran sharci lagumasoqaban, maxkamedd lamahorgeyn, danbina lagumasoogin. Waxa kale oo tahdiid iyo hanjabaad xadhig ku socota Mahdi Cabdilahi Xuseen oo ay walaalo yihiin mid kamida labada nin ee xidhan. Ehelada labada nin ee xidhan ayaa Xarunta u sheegay in xadhigooda uu ka danbeeyo Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed. Xadhiga muwadiniintani waxa uu lidi ku yahay dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal iinsaanka. Dastuurka Somaliland Qodobka 32 (1) wuxuu sheegaya “Muwaadin kastaa waxa uu xor u yahay inuu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaab kale”. Sida ku cad, Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”. Sidoo kale Qodobka 27 (2) ee Datuurka Somaliland “Qofka xoriyadiisa laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in 48 saacadood gudahood maxkamadd lagu horgeeyo. Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhiga sharci darada ah, isla markana si bilaa shuruud ah usii dayso labada muwaadin ee xidhan, oo ay ixtiraamto kuna dhaqanto dastuurka dalka yaala. Yaasmiin Cumar X. aaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana Press release: 10/08/2021 Human Centre Condemns the Arbitrary Detention of Ismaacil Cabdilaahi Xuseen and Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar Human Rights Center is concerned with the egregious abuse of power and arrests of two citizens in borama on July 3rd, 2021, Ismaacil Cabdilaahi Xuseen, a business man and Cabdiqani Sheik Maxamed Sheik Cumar who is a teacher. The reasons for their arrests coincide with criticizing bodily injuries and harm done to Cabdirisaaq Axmed Gorayo. Cabdirisaaq wrote a criticism on a Facebook post about the minister of agricultural development. Ismaacil and Cabdiqani have been detained without due process for 38 days. They do not have an arrest warrant nor have they been brought forth to a judge and charges filed against them. Coincidently, there are reports of intimidation against their family members Mahdi Cabdilaahi Xuseen, the brother of Ismaacil Cabdilaahi Xuseen. The families of the detained citizens have informed the center that the party responsible for their arrest is the Minister of the Somaliland Ministry of Agricultural Development, Axmed Muumin Seed. The arrest of these citizens is against the constitution of Somaliland and against every universal human rights law. The constitution of Somaliland Article 32(1) stipulates “Every citizen shall have the freedom, in accordance with the law, to express his opinions orally, visually, artistically or in writing or in any other way.” Moreover, Article 25(2) of the Somaliland Constitution dictates that “No person may be arrested, searched, or detained, except when caught in flagrante delicto, or on the issue of a reasoned arrest warrant by a competent judge.” In addition, article 27(2) specifies that “Any person who is deprived of his liberty because of alleged criminal offences shall have the right to be brought before a court within 48(forty-eight) hours of his arrest.” Lastly, the Human rights Center calls on the Somaliland Government to stop arbitrary arrests, and release the two citizens immediately without condition. Somaliland government should respect and adhere to the laws governing the country accordingly, and specifically to the Constitution of Somaliland. Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson, Human Rights Centre, Somaliland Qaran News
  8. Guddiga Hirgelinta Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraasta uu xalay shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada xubnahaas ay dhici doonto maalinta Khamiista ee Beri ah, taariikhduna ku beegan tahay 12/8/2021. Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Maanta oo Arbaco ah la diiwangelin doono Musharixiinta Aqalka Sare ee uu Madaxweyne Qoor Qoor u soo gudbiyo si Maalinta beri ah ay doorashada u dhacdo. PUNTLAND POST The post Galmudug oo shaacisay jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  9. Ugu yaraan 42 qofayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Kaymaha ku gubanaya waddanka Algeria Wakaaladda Wararka Algeria ee APS aya sheegtay in 25 Askari iyo 17 qof oo Rayid ah ku geeriyoodeen Masiibadaasi, halka ay ugu yaraan 14 Askari ku dhaawacmeen. Haweeney 92-jir ah oo laga soo badbaadiyey Buuraha Kabayle ee Waqooyiga dalkaasi waxay Khatarta Kaymaha Ololaya barbar dhigtay sidii dhamaadka Adduunka. Goblka Kabayle oo 100 KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Aljeris ayaana ah Ubucda kaymaha ku gubanaya, iyadoo ay adag tahay in la gaaro Tuullooyinka, isla markaana ay Biyaha gabaabsi yihiin Xilligan Kulaylaha. PUNTLAND POST The post In ka badan 40 ruux oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha dalka Algeria appeared first on Puntland Post.
  10. Mombasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Kenya ayaa beddeshay jumlad ku saabsan arrinta badda oo ku jirtay war-saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta kadib markii ay ka caroodeen wafdiga Soomaaliya. Qodobkaas ayaa u dhignaa sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna ku baaqay xal saaxiibtinimo ah oo laga gaaro muranka badda.” Waxaa hadda ay u beddeshay sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda xasiloonida qaranka iyo horumarinta gobolka, isaga oo sheegay kobac dhaqaale uu suurta-gal ka yahay kaliya deegaan nabad ah.” Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in war-saxaafadeedka oo lagu daabacay website-ka madaxtooyada Kenya aysan waxba ka ogeyn wafdigii Soomaalida, markii ay ka war heleenna ay dalbadeen in laga saaro, Kenyan-kuna ay aqbaleen. Mas’uuliyiinta Soomaalidu iyagu waxay horey ugu adkaysteen in muranka badda ay dhagaysatay maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ayna go’aanka maxkamadda uun sugayaan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa “Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto.” The post Qodob ku saabsanaa badda oo laga saaray war-saxaafadeedkii Uhuru iyo Rooble kadib carada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Waxaa maanta magaalo xeebeedka Mombasa kula ku yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, ganacsiga iyo kiiska badda. Madaxweynaha Kenya oo ugu horeyn goobta ka hadlay waxaa uu sheegay baahida loo qabo in dhinacyada ka shaqeeyaan arrimaha amniga, ganacsiga iyo maalgeshiaga iyo in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii 2015-kii ee lahaa dhisay guddiga la magacbaxay JCC. Madaxweyne Uhuru waxaa uu soo dhoweeyey soo celinta xiriirka labada dal isaga oo soo jeediyey in si saxiibtinnimo ah lagu xalliyo kiiska badda ee hadda taalo maxkamadda cadliga adduunka. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu carabka ku adkeeyey in xasilooni dal iyo mid gobolka ay fure u tahay horumarka isaga oo intaa raaciyey in kobaca dhaqaalaha uu ku iman karo jawi Nabad ah. Dhankeeda qoraal kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxa lagu sheegay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ku jireen kiiska badda isla markaana uu Rooble sheegay in kiiska lagu dhameyn doono maxkamadda, uuna soo dhoweeyey iskaashiyada amniga iyo dhaqaalaha. Qoraalka waxaa lagu yiri: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho. Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Lama oga in dhinacyada ay kala saxiixan doonaan heshiisyo iyo in sidan lagu kala tagayo, laakin waxaa muuqato in Kenyaanka ay riixayaan in kiiska badda lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda cadliga adduunka. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu — A roadside bomb has killed at least eight civilians including three children traveling in a minivan in the volatile region of Mudug in central Somalia, military officials told dpa on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Mombasa (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada Kenya ee magaalada Mombasa kulan kula yeeshay wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya lagu shaaciyey in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in ay muhiim tahay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan sida amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si buuxda loo hirgelinayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaas oo labada dowladood ay ku heshiiyeen in la aas-aaso sanadkii 2015-kii. Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay dadaallada Rooble ee soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay in si wanaagsan loo xalliyo muranka soohdinta badda, balse baaqaas Ra’iisul wasaare Rooble ma aqbalin, isagoo cadeeyey in wax wadahadal ah aysan ka geli doonin arrinta badda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Waa inaan xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka, si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka, ”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya. Sida lagu sheegay bayaankaan ay baahisay madaxtooyada Kenya Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cadeeyey in xiriirka xumaaday ee labada dowladood laga haboonaa, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasilooni iyo is ixtiraam.” “Maanta waa bilowgii xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada noolaansho nabdoon oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi dhab ah, annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas.” The post Sawirro: Bayaan laga soo saaray kulankii ay Mombasa ku yeesheen Rooble iyo Uhuru appeared first on Caasimada Online.
  14. MOMBASA (HOL) - Kenya has called for an 'amicable resolution' of the maritime dispute despite Somalia's insistence on the ICJ path. Source: Hiiraan Online
  15. Kenyatta iyo Rooble oo hadiyado isdhaafsanaya Mombasa (Wararka PP) — Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Mombasa kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ‘Waa’ cusubi uu u baryay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya”. Uhuru wuxuu ku baaqay in la dardargeliyo hirgalinta Guddiga Iskaashiga ee Wadajirka ah, wuxuu kale oo ku baaqay in “muranka badda loo xalliyo si saxiibtinimo leh”. Ma cadda jawaabta uu Rooble bixiyay xilli Maxkamadda Caalamigu ay gacanta ku hayso kiiska muranka badda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Kenyatta wuxuu soo dhoweeyay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Toddobaadkii hore Wasiirka Arrimmaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa booqasho ku timid Soomaaliya. © Puntland Post, 2021 The post Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in si saaxiibtinimo leh loo dhammeeyo muranka badda appeared first on Puntland Post.
  16. Golweyn (Caasimada Online)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad badan oo shacab ah oo ciidamada AMISOM ay galabta ku dileen deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo markii dadkaas ay dileen kadib miino ku qarxiyey meydkooda. Guddoomiyaha deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maadey Sheekh Cusmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida 7-qof oo ciidamada AMISOM ay gelinkii dambe ee maanta ku dileen deegaan lagu magacaabo Faarax oo 4-KM u jira Golweyn. Afar ka mid ah dadka la dilay waxay ciidamada AMISOM ka soo dhex wateen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla deegaanka, halka seddaxda kale ay ku howlanaayeen sameynta gaari uga halaabay deegaanka uu falkaan ka dhacay oo magaciisa lagu sheegay ‘Faarax’. Guddoomiye Maadey waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayeen in taliska AMISOM ee deegaankaas ay kala hadlaan falkaan ay ku beegsadeen dadka rayidka ah, balse ay diideen inay kala hadlaan. “Todoba qof ayay dileen ciidanka AMISOM seddax ka mid ah makaanik ayay ahaayeen oo u yimid sameynta gaari goobta ku halaabay, halka afarta kale ay yihiin dadka deeganka. Maamulka deegaanka wuxuu isku dayey in Taliska AMISOM ee Golweyn lagala hadlo dadkii ay dileen, hase yeeshee saraakiisha AMISOM ee joogta Golweyn weydiideen kulankaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golweyn Maadey Sheekh Cusmaan. Ciidamada AMISOM markii ay dileen dadkaan waxay isugu keeneen hal goob, kadibna waxay ku qarxiyeen miino, sida ay dadka deegaanka u xaqiijyeen Caasimada Online. Aabe Maxamed Yoonis Aadan oo dhalay wiil ka mid ahaa todobada qof ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay, “Wiilkeyga iyo 6-qof oo kale ayay ciidanka AMISOM qabteen oo ay garbaduub u xireen, kadib goobta ayay ku dileen, dadka la dilay waxaa ku jiray qoysii iska lahaa beerta uu wiilkeyga ka shaqeynayay iyo dhallinyaro kale oo gaari goobta uga halaabay, markii ay toogteen kadib waxa ay dulgeeyeen miino waana ku qarxiyeen, meydadkooda aad ayey u googo’een, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa in dadkeenii la laayey ay cadaalad helaan.” Caasimada Online waxay ogaatay in askarta AMISOM ee galabta dishay dadkaan rayidka ah ay weerar jid gal ah oo culus kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, intii ay u soo socdeen fariisin weyn oo ay ku leeyihiin Golweyn. Hoos ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha iyo Aabaha dhalay wiil ku jiray dadkii la dilay. The post Dhageyso: Wararkii u dambeeyey shacabkii ay xasuuqeen ciidanka AMISOM appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Kenya. Rooble iyo Uhuru Kenyata ayaa kawada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo mudda dheer xayirna. Kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka Kenya ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaala xeebedka Mombasa. Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay Uhuru sidii dib loogu furi lahaa ganacsiga labada dal oo muddo u xayirna xiriirka xumaday awgii. Ra’iisul wasaaraha ayaa Kenya booqasho ku joogi doona labada maalin ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa soo saaray liiska aqalka saree e BF u matali doona maamulkiisa, liiskan oo aaney kasoo dhex muuqan Sanatarro waa waaweyn, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamuud Mashruuc. Waxaa kale oo xusid mudan in kursiga beesha Jambeel Koombe ku laheyd aqalka sare loo wareejiyey beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen, teeda kale kuraasta haweenka loo xiray, hal kursi ayaa Majeerteen ah halka labada kale ay yihiin East Sanaag Clan iyo Sool clan. Labo Senator keliya ayuu kasoo celiyey baarlamaankii 10-aad isaga oo badalay sagaalka kale. Labada uu soo celiyey waa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen. Haddaba waa kuwan faah-faahinta kuraasta Aqalka Sare ee liiska cusub Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ah Senator ku fadhiya kusriga sumadiisu tahay UH52, oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud oo ka tirsan Majeerteen ayaa mar kale kusoo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee federaalka ah ee laga soo dooranayo Puntland, waxaa la tartami doona Maxamed Cismaan Colaad. Farxaan Cali Xuseen, oo ah Senator ku fadhiya kursiga sumaddiisu tahay UH11, oo ay leedahay beesha Leelkase ayaa sidoo kale ka mid noqday liiska musharaxiinta ee uu Puntland kasoo saaray madaxweyne Deni, waxaa hadda la tartameyso Hodan Isxaaq Maxamed. Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH41, oo aheyd laheyd beesha Cusmaan Maxamuud ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey, haddana isaga laga reebay, kursiga hadda waxaa ku tartami doona Daahir Ayaanle Siciid iyo Maxamed Cumar Maxamed. Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH27, oo ay laheyd Dashiishe ayaa isla beesha lagu celiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya kusriga Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud. Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu aheyd UH39, ee Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen ayaa isla beesha lagu celiyey laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin. Senator Siciido Xasan Cismaan oo ku fadhisay kursiga sumadiisu aheyd UH23 ee beesha East Sanaag Clan ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaana kusoo baxay gabdho ay isku beel yihiin sida Seynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim. Senator Hodan Maxamuud Cismaan oo ku fadhisay kursiga summadiisu tahay UH40, oo ay laheyd beesha Sool clan ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana iyada laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda ku tartami doona Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciimo Axmed Bakar. Bootaan Barre Samatar oo isna ku fadhiyey kursiga summadiisu aheyd UH42, oo ay laheyd Jambeel Koombe ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda tartami-doona Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yuusuf Jaamac, oo u dhashay beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen. Senator Shukri Aadan Maxamed oo ku fadhisay kusriga sumaddiisu ahaa UH28 ee ay leedahay beesha Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa beesha lagu celiyey balse iyada laga reebay, waxaa hadda ku tartamaya Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Kowsar Cabdullaahi Xirsi. Senator Cabdisalaan Xaaji Maxamuud oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH25, ee Sool clan ayaa isla beesha kusriga lagu celiyey balse isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur. Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH 36, ee ay leedahay Awrtable ayaa isla beesha la siiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf. Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uu liiska aqalka sare ku daray siddeed gabar, oo saddex kursi si gaar ah loogu xiray, oo ay ku iyaga uun ku tartamayaan, halka labo kursi ay rag kula tartami doonaan. Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray ilaa 5 xubin oo ka tirsan golihiisa, kuwaas oo hoggaamin doona doorashada aqalka sare, waxaana guddoomiye u ah guddiga Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle Waxaa sidoo kale xubno ka ah Xildhibaan Sharma’arke Cilmi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildibaan Cabdirisaq Sahal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax. Murasharaxiinta aqalka sare ayaa lagu wadaa in berri oo arbaco ah ay hortagaan golaha wakiillada Puntland, iyaga oo khudabadaha jeedin doona, waxaana la filayaa in doorashada isla berri ay dhacdo. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye iyo Yaxye Soocadde The post Xog: Saciid Deni oo kursiga Jambeel Koombe u wareejiyey Majeerteen + Liiska beelaha appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta oo halkaas shaqo u joogay. Ma jiro war wadajir ah oo ka soo baxay kulanka labada mas’uul, hase ahaatee warar hoose waxay sheegayaan in ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga qaadka Kenya ee Miraa oo dowladda Soomaaliya ay horay u joojisay markii uu xumaaday xiriirka labada dal, tallaabadaas oo Kenya aad u saameysay. Dhanka kale war ka soo baxay madaxtooyada Kenya waxaa lagu sheegay in wufuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay kulan ku yeesheen madaxtooyada Mombasa, kaas oo looga hadlay dhowr arrimood oo ugu muhiimsan tahay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho. Warka madaxtooyada Kenya waxaa lagu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2015 guddiga JCC, kaas oo muhiimadiisu ahayd iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga. Ma jiro war weli ka soo baxay dhanka Soomaaliya, hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta markii ay Muqdisho ka duulayeen sheegay in Soomaaliya iyo Kenya aysan ka wadahadleen arrinta badda oo dacwadeedu taallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Balse wuxuu sheegay in labada dal ay ka wadahadli doonaan soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo isu socodka dadka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Mombasa ka aadi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku leeyahay kulamo kale oo ay ka mid yihiin kulan uu la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliya ee Kenya. Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo maalin ka hor timid Muqdisho ayaa Ra’iisul Waase Rooble u keentay casumaad uu u soo diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Uhuru Kenyatta oo kulan ku yeeshay Mombasa appeared first on Puntland Post.
  20. Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xarunta madaxtooyada Kenya ee Mombasa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda, halkaasi oo wada-hadallo ay ku yeesheen. Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dhowr arrimoood oo istiraatiiji u ah danaha ay wadaagaan labada waddan. Waxay sheegeen in qodobada laga wada hadlay ay ugu waaweyn yihiin soo celinta xiriirka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Madaxtooyada Kenya waxay intaas ku dartay in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixeen Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee 2015-kii. Waxaay sheegeen in Guddigaasi uu qeexayo baaxadda iskaashiga labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga. Waxyaabaha gaarka ah ee la filayo inay safarkan ay kasoo baxaan ayaa waxaa ka mid ah in dib loo furo qaadka Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya, oo muddo sanad ka badan loo xayiray qaadka Itoobiya oo ay heshiis ku haystaan xubno ka mid ah qoyska madaxweyne Farmaajo. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya. “Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq. Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya. Wada-hadallada Mombasa kadib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi iyo diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya. The post Wada-hadallada Rooble iyo Uhuru oo billowday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maanta oo Talaado ku ah ugu baaqay qof kasta oo Itoobiyaan ah oo awoodo inuu ku biiro noocyada kala duwan ee ciidamada Itoobiya, sida kuwa gaarka ah iyo Maleeshiyaadka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro ciidamada Tigrayga. Abiy ayaa xaaladdu kusii xumaaneysa ayada Tigrayga ay gaareen guulo badan, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah. “Hadda waa waqtigii ku habboonaa in dhammaan Itoobiyaanka awooda ee qaan gaarka ah ay ku biiraan Ciidamada Difaaca, Ciidamada Gaarka ah iyo maleeshiyaadka si aad u muujisaan waddaninimadiina,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Hadalka kasoo yeeray Abiy Ahmed ayaa kuso aadaya qiyaastii lix toddobaad kadib markii ay dowladdu xabbad-joojin hal dhinac kaga dhowaaqday gobolka woqooyi ee Tigray. Bishii November ayuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogag ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga, oo xukumayay Itoobiya muddo soddon sano ah, haddana gacanta ku haya Gobolka Tigray. Dawladdu waxay ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah 28 -kii Juun ka dib markii ciidamada Tigraygu ay ciidammada federaalka dib uga qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekele . Waxay sheegtay in xabbad joojintu ay tahay sababo bani’aadamanimo ayna sii jiri doonto ilaa xilliga beeraha. Waqti beereedka Itoobiya ayaa bilowdo Bisha Juun iyo Bisha September oo ay ka dhiman tahay maalmo qura, waxaana socdo diyaar garow ay dowladda ugu jirto inay dib u bilowdo dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF. “Waxaa caddaatay in beeraleyda Tigraygu aysan si ammaan ah u beeran karin haddii dadka Tigray aysan weligood iska dhex saarin kooxda argagaxisada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaalku wuxuu ku fiday gobollada Amxaarada iyo Canfarta ee ku dhow Gobolka Tigray, waxaana ku barakacay ku dhawaad 170,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Qiyaastii 4 milyan oo qof oo ku nool Gobolada Tigrayga, Amxaarada iyo Canfarta ayaa wajahaya xaalad degdeg ah ama dhibaatooyin cunno yari ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. The post Abiy Ahmed oo shacabka ugu qeyliyey inay dagaal galaan xilli xaaladdu ku xun yahay appeared first on Caasimada Online.