-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalmaha soo socda wada-hadal taleefon la yeelan doona dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, xilli ay xiisad diblomaasiyeed ka dhex oogan tahay labada dal ee xulufada ah, waxaas sidaas sheegay afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Gabriel Attal. France waxay raadin doontaa “sharaxaad” ku saabsan baabi’inta dalab ay Australia ku iibsan laheyd gujisyada Faransiiska, kaasi oo hadda ay ka iibsaneyso Mareykanka, sida uu Attal u sheegay taleefishinka BFM TV. Dhinaca kale, Australia ayaa maanta difaacday ka bixidda heshiiska gujisyada Faransiiska, waxayna sheegtay in muddo bilo ah ay Paris la wadaageysay walaacyo ay ka qabto, kahor inta aanay heshiis cusub la saxiixan Mareykanka iyo Britain. “Kama shaleynayo go’aanka aan danta qaranka Australia uga dhigay midda koowaad,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Scott Morrison. Australia ayaa ka baxday heshiis ay 2016 la gashay shirkadda Faransiiska ee Naval Group ay ugu dhisi laheyd gujisyo, waxayna Khamiistii ku dhowaaqday inay sideed gujis u dhisi doonaan Mareykanka, taasi oo qeyb ka ah heshiis amni oo ay sidoo kale Britain ku bixin doonta taknoolajiyadda. Tallaabadan ayaa ka carreysiisay France, oo xulufo NATO la ah Mareykanka iyo Britain, taasi oo dhalisay inay u yeerato safiiradeeda Washington iyo Canberra. Marrison ayaa sheegay inuu dareensan yahay niyadjabka Faransiiska ee baabi’inta dalabka oo lagu qiimeeyey 40 bilyan oo dollar, hase yeeshee wuxuu ku celiyey in Australia ay go’aanadeeda u qaadato si waafaqsan danteeda ugu wanaagsan. “Tani waa arrrin bilo ka hor aan shaqsi ahaan usoo hadal qaaday, waana ka wada-hadleynat arrintan, ayada oo uu qeyb ka yahay wasiirka difaaca” ayuu yiri Morrison. Heshiiskan cusub ayaa wuxuu horseeday xasard diblomaasiyad oo ka dhex-qaraxday Washington iyo Paris, taasi oo fallanqeeyayaasha ay sheegeen inuu horseedi karo waxyeelo raagta oo ku timaada isbaheysiga Mareykanka ee Faransiiska iyo Yurub. Paris ayaa baabi’inta heshiiska ugu yeertay “dhabarka oo laga mindiyeeyey,” ayada oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jean-Yves Le Drian uu sheegay in xiriirkooda Mareykanka uu ‘qalalaase” galay. REUTERS + VOA The post Xiisadda Faransiiska kala dhaxeysa Mareykanka iyo Australia oo xaalad cusub gashay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey Xeer Muhiima ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen. Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub. Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob. Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin. Qaran News
-
Al-Shabaab oo buburisay Garoon diyaaradeed oo cusub & Dhismayaashii Nasashada + Sawirro Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran. Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac. Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay saacado badan, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan maamulkaasi. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweyne Lafta Gareen oo qeyb ka ah mas’uuliyiinta ku howlan qaboojinta xiisadda ka taagan dalka. Baydhabo ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee Soomaaliya. Si kastaba, kulamadan siyaasadeed ee is-daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah dalkana ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagu bur buriyay qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha degmada. Qaraxa ayaa la sheegay in si gaar ah uga dhacay qeybta dadka shacabka ah ay ku sugaan diyaaradaha, xilli uu ka dhashay qaraxa khasaaro isugu jira mid hantiyadeed iyo Mid naftaba. Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Degmada Buuloburte. Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ka dambeeyen Ururka Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran. Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac. Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. The post Al-Shabaab oo qaraxyo ku buburisay garoon diyaaradeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo ah aqoonyahan, Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeyso madaxda dalka iyo sidoo kale doorka beesha caalamka ee ku aadan khilaafkooda. Culusow ayaa wareysi uu siiyey VOA-da uga hadlay suurtagalninad culeys ka imaan kara beesha caalamka oo haatan si dhow ula socoto khilaaf u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble. Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda DF? Dr Culusow ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamku leeyihiin awood ay wax ku yiraahdaan, si cadaadis xoogan loo saaro madaxda Soomaaliyeed ee is khilaafsan. Aqoonyahankan ayaa sidoo kale xusay in beesha caalamku ay tix-gelineyso dareenka madaxda Soomaaliyeed iyo garashooda, si ay iyagu xal wada gaaraan. “Waa leeyihiin inay awood wax ku yiraahdaan, laakin runtii illaa iyo hadda la xeyrinayaa in la tix-geliyo iyaga dareenkooda iyo garashadooda,”ayuu wareysigan ku yiri Dr Culusow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tiirsan tahay kaalmada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho dalalka beesha caalamka. “Soomaaliya maanta waxay ku tiirsan-tahay kaalmada taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dowladaha maanta gacanta siiya Soomaaliya, sida Yurub, Mareykanka iyo dalal kale,” ayuu markale ku yiri wareysigaan Dr Maxamuud Culusow siiyey Idaacadda VOA-da. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shirka maamul goboleedyada ee ka dhacaya Garoowe, wuxuuna sheegay in isna cadaadis lagu saari karo madaxda dalka inay kala saaraan doorashooyinka iyo kiiska la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo cadaalad u baahan. “Madaxda dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kaleba waxa ay kaalin weyn ku leeyihiin in ay culeys saaraan madaxda is khilaafsan si ay heshiis uga gaaraan, in la kala saaro arrimaha doorashooyinka & Kiiska Ikraan Tahliil oo u baahan Cadaalad,” ayuu sii raaciyey. Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha. The post Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: The Shortfall of Non-Binding Union Before the union Somaliland was a sovereign nation after Somaliland obtained its independence from the British government on June 26, 1960, the two independent sovereign nations Somalia and the Republic of Somaliland formed a union. Unfortunately the union was not legally binding according to the international law. “The unification effort, however, fell short of the legal requirements mandated by domestic and international law.With nothing more than the recognition of other states to testify to the existence of Somalia as a unified state … …On January 31, 1961, the National Assembly proclaimed a new Act of Union, repealing the Union of Somaliland and Somalia Law and made the Act of Union retroactive as from July 1, 1960.’ The act of ‘repealing’, however, was not effective in all of Somalia.’ Furthermore, since the South, in negotiation with Italian officials, drafted the constitution, northern politicians could make only marginal changes.” The referendum on the Constitution in June 1961 reflected Northern resentment of Southern power. The SNL successfully campaigned against ratification, contributing to the low turnout in the North; only 100,000 voted” (Carroll & Rajagopal, 1993). Today Somaliland is a sovereign nation with all the requirements of statehood fulfilled, democratic, peaceful with fully functioning institutions, contrary to its neighbor in the southern border still under the support and the protection of the international community. Therefore, it is imperative that the international community and the United Nations review and reinstate its original status as of June 26, 1960, and recognize Somaliland. Immediately, following the union of July 1, 1960, Somalilanders found themselves marginalized and were sidelined from power-sharing in new the government. Hence, young junior officers led by Hassan Abdillahi Walanwal (Hassan Kayd) dissatisfied with unfair promotions attempted unsuccessful coup. Key government cabinet positions such the presidency, the prime minster, foreign minister and many high level positions were given to members of the former Italian colony of Somalia. Somalilanders were offered very low level cabinet positions such as Ministry of Agriculture and few managerial positions. The young junior officers’ attempted coup paved the way to a of period unarmed struggle, mainly to create awareness, educate and counter the powerful soviet style propaganda of the brutal dictator of Siad Barre regime, by Somaliland educators, writers and artists such as Mohamed Ibrahim Warsame ( Hadrawi) a prominent poet, songwriter and an educator, the late Mohamed Hashi Dhamac (Gaarriye) Aun, a legendary poet and several other including Abdi Adan Xayd (Qays). The years that followed during the 70s through 80s were the nucleus of the entire movement that made possible the smooth transition from awareness and education to that of armed struggle and eventually the creation of SNM (Somali National Movement). On May 18, 1991, Somaliland reinstated its sovereignty that ones slipped the hands of their leaders in the name of “Greater Somalia” and Pan-Somalism which never came to fruition. The next phase of the struggle still continues today until Somaliland gains its place in the international body of nations and community and until its sovereignty is reinstated among nations. Somalilanders both abroad, local and government institutions must present themselves as ambassadors to the cause of Somaliland recognition. Foreign Ministry must define goals and establish a plan with road map, broken into milestones with deadlines and schedules. It must be continuously re-evaluated and changed if obstacles are encountered along the way. Reports must be generated periodically with lessons learned and accomplishments achieved. I laud the recent speech of the new Foreign Minister, H.E. Essa Kayd Mohamoud expressing the need for renewed urgency in search for recognition during the recent Somaliland Diaspora Conference in Hargeisa. By Mohamed Adan Samatar Carroll, A. J., & Rajagopal, B. (1993). The Case for the Independence Statehood of Somaliland. Digital Commons @ American University Washington College of Law | American University Washington College of Law Research. https://digitalcommons.wcl.american.edu/cgi/viewcontent.cgi?article=1877&context=auilr Qaran News
-
Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi ay u qabteen laba qof dil loogu geystey dalka Canada nin asalkiisu ahaa Soomaali. Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xidhay laba eedeysane oo lala xidhiidhinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi. Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka. Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg. Dalka Canada ayaa waxaa ka dhaca dilal badankood dadka geysta ay ka baxsadaan cadaalada hase yeeshee qabashada labadan eedeysane ayaa waxaa soo dhaweeyay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool dalka Canada Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag wuxuu uga hadlay buuqii xalay lagu sameeyey doorashada Aqalka Sare, gaar ahaan kursiga UH #14 oo dib loo dhigay, kadib markii ay xubno ka tirsan Golaha buuq ka sameeyeen hoolka. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in guddoonka uu gudbiyey dacwad ka dhan ah xildhibaanada buuqa sameeyey, si looga tiigsado sharciga u yaalla. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood lagu qaadayo waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka. “Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq. Siraaji ayaa intaasi kusii daray in doorashada kursigan la qaban doono isla maanta, maadaama xalay fowdo ku sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada. Kursigan oo ah kii lixaad oo doorashadiida lagu qabanayo Jowhar ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen. Si kastaba doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in saddex kursi ee ugu dambeysa lasoo doorto saacadaha soo socda. The post HirShabelle oo tallaabo ka qaadeyso xubnihii buuqa ku sameeyey doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay markii u horaysay axsaabta mucaaradka doorka lexejeclada ah ee ay dalka kaga jiraan horumarkiisa iyo nidaamka geedi socodka doorashooyinka. Sidoo kale, wuxuu qiray guushii axsaabta mucaaradka ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee 31 May 2021, kuwaas oo loogu awood sheegtay xisbul xaakimka uu guddoomiyaha ka yahay ee KULMIYE, balse Madaxweyne Biixi wuxuu xilligan Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda ku amaanay doorka ay ka qaateen hannaanka doorashooyinka dalka. Madaxweyne Biixi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa in aanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo, waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaa ayaynu horumar ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi. Source
-
Ka hor inta aynaan u gelin kharashaadka ku baxa xafladdaha qallinjebinta, waxa ay dul-istaagi doonaa Daraasad uu sameeyay mac-hadka cilmi baadhista Heritage ee Muqdisho ku yaala sanadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu waraystay 44 jaamacadood oo ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Kismaayo.Tirada ardayda ee jaamacadahaas dhigtay xilligaas waxa ay ahaayeen 51,471 arday sida daraasadda lagu sheegay. Waxaana dhigaysay macalimiin dhan 2501 oo ka dhigan in 21 arday oo kasta uu ku soo beegmo hal macalin. Jaamacadihii daraasadda lagu sameeyay 68% waxa ay bixinayeen maaddooyinka kombuyuutar (computer)-ka la xidhiidha, balse waxaa la yaab lahayd in 15% ka mid ah guud ahaan ardayda dhigata jaamacadaha ku yaal koonfurta-bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland ay ka diiwaan gashan yihiin kulliyadaha la xidhiidha computer-ka. Daraasadda waxaa kale oo lagu ogaaday in baaxadda cilmi baadhiseed iyo bandhig qoraallada jaamacadaha dalka oo idil ayaa aad u hooseeya. 15 ka mid ah 44-ta jaamacadood ee la daraaseeyay ayaa sheegatay in ugu yaraan ay ka qayb qaataan hal bandhig qoraaleed (academic publication). Kharashka ku Baxa xafladaha Qallinjebinta. Inta badan wakhtiyadan oo kale waxa guud ahaan Soomaalilaan ka dhaca xafladaha ay dhigayaan jaamacaddaha dalka gudihiisu. Kuwaasi oo ay ku qallinjebinayaan ardaydii muddooyinkii ugu dambeeyey soo waday waxbarashadda Jaamacadda. Waxa aynu qormadan ku soo bandhigi doonaa dhammaan kharashaadka ku baxa ardayda jaamacaddaha wakhtiyadan qallinjebinta ee dhiig baxa ku waalidiinta hayntoodu yartay ama aan waxba haynin. Waxa aynu u kala saari doonaa inamada iyo hablaha kharashka ku baxa iyo weliba kan ay jaamacaddu qaadato: Jaamacadduhu inta badan waxa u go’an inay arday kasta ka qaadaan $100. = Kharashka ku baxa inamada: suudhka uu xafladda qallinjebinta u xidhinayo $75, wiilka Kamarada sawirada ka qaadaya oo maalintaasi oo dhan la soconaya $50, kirada baabuurka xafladda geynaya $ 50, sharraxaada baabuurka $25. Haddii wiilka qoyskiisu casuumad u sameeyaan waxa ku baxaya $70. Markaa isku geynta kharaska wiilk ku baxayaan wuxuu dhan yahay $370. = Kharashka ku baxa hablaha: dharka xafladda qallinjebinta $200, lacagta koofeerka ku baxaysa $ 50, wiilka Karamada $50, kirada baabuurka iyo sharraxaadda $75. Inta badan hablaha waxa xafladdo loogu qabtaa guryaha ama hudheellada. Xafladda guriga waxa ku baxa $25 keeg ah iyo $50 sharaab ah. Xafladda hudheellada waxa ku baxa $ 30 keeg ah iyo tirada dadka ka soo qaybgalaya oo mid $5 loogu dhufto. Tusaale ahaan haddii 60 qof la casuumo waa 5×60= $300. Markaa isku geynta kharaska ku baxaya hablaha waa $450. Haddii ay inantu xafladda ku qabsato hudheel wuxuu kharashku noqonayaa $675. Xogtan ururinteeda waxa ka qaybqaatay Garyaqaan C/casiis Axmed Yoonis. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan gudaha Villa Soomaaliya. Qawdhan ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aanta doorashada ah, isla-markaana lagu xalin doono magaalada Garowe. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafkan oo sameeyey doorashooyinka uu kusoo dhammaan doono caasimada Puntland ee Garoowe. “Khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Cabdi Ibraahim Warsame. Sidoo kale Cabdi Ibraahim sharraxaad kama bixin sida ay Puntland ku wajaheyso dhex-dhexaadinta labada ma’uusl ee ugu sarreysa ee dalka, si loo soo afjaro khilaafkooda. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirka gaarka ah ee ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin Garoowe, isaga oo si weyn u boggaadiyey shirkaasi. “Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay Puntland ay diyaar u tahay in la sii amba qaado doorashooyinka, si looga gudbo xaaladda guurka ah ee haatan lagu jiro. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland horay u qaadacday shirkii golaha amniga qaranka oo uu dhowaan iclaamiyey nadaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. The post Puntland oo shaaca ka qaaday inay xalineyso khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Shir deg deg ah oo ay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa lagu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah. Kulankan ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha Ammaanka ayaa warbixin looga dhageystay Ergayga xoghayaha guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya . Shirkan ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Soomaaliya ka jirta hadda, iyadoo dhamaan daneeynayaasha ay ku baaqeen in la dhowro heshiisyadii doorashada ee la gaaray. “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada -hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay muddadii lagu heshiiyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay sheegtay in Garoowe lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaas mas’uul xallintoodu ku dhammaan doonto caasimadda Garoowe. “Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu yiri Qawdhan. Sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada oo ku ballansan Shirka Garoowe ayuu ku yiri “soo dhowaada ayaan idin leenahay madaxda maaamuladow, hooyada Federaalku gacmo furan ayay idinla diyaar tahay doorasho ayayna rabtaa” PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay xallinayso khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal U Dhaxeeyo Beelo Walaalo Ah Oo Ka Dhacay Xanan-buure
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Xananbuurre ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka markale ku dhexmaray deegaanka Laba beel oo walaal ah oo deegaanka Wada daga. Dagaalka ayaa la sheegay in uu daba jooga dagaal shalay gelinkii labada beelood deegaanka ku dhex maray. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xananbuurre saaka ka socda. Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen illaa iyo 8 qof oo ka kala tirsan labada beel ee dagaalka u dhaxeeyay. Ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shalay ku baxay dagaalka illa iyo haddana ma jirto xal laga gaaray dagaalka labada beelood ee wada daga deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Booliiska magaalada Winnipeg ee waddanka Canada ayaa xabsiga dhigay laba qof oo ku eedaysan dilka wiil Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Yuusuf Abiikar ayaa sannad iyo hal bil ka hor lagu dilay magaalada Winnipeg xilli uu fasax ku joogay. Dadka loo qabtay kiiskan oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka. Booliiska Canada ayaa laga soo xigtay in baaritaan dheeriya lagu samaynayo labada eedaysane. PUNTLAND POST The post Booliiska Canada oo laba eedaysane u qabtay dilka wiil Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Laba qof oo dhalinyaro ah ayuu caawa dhaawac culus soo gaadhay, kadib Gaadhi nooca raaxada ah oo galay maqaaxi lagu cawaynayey oo ku taala badhtamaha Burco. Shilkan ayaa ahaa mid halisa marka loo eego goobta uu beegsaday gaadhigu oo ah goobaha ay ku kulmaan dhalinyaradu. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey safaf dhaadheer ugu jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu khilaaf adag soo kala dhex galay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa kasoo wareegay xafiiska madaxweynaha, iyagoo u baqaya mustaqbalkooda xildhibaanimo oo saameyn badan uu ku leeyahay Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga maamulayo doorashada reer waqooyiga oo Muqdisho ka dhaceysa. Labada wasiir ee ka tirsan Xukuumadda Rooble, isla markaasna kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee kala ah wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo kan Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa si toos ah ula saftay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maadaama ay u sharaxan yihiin Xildhibaano. Sidoo kale, waxaa khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Farmaajo ka gaabsaday inuu ka hadlo Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo sidoo kale ah musharax doonaya in sanadkaan uu noqdo Xildhibaan. Sababta ay reer waqooyiga ula safteen Rooble ayaa lagu sheegay inuu Ra’isul wasaare Rooble uu si toos ah isku hoos geeyey awoodda lagu faragelin karo kuraasta reer waqooyiga. Xafiiska Rooble ayaa xaqiijin iyo kor joogteen ku sameyn doona in badan oo kamid ah mashruuca doorashooyinka reer waqooyiga, xulista ayuu sidoo kale awood ku leeyahay, waana marka la eego ama lagu dhaqmo habraacii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka. Sidaas darteed, siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa Ra’isul wasaare Rooble u arka inuu waqtigaan kala guurka ah kaga muhiimsan yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan wax awood ah ku laheyn doorashada xubnaha Somaliland. Tan iyo markii Ra’isulwasaare Rooble uu la wareegay maamulka doorashada xubnaha Somaliland ayaa waxaa socday dadaalo kala duwan oo ay midowga musharixiinta ku doonayaan inuu Rooble xubno ka siiyo xildhibaanada gobollada waqooyi. The post Xog: Sababta ay siyaasiyiinta reer waqooyiga ula safteen Ra’iisul Wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
