-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) on Wednesday called for swift action to take measures to eliminate the food insecurity and diseases in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Nearly a year and a half of waiting with no response to “repeated” requests for information from the Defense Department is prompting lawmakers to press Defense Secretary Lloyd Austin for answers to questions about the Jan. 2020 attack by al-Shabab militants in Manda Bay, Kenya, that took the lives of three Americans. Source: Hiiraan Online
-
Cumar Xasan AL-BASHIIR Oo Loo Gacan Gelinayo Maxkamadda ICC
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Khartoum)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur. Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sanno, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur. “Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga. Qaramada Midoobay ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sannadkii 2003. Al-Bashir oo muddo ka badan 30 sanno xukumayey Sudan ka hor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum. Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xidhayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur. Waxay sannad kadib soo saartay amar xidhitaan oo kale oo la xidhiidha xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda. Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan. Source -
Waxaa saaka Hoolka wayn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug ka bilaabmaya doorashada xubnaha Galmudug ku matalaya Aqalka sare. Diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada ayaa ka socda guud ahaan deeganada galmudug si gaar ah magaalada Dhuusamareeb oo ay maanta ka dhaceyso doorashada 6- kursi oo ka mid ah 8-kuri oo maamulka uu ku leeyahay Aqalka sare. Amaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka aad loo adkeyay, iyadoo waddooyinka magaalada lagu arkayo ciidamada Ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa soo bandhigay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku sameeyay. Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa warbaahinta u sheegay in khamrigaas lagu qabtay degaanka Maygaagle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana xiga dhanka xadka Itoobiya. Laba xiddigle Maxamuud Miig, ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga, kadib markii ay iska caabin ku sameeyeen Booliiska, iyadoo mid kamid ah raggaas uu dhaawac ka gaaray lugta. “ Hawlgalka waxa lagu qabtay 576 dhalo oo khamri ah iyo afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya. Iska caabin ayay sameeyeen, waana ku guulaysanay in aan qabanno” ayuu yiri Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle. Taliyaha ayaa sheegay in ay Garsoorka hor-gayn doonaan Khamriga iyo shakhsiyaadka lagu soo qabtay, si loogu qaado sharciga. PUNTLAND POST The post Booliiska degmada Buurtinle oo qabtay Khamri fara badan iyo Raggii watay appeared first on Puntland Post.
-
Eleeye Muse Ige and four of his children are among the 600 families huddled in the compound of a local primary school,after fleeing conflict in their village on the border between Somali and Afar regions of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota. Doorashada 6 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee maamulku ku leeyahay aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Dhuusamareeb waxaana la adkeeyay amaanka magaaladda gaar ahaan xarunta Baarlamaanka oo doorashadu ka dhacayso. Ciidanka amaanka Galmudug, kuwa Faderaalka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan goobta loo qorsheeyay codaynta. Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale. Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah. “Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug. Doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe, ayaa musharixiinta qaar kood waxa ay u taasuleen mudane-yaashii la tarmaayay taas oo doorashada ka dhigtay waxa loogu yeeray “musharax iyo malxiiskiisa”. The post Barlamaanka Galmudug oo maanta dooranaya lix Senator oo ka tirsan Aqalka Sare. appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya oo la timid xeelad cusub oo ay u adeegsaneyso Dagaalka Wax yar oo ka mid ah dumarka xad gudubka galmo lagu sameeyay ayaa helay caawinaad Militariga Itoobiya iyo xulafadooda ayaa mas’uul ka ah “kufsi aad u baahsan oo dumar loogu geystay gobolka Tigray. Waxayna ciidamada dowladda arrintaas ka dhigteen xeelad cusub oo ay u adeegsadaan dagaalka,” sida ay sheegtay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Heerka ay gaareen xad gudubyada dhacay sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday waqooyiga dalkaas, waxay la mid yihiin dambiyo dagaal, ayay tidhi hay’adda difaacda xuquuqda aadanaha. Sida ay qortay hay’adda, haweeney ayaa sheegtay in “kufsi wadareed loogu geystay carruurteeda horteeda.” Mas’uuliyiinta Itoobiya kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyay. Amnesty waxay sheegtay in ay heysto “caddeymo waaweyn” oo muujinaya in xad gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday. Waxa ay billowdeen bishii November ee sannadkii la soo dhaafay markii xoogagga xisbiga TPLF ay weerareen saldhig militari, ka dib khilaafkii soo kala dhex galay iyaga iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ay isku maan dhaafeen isbadalladiisa siyaasadeed. Digniin: Dadka qaar waxay dhibsan karaan xogaha ku jira qoraalkan. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha waxa ay wareysatay 63 dumar ah iyo carruurtooda oo ka soo jeeda gobolka Tigray, kuwaas oo sheegay “in ay kufsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ama dagaalhayannada kale ee ka socda gobolka dariska ah ee Amxara ee garabka siinaya dowladda.” Qoraaga warbixintan ayaa BBC-da u sheegtay in markhaatiyaasha ay la kulmeen ay ku jiraan kuwii ugu darnaa ee ay abid maqasho, intii ay xirfaddeeda ku jirtay. “Heerka uu gaarsiisan yahay jir dilka iyo kufsiga oo u sii dheer, waa mid aad looga naxo,” ayay tidhi Donatella Rovera. Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka ka socda gobolka Tigray Haweeney 39 sano jir ah ayaa sheegtay in ay qabsadeen ciidamada Eritrea xilli ay la safreysay labo carruur ah oo ay dhashay. “Shan ka mid ah waxa ay igu kufsadeen carruurteyda hortooda,” ayay haweeneydaas u sheegtay hay’adda Amnesty International. “Bir lagu sifeeyo qoryaha ayay igu gubeen. Qeybo ka mid ah birtaas ayay iga dhex galiyeen ilmo galeenka; taas ayaan xanuun badan kala kulmay. Ka dib waxay iiga tageen waddada,” ayey sheegtay. Qaar ka mid ah haweenka ay wareysatay hay’adda Amnesty waxay sheegeen in la heystay dhowr isbuuc, marar badanna la kufsaday, inta badanna ay ahaayeen kufsi wadareedyo. Ku dhawaad kalabar ka mid ah dumarka hadlay waxa ay eedeeyeen militariga Eritrea, oo ay sheegeen in ay geysteen tacaddiyada, waxayna sheegeen in arrintaas ay ku caddeyn karaan in ay ku hadlayeen luqadda Tigringa iyo direyska ciidamada ee ay xirnaayeen. Amnesty waxa ay ugu baaqday Qaramada Midoobay in si degdeg ah ay koox khubaro ah ugu diraan gobolka Tigray, si ay baaritaanno dheeri ah ugu soo sameeyaan eedeymaha noqon kara dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada. Saraakiisha Itoobiya oo ay BBC-da la xiriirtay kama aysan soo jawaabin codsigeenna ku aaddan inay arrintan wax ka dhahaan. Sidoo Kale Amnesty oo wacday mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Eritrea wax jawaab ah ma aysan ka helin. “Sida ay u baahsanaayeen falalka waxay muujineysaa in madaxda militariga ay ka war qabeen waxa dhacayay, dhagahana ay ka fureysanayeen madaxda sare ee Itoobiya iyo Eritrea,” sida ay shegetay Amnesty. “Qaabka ay xogta isku midka ah u bixinayaan dadka loo geystay tacaddiyada galmada waxay muujineysaa in xad gudubyada ay qayb ka ahaayeen istiraatiijiyad lagu argagax galinayay, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda, labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta. Ms Rovera waxay sheegtay in dadka loo geystay dhibaatada aysan helin caawinaadda ay u baahnaayeen si ay uga soo kabsadaan waxa ku dhacay, intooda badanna ay iyagoo sabool ah ku nool yihiin xeryaha qaxootiga ee Suudaan ama kuwa gudaha gobolka Tigray. Maalintii Talaadada, markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ugu baaqay shacabka in ay ku biiraan militariga si ay ula dagaallamaan xoogagga Tigray, waxa uu sidoo kale ciidamada Tigray ku eedeeyay inay qoranayaan carruur askartooda ka mid noqda, inay dumarka kufsadaan iyo inay hor istaagaan gargaarka bani’aadannimo. Amnesty waxa ay sheegtay in aysan la kulmin wax dumar ah oo Tigray ku eedeynaya kufsi, balse waxa ay intaas ku dartay in ay sii sameyn doonto baaritaanno la xiriira xaaladda hadda uu marayo dagaalka oo ka gudbay xuduudaha gobolka Tigray. TPLF, oo dowladda ay u aqoonsatay tahay urur argagixiso ah, balse iyadu sheeganeyso in ay tahay dowladda rasmiga ah ee gobolka Tigray, ayaa dowladda dhexe ku eedeyay inay adeegsaneyso “hadallo sun ah” oo ka dhan ah dadka reer Tigray, ayna mas’uul ka tahay xayiraadda gargaarka bani’aadannimo. Qaran News
-
Haddii ay jirto hal dhaqan oo aan ku baranay madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu xilka hayey, waa siyaasadda qar iska tuurnimada ah, iyo go’aanada aan laga fiirsan ee uu qaato kadibna kusoo noqda. Kasoo bilow dhiibiistii Qalbi-dhagax, dekadihii loo saxiixay Ethiopia, askartii la geeyey Eritrea, illaa isku daygii muddo kororsi ee fashilmay, Farmaajo caan kuma ahan go’aan qaadasho saxan. Waxa uu mar kale ayuu toddobaadkan sidaas sameeyey kadib markii uu soo saaray amar uu isugu dayey inuu ku xakameeyo awoodaha fulinta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, inkasta oo uu ogaa inuusan sharciyad u heysan. Farmaajo ayaa wareegto ku sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.” Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan leex-leexad laheyn ugu jawaabay Farmaajo, una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, sida ku cad qodobka 97-aad ee dastuurka. Maxaa dhacay kadib? Qoraallada ay isugu jawaabeen Farmaajo iyo Rooble, waxaa xigay in Rooble uu Talaadadii u amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu heshiisyo ay ka mid yihiin dib usoo celinta xiriirka diblomaasi kula galay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Tallaabada uu Rooble qaaday intii uu ku sugnaa Mombasa, waxay ka dhigan tahay inuu qoraal ahaan iyo ficil ahaanba ugu gacan seeray isku daygii uu Farmaajo doonayey inuu ku xakameeyo. Kaaga sii daran’e, waxaa la filayaa in Rooble marka uu dalka kusoo laabto uu si rasmi ah dib ugu fasaxo qaadka Kenya ee la keeni jiray Soomaaliya, oo uu Farmaajo xayiray, si xubno ka tirsan qoyskiisa ay dalka u keenaan qaadka Ethiopia ugana faa’iideystaan. Maxay uga dhigan tahay Farmaajo? In amar uu soo saaro la diido, waxay Farmaajo ku tahay dhaawac weyn oo soo gaaray awooddiisa fulineed, aadna u wiiqeysa in hadda iyo wixii ka dambeeyo amarkiisa uu dalka ka shaqeeyo. Sidoo kale waa bahdil shaqsiyeed oo uu ku sameeyey naftiisa iyo kursiga madaxweynenimo. Diidmada iyo ficillada Rooble waxay si cad u muujiyeen in awoodda ugu sarreysa dalka uu maanta isaga leeyahay, kadib markii toddoba bilood kahor ay Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkii sharciyadda siinayey. Way adkaan doontaa in amar dambe oo kasoo baxa Farmaajo, oo aanu Rooble raali ka aheyn uu dalka ka shaqeeyo inta ka harsan doorashada madaxweynaha cusub, waa haddiiba uu Farmaajo ku dhiirado mar kale. Maxaa Farmaajo ku qasba siyaasadaha qalafsan? Siyaasadaha iyo go’aanada qar iska tuurnimada ah ee marka uu Farmaajo qaato, waxaa loo aaneeyaa laba cilad oo ay adag tahay in xal loo helo. Ciladda koowaad, waa Farmaajo oo madax adag, oo mar walba rabitaankiisa uu ka weyn yahay danta guud iyo waxa saxan. Ciladda labaadna waa la-taliyeyaasha ku hareereysan iyo kuwa xeendaabkiisa ku jira, oo aan awoodin inay u sheegaan marka uu qaldan yahay, balse ku raaca uguna sacab tuma go’aan kasta. Xitaa markii uu Farmaajo go’aansaday muddo kororsigii fashilmay, waxaa la-taliyeyaashiisa ay u sheegayeen inay dagaal ku qabsan karaan Muqdisho oo ay haystaan ciidan ka fulin, ayaga oo ag in xaqiiqda ay taas ka duwaneyd, balse ay ka aheyd oo kaliya in dhegaha Farmaajo ay ku dhibciyaan erayo ay maqalkooda ku raaxeysanayaan. Waxaan hadda sugeynaa siyaasadda xigta ee qar iska tuurnimada ah ee uu qaato Farmaajo haddana dib ugu soo laabata. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey awoodihii yaraa ee ugu harsanaa dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Ma ka jira wararka sheegaya In Xildhibaan Faratoon iska casilaayo Xilka xidhibaanimo Xoggo Wargeyska Waaberi helay, ayaa iftiimiyey in Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamid Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana dhawaan tartan adag u gallay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,balse lagaga guuleystay inuu qorshaynayo inuu iska casilo Xilka Xildhibaannimo ee Golaha. Xoggahan oo Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo ka agdhow Xildhibaan Faratoon,ayaa tibaaxay in Xildhibaan Yaasiin uu hadda ku hawlan yahay sidii uu iskaga casili lahaa Xildhibaannimadda Golaha Wakiillada Somaliland,maddaama oo uu ku guulaysan waayey xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiillada oo uu soo doontay,waxaana la sheegay in asxsaabtiisu ay kula talliyeen,isla markaana ay ku booriyeen inuu go’aankaa qaato,balse waxa la sheegay inuu sugayo tallo waddaag uu kale yeellanayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa kaloo,illaha Wararkan aanu ka helay daah-furreen in Xildhibaan Yaasiin Faratoon uu laftiisu sheegay in aanu xiiso u qabin Xildhibaannimada Golaha Wakiillada,isla markaana ay ujeedadiisu ahayd inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,balse haddii uu waayey inay ku adagtahay inuu ka sii mid ahaado Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hore uga soo mid noqday. Geesta kale, waxa xoggahani ay markii u horraysay fasiraad ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo is casilaada Xildhibaan Faratoon inay sabab u yihiin guul-darradii uu ku guul-darraystay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ,arrinkaasna waxa xogguhu ku fasireen inuu salka ku hayo laba ujeedo oo midi tahay hore inuu Xildhibaan hore oo Golaha Wakiillada ahaa,isla markaana aanu xiiso u qabin Xildhibaannimo,waxa kaloo qodobkaa raaca in dawladda Madaxweyne Biixi ay u wadday inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana ay ahayd sababtii uu iskaga soo casiley Xilkii Wasiirka Wasaaradda arrimaha debada Somaliland,haseyeeshee haddii uu waayey Guddoomiyenimaddii Golaha Wakiillada in ay adagtahay inuu ka sii mid ahaado Golaha uu hore uga soo mid ahaan jiray. Dhanka kalene waxay xoggahani intaas ku dareen in Siyaasiyiin iyo haldoor baddan oo asxaab la ihi ay u soo jeediyeen Xildhibaan Faratoon in sumcadiisu ay ku jirto inuu iska casilo Golaha,isla markaana aanu ka sii mid ahaan Xildhibaannada Golaha,maddaama oo uu ku guul-darraystay maqsadkiisii ahaa inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillad,balse waxa la sheegay inuu qaatay tallooyinkaas,isla markaana uu go’aankiisu kale caddaan doonno maal-maha soo socda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka bilaabeen baaritaan iyo feejignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaantoodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho ah. Hoteelo ku yaala Muqdisho, Maqaayado, Saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed ayaa aad looga cabsi qabaa in raggaan ay weeraro ka fuliyaan, waxaana aad feejignaan loo geliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya. Xalay magaalada Muqdisho waxaa la xiray wadooyinka qaar iyadoo ilaa maanta aad loo baarayo gaadiidka raaxada ee gobalka Banaadir. Si gaar ah waxaa la baarayaa gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya ama kuwa hormaraya Villa Somalia. Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo dadka qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan. The post 13 nin oo la sheegay inay damacsan yihiin qaraxyo oo soo galay Muqdisho – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Barlmaanka S/land oo shaaciyey in Dadka uu ka soo jeedo dantoodu Somaliland taalo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa shaaca ka qaaday in bulshada deegaamada uu ka soo jeedo dantoodu ku jirto Somaliland, laakiin, tabashooyin badan oo ay qabeen, isla markaana garowshiiyo dhamaystiran aanay u helin, weli tabanayaan, hadii si caddaalad xalkeeda loo galanna la dhamayn karo. Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa hoosta ka xaqiiqay in golaha wakiiladu dib-u-eegis ku samayn doonaan shuruucda tabashooyinku ka jiraan, sida tabashooyinka awood-qeybsiga, tabashooyinka dib-u-eegista Dastuurka, iyo waxii bulshadu baahi u qabto wanaajintooda, oo dhamaantood ah, waajibaadka golaha wakiiladda laga sugayo Wareysi telefishanka Universal todobaadkii hore la yeeshay ayaa su’aalo kala duwan oo qeybta dambe la weydiiyey waxa ka mid ahaa, Maadama hore gobolka Sool bulshadiisu tabashooyin lahayd, xilligana 6 Mudane ku metelayaan golaha, side ayaad u soo jiidi kartaa, ayuu Gud Cabdirasaaq kaga jawaabay, “Doorashadii 2005, beeshu lix xildhibaan ayey ka heshay, maantana waa lixdii? Waxaana sabab u ah bulshada oo aan si weyn ugu soo bixin doorashada, tusaale 4 Degmo ee G Sool, waxay heshay 7 xildhibaan, halka saddexii Degmo ee kale isku heleen 5 xildhibaan, taasi waxay muujinaysaa inaanay isku-san-banaanayn bulshada deegaankayga iyo xukuumada Somaliland? Sababo badan awgood-sida tabashooyinka jira oo xukuumadahii dalka soo maray si wanaagsan uga jawaabin, ama gaabis ha keeno, ama haynta dawladu oo koobnaa, awoodeeda iyo imkaaniyaadka, maadama aanay ictiraaf haysan. Runtii waxaan odhan karaa 75% yuhuunta dadku qabay sida looga jawaabay kuma fillayn in dadka lagu qanciyo. Dadka aan ka soo jeedo, weliba Sool dantoodu halkan (Somaliland) ayey taala, taariikh ahaan, iyo deegaan ahaanba, laakiin waxa jira tabashooyin badan oo is-dul-fuulay, tusaale Madaxda dhaqanka reerka dhamaantood way ka maqan yihiin, mid keliya ayaa jooga? Marka la eego dadkii aqoonta lahaa, way ka maqan yihiin, dadka jooga ee inta badan xilalka ka qabtaana maaha dadkii meteli lahaa, deegaanka iyo dadka. ..Kuwaa adigu ma ku jirtaa oo la weydiiyey Gud Cabdirisaaq ayuu ku jawaabay, “Dabac ka mid ayaan noqonayaa, oo ma odhanayo gaar ayaan uga baxsannahay, waxaanse is-leeyahay, markii aan 2012-kii imi, ee xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka mid noqday, waxay ahayd markii ay ugu adkayd, ee Jabhadii SCC-la aasaasay, magaalada Laascaanod iyo gobolada oo dhan saamayn ayey ku lahayd, waxaan is-leeyahay muddada 5-ta sannadood waxaad gaadhsiiseen heer dadku gobolka Sool, Sanaag iyo qeybo badan oo deegaanka ah ay ku qancaan inay dalka iyo dadka wax la qabsadaan. Waxaan aaminsannahay in mudadii dambe wax badan dib u dhaceen, ama u noqdeen? Hadii maanta si dhab ah xalkeeda loo galo, suurtagal maaha in shaqsiyaadka halkan laga magacaabayo noqdaan kuwo u jawaaba dadka deegaankaa, ama Salaadiintooda. Tusaale ninka odhanaya, nimanka Salaadiintu cidna ma metelaan? Salaadiinta dad bay metelaan, cid baa dooratay, shacabkiina iyagaa wakiil ka ah, waxay tahay inta la aqbalo waaqica dalka ka jira in si dhan ah xalkeeda loo galo. Arrinkaasi waxuu u baahan yahay, oo runtii aan qabaa, ama kalsoonida aad dadka dhexdooda ku leedahay ha noqoto, ama fahamka aad dadkaaga ka hayso ha noqoto, ama baahida aad u qabto manta inaad meelaha qaar ku maararowdo ha noqotee, inaad wax-ka-qaban karto. Mar la weydiiyey hadaad Gudoomiyahii wakiiladda ee ka horeeyey ee Md Baashe, isku beel ka soo wada jeedan, maxay soo kordhinaysaa doorashadaadu, ayuu Gud Cabdirisaaq, ku jawaabay, “Runtii xilkan siyaasiga ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, waxuu ahaa is-faham lagu gaadhay shirkii magaalada Boorama ee 1993-dii, umana arko inay caddaalad ahayd qaabkii wax loo qeybsaday? Marka labaad mansab siyaasi ma sameeyo isbedel, balse aragti iyo fikir lala yimaado oo hela taageero iyo qalbi furan ayaa keeni kara isbedel. Waxaan aaminsannahay hadii dadka Somaliland u diyaargaroobaan midnimmo iyo heshiis wadareed, wax badan ayaa la qaban karaa. Marka ay timaado hawlaha idin horyaala, baarlamaankii hore sidday u shaqeynayeen, waad la socotay, shuruucda qabyada ah ee horyaalay, maxa augu mudan ayaad filaysaa aragtidaada, ayuu Gud Cabdirisaaq ku jawaabay, “Doorashada shir-gudoonka waxa xigi doona in la dhiso guddiyadii baarlamaanka ee shaqeyn lahaa, oo noqonaya guddiyada hawlqabad ee golaha dhaqaajin doona, shaqo walba oo golaha timaadana qabanaya, waxa xigi doona xeer-hoosaadkii uu ku shaqeyn lahaa, ee dabarka u noqon lahaa, shaqooyinkooda maalinlahana jiheyn lahaa, ka dib waxa la eegi doonaa, waxii shuruuc ah ee taagan ama yaala laga hawlgalo, waxa xigi doonta in dib loo eego shuruucdii hore dalka, gaar ahaan waxii tabashooyin ka jiraan, waxa Iyana iman doona in laga doodo tabashooyinka Barri ilaa Galbeed ka imanaya, sida tabashooyinka saami-qeybsiga, dib-u-eegista Dastuurka oo qeyladiisu inbadan taagnayd, awood-qeybsiga, waxyaabaha oo dhan oo golaha waajibaadkiisa qeyb ka ah. Arrimaha dadku is-weydiinayeen ee muddo baarlamaanka horyaalay, waxa ka mid ah ta Baananka xorta ah, sidaad u aragtaa, oo Gudoomiyaha Wakiiladda la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Runtii, si kooban waxaan u odhan karaa, dalku Dastuur ayuu leeyahay, waxii Dastuurka dalku waafaqayo, waajib bay ku noqonaysaa xubnaha xildhibaanadda baarlamaanku inay meel mariyaan, sidoo kale wax kasta oo Dastuurka iyo shareecada islaamka ka horimanaya wax aan la fulin ayey noqon doonaa, markaa golahu waxuu ku khasban yahay, oo raaci doonaa Dastuurka Qaranka. …Hadaad sii bayaamiso, Dastuurku maxuu ka qabaa samaynta baanan xor ah, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay Gud Cabdirisaaq, “Baanan xor ah in la sameeyo Dastuurku wuu ogolaanayaa, wakhigana dalka inay ka jiraan ayaan aaminsannahay, laakiin waxa laga yaabaa inaynu kala saarno, Baananka xorta ah maxaynu u naqaanaa, ama odhanaynaa? Ma siyaasad dal kale iyo baanankooda ayeynu ka hadlaynaa, mise siyaasad ku haboon dalkeena, tusaale Baanan ayaa dalka ka jira, DaraSalaam Bank, Dahabshil Bank, Preium Bank ayaa jir, way shaqeeyaan, waxaan filayaa, in dadkeena lagu abuuray sheeko odhanaysa, dalkeena kama jiraan bangiyo xor ah, waxaan qabaa, in taasi sida loo dhigayo aanay ahayn, Baroortu Orgiga ka weyn? Qofku haduu doonayo wax kale, oo u ka hadlo, ama meel kale oo u u dacal-saaro, taasi waa gaar, Baanankii way jiraan, xaqna way u leeyahiin cid kasta oo awoodeeda leh, inay Bangi furato. Mar la weydiiyey, intii loolanka doorashada shir-gudoonku socday, qolada idinka soo horjeeday waxyaalaha adiga shaqsiyan kugu eedeynayeen, wax aka mid ahaa inaad xidhiidh la lahayd, waayadii hore ururada xag-jirka, sidaad u aragtaa, ayuu Gud Cabdirisaaq, ku jawaabay, “Horta, qolada iga soo horjeeda hadday maanta tilmaamayso 15 sannadood ayaan xisbiga KULMIYE ka mid ahaaye, waxaan ahaa, maanta maan noqone, shalay-na waan ahaa! Taa waa in la ogaado, marlabaad, hadii loo yaqaano qofka cibaadaysta tukada ee masaajidka taga inuu xag-jir yahay? Waan qaadanayaa, kana doodi mayo, nin xilligan diintiisa lagu muransan yahay ma ihi, laakiin, arrimahaasi waxay uun ka mid ahaayeen loolankii doorashada dacaayadaheedii, waxaanan filayaa xukuumadu hadii ay sidaa leedahay, waxaan u doontay xilkan shacabka, dawladdana waxaan u doontay warqadii dembi la’aanta, waxaan 5 sannadood iyo badh ka ahaa Wasiir xisbiga tallada maanta haya, qeyladaasi ma soo bixin, markaa baqe ayaa keenay baan filayaa, balse manta wuu dhamaaday baqahaasi. …Dadka arrimaha sheegayey, weliba waxay kugu eedeeyeen inaad ururkii AlItixaad ka mid ahayd, arrintaasi ma jirtay, sideedaba, oo la weydiiyey, ayuu ku jawaabay, “MAYA, ma jirin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad xoog leh ayaa ka dhalatay dad shacab ah oo ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay Talaadadii ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo meydkooda oo jawaano ku jira Muqdisho la keenay, waxayna ehelladii dadkaas diideen in la aaso meydadka, ilaa inta AMISOM ay mas’uuliyadda ka qaadaneyso. Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa si adag uga hadlay falkaas, isagoo fariin u diray umadda Soomaaliyeed iyo taliska ciidanka dhibkaan geystay ee AMISOM. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay waxyaabaha qaar lama qaadan karo, AMISOM mudadii ay dalkaan joogtay waxay geysatay dhacdooyin xanuun badan oo aad u foolxun, dad meyd ah oo ay dileen ayey miino ku qarxiyeen oo jarjareen, waxaan mari doonaa wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay, waxaa kasta waxaa kasii fool xun AMISOM waxay bogeeda ku soo qortay in dadkii ay naga dishay ay ahaayeen Argagixiso, waxay soo sawireen qoryo duug ah oo beerta bahalada looga ilaalin jiray, waxaan heynaa warqadii October 2018-kii ay ugu fasaxday Xaajiga in qoryahaas duuga ah uu beertiisa ku ilaashan karo,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Ugaaska ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray Xaaji Cumar Garey oo iska lahaa beerta laga soo dhex watay qaar ka mid dadka la dilay, isla markaana ciidamada dilay ay aqoon u la haayeen. “Dadkaas la dilay waxaa ugu magac dheeraa Xaaji Cumar Ganey oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn deegaanka looga yaqiinay, ciidanka xaquuqay ee AMISOM-na ay mudo dheer la yaqiineen, gurigiisa ayaa loogu tegay isaga iyo lix qof oo ehelkiisa u badnaa, dadkaas waa la dilay markii hore, kadibana miino ayaa la dul saaray, waana lagu qarxiyey, markii asaga laga reebo, lixdii kale hilbo ayey noqdeen, iyagoo seddax jawaan ku jira ayey hadda Farnjiyeer ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud. Ugaaska Mudullood oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waa wax aan la aqbali karin xasuuqa ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, hadaba anagoo ka jwaabeyna dhacdadaas waxaan la hadleynaa dowladda Soomaaliya, AMSIOM, UN-ka iyo cid kasta oo dhaqaale ku bixisa howlgalka AMISOM. Hadii nin Nabadoon ah oo 10-sano ay la macaamilayeen ay u dileen Argagixisaa tahay, waxay ka dhigantahay Soomaalida oo dhan ayaa argagixiso ah, mana aqbaleyno taas.” Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in aysan heynin meyd, balse ay hayaan hilbo, kuwaas oo uu sheegay inay Faranjiyeerka ku jiri doonaan, illaa jawaab laga helo cidii dishay oo mas’uuliyada wixii dhacay ay AMSIOM si cad u qaadaneyso. Hoos ka daawo The post Ugaaska Mudulood oo soo saaray farriin xasaasi oo ka dhan ah AMISOM (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur. Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sano, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur. “Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga. QM ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sanadkii 2003. Al-Bashir oo mudd ka badan 30 sano xukumayey Sudan kahor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabvsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum. Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xirayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur. Waxay sanad kadib soo saartay amar xiritaan oo kale oo la xiriira xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda. Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan. The post Madaxweyne Cumar Xasan AL-BASHIIR oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC appeared first on Caasimada Online.
-
Howlgalka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ee AMISOM, ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdo lagu dilay todoba qof oo rayid ah. War ka soo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan dilkaas oo dhacay degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka. AMISOM ayaa sheegtay in degaanka Golweyn ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah. PUNTLAND POST The post AMISOM oo baaritaan ku bilowday dhacdo dad rayid ah ku dhinteen appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Kenya (AP) — A militant leader in Ethiopia says his group has struck a military alliance with the Tigray forces now pressing toward the country’s capital, as the conflict that erupted in the Tigray region last year spreads into other parts of Africa’s second-most populous country. “The only solution now is overthrowing this government militarily, speaking the language they want to be spoken to,” Oromo Liberation Army leader Kumsa Diriba, also known as Jaal Marroo, told The Associated Press in an interview on Wednesday. The alliance is a further sign of the broadening of the Tigray conflict that began in November after a political fallout between Prime Minister Abiy Ahmed and the Tigray leaders who had dominated Ethiopia’s government for nearly three decades. Thousands have been killed in the nine-month war that has been marked by widespread allegations by ethnic Tigrayans of gang-rapes, man-made famine and mass expulsions by Ethiopian and allied forces. The OLA leader said the agreement was reached a few weeks ago after the Tigray forces proposed it. “We have agreed on a level of understanding to cooperate against the same enemy, especially in military cooperation,” Diriba said. “It is underway.” They share battlefield information and fight in parallel, he said, and while they’re not fighting side by side, “there is a possibility it might happen.” Talks are underway on a political alliance as well, he said, and asserted that other groups in Ethiopia are involved in similar discussions: “There’s going to be a grand coalition against (Abiy’s) regime.” The alliance brings together the Tigray People’s Liberation Front, who had been front and center in Ethiopia’s repressive government but were sidelined when Abiy took office in 2018, and the OLA, which last year broke away from the opposition party Oromo Liberation Front and seeks self-determination for the Oromo people. The Oromo are Ethiopia’s largest ethnic group. Ethiopia’s government earlier this year declared both the TPLF and OLA terrorist organizations. Tigray forces spokesman Getachew Reda told the AP last week that “yes, we’re working with some people” in pursuit of a political arrangement but didn’t give details. “We want to work with anyone not implicated in the genocidal campaign Abiy Ahmed has waged,” he said. There was no comment from the spokeswoman for Abiy’s office. The OLA leader spoke a day after the prime minister called on all capable Ethiopians to join the military and stop the Tigray forces “once and for all” after they retook much of the Tigray region in recent weeks and crossed into the neighboring Amhara and Afar regions. The Tigray forces spokesman has told the AP they are fighting to secure their long-blockaded region but if Abiy’s government topples, “that’s icing on the cake.” With access to parts of Ethiopia increasingly restricted and journalists often harassed, it is difficult to tell how citizens will respond to the prime minister’s call, or whether they will join the fight against him. The government has supported large military recruiting rallies in recent weeks. The Tigray leaders embittered many Ethiopians during their nearly three decades in power by putting in place a system of ethnic federalism that led to ethnic tensions that continue to simmer in the country of 110 million people. Diriba acknowledged that agreeing to the Tigray forces’ proposal for an alliance took some thought. “There were so many atrocities committed” against the Oromo people during the TPLF’s time in power, he said, and the problems it created have never been resolved. But the OLA decided it was possible to work together, he said, though some doubts remain. “I hope the TPLF has learned a lesson,” he said. “I don’t think the TPLF will commit the same mistakes unless they’re out of their mind.” If they do, there will be chaos in Ethiopia and it could collapse as a state, he said. It was not clear how many fighters the OLA would bring to the alliance. “This, madam, is a military secret,” its leader said. He said he hoped the TPLF’s talks with other groups would become public in the near future. He also warned the international community, which led by the United Nations and the United States has urged a halt to the Tigray conflict and negotiations, that the crisis has to be handled carefully “if Ethiopia is to continue together Source AP Qaran News
-
Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo yihiin heshiis oo uusan jirin wax khilaafa. Rooble oo ka hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in isaga iyo madaxda kale ee Qaranka ay ka go’an tahay in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho. “Waxaa la yiraahdaa doqoni meeshii lagu dagaalay bay ogtahaye meeshii lagu heshiiyay ma oga, heshiis baan nahay aniga iyo madaxweynaha, dalkaas hadaan heshiis lagu ahayn ma soconayo qarbuu ka sii dhacayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaase Rooble. Dhanka kale Ra’iisul Wasaarha ayaa sheegay in arrinta badda ay tahay lama taabtaan, ayna go’aan ka sugayaan Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Wuxuu sheegay in booqashadiisa Kenya ay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah. “Kenya uma imaan in aan wax saxiixo, arrinta badda waa lama taabtaan, waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka” ayuu hadalka raaciy Rooble. PUNTLAND POST The post Rooble: “Aniga iyo madaxweyne Farmaajo heshiis baan nahay” appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota. Tan iyo Markii Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu soo gudbiyay liiska Musharixiinta u taagan Aqalka sare in ay ku matalaan Maamulkaasi, ayaa waxaa laga dareemayay magaalada dhaqdhaqaaqyo aad u ballaaran oo ayw adaan siyaasiyiinta iyo sidoo akle xubnaha musharixiinta ah ee maamulkaasi. Magaalada ayaa waxaa si weyn looga dareemaya diyaar garowga ku aaddan doorashada, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magalada gaar ahaan halka doorashadu ka dhacayso. PUNTLAND POST The post Barlamaanka Galmudug oo maanta dooranaya Lix Senator oo Ka Tirsan Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, waxa ka jira in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo, inay wadahadal ka galeen kiiska badda, qaadka iyo hanaanka uu doonayo in loo maro soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Ugu horeyn Rooble waxa uu yiri, “Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto.” Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo maamul goboleedyadu ay ku aamineen hoggaaminta doorashada, sidaas darteedna uusan hadda ku jirin han siyaasadeed. “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto,” ayuu yiri Rooble. Waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada. “Halkaan uma imaan inaan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan, maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble. Waxa uu balan qaaday inta uu xukunka joogo in uusan ogolaan doonin in wadahadal laga galo kiiska badda, “Soomaalidu maadaama ay Muslimiin wada tahay, qofkii la rabo in la suurad xumeeyo waxaa lagu tilmaamaa Murtad, hadda markii siyaasadda la joogo waxaa la yiraahdaa badda ayuu soo saxiixayaa, cid badaan inay saxiixdo ku dhiiran karta ma jirto,” ayuu yiri Rooble. Sidoo kale waxa uu cadeeyey Rooble in safarkiisa uusan la xariirin Qaadka, balse uu Kenya u tegay howl-gelinta guddigii ka shaqeyn doona soo celinta xiriirka xumaaday ee labada dal. “Wixii ka soo baxa wadaxaajoodka labada guddi ee Soomaaliya iyo Kenya, qaad haku jiro ama wax kale haku heshiiyaane, guddigaas wixii ka soo baxa wadaxaajodkooda ayaa noo go’aan ah,” ayuu yiri. Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay fududeynta dal ku galka, isla markaana arrintaas guddi loo xil saaray. “Waxaa ila socda Taliyaha hey’adda Socdaalka Soomaaliya Koofi, waxaa loo balamiyey dhigiisa waana kulmaayaan, wixii ka soo baxa wadahadalkooda kheyr allaha nooga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in maadxweynaha Kenya uu kala hadlay dhibaatooyinka ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada ka socda dalkaas ee qeybta ka ah AMISOM, isla markaana ay isla qaateen, si looga baaqsado dhibaatada soo gaarta shacabka in la dejiyo siyaasad ay ku wada howlgalaan labada ciidan ee Soomaaliya iyo Kenya. Hadalkaan ayuu Rooble ka jeediyey goob uu kula kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo warbixin guud uu siinayey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya. Hoos ka daawo The post Daawo: Rooble oo ka hadlay khilaafkii isaga iyo Farmaajo iyo u jeedka safarkiisa Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s Berbera port (file photo) Somalia has rejected pressure for a diplomatic resolution to a longstanding maritime dispute with Kenya, maintaining the matter will be decided by the International Court of Justice (ICJ). Despite a charm offensive by Kenya, Somalia reckons the ICJ must provide the final verdict on the dispute that has been running for close to a decade in which the neighbouring countries both claim ownership of large territories of the Indian Ocean with prospects of vast oil and gas deposits. Kenya’s Foreign Affairs Minister Raychelle Omamo made a maiden visit to Somalia’s capital, Mogadishu, where she held talks with Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble and sought to push the agenda of an out-of-court settlement with a deal brokered by the African Union. However, Somalia stuck to its guns saying that the maritime dispute between both nations will be decided by The Hague-based court whose ruling is eagerly awaited after formal hearings in March this year. Kenya boycotted the hearings after accusing the ICJ of unfairness and unwillingness to delay the proceedings as a result of the COVID-19 pandemic. “Somalia has underscored that an existing maritime dispute between both nations will be decided by The Hague-based International Court of Justice, or ICJ, despite several requests by Kenya to reach a settlement out of court,” said a statement from the prime minister’s office. The two east African neighbors dispute over 38,000 square miles of territory in the Indian Ocean with prospects of vast oil and gas deposits, a matter Somalia wants the ICJ to arbitrate. The dispute has also led to frosty diplomatic relations over accusations and counter-accusations about interference with domestic affairs, territorial integrity, trade and security. The statement noted that the two ministers “emphasized the importance of taking concrete measures to show respect for sovereignty, territorial integrity and political independence, which are the cornerstone of the relationship between the two countries.” Somalia filed the case at the ICJ in 2014 on the basis that Kenya was encroaching on its marine territory and has repeatedly rejected calls to withdraw it and allow for a diplomatic resolution to the dispute. Both countries are claiming ownership to the territory and have gone ahead to invite international companies to explore for gas and oil. Source: The Maritime Executive The post Somalia Rejects Diplomatic Resolution of Maritime Dispute with Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qeyb ka ah wafdiga safarka ku jooga dalka Kenya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii ay la yeesheen madaxda Kenya. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas ayaa sheegay in shalay ay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen magaalada Mombaasa, halkaas oo ay uga wadahadleen arrimo badan oo khuseeya soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada dal. “Arrimaha looga wadahadlay kulankeenii waxaa ka mid ahaa sida ugu fiican ee Soomaaliya iyo Kenya ay isula jaan qaadi karaan, inay soo ceshadaan xiriirkoodii derisnimo, walaalnimo, sida isu-socodka dadweynaha, ganacsiga, amiga iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay oo carrabka uu ku adkeeyey in kulankaas aan looga hadlin kiiska badda iyo waxyaabo lamid ah oo Soomaaliya aysan dani ugu jirin. “Kulankeenii waxaa kaloo looga hadlay in dib loo soo celiyo guddi heer farsamo ah, guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha u baahan in si qota dheer looga xaajoodo, waxay ka soo baaraan degi doonaan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dalka oo hoos loogu daadejin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in weli ay ka wada xaajoonayaan halka uu ka dhici doono kulanka kan xiga, isla markaana ay aad u daneynayaan oo ka shaqeynayaan inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya. “Hadda waxaan ka shaqeyneynaa guddiga heer farsamo cida Soomaaliya ku meteli doonta iyo xulashada wasaaradaha ay khuseyso arrintaan, sidoo kale waxaan ka wadahadalnay inta guddigu uusan howlgelin arrimo deg deg ah hadii ay soo baxaan, in wasaaradba, wasaaradda dhigeeyda ah ay howshaas kala shaaqeyso, anaga waxaa noogu muhiimsan wasaaradaha difaaca iyo amniga, berri inaan kulamo kale yeelano madaxda Kenya si arrimahaas aan u sii amba qadno way u badan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii diray wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Hoos ka daawo The post Wafdiga Rooble oo war cusub kasoo saaray waxyaabihii ay kala hadleen Uhuru iyo arrinta badda appeared first on Caasimada Online.
-
Melbourne (Caasimada Online) – Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Sahra Axmed Mustafe oo xubin ka aheyd xisbiga haya talada dalka Australia ayaa gebi ahaanba lagala noqday musharaxnimada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafaddaas ay ku badanyihiin Soomalida dalkaas. Sahra Axmed oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa sheegtay in xubinimadii xisbiga iyo musharaxnimadii ay ku weyday lacag uu u soo diray adeerkeed oo Wasiir ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Waxay sharci darro ku tilmaamtay arrinta loo cuskaday xil ka xayuubinteeda, waxayna sheegtay in lacagta kasoo gaartay adeerkeeda wasiirka ah ay aheyd hadyad uu u soo direy ciyaalkeeda, sida ay sheegtay. “Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado.” “Aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo,” ayey tiri Sahra oo wax laga weydiiyay sida hogaanka Xisbigeeda uu ku ogaaday lacagta uu u soo diray wasiir ka tirsan dowladda federaalka. Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay inaysan lacag ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, balse ay lacag hadyad ah ka heshay adeerkeed oo Wasiir ah, islamarkaana aysan aheyd mid ka hor imaaneysa shuruucda xisbigay ka tirsaneyd. Si kastaba, Sahra Axmed Mustafe ayaa looga cayriyay xisbiga haya talada dalka Australia in dowlad kale ay dhaqaale ku bixineyso soo bixisteeda, taasi oo ka hor-imaaneysa shuruucda dalkaas. The post Australia: Gabar Soomaali ah oo musharaxnimadeeda xildhibaan ku weyday wasiir ka tirsan DF oo lacag u diray appeared first on Caasimada Online.