-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’isul Wasaare Rooble oo khudbad u jeedinayey qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday khilaafka maalmahaan u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Rooble wuxuu khudbadiisa ku xaqiijiyey jiritaanka khilaafka, isagoo intaas raaciyey in hadda la heshiiyey, waxaana warbixintaan ku eegeynaa shan dhinac oo kamid ah hadalkii Rooble oo duulaan ku ah Farmaajo, sidoo kalana muujinayey inaan weli la heshiin. Marka hore inuu Rooble qirtay inuu khilaaf jiray waxay aheyd arrin biyo qabow ku shubtay dadkii aaminsanaa inaysan labada nin is heyn, weliba sida xogta lagu hayo Rooble dagaal ma rabin balse kooxda Farmaajo ayaa abaabushay dagaalka oo isku dayeysay inay baqdin gelin ku hayaan inta laga gaarayo doorashada. 1- Rooble wuxuu sheegay inuu dalka joogo meel ka xun meeshii uu joogay sanadki 2016, islamarkaana uu ka badbaaday dagaal sokeeye. Yaa gaarsiiyey meel ka xun meeshii sanadkii 2016 oo mas’uul ka ah dhibaatada? Waa farriin cad oo sheegeysa in Farmaajo dalkii burburiyey. 2- Rooble wuxuu sheegay in markii xaalad xun la galay in lagu qasbanaaday in isaga la aamino taasina ay tahay sababta uusan isku soo sharaxi karin doorashadaan. Cidda laga aamin baxay oo uu Rooble sheegayo inuu isaga ka mudnaaday aaminaada waa Farmaajo, tanina waa dagaal kale oo cad. 3- Rooble wuxuu khudbadiisii Nairobi ku sheegay in la isku dayey in isaga la sumcad dilo oo laga dhigo inuu isaga bixinayo baddii Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in sidii dadkii hore loogu shaabadeyn jiray inay iibiyeen badda ama ay iibinayaan in duulaan noocaas ah isaga lagu soo qaaday, wuxuuna beeniyey inuu rabo inuu galo heshiis bad ama inay jirto cid Soomaali ah oo geli karta heshiis dhanka badda ah. Qeybtaan wuxuu si toos ah ugu jawaabay Farmaajo iyo kooxdiisa oo isku dayey inay Rooble ku shaabadeeyaan inuu rabo inuu arrinta badda kala hadlo dowladda Kenya. Waa jaawaab culus oo ku fooggan qoraalkii uu Farmaajo ku muujiyey in Kenya lala geli rabo heshiis halis ah. Tani waa astaan kale oo muujineysa meesha labada nin weli kala joogaan. 4- Rooble wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay damaciisa musharaxnimada, isagoo fursad fiican heysta si uu dalkii lagu aaminay u badbaadiyo, sidoo kalana aysan macquul aheyn in qof kale damaciisa dalka loo afduubo, tanina waa jawaab la xiriirta damaca doorasho ee Farmaajo. 5- Arrinta qaadka, wuxuu sheegay inuusan hadda arrimo jaad u imaan Nairobi, balse ay labada dal bilaabanayaan wada-hadallo iyo kulamo lagu soo celinayo cilaaqaadkii iyo wax wadaagii, wuxuuna sheegay in natiijada wada-hadalaas haddii ay kasoo baxdo arrin ku saabsan qaadka inaysan dhib laheyn. Halkaas waxaa iyadana laga fahmay in heshiisyada ganacsiga deg deg loo guda geli doono oo aan loo xayirnaan doonin Farmaajo, wuxuuna Rooble sheegay in wada- shaqeynta madaxda sare ay waajib tahay. Khudbadii uu Rooble ka jeediyey magaalada Nairobi markii indho siyaasadeed lagu fiiriyo waxay muujineysay inaan labada nin weli si rasmi ah u heshiinin, laakiin illo xog-ogaal ah waxay sheegayaan inay jiraan wada-hadalo ay garwadeyn ka yihiin xubno Farmaajo ku dhow dhow oo aaminsan in haddii dagaalka Rooble sii socdo inay halis ku jirto dib u doorashada Farmaajo. Rooble waxaa la sheegay inuu soo dhaweeyey waan-waantaas, balse wuxuu ku adkeystay in awoodihiisa iyo maamulka xilliga kala guurka aan lasoo faragelin. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Shan qodob oo khudbadii Rooble ku jiray oo muujinaya in aaney weli heshiin Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
The U.N. special envoy for Somalia reported "significant progress" Thursday in implementing an agreement between the federal government and regional states aimed at holding long-delayed national elections but said greater efforts are needed to ensure electoral security in light of the ongoing threat from the al-Shabab extremist group. Source: Hiiraan Online
-
UN, AU Urge Somalia to Hold Elections Without Further Delay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations and the African Union urged Somalia on Thursday to hold already delayed national elections this October despite attempted intimidation by Islamist militants. Source: Hiiraan Online -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor. Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno. Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid. Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob: 1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug 2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto. 3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa. Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba. Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf. Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay. The post XOG: XAAF oo laga yaabo inuu u tanaasulo QEYBDIID iyo waxa uu dhaafsanayo appeared first on Caasimada Online.
-
Hal sano kahor, 25-kii bishii tagtay ee July waxaa kala tegay mid ka mid ah lamaanayaashii ugu isbaheysiga adkaa siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne. Sida Xasan Cali Kheyre uu ku baxay iyo sanad kadib wixii dhacay waxay cashar weyn naga barayaan siyaasadda daneysiga ku dhisan ee Soomaaliya, iyo halka ay ku dhammaadaan siyaasiyiinta loo adeegsado danaha shaqsiyeed. Maxaa isku hayey Farmaajo iyo Kheyre? Farmaajo iyo Kheyre markii horeba kuma wada joogin is-jaceyl iyo dan Soomaaliyeed ee waxaa isku hayey dan siyaasadeed, oo midba uu dhinaciisa ka ilaashanayey. Kheyre wuxuu ku fariistay kursi uusan maqam iyo saameyn siyaasadeed ku helin, islamarkaana uusan weligiis ku hamin, halka Farmaajo uu helay ra’iisul wasaare edban oo fuliya siyaasadihiisa khalafsan ee xooggooda lagu caburinayey shacab iyo siyaasiyiin ku beel ah Kheyre, iyo Soomaali kale oo Farmaajo cadow u arkay. Intii uu Kheyre ra’iisul wasaare ka ahaa dal, waxaa xadgudubyo waa weyn loo gaystay shacab iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed, oo u badan reer Muqdisho, ayada oo xukuumaddiisa ay fulineyso siyaasadda Farmaajo. Tacaddiyadii xukuumadda Kheyre Xukuumaddii Kheyre waxay 20-kii August 2017 Ethiopia u gacan gelisay muwaadin Soomaaliyeed, Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, kadibna waxay urur gobanimo u dirir ah oo Soomaaliyeed, ONLF ku calaameysay inuu yahay urur argagixiso, ayada oo noqotay dowladdii ugu horreysay caalamka ee sidaas sameysa. Xukuumaddii Kheyre waxay amartay weerarkii 18-kii December 2017 lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdoishakuur Warsame, oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isagana dhaawacyo iyo jirdil loogu gaystay. September 22, 2019, xukuumaddii Kheyre waxay bah-dishay oo ay maqaamkooda meel uga dhacday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Maxamuud oo loo diiday inay garoonka Muqdisho uga dhoofaan Kismaayo. Xukuumaddii Kheyre waxay sidoo kale fulisay soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee December 2018 iyo weerarkii ay ciidanka dowladda ku dileen 15 ka mid ahaa shacabkii ka dibad-baxay qabashadaas. Tacaddiyada ay xukuumaddii Kheyre geysatay ma ahan wax lasoo koobi karo, hase yeeshee intaas waa kuwii ugu waa weynaa. Maxay isku qabteen Farmaajo iyo Kheyre? Farmaajo iyo Kheyre waxaa isku daray dantii marki hore isku keentay. Kheyre waxa uu soo damcay kursigii Farmaajo, isaga oo kasoo gudbay xeendaabkii fulinta danaha siyaasadeed ee Farmaajo. Inkasta oo Kheyre isu muujiyey inuu diidanaa damacii muddo kororsiga Farmaajo, iyo inuu ilaalinayey dastuurka, haddana ku dhowaaqistiisa musharaxnimo ee bilo un kadib ayaa muujiyey, in dan shaqsi uu kaga horyimid Farmaajo. Kheyre wuxuu yeelan waayey karti iyo go’aan siyaasadeed oo uu mowqifkiisa ku caddeeyo si toos ahna uga horyimaado Farmaajo, wuxuuna billaabay inuu isku dayo inuu kursigana kusii fadhiyo, hoosna ka xagal-daaciyo Farmaajo, taasi oo keentay in yadda lagala hormaro. Sideee Kheyre ku baxay? Muddadii uu xilka hayey Kheyre, wuxuu lacag iyo dacaayado badan ku bixiyey inuu isu muujiyo inuu yahay ninka ugu awoodda badan Nabad iyo Nolol, ayna ku xiran yihiin inta badan xildhibaanada golaha shacabka. Si kastaba, Kheyre wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu dhibka yaraa Soomaaliya ee xil laga qaado, markii lagu kala baxay 7 daqiiqo gudahood, inkasta oo habkii sharci ahaan loo maray ay su’aalo badan ka taagan yihiin. Iska daa, xildhibaanada xulufada la ah Farmaajo e, waxaa xitaa xil-ka-qaadistiisii u codeeyey xildhibaano aan weligood taageerin Farmaajo, oo illaa maanta mucaarad ku ah, taasi oo muujisay sida uu cidlada siyaasadeed ugu jiray. Maxaan baranay sanad kadib? Casharka ugu weyn ee xil-ka-qaadista Kheyre aan ka baranay ayaa ah aayo xumada siyaasadeed ee u danbeysa siyaasiyiinta lagu daneysto ee aan go’aan qaadasha laheyn. Kheyre, wuxuu goobjoog u noqday tacaddiyo badan oo dalka ka dhacay, oo illaa iyo hadda ay tahay in wax laga weydiiyo, markii uu isku dayey inuu Farmaajo xagal-daaciyana si fudud ayaa loo siibay. Wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasiyiinta uu ku xadgudbay, oo uu soo hoos-fariistay, sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana si bah-dilaad ah loogu qasbay inuu raali-gelin siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si uu usoo galo xeendaabka mucaaradka, taasi oo uu aqbalay. Kheyre wuxuu tusaale iyo cashar siyaasadeed nool u yahay siyaasiyiinta lagu daneysto iyo meesha ay ku dambeyn doonaan. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sanad kadib ceyrintii Xasan Kheyre, maxaan ka baranay siyaasadda isku daneysiga? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxay Askarta Mareykanku u ooyeen markii la deldelaayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq? 12 askari oo Mareykanka ah – oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen – ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq. Waxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay. Waxaa lagu naaneysayay “12-ka askari ee heerka sare ah”. Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay ‘Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay’. Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam. Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen. ‘Saadaam waxa uu noola muuqday awowgeen’ Will Bardenwerper waxa uu ka mid ahaa 12-kii askari ee ilaalineysay Saadaam Xuseen Bardenwerper waxa uu buuggiisa kusoo xigtay mid ka mid ah askartii ay howsha ilaalada Saadaam isla hayeen, oo lagu magacaabo Adam Rogerson, kaasoo yidhi: “Waligeen Saadaam ma uusan noola muuqanin nin dilaa ah. Wuxuu nala ahaa awowgeen oo kale”. Saadaam waxaa loo maxkamadeynayay inuu bixiyay amar lagu dilay 148 qof oo ka mid ahaa dadkii maamulkiisa kasoo horjeeday. Maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa waxa uu xabsiga Ciraaq ku yaallay ku dhageysanayay heeso ay leedahay fannaanadda reer Mareykan ee lagu magacaabo Mary J. Blige, sida lagu sheegay buuggaas. Waxa uu jeclaa inuu aad u isticmaalo baaskiilkiisa jimicsiga, kaasoo uu ugu yeeri jiray ‘Pony’. Macmacaanka ayuu aad u xiiseyn jiray, mar walbana agtiisa lagama waayi jirin doolshada nooceeda yar yar. Cuntada ayuu si aad ah uga taxaddari jiray Saadaam, sida uu buuggiisa ku sheegay Bardenwerper. Wuxuu daneyn jiray ukunta la dubay iyo miraha kala duwan ee khudaarta. Sigaarka ayuu isticmaali jiray, isagoo sheegay in markii ugu horreysay uu ka bartay Fidel Castro, oo ahaa madaxweynihii hore ee Cuba. Fidel Castro iyo Saadaam Xuseen Bardenwerper waxa uu qoray in Saadaam uu maalmihiisii ugu dambeeyay si akhlaaq wanaagsan leh ula dhaqmayay askarta ilaalineysay, uuna iska baddalay dabeecaddii xukunkiisa ee aadka u adkeyd. Askarigan waxa uu xasuustaa in mar uu Mr Saadaam uga sheekeeyay wax uu ku sheegay ficilladii arxan darrada ahaa ee uu sameyn jiray wiilkiisa Cuday, taasoo isaga uu dhibsan jiray. Waxa uu u sheegay in Cuday uu rasaas ku furay dad badan oo joogay xaflad, halkaasoo ay qaar ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen. Saadaam aad buu u carooday wuxuuna amar ku bixiyay in baabuurtii uu Cuday lahaa oo dhan dab la qabadsiiyo. “Isaga qudhiisa wuu qoslay marka uu noo sheegayay sida uu gacantiisa ugu gubay gawaari aad qaali u ahaa oo uu iska lahaa wiilkiisa Cuday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Rolls-Royce, Ferrari iyo Porsche”. Askari Mareykan ahaa oo ku jiray dadkii ilaalinayay Saadaam ayaa mar u sheegay in uu dhintay walaalkiisa, kaddibna intuu qoslay Saadaam ayuu ku yiri, ;maanta laga bilaabo aniga iga dhigo walaal’. Saadaam waxa uu askari kale u sheegay in haddii loo oggolaan lahaa inuu lacagtiisa isticmaalo uu askarigaas wiilkiisa uga bixin lahaa kharashka iskuulka. Saaxiibtinnimada Saadaam iyo askarta ilaalineysay sidaas ayay usii weynaaneysay marba marka kasii dambeysa, sida uu sheegay Bardenwerper. Inta aan la daldalin ka hor waxa uu maray labo xabsi oo ku taallay Ciraaq. Aaskariga lagu magacaabo Adam Rogerson ayaa u sheegay Bardenwerper in Saadaam uu ka maqlay isagoo sheegaya inuu xaas cusub guursan doono marka xabsiga laga sii daayo. Askari wada sawirka Saadaam 30-kii bishii December, 2006-dii, Saadaam Xuseen waxaa hurdada laga soo kiciyay habeen ay saacaddu ahayd 9:00 p.m. Waxaa loo sheegay in mar dhow la daldali doono. Markii uu farriintaas helay, si tartiib ah ayuu usoo qabeystay waxa uuna isku diyaariyay dilka. Waxa uu ka cabsi qabay in “12-kii askari ee waardiyeynayay ay hurdayeen”. Daqiiqado ka hor inta aan la dilin, Saadaam waxa uu wacay Steve Hutchinson waxa uuna gacanta ka saaray saacaddiisa oo nooceedu ahaa “Raymond Weil”. Hutchinson wuu diiday in uu saacadda qaato laakiin Saadaam ayaa ku khasbay. Ilaa maanta, saacaddaas waxay iyadoo shaqeyneysa taallaa guriga Hutchinson uu ku leeyahay gobolka Georgia ee dalka Mareykanka. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Jubbaland. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo muhiim ah. Rooble ayaa ugu horreyn ku ammaanay guddiga doorashada ee Jubbaland qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib Senataradii dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay sii wadaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay dhammeystiraan kuraasta weli dhimman ee taalla Jubbaland. Dhinaca kale xubnaha guddiga ee la kulmay ra’iisul wasaaraha ayaa dhankooda u mahadceliyey Rooble, kadib soo dhoweynta uu ugu sameeyey magaalada Nairobi. Jubbaland ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyey ee bilaabay doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Si kataba, doorashada Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, waxaana gabagabo ah tan Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Xog: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Rooble iyo guddiga doorashada ee Jubbaland? appeared first on Caasimada Online.
-
Sawirka ay Iiraan ka cadhootay oo ay soo bandhigeen UK & Ruushka Labada safiir ayaa ku fadhiya kursi bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran Safiirrada Britain iyo Ruushka u fadhiya Iiraan ayaa ka careysiiyay dalkaasi, kaddib markii ay jileen sawir ay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay galeen Winston Churchill iyo Joseph Stalin, markaas oo Iiraan la heystay. Safaaradda Ruushka ayaa soo wadaagtay sawirka labada diblomaasi oo dib u milicsanaya sawirkii caanka noqday ee hoggaamiyeyaashii dagaalka sanadkii 1943. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sawirka ku qeexay “mid aan habbooneyn”. Ruushka ayaa sheegay inaan wax ujeeddo ah laga lahayn sawirka, isla markaana ay keliya doonayeen inay xusuustaan dagaalkii xilligaasi ka dhanka ahaa Naasiyiintii Jarmalka. Labada safiir, Simon Shercliff iyo Levan Dzhagaryan, ayaa sawir laga qaaday iyaga oo kursi ku fadhiya bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran. Sawirkaasi waxaa laga matalay hoggaamiyeyaasha Stalin, Churchill iyo Madaxweynihii Mareykanka Franklin D Roosevelt markii ugu horreysay ee ay ku kulmeen shirkii Tehran sanadkii 1943. Xilligaas, Iiraan waxaa heystay xoogagga Ruushka iyo Britain. Shirka waxaa lagu xusuustaa in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ay isku raaceen iska caabbinta Naasiyiintii Jarmalka. Stalin, Roosevelt iyo Stalin posed in the same chairs at the 1943 Tehran conference Sawirka ayaa u muuqda mid dib loogu milicsanayo xilli farxadeed oo ay xiriir lahaayeen London iyo Moscow – balse sidaasi maaha sida ay dad badan oo Tehran ku sugan ay u arkeen. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa hor kacayay cambaareynta sawirkaasi loo jeediyay, isgaoo ku sheegay inuu yahay “mid aan habbooneyn”. “Wxaaan dadka xusuusinayaa in August 2021 aysan ahayn August 1941 aysanna ahayn December 1943,” ayuu ku soo qoray bartiisaTwitter-ka. “Dadka Iiraan waxay muujiyeen – xitaa inta lagu guda jira wadahadalladii nukliyeerka ee JCPOA in qadiyaddoda aysan marnaba noqon karin wax go’aan looga gaaro safaaradaha ajaanibta amaba ay go’aan ka gaaraan quwadaha shisheeye.” Qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay safaaradda Ruushka ee soo wadaagtay sawirka ayaa waxaa u jawaabay kumannaan qof oo careysa. “Safiirradu waxay ceynayaan dhammaa dadka reer Iiraan,” ayuu yiri Seyed Marandi oo ah bare luqadda Ingiriiska dhiga oo Tehran ku sugan. “Shirka Tehran wuxuu meel ka dhac ku yahay geyiga Iiraan wuxuuna astaan u yahaydembiyada taariikhiga ah ee ay geysteen Mareykanka, Ruushka iyo UK ee ka dhanka ah Iiraaniyiinta.” Safaaradda Ruushka oo arrintaasi ka jawaabeysa ayaa sheegtay in sawirku “uusan xambaarsaneyn ujeeddo ka dhan ah Iiraan”. “Micnaha keliya ee sawirkan uu wato waa in dib loogu milicsanayo dadaalladii wada jirka ahaa ee dalalkii isbahaysiga ee ka dhanka ahaa Naasiyiinta intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayay ku soo qortay Twitter-ka. “Meel ugama dhacayno dareenka dadka Iiraan.” Shercliff isaga qudhiisa ma uusan soo wdaaagin sawirka, balse wuxuu soo wadaagay falcelintii safaaradda Ruushka. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisad kulul ay u dhaxayso UK iyo Iiraan. Horraantii bishan, UK ayaa Iiraan ku eedeysay “weerarka sharci darrada ah” ee ay ku qaadday markab shidaalka qaada oo ku sugnaa Cummaan, kaa soo ay ku dhinteen labo qof oo Britain iyo Romania u kala dhashay. Iiraan oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku tilmaantay war been abuur ah. Qaran News
-
Jeneralkii ay ciidamada Turkiga jebiyeen Khaliifa haftar oo soo laba kacleeyay Waxaa lasoo tabiyay in Hafter uu amarro siiyay ciidamadiisa, qaar ka mid ah saraakiishana uu dalacsiiyay Wargeysyada Carabta ayaa falanqeynaya hadal dhawaan kasoo yeeray Janaraal Khalifa Haftar oo ah “in ciidamadiisa aysan wax mas’uuliyad ka qaadi doonin Liibiya mid magac shacab leh iyo mid kale toona,” arrintaas oo tooshka ku ifineysa warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in uu soo saaray go’aanno uu amar ku siinayo hoggaanka ciidamadiisa iyo in uu qaar ka mid ah saraakiisha dallacsiiyay. Qorayaasha wargeysyada qaarkood ayaa aaminsan in tallaabada uu Haftar qaaday ay tahay “afgambi” waxayna imaaneysaa xilli uu socdo “dagaal loogu hardamayo awoodda” oo u dhaxeeya isaga iyo dowladda Liibiya. Dadka u kuur galaya xaaladda ayaa ka digay in Liibiya ay dib ugu laabato meeshii ay taagneyd ka hor inta aan la gaarin heshiiska xabad joojinta ah ee ay hirgalisay aramada Midoobay. ‘Tallaabo afgambi ah’ Ernest Khoury, oo wax ku qora wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid ee fadhigiisu yahay magaalada London, ayaa Haftar ku dhaliilay hadallada uu dhawaanahan jeedinayay, halkii “uu uga mahad celin lahaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Hamid al-Dabaiba” maadaama lagu daray ciidamadiisa kuwa wax laga siinayo miisaaniyadda guud. Haftar waxa uu xabad joojin ku dhawaaqay bishii Ramadaanka gudaheeda Qoraaga ayaa sheegay in Haftar uu yahay “nin militari ah oo ku fiican sida loogu dhaqmo qabyaaladda iyo xagjirnimada” waxbana uusan ka fahansaneyn “isku dheellitirka gobollada Liibiya, wax kasta oo uu sameynayana uu kaga amar qaato Masar, Faransiiska, Imaaraadka iyo Sacuudiga.” Wargeyska A-Quds Al-Carabi, oo laftiisa kasoo baxa London ayaa hadalka kasoo baxay Haftar ku tilmaamay “tallaabo afgambi ah” waxa uuna qoraaga maqaalka qoray sheegay in “isbadalladan ay muujinayaan afgambi uu Haftar ku sameynayo siyaasadda Liibiya ee ifafaalada wanaagsan yeelaneysay bilihii lasoo dhaafay”. Qormadan ayuu sidoo kale wargeysku ku sheegay in “dhaqamada Haftar ay ku xad gudbayaan natiijooyinka wadaxaajoodyadii siyaasadeed ee Liibiya lagu galay bishii November ee sanadkii 2020-kii”. “Hab dhaqanka Haftar wuxuu caddeynayaa in ay furin cusub ka sameynayaan caqabadaha Liibiya ay hadda la tacaaleyso oo isugu jira dhinaca siyaasadda, militariga iyo dastuurka,” sida uu sheegay wargeyska. Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhalan karaa sida la isugu dhafi doono ciidamada labada dhinac ee horay uu dagaalka uga dhaxeeyay. Mid ka mid ah shuruudihii ku xirnaa heshiiska Liibiya iyo xabad joojinta waxay ahayd in kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee garabka siinayay Haftar ay ka baxaan dalka. Waxaa dhammaaday saddex bilood oo loo qabtay inay ku baxaan balse waxay BBC-da xaqiijisay in wali qaarkood ay ku sugan yihiin Liibiya, taasoo sii xoojineysa wararka ku saabsan in uu waji kale u qarsan yahay Janaraalka. Dalalka shisheeye ee taageera Khalifa Hartar qaarkood waxay dareemayaan in aysan dani ugu jirin bogga cusub ee u furmaya Liibiya oo laga yaabo in ay dagaallada sokeeye kasoo afjarmaan, sida ay wargeysyada carabta qoreen. Dagaalka loogu jiro “awoodda” Ciidamada dowladda Liibiya ayaa meelo badan uga adkaaday xoogagga Janaraal Khalifa Haftar Bayaan kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in geeddi socodka Liibiya uu wax u dhimayo walaaltinnimada labada waddan. Qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee tooska ah ayay Imaaraadka ku tilmaameen wax aan la aqbali karin. Hadalkaas ayaa loo arkay mid lagu diiddan yahay hannaanka doorashada ee ka socda Liibiya. Dhowr bilood ka hor ayey xoogagga Janaraal Kahlifa Haftar oo dhinaca bari weerar kaga soo qaaday magaalada Tripoli oo saldhig u ahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto. Hase yeeshee ciidamadiisa oo aad u hubeysnaa, sida la sheegayna garab ka helayay maleyshiyaad iyo kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo dibadda ka yimid, waxaa ka adkaaday ciidamada dowladda oo taageero ka helayay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Turkiga. Liibiya ayaa sannadihii dambe u muuqatay mid ay ku hardamayeen awoodo caalami ah oo ay ka mid yihiin Turkiga oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Ruushka, Faransiiska, Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga. Qaramada Midoobay ayaa billowday wareeg cusub oo wadahadal ah, kaasoo eryooyin ka kala socda dhinacyada isku haya dalka Liibiya ay isku dayi doonaan inay heshiis ka gaaraan sida loo qabanayo doorashooyinka muhiimka ah. Ujeeddada ayaa ah in la dajiyo qaab dhismeedka dastuur lagu maamuli doono doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee lagu wado in ay dhacaan bisha December. Eryooyinka ayaa ku guul darreystay inay ku heshiiyaan wadaxaajood noocan ah oo dhacay lix isbuuc ka hor. Dagaal sannado socday kaddib, waxaa la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo loogu talogalay inay qabato doorashooyinka Liibiya. Laakiin in heshiis laga gaari waayo arrintan la xiriirta arrintan waxay shaki galineysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay. Qaran News
-
Warbixintii James Swan uu Golaha Ammaanka ka siiyey Arimaha Soomaaliya? James Swan Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada. Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada. Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada. Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay. Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda. James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 202-1ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay. Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa barashada bulshada Soomaalida ka taagneyd dood ku saabsan haddii lagu tilmaami karo kufsi, haddii ninka xaaskisa galmo ku qasbo, waxaana doodaas kicisay Fatxiya Cabsiiye oo ka dooda arrimaha la xiriirira dumarka. Fatxiya oo wareysi siisay Talefishin ka howlgala Somaliland ayaa sheegtay in haddii ninka uu xaaskiisa qasbo ama si xoog ah ugu tago loo arki kara kufsi, taasoo ay si weyn uga hor imaadeen bulshadaiyo culumada Soomaalida. Culamada ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasoo sheegay inaan kufsi lagu tilmaami karin haddii ninka uu xaaskiisa si qasab ah ugu tago. Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in gabadha arrintaan ka hadashay aysan ka hadlin dhaqanka islaamka iyo midka Soomaalida, wuxuuna qeexay waxa kufsi lagu tilmaami karo iyo midda aan lagu tilmaami karin. “Dadka ka hadlaya arrinkan kama aysan hadlin dhaqanka Islaamka, laba qof oo is qabta oo xalaal isku ah, kufsi lama yiraahdo maxaa yeelay kufsiga marka la qeexayo, waxaa la yiraahda waa isku qasbid la isku qasbo laba qof oo aan xalaal isku ahayn oo mid ka mid ah uusan raali ahayn,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi. Sheekha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xishood islamarkaana aan ku jirin dhaqanka Soomaalida in laga hadlo arrimaha la xiriira sariirta qoyska. “Marka laba qof oo lammaane ah oo si xalaal ah isku qaba wixii dhexmara ma lagu tilmaami karaa kufsi? waa maya, la mana dhihi karo waa kufsi, mana haboona in la hadal hayo arrinkan, sababtoo ah Soomaalideena dhaqankeeda wuxuu yahay in laga xishoodo arrimaha la xirrra sariirta qoyska,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi. Ugu dambeyntii sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in Nabi Muxamed NNKH noloshiisa oo dhan inuu xaasaskiisa ula dhaqmi jiray si qurux badan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xaasaskiisa ay mar kasta ku farxi jireen joogitaaniisa iyo naxariistiisa. “Wuxuu Nabi Muxamed NNKHxaasaskiisa ula dhaqmi jiray si aad u qurux badan oo naxariis leh oo nolosha qoyska sida ugu fiican u maareeyay ayuu ahaa, wuxuuna na baray sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo arrimaha la xiriira qoyska, Nabi Muxamed NNKHMuslimiinta raacsanna wuxuu shahaado sharaf uu ku siiyay oo qiimahooda, quruxdooda iyo fiicnadoodaba uu uga dhigay inuu yiri waxa idin kugu iimaan badan oo dadka idin kugu akhlaaqsan dadka haweenkooda ugu aqiyaarsan taasi waxay ku tusinaysaa ninba ninka uu uga roonyahay xaaskiisa oo uga dhaqaalayn badanyahay oo uga ixtiraam badanyahay inuu ka qayr badanyahay,” ayuu yiri Sheekh Cabdi. The post Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay haddii ninka xaaskiisa GALMO uu ku qasbo in lagu tilmaami karo kufsi iyo in kale appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda qeybta ka ahaa dagaalkii gobolka Tigray ayaa waxaa soo baxeysay inay ku kaceen kufsi wadareed loo geystay haween badan, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolkaas. Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, kufsiga ay ciidamada kula kaceen haweenka gobolka Tigray ayaa ahaa xeelad cusub oo qeyb ka aheyd istiraatiijiyad lagu argagax galinayo, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda. Amnesty ayaa waxay sheegtay inay cadeymo waaweyn u hayso arrintaas, kuwaasi oo muujinaya in xad-gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday. “Sida ay u baahsanaayeen falalka waxay muujineysaa in madaxda militariga ay ka war qabeen waxa dhacayay, dhagahana ay ka fureysanayeen madaxda sare ee Itoobiya iyo Eritrea. Qaabka ay xogta isku midka ah u bixinayaan dadka loo geystay tacaddiyada galmada waxay muujineysaa in xad-gudubyada ay qayb ka ahaayeen istiraatiijiyad lagu argagax galinayay, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda, labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty. Sidoo kale waxaa warbixinta Amnesty lagu soo qaatay haween kala duwan oo tacadiyo kufsi ah kala kulmay ciidamada Ethiopi iyo xulafadooda dagaalka Tigray, kuwaasi oo falkaasi lagu kacay qaar kamid ah xili ay la safreyeen caruurtooda. “Shan ka mid ah waxa ay igu kufsadeen carruurteyda hortooda. Bir lagu sifeeyo qoryaha ayay igu gubeen. Qeybo ka mid ah birtaas ayay iga dhex galiyeen ilmo galeenka; taas ayaan xanuun badan kala kulmay. Ka dib waxay iiga tageen waddada,” ayey haweeney kamid ah kuwa lagula kacay tacadiga u sheegtay Amnesty. Amnesty ayaa ugu dambeyntiina ka deyrisay heerka ay gaareen xad-gudubyada dhacay sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday waqooyiga dalkaas, haba ugu darnaadan kufsi wadareedyada ay ciidamadu u geysanayeen haweenka gobolkaas. The post Arrimo cusub oo argagax leh oo laga soo weriyey Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay hanaankii ay u dhacday doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ka qabsoontay. Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina ayaa sheegay in la qabtay doorashada lix Kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug oo ay ku tartamayeen 12 musharax, kaasi oo ay soo baxeen 6 Senator kadib markii ay tanaasuleen lixda musharax ee kale. Mudane Axmed Aadan Dagaal ayaa xusay in Barlamaanka Galmudug ay ku doorteen xubnaha soo baxay cod gacan tag ah, isla markaana ay doorashadu u dhacday sidii loogu talagalay, isagoo Baarlamaanka Galmudugu uga mahadceliyay sida ay u guteen waajibaadkii loo igmaday. Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Safiina Gudiga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Guddiga uu Madaxweynaha Galmudug ka codsanayo in uu soo dhameystiro labada kursi ee ka hartay guud ahaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka oo war ka soo saaray Doorashadii ka dhacday Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Wararku waxay sheegayaan in laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani qaraxa lala beegsaday, iyadoo mid kamid ah Gaadiidka uu qaraxa qabsaday. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo. Ciidamada Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo an wax khasaaro ah geysan, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Magalada Kismaayo iyo degaanka Beerxaani. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Hordhac Waxay ahayd 7:30 aroornimo saacadda magaalada Kabul, dayaaraddii aan lasocdey ayaa soo caga dhigatey dhabaha dayaaradaha ee Hamid Karzai International Airport. Wax yar kadib waxaan soo hor joogsadey sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo qaabilsan hubinta basaboorada bixiyana ogolaanshaha dalka lagu soo galo. Waxa uu i weydiiyey cidda aan u shaqeeyo; markii aan u sheegey ayuu haddana i weydiiyey “Qaramada Midoobey Kabul ma badbaadin doontaa?”. Intii aanan su’aashaa ka jawaabin ayaa sarkaal kale oo daaqada tiisa ku xigta fadhiya soo hadley wuxuuna yiri “mala socotaa in xaruntiina Herat maalintii shaley ay duqeeyeen?” Waxaan debedda uga soo baxay dhismaha madaarka, darawalkii wadey gaari nooca aan xabaddu karin (Armored Vehicle) ayaa ii soo qaadey xarunta aanu ka deganahay Kabul. Intii aanu soo soconey wadada ayuu iiga sheekeeyey isbeddelada sida deg-degga ah u dhacaya iyo sida ay dadka Afghanku uga tiiraanyeysan yihiin. Waxaan weydiiyey in Talibanku iman karaan Kabul mar dhow, wuxuu igu yiri, miyaadan ogeyn inay dhex joogaan oo ay hawlgalkooda fulin karaan xiliga ay doonaan. Darawalka oo da’diisa aan ku qiyaasey 55 jir ayaa aad uga walaacsanaa mustaqbalka xaaskiisa, caruurtiisa iyo hooyadiisa oo da’ ah. Wuxuu igu yidhi hadaanu nahay reer Afghanistan waxaad moodaa inaanan nasiib badan lahayn. Xaaladda Cakiran ee Afghansitan Hadalada niyad jabka leh ee ninkaa darawalka ah igu yiri iyo su’aalihii ay i weydiiyeen saraakiisha waaxda socdaalkaba waxay ka tarajumayeen dareenka murugada leh ee dadka dalkan ay dagaaladu ragaadiyeen iyo hubanti la’aanta mustaqbalka malaayiin qof oo dalkani ku dhaqan. Laba cisho ka hor inta aanan Kabul kusoo noqon, xoogagga Talibanku waxay dhawr gantaal ku dhufteen xarun ay Qaramada Midoobey (QM) ku leedahay magaalada Herat, waxaa ku dhintey mid kamid ah ilaaladii xarunta oo Afghanistan u dhashey. Sidoo kale soo noqoshadeyda ayaa kusoo beegantey ayadoo ay dagaal xooggani kasocdaan saddex gobol oo kala ah Qandahaar, Herat iyo Lashkar Gah. Gobolladani saddexda ah ayaa ah kuwa istiraatiji u ah dhanka dakhliga, ganacsiga iyo hoggaaminta dalka ayadoo la xasuusto inay Qandahaar ahayd xarunta dowladdii ay Talibanku lahaayeen 20 sanadood ka hor. Dagaalada ka socda saddexdaa gobol ayaa qayb ka ahaa dadaalka ay xoogagga Talibanku ku doonayaan inay ku hantaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayadoo la og yahay in kabadan kala bar degmooyinka dalku inay gacanta ugu jiraan Taliban kana dhiseen maamulo ayaga taabacsan. Saddex cisho kadib soo noqoshadeyda waxaa meel aan sidaa uga fogeyn goobta ay deggan yihiin diblomaasiyiinta dalka ku sugan oo loo yaqaano mandaqadda cagaaran (Green Zone) ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu weerarey laguna galey hoyga wasiirka gaashaandhigga Jeneral Bismillah Khan Mohammadi. Jeneraalka ayaa hoyga ka maqnaa hase ahaatee dableydii xoogga ku gashey dhulka aadka loo ilaaliyo waxay hoyga haysteen in kabadan afar saacadood oo rasaas culus iyo qaraxyaba ay ka socdeen. Lix cisho kadib imaanshahayga waxaa bartamaha magaalada Kabul lagu diley agaasimaha warfaafinta ee dowladda fadhigeedu yahay Kabul. Todobaad kadibna waxay Talabanku qabsadeen xarumaha laba gobol oo ay kaabiga ku hayeen dhowr todobaad. Talibanka ayaa la filayaa inay hantaan gobolo badan oo kale ayagoo ka faa’iideysanaya niyad jabka ka muuqda ciidanka dowladda kuwaasoo iskaga cararaya xarumaha ay joogaan hubkooda iyo dharkoodana kaga tegaya saldhigyada ay joogaan. Waxaa la og yahay in dhawr kun oo ka tirsan ciidanka amniga ee waddanka ay u carareer waddamada jaarka ah kadib markii ay ka gudbeen xuduudaha ayagoo nafahooda la ordaya. Isbeddelada xawliga ku socda waxay qeyb ka yihiin riyada xoogagga Talibanku ay ku doonayaan inay ku inqilaabaan dowladda, isla markaana ay ku hantaan hoggaanka dalka. Arintani ayaa ka dambeysey kadib markii maamulka Joe Biden uu bilaabey fulinta heshiis uu Talibanku la galay maamulkii kan ka horeeyey ee hoggaanka u hayey Donald Trump. Khasaaraha Dagaalka Afghanistan Dowladda Maraykanka iyo quwadaha bahwadaagta la ah ee Nato ayaa waddanka Afghanistan kusoo duuley kadib weerarkii September 11, 2011, kadib markii ay Talibanku diideen codsi uga yimi madaxweynihii xiligaa Maraykanka xukumayey, George W. Bush. Kumanaan kun oo ciidan oo u badan Maraykan ayaa waddanka yimi, waxay ka sameysteen saldhigyo waaweyn oo militeri ah. Howlgalka socdey 20ka sannadood ayaa Mareykanka uga baxey dhaqaale lagu qiyaasey 978 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. 143.3 bilyan doolar oo ka tirsan lacagtani waxay mareykanku ku bixiyeen mashaariic dib u dhisid ah, in kabadan 88.3 bilyan doolar waxaa lagu bixiyey dhismaha ciidanka dowladda Afghanistan halka 36 bilyan doolar lagu bixiyey mashaariic lagu dhisayo maamul wanaagga, hufnaanta iyo horumarinta dalka. Marka loo soo gudbo dhanka khasaaraha nafeed, Mareykanka waxaa kaga dhintey waddanka Afghanistan tiro lagu qiyaasey 2,300 waxaana kaga dhaawacmey 20,660. Tiradaa ayaa aad uga yar tan laga diley ciidanka iyo bileyska waddanka Afghanistan 20kaa sanadood, waxaana lagu qiyaasey dhimashada ciidanka iyo booliskaba inay kor u dhaafeyso 64,100. Sidoo kale tirada dadka rayidka ah lagu diley Afghanistan 20kaa sanadood ayaa lagu qiyaasey in ku dhow 111,000 qof. Khasaarahaa nafeed iyo mid dhaqaale ee intaa le’eg ayaa dhacay iyada oo rajo wayn ay dadka reer Afghanistan ka qabeen Mareykanka iyo xoogagga Nato in joogitaankooda dalkani uu horseedi doono in dalka uu yeesho dowlad dalka wada hanata oo dadka wada gaadhsiisa adeegyada asaasiga ah. Mareykanku waxay awood u yeesheen inay meesha ka saaraan dowladdii ay Talibanku hogaaminayeen waxayna caleema saareen dowlad uu hogaamiye ka noqdey Xaamid Karzaay kaasoo taageerayaasha Talibanku u arkayeen inuu daba dhilif u ahaa Mareykanka. Intaa wixii ka dambeeyey dalka waxa uu ka bixi waayey qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo joogta ah. Dowladihii kala dameeyey waxay ahaayeen kuwo fadhiid ah, Mareykankuna waxa uu la kaca kufayey weeraro ay kusoo qaadayeen Talibanka oo dib iskugu abaabuley buuraleyda dalka maadaama ay ka go’neyd inay awooddooda dib ula soo noqdaan. Wadahadallada Taliban iyo Mareykanka Marka laga reebo dowladaha Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Qatar ma jirin aqoonsi kale oo ay Talibanku ka haysteen caalamka, Mareykankuna waxa uu kasoo hor jeedey inuu la hadlo ama wada hadal lagalo Taliban maadaama ay u arkayeen inay xoog ku maquunin karaan. Hase ahaatee maamulkii uu hoggaaminayey Barack Obama ayaa 2010 wada hadal hoose la bilaabey Taliban, wada hadalkaa ayaa ujeedkiisu ahaa in la isweydaarsado maxaabiis labada dhinac ay kala haysteen. Si haddaba wada hadalaasu ay socdaan waxa uu maamulka Obama oggolaadey in Taliban ay xafiis ka furato waddanka Qatar oo ay awalba si qarsoodi ah u joogeen. Yoolkii maamulkii Obama ee ahaa inuu Taliban kula heshiiyo oo dagaalka lasoo af jaro ayaa guul dareystey waxaana halkiisa kasii socdey weerarada ay labada dhinac ay wadeen ayagoo ku dhex dagaalamayey shacabka. Maamulkii Donald Trump ayaa ku dhiiradey inuu si toos ah ula fariisto Taliban waxaana horraantii sannadkii 2020 magaalada Doha lagu saxeexey heshiis waddanka loogaga saarayo dhamaan ciidamada ajnebiga ah oo kakala socda Mareykanka iyo Nato muddo ku siman 14 bilood. Marka heshiiska la saxeexayey waxaa Mareykanka dalka ka joogey 12,000 askari kuwaasoo uu Trump ballan qaadey inuu saarayo. Waxaa kaloo heshiiska ku jirey in Taliban laga qaado cunaqabateynta Mareykanka iyo QM ay saareen; in la joojiyo weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo in la is weydaarsado maxaabiis tiradoodu lagu sheegey lix kun oo ka kala tirsanaa Taliban (shan kun dagaalame) iyo militeriga dowladda Afghanistan (kun askari). Heshiiska oo ay labada dhinac u kala saxeexeen Zalmay Khalilzad oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan Afghanistan iyo Mullah Abdulghani Baradar oo metalayey Taliban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mike Pompeo oo xiligaa ahaa xoghayaha arimaha debedda Mareykanka. Tani ayaa guul u aheyd Taliban oo ugu dambeyn ku khasbey Mareykanka iyo Nato inay dalka ka baxaan. Dowladda fadhida Kabul oo ay Mareykanka iyo Nato taageerayeen ayaaney wax door ah ku laheyn heshiiska iyo wada hadaladii ka horeeyey, waxayna dad badan u arkayeen in Mareykanka iyo Nato ay muhimadda siinayaan inay helaan waddo ay dalka kaga baxaan wax kastoo khasaaro ay taasi la timaadaba. Fulinta Heshiiska Taliban iyo Mareykan Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa bilaabey fulinta heshiiskaasi waxaana uu ku dhawaaqey in dhamaadka bisha August la saari doono dhamaan ciidanka Mareykanka Afghanistan ka jooga. Dad badan ayaa filayey in Biden uu dib u eegid ku sameyn doono heshiiskaa ama ugu yaraan uu dib u dhigi doono saarista ciidanka Mareykanka. Hase ahaatee Biden waxa uu ku adkeystey fulinta heshiiskaasi. Bishii June ayaa madaxweynaha Afghanistan oo uu wehliyo ninka darajo ahaan asaga ku xiga, Abdallah Abdallah waxa uu Aqalka Cad kula kulmey Joe Biden. Tani waxay qeyb ka ahayd dadaalkii u dambeeyey oo uu Ghani ku doonayey inuu kaga dhaadhiciyo Biden in uu ugu yaraan dib u dhigo la bixidda ciidanka Marekanka; hase ahaatee Biden ayaa u direy fariin loo fasirtey in loo qaadan karey: tani waa mushkiladdiina, ma aha mushkiladeyda (this is your problem, this is not my problem), ciidankayaga way kaga baxayaan waddanka xiligii loo asteeyey. Taa beddelkeeda waxa uu ballan qaadey inuu sii wadi doono taageerada dowladda Afghanistan. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa si qarsoodi ah u bilowdey saarista ciidanka Nato iyo Mareykanka oo la sheegey inaaney wax xidhiidh ah la sameyn madaxda ciidanka Afghanistan ka hor inta aaney ka bixin saldhigyadii ay waddanka ka joogeen. Talaabada ay qaadeen Mareykanka iyo Nato ayaa loo arkayey inay bahdilaad u aheyd dowladda madaxweyne Ghani waxayna niyad jab iyo murugo ka dhex dhalisey maamulka dowladda iyo kumanaanka kun ee qof oo shaqaale u badan tarjumaano u ahaa Mareykanka iyo Nato kuwaasoo nafahooda u baqayey. Dhanka kale waxay talaabadani guul u noqotey Taliban oo bilaabey guluf ay awooddeeda ku muujineyso kuna baahineyso xukunkeeda. Waxayna wadahadal ay lagalaan dowladda Ghani ku xireen shuruud ah inuu iska casilo jagada madaxweynenimo. Wixii intaa ka dambeeyey waxay Taliban la wareegeen in kabadan kala bar degmooyinka dalka waxaana ka go’an inay sii wadaan weerarada ilaa ay dagaalka keena xuduudaha Kabul halkaasoo ay doonayaan inay dowladda ku inqilaabaan. Reer galbeedka ayaa ahmiyadda koowaad siiyey ka bixidda dalka iyo inay burburiyaan dhamaan wixii qalab ahaa oo ay adeegsanayeen. Dadka Afghanistan in kastoo aaney jecleyn shisheeyaha haddana waxay talaabooyinka ay qaadeen reer galbeedka u arkayaan mid ayaga dhabarka looga toogtey loona nugleeyey Taliban oo ka go’an inay dhegta dhiigga u daraan cid kastoo lasoo shaqeysey Mareykan iyo Nato madani ama militeri midkuu doonaba ha ahaadee. Mustaqblka waddanka ayaa mugdi ku jira waxaana la saadaalin karaa inay dowladdani dhacdo ama ay daciifto taasoo soo celin karta xukunkii adkaa ee Taliban. Taliban ayaa leh maamul dhismeed u sameysan qaab dowladeed; Mawlawi Hibatullah Akhundzada ayaa ah hogaamiyaha leh awoodda kama dambeysta ah, waxaa kuxiga Mullah Abdulghani Baradar, Mullah Muhammad Yacquub iyo Siraajudiin Xaqaani oo kala qaabilsan arimaha siyaasadda, hoggaanka ciidamada iyo dhaqdhaqaaqa maliishiyaadka. Sidoo kale Taliban waxay leedahay dhisme garsoor oo ka kooban 26 xubnood waxaana madax u ah Mullah Cabdulxakiim. Taliban waxay leeyihiin gole wasiiro oo dusha kala socda hawl maalmeedka ciidamada, sirdoonka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arimaha bulshada. Taliban waxay xafiis siyaasadeed ku leeyihiin magaalada Doha waxaana madax ka ah ku xigeenka madaxa Taliban. Soomaaliya maxay ka baran kartaa Afghanistan? Soomaaliya waxaa ku sugan ciidan ku dhow 20 kun oo askari kuwaasoo ka kala yimi waddamada Afrika kuna shaqeeya howlgal loogu magac darey Howlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Ciidankani ayaa waxay dalka u joogeen inay xasiliyaan, dowladda federaalka ka caawiyaan dhismaha ciidamaha iyo inay ilaaliyaan diblomaasiyiinta ku sugan dalka iyo xarumaha dowladda. Ciidamada AMISOM ayaa dalka yimi kadib markii uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ku ansixiyey fadhigii ay yeesheen Bishii February 2007, wixii intaa ka dambeeyeyna waxaa mar wala la cusbooneysiinayey joogitaankooda dalka. Asaaskii AMISOM Abuuritaanka AMISOM ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladdii federaalka ee kumeel gaarka ahayd oo uu madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxriistee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ay codsatey ciidan ka taageera inay gasho caasimadda oo ay markaa xukumayeen xoogaggii maxaakiimta ee midoobey. Dowladihii ka dambeeyey tii uu madaxweyne ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf ayaa taageero lagu tababarayo ciidamada booliska iyo militeriga ka heley waddamo badan kuwaasoo dhaqaale ahaan u taageerey ama toosba u tababarey ciidanka. In kastoo dhaqaale iyo waqti badan la geliyey dhismaha ciidanka Soomaliya haddana 14 sanadood kadib AMISOM waxay joogaan Soomaaliya waxayna dowladda Soomaaliya codsanaysaa in la taageero joogitaankooda dalka ayadoo lagu fashilmey dadaaladii ay dowladaha deeqda bixiya ku doonayeen dhisidda, tayada, iyo maamul wanaagga ciidanka. Maxay iskaga mid yihiin Al Shabaab iyo Taliban? Si lamid ah sida Taliban ay xarakada hubeysan ee Al Shabaab (AS) waxay haystaan inta badan dhulka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya halkaasoo ay ka dhiseen maamulo, cashuuro ka qaadaan kuna ridaan xukuno ay kasoo saaraan garsoorkooda. Inkastoo hoggaamiyayaal badan laga diley, maxaabiis badan laga qabtey, saldhigyo badana laga burburiyey xoogagga AS ayaa muujiyey adkeysi waxayna weli laf dhuungashey ku yihiin dowladda oo ay ragaadiyeen musuq, maamul xumo baahdey, qabyaalad, xatooyo iyo danta shakhsiga oo laga sareysiiyo tan qaranka. Dowladaha dhaqaale ahaan taageera oo ay ugu muhimsan yihiin midowyga Yurub, Mareykan iyo qaar kamid ah dowladaha Afrika ayaa khaatiyaan ka taagaan hawlgalka daba dheeraadey oo aan la ogeyn xiliga lasoo af jari karo. Intii u dhaxeysey 2020 ilaa 2021 waxaa dhawr jeer lasoo jeediyey hindisayaal lagu dhimayo ciidamada AMISOM ama in loo muddeeyo waqti dalka lagaga saari karo; hase ahaatee waxay dowladda federaalku ku adkeysanaysey inaaney weli u diyaarsanayn inay hanato amaanka dalka. Maxay iskaga mid yihiin Somaaliya iyo Afghanistan? Haddaba wadciga dalka Somaaliya marka loo eego kan Afghanistan waxaad moodaa inay jiraan meelo badan oo ay iskaga eg yihiin oo ay ugu horeyso fadhiidnimada dowladaha musuqa, eexda iyo xatooyadu ay ragaadiyeen; adkeysiga xoogagga Taliban iyo AS iyo daalka (fatigue) iyo adkeysi la’aanta ka muuqda dowladaha dhaqaalaha iyo loojistikada ka taageera Soomaaliya iyo kuwii ciidanka geeyey Afghanistan kuwaasoo cadaadis kala kulmaya shucuubtooda dhaqaalahoodana uu hoos u dhigey safmarka fayraska Koroona (COVID-19). Inkastoo Soomaaliya ay ku riyooneyso in haddii ay codsato sii joogitaanka AMISOM loo taageeri doono haddana waxay runtu tahay waxa kasocda Afghanistan inay madaxda Soomaalidu u noqon karaa baaq ay hurdada kaga toosaan (wakeup call). Maamulkii Donald Trump ayaa Somaaliya ka saarey khubaradii iyo saraakiishii ka joogey dalka; inkastoo ay u muuqato in dib loogu soo celiyey haddana tani ayaa loo arki karaa mid waqti dheer aan sii jiri Karin. Dowlada dhaqaalaha ka caawiya Somaaliya uma diyaarasana inay taageeraan hawl gal aan dhamaad lahayn ama in ay dhaamiyaan haan gunta ka daloosha. Waxaa la saadaalin karaa arimaha soo socda: 1- Dowladaha dhaqaalaha ka caawiya waxay waqti xaddidan u qaban karaan AMISOM in dalka looga saaro waxaana bilaabmaya saarid wajiyeysan (phased withdrawal) kaasoo socon kara inta u dhaxaysa 18 ilaa 24 bilood. Wixii intaa ka dambeeya dowladaha kamidka ah AMISOM isla markaana jaar la ah Soomaaliya sida Itooobiya, Kenya iyo Jabuuti waxay adkeynayaan xuduudahooda ayagoo xoogga saaraya in aanay halis uga iman dhanka Soomaaliya. 2- Marka la eego ciidamada kala dhantaalan (fragmented) oo ay soo tababareen dowladaha kala duwan kuwaasoo aan loo sameyn qaab isku dubbaridan ama hoggaan mideysan oo anshaxa iyo tayada ka hagaajiya, waxaa hubaal ah inay adkaan doonto in ciidankaasi hantaan awood ay dalka gacanta ku dhigaan. Musuqa, xatooyada iyo qabyaaladda ayaa ku noqonaya kansar aanay ka bogsan Karin. 3- Tani waxaa ka faa’iideysan doona xoogagga AS oo xoojin doona weerarooda isla markaana sameyn doona hawl galo laba qaybood ah oo is barbar socda kuwaasoo ay kula wareegayaan xarumaha dowlad goboleedyada tabarta daran oo aan lahayn ciidan tayeysan iyo hawlgal kale oo ay kusoo gelayaan caasimadda Muqdisho. 4- AS iskuma dayi doonaan iney xarun ka dhigtaan Muqdisho, hase ahaatee waxay cashuur ay dakhli ka sameeyaan ka qaadi doonaan sharikadaha, hay’adaha iyo ganacsatada. Sidoo kale waxay wakiilo sirdoon ah ku dhex yeelan doonaan hay’adaha dowladda. Tani waxay u sahleysaa inay xoojiyaan weerarooda qorsheysan iyo dagaalada ay kusoo qaadaan caasimadda. 5- Ugu dambeyn waxaa dhici karta inay dowladdu ku noqoto halkii ay taagneyd 15 sanadood ka hor taasoo ah inay noqoto dowlad aan lahayn dhul ay maamusho laakin kuraas kuleh kulamada caalamiga ah iyo saafaradaha debedda. Dr. Hussein Hassan Hssn.hassan@icloud.com Dr Hussein Hassan waa khabiir caalami ah oo dhanka bani’aadminimada ah; waxa uu 17kii sanadood ee u dambeeyey kasoo shaqeeyey waddama Yemen, Libya, Afghanistan iyo Somalia. Waxa uu khibrad u leeyahay waddamada ay shaqaaqooyinku ka jiraan. Waxaa uu gorgortan toos ah oo lagu fududeynayey howlgalada bani’aadminimada la galey xoogagga hubeysan ee Yaman iyo Libya. The post Afghanistan cashar noocee ayey Somalia u noqon kartaa? appeared first on Caasimada Online.
-
President Mohamed Abdullahi Farmaajo was the happiest and the most promising president elect in the nation’s recent history when he won the presidency of Somalia in February 2017. Celebratory gunfire erupted across Mogadishu shortly after Farmaajo was declared the winner. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo haatan ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka. RW Roobole ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaa uu kulamo kala duwan ula qaatay, qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. PUNTLAND POST The post Rooble oo Nairobi kula kulmay Cumar Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The African Union's peacekeeping mission in Somalia said it would launch a "thorough investigation" into allegations that Ugandan troops in Lower Shabelle killed seven civilians during a military operation earlier this week. Source: Hiiraan Online
-
Mombasa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha Kenya kala hadlin kiiska badda, oo yaala maxkamadda caalamiga ah. Arrintan ayaa aheyd mid ka mid ah walaacyada ay shacabka ka qabaan kulanka, ayada oo sidoo kale xubno ku xiran madaxweyne Farmaajo ay wararka faafiyeen, kadib markii labada mas’uul ay isku qabteen safarka Rooble ee Kenya. Rooble ayaa waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada. “Halkaan uma imaan in aan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan,” ayuu yiri Rooble. “Maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay.” Haddaba, dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in safarka Rooble uu quus geliyay rejadii uu Kenyatta ka qabay in ajendaha kulanka Mombasa ku dhex-maray ra’iisul wasaaraha lagu daro kiiska badda. Casuumadda Kenyatta ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale aheyd mid xukuumadda Nairobi ay ku rabtay in indhaha caalamka u muujiso in Soomaaliya ay ogoshahay in muranka sanadaha badan taagna ee badda lagu xaliyo wada-hadal. Qoraal ay madaxtooyada Kenya kasoo saartay xiligaas kulanka Rooble iyo Kenyatta ayaa waxaa lagu sheegay qeyb kamid ah in madaxweynaha Kenya uu dalbaday si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro kiiska badda, ayada oo markii dambe qeybta la xiriirta badda laga jaray qoraalka. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Macalimuu ayaa dhankiisa sheegay in qoraalkaas oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Kenya uu ahaa mid qalad ah oo si dhakhso ah loo saxay. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wafdigiisa ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Kenya iyo xubnaha Dowladiisa waxa uu si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Kenya in dacwada la xiriirta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya jawaabteeda laga sugayo kaliya Maxkamada Caalamiga ee Caddaalada ICG ee ay hortaallo,oo aaney jirin haba yaraatee cid arintaasi gorgortan ka gali karta. Qoraal qalad ah oo lagu dabaacay Facebook Madaxtooyada Kenya dhaqso ayaa loo saxay oo laga garanayo,” ayuu yiri. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in marnaba aysan wax wada-hadal ah ka geli dooni kiiska badda, midaasi oo fashil kusoo afmeertay isku dayo badan oo dowladda Kenya ku dooneysay in kiiskaas laga soo celiyo maxkamadda ICJ. The post R/W Rooble oo meesha ka saaray walaac laga qabay appeared first on Caasimada Online.