Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee maamulkaasi ayaa soo hadal-qaaday doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, kadib markii si aad ah loo dhaliilay qaabka ay u dhacday doorashadaasi. Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in doorashada dalka ka billaabatay ay ku timid heshiis, isla-markaana ay tahay mid dadban oo sidii loogu talagalay ku socoto, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la’isku dul-qaato, isla-markaana la taageero cidda ku soo baxda doorashada. “Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aaan u socono.” Ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi sii raaciyey “Adeer qofkasta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan leenahay u dulqaado dalka doorashada uu ku heshiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xumaanta waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa,”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maamullada Galmudug iyo Puntland lagu dhaliilay doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamulladaasi. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo wada-hadallo kala heer ah oo ugu dambeyn xal looga gaaray khilaafka muddada ka taagnaa dalka. The post Muxuu Qoor Qoor ka yiri eedeynta loo jeediyey, kadib doorashadii Dhuusamareeb? appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa shaaciyay liiska Seddax musharax oo ka dhineyd kuraasta maamulka koonfur galbeed uu ku leeyahay Aqalka sare ee BJFS. Liiska xubnahan uu magacabay Madaxweynaha ayaa qeyb ka noqon doono marka ay doorashadooda ay dhacdo Aqalka sare. Maamulka Lafta gareen ayaa noqonaya maamulkii Labaad ee si rasmi ah u soo dhameystiro xubnaha ku matalaya Aqalka sare kadib Maamulka Puntland. Hoos ka akhriso magacyada Liiska Xubnaha uu soo magacaabay madaxweynaha Koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaliya mudane Cabdullahi Abyan Nuur ayaa hada ku geeriyooday Isbitaal Martini ee Magaalada Muqdisho. Allaah u naxariisto gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu muddooyinkii la soo dhaafay la xanuun sanaa safmareenka Covid-19. Hadaba Waa Kuma Cabdullahi Abyan Nuur Prof. Cabdulaahi Abyan Nuur wuxuu ku dhashay Degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose 1955. waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay iskuulka sheekh suufi 1980. . Jaamacada ummada ayuu ka baxay 1988 1976 ilaa 1988 Wuxuu kasoo shaqeeyay tifaftiraha Joornaalkii Xidigta Oktoobar 1988 ilaa 1990 macalin luuqada Carabiga dugsi sare ee Qunsuliyada Yemen ee Muqdisho 1988 illaa 1990 tifaftiraha Raadiyaha iyo Tvga qaranka qeybta Carabiga 1991 illaa 1992 shaqo khaas ah 1992 -1994 macalin luuqada Carabiga iyo Xisaabaadka Iskuulka Abuu xaniifa (ex Waaberi Cusub) 1994-2008 maamulaha Iskuulka Wadajir ee magaalada Muqdisho. 2009-2012 xubin baarlamaanka Xukuumadii kumeelgaarka ahayd. 010-2011 wasiirka cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta 2012-2016 xubin baarlamaanka jamhuuriyada federalka Soomaaliya 2012 wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta, Dastuurka, federalka iyo Dib-uheshiisiinta 2014 xubin guddi hoosaadka baarlamaanka ee cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta isagoo ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga. 2020 xubin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ahaana Guddoomiyihii Guddiga. Source: goobjoog.com
  4. Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada heer Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, ayaa lagu soo bandhigay jadwalka doorashada Aqalka sare. Jadwalkan ayaa waxa ku cad in maanta oo Sabti ah la diiwaan-gelinayo murashixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Axadda berri ah ayaa xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed dooranayan kuraasta ka harsan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xalay soo saaray liiska lix murashax oo ku tartamaya saddex kursi oo ka harsan Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  5. OMAHA, Neb. (WOWT) - Last weekend’s flash-flooding wiped out the bottom units of an apartment complex in Omaha, leaving a dozen refugee families without a home. Source: Hiiraan Online
  6. Dhinacyada mucaaradsan madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si adag uga horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya. Dowlaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa maalmo ka hor kala saxiixday heshiis ku saabsan kaalmo dhaqaale oo gaaraysa $30 malyan oo Dollar, taas oo dowladda Turkigu siinayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ha yeeshee, xisbiyada mucaaradka Turkiga ayaa ka horyimid tallaabadan, waxaana ay sheegeen in dalkooda ay ka jirto dhaqaale la’aan daran, islamarkaana uusan awoodin uu lacagta intaas le’eg siiyo Soomaaliya. Lacagta uu Turkigu ballan-qaaday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa, xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada madaxtinimada 2021, taas oo lagu dooranayo labada Aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Turkiga oo ka horyimid $30 malyan oo Erdoğan ugu yaboohay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Trade ties between Kenya and Somalia are expected to improve after Kenyan Somali businessmen held talks with Somalia Prime Minister Mohammed Hussein Roble. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhameystiray Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xalay soo saaray Musharaxiinta Lix kursi oo ka harsaneyd Senatorada laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kuraastaas ku tartamaya laba Musharax oo dooneysa inay kamid noqdaan Golaha Aqalka Sare. Doorashada Musharaxiintan ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacdo maalinta berri oo taariikhda ku beegan tahay 15-ka bishaan Agoosto 2021, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka KGS. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay. PUNTLAND POST The post Lafta-Gareen Oo Soo Dhameystiray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  9. GRAND RAPIDS – One of three Lansing men charged with conspiring to provide material support to the Islamic State group has been ordered to serve more than eight years in federal prison. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday” Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gudiga Xalinta Khilaafaadka appeared first on Puntland Post.
  11. NAIROBI (Reuters) - U.S. President Joe Biden is sending his special envoy for the Horn of Africa to Ethiopia amid international alarm at the escalation of a war that has killed thousands and created a humanitarian crisis in one of the world’s poorest regions. Source: Hiiraan Online
  12. MOMBASA, Kenya (Xinhua) -- Police in Kenya's coastal city of Mombasa have detained three suspects on terrorism grounds. Source: Hiiraan Online
  13. (ERGO) – Isack Mohamed Ibrahim, a farmer with two wives and eight children, is staying with relatives in Baidoa after fleeing his farm in a conflict-ridden part of southern Somalia’s agricultural Bay region. Source: Hiiraan Online
  14. Nearly 20,000 Kenyans who were registered as refugees have sued the government seeking to be removed from the database and issued national identity cards. Source: Hiiraan Online
  15. Canada oo shaacisay inay qaadaneyso 20,000 oo Qaxooti ah Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan. “Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay. Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah. Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen. Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau. Qaran News
  16. Turkiga oo ay foodda is dari doonaan Dagaal Daalibaankii uu Mareykanka iskaga huleelay Erdogan ayaa xaqiijiyay in uu la dagaallamayo Taalibaan Kooxda Taliban ayaa si aad ah u xoogeysatay kaddib markii ay Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka isaga baxeen dalka Afghanistan, balse Turkiga wali doonaya inuu ku cararo garoonka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul, si uu amnigiisa u sugo. Wasiirka Gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Aker ayaa Arbacadii sheegay in ay faa’iido weyn ku jirto xaqiijinta in uu garoonka Kabul sii furnaado, go’aanno arrintaas la xiriirana la gaari doono maalmaha soo socda. Mr Aker oo ku sugnaa safaaradda Turkiga ee magaalada Islamabad ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay dowladdiisu ay ku jirto wadahadallo ku saabsan sidii uu ula wareegi lahaa howlaha garoonka Kabul. “Ma jiri doonaan wax howlo diblomaasiyadeed ah oo ka socon doona dalka Afghanistan haddii albaabbada la isugu dhufto gegida diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yiri Aker. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Waa sidaas sababta aan u dooneyno in garoonka Kabul uu sii furnaado. Maalmaha soo socda wax ku saabsan arrintaas ayaa dhici doona.” Laakiin kooxda Taalibaan ayaa uga digtay Turkiga inuu ciidamo geeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul. Sida ay Tabisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Turkiga ayaa raba in uu Kabul ciidamo geeyo xilli ay faraha ka sii baxeyso xaaladda Afghanistan, maadaama kooxda Taliban ay wadaan weerar ay waddankaas ku qabsanayaan. Xoogagga Taliban ayaa maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadankaas. Hase yeeshee dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay il gaar ah ku heyso xaaladda ka taagan Afghanistan. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka dalbaday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in uu ciidamo u diro garoonka Kabul kaddib markii ay Afghanistan ka baxeen ciidamada NATO. Wareysi uu madaxweyne Erdogan Arbacadii siiyay telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka ayuu ku yiri; “Waxaa dhici karta inaan Taliban kala hadalno qalalaasaha ka socda Afghanistan. Hay’adaheenna qaabilsan arrimahaas ayaa ka shaqeynaya sidii aan ula kulmi lahayn madaxda Taalibaan. Aniga qudheyda waxaan la kulmi karaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Taalibaan.” Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in uu ku howlan yahay dadaallo la xiriira sidii uu miiska wadahadalka isugu keeni lahaa Turkiga iyo Taalibaan. Arbacadii ayuu Khan warbaahinta caalamiga ah u sheegay hadalkaas kaddib markii uu Islamabad kulan kula yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga. Imran Khan ayaa yiri: “Aad bay u fiicnaan lahayd haddii Turkiga iyo Taalibaan ay u wada hadlaan si fool ka fool ah. Labada dhinac waxa ay ka xaajoon karaan sida ay muhiim u tahay in garoonka Kabul uu amni ahaado. Sababtaas darteed ayaan ula hadleynaa Taalibaan si ay wadaxaajood tos ah ula furaan Turkiga.” Ra’iisul Wasaare Khan ayaa sheegay in dowladda Afghanistan ay aaminsan tahay in Pakistan ay wax u sheegi karto Taalibaan laakiin sida dhabta ay adag tahay inay wax ka dhaadhiciyaan madaxda kooxdaas. Muxuu Turkiga u doonayaa garoonka diyaarada ee Kabul? Garoonka diyaaradaha ee Kabul waxa uu ku yaallaa meel u dhow xaafadda ay ku yaallaan dhammaan safaaradaha dalalka caalamka ay ku leeyihiin Afghanistan, waana meel aad istiraatiiji u ah. Sidoo kale garoonkan waxa uu si buuxda isugu xiraa Afghanistan iyo caalamka intiisa kale. Waxa uu kaalin weyn ka qaataa in gargaarka la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan waddankaas ay dagaalladu halakeeyeen. Sida uu qoray bogga Daily Sabah ee laga leeyahay Turkiga, gegidan diyaaradaha waa waddada kaliya ee lagu soo badbaadin karo diblomaasiyiinta caalamka ee ku sugan Afghanistan, haddii ay xaaladdu faraha ka baxdo. Afghanistan waxay dunida kale ka go’eysaa isla marka ay dagaalyahanada Taalibaan la wareegaan gacan ku heynta garoonkaas. Sidaas darteed dowladda Afghanistan waxay dan ugu jirtaa in ay aqbasho yabooha Turkiga ee ku aaddan sugidda amniga garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxaana ugu jirta labo faa’iido. Tan koowaad waa in ilaalineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka reer Galbeedka, tan labaadna waa in uu sii furnaado albaabka kaalmada bani’aadannimo. Taalibaan diyaar ma aha Hoggaanka kooxda Taalibaan ayaa uga digay Turkiga arrintan, iyagoo sheegay in go’aanka ku saabsan la wareegista amniga garoonka diyaaradaha ee Kbaul – kaddib bixitaankii ciidamada Mareykanka – uu yeelan karo cawaaqib xumo aad u weyn. Sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg, afhayeen u hadlay Taalibaan, oo lagu magacaabo Zabiullah Mujahed, ayaa Turkiga u sheegay isbuucii lasoo dhaafay in tallaabada noocaas ah ay tahay “mid talo xumo ah, xad gudub ku ah madaxbannnida dhul ahaaneed ee ay u leeyihiin waddankooda, kana ka soo horjeedda danahooda qaran”. Balse, dowladda Afghanistan ayaa shegetay in waajibaadka ciidamadooda amniga ay tahay inay ilaaliyaan garoomada diyaaradaha, iyagoo raalli ka noqonaya inay caawinaad ka helaan waddan kasta oo saaxiib la ah, ayna soo dhaweynayaan. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay la taliye dhinaca amniga u qabailsan wasaaradda amniga qaran ee Mareykanka, Jake Salivan, oo u sheegay bishii lasoo dhaafay in kulan ay yeesheen madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayna isku raaceen in Turkiga uu tago Afghanistan kaddib marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka. Ismari waaga Erdogan iyo Taalibaan Mas’uuliyiinta Taliban ayaa yabooha Turkiga uu ku sugayo amniga garoonka Kabul ku qeexay “wax laga yaqyaqsoodo”. Hadal ay soo saareen ayay ku dhaheen: “Ciidan walba oo shisheeye ah oo ku sugan dalkeenna waxaan u aragnaa kuwo xoog nagu qabsaday.” Taalibaad ayaa si deg deg ah ku qabsatay dhul aad u ballaaran Dhanka kale, madaxwewyne Erdogan, oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Istanbul, ayaa sheegay in fikirka Taalibaan iyo hab dhaqankooda uusan ahayd mid sax ah. “Sida aan qabno ra’i ahaan, habka fikir ee Taalibaan ma aha midka laga rabo inuu qof Muslim ah kula dhaqmo qof kale oo Muslim ah,” ayuu yiri Erdogan. Waxa uu Taliban ugu baaqay inay sida ugu dhakhsiyaha badan caalamka u tusaan in nabadgalyo lagu soo celiyay Afghanistan. “Taalibaan waa inay joojiyaan qabsashada dhulka ay walaalahood ku nool yihiin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Turkiga ayaa sannadihii dambe awooddiisa militari ku fidinayay dalalka dibadda, isagoo howlgallo ka fuliyay qaar ka mid ah meelaha ay dagaallada sokeeye ka dhaceen. Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada Turkiga ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada la taaban karo. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha magaalada Muqdisho, sida uu Jimcihii sheegay Ururka Ganacsiga Badaha UK ee loo soo gabaiyo UKMTO. Weerarka oo la rumeysan yahay inay fuliyeen kooxaha buracda badeedda Soomaaliya ayaa abaare 7:45 am Jimcihii, waxa uu ka dhacay meel 100-mile ka baxsan xeebta Muqdisho. Markabka ayaa lagu warramayaa inuu weerarka ka baxsaday, islamarkaana shaqaalaha iyo markabkuba ay hadda bad qabaan. Kooxda qiimeysa halista badaha ee EOS Risk Group ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in markabka oo sita calanka Turkey laga leeyahay gobolka Anatolia ee dalkaas. Si kastaba, Turkiga weli wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan. Inkasta oo dhacdooyinka burcad badeenimo ee xeebaha Soomaaliya ay aad u yaraadeen sanadihii tagay, haddana waxaa jira weeraro si naadir ah mararka qaar u dhaca. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dhaca tan iyo bishii April ee 2019. Sanadii 2011, ayaa ciidanka badda Midowga Yurub ee EU Naval Force waxay weriyeen in xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen 176 weerar, ayada oo lagu qabsaday in ka badan 25 markab. Hase yeeshee tiradaas ayaa eber noqotay markii la gaaray 2016. The post Markab laga leeyahay Turkey oo lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare ee ku harsanaa maamulkiisa. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey magacyada lix musharax oo ku tartami doona saddex kursi, waxayna kala yihiin oo ay isugu aadeen sidan:- 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed Dhammaan lixda musharax ayaa ah kuwa cusub, wuxuuna Lafta-gareen meesha ka saaray saddexda Senator ee hadda ku fadhisay kuraastan kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan. Maamulka Koonfur Galbeed oo laga soo dooranayo sideed kursi ayaa waxaa horey loogu doortay shan Senator oo kala ah; Aadan Cabdinasir Maxamed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, Zamzam Ibrahim Cali, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Ayaan Aadan Cabdullahi. Liiska cusub ee kasoo baxay Lafta-gareen ayaa ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doona kan labaad ee soo dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Puntland, oo dhammaan 11-kii xubnood ee Aqalka Sare uu ku lahaa soo doortay. Waxaa la filayaa in guddiga doorashada heer gobol ee Koonfur Galbeed uu shaaciyo xilliga ay dhaceyso doorashada saddexdan kursi, waxaana la filayaa inay noqoto toddobaadkan gudihiis. The post Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxiinta kuraas kale oo ka mid ah AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taagan isgoys halis ah oo dhinac lama filaan ah u jiidi kara siyaasadda Soomaaliya. Labada nin oo wada-shaqeynayey 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, dhowr arrimood ayey ku kala aragti duwanaadeyn oo ay ku jirto middii muddo kororsiga, xaaladda Gedo, la macaamilka mucaaradka, iyo sida loo soo celinayo cilaaqaadka dalalka xiriirkooda la xumeeyey intii uu Farmaajo dalka madaxweynaha ka ahaa. Rooble oo u muuqday inuu ahaa siyaasi xasiloon ayaa kooxda Farmaajo waxay u muujisay hab dhaqan siyaasadeed oo xurmo la’aan ah, taasoo keentay inuu furka tuurto. Waxay dhawaan dalacsiiyeen saraakiil uu xilka ka qaaday kadib markii ay muwaadiniin Soomaaliyeed ka hor istaageyn inay safraan, waxayna gacanta kula jiraan maamulka dhaqaalaha Dowladda, waxayna weli isku dhajinayaan maamulka Amniga. Isagoo arrimahaas oo dhan ka aamusay Rooble ayey mar kale warqad uga hor istaageen wada-hadaladii uu muddooyinkii lasoo dhaafay kula jiray dowladda Kenya, waxaana muuqata inuu Rooble ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayey kooxdaan fursadda u siisay inuu dalka Ra’iisul Wasaare ka noqdo. Haddaba, inta aan la arkin halka uu ku dhammaado dagaalka labada nin, waxaan dib u eegeynaa lix arrimood oo uu Farmaajo ku guuldareystay balse uu Rooble ku qabtay 10 bil gudahood. 1- Maamul Goboleedyada: Farmaajo wuxuu awoodi waayey inuu isku keeno shanta maamul Goboleed, waxayna diideyn inay la fadhiistaan oo arrinta doorashada kala heshiiyaan, waxaana arrintooda la wareegay Ra’iisul Wasaare Rooble, waana aqbaleyn, wuxuuna dhowr jeer isugu geenay magaalada Muqdisho. 2- Doorashada: Farmaajo waxaa looga fadhiyey inuu doorasho qabto inta aanan la gaarin 8-da February 2021 ama uu xataa bilaabo, wuxuu isku dhajiyey maamulkii doorashada waana bilaabi waayey, Rooble ayaa qaatay hoggaankii doorashada horraantii Bishii May, wuxuuna ku guuleystay inuu doorashadii bilaabo dhammaadkii July. 3- Mucaaradka: Farmaajo wuxuu ku guul dareystay inuu mucaaradka ku qanciyo hanaanka doorashada, laba jeer oo uu casuumayna waa ay diideyn inay la kulmaan, wuxuu isku dayey inuu awood ku maquuniyo, laakiin iyada xataa waa suurta geli weysay. Rooble ayaa u ruqaansaday arrinta mucaaradka, wuxuu abuuray jawi xasiloon oo siyaasadeed, wuxuu sababay inay marar badan kulmaan mucaaradka iyo xukuumadda, wuxuuna ku qanciyey heshiisyada doorashada iyo hannaanka uu wax u rabo waana ka aqbaleyn mucaaradka. 4- Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ah: Xiriirka beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay, gaar ahaan18-kii bilood ee ugu dambeysay. Wakiilada Caalamiga ah iyo Farmaajo ayaa si weyn u kala fogaaday. Reer Galbeedka iyo Farmaajo oo meel xun kala marayo Rooble ayaa badbaadiyey cilaaqaadkaas. Hadda wakiilada beesha Caalamka wax wada-shaqeyn ah lama lahan Farmaajo. Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kulamo badan ka sheegay inay si weyn uga gacan siinayaan qabashada doorasho loo wada dhan yahay oo natiijadeeda la wada aqbalo,. 5- Muqdisho iyo Dagaal: Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka badbaadiyo dagaal, wuxuu soo geliyey kumanaan ciidan ah oo u gobolada diyaarado uga soo qaaday si ay ula diriraan dhinacyadii kasoo horjeeday. Taariikhdiisa ayaa qeyb madow lagu daray markii uu xabad ka dhex bilaabay Caasimadda 25-kii April ee sanadkaan, wax xeelad ah oo magaalada looga badbaadiyo dagaal waa keeni waayey Farmaajo, waxaase 48-saac ku badbaadiyey Caasimadda Ra’isulwasaare Rooble oo kala qaaday ciidamadii Farmaajo iyo kuwii kasoo horjeeday. 6- Xiriirka Arrimaha Debadda: Farmaajo wuxuu Soomaaliya ka dhigay dal cid walba cadow la ah, wuxuu dowladdii iyo dalkii usoo reebay cilaaqaadka dalalka Qadar, Itoobiya iyo Eritrea, laakiin Rooble ayaa 10-bilood wada-hadal kula furay wadamada Kenya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta oo uu dhammaan Farmaajo kula diriray danihiisa gaarka ah. Rooble wuxuu wada-hadal lasoo galay Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu Muqdisho ku casuumay wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka si xiisadda loo xaliyo, wuxuuna ku guuleystay inuu dib u furo Safaaraddii ay Kenya ku laheyd Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale Mombasa kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Farmaajo iyo kooxda ku hareereysan waxaa dharbaaxo ku ah in siyaasi dhawaan gal ah uu 10-bilood ku xaliyo lixdaas kiis ee muhiimka u ah dalka iyo dowladnimada, weliba dhammaan dhibaatooyinkaan waa kuwa ay iyaga abuureen. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Lix arrimood oo uu Farmaajo awoodi waayey inuu xaliyo balse Rooble ku xaliyey 10 bil appeared first on Caasimada Online.
  20. Washington (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Qatar (QNB) ayaa maxkamad ku taalla magaalada Washington DC weydiistay inay amarto dowladda Eritrea inay bixiso lacag deyn ah oo gaareysa $300 oo milyan, kadib markii Asmara ay diiday inay ka jawaabto laba dacwad oo horey, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg. Sida lagu sheegay warbixintan, Eritrea ayaa 200 oo milyan oo dollar ka amaahatay QNB oo ah Bankiga ugu weyn Bariga Dhexe ee deynta bixiya, sanadihii 2009 iyo 2010, waxayna soo celisay 45 milyan oo kaliya bishii May 2012. QNB ayaa kadib dacwad ka furtay dalka UK sanadkii 2018, sida ku cad heshiiska. Garsoore ku sugan UK ayaa amray in Eritrea ay bixiso 253 milyan, oo ay ku jirto dulsaar, hase yeeshee Eritrea ayaa joojisay inay u jawaabto qareenada, sida warbixinta lagu sheegay. Bankiga Qatar ayaa Talaadadii wuxuu go’aan ka codsaday xaakim federal Mareykan ah, isaga oo sheegay in dowladda madaxweyne Isaias Afwerki, oo dalkaas xukumeysay 28 sano, ay iska indho tirtay warqado sharci ah oo loo diray. QNB ayaa tuhunsan in Eritrea aysan u hoggaansameyn xukunada maxkamadda UK, ayna go’aansatay inaysan isku difaacin labada maxkamad ee UK iyo Mareykanka. Go’aanka maxkamadda Washington, ayaa u fududeyn kara Bankiga QNB inuu raadiyo kadibna la wareego hantida Eritrea ay ku leedahay caalamka, sida Bloomberg ay ku warrantay. The post QATAR oo Washington ka furtay dacwad ka dhan ah Eritrea – Maxay isku hayaan? appeared first on Caasimada Online.