Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Authorities in Somalia’s Puntland region have warned of an upsurge of the COVID-19 pandemic as the Federal Government records over 30 deaths in the last week alone. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa Jimcihii sheegay inuu billaabay baaritaan kadib markii cinwaanka rasmiga ah ee ururka ee twitter-ka lagu weeraray Samantha Power, oo ah madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka, oo ku baaqday in wada-hadallo lagu dhammeeyo colaadda Ethiopia. Power, oo booqatay Ethiopia bishan, ayaa dib usoo tweet gareysay tweet uu la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jack Sullivan ku baaqay “in dhammaan dhinacyada [Ethiopia] ay isugu yimaadaan miiska wada-xaajoodka.” Power ayaa kadib qortay in xaaladda bani’aadaminimo ee Ethiopia “oo aad xun ay kasii dari doonto, haddii aysan dhammaan dhinacyada isku raacin wada-hadallo iyo in colaadda lasoo geba-gebeeyo.” Cinwaanka Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay magaalada Addis-Ababa ayaa kadib ugu jawaabay Power si deg deg oo jees-jees ah. “Waxaad ula jeedaa soo maaha si la mid waqtigii aad la fariisateen oo aad la hadasheen Daacish iyo Taliban. Ethiopia lama xaajoon karto kooxda argagixisada ah ee TPLF. Sidee qaddiyad dimoqraadi u horseedi kartaa in inta yar sida ay doonaan kusoo rogaan inta badan.” Qoraalkaas ayaa kadib la tiray, waxaana Midowga Afrika uu sheegay inuu baarayo dhacdadan. “Shaqaale ka tirsan Midowga Arika ayaa aragtidiisa shaqsiyeed kusoo qoray cinwaanka, taasi oo kasoo horjeeda xeerarka shaqaalaha Midowga Afrika. Qoraalkan la tiray kama tarjumayo mowqifka Midowga Afrika, waxaana loo arkaa mid jebin weyn ku ah anshaxa. Dhacdadan si gudaha ayaa loo baarayaa,” ayuu yiri Midowga Afrika. Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa wakaaladda AFP u xaqiijiyey in qofka soo qoray qoraalka weerarka ah uu yahay Ethiopian. The post MIDOWGA AFRIKA oo dhex taagan fadeexad uu sababay shaqaale Ethiopian ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Sawir -Qaade Caan ah oo Haddana Araga la’ balse Dhegaha Wax ka arka! Waxaa laga yaabaa dadka sawirrada qaado marka aad la kulanto inay sameeyaan waxyaabo caado u ah si sawirrada ay kaa qaadayaan ay u noqdaan kuwo qurux badan, sida inay ku yirahdaan sidaa u istaag, halkan u jeedso, istoosi, dhoolla caddee iyo wixii la mid ah. Marka sawir qaadaha uu u arko inuu sawir qurxoon ka soo bixi karana batanka sawirka uu taabto. Haddaba sawirqaadayaashu arrimahaasi oo dhan waxa ugu muhiimsan ee ay u adegsadaan waa aragga. Balse sawirqaade Cabdi Saciid sheekadiisu taa wey ka duwan tahay. Sawirkasta oo uu qaado qaabka uu noqonayo wuxuu kaga qiyaas qaataa codka ama shanqartra dhagahiisa soo gaaraya. Dhagahiisa ayaa booska aragga u galay. Cabdi oo yaraantiisa sababa aan la garaneyn aragga ku waayey ayaa qaado ‘Sawirro qofka arko uu isleedahay sideey ugu suuragashay?’ Sawir qaadaha dhagaha wax ku arka Cabdi oo ku dhashay magaalada Addis Ababa wuxuu aragga beelay isagoo laba jir, wuxuuna waxbarashada uu ku soo qaatay dugsiga dadka aragga la’ ee ku yaalla degmada Sabata. Ilaa uu ka gaarayey fasalka 10-aadna wuxuu marweliba ku taami jiray inuu sawir qaade noqdo maadamaa uu aarintaas xiiseyn jiray, inuu araga la’yahayna kama aanay hor istaagin in riyadiisa ay u rumowdo. Kaddibna wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Addis Ababa qaybta luuqadaha. Wuxuuna ka shaqa galay magaalada Addis Ababa isaga oo xirfadda wariyenimo ku shaqeynayey taasoo u abuurtay fursad uu markale riyadiisii ahayd inuu sawirqaade noqdo uu ku gaaro. “Madaama aan ahaa wariye wararka soo uruuriya waxaan inta badan shaqada wada qaban jirnay sawir qaadayaal iyo kuwa muuqaallada duuba, halkaas ayaan ka billaabay inaan xiriirkii ugu horreeyey kaameerooyinka la yeesho’ ayuu yiri Cabdi oo xusuusanayo sida uu wax ku billaabay. “Hubka ugu weyn ee aan u isticmaalo qaadidda sawirrada waa maqalka” ayuu yiri isaga oo sheegay in dadka uu sawirrada ka qaadayo uu su’aala dhowr ah weydiiyo, sawirka uu qaadayana ay ku xiran tahay jawaabta ay su’aalahiisa ka bixiyaan. Mar welibana waxaan raacaa ayuu yiri codka jihada uu ka imanayo. Marka ugu horreysa qofka sawirka aan ka qaadayo qaabka uu u yaallo iyo dhererkiisa si aan uga qiyaas qaato waan taataabtaa, kaddibna qofka aan sawirka ka qaadayo waxaan weydiinayaa waxa uu doonayo inuu sawrika ka muuqdo kaddibna waxaan ka codsadaa inuu halka uu doonayo isku aaddiyo. “Balse qof keligii haddii aan ka qaadayo oo uu ii dhowyahay anoo hortiisa taagan ayaan la sheekeystaa waxaanna weydiiyaa sida magaciisa, inuu dareenkiisa xaggeyga soo aaddiyo, inuu kaameerada soo fiiriyo, codka qofka ka imanaya aniga oo ka qiyaas qaadanaya iyo xaaladda uu ku sugan yahay ayaan sawirka qaadaa” ayuu yiri. Mararka qaar waxaa dhacda in qofka codkiisa uu ka garto xaaadda uu ku sugan yahay kaddibna uu ka codsado inuu dhoollacaddeeyo. “Tayada sawirka aan qaadayo iyo inuu si sax ah kaameerada iigu aaddan yahay ‘Focus’ maadaamaa aan tababar wanaagsan u leeyahay ma gafo oo sawir taya leh ayaan qofka ka qaadaa, macamiisheydana badanaa kama cawdaan sawirrada aan ka qaado” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray mararka qaar inuu la kulmo waxyaaba saameynaya inuu qofka codkiisa si wanagsan aan u maqli waayo ama xiriirka uu xumaado, tusaala ahaan qof haddii uu ku jiro hool lagu qabanayo xaflad qalin jabin ama shir oo kale maadaamaa codbaahiyeyaal la adeegsanayo codkeyga iyo kan macamiisheyda waxaa ka qaalib noqonaya sameecadaha. XIGASHADA SAWIRKA,ABDU SEID “Marbaa waxaa dhacday qof aan ka qaaday sawir oo sawirkii uu aad uga helay inuu ii yimid iguna yiri adiga oo aragga la’ sidey kuugu suuragashay inaad sawir noocaan qaado? wuuna rumeysan waayey oo okiyaalaha ayuu iga bixiyey si uu u hubiyo inaan aragga naafa ka ahay” ayuu yiri Cabdi Saciid. Cabdi Saciid xirfaddiisa kuma koobno sawrqaadidda wuxuu sida oo kale leeyahay xirfad kale sida dayactirka qalabka korontada ku shaqeeya oo inta badan gurigiisa wixi koronta la xiriira oo ka xumaada inuu isaga gacantiisa ku dayactirto. Cabdi wuxuu ku taamayaa sawirrada ilaa iyo hadda uu qaaday inuu soo uruuriyo kaddibna uu soo bandhigo si dadka isaga la midka ah ee aragga la’ ay u ogaadaan qofka aragga la’ inuu u xoogsan si la mid ah dadka caadiga ah. Wuxuuna aaminsan yahay in indhaha uu Ilaahey ugu talagalay in wax lagu arko balse uusan ahayn kan lagu fakaro. Cabdi oo ay da’diisu tahay 33 jir waa xaasle 2 carrur ah dhalay. Qaran News
  4. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida oo ka hadlay Debed-bax lagu cambaareenayo Falaagada TPLF Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taageero ugu mujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida. Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen. Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas. Qaran News
  5. Ankara (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay lacagta kaalmada ah ee uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan dhowaan ugu deeqay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo gaareyso illaa 30 milyan oo Dollar. Mucaaradka Turkiga ayaa ka carooday go’aanka madaxweynaha ee yabooha lacagtaasi, waxayna shaaca ka qaadeen in dalkooda aanu awoodin lacagtaas, maadaama ay haatan ka jiraan xaalado is biirsaday sida, dhaqaale xumo, Covid-19 & dabka ka holcaya wadankaasi. Sidoo kale mucaaradka sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Erdogan ayaa xusay in xilligan dowladda Turkiga looga baahanyahay samatabixin, isla-markaana ay tahay inay soo iibsato qalabka dab-damiska, si looga hortego dabka ku sii baahaya meelaha qaar dalkaasi. “Arrinta mudnaanta leh xilligan la joogo waa gudaha Turkiga waa in la iibsado qalabka dab damiska, si looga hortego dabka kasii socda meelaha qaar ee dalkaasi,” ayuu lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka xisbiga shacabka jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Kamal Oglu. Sidoo kale afhayenka ayaa intaasi kusii daray “Dal aan heli karin 4 milyan oo Dollar oo ay ku iibsadaan diyaaradaha dab-damiska waxay go’aansadeen inay 30 milyan oo deeq ah siiyaan Soomaaliya,”. Dhinaca kale mucaaradka dalka Turkiga ayaa isku xiriiriyey kaalmadan lacageed iyo shirkad ay leeyihiin qoyska wiilka uu Sodogga uu yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taas oo haatan maamusha, isla-markaana gacanta ku heysa dekedda weyn ee dalka Mauritania. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo todobaadkii hore dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 30 milyan oo Dollar, isla-markaana bil wabo dowladda federaalka ah la siinayo lacag gaareysa illaa 2.5 milyan oo Dollar, sida ku cad heshiiskaasi. The post Maxay tahay xiisadda salka ku haysaa Soomaaliya ee ka taagan dalka Turkiga? appeared first on Caasimada Online.
  6. Ibraahim Faarax Gaas oo u sharraxnaa xubinta Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Garoowe ayaa si adag uga horyimid hannaanka madaxweyne Deni u maamulay doorashadii Aqalka sare ee maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe. Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Garoowe: Ibraahim Faarax Gaas oo si adag uga horyimid madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sida aan wanaagsaneyn ee ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda maamul goboleedyada. Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha uu soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ee xaaladd dalka, siiba arrimaha doorashooyinka 2021-ka. Musharraxiinta mucaaradka ayaa dhowaan wada-hadallo la yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib markii ay soo shaac-baxday xiisad ka qaraxday Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeysay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha. Waxaa sidoo kale lagu wadaa golaha midowga musharraxiinta inay kulankooda ku soo hadal-qaadaan caqabadaha gaarka ah ee ay xilligan wajaheyso HirShabelle oo aan weli gudaha-gelin doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba golaha musharraxiinta ayaan muddooyinkii u dambeeyey yeelan kulamo siyaasadeed oo ballaaran, marka laga reebo wada-hadallo gaar gaar ah oo ka soo saareen baaqyo ku aadan doorashooyinka 2021-ka iyo xaaladda guud ee uu haatan dalka marayo. The post Midowga musharraxiinta oo kulan ku leh hotel Jazeera appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka kormeer ku tagay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Dr. Jaamac Muuse Jaamac, maamulaha guud ee xarunta ayaa xildhibaanada mid mid ugu sharraxay qaybaha ay ka koobantahay xaruntu iyo waliba shaqooyinka ay qabato. Source
  9. Kumannaan shacab ah ayaa saaka ka soo qeyb-galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Difaaca Qaranka Dalka, lagagana soo horjeedo ururka argagixisada ah ee dhiig-miiratada mici-gabaarka ah ee TPLF. Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Inj. Maxammed Shaalle iyo masuuliyiin kale ayaa bulshada kala soo qeyb-galay isu-soo-baxan oo ka dhacay garoonka kubbadda cagta ee magaalada Jig-jiga. “TPLF waxa ay ka been sheegtay dastuurka dalka, waxa ay ahayd koox dadka gumeysata; waxaana ina xukumayey saraakiisheeda” Madaxweyne Mustafe ayaa sidan yidhi mar uu ka hadlayey dibad-baxan. “Nidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma ahan mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLF” Mustafe Muxummed Cumar. “Waxa aan idiin caddeynaynaa in maanta kaddib ayna dawladdu ogalaan doonin in ay banaanka sii joogaan dadkii shacabka xasuuqa u geystay ee maantana doonaya in ay awr-kiraaleyaal u sii noqdaan hadhaaga nafla-caariga ah ee TPLF, taasi waxa ay u muuqataa tallaabo-qaad ay horre dawladdu u qabtay oo maanta lagu dhaqaaqi doono” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar. Inj. Maxammed Shaalle, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa sheegay in la isugu soo baxay muujinta dareenka lahaanshaha dhulkeenna. waxa aan dhisaynaa Itoobiya la wada leeyahay innaga oo dhawrayna dastuurka dalka, mana illaawi doonno ururkii hore u kala qoqobay bulshadeenna, xasuuqa arxan-darrada ahna u geystay bulshada. Maalmahan waxaa guud ahaan ka socday dalka isu-soo-baxyo lagu diiddan yahay argagixisada TPLF oo doonaysa in ay dumiso dalka, sida oo kalena taageero loogu muujinayey Ciidamadda Difaaca Qaranka. guud ahaan Deegaanka Soomaalida ayuu ka dhacay isu-soo-baxani. Source
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo noocyo kala duwan leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ku yaalla magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wasaaradda amniga HirShabelle oo faah faahin ka bixisay gaadiidkaasi ayaa sheegtay inay ka kooban yihiin shan gaari oo Cabdi Bile ah iyo afar Mooto nooca laba lugaaleyda ah, kuwaas oo ay tilmaamtay in ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkan ay isticmaali doonaan ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxay wasaaraddu shaaca ka qaaday in gaadiidkan iyo mootooyinkaba ay fududeyn doonaan howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda HirShabelle. Horay waxaa Beledweyne looga dajiyey baabuur cusub oo ah kuwa aan xabaddu karin oo la sheegay inay adeegsan doonaan mas’uuliyiinta doorashooyinka u tegaya magaaladaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli ay weli dood ka taagan tahay in doorasho lagu qabto Beledweyn, maadaama uu haatan dhaq-dhaqaaq ka wado Janaraalka hubeysan ee Xuud oo ciidamo badan ku heysto duleedka magaalada, kana soo horjeedo maamulka HirShabelle. The post Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo ka degtay Beledweyne + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada saddexda xubnood ee ka haray Senatarada Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi. Warqad ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa lagu sheegay in isla maanta ay bilaabayaaan diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya saddexda kursi ee ka dhimman maamulkaasi. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in beri oo Axad ah ay msharraxiintu jeedin doonaan khudbadahooda, kadibna la qabanayo codeynta doorashada, si loo dhammeystiro Senetarada baarlamaanka Aqalka Sare ka soo galaya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. “Iyadoo la fulinaaya jadwalka guddiga doorashooyinka heer federaal ay soo saareen 16-07-2021 oo ku asteysan in doorashada Aqalka Sare lagu qabto muddada u dhexeysa 25-28 bisha Jully, haddaba wuxuu guddiga doorashooyinka heer dawlad goboleed SEIT – Koonfur Galbeed halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faahfaahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri warqadda k asoo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed. Dhinaca kale xubnaha lixda ah ee uu shaaciyey madaxweyne Lafta Gareen, kuna tartamaya doorashada ayaa ah kuwa cusub, waxayna kala yihiin:- 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed Sidoo kale wuxuu Lafta Gareen meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan. Si kastaba, haddii ay Koonfur Galbeed beri qabato doorashada saddexda kursi ee uga harsan Aqalka Sare waxa ay noqon doontaa maamulkii labaad ee soo dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi. The post K/Galbeed oo shaacisay xilliga ay qabaneyso doorashada kuraasta uga harsan Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad gobaleed ee maamulka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Aqalka sare ee xubna ku matalaya BJFS. Jadwalka guddiga ayaa lagu sheegay in maanta oo sabti ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharixiinta Aqalka sare. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa xalay shaaciyay liiska seddax kursi oo ka dhineyd kuraasta Aqalka sare Koonfur galbeed ay ku leedahay. Guddiga doorashada ayaa beri oo Axad ah shaaciyay in ay dhaceyso doorashaa Kuraasta dhiman. Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada Source: goobjoog.com
  13. The International Organization for Migration (IOM) said on Friday that it's launching a project aimed at strengthening consular support for migrants stranded in Libya. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - The Electoral Dispute Resolution Committee Chairman, Abdullahi Abyan Nur, has died at Martini Hospital in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  15. (Gaabay Cali Ciiro (AHN) oo ahaa Siyaasi reer Ceerigaabo ah oo aragti fogaa ayaa iiga sheekayay markii Bintiland la dhisay inay Ergo ahaan ugu tegeen Coll Yuusuf Ahmed (AHN) oo markaa ugu Madax weynaa ( Maxamuud Saleebaanka- wuxuu ku yidhi( Warsangliyow Ceerigaabo dhinaciina Calanka Bintiland ka taaga oo dagaalama Gurmad fiican ayaad ka helaysaan Gobolada Mudug & Nugaal… hada ogow markaas ayaa Nabadii Ceerigaabo & Guud ahaan Sanaag la soo dhameeyay. Odayaashii waxay Coll Yuusuf u sheegeen in aanay rabin in Ceerigaabo noqoto Sida Gaalkacayo oo Jinkeeda la saari-waayo 30-Sano! Balse ay Ceerigaabo qaadatay Nabad & wada-noolaasho kana qiima badan Calan dbibaatadiisa huwan. Waxaan sheekadan u soo qaatay Reer ( Ceerigaabo dagaalama Gaalkacayo oo baxaysa ayaa idiin soo diraysa (Gurmad)!! Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, East Burco Clan,Dhulbahanteiyo East Sanaag Clan) Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3). Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin. hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado. Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah. Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman. Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn Xaajadu. Mudug. Magalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug waa Magaalo koraysay mudo badan hase ahaatee ay ragaadiyeen Colaado Beelo ehel ah oo wada degen, taasi waxay meesha ka saartay inay burburaan oo dhaqan gali-waayaan dhamaan hashiisyadii la galay Dagaalkii dhowr & Sagaashankii ka dib. Hadii aad raadiso arki maysid hal qoraal oo laga sameeyay (Nabadayntii Gaalkacayo) Waa sababta reer Bintiland u buun buuninayaan hadalka Wasiirka oo tusaya reer Somaliland in laga hashiiyay wixii dhacay. Wasiir Mustafe! Anigu lama Yaabin Wasiir Mustafe Godane, Ceebna kuma uusan hadlin- Wixii Woqooyi ka dhacay & Dirirtii Beelaha kala irdhowgii Gobolada waa laga hashiiyay oo Qoraalo& nuxurba waa laga soo saaray sida uu daabacay Prof Gees Isaaqa laftiisa ayaa birta iska aslay waxana ay soo qaadeen (Xalay dhalay) Qolada ilmadeertay ee isoowacaysa waxaan leeyahay Sababta Gaalkacayo 21 century u degi weyday oo weli Colaado uga Baxayso waxa Weeye (Is cafis la”aanta & Kalsoonidii uu luntay. Badhan. Reer Sanaag waxaan leeyahay Gaar ahaan (Maakhiryiinta Mustafe Maaha dhagax Cirka ka soo dhacay! Wasiir Ciise Xawar & Oday Cadami labaduba wey joogeen Golaha in kastoo cadami uu ahaa Oday weyn oo yaqaan Meesha uu geediga ku furayo Mustafena intaas & badan baa laga sugayaa isku wadkii & Nabadyantii Aabihii Godane Cali Bile (AHN) Anigu waxaan leeyahay Mustafe inuu Ambado ugama maqayo qof kalese yeelkadii….. Jama A Feyte Texas Source
  16. Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taaheero ugu miujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida. Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas. Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen. Source
  17. (SLT-Afghanistan)-Kooxda Talibanka Afghanistan ayaa shalay Jimcihii shaaciyey inay la wareegeen guud ahaan magaalada Kandahar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Afghanistan Xoogaga Talibanka ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay afarta jiho weerar kaga waday magaalada Kandahar oo ku taal koonfurta dalkaasi ahna halkii lagu aasaasay kooxda Talibanka, magaaladaasi oo ahmiyad gaar ah u lahayd kooxdan oo maalmihii lasoo dhaafay dowlada ka qabsaday magaalooyin badan. Talibanka ayaa khamiistii qabsaday magaalada 3aad ee ugu weyn dalkaasi ee Herat iyo magaalada Ghanzi oo ah caasimad-gobaleed u jirta 130km caasimada wadankaasi ee Kabul. Waxaana hada la saadaalinayaa in Talibanka ay duulaankooda ugu danbeeya la beegsan doonaan magaalo madaxda Kabul. Maraykanka iyo UK ayaa ciidamo ka badan 3 kun oo askari shalay geeyey magaalada Kabul si ay halkaasi uga daadgureeyaan shaqaalahooda safaaradaha ay halkaasi ku leeyihiin. Source
  18. Canada ( Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan. “Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay. Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah. Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen. Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau. Isha: VOA The post Canada oo qaadaneyso 20,000 oo qaxooti ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Canada ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku yabooha inay ay qaadanayaan illaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah. Hase yeeshee dowlada Canada ayaa sheegtay in qaxootiga ay qaadanayso ay yihiin madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan. “Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma eegan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay. Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah. Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen. Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yishi Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau. Source
  20. Mogadishu (HOL) - The President of South West state Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen has released the names of the candidates running for the region's three remaining senate seats in the Upper House. Source: Hiiraan Online
  21. Refugees who experience violence in the North American cities where they’ve sought asylum suffer from devastating, long-lasting mental health issues—and those issues can impact them just as deeply as the violence they faced in their home country, says Carmel Salhi, assistant professor of health sciences. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - Somalia received 302,400 doses of the Johnson and Johnson (J&J) COVID-19 vaccine through the World Health Organization's COVAX global vaccine sharing program on Saturday. Mogadishu (HOL) - Somalia received 302,400 doses of the Johnson and Johnson (J&J) COVID-19 vaccine through the World Health Organization's COVAX global vaccine sharing program on Saturday. Source: Hiiraan Online