-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa lagu dilay 17 maleeshiyaad ah, kuwaas soo weeraray xero ay ciidamada militariga dalkaasi ku lahaayeen magaalada Belacoca ee waqooyiga dalkaas. Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalkaas, sarkaal ka tirsan dowladda ayaa yiri: “Kooxo hubeysan oo watay 20 mootooyin ayaa weerar ku soo qaaday xero ciidamada difaaca oo ku taal soohdimaha xuduudka dalkaasi kala dhexeeya ee Mali iyo Niger. Laamaha amniga Burkina Faso ayaa sheegay in ay dileen 17 dagaalyahan , halka 5 ka mid ah ciidanka Difaaca Madaniga ah oo ka barbar dagaalamaya ciidamada malitariga ay ku dhinteen weerarka oo dhacay waqooyiga dalka. PUNTLAND POST The post 17 maleeshiyo ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Burkina Faso appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka qeyb-galay munaasibad lagu daah furayay buug laga qoray taariikhdii Lixle oo kamid ahaa Mujaahidiinti SNM ayaa ka sheekeyay sababtii Lixle loogu bixiyey Astaantii Halganka Wasiir Maxamed Kaahin ayaa ugu horeyntii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) AUN ku tilmaamay inuu ahaa Nin geesi ah oo aan marnaba cabsan, oo halgankii gudaha si weyn uga waday, sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in Lixle uu ku hantay sumada “Astaantii Halganka”, maadama uu kamid ahaa labadii Sarkaal ee gudaha ka waday halganka, islamarkaana uu ahaa nin aad u diyaarsan oo uu ku dhici waayey taliskii xiligaas. “Lixle wuxuu ahaa Saraakiishii caanka aheyd ee ciidamadii Soomaaliya, xaga aqoonta, aragtida iyo cilmiga Injineer ayuu ahaa nin aad u diyaarsan ayuu ahaa. Waxyaabihii la yaabka lahaa waxaa kamid ahaa marka aynu leenahay Lixle iskamaanu siin Astaantii Halganka, waxaa ku garaneysaan ninka darajadaa leh ee ciidamada lagu hayn waayey, ee haddana halgankii gudaha ka waday,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin. “Halgankii gudaha labo nin ayaa mas’uul ka ahaa ciidamadii, mid waa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac oo isaguna Xamar Jooga. Maxamed Xaashi iyada oo halkaas laga raadinayo ayuu Hargeysa ayuu ku noola.” Hoos ka daawo muuqaalka Maxamed Kaahin oo dhameystiran The post Daawo: Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Lixle loogu bixiyey “Astaanta Halganka” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho ay ka jirto Oxygen la’aan, xili ay maanta ka qeyb gashay shir u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayay cudurka Covid-19. Cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad ku soo kacleeyey dalka ayaa waxay sheegtay wasiiradu in caqabadda ugu weyn ee xiligan taagan ay tahay Oksijiin (Oxygen) la’aanta ka jirta goobaha Caafimaadka, kuwaasi oo la geeyo bukaano la ildaran Coronavirus. Waxay xustay in qaar kamid ah dadka uu haleelay cudurka Coronavirus ay u geeriyoodeen Oxygen la’aan, maadaama ay waayen neefta macmalka ah, inkasta oo ay markii dambe rejo wanaagsan ka muujisay in dalka la keeno Warshadihii sameyn lahaa, si looga gudbo dhibaatadaas. Soomaaliya ayaa waxaa cudurka safmarka ah ee Coronavirus laga diiwaan-geliyay 16,195 kiis, waxaa ka caafimaaday ilaa hadda 7,888 oo keli ah, halka dadka u geeriyooday ee u diiwaan gashan wasaarada ay gaareen 870. Si kastaba, cudurka Coronaha ayaa muddooyinkii dambe mar saddexaad kusoo labo kacleeyay dalka, ayada oo kor u kaceen kiisaska cudurkaas, oo billihii hore uu ku yimid hoos u dhac ballaaran. Cudurkaan waxaa caawa isbitaalka Martiini ugu geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur. Marxuumka ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kilyaha ah. The post Wasiir ka tirsan DF oo shaacisay xaalad halis ah oo ka taagan magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Marxuum, Cabdullaahi Abyan Nuur Guddoomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dabban ee heer federaal Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanaa, wuxuuna ku jiray Isbitaalka Martiini oo uu caawa ku geeriyooday. Marxuum, Cabdullahi Abyan Nuur waxa uu ku dhashay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose 18kii Maarso 1955. Wuxuu 1976 ilaa 1990 kasoo shaqeeyay Wargeyskii Xidigta Oktoobar iyo Radio Muqdisho, keddibna wuxuu intii burburkii lagu jiray kaalin mug leh ka qaatay nabadeynta iyo dib u soo celinta adeegyada waxbarashada. Marxuum oo dowladihii dalka soo maray ka soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ayaa guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dadban ee heer federaal loo doortay 6-dii July 2021. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur, sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka. Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kiliyaha ah. Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo. The post DEG DEG: Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo qiyaastii 40-KM koonfur – bari ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in gabal dhicii galabta ay weerar kula wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen ciidamo tiro yar oo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo Cadakibir ku sugnaa. Wararka aan ka helnay dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in ciidamada Galmudug laga qabsaday Cadakibir, isla markaana ay u carareen dhanka deegaanka Godinlabe oo dhaca inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb. Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee wasaaradda amiga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ay iska caabiyeen weerar ay galabta ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare xooggan dagaalamaashii soo qaaday weerarka kala laabteen halkaas. “Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ka soconaya.” Al-Shabaab ayaa weerarro adag bilihii u dambeeyey kala kulmay ciidanka Qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana gacantooda ka baxay inta badan gobolka Mudug, balse waxay ku xoogan yihiin deegaano badan iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaguud ee Galmudug. The post Al-Shabaab oo qabsaday deegaan hoostaga Cadaado iyo Galmudug oo ka hadashay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Somalia: Hunger and struggle for displaced communities in besieged Xudur town According to media reports, on 4 June, the situation escalated when Al-Shabaab killed six traders and torched 11 trucks laden with food aid bound for Xudur XUDUR, Somalia, August 13, 2021/ — Seated outside her makeshift home in the Madaxwaarabe internally displaced people’s site in Xudur, 80-year-old mother of five Fatuma Nishow Aliyow does not know where her next meal will come from. “We have not cooked for the last four days because we have no food to eat. We are starving. We badly need to be supported,” she says. Three months ago, Al-Shabaab forcefully evicted Fatuma and her family from their home in Moorigaabey village, 30 km northwest of Xudur. Her five children are staying with relatives and she sends most of the monthly financial assistance she receives in the camp to them. Xudur lies approximately 335 km northwest of the capital Mogadishu. “We fled Al-Shabaab. They chased us, forcing us to seek shelter and support in this camp. We are desperate, starving, and need something to eat,” she added. A delegation led by the South West State Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Abdinasir Arush, and including the Director General of Somalia’s Ministry Humanitarian Affairs and Disaster Management Ahmed Abukar Ahmed, the Xudur District Commissioner, Mohamed Maalim Ahmed, and UN officials recently visited Xudur on a humanitarian assessment mission. The delegation visited Daleeley, Shiidley and Madahwaraabe sites for internally displaced people (IDPs), a maternal and child health care facility and feeding centre, a water pump station, checked on the progress of ongoing projects and interacted with displaced families. Fatuma’s situation is compounded by an aid blockade. Al-Shabaab has besieged Xudur and neighbouring towns in Bakool region for the last seven years, cutting off road access for humanitarian assistance to vulnerable populations. According to media reports, on 4 June, the situation escalated when Al-Shabaab killed six traders and torched 11 trucks laden with food aid bound for Xudur. As many as 4,000 people are reported to have arrived in the area since then. The blockade has caused food prices to surge in Xudur town, further exacerbating the situation of the displaced families who depend on humanitarian assistance. Flying in this life-saving support is currently the only safe way to provide relief, and recently humanitarian partners managed to airlift food and other supplies into the besieged area. As a result, people who urgently needed humanitarian aid were assisted and the price of a bag of rice dropped from US$50-69 to $26. Displaced people in Xudur receive $70 per family, medical assistance, non-food items and food rations. The money and food are insufficient as more people continue to arrive, thus putting a strain on available assistance. Request for support “My request to the donors is that I am a displaced person who lives here. We depend entirely on humanitarian agencies and God for our survival. We are really suffering. We request food, decent shelter and a school. We need a lot of support,” said 75-year-old Mohamedkheyr Nur, a father of 10 living in Daleeley site for displaced people. According to Minister Arush, humanitarian response has improved the living conditions of displaced families, though there is a need to scale up interventions. “These displaced people have many challenges. They were forced to flee their homes where they lived for many years and had their livelihood. They now have no proper shelter; there is also little food in the town due to the blockade. Water is also scarce. These basic needs are their biggest challenge,” he noted. Somalia has one of the highest numbers of displaced people in the world. Some 2.9 million people – nearly 25 per cent of the population – is displaced. Climate-related shocks have exacerbated the humanitarian situation in the country. For instance, there are 350 internally displaced people’s sites in South West State, making it one of the worst-hit by displacement Federal Member States. Shiidley residents too, echoed this sentiment – even if the security situation improves, the drought has taken their crops and livestock so returning home would bring a different set of challenges. Displaced people face risks of eviction, marginalisation and exclusion, and lack of access to essential services like shelter, water and sanitation. The humanitarian community has prioritised assistance for 4 million of the most vulnerable people in Somalia in 2021. The 2021 Humanitarian Response Plan seeks $1.09 billion to provide life-saving assistance and livelihood support to those most affected. However, only $432 million (40 per cent) of the required funding is available, the lowest in six years. Xudur District Commissioner Mohamed Maalim Ahmed said his administration has resettled IDPs and provided safety; but urged for more humanitarian support from international funding partners. “The problem of displacement has been recurring. But what these IDPs here need most is security. They need their safety to be guaranteed, having been forced to leave their homes by conflict. Secondly, they need humanitarian assistance. We appeal to the donors to support them,” he added. The Strategic Communication and Coordination Officer in the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, Olga Cherevko, said the situation could worsen if additional resources are not mobilised soon. “The already existing gaps could increase because more people fleeing conflict and drought are arriving on a daily basis,” Cherevko noted. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Access Multimedia Content SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Qaran News
-
PRESS RELEASE Dubai Based Emirates to Fly Both Regional and International Delegates to African Energy Week in Cape Town With the airline increasing flights to South Africa and adding three linked flights to Cape Town, Emirates will be a top mode of transport for delegates travelling to African Energy Week in Cape Town. JOHANNESBURG, South Africa, August 13, 2021/ — The United Arab Emirates’ (UAE) largest airline, Emirates, has announced that it will resume its flights to South Africa after several months of inactivity due to travel restrictions. The move comes in accordance with the UAE’s easing of travel regarding 12 countries and is expected to accelerate travel and tourism for South Africa. In addition to flight resumption, Emirates has announced that the airline will increase flights to South Africa from daily to 11 weekly services, as well as increase interconnection to both Durban and Cape Town. By reopening services to South Africa, and offering discounted fares for those coming to African Energy Week (AEW) 2021 in Cape Town in November, the airline is reaffirming that events can take place in Africa in 2021. The fact that a Dubai-based airline is supporting AEW 2021 in Cape Town only further emphasizes that abandoning the continent for conference venues in Dubai is not the solution. With the resumption of fights and discounted offers for AEW 2021 delegates, Emirates is demonstrating a commitment to Africa. Emirates will comprise the premier mode of transport for AEW 2021, bringing delegates from all over the world to Africa’s premier energy event on the 9th-12th of November in Cape Town. The airline is particularly valuable, not only for AEW 2021 but for South Africa as a whole, as it connects the country with the world, in which resumed travel is expected to bring in a significant number of tourists and business travelers to Africa as the world reopens after the COVID-19 pandemic. “We are excited to boost our services in South Africa, and have already increased flights to Johannesburg from daily to 11 weekly fights, including four linked flights with Durban, as well as Cape Town with three weekly services,” stated Emirates on their LinkedIn page. The service resumption to Africa and discounted offers speak to the caliber of AEW 2021 as Africa’s premier energy event. The event has already seen a significant number of written confirmations being made by top African Ministers, private and public sector executives, and both national and international oil companies (IOC) worldwide. Notably, written Ministerial confirmations have been made by the Republic of Congo, Nigeria, Niger, South Sudan, Uganda, Namibia, Senegal, Angola, Equatorial Guinea, Ghana, and South Africa. Additionally, written confirmations have been made by Germany, Russia, Alberta, and the United States, as well as the Organization of the Petroleum Exporting Countries, the Gas Exporting Countries Forum, and African Petroleum Producers Organization. By providing delegates with world-class transportation to AEW 2021 in November, Emirates reaffirms its commitment to both African people and African business. “Emirates resuming their flights to South Africa will be critical for Africa’s tourism and business industries and will significantly contribute to a COVID-19 recovery. By providing delegates coming to Cape Town with a world-class form of transport, and offering discounted fares as well, the airline will be a major contributor to the success of African Energy Week in Cape Town. Africa will host this deal making event and we will sign a lot of deals in 2021 and Emirates is emphasizing this. We will remain committed to the energy sector, and are excited to host delegates from all over the world, all thanks to Emirates,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman of the African Energy Chamber. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. Access Multimedia Content For more information about Africa’s premier energy event, visit www.aew2021.com or energychamber.org and/or email Amina Williams at amina.williams@energychamber.org For registration-related inquiries, please contact registration@aew2021.com For sales-related inquiries, please contact sales@aew2021.com For media-related inquiries, please contact media@aew2021.com For speaker-related inquiries, please contact speakers@aew2021.com SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa maanta waxa uu kula kulmay Xildhibanada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Kenya. Kulanka Rooble iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xiriirka Kenya ee dhawaan dib cagaha loogu taagay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale waxa kulankaas looga hadlay danaha dadka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka Kenya, oo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha inay muhiimad gaar ah siinayaan. Ra’iisul wasaaraha ayaa kal hore sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada. Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu la qaatay Beesha caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, oo warbixin guud uu ka siiyey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixiyay in uu dib u soo laabto xiriirkii wanaagsana ee Kenya iyo Soomaaliya, xili dhaawaan labada dal ay dib u furaan safaaradihii Muqdisho iyo Nairobi. The post Sawirro: Muxuu R/W Rooble kala hadlay xildhibaanada uu kula kulmay Nairobi? appeared first on Caasimada Online.
-
Waa tuma Haweenayda Soomaaliyada ah ee xisbiga haya Talada dalka Australia kala laabtay musharaxnimadii XIGASHADA SAWIRKA,SAHARA AXMED Sahra Sheikh Axmed Mustaf, oo u sharaxan kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafadda ay ku badanyihiin Soomalida ee dalka Australia, ayaa lagala noqday ruqsaddii u ogolaaneysay in ay xubin ka ahaato xisbiga talada haya ee dalkaas. Sahara ayaa waraysi ay BBC siisay ku sheegtay in aysan ka harin musharaxnimada kursiga Baarlamanka, balse ay hadda go’aansatay in ay u istaagto si madax-banaan. Sahro ayaa BBC u sheegtay in sababta uu xisbiga cuskaday ay tahay lacag Soomaaliya looga soo diray, “balse taas uusan sharciga u diideynin”. “Xisbiga wuxuu adeegsaday sharci ay meel marisay dowladdan middii ka horeysay, si xun ayuuna u fahmay lacagtaas.” ayey tiri Sahra. Sharciga uu xisbiga cuskaday wuxuu dhigayaa in qof musharrax ah oo xil u taagan in aan lacag looga soo dirin karin dalka dibaddiisa. “Lacagaha la sheegayo ee aan aniga helo waa kuwa la ii soo diro xilliyada fasaxa iyo ciidaha oo gaaraysa ilaa saddex kun oo doollar, oo sanadkiiba hal mar carruurta loo soo diro. “Adeerkay wuxuu soo diraa lacag yar ayuu carruurta u soo dira maadama uu yahay nin iska mashquul badan. Sida uu wasiir Soomaaliya uga noqdayna waxba ma uusan ii soo dirin. Lacagaha laga hadlayana wuxuu ii soo diray ka hor inta uusan wasiirka noqonin,” Ayey raacisay Sahara. “Sharciga lacagta iima diidano ee xisbiga ayaa ii diiday oo igu dhaheen anaga ma rabno in qof lacag kuu soo diro, marka sharciga lacagta iima diidano ee wuu ii ogolyahay sida uu garyaqaankayga uu ii sheegay.” Haddaba waa tuma Sahara Axmed Mustaf? Sahara waxay ku soo barbaartay oo ayna wax ku soo baratay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Muqdisho, ka dib waxay u safartay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo ay ku dhashay ilmaheedii ugu horreeyay. Waxay waddanka Australia gashay ama tagtay 2004-tii, halkaas oo ay isla markiiba ka bilawday barashada luuqadda Ingiriiska ka dibna waxay baratay xirfadda naqshadaynta guryaha, iyada oo u soo shaqaysay shirkado badan oo guryaha naqshadeeyo. Sahara ayaa dib ugu noqotay Soomaaliya muddo ka dib waxayna halkaas shaqa kala bilawday Wasaaradda waxbarashada oo ay markaas wasiir ka ahayd Maryam Qaasim, waxayna sheegtay in ay masuul ka ahayd mashruucyo ballaaran oo lagu hirgelinayay ilaa 70 iskuul. Ka hor inta aysan go’aansanin inay ku biirto siyaasadda waxay si mutadawacnimo ah howlo kala duwan uga qaban jirtay xaafadda ay dagan tahay. “Shantii sano ee la soo dhaafay, waxaan siyaasiyiinta xaafadda ee ka tirsan dowladda hoose ka soo caawiyay wax badan waana la soo shaqayay,” balse intaas wax xil ah uma aysan soo istaagin., sida ay u sheegtay BBC. Saharo ayaa sannadkan go’aansatay in ay musharax noqoto oo ay u istaagto kursiga Baarlamaanka ee xafadda ay dagantahay, markii hore waxay iska diwaan-gelisay xisbiga talada haya ee dalkaas oo hadda kala laabtay musharaxnimada. Sahra waxay sheegtay in ilmaheeda aabahood uu ka shaqeysto dalalka Bariga Afrika, uuna mararka qaar u soo diro lacago. “Ilmahayga aabahood waxa uu jooga banaanka, qoyskaygana waxay badankood ku maqanyihiin Soomaaliya, dad badan ayaana si khaldan u fahmay arrinkan. Sharciga iima diidano lacag in la ii soo diro.” Sahara ayaa sheegtay in ay raja badan ka qabto in ay ku guulaysan doonto kursiga baarlamaanka ee ay sida madax-banaanida ugu sharaxantahay hadda. Waxay tilmaamtay in dadka deggan xaafaddeeda ay neceb-yihiin musharaxiinta ka socda xisbiyada waaweyn. Waxay tiri: “Dadka waxay aaminsan yihiin in musharaxiinta ka socda xisbiyada ay kaliye ku shaqeeyaan hadalka xisbiga ay matalayaan, marka waxaa ii fudud in aan kaligay istaago.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro. Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya. Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen. Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran. Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.” Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka. Hoos ka aqriso qabyo qoraalka. Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. The post Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xiisad cusub ay ka dhex-qaraxday madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle, oo horey isugu hayey arrimaha maamulka HirShabeelle. Xiisadda cusub, ayaa sida aan xogta ku helnay waxay salka ku heysaa jagada madaxa hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, oo hadda xilkaas uu hayo Axmed Macallin oo beesha Xawaadle kasoo jeeda, balse la doonayo in la beddelo. Xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu doonayo in qof ay isku beel yihiin xilkaas loo magacaabo, ayada oo arrimahaas ay kala shaqeynayaan madaxda sare ee dowladda federaalka. Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa arrintan aad uga horyimid, ayaga oo madaxweyne Guudlaawe ku eedeeyeey inuusan diyaar u aheyn in isaga iyo beesha ay isku soo dhowaadaan. Xildhibaan ka tirsan baarlamanka, kana soo jeeda beesha ayaa Caasimada Online u sheegay “In Cali Guudlaawe uu raadsado xilalka waxey keeni doontaa in beesha Xawaadle ka fiirsato kalsooni ay siiyaan, si uu HirShabeelle u hoggaamiyo.” Sida aan xogta ku helnay, xildhibaano ay ka mid yihiin Farxiyo Muumin, Cabdirisaaq Dheere iyo Goodax Barre ayaa qorsheynaya inay la kulmaan madaxweyne Guudlaawe, oo ay kala hadlaan arrirntan. Sidoo kale, xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshan ayaa qaban-qaabinayaan kulan ay arrintan uga qaadanayaan mowqif mdieysan. Beesha Xawaadle ayaa Cali Guudlaawe diidaneyd tan iyo marki loo doortay madaxweynaha HirShabeelle, ayada Jeneral Xuud iyo maleeshiyadiisa ay ku baaqeen in lala diriro, waxaana xiisadda cusub ay sii kala fogeyn kartaa labada dhinac. Dhinaca kale, waxaa caddeyn aragtida arrrintan ku aadan ee uu qabo madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, oo kasoo jeeda beeshan. The post Xog: Xiisad cusub oo ka dhex taagan Beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka, oo caqabad ay ka taagan tahay. Rooble ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya ay gaareyso illaa $26 Malyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka. Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in beesha Caalamka laga helay dhaqaalihi ugu horreeyey. Sida uu sheegay Rooble, dhaqaalahaasi ayaa laga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Lacagta ay beesha Caalamka bixiso maahane inta kale ayaa la qoondeeyey in laga qaado musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana musharixii u tartamayo xilka aqalka sare laga rabaa inuu bixiyo lacag gaareyso ilaa 20 kun oo dollar halka haweenka laga rabo 10 kun oo oo dollar, sidoo kale musharixiinta aqalka hoose ayaa laga rabaa 10 kun oo dollar halka kuwa haweenka ah laga rabo 5 Kun oo Dollar. Maalmaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa inay Muqdisho isugu imaadaan golaha wadatashiga qaran, waxaana la filayaa in kulankaas lagu ansixiyo miisaaniyadda doorashada Soomaaliya ee 2021. Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duwan tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labalaab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xeroon, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya maalmaha soo socdo. Ra’isulwasaare Rooble oo hadda ku maqan safar dalka Kenya ah ayaa la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto 2 berri kadib, wuxuuna xooggiisa isugu geyn doonaa sidii uu usoo xareyn lahaa lacagta ku baxeyso doorashada si loo bilaabo doorashada aqalka Hoose oo aan weli bilaaban. Mar kasta oo doorasho ka dhaceyso Soomaaliya beesha Caalamka ayaa bixiso lacagta ugu badan ee doorashada ku baxeyso, waxaana sanadkaan weli la heli la’yahay lacagihii ka imaan jiray beesha Caalamla taasoo ay sabab u tahay khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey saamileyda siyaasa. Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May 2021 la baalmaray taariikhaha qaar. The post Rooble oo shaaciyey xog ku saabsan doorashada oo caqabad cusub noqon karta appeared first on Caasimada Online.
-
Xiriirka TAQBALL oo aduunka ku soo biiray sanadii 2012 ayaa laga daah furay magaalada Muqdisho, waxaana xiriirkan Soomaaliya ka hergeliyay Macow Xuseen Xasan oo horay kaga soo ciyaaray Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya, waxaana munaasabada shaacinta Xiriirkan kasoo qeybgalay madaxda ka tirsan Dowladda iyo laacibiintii hore dalka. Xiriirka TAQBALL waxaa aas aasay muwaadiniin kasoo jeeda dalka Hungary, waxaana hada aqoonsan Olombikada Afrika iyo Assia, waxaan si rasmi ah loo daah furay 16-October 2018 waxaan daah furay laacibkii hore kooxda Barcelona iyo dalka Brazil Ronaldo de Assis Moreira, isagoo hada ah safiirka caalamka ee Xiriirka TEQBALL, madaxda Dowladda iyo laacibiintii hore dalka ayaa u mahadceliyay Macow Xasan Xuseen oo Xiirkan keenay Soomaaliya, wuxuuna Xiriirka TEQBALL fursad u yahay dadka baahiyaha gaarka qaba in ay kasoo muuqdaan dhacdooyinka ciyaaraha dalka iyo dibadda. Yaasiin Maax oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha dalka ayaa sheegay in loo baahanyahay in garab la siiyo Xiriirada TEQBALL iyo Xiriirada kale ee ka dhisan Soomaaliya, si mustqbalka loo gaaro guulo waaweyn. ” Ciyaartooydii hore Gabdhaha waxay soo dhawaynaynaa Xiriirka TEQBALL, waxayna diyaar u yihiin garab istaagida madaxda Xiriirkan ku soo biiray Soomaaliya” ayay munaasabada ka sheegtay Asli Carfaaye Cumar oo horay ugu ciyaartay kooxaha kubbadda Kolayga Soomaaliya. Maxamed Xuseen Majabe oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay is caawiyaan Xiriirada dalka, isagoo bahda isboortiga kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan caawinta xidigihii hore Soomaaliya oo qaba baahiyo kala duwan. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi ayaa munaasbada daah furka Xiriirka TEQBAAL ka sheegay in ay soo bataan Xiriirada, isagoo sheegay hadii ay bataan dhacdooyinka ciyaaraha fursado badan ay helayaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo leh xirfado kala duwan oo cajiib ah. Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan ayaa bahda isboortiga ku dardaarmay in lala shaqeeyo Xiriirka TEQBALL iyo dhamaan Xiriirada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka, wuxuuna sheegay in isaga uu diyaar u yahay garabsiinta dhamaan Xiriirada Wadanka. Guddoomiyihii hore Olombikada Soomaaliya Cabdiqaadir Ibaarhim Gacal (Abkow) ayaa sheegay in ay waajib tahay in dhaqaalo la geliyo isboortiga dalka, wuxuuna bahda ciyaaraha ku dhiirigeliyay in ay soo dhaweeyaan sidoo kalane ay caawiyaan Xiriirka TEQBALL oo ku soo biiray Xiriirada dalka. “Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa Xiriirka TEQBALL” ayuu munaasabada ka sheegay Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Xamse Saciid Xamse. Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah wakiilka dhalinyarada iyo ciyaaraha xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaalliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Raysal Wasaare Roooble ay ka go’antahay dhiirigelinta Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna mudane Cabdiqaadir Qooje uu balanqaaday in ay garab istaagayaan Xiriirka TEQBALL. Guddoomiyaha Xiriirka TEQBALL mudane Macow Xuseen Xasan ayaa sheegay in sabaha uu Xiriirka u aas aasay ay tahay in fursad ay helaan dhalinyaarad baahiyaha gaarka qaba, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida Xiirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray. Daawo Warbixin Ku Saabsan Xiriirka TEQBALL Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Cabdiqaadir Macallin Qooje “Waxaan Diyaar U Ahay Caawinta Dhamaan Xiirirada Kale Ee Ka Dhisan Dalka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinl Source: goobjoog.com
-
Kufsigu waa nooc ka mid ah galmada oo inta badan loo adeegsado awood iyada oo aan oggolaansho laga haysan qofka lagu samaynayo falakan. Falkan waxaa laga yaabaa in lagu fuliyo Xoog jidheed, Qasbid, ku Takri fal Awoodeed, taas oo ka dhan ah qof aan awood u lahayn inuu bixiyo oggolaansho sax ah, sida Qof Miyir beelay (mid waalan), Qof naafo ah, Qof baahan oo doonaya wuxuu q ama shaqo uu ka shaqeeyo, qof awood loo adeegsado oo ay koox ama qof qabteen, ama qof ka hooseeya da’da sharciga ee oggolaanshaha. Ereyga kufsiga ayaa mararka qaarkood loo adeegsadaa ereyga faraxumaynta galmada Qeexitaanka guud ee faraxumaynta galmada ama xadgudubka aan habboonayn waa ficil xadgudub jidheed, maskaxeed iyo sharafeed oo ah qaab fal xoog ah oo galmo, taasoo loo gaystay qof oggolaansho la’aan. Dhammaan kiisaska faraxumaynta galmada kuma lug laha rabshad, waxay keenaan dhaawac jidheed ama waxay reebaan calaamado muuqda. Ku -xadgudubka galmadu wuxuu sababi karaan dhib aad u daran, waxyeelo sharafeed iyo dhaawacyo aan la arki karin kuwaas oo dhammaantood qaadan kara waqti dheer in laga soo kabto islamarkaana aad ku soo naqoto nolosha caadiga ee bulshadaada. Kiisaska kufsiga ee dhulalka Soomalida ka dhacaa waxaa 99% (boqolkiiba sagaal iyo sagaashan) waxaa uu falkaasi lagu sameeyaa Dhediga (Haweenka) iyada oo ay ku sameeyaan Labku (Raggu) madaama ay dadka Somalidu u badanyihiin dad islaam ah islamarkaana dhaqankoodii soo jireenka ahaa iyo Diinta islaamku ay aad isku matalaan dumarka Soomalidu maaha qaar aad ugu dheeraya dhanka galmada ama daydayga arrimaha jinsiga iyadoo sababta ugu weynina ay tahay xishoodka uu Ilahay ku manaystay isla markaana waalidkuna ku tarbiyadeeyay, dhawarsanoontoodaas, xishoodkoodaas iyo ka taxadiristooda falkaas ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Raggu ugu gaystaan kufsiga madaama ay iyagu yihiin kuwo ka baahi badan dumarka xagga Galmada, wali laguma hayo ama lama arag dhulalka ay Somaalidu dagto Kiis Kufsi la leeyahay Qof ama Koox Dumar ah ayaa u gaystay Ninkaas Hebel oo la garanayo taas ayaana kuu cadaynaysa inay Dumarka Soomalidu ay yihiin dhibanayaasha loo gaysto Kufsiga. Dumarka Somaalidu Kufsiga loo gaystay 90% (boqolkiiba sagaashan) ma helaan cadaalad u dhiganta fal danbiyeed loo gaystay kaas oo waxyeeleeyay Mustaqbalkeedii, Jidhkeedii iyo Sharafteedii ay bulshada ku dhex joogtay oo wax lagu xaliyaa dhaqan soo jireen iyo kiisas hore oo dhexmaray labada reer ee ay ka soo kala jeedaan Ninka iyo Gabdha kufsiga loo gaystay taas oo 90% (boqolkiiba sagaashan) cadaalada daro ku dhamaata iyo xaq duudsiin loo gaysanyo qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay. Qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay inay 90% (boqolkiiba sagaashan) Cadaalad daro la kulanto waxaa sabab u ah inaan Dawaladaha iyo Baarlamaanada ka jira dhulalka Somalidu ay hindisi kari la’yihiin ama soo saari kari wayeen xeer ciqaabeed taabacsan diinteen islaamka oo aan ahayn xeerkii Kufsiga ee ay soo qoreen Hayaadaha faafiya dhaqanka reer galbeedka iyo gaalada kuwaas oo soo dhexmaraya Ururo wadniya oo calooshood ushaqaystayaal ah kuwaas oo qaarkood ay maalgalin ku soo qataan in dhalinyarada Somaliland diinta islaamka laga saaro oo la Galeeyo. Ururadaa aynu soo sheegnay ayaa lacago ay ka soo qadeen hayadahaa maalgaliya u qaybiyay Golahii hore Wakiilada Somaliland si ay ugu ansixiyaan xeerkan sida tooska ah uga hor imanayay dhaqankeena suuban ee ay inoo jidaysay diinteena islaamku kaas oo ay u ansixiyeen madaama uu golaha muddo hor yaalay kadibna jawaabtii bulshada labeenteeda iyo waxgardkeeda ka soo noqotay uu sababay in la joojiyo xeerkaas ku dhaqankiisa. Iyadoo aanay jirin xeer ciqaabeed falakan lagag hortago kaas oo imika bulshadeen aad ugu soo badanaya ciqaabta ugu badan ee loo adeegsadaanaa ay tahay xeer iyo dhaqan soo jireen oo cadaalada ka fog si bulshada iyo dadka wax magartada ah loo majaro habaabiyo ayaa waxaa maalmahan danbe warbaahinta iyo baraha bulshada lagu arkayay dad aad is odhanayso waxay mashaariico ka soo qaateen hayadihii dhaqanka gaalada faafinayay kuwaas oo bulshada u soo gudbinaya fariimo khaladan oo ay ku sheegayaan kufsi si ay u dimiyaan qoysas islaam ah oo dhisan fariimaas waxaa ka mid ah, Qofta Dumar Ah Haddii Uu Ninkeedu Qasbo Inay Tahay Kufsi qodobkani horta waxaa ka mid ah xeerkii kufsiga ee la laalay lakiin dadka imika doonaya inay bulshada ku wacyi galiyaan waa kuwo ka fog diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda waayo gabdhu iyadoo bilaa cudur daar ah hadii ay ninkeed xalaasha ah ay u diido inay galmo usamayso waxaa habeenkaas oo dhan nacdala malaiigta sida uu inoogu sheegay xadiis Nabi Maxamed NNKHH عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فأبت فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح. صحيح بخاري. Waxa laga soo wariyey nabiga (NNKHA) inuu yidhi; haddii ninku uu gabadhiisa ugu yeedho furaashka (yacni ka dalbado galmo) oo ay ka diiddo (cudur-daar la’aan), kadibna uu ka cadhoodo diidmadaa, malaa’igta ayaa gabadhaasi nacdalaysa ilaa inta waagu ka baryayo. Xadiisku waa saxeex (bukhaari) Madaama ay xaaskiisa nacdali ku socoto habeenkaas oo dhan si uu uga badbaadiyo nacdashaas inuu xoogo oo uu qasab ugu galmoodo wax dhibaato ahi kuma jiro mana ah kufsi ee wuxuu ka badbaadiyay dhibaato weyn oo ku dhici lahayd. WABILAAHI TAWFIIQ W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay, isla-markaana xabsiga dhigtay illaa saddex nin oo loo heysto falal la xiriira agagixisanimo, kuwaas oo laga baadi-goobayey gudaha dalalka Soomaaliya iyo Masar., Booliska Kenya ee la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku dhigay saddexdan qof oo uu mid ka mid ah yahay Masaari, halka labada kale ay yihiin Kenyaan asal ahaan Soomaali ah. Saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu qabtay magaallo xeebeedka Mombasa, xilli ay wadeen falal ay ka shakiyeen ciidanka amniga. Saddexda nin ee haatan xiran ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Shendy Elhosseiny, Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi. Sidoo kale raggan oo labo ka mid ah ay baadi-goobayeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo ku kala sugan dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Masar, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Booliska. Raggan oo sidoo kale maxkamadda ka soo muuqday ayaa waxa ay amartay in xabsiga lagu haayo muddo 15 cisho ah, si loo soo dhammeystiro baaritaanka eedaha loo soo jeediyey. Kenya ayaa si aad ah u xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, kadib markii ay kasii dareen weerarada ay Al-Shabaab ka geysato gudaha wadankaasi. The post Kenya oo xirtay rag ay baadi-goobayeen Somalia iyo Masar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo war qoraal ka soo saaray doorasooyinka billowday ayaa walaac ka muujiyey sida loo qabtay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamullada Puntland iyo Galmudug. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta doorashada u dhacdo, si uu tartanka socda u noqdo mid lagu qanco. “Waan jeclaan laheyn in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta u dhacdo ,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo natiijooyinka haatan ka soo baxay doorashooyinkii qabsoomay ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. “Waan soo dhoweyneynaa in natiijada si sharciga waafaqsan ku soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb, kadib ku ammaanay Galmudug ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, maadaama lixda kursi ee la doortay labo ka mid ah ay yihiin dumar. “Waa tallaabo ammaan mudan sida qoondada haweenka xil isaga saaray hoggaanka Galmudug,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cirro. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ay Senatarada ku soo baxeen tartan la’aan, kadib markii ay tanaasuleen musharraxiintii la tartami lahaa, taas oo macno beel doorasho lagu tilmaamay. The post Guddoomiye Cirro oo hal arrin walaac ka muujiyey, kadib doorashooyinkii Galmudug & Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
‘AIPAC is putting Rep Omar’s life at risk with repeated Islamophobic attack ads,’ says Omar aide. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad soo kacleeyey. Shirkan oo ku qaabsoomay aaladda fogaan araga ee Zoom ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada caafimaadka ee dowladda dhexe, kuwa dowlad dowlad goboleedyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale la-taliyeyaal caafimaad. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in inta uu shirka socday diiradda lagu saaray sidii markale looga hortegi lahaa faafista cudurkan oo haatan kusii baahaya dalka. Sidoo kale waxaa warbixino la xiriira saameynta xanuunka laga dhageystay qeybta gaarka ah ee la socoshada iyo dabagalka xaaladaha caabuqa Covid-19, kuwaas oo ku taliyey in si wadajir ah loola dagaalamo cudurka, si loo bad-baadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu ay waddo dadaallo guud oo ku aadan xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, si loo yareeyo saameyntiisa dhinaca bulshada Soomaaliyeed. Fawsiya ayaa sidoo kale sheegtay in kaliya xanuunka looga gungaari karo qaadashada talaalka Covid-19 iyo in dadka Soomaaliyeed sameeyeen feejignaan dheeri ah. “Dagaalka dowladda ee ku aadan afjaridda masiibada Covid-19 waxaan kaga gungaari karnaa in dadka Soomaaliyeed qaataan tallaalka iyo taxadar dheeri ah, waxaana muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah ee gaari kara goobaha aan dhignay tallaalka ay qaataan, Tallaalka aan keenay waa mid amaan ah oo nabdoon, taas waxaa cadeynaya aniga, waayo waxaan si buuxda u qaatay 2 deydii tallaal, wax dhib ahna ma arag,” ayey tiri. Dhinaca kale mas’uuliyiinta iyo saraakiisha caafimaad ee ka qeyb-gashay shirkan ayaa isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo degdeg ah, si loo bad-baadiyo bulshada, loogana hortego culeys kasta oo keeni kara in dalka uu galo xaalad deg deg ah. Si kastaba warbixinadii ugu dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka soo baxayey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa muujinaya kororka xanuunka, waxaana wasaaraddu ay diiwaan-gelisay kiisas horleh, iyada sidoo kale ay jirto tiro dhimasho ah. The post DF & dowlad goboleedyada oo shir ka yeeshay xaaladda dalka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulam kula yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad. Sida warka lagu sheegay, kulanka waxa sidoo kale looga hadlay in degaanka Gacarad laga hawl-geliyo hay’addaha dowladda, si loo gaarsiiyo mashaariicda horumarineed. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda hab isku-tashi ah, ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la doonaya in halkaas laga hirgeliyo deked ganacsi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe kula kulmay guddiga dhismaha dekeda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Xubnahan oo Garoowe u yimid in ay goob-joog ka noqdaan doorashadii Aqalka sare waxa waxa hoggaaminayay Muuse Geelle Faroole. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Gudiga Doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.