-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo laga sameeyey degmada Dayniile, balse aan shaqeyn, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Al-Shabaab ayaa weerarkan oo la sheegay inay kasoo qaadeen dhanka xaafadda Gubta waxay ku gubeen konteenaro yaallay halkaas, xafiisyo iyo agab kale, kadibna isaga tagay. Markii uu weerarka dhacayey ayaanay cidna joogin garoonka, mana la kulmin kooxdan wax iska caabin ah, sida aan xogta ku helnay. Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka. Garoonka Dayniile ayaa laga dhisay dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo la boobay, waxaana marar badan fashilmay isku day la doonayey in dowladda federaalka ay ku ogolaato inuu shaqeeyo, sababo la xiriira in dhulkaas yahay dhul shacab leeyahay. Dhinaca kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile ayaan weli ka hadal weeraradan xalay dhacay. The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka Dayniile appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble cadaadis xoogan lagu saarayo sidii uu ugu tanaasuli lahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnihii waan-waanta ka dhex waday labada mas’uul ay ka quusteen Farmaajo, islamarkaana ay hadda xal bideen in Rooble culeys ku saaran inuu tanaasulo, si xiisada xoogan ee labada dhinac xal looga gaaro. “Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook. Dhex-dhexaadinta laga dhex-wado madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmatay, ayada oo la isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro, waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro. Qodobada la isku hayo ayaa ah kuwo aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday, waxaana si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya, ugana sii daray xiisada kala dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday. The post Rooble ‘oo lagu cadaadinayo’ inuu u tanaasulo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Former Prime Minister: Omar A. A. Sharmarke admitted that Norway drafted the MoU and that Kenya hoodwinked Somalia Mogadishu (PP News Desk) — Dr Abdi Ulusso, the former Somalia Foreign Ministry Director General, claimed that he had been fired for submitting the Memorandum of Understanding signed with Kenya in 2009 to the Somali Transitional Federal Parliament. Ulusso described the memo as a treason. “Sadly, though the same people who signed MOU, fired me and put Somalia’s sea waters in dispute want to come back. What, shame!” tweeted Ulusso. Former President Sharif Sheikh Ahmed distanced himself from the MoU The International Court of Justice is to pass a judgment on the maritime dispute between Somalia and Kenya in October 2021. In 2009 the former Somalia Minister of Planning and International Relations Abdirahman Abdishakur Warsame signed the MoU on behalf of Somalia. The MoU accepted Kenya’s claim that “the delimitation of the continental shelf between the Republic of Kenya and the Somali Republic (hereinafter collectively referred to as “the two coastal States”) has not yet been settled. This unresolved delimitation issue between the two coastal States is to be considered as a “maritime dispute”. Abdirahman Abdishakur said “the buck stops with the President and Prime Minister Omar A. A. Sharmarke.” “The Court might deliver a judgement that emphasises an out of court settlement since Somalia has in the first place accepted Kenya’s argument that questions the maritime rights of Somalia. The man who signed MoU and his boss, Sharif Sheikh Ahmed, are Presidential Candidates close to Kenya and its allies” said a Somali lawyer based in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post Former Somalia Foreign Ministry Director General Accuses Presidential Candidates of Treason appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ugu dambeeyey ee isku dayga Afgembigii dhicisoobay & Xaalada Dalka Sudan Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah. Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay. Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka. “Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka. Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in la xiray illaa 40 sarkaal oo la sheegay inay hormuud u ahaayeen afgambiga dhicisoobay, kuwaas oo isku dayey inay marka hore beegsadaan xarunta taliska ciidamada ee dalka Suudaan, Idaacadda iyo Telefishinka qaranka dalkaasi. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamo oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi. Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii. Qaran News
-
Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Kooxda Soomaaliya kaga maxaafsata magaca Somaliland Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Jilaaya Somaliland sida uu sheegay xafiiska Rooble. Liiska ayaa ka kooban 24 musharax, waxayna ku tartami doonaan 11 kursi. Kursiga 1-aad ayaa waxaa musharax u ah keliya Cabdi Xaashi, kumana qorna musharax kale. Doorashadan ayaa waxaa muddo hadheeyey khilaaf u dhaxeeya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshee ugu dambey xal laga gaadhay. Liiska Murashixiinta Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed Qaran News
-
Waxaa goordhow lasoo saaray liiska aqalka saree e Somaliland iyada oo lagu soo daray dad cusub, waxaana ka muuqato in liiskan uu ka tarjumayo heshiiska guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, mana ku jiraan wax muran dhalin kara. liiskan oo ka kooban 11, waxaa guddoomay ra’isul wasaare Maxamed Rooble, waxaa ka muuqata in haweenka loo xiray labo kursi, halka labo kursi kale ay rag kula tartami doonaan. Dadka cusub, waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleysan iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Kusriga 1-aad waxaa loo xiray guddoomiyaha aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi, ma jirto cid kula tartameyso. Kusriga 2aad waxaa ku tartamaa Axmed Ibraahim Maxamed Qorane iyo Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3-aad waxaa ku tartami doona Leylo Axmed Ismaaciil iyo Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4-aad waxaa ku tartamaya Deeqo Xasan Xuseen iyo Hodan Obokor Xasan Kursiga 5-aad waxaa ku tartami doona Maxamed Maxamuud Allabari , Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali Kursiga 6-aad waxaa ku tartami doona Bilaal Idriis Cabdullahi iyo Zeynab Axmed Boqorre Kursiga 7-aad waxaa ku loolami doona Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahim Iidle Suleysan Kursiga 8-aad waxaa ku tarmai doona Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullahi Maxamed Kursiga 9-aad waxaa ku tartami doona Cabdirisaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid Kursiga 10-aad waxaa ku loolami doona Cusmaan Abokor Dubbe iyo Cabdikarim Maxamed Xasan Kursiga 11-aad waxaa ku tartami doona Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud(Gadhweyne) iyo Sucaad Xasan Maxamed Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay labada mas’uul liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 24 musharax. Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland. Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Arrintan ayaa imaneysa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka dalbaday inay si deg deg ah u soo gudbiyaan liisa musharaxiinta kuraasta Somaliland, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare. Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kal hore isku maandhafsanaa maamulka kuraasta Somaliland, ayaa xilligan si wada-jir ah u wada habsami u socoda doorashadaaas, waxayna afmeer u noqoneysa doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyen. Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed The post Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wareejiyay liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland). Ra’iisul wasaare Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta lagu wareejiyay liiska musharraxiinta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Liiska Musharixiinta Aqalkan Sare Somalilad Oo La Shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa si wada jir ah u shaaciyay Liiska Kuraasta Aqalka sare Gobalada Waqooyi. Labada Mas’uul ayaa ku dhawaaqay musharixiinta kuraasta 11-ka ah ee Aqalka sare ay ku leeyihiin Somaliland. Dhawaan ayey aheyd markii xal laga gaaray khilaafka labada mas’uul. Source: goobjoog.com -
Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa shir gudoomiyey Shirka Guddiga farsamada Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed. Shirka ayaa looga hadley qorshaha Ciidanka Booliska 2027 iyo Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacaya degaannada Koonfur Galbeed. Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa ay taliyaha warbixin ka siiyeen xaaladda amniga ee degaannada Koonfur Galbeed. Gabagabadii shirka Taliye Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo Amniga ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Dalka Suudaan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas. Warbaahinta Qaranka Suudaan ayaa baahisay warkan,dhanka kale Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan oo la hadlay wakaaladda reuters ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadku ku lugta lahaa afganbiga dhicisoobay. Ilaa hada lama cadeyn cida ku luglahayd isku dayga afgembi,Sidoo kale lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku dayga afganbi iyo saraakiisha hoggaaminaysay. Dalka Suudaan ayaa sanada ka hor waxaa ka dhacay afgambi looga tuuray talada dalka madaxweynihii hore Cumar Xasan Al- bashir. PUNTLAND POST The post Afgambi Fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Sudanese authorities reported a coup attempt on Tuesday by a group of soldiers but said the attempt failed and that the military remains in control. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykanka oo farriin u dirtay Farmaajo iyo Rooble
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ka digtay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu adkeyn karo hanaanka doorashada ee dalka ka socda. War-saxaafadeed ay Waaxda soo saartay ayaa lagu yiri “Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijyo in dalka uu si dhaqso ah usoo dhameeyo hanaanka doorashada ee socda. Khilaafka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, waxaana loo baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah.” War-saxaafadeedka dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada uu sare u qaadi karto suurta-galnimada ah inay rabshado ka dhacaan dalka, fursanda ay siineyso kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah. Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay ka fogaadaan qoraallada ay soo saaraan ee warbaahinta lasoo mariyo iyo ficillad kale, ayna khilaafyadooda ku aadan xilal magacaabista ku xaliyaan hab nabdoon. “Doorashooyinka oo si deg deg ah loo soo dhammeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda cusub ee Soomaaliya siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dowladda Mareykanka oo farriin u dirtay Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post. -
Isku day afgambi oo ka dhacay “Khartoum” ayaa “fashilmay” subaxnimadii hore ee Talaadada, TV-ga dowladda Suudaan ayaa sidaa baahiyay, iyadoo dadka ugu baaqday inay iska celiyaan kuwa wada Afgambiga. “Waxaa dhacay isku day afgambi oo dhicisoobay, dadku waa inay ka hortagaan,” ayaa laga sii daayay TV qaranka Xubin ka tirsan golaha talada dalka ayaa u sheegay wakaaladd Reuters in xaaladda la xakameeyay. Xaaladda guud ee dalka waxaa goordhow war kasoo saari dona, afhayeenka dawladda Maxamed Al Faki Suleymaan. Mr. Suleymaan ayaa mar sii horreysay ka codsaday dhammaan dadka reer Suudaan inay difaacaan dalka. Faallo uu ku qoray Facebook, ayuu ku yiri, “Orod si aad u difaacdo dalkaaga oo aad u ilaaliso kala -guurka.” ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in afgambigu uu qeyb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagula wareego idaacadda dawladda ee Omdurman, oo kutaala caasimadda Khartoum. Sida xogaha horudhaca ah aya tilmaamayaan laba guuto ka tirsan kuwa taangiyada milteyga sudaan aya wada isku dayga iyago gadiidka gashaaman gudaha usoo galiyay caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Freed Muslim scholar 'confused, could sleep for three days'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Scholar Abdiwahab Sheikh Abdisamad is back to his family in Nairobi after being abducted on September 8. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadirm Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si la yaab-leh uga hadlay safarka la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho. Cali Yare oo wareysi siiyey Dalsan Tv ayaa shaaca ka qaaday in muddo kadib uu saaka aroortii hore dalka dib ugu soo laabtay Fahad Yaasiin oo ay wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna tilmaamay in howlo shaqo ay u joogeen dalka dibadiisa. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena ka mid ah xubnaha aadka u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tilmaamay in xilli munaasab ah, isla-markaana aad la wada sugayey Fahad uu dib ugu soo laabtay dalka. Sidoo kale Cali Yare oo hadalkiisa ayaa intaasi kus ii daray in ay maanta uga dhigan tahay maalin aad u weyn oo farxad-leh, sida uu hadalka u dhigay. “Xilli munaasab ah oo runtii la wada sugayo oo baahi weyn loo qabo fir-fircoonidiisii, kartidiisii, talooyinkiisii iyo saameyntiisii, intaas oo dhan marka la’isku daro waxaan oran karaa maanta waa maalin weyn,” ayuu yiri Cali Yare. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay Cali Yare in tallabada xigta ay noqon doonto in la fuliyo awaamiirta kasoo baxda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan khilaaf uu kala dhexeeyo Ra’iisul wasaaraha. “Talaabada xigta waxa ay noqoneysaa waddadii madaxweynuhu falo iyo awaamiirta madaxweynuhu bixiyo wadada koowaad ee la qaadaayo ayey noqon doontaa” ayuu raaciyey. Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay Cali Yare ayaa weeraro dhanka afka ah si toos ugu qaadayey ra’iisul wasaaraha, isaga oo taageero weyn u muujinayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo uu qeyb ka ahaa ololihiisii doorashada ee sanadkii 2017-kii. The post Cali Yare oo si la yaableh uga hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
-
The United States called Monday on the president and prime minister of Somalia to resolve their "dispute," so as not to further delay the country's electoral process, with the African nation's presidential election scheduled for October 10. Source: Hiiraan Online
-
Khartuum (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah. Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay. Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka. “Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamada oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi. Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii. The post Wararkii ugu dambeeyey isku day afgambi oo ka dhacay dalka Suudaan appeared first on Caasimada Online.
