Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,846
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’ “PM Maxamad Xusen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Kaqaade ma ahan!” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey. Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo. Qoraalkii uu caawa baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey.” Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir Sodon Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga. The post Wasiir Xundubey oo ka hor-yimid xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ma qaadisti lagu sameeyay wasiirki Amniga Xukuumadda Rooble. Farmaajo ayaa sheegay in aan loo marin hanaan sharci ah xilka qaadista Xundubeey. War lagu faafiyay kaliya Baraha bulshada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu ayuu Farmaajo ku sheegay in uu ka soo horjeedo Xilka qaadista Saaxiibkiis Xundubeey. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo . XIL KA QAADISTA WASIIR XUNDUBEEY MA AHA MID WAAFAQSAN DASTUURKA Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka waadistii uu caawa Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur. Farmaajo ayaa qoraalkaan ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.” Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla. DHAMMAAD The post DEG DEG: Farmaajo oo diiday xil ka qaadistii wasiir Xundubey appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (PP Editorial) — Somalia Prime Minister Mohamed Hussein Roble interprets President of Somalia’s edicts as a violation of his decision to hand over the responsibility to prepare Somalia for indirect elections. President Mohamed Abdullahi Mohamed did not hand over key presidential duties enshrined in the draft constitution. If the President ever wanted to do so or circumstances necessitated it, the draft constitution is the ultimate reference. Roble’s misreading of the draft constitution might plunge Somalia into political uncertainty. The Speaker of the Parliament can take over presidential duties temporarily or in the event of resignation. That Roble fails to honour powers that the draft constitution vests in the President bodes ill for the endeavours to hold indirect elections in Somalia. The distinction between ad hoc powers to take a lead role in preparing Somalia for elections and constitutional prerogatives of the President is clear. The distinction lays an emphasis on the impartial role of the Prime Minister following the President’s decision to hand over to Roble the overall responsibility to oversee election preparations. Any action that might tip Somalia into political uncertainty should be avoided. It is the Prime Minister who, rather than making hasty and divisive decisions, should be setting an example to follow. As it stands, the Prime Minister is taking a leaf from the self-styled opposition’s playbook. There is a growing risk that his power struggle with the Presidency may alienate many Somali constituencies. The Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble must show teamwork and political maturity at a time Mogadishu is on the break of returning to warlord fiefdoms. Those who do not learn from history are condemned to repeat it, as the old dictum says. © Puntland Post, 2020 The post Roble Should Reread the Draft Constitution of Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo maanta hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in dhowr mar ay ku guul-dareysatay inay ku hesho xiriirro ay la sameysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo iyo Marwadiisa Seynab Macalin, si ay ugala hadasho arrinta gabadheedii Ikraan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa in dhibka igu dhacay ee Wadnaheyga dhimbisha dabka ah ku dhejiyey ay ka hor-tagaan, si gabar ama wiil dambe oo Soomaaliyeed uusan ugu dhicin,” ayey tiri Hooyo Qaali. Waxay sheegtay in Farmaajo ay marar badan codsi u dirtay oo ku hor oysay, balse codsigeedii iyo xiriirradii ay la sameysay uu dheg jalaq u sii diiday. “Madaxweynaha lambarkiisaan helay waan wacay, markii uu iga qaban waayey, fariin ayaan u diray, iigama soo jawaabin, marwadiisa ayaan taleefan u diray, waa iga qaban weysay, waxaa ii cad in Farmaajo cadaaladda iga hor-taagan yahay oo raggii gabadheyda ku dhex-dhibaateeyey xarunta NISA uu maanta xasaanad u raadinaayo, umadda Soomaaliyeed ha igu garab istaageen cadaalad u raadinta dhabadheydii Ikraan,” ayey yiri Hooyo Qaali. Sidoo kale Hooyo Qaali ayaa aad ugu mahad celisay Ra’iisul wasaare Rooble iyo dhamaan dadkii maalmihii lasoo dhaafay u banaan-baxay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, iyadoo Rooble ka codsatay in arrinteeda uusan ka quusan ilaa inta laga sal-gaarayo. Sidoo kale beesha caalamka iyo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaya ayey ka codsatay in aysan ka sii aamusnaan arrinta gabadheedii Ikraan. Ugu dambeyntii Qaali Maxamuud Guhaad ayaa guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ku eedeysay inay ka gaabsadeen arrinta Ikraan Tahliil oo iyagu ay dad ugu xigeen, sida ay sheegtay. Hoos ka Daawo The post Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay wixii ay kala kulantay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  7. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Mucaaradka Farmajo u magacaabay Wasiirka Amniga XFS. Rooble ayaa sheegay in baahi badan oo ka jirta wasaaradda Amniga awgeed xilka looga qaaday Wasiirkii hore isaga oo magacabay wasiirka Cusub. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay. Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” ayuu lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Qoraalka madaxtooyada waxaa lagu xusay in shaqada xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka, hadana taas laga sugayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid xilka qaadista Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.
  9. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada Aqalka sare. Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta soo saaray liiska Musharixiinta Aqalka Sare. Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in Beri oo khamiis ah iyo sabtida la qaban doono diiwaan gelinta musharixiinta. Axadda soo socota ayaa guddiga uu sheegay in la dhageysan doono khudbadaha Musharixiinta. Isniinta iyo Arbacada ayaa loo kala qorsheyay in ay dhacaan doorashada Aqalka sare. Source: goobjoog.com
  10. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhaweyd xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Xasan Xundubey , wuxuuna xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Madasha Badbaado Qaran ee mucaaradka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha”. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay” ayaa qoraalka la raaciyay. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa khilaafkoodu cirka isku shareeray, markii saacadihii ugu dambeeyay ay soo saareen waraaqo iska soo hor-jeeda. PUNTLAND POST The post Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii Amniga, una magacaabay xubin ka mid ah mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.” Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub. The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, magacaabay mid cusub appeared first on Caasimada Online.
  12. Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Hogaankii hore ee taliska NISA . Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Cabdillahi Wadna Qabad iyo Yaasiin Fareey oo dhamaantood NISA xilal ka hayay ayaa lagu eedeyay in ay qeyb ka ahaayeen kiiska Ikraan Tahliil. Abuukaate Daahir Maxamed Cali oo ah abuukataha qoyska Ikraan Tahliil ayaa Xafiiska xeet ilaalinta ka dalbaday in la bilaabo galka ka dhanka ah Raggaan. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho. “Xaaladda dowladda dhexdeeda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii mas’uuliyadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laakiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu shalay wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin. “Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, shalay ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan wareejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri Mar Xasan Sheekh wax laga weydiiyey sida ay la tahay in murankaan uu u saameyn karo howlaha socda ee doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in aad uu ugu walaacsan yahay sii socoshada howlaha doorashada, hadii uusan Farmaajo sidaan wax ka bedelin. “Aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay, waa ka xumahay inay sidaan wax u dhacaan doorashadu ayadoo awalba doorasho dadban aheyd, oo dib u dhacday wax badan, hadana jawigaan si ay ugu qabsoomi karto ma garan karo, caqabada taagan hadda dhanka madaxweynaha ayey ka socotaa, anigu waxaan leeyahay Farmaajo dalkaan sidii uu shalay ugu tanaasulay ha uga leexdo, hala kala saaro dalka iyo danta shakhsiyaadka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/4f225217-fa13-497f-bae8-bcdb5511f264_16k.mp3 The post Wareysi: Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (AFP)- A rift inside Somalia's troubled government intensified on Wednesday as the president and prime minister traded accusations of abuse of power, plunging the country deeper into a political crisis. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa si adag uga hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku goodiyey in dagaalka uu ku soo biiri doono, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu isku dayo inuu fowdo geliyo dalka. “Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaabaya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, waxaan doono ayaana sameyneynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasaaraha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud. Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta. “Kuwa isku deyaya inay cadaaladda hor istaagaan, waxaan leeyahay afar sano ayaad nagu heyseen dhibkaan, hadaa isku daydaan inaad ra’iisul wasaaraha caburisaan, dagaalka waan soo geleynaa, garab ayaan u nahay Rooble, cid kasta oo uu bedelo ayaa bedelan, waa la dhacsanahay hogaamintiisa, Rooblow xaqa wad oo xaq-darrada diid, anagaa kugu difaaceynee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray jeneraal Xuud. Xuud ayaa Farmaajo ugu baaqay in meesha uu isaga tago, maadaama sida uu sheegay uu fashilmay, “Inta aad Fahad Yaasiin hoosta ku wadato damac ma lihid, waa idin diidnay, namana qasbi kartaan,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Jeneraal Xuud oo shaaciyey inuu kusoo biirayo dagaalka Farmaajo iyo Rooble – Yuu la saftay? appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis. Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas. “Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa waxaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose; 1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsiga gabadha oo dalka dibadiisa ku maqan u yeeray, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xiriir dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisana wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey. 2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaariga ku soo qaaday oo gurigeeda ugu qaaday. 3. Yaasiin Faray oo ah Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir: Waa shaqisga gabadha loo geeyay markii gurigeeda laga soo qaaday. 4. Cabdillaah Aadan Kulane (Kulane Jiis): Waa shaqsiga dhowr jeer gabadha u soo jeediyay handadaad,arrintaas oo ay u sheegtay hooyadeed. Gal-dacwadeedka loo gudbiyey Xeer ilaalinta ayaa ka dhigan in si toos ah loo guda-gali doono baarista kiiska Ikraan, islamarkaana ay Saraakiishaas wajahi karaan maxkamadeyn, waa haddii uu ku cadaado kiiskaas. Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in uu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh. The post Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo ka wada tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee dalka gelisay xiisadda siyaasadeed iyo midda dagaal. Farmaajo ayaa xalay xil cusub oo ah la-taliyaha amniga qaran u magacaabay Fahad Yaasiin, halka agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Farey, isaga oo arbushaya go’aankii uu Rooble agaasimaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inuu horey u sheegay in Kiiska Ikraan Tahlil ay shirko ku yihiin Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, haddana ay muuqato inuu kula jiro madaxweyne Farmaajo. “22 biishii July ayaan qoray in Fahad, Kulane Jiis iyo Yaasiin Farey shirko ku ahaayeen dilka Ikraan Tahliil. Sida Farmaajo u xambaarsanyahay Fahad iyo Yaasiin Farey waxay marqaati fur u tahay in Farmaajo shirka kula yahay jariimadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook. Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu tallaabo wanaagsan u qaaday dhanka Cadaaladda iyo Dowladnimada, isagoo eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha waqtiga dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Famaajo. “Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabooyin dhanka cadaaladda iyo dawladnimada ah ayuu qaaday, laakin Dhan kale Nin jecleysi iyo cadaalad ka carar ayuu wadaa! Dalkaan xoog iyo anaa iri horey ayaa looga ducaystay,” ayuu yiri Fiqi. Hadalada kasoo baxay Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo. The post Mahad Salaad iyo Fiqi oo ka jawaabay tallaabooyinka uu xalay qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  18. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii ka joojisay, isla markaana aqoonsigii kala noqotay 2372 urur oo ka howlgali jiray gudaha Somaliland, sababta shaqo joojinta ayay xukuumadu ku sababaysay in anay ahayn ururo shaqeeya oo tayo leh. Agaasimaha wasaarada qorshaynta Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo warbaahinta u akhriyay go’aanka ururadan ruqsada loogala laabtay oo wasaaradiisu kasoo shaqaysay, ayaa tilmaamay in ururadaasi anay maanta laga bilaabo ahayn ururo jira oo ay xukuumada Somaliland aqoonsantahay. “Ururada u diwaan gashana qaranka Somaliland ee maxaliga ahaa waxay ahaayeen 3000 oo urur, oo 200 ka dhimanyihiin, markii sharciyadooda dib loogu noqday waxa soo baxay in 2372 urur anay sharciyad ay ku shaqeeyaan haysanin, sida darteed anaga oo ticraacayna shuruucda aanu ku shaqayno, waxaanu sheegayna in ururadaasi anay ahayn ururo jira” ayuu yidhi agaasimuhu. “Waxa kale oo aan raacinaynaa in 236 urur ay noqdeen ururada sharciga ah, ee maanta wasaaradu ay aqoonsantahay, ee shaqeeya ee sharciyad haysta, ee wasaarada ku xidhan, sidaa darteed, halka waxa ka muuqda in 10% ay yihiin waxa shaqeeya, 90% ay yihiin magac uyaal” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimuhu. Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumadu dabagal joogta ah ku hayn doonto shaqada iyo tayada 236 urur ee hadhay, si loo hubiyo in ay qabanayaan shaqadii looga baahna, isla markaana ay leeyihiin shaqaale iyo dhaqaale ku filan. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabiley madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka. Waxaanu madaxweynuhu uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in qarankani halkan ku soo gaadhay wada jirka xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan, sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL Source
  20. TORONTO, Canada, September 8, 2021/ — The Canada-Africa Chamber of Business (www.CanadaAfrica.ca) and APO Group, the leading Pan-African communications consultancy and press release distribution service, today further announced details of the largest ever conference to promote business, trade and investment between Canada and Africa in the organization’s 27-year history. The Accelerating Africa 2021 conference (https://bit.ly/3gsTfVA) will take place from 26 to 28 October 2021, with a programme of online and in-person events that bring together ministers, CEOs, entrepreneurs, thought leaders and policy makers from Canada and all over Africa. With a primary focus on Canada’s role in Africa’s economic restart after COVID-19, the conference will address challenges and advance opportunities for greater trade and investment between Canada and the African continent. APO Group is the Chamber’s Public Relations Strategic partner, and it joins Ivanhoe Mines Ltd, the lead sponsor of the Accelerating Africa 2021 conference, which is open to all for complimentary virtual attendance – thanks to the organization’s generous supporters (register here https://bit.ly/3jPdaAa) The Chamber joined forces with APO Group earlier this year, and the two organizations have worked together on major engagements in Canada and Africa, following the visit of Canadian Prime Minister Justin Trudeau to the African Union, the African Continental Free Trade Agreement leadership, and several African heads of state and cabinet ministers. “Our existing work with APO Group has seen millions of dollars in media exposure across the African continent,” said Sebastian Spio-Garbrah, Chair of the Board of The Canada-Africa Chamber of Business. “We believe APO Group will be key to making a success of the biggest conference in our 27-year history, and our partnership will continue to play an important strategic role in Canada-Africa trade and investment.” APO Group has a peerless reputation within African media and Public Relations. Through its game-changing partnerships with globally-renowned organizations like Bloomberg and Getty Images, APO Group is able to deliver uniquely African stories to new international audiences, demonstrating to the world that Africa is open for business. “We see it as our responsibility to ensure Africa gets the international recognition it deserves,” said APO Group Founder and Chairman, Nicolas Pompigne-Mognard ( www.Pompigne-Mognard.com). “The Canada-Africa Chamber of Business is uniquely placed to drive trade and investment opportunities by bringing together all the major stakeholders across both markets. Ultimately, we share the same goal, which is to challenge negative perceptions about Africa and remove barriers to investment. Events like Accelerating Africa 2021 provide the perfect forum for facilitating new conversations and relationships that promote economic success all over Africa.” Mr. Pompigne-Mognard is a member of the Senior Advisory Council of The Canada-Africa Chamber of Business. Register: https://bit.ly/3gsTfVA View 2021 Partnership Options: https://bit.ly/3zcokEj Qaran News
  21. PRESS RELEASE International partners urge Somali leaders to reduce political tensions and focus on electoral process We continue to engage a wide range of Somali leaders to urge for a rapid resolution of this dispute MOGADISHU, Somalia, September 8, 2021/ — International partners* are concerned that the controversy surrounding the disappearance of Ms. Ikran Tahlil Farah is creating political tensions that could impact on the functioning of the Federal Government of Somalia and disrupt the electoral process. We urge Somali leaders to de-escalate the political confrontation surrounding this investigation and, in particular, avoid any actions that could lead to violence. We call on Somalia’s leaders to work together to advance the implementation of the 27 May Agreement toward the holding of elections, recognizing the progress made to date by the National Consultative Council under the effective leadership of Prime Minister Mohamed Hussein Roble. We continue to engage a wide range of Somali leaders to urge for a rapid resolution of this dispute, including a credible investigation of Ikran’s disappearance and the completion of the electoral process without any further delay. * African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Poland, Qatar, Russian Federation, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and the United Nations. SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Habar-Khadiijo. Dhaq-dhaqaaq ciidan ee ka jira aagga Isgoyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay maanta ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya hareeyeen ciidamo kale oo xarunta ku sugnaa. Ciidamada Duufaan ayuu qorshahooda ahaa in Yaasiin Fareey oo Madaxweyne Farmaajo xalay u magacaabay Agaasimaha NISA in ay geeyaan xafiiska ugu sarreeya ee hay’adda NISA, balse waxaa la sheegay in loo diiday in uu furto xafiiska agaasimaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla. Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa diiday qorshihii Villa Somalia maanta ka damacsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taagneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen ciidankii Duufaan. Maxamed Xasan, oo ku beel ah ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda kahor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xiro, inkasta oo markii dambe lasii daayey. Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda haysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble. Xaaladda ayaa wali qasan waxaana dhici karta in isku dhacyo dhaxmaraan ciidamo kawada tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo wajaheysa fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu maanta tago xarunta NISA, waxaana lagu warramay inuu dib u dhigay isaga doonaya inuu xaqiijiyo inuusan dhiig ku daadaan. Ciidanka Duufaan ayaa hadda laga dhaadhicinayaa inay isaga tagaan meelaha ay joogaan, haddii kale awood looga saari doono. The post Waa kuma sarkaalka Yaasiin Fareey u diiday inuu tago xafiiska looga taliyo NISA? appeared first on Caasimada Online.
  23. Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay masuulin ka kala socda xafiiska horumarinta mashaariicaha Dalka Uk, shirkada Trade Mark East Africa (TMEA) iyo xafiiska Uk ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga. Waxa kale oo lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee kuyaala xuduudaha dalk, si loo fudaydiyo Allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin). Dhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  24. Warsaxaafadeed 8/09/2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay maanta soosaartay warbixinteedii Afar Biloodlaha ah ee 2021. Warbixinta Xaruntu ay soo saartay waxa ay tilmaamaysaa tacadiyo ka dhana xuquuqda aadamaha oo dalka ka dhacay afartii bilood ee lasoo dhaafay. Tacadiyadaasi, oo isugu jira xabadeyn, xadhigyo sharci daro ah, caqabadaha ka taagan cabirka rayiga xorta ah, iyo sidoo kale tacadiyadda haweenka ka dhanka ah oo baryahan danbe Somaliland kuso badanaya. 19/04/2021, nin booliis ah oo ka tirsan Saldhiga Qudhacdheer, ayaa todoba xabadood labada lugood kaga dhuftay Cabdi-casiis Cabdilaahi Cabdi, oo ah wiil 19 jir ah oo degan magaalada Hargeysa. Muddo bil ah ayuu xidhnaa askarigaasi waana lasiidaayay. Cabdicasiis waxa uu ilaa hadda u jiifaa dhawicii xabadahaas kasoo gaadhay. Qodobka 24(2) ee Dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay“Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa, waxaana reeban in waxyeelo loo geysto” Dhinaca kale, waxa hada sifo sharci daro ah muddo todobaad ka badan u xidhan Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Gobolka Awdal ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid, Saleebaan Cawaale Good, kaasoo laxidhay 28/08/2021, xadhiga xoghaye ku xigeenku ku waxa uu yimid ka dib markii uu dhaliilo usoo jeediyay Badhasaabka Gobaolka Awdal. Xadhiga xoghaye ku xigeenku waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Somaliland, majiro waaran sharci oo loo-adeegsadey xadhigiisa ilaa hadana Maxkamed lama horkeenin. Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “ Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale. Xaruntu waxay walaac xoogan ka qabtaa dhamaan tacadiyadaas oo ah inta badan ah mkuwo soo noqnoqda. Ø Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland in la helo meel iyo xeer lagula garnaqsado gefefka sharci ee booliisku gaystaan iyo in booliiska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo. Ø In si bilaashuruud ah loosii daayo Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal. Ø In la joojiyo xadhigyada sharci darada ah een Dastuurka waafaqsaneyn. Ø Sidoo kale in xeer ugaara loo helo tacadiyada alaaba ay wajahaan haweenku, inta xeer saxa la helayana lagusii dhaqmo xeerkii hore ee –xeer 2018. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  25. Halkan ka Daawo Muqaalka warkan:- WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabiley madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka. Waxaanu madaxweynuhu uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in qarankani halkan ku soo gaadhay wada jirka xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan, sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed. ALLAA MAHAD LEH Qaran News