Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,846
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Between the devil and the deep blue sea” by Colin Freeman is a book about luck, tragedy, and the enduring spirit of mankind to dig deep into their moral fibre for the good of others in times of extreme hardship. The word ‘others’ is important here because the key protagonists of the story have no direct relationship with the many kidnapped seamen who fall victim to Somali pirates during the height of the epidemic between 2008-2012. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud. “Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah. Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah. “Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada. Ma jirto sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galaa waa in ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri. Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo. “Hambalyo sxb mar labaad, xilka aad ummadda u qaadayna Allaha kula qaado. Aamiin.” Ugu dambeyntiina Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna si cajiib ah ugu hambalyeey wasiirka cusub, kadib markii maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilkaas, looguna wareejiyay. “Wasaaraddii amniga gacanta ayaa laguu geliyey ee iga qabo, waa kaa haayaa mudane, ma difaacan kartaa? haa Mudane, marqaatiguna waa noo jeedaa!. Hambalyo wasiir Abdullahi Mohamed Nor.” The post Siyaasiyiin miisaan leh oo ka hadlay xil la-wareegista Cabdullaahi Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.
  3. With a long-running Islamist insurgency and elections delayed for months, Somalia is no stranger to instability, but the country now faces the risk of renewed violence because of an increasingly bitter stand-off between its president and prime minister. Source: Hiiraan Online
  4. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho aysan gaarsiisnayn heerka warbaahintu sheegto. Taliye Xijaar oo maanta ka hadlayay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda dalka aysan gaarsiisnayn heer amni-darro keeni karta. Taliyaha Booliiska ayaa warbaahinta kala duwan ka codsaday in ay dalka u turaan oo joojiyaan wararka xaasaasiyadda abuuraya, islamarkaana laamaha Amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga. Gen. Xijaar ayaa tilmaamay in warbaahinta maanta noqotay qalab lagu dagaallamo sidaas darteedna loo baahanyahay in ay dhinaca wanaagsan wax ka eegaan mar kasta. PUNTLAND POST The post Taliye Xijaar: Xiisadda jirtaa ma gaarsiisna heerka warbaahintu sheegto appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolka Mudug. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan qado ah la qaatay isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolkaas Mudug. Madaxtooyadu ma sheegin arrin gaar ah oo madaxweyne Deni kala hadlay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Gobolka, balse wararku waxay sheegayaan in uu kala hadlay Arrimaha Gobolka iyo doorashada. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Isimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Lafta Gareen ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uga hortegay garoonka. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa ka soo duulay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaana isna soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Safarkan waxaa sidoo kale madaxweynaha Galmudug ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa gobolka Mudug. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labadan hoggaamiye ay kulamo siyaasadeed ka bilaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan, ayaga oo isku dayi doona inay gacan ka gaystaan sidii xal loogu heli lahaa. Socdaalka labada madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Si kastaba dhowaan ayey markii Farmaajo oo soo saaray digreeto uu shir deg-deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, balse illaa iyo hadda madaxweynayaasha soo gaaray caasimada iyo kuwa kale kama hadlin shirkaasi. The post Laba madaxweyne goboleed oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  7. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa Halka qaarna kalena uu isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  8. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble officiated the swearing-in of new Security Minister Abdullahi Mohamed Nur Thursday afternoon following his appointment Wednesday night, even as President Mohamed Farmaajo cried foul over the move. Source: Hiiraan Online
  9. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay Amniga Gudaha ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Amniga, waxaana dhaariyay Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u guto xilka loo idmaday. Dhaarinta ka dib wasiirka cusub ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda kula wareegay xilka. Dhanka kale wasiirkii uu Rooble xilka ka qaaday Xasan Xundubey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaa xarunta Wasaaradda Amniga ka socda afduub lagu sheegay xil-wareejin”. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Amniga oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  10. MOGADISHU (HOL) - The family of the deceased female intelligence agent Ikran Tahlil Farah has sued four senior officials at the National Intelligence and Security Agency (NISA) among them immediate former boss Fahad Yasin for complicity in her death. Source: Hiiraan Online
  11. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaaasha Degmooyinka Hargeysa qaarna isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd loo dhaariyey xilkaas cusub oo uu shalay u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka. Dhaarinta kadib, ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay. “Hadda waxaa i soo gaaraya in Xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha uu ka socdo AFDUUB lagu sheegayo xil-wareejin!,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Xundubeey ayaa kal hore ka horyimid xilka uu ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kuna tilmaamay sharci-darro, isaga oo la safan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay is-hayaan. The post DEG DEG: Wasiirka cusub ee amniga oo la dhaariyey xilkana la wareegay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  13. Dacwad Lid ku ah Taliyihii Xilka laga qaaday ee Sirdoonka Somalia oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada+Cida Gudbisay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inuu qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA. dacwaddan ayaa la sheegay inay gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo horay uga tirsanayd hay’adda sirdoonka oo dhawaan la shaaciyay inay dhimmatay kadib markii la la’aa muddo laba bilood ka badan. Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan TahliilMagacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:- 1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 2-Yaasiin Farey 3-C/llaahi Aadan Kulane 4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad) Hay’adda sirdoonka ayaa horay u sheegtay in Al Shabaab ay dishay Ikraan, eedeyntaasi oo Al-Shabaab ku gacan saydhay. Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii NISA Fahad Yasiin, taasoo ka cadheysiisay madaxweyne Farmaajo.Khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa saaameyn ballaadhan ku yeeshay howlaha Xukumada farmaajo. Qaran News
  14. M/weyne Shaaciyey inuu Ciidamadiisa kala baxaayo Muqdisho haddii aan khilaafka Aloosan Xal loo helin Madaxweyne Farmajo iyo Museveni oo ku kulmaya madaxtooyada Uganda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wareysi uu siiyay Frace24 oo oo hawada laga sii daayay Khamiista maanta ah ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho. Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan ka geysta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari. Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho. Xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga ee dalka aan xasilloonayn. Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu dib u dhac ku keeni doono hanaanka doorashada ee socda. Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka. Rooble iyo Farmaajo oo dhoolla-caddeynaya inta uusan khilaafkooda soo shaac-bixin Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir. Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax. Museveni iyo kaalintii heshiiskii Kampala Madaxweyne Museveni Heshiiska caanka ahaa, Kampala accord, ee dawladda Soomaaliya looga saaray KMG ayaa qalinka lagu duugay, xilligaasi waxaana si wadajir ah u saxiixay Madaxweynihii dawladda ku meel gaarka ahyad ee Soomaaliya isla markaana uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Shariif Xasan. Waxaa kale oo markhaati ahaan u saxiixay heshiiskaas madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo Ergaygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana lagu saxiixay magaalada Kampala ee caasimada Uganda. Dowladdaas waxaa xiligaas raysal wasaraae ka ahaa Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ee hadda,waxaana xusid mudan in wakhtigaas Farmaajo looga yeeray Kampala si loola socodsiiyo heshiiskii Kampala oo dhigayey inuu xilka baneeyo, uuna madaxweynuhu soo magacaabo raysal wasaare cusub mudo 30 cisho ahayd oo ka bilaamanaysay markii la saxiixay oo ahayd 9-kii bishii Juun sanadkii 2011-kii. Museveni ayaa isla xilligaasi ku hanjabay inuu la bixi doono ciidammadiisa o ahaa kuwii ugu horreeeyay ee AMISOM ee Soomaaliya la geeya 2007 Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Frace24 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay dalka ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya. Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo. Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka. Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen labada dhinac ayaa sii horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga guud ee Soomaaliya. The post Madaxweyne Museveni oo soo saaray hanjabaad la xiriirta xiisadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa haatan shir gaar ah wuxuu uga socdaa xarunta taliska Booliska ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka Asluubta, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee uu dhowaan NISA sida ugu KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ugu magacaabay Yaasiin Farey. Ilo wareedyo lagu kasoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka iyo xaaladaha soo kordhay, si loo adkeeyo nabad-gelyada. Saxaafadda ayaa sidoo kale dibad-joog kulanka ay haatan leeyihiin laamaha ammaanka, kaas oo ku soo aaday xilli aad xasaasi u ah dalkana ay ka taagan tahay xiisad xoogan. Dhinaca kale hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka soo dhex muuqashada shirkan ee Yaasiin Farey oo horey u ahaa agaasimaha NISA ee gobolka Banaadir, balse dhowaan Farmaajo uu u magacaabay inuu si KMG ah u sii hayo xilka agaasinka guud ee hay’adda. Sidoo kale waxaa la filayaa in go’aano adag ay kasoo baxaan shirka, iyada oo faah faahinta laga sugayo saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa qeyb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ka socda caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cusub ee soo kordhay. Si kastaba khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana labada xafiis ay qaadayaan tallaabooyin liddi isku ah oo la xiriira awooda. The post Taliyeyaasha ciidamada oo shir xasaasi ah ku leh xarunta booliska + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya. Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in haatan dalka uu ku jiro xaalad qatar ah, isla-markaana loo baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu bad-baadinayo dowladnimada dalka. Xildhibaanka oo sii hadlayey shaaca ka qaaday in aysan ka jirin wax dhib ah oo ka weyn isku dhaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. “Dalka wuxuu ku jiraa xaalad qatar ah anigu Xamar baan joogaa iska hor imaadka labada nin ee dalka ugu sarreysay waa wax dhib ah oo la sameeyo oo ka weyn ma jirto,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka uu leeyahay sharci iyo dastuur, loona baahan yahay in lagu dhaqmo ama khilaafka la geeyo baarlamaanka, si xal waara looga gaaro. “Dalku dastuur buu leeyahay baarlamaan buu leeyahay iyaga la dhex-geeyo oo iyagu kala saaraana waa meel kale,” ayuu kusii daray hadalkiisa. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada nin ee ugu sarreysa dalka looga baahnaa inay u turaan shacabka, ayna keenaan is-bedal dhab ah, misana ay doorasho qabtaan. Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumeyd ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya oo ku soo aaday, xilli kala guur ah. The post Muxuu xildhibaan Zakariye ka yiri khilaafka Rooble iyo Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, haatan ah gudoomiyaha golaha midowga musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka. Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, kiiska Ikraan Tahliil iyo heshiiskii laga gaaray murankii ka taagnaa doorashada gobollada waqooyi. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo ku tilmaamay nasiib darro. Sidoo kale wuxuu xusay inuu dhaawacayo rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inay horay u socota dowladnimada Soomaaliya. “Runtii waxaan leenahay nasiib darro waaye khilaafka maanta u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna aad u niyad-jabinayaa dadka Soomaaliyeed oo rajada ka qabay in dowladnimada ay horay u sii socoto,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheehh Axmed. Guddoomiyaha golaha midowga musharixiinta ayaa sidoo kale shaaciyey, sida lagu xalin karo khilaafka u dhexeeya labada xafiis ee ugu sareysa ee dalka, wuxuuna tilmaamay inuu ku jiro xalka in horay loo sii wado doorashooyinka dalka ee horay heshiiska looga gaaray. “Mushkiladaan waxay ku xallismi kartaa in doorashooyinka horey loo wado oo ay socdaan, kuna socdaan si wanaagsan oo habsame leh,” ayuu sii raaciyey. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada gaareen guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ugu dambeyn soo afjaray murankii ka taagaan sida loo wajahayo doorashooyinka kuraasta labada aqal ee gobollada waqooyi, isaga oo ugu hambalyeey siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland heeshiiska ay gaareen. Ugu dambeyn wuxuu codkiisa ku biiray in cadaalad loo helo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu tilmaamay in hooyada dhashay ay ku garab taagan yihiin dadaalkeeda. “Qof hay’adaha amniga ka shaqeeya haddii uusan nabad helin, qof kalena nabad ma helaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif xilli uu ka hadlayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana kasii daraya khilaafka ka taagan Villa Soomaaliya The post Shariif oo shaaciyey hal arrin oo lagu xalin karo xiisadda Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  19. Xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa 120 qof oo rayid ah ku dilay tuulo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Reuters Arbacadii. Dilkan oo ka dhacay tuulo 10 km u jirta magaalada Dabat ayaa dhacay 1-dii iyo 2 -dii Sebtembar, sida uu sheegay Sewnet Wubalem, oo ah maamulaha deegaanka ee Dabat. “Ilaa hadda waxaan soo helnay 120 meyd. Dhammaantood waxay ahaayeen beeraley aan waxba galabsan. Laakiin waxaan u maleyneynaa in laga yaabo in tiradu intaas ka badan tahay. Waxaa jira dad la la’yahay,” ayuu yidhi Sewnet, oo ah maamulaha deegaanka, oo kładka telefoonka ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters. Chalachew Dagnew oo ah afhayeenka magaalada u dhow ee Gondar ayaa sheegay inuu booqday goob lagu aasayay dadka la dilay, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen carruur, haween iyo waayeel. Ciidammada Tigreega ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay ku diidayaan wax ay ugu yeedheen “eedeyn la been abuuray” oo ka timid dowlad deegaanka Amxaarada, waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen dilka dadka rayidka ah. Waa warbixintii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Tigreegu ku laayaan dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Amxaarada. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii gobolkaas. Reuters. Source
  20. Warbixin ku saabsan Roobkii habeenimadii xalay ka da’ay magaalada Caasimada Hargeysa iyo badbaadooyinka ciidanka Dab-demisku sameeyeen. Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay saacado badan ka hawlgalayay Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee ku hoorey Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :- 1- Badbaado gaadhi Vitz iyo Mark One-10 oo laag galay goobta Isgoyska Togdheer. 2- Guri Buul ah oo gubtay xaafada Sheekh Mubaarig ee degmada Gacan_Libaax. 3-Badbaado gaadhi V8 ah oo waddo la go’aday agagaarka Deero Mall. 4. Badbaado Gaadhi Mark X oo God galay Daami ee degmada Gacan_Libaax. 5. Gacansiin dawlada hoose kaabad duntay goobta agagaarka Deero mall ee degmada 26 June. 6. Badbaado gaadhi Iskarogo ah oo Dooxa galay xaafada Kuwaytiga ee degmada Gacan_Libaax. Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ciidamadu ku guuleysteen dhamaantood. Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa. Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada. Gaar ahaan darawalada gaadiidku ay ciqaab iyo ganaax ku mutaysan doonaan hadii ay isku qaadaan goobaha dooxyada iyo biyomareenada. Allah Mahad leh Info@fire.govsomaliland.org 990 Emergency Service Source