Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobo (Caasimada Online) – Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda aqoonyahankan oo maalintii Talaaladadii aheyd ee la soo dhaafyay lagu afduubtay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada waddankaasi Kenya. Cabdicasiis Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Cabdiwahaab ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in wal-wal xoogan uu soo jawahay qoyska, tan iyo markii la faduubtay walaalkiis, isagoo xusay inuu dhibaato ku noqday afduubka loo geystay Cabdiwahaab. “Wal-wal saa’id ah ayaa jira wax hurdaaya malaha Walaahi dhibaato badan ayaa jirta ciyaal yar yarna waa joogaan oo murugeysan dhibta ma yara,” ayuu yiri Mr. Cabdicasiis Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay meel kasta ay tageen, ayna ku wargeliyeen laamaha dowladda, si loo baadi goobo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo illaa iyo hadda aan la garayneynin sababta loo afduubtay iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba. ‘Horta wax aan kala socono malaha meel kasta waan tegnay waan raadinay, dowladdana waan u sheegnay, Media wax kasta waa kala hadalnay” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay la aadi doonaan maxkamadaha, isla-markaana ay qabsan doonaan Lawyer, si loo qaado tallaabo sharciga waafaqsan. “Hadda Lawyer baan qabsan doonaa dhib malaha maxkamadda ayaan tegeynaa wixii sharci ah oo dalka ka jira ayaan raaceynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa ah fallanqeeye iyo aqoonyahan ka soo jeeda Soomaalida Kenya, waxaana sidoo kale uu si weyn u taageersan-yahay madaxweynaha uu waqtigiisy dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). The post Maxaa ka soo kordhay xaalka aqoonyahanka taageera Farmaajo ee la afduubtay? appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga si balaadhan ugu soo dhaweeyay Amb Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI. Amb Galaal ayaa ku dhawaaqay ku biiritaanka Xisbiga WADDANI “Waxa aan Shacab weynaha JSL u sheegaya in aan ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kana baxay xisbigii aad igu ogaydeen ee Kulmiye.” Amb Galaal ayaa sharaxay sababaha uu uga baxay Kulmiye “Nin kaliya ayaa Xisbiga Kulmiye wax walba ka ah oo hoggaamiya ahna Madaxweynaha JSL. Ninkaasi arrimihiisu waa goldaloolo, gef iyo gole ka fuul. Waxa uu meelo badan ka metela Madaxweynihii Maraykanka ee Donald Trump, waa nin waxa uu doono iskaga hadla oo aan sidii Donald Trump Twitter-ka uun wax ku qorin, waxa kale oo ay Trump iska metelan in lagu yaqaanay nin aargoosta oo ciil qaba oo aan dadka cafiyin, markaa ninka noocaas ah baa hoggaaminaya (Kulmiye) waa ninkii dadkii doortay ee bacadka u taagnaa halkii uu uga mahadcelin lahaa ku yidhi ‘fartiina ayaad eedi doontaan,” ayuu yidhi Amb Galaal Source
  3. Waan-waan hordhac ah ayaa laga gaaray colaaddii ka aloosnayd tuulooyinka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, sida ay Puntland post u xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Guddi ka kooban labada dhinac oo ku hawllan xallinta colaaddaas, ayaa go’aamiyay in maalinta berri ah la kala qaado malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Finley, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed. Dhinacyada hubaysan midkood, ayaa sida qorshaysan la gayn doonaa balli lagu magacaabo Godimaale oo ka tirsan tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga Laamiga. Sidoo kale, Dhinaca fadhiya Sanga-jebiye ayaa iyana la gayn doonaa degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool. Tallaabadaas kadib, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed. PUNTLAND POST The post Waan-waan hordhac ah oo laga gaaray colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye appeared first on Puntland Post.
  4. Tababarihii hore Xulalka Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdulle Farayare ayaa qabtay shaqada kooxda kubbadda cagta Raadsan oo ka ciyaarta horyaalka Somalia Premier League, waxayna maamulka kooxda talaabadan ku sheegeen guul weyn oo u soo hooyatay. “Aad Ayaan ugu faraxsanahay in aan qabato shaqada kooxda Raadsan oo da’daal wanaagaan samaysay labadii sanno la soo dhaafay aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Maamulka iyo ciyaartooyda Raadsan sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen” ayuu saxaafadda isboortiga u sheegay tababare kooxda Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare. “Macallimow Farayare ku soo dhawaaw kooxda Raadsan halkan waa hooygaaga waxaa joogaa maamul iyo ciyaartooy u baahan in ay ka faa’ideestaan khibradaaada hogaamineyd” ayuu isna warbaahinta Ciyaaraha u sheegay xogahayaha kooxda Raadsan Cabdiweli Xuseen Jaamac. Macallin Maxamed Cabdulle Farayare wuxuu ka mid yahay tababarayaasha aqoonta wanaagsan u leh kubbadda cagta Soomaaliya, isagoo haysta shahaada ugu saraysa Qaarada Afrika ee CAF License , waxaana laga xasuustaa in uu ka mid ahaa macallimiintii Soomaaliya markii ugu horeesay gaariisayay fiinalaha tartanka 17-Jirada Bariga iyo Baramaha AFrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi. “Waxaana u mahadeclinaynaa Macallin Cabdi Joon iyo tababare Axmed Gidaamow sida wanaagsan ay u dhiseyn kooxda Raadsan , waxaan rajaynaa in aan kooxda ka qaato doorkayga guul iyo horomar ayaan inoo balan “ ayuu sheeegay Macallin kooxda Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare. Sidoo Kalre Aqriso Warar Dheeri Ah Cabdullahi Faarax Daguur “ Tababare Cabdi Joon Wuxuu U Qalmaa Hogaaminta Xulka Qaranka Soomaaliya” Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro ayaa xabsiga u taxaabay 8 Ka mid ah Isuduweyaasha Wasaradaha Laamaha Dawlada Gobolka Awdal. Guddoomiye Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro ayaa isuduwayaashani ku eedeeyay inay ka gaabiyeen qaban qaabada soo dhawaynta Madaxwayne Biixi Oo Boorama Ka socota. Isuduwayasha Ayaa Kala Ah 1. Gudd Waxbarashadda 2. Isu duwaha Deegaanka 3. Isu duwaha Gaadiidka 4. Isu duwaha Warfaafinta 5. Isu duwaha Qorshaynta 6. Isu duwaha Macdanta 7. Isu duwaha Qaxootiga iyo barakacayaasha 8. Isu duwaha Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda Sida ay kusoo warramayaan Warbaahinta Gobolka Awdal oo Somalilandtoday ay warkan ka soo xigatay. Source
  6. Yesterday, I watched a BBC interview with Professor Abdi Ismail Samatar on the political rift between President of Somalia and his Prime Minister. Professor Abdi Samatar denied BBC and its viewers the full disclosure he owed. Five months ago, Professor Samatar referred to President Mohamed Abdullahi Mohamed of Somalia as the “man on the hill”, and urged people of Mogadishu “to kick out the United Nations Mission”. The Professor of Geography at the University of Minnesota is not a disinterested analyst on the Somali politics. He is an intellectual stakeholder, to coin a new phrase for wily scholars and former journalists who exploit the ignorance of major broadcasters to plug in their agenda under the cloak of a considered view. Professor Abdi Samatar ignored his duty to share full disclosure with viewers. BBC researchers have not done their bit to assess if the interviewee merited the honour of a political analyst. It was a waste of viewers’ time to blur the line between an informative interview and a propaganda. Some will argue that the BBC is a propaganda machine for the British State, but a careful reading of its editorial guidelines can dispel this myth. Any deviation from the editorial guidelines can be seized upon by watchful critics of the Beeb. The need for a nuanced take on a topic understandably predisposes researchers to approach any journalist or academic who has written on the country in question. Interviewing an academic who promotes violence against the United Nations staff is a new low for the BBC. How would BBC’s domestic viewers react if it had interviewed an academic who went on record for campaigning against Boris Johnson? Would it indicate that the academic also wears the hat of an opposition party member? If the answer to both questions is yes, then a similar disclosure is warranted when the news item interview pertains to “the Third World.” Without editorial consistency, the BBC will sleepwalk into media oblivion. The BBC interview with Professor Abdi Samatar. © Puntland Post, 2021 The post The Partisan Somali Analyst and BBC appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu maalinta Berri ah safar ugu baxo magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweynaha ayaa safarkan sidoo kale ku tagi doona magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd. Muddo ku dhaw afar sanno ah oo uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi waa markii ugu horreysay ee uu safar ku tago magaalada Baligubadle. Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Cabdi Jaamac ayaa naqdiyay safarka la filayo in Madaxweyne Biixi uu ku tago magaalada Boorama waxaanu yidhi sida tan: “Madaxweyne Muuse muxuu gashaday Awdal oo lagu soo dhaweeyaa. Ma madaxweyne ayaan idin ahay mise waxqabad uu idin gashaday. Muuse waxa uu xilka Siilaanyo kala wareegay iyaga oo leh reer Awdal sideed wasiir (Wasiiro, kuxigeeno, wasiiru dowlayaal) iyo haayado madax banaan ( wadooyinka, hay’ada shaqaalaha) agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo weliba saluug laga qabay. Madaxweyne dadka aad leedahay isoo dhaweeya waa kuwa jufadaada hoose ay ka magacaabis badan yihiin, kana maamuus dhow yihiin agtaada. Bilaahi calaykum reer Awdaloow madax dhaqamaeedkiina cadceeda ha u loogina, oo sharafta ha ka qaadina, Muuse waa Muuse uune” Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray. Muuse Biixi ayaa magacaabay shan guddoomiye gobol, agaasimaha guud ee bangiga dhexe iyo saddex xubinood oo kale. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweynaha Somaliland oo sidoo kale dhowaan isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada. Halkan hoose ka aqriso:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo; Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar, Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone Ku: Abiib Xaamud Jibriil, Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera Mudane, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1- Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex 2- Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. 3- Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 4- Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5- Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. 6- Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. 7- Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 8- Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. 9- Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka. The post Muuse Biixi oo sameeyey xilal ka-qaadis iyo magacaabis appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in saaka hadyad u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse BIixi Cabdi. Xoghayaha Khadar ayaa ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aan saaka hadiyad ahaan ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi buugga la yidhaahdo 30/30 Somaliland 2050. Waa buug ay qormadiisa isugu tageen aqoonyahan reer Somaliland ah. Buuggu waxa uu ka hadlayaa taariikhada 60 sanno oo Somaliland soo martay, waxaa kale oo uu hilaadinayaa 30 sanno oo soo socda. Madaxweynaheennu 60-ka sanno ee aan soo dhaafnayba goob joog ayuu ahaa in badan oo ka midana siyaasi ayuu inoo ahaa. Waxa aan kula talin lahaa marka uu akhriyo in uu is weydiiyo maxaa 60-kaa sanno sabab u ahaa wixii innaga xumaaday sidee ayaan se uga dheeraan karnaa in aanay 30-ka sanno ee soo socda inaga xumaanin, gaar ahaan waxa aan u soo jeedinayaa inuu Madaxweynuhu akhriyo bogga-ka 280-281 iyo 296-298. Adigu maxaad saaka u hadiyadeyn lahayd Madaxweynaha? Source
  10. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi ayaa fariin adag u diray warbaahinta Ciyaaraha gudaha, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan bulshada la wadaagin horomarka iyo xirfada sare ee ciyaartooyda Minifootboolka kooxaha iyo Xulka Qaranka Soomaliya ee kubadcag yaraha. “Waa nasii darro weyn in warbaahinta isboortiga aysan tabin dhacdooyinka iyo horomarka Xiriirka Kubadcag yaraha, balse waxaan rajaynayaa in is badal ay sameeyaan madaxda warbaahinta ciyaaraha dalka, sidoo kalane ay ka qeyb qaataa waxqabadka Xiriirka Kubadcag yaraha Sooamaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Minifootboolka Mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi. Sidoo kale Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada kaalinta ay qaadato dhiiginta shaqooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha , wuxuuna Guddoomiye Xaaji sheegay heerka ay maanta joogaan ay ku soo gaareen wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxayso Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Fedraalka Soomaaliya. “Waan u mahadcelinaynaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada doorka wanaagsan ay ka qaadato dar-darginta shaqooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha , hadii aanu nahay maamulka SOMFA Wasiirka iyo dhamaan Wasaaradda ciyaaraha waxaan kaga mahadcelinaynaa doorkooda wanaagsan ee dhiirigelinta Minifootboolka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi. Ugu danbeyntii Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu u mahadceliyay warbaahinta Goobjoog doorka wanaagsan ay ka qaadato dhiirigelinta iyo horomarka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, wuxuuna dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Adan warbaahinta kale kula dardaarmay in ay ku daysadaan Goobjoog Merida Group fursada wanaagsan ay siiyeen Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya. “Maamulka iyo Weriyaasha Goobjoog waxaan ku amaanaynaa fursad baaxada weyn ay siiyeen horomarka iyo waxqabadka Xiriirka Kubadcag Cagyaraha , waxaan warbaahinta kale ka sugaynaa in ay qaataa doorkooda” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Guddoomiayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Adan Cabdulle. Daawo Guddoomiye Xaaji Oo Fariin Adag U Diray Warbaahinta Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “ Waxaan Diyaar U Nahay In Aan La Shaqayno Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. Maanta oo kale labaatan sannadood ka hor, 11kii September 2001, 19 xubnood oo ka mid ah Ururka Xagjirka ah ee Al-Qaacida, ayaa afduubay Afar diyaaradood oo ay ku fuliyeen falal is-miidaamin ah oo lala beegsaday dalka Maraykanka. Laba diyaaradood waxa lagu weeraray labadii daarood ee mataanaha ahaa dhismihii Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku yaallay magaalada New York, halka diyaaradda saddexaadna lagu duqeeyey Xarunta Pentagonka Maraykanka oo ku taalla duleedka Magaalada Washington. Iyadoo diyaaradii afraadna ay ku burburtay gobolka Pennsylvania. Duqaymahaas September 11, waxaa ku geeriyooday marka la isku daro dad ku dhow 3000 oo qof, waxaanay maalin madow u ahayd Marakaynka iyo Maamulkii Madaxweyne Goerge W. Bush. Waxa la shaaciyey in weeraradaas Maraykanka lagu qaaday ay ku dhinteen 2,996 qof oo ay ku jireen 19kii nin ee fuliyey weerarkaas argagixiso, halka dadka ku dhintay weerarkaas diyaaradeed ay ka soo kala jeedeen 78 dal. Dadka dhintay waxay u badnaayeen dadkii ku nafwaayey labadii daarood ee mataanaha ahaa, waxana halkaas ku qudh-baxay 2,763 qof, waxana ku jiray 343 ruux oo ka tirsanaa deb-damiskii ka hawlgalayey gurmadkii mashaqadii ka dhacay daarihii mataanaha ahaa. Sidoo kale, waxa ku jiray 23 sarkaal oo ka tirsan Booliska New-York oo isku dayey inay dadka ka soo saaraan burburkii laxaadka lahaa ee dalkaas ka dhacay. Waxa kaloo khasaare weyni soo gaadhay dharaartaas Xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanka oo ay ku dhinteen 189 qof oo ay ku jireen 64 qof oo saarnaa diyaaradii lagu duqeeyey xarunta Pentagon-ka. sidaas oo ay tahay waxa diyaaradii afraad ku burburtay Pennsylvania oo ku nafwaayey 44 qof. Madaxweyne Goerge W. Bush wuxuu maalintaas ku dhawaaqay in duullaan ay dalkiisa ku soo qaadeen wax uu ugu yeedhay Argagixisada caalamiga ah,waxaanu sheegay inay burburiyeen dhismeyaashii ugu waaweynaa dalkiisa, balse aanay burburin karin qiyamka iyo dawladnimada Maraykanka. Weerarkii lagu qaaday Maraykanku wuxuu horseeday in Maraykanku rido dawladdii Daalibaan ee mangelyada siisay Usama Bin Ladin, waxana dagaal uu Maraykanka iyo xulafadiisu ku qaadeen Afganistaan ay hilfaha ugu qaadeen dawladdii Daalibaan oo ay ku rideen laba bilood gadahood. In kasta oo weerarkii September 11 uu saameyn taban oo dhaqaale ku keenay Maraykanka, isla markaana ay hoos u dhaceen saamiyadii suuqyada ee xilligaas. Osama Bin Laden oo ahaa maskaxdii nashqadeeyey weerarkii September 11, waxa Maraykanku dilay dalka Pakistaan 2-dii Bishii May ee sannadkii 2011kii. Madaxweynihii xiligaas ee Maraykanka Mr. Barack Obama ayaa bishii June ee 2011kii amar ku bixiyey in ciidammo badan oo Maraykan ah laga soo saaro dalka Afganistaan, iyadoo 31kii August ee aynu soo dhaafnay Madaxweyne Joe Biden uu dalka Afganistaan ka soo saaray dhammaan ciidammadii ka joogay oo dhan. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo ay weheliyeen qaar ka mid ah Madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka, ayaa xusuus u tagay goobtii ay ku yaaleen daarihii mataanaha ahaa, waxaanu wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka lagula jiro argagixisada. Madaxweyne Joe Biden wuxuu noqonayaa madaxweynihii afraad ee soo mara Maraykan 20kii sannadood ee la xusayey maalintaas ku madow Maraykanka. Warbixintan waxa soo diyaariyey Cumar Maxamed Faarax Source
  12. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa digniin culus u diray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kuwa kale ee ka howl-gala ee dalka. Deni ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan sugida amniga, isaga oo uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Soomaaliyeed laga rabo inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadaha is diidan iyo muranada u dhexeeya siyaasiyiinta. “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” ayuu yiri Deni xilli uu ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kula hadlayey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada in aysan u kala eexan xubnaha musharixiinta ah ee u tartmaya kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu jiro xaalad adag oo kala guur ah iyo sidoo kale doorashooyin guud oo isugu jira mida baarlamaanka & tan madaxweynaha. Si kastaba horay musharixiinta mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si ay u fara-gelinayaan doorashooyinka. The post Saciid Deni oo digniin culus diray – maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  13. Wasiirada wasiir ku xigeenada iyo Madaxda ha,yadaha Dawladu ma shaqayn karaan xilka xafiiskana lama wareegi karaan ,ilaa ay ogolaansho ka helaan Golaha wakiilada, .Ogolaanshahaasina waxa uu noqon karaa mid lagu diido in la ansixiyo xubinta la soo magacaabaya ama la aqablo .Qodobka 94aad ee DJSL . Golaha wakiiladu Ansixinta wasiirada iyo ku xigeenadooda waxay ku diidi karaan aqlabiyad fudud “Simple Majority” . Waxa waajib dastuurku ka dhigaya in mudo 30 maalmood Gudahood ah lagu ansixiyo xubnaha la soo magacaabay dabadeed uu Gudoomiyaha maxakamada sare ku dhaariyo Madaxweynaha agtiisa hadii uu maqan yahayna madaxweyne ku xigeenka eeg hadaa maaha xafiiska Gudoomiyaha iyo Banaan cidlo ah . Golaha wakiiladu Muxuu ku diidi karaa inuu Wasiir la soo magacaabay celiyo ama ansixintiisa diido waxa ka jawaabaya dastuurka macno ahaana waa in la eega in qofkan la soo magacaabay uu Buuxin karo ama Hanan karo jagada loo soo diray waxaana loo eegaya shuruudaha lagu soo doorto Mudane ka tirsan Golaha wakiilada eeg qodobka 94(5) ee DJSL iyo Qodobka 41aad ee DJSL. Markaa hadii aanu buuxin shurudahaas xubinta la soo magacaabay waxa iska cad inaanu helayn ansixinta Golaha wakiilada,. Falsafad ahaan waxa sidan looga dhigay waa dabaqaada Nidaamka dawladnimo ee somaliland qaadatay oo ah isku dheeli tirka Awoodaha dawladnimo “separation of power” iyo isu miisamida ku dhisan Hubinta “Check and balance principle” oo waxaad halkaas ka arkaysaa in sadexdii dhinac ba uu wada marayo qofka la soo magacaabay iyo in dadka laga hubiyo dhaqankiisa ,akhlaaqdiisa iyo kartidiisa qofeed inuu ummada ugu shaqayn karo iyo in kale . Hadaba wasiir aan intaas oo talaabo la marin ma bilaabi karaa shaqada? sharciyan Go,aanada uu qaatana ma noqon karaan kuwo la dabaqi karo oo fulaya sharci ahaan? Jawaabta oo kooban waa Maya “Hal xaraan ahi Nirig xalaal ah Ma dhasho”. Waxa qoray Mubaarik Cabdi Source
  14. (SLT-Nigeria)-Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa la qabtay isaga oo Jawaan ( Bac ) ku sidda ilmo yar oo uu dhalay oo 3 jir ah , isla markaana raba inuu Iibiyo. Booliska dalka Negeria ahaa gacanta ku dhigay ninkan kadib markii la waydiyay sababta ku kaliftay arintan ayuu yidhi “Waxaan dhalay Siddeed caruur ah , aniguna wax shaqo ah gacanta kuma hayo , markaa intii Todobadda kale gaajo u dhiman lahaayeen waxaan go’ aan ku gaadhay inaan iibiyo mid kamid ah Sideeda Caruurta si aan u helo waxay ku noolaan lahaayeen Inta kale” Subxaanallah!!. Hooyada dhashay ilmahan yar ayaa soo wargalisay Booliska ka hor intaa aanu iibin wiilkan yar sidaas ayaana gacanta loogu dhigay Aabahan rabay in uu wiilkiisa iibiyo. ~Caydaruus Xayd-Gool Source
  15. On Wednesday February 22, 2017, at an inauguration ceremony attended by over 1200 people including two presidents, a prime minister and more than 100 diplomats, Mohamed Abdullahi Farmaajo, the ninth President of Somalia, promised to restore Somalia’s dignity and bring peace and reconciliation to the country. In his inauguration speech, the new President also promised to tackle head-on the widespread insecurity and instability in the region as well as to prioritize the elimination of political corruption, address the poverty crisis and deal with the humanitarian catastrophe that is destroying the nation. During his address, the President also thanked the African Union Mission in Somalia (AMISOM) for securing a transparent and honest election process. The Special Representative of the United Nations, Michael Keating, was present at the inauguration and delivered the following goodwill message on behalf of the UN Secretary-General, Antonio Guterres… “The peaceful handover of power is a major step in strengthening Somalia as a federal and inclusive state and towards the goal of achieving one-person one-vote elections in 2020.” As we look back at that Wednesday afternoon more than four years ago, two things are crystal clear. One, the optimism of that day has been replaced by the depressing and stark realization that Somalia is in a far worse state than it was before President Farmaajo took office. And two, every single word spoken that day was a lie. For more than four years, the security of our citizens has been ignored in favor of building an administrative environment of nepotism and political exploitation. For more than four years, our economy has been on the verge of collapse as political instability, the ever-looming threat of terror, and the lack of a viable plan to combat the coronavirus is slowly pillaging the citizen population. And for more than four years our foreign policy has been, at best, unfocused, as allied states have become alienated and new relationships are being formed with countries willing to submit to the unlawful underground impulses of a man with more regard for his personal wealth and status than the wellbeing of his citizens. Let’s face it. Farmaajo is doing his best to protect the interests of Qatar even if it is at the expense of strategic and historic relationships with other Gulf states and Egypt. And even if it is at the expense of the diplomatic relationships established by previous regimes. Farmaajo has put all his eggs into a single basket, and this has resulted in a complete reversal of years and years of security and stability progress. Farmaajo’s four-year term in office expired on February 8, yet he has remained illegally and unconstitutionally holding the office as “Acting President” until the country’s long-delayed presidential election will be held end of the year. This resulted in a cycle of brutal violence on the streets of Mogadishu and proved beyond a shadow of a doubt that this transition has been anything but a peaceful handover of power. The legacy of this President will be one of total corruption, collusion, and cronyism. He has been accused of obstruction of justice in his attempt to shield his Svengali, Fahad Yasin, the Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA) of Somalia, from suspicions related to the disappearance of 24-year-old Ikran Tahlil. He also refused to allow the Attorney General to participate in the investigation, knowing full well that the findings would likely result in consequences that he is not willing or able to face. The Ikran Tahlil case, unfortunately, is not the first time that the disappearance of a Somali citizen was a leading talking point in the debates of the merits of a Farmaajo administration. Qalbi Dhagax was a Somali national who was rich with patriotism and filled with naïve aspirations for a better life for his people. And he willing to die for those beliefs. A mere six months after the Farmaajo election in 2017, the government illegally extradited Qalbi Dhagax to Ethiopia in what has been alleged to be a sacrificial offering in a sinister plot to establish a diplomatic relationship with Ethiopia. It is abundantly clear that the rules of established government play absolutely no role in the Farmaajo administration. In a recent and very public clash with Prime Minister Mohammed Hussein Roble regarding the investigation into Tahlil’s disappearance, Farmaajo blatantly and willingly ignored longstanding Parliamentary rules when he asked the outgoing speaker of the Parliament, Mohamed Mursal Abdirahman to publicly condemn Roble’s decision to swear-in a new security minister, a move largely believed to be coordinated by the President himself. And a move that dishonors the Constitution and renders the Federal Parliament compromised and ineffective. All of this is well known to our nation, and now we must make it clear to the global community and to our international friends. The words of this administration ring hollow when the actions are wholly totalitarian, and the government is clearly being led by a ring of corrupt politicians concerned only about personal welfare and individual wealth. And all the money being funneled to the Somali government by, among others, the United States and the European Union, under the pretext of humanitarian aid, is simply being used to fund a crooked and contaminated administration. And the citizens of these countries should be outraged at how their tax dollars are being spent. This President has caused enough damage. The only question that remains is can we remove him from office before the destruction he’s inflicted becomes permeant. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post EU, UK and United States Must Decide If Farmajo Is a Friend or a Foe appeared first on Caasimada Online.
  16. (SLT-Muqdisho)-Sida uu sheegay, Dr. Xasan Faarax Axmed oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan Tahliil Faarax Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo odoyaal sheeganaya inay yihiin ehellada marxuum Ikraan Tahliil Faarax. Dr. Xasan Faarax Axmed ayaa sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ganacsade Xuseen Dhoobow iyo odoyaal kale oo qaraabo kore la ah Ikraan ay la kulmeen Farmaajo kadibna ay kula hadleen in uu bixiyo Magta Ikraan, isagoo sidoo kale codsaday in kiiskaan la xidho oo aan maxkamad la geynin. “Anigoo ah adeerka runta ah ee Ikraan waxaa halkaan ka sheegayaa in aanan wax diyo ah qaadan doonin, xildhibaan Jeesow iyo Xuseen Dhoobow waxaan ugu baaqayaa in kiiska Ikraan gacanta kala baxaan,” ayuu yidhi Dr Xasan Faarax Axmed. Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan ayaa hore u sheegtay in waxa kaliya ee ay ku qanceyso ay tahay in gabadheeda ay caddaalad hesho, waxayna uga digtay Daahir Amiin Jeesow oo isku beel ah Ikraan, balse aan wax xidhiidh ah kala dhaxeyn, inuu faraha kala baxo kiiska gabadheeda. In madaxweyne Farmaajo uu codsado Magta bixinta Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi saaray baadhitaanka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana ka dhashay mowjado siyaasadeed aad u culus iyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Kabul)-Magaalada Doha ayey gaadheen in ka badan 100 qof oo u badan qoysas heysta dhalashada dalal kala duwan kuwaasi oo ku xanibnaa caasimada Afghanistan ee Kabul. Duulimaadkan oo ah kii ugu horreeyey oo caalami ah oo kasoo baxa magaalada Kabul ayaa yimid kadib markii Qatar gacan kasiisay Talibanka in dib loo furo madaadkra Kabul oo uu burbur soo gaadhay. Saraakiil amni iyo kuwa socdaalka oo ka socda Qatar ayaa hada gacanta ku haya Madaarka Kabul, kuwaasi oo dib u shaqo geliyey towerka diyaaradaha laga hago iyo Terminalka. Magaalada Kabul ayey sidoo kale gaadheen duulimaadyo deeq raashin ah geeyey halkaasi, xili Qaramada Midoobay ay ka digeyso hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi iyo cunto yarida ka jirta magaalooyinka waaweyn. Source
  18. The government has declared drought a national disaster. Some farmers in the country have been prepared for such an eventuality as they try to mitigate the resultant drought effects. Source: Hiiraan Online
  19. Somali Journalists Syndicate (SJS) has completed journalists’ safety and media freedom training for local journalists in Galkayo town, Mudug region on Thursday 9 September. Source: Hiiraan Online
  20. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada difaacada Tigrayga dagaal looga soo saaray gobalka ay dagaan Canfarta. War ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Tigrayga jab xooggan la gaarsiiyay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaanada Canfarta. Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum ayaa shir jara’id oo ay qabatay ku sheegtay in ka bixitaanka ay sheegatay Jabhadda in ay isaga baxeen dhulka Canfarta uu yahay mid been ah. “Sheegashada Falaagada ee ka bixitaanka Canfarta taasi run ma ahan ciidamadeenna ayaa ka saaray dhulka jab xooggan ayaana la gaarsiiyay” ayeey tiri Billene Seyoum. Afhayeenka Abiy ayaa sidoo kale waxa intaas ku sii dartay in Ciidamada Canfarta iyo kuwa Xukuumadda oo iskaashanayo ay jab gaarsiiyeen Tigrayga iyadoo tiri “Ciidamada Canfarta iyo kuwa qaranka oo iskaashanaya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay khasaaro weyn gaarsiiyay Falaagada”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la filayo todobaadkan socdaal ku tegi doona magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Degmada Qardho, waxay kamid tahay saddexda degmo ee dhowaan laga qabanayo doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan. Wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu halkaas u tegayo olole siyaasadeed, kadib markii uu ka cabsaday in urur siyaasadeedka xukuumadda looga guulaysto degmada Qardho. Madaxweyne Deni, ayaa doonaya in uu Qardho ka bilaabo ololaha urur siyaasadeedkiisa Kaah ee ku wajahan doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo olole siyaasadeed u tegaya degmada Qardho appeared first on Puntland Post.
  22. Somali politicians have launched frantic efforts to defuse tensions after a damaging feud between the president and prime minister plunged the troubled country into fresh crisis, a lawmaker and multiple officials said Friday. Source: Hiiraan Online
  23. Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeynaya diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta Aqalka Sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Arbacadii soo gudbiyay liiska 8-kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka Sare. Musharixiintaan ayaa kor u dhaafayo 30-musharax kuwaas oo kuraasta qaar ay ku tartami doonaan illa 5-musharax. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa khamiisti bilaabay bixinta shahaadooyinka Musharixiinta, iyadoo maanta oo sabti ah la soo gaba gabeynayo shahaado siinta Musharixiinta. Jadwalka doorashada ayaa lagu sheegay sidoo kale in Axadda beri ah ay musharixiinta ay jeedin doonaan khudbadahooda Musharaxnimo. Maalmaha Isniinta iyo Arbacada ee todobaadkaan ayaa doorashooyinka kuraastan lagu qabanaya magaalada Jowhar. Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulki ugu dambeyay ee si rasmi ah u guda gala doorashooyinka Aqalka sare ee dalka, isagoo sidoo kale maamulka noqonaya maamulki seddaxaad ee soo dhameysitira Musharixiintiisa kadib maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Three members of Djibouti's national football team are seeking asylum in France, where one of them was allowed to leave an international airport in Paris on Friday after a week in the transit zone. Source: Hiiraan Online