-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo haatan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa fashiliyey qorshe culus oo uu wado guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna shaaciyey inuu doonayo in shir deg deg ah uu isugu yeerayo xildhibaanada Soomaaliya. Xildhibaan Idiris oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray qaar ka mid ah xubnaha golaha, taas oo ku aadan shir deg-deg oo uu yeelanayo baarlamaanka dalka. “Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri. Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan jirin fowdo ka weyn oo dalka la gelin karo, marka la eego tallaabada uu qaadayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed. “Waa nasiib darro aad u weyn in guddoomiyihii golaha shacabka hadda baarlamaankii 10-aad uu iskuugu yeero, baarlamaankii 11-aadna 29 senator ay dooran yihiin oo ay bannaanka joogaan marka taa fowda ka weyn oo dalka la gelin karo ma jirto,” ayuu raaciyey. Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeerayo Mursal, balse wuxuu hadalkiisa kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan. Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo. The post Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir Cali Mareexaan oo hadal ka jeedinayay munaasibad ay joogeen maayarka caasimadda iyo Xildhibaan Sheekh Kucaddeeye ayaa duray hadalladooda ku aaddan wax u qabashada bulshada. Waxa uu ku dooday in maayarku markii uu shaqada qabtay u muuqdo in hawluhu noqdeen si ka duwan sidii uu moodayay halka uu Xildhibaanka ku eedeeyay difaacidda Coldoon iyo in uu shaadhka Sheekhnimada siyaasad dhex marinayo. https://fb.watch/7Vp6M3X9Vx/ Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee wasaarrada waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xilleedkiisa uu dhammaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka. Goodax Barre ayaa sheegay in dalka aanu ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay “Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xidhan yahay la yidhaahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yidhi. “Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.” Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena. Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono. https://www.facebook.com/watch/?v=4626079017436217 Source
-
Mogadishu (HOL) - The political struggles between Somalia's national executive leadership continued on Wednesday after the PM dismissed the Federal Minister of Internal Security, Hassan Hundubey Jimale and appointed opposition lawmaker Abdullahi Mohamed Nur to the post. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Guinea)-Urur Goballeedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa ugu baaqay millatariga inqilaabay xukuumadii Guinea inay si deg deg ah kusii daayaan Madaxweynihii ay afgembiyeen Alpha Conde. Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in dalka Guinea ay soo gaadhaan wafti ka socda urur Goballeedka ECOWAS oo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan millatariga Guinea. Kulan deg-deg ah oo ay shalay yeesheen dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa dalka Guinea si kumeel gaadh ah looga joojiyey xubinimadii ururkaasi, walow ayna jirin cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay dalkaasi. ECOWAS ayaa hore cunaqabateyn u saartay waddanka Mali oo si lamid ah Guinea uga dhacay inqilaab millatari. Source
-
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Saxaafada iyo shacabweynaha somaliland. Ano in muda ka maqnaa warbaahinta aya jeclaysatay in maqaalkan qoro oo dhowr arimood ka hadlo,anagoo ka soo baxnay doorasho shacabku ku doortayn xildhibaano iyo ay u muujiyeen xisbiyo tageeradooda, waxaana yimaada wakhti khilaaf walba layska ilaabo oo danta laysku wada raaco,khilaaf iyo kala fogaasho guul ma dhaliso ee guuldari dhalisa, in gacmaha lays qabsado oo loo wada kaco guusha higsanayno aya haboon, waxaana cadenaya in guusha cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro 2022 doorashada madaxtooyada at tahay mida in laga shaqeyo guusheeda. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxay kasbadayn sumcad iyo siyaasadd ku dhisan cadaalad iyo sinaan wata keentay guushii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka , iyaadu somaliland siyaasadiidu ay marayso maxalad xun hadi noqoto xaga khilaafaadka haysata maamulkan maanta dalka kala daadiyay ee ah xukuumadda madaxweyne muuse biixi, waxaana gudoomiye Cirro kasbaday taageero balaadhan marku ka dhibto fikirkiisa waddaniyadu ku dheehantahay arimaha dalka haysta iyo mashaakilka ay xukuumaddan ku riday qadiyadda somaliland, waana Gudoomiyaha kaliya ee maanta xidhiidho fiican ku leh waddamada jaarka iyo beesha caalamaka una soo bandhiga siyaasadda dhabta ah ee somaliland marayso , iyo jaaliyaddaha dibadaba oo runti taageero baaxad leh siyay musharaxnimadda cabdiraxmaan cirro iyo xisbiga Waddani 2022, waana xisbiga ugu laamaha badan dibadda, Cabdiraxmaan waa siyaasi dulqaad leh, degan, karti leh, deeqsi ah iyo xikmad siyaasadeed saaxada ku wada. Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani md. cirro kama suurtawdo inuu ku kaco talaabooyin lid ku ah geedi socodka dimuqraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya Geeska Africa, waa masuul ku abtirsada wadaniyadd ,horumar,maamul wanaag,aqoon, akhlaaq,sinaan , sifoyinkaas waa taa keenaty inuu gudoomiye Cirro ka dhex lahaado taageero buuxdda dhanka shacabweynaha, iyo aqoonyahanadda cilmiga la saaxiibka ah, iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn, ogsoona in Cabdiraxmaan yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara, cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag saldhig u yahay daacadnimo iyo hawlkar,jecelna inuu dalka ka saaro marxaladan ay marayso maanta iyadoo meel walba albaabka laga xidhay muse muuse biixi. Diblomaasiyiinta reer Galbeedku ayay Cabdiraxmaan ku sifeeyaan nin macquula oo si miisaaman u hogaamin kara siyaasadda Somaliland marxaladda soo socota, Beesha Caalamku waxay dooneyaan siyaasi la jaan qaata xidhiidhka dawladdaha oo dublomaasi ah ,lana dhiso Xukuumadd mustaqbaleed uu hogaaminayo Masuul shacbiyad leh sida Cabdiraxmaan Cirro,aragtedaas waxay ku timi shacabiyadda weyn ee gudaha ee ku leeyahay cirro maadama ay dadku arkayn hogaamintiisa wanaagsan intuu u xilka barlamaanka hayay 2005 ila 2017, waa siyaasi isaago laba xil haya oo si wanaagsan u waday waana mid na tusaysa inuu yahay siyaasiga ay higsanayso Somaliland iyo bulshadeeduba . waxan ku soo kahtimaya maqaalkaygan Cabdiraxman Cirro waa geesi hantay tageeradda shicibweynaha Somaliland, waa ninkaa leh fikir sidi u shacabka Somaliland u horumarin lahaa, waa ninkaa haddii illaahay nafta u daayo, Xilka Madaxweynaha Ka Soo bixi doona inshalaah 2022, waxaana bararojinaya shacabweynaha higaamyihiina dhabta ah taageeradiisa muujiya waano so dhawaaday wakhtiga isbedelku dhici lahaa inshalaah, codkiina ku badala marxaladdan ay manta marayso Somaliland, badbaadintona waxay ku jirta musharaxnimadda gudoomiye Cirro 2022 oo si wada jir ah isbedelkiisa raacno . Qore Mukhtar Cilimi mukhtarcilmi@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug. Guddiga ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Amniga Gobolka, horumarada laga sameeyay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan. Madaxweyne Deni, ayaa isna bogaadiyay shaqada Amni ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan, wuxuuna laamaha Amniga faray in la sii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda. PUNTLAND POST The post Madaxwweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Somali youth shaping the future of peace building in Dobley
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ismail* and Jamal* from Dobley, Somalia, are close friends. They both used to be gang members, a common practice by young men in some parts of the country. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo ay wadaan guddi saraakiil ah oo ka socda ciidankii Badbaado Qaran ee ka dagaalamay Waqooyiga Muqdisho. Saraakiishan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay bilaabeen dadaallo ay kula kulmayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Xogta ayaa tilmaamay in saraakiishaan oo ka soo horjeeda tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u wadaan talooyin ku aadan in awood ciidan looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ka socda xafiiska Farmaajo. Sidoo kale saraakiishaan ka tirsan ciidankii Badbaado Qaran ayaa la sheegay in ay sheegeen in Muqdisho ay u muuqato magaalo aan dagaal hureyn ilaa laga qabto Madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa uu ka jiro mashquul badan ayaa la sheegay in aan la ogeyn sida uu ka yeeli doono dalabka kulanka ay codsadeen saraakiishaan. Xubnaha ka socda guddiga Badbaado Qaran waxaa kamid ah Janaraa Gacma-dulle, Janaraal Koronto, Korneel Xareed Raage iyo Korneel Cusmaan Xaadoole oo dhamaantoodba ah saraakiishii hogaamineysay ciidankii fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo. Rooble ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in ciidanka yar ee diidan inay ka tagaan aagga xarunta NISA, looga saari karo wada-hadal, oo aysan qasab aheyn dagaal dhiig uu ku daato. Lama oga xaalada ay ku dambeyn karto Muqdisho oo wajaheysa xiisad culus oo ka dhalatay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyay taliska hay’adda NISA. The post Xog: Guddi ka tirsan Ciidanka Badbaado Qaran oo soo gaaray Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Authorities in Somaliland collared a criminal network involved in making counterfeit money on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka. Goodax Barre ayaa sheegay in dalka uusan ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay “Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xiran yahay la yiraahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yiri. “Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.” Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena. Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono. Digniinta Goodax ayaa u muuqata middii ugu adkeyd ee hawada loo mariyo Farmaajo, oo kal hore horseeday dagaal culus oo ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, xiligan uu wado xiisad abuur dhalin karta xiisad dagaal. The post Farmaajo oo looga digay in Xamar lagu dili karo + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dowladda Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug. Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Xasan Shire Cabdi. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo Amniga ka shiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameynayey Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin, ayaa waxaa sare u kacay hadal haynta shaqsigaan iyo saameynta dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba, Waxaa si gaar ah isku dul-taagi doona qaabkii uu Fahad ugu soo biirey siyaasadda Soomaaliya. 2012-kii ayaa markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada, xilligaasi oo uu socday ololaha doorashada Soomaaliya, waxaana la sheega inuu qeyb ka ahaa kooxdii ololaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu xilligaas noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, sida la sheegayna xilkaas wuu iska diiday. 2016-kii ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka noqday hormuudka ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kadib guushii doorashadaas waxa Fahad loo dhiibay agaasimaha madaxtooyada. Ka hor inta uusan noqon Fahad Yaasiin madaxa Hay’adda Sirdoonka waxaa uu ka noqday agaasime ku-xigeen. Waxaa lagu tiriyaa in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana gacan weyn ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Hase yeeshe waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda, dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu Fahad ku tilmaamay nin wax weyn kusoo kordhiyey dowladnimada Soomaaliya, qeybna ka noqday geedi socodka soo kabashada dalka. “Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid. Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa xilligan wajahaya tuhuno culus oo la xiriira Kiiska Ikraan Tahliil oo galaaftay shaqadiisii NISA, kadib markii ay shaacisay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay arrintaas. The post Sidee ayuu FAHAD Yaasiin kusoo galay siyaasadda? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg-deg u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaadey xabaalo wadareedyo Saraakiisha dowladda Ethiopia, ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada Tigreega, iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka ay dariska yihiin ee Amxaarada. Waxey sheegeen iney shaaca ka rogeen labo xabaalo wadareed oo waa weyn, kuwaasoo ku yaalla degmada Dabat. Saraakiisha ayaa intaa ku darey in dilkan la fuliyey labo maalmood gudahood oo ah horraantii bishan. Ma jirto jawaab kasoo baxdey xoogagga Tigreega, kuwaasoo dagaal kala soo horjeeday dowladda federaalka Itoobiya, iyo kuwa isbaheysiga la leh illaa iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka. Ma jirto ilo wareed madax bannaan oo laga xaqiijin karo dagaalada ka socda waqooyiga Ethiopia. Qaran News
-
Ra’iisul-wasaaraha Somalia oo Xilkii ka qaaday Wasiirka Amniga,Wasiir Cusubna magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.” Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub. Wasiir Xundubey oo ka horyimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’ “PM Rooble, asaga ayaa Wasiirada ku yiri: cid xil kama qaadi kartaan, waayo, waa kala guur, waddankuna waxa uu galay doorasho, marka ha ku dhaqmo xeerkii uu asagu golihiisa wasiirada ku dhaqayay,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Waxa uu intaas ku daray “PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!” Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey. Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo. Qoraalkii uu caawa baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey.” Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir Sodon Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga. Qaran News
-
Xildhibaanad shaacisay inay Laba Sanadood gurigeeda u tagi la’dahay cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo Fahad Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay. “Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabadh yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tidhi Xildhibaan Sacdiyo. Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u talisa NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay. “Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaadheen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo. Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen. “Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tidhi. Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay. “Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabar yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo. Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u tali jirtay NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay. “Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaareen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo. Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen. “Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tiri. Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad. Hoos ka daawo The post Xildhibaan Sacdiya ‘oo laba sano gurigeeda u tagi la’ cabsida Farmaajo iyo Fahad appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa 120 qof oo rayid ah ku dilay tuulo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Reuters Arbacadii. Dilkan oo ka dhacay tuulo 10 km u jirta magaalada Dabat ayaa dhacay 1-dii iyo 2 -dii Sebtembar, sida uu sheegay Sewnet Wubalem, oo ah maamulaha deegaanka ee Dabat. Chalachew Dagnew oo ah afhayeenka magaalada u dhow ee Gondar ayaa sheegay inuu booqday goob lagu aasayay dadka la dilay, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen carruur, haween iyo waayeel. Waa warbixintii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Tigreegu ku laayaan dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Amxaarada. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii gobolkaas. PUNTLAND POST The post TPLF oo lagu eedeeyay Xasuuq dad rayid ah appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda geli doono Khamiista berri ah, sida ku cad jadwalka. Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in Khamiista berri ah ee 9-ka bishan September illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar. Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka. Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin miisaan ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana kursi kasta ku tartamaya ugu yaraan seddax illaa afar musharax. The post Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay magaalada Muqdisho. Kulankan oo u dhacay hab fogaan arag ah ayaa Rooble wuxuu wakiilada beesha caalamka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan. Waxuu kaloo xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan. Xubnaha beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay inay si buuxda u taageersan yihiin hoggaaminta ra’iisul wasaare Rooble, xilli ay awoodda dalka isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’isul wasaaraha Ayaa Leh Xaqa Magacaabista iyo Ceyrinta Wasiirrada Sida ku xusan qodibka 100-aad ee dastuurka KMG ah, ra’isul wasaaraha ayaa leh xaqa magacaabista iyo ceyrinta wasiirada. Qodobkan dastuuriga ah, waxaa baabi’inayaa sheegashada Farmaajo ee iney geyr dastuuri tahay magacaabista wasiirka amniga gudaha. Farmaajo oo horay looga adkaaday siyaasad ahaan ahaa u muuqda mid dastuur xataa looga adkaaday. Source: goobjoog.com