Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay dalka Kuweyt sanadkii 1947dii. Carruurnimadiisii wuxuu jeclaa akhriska iyo samafalka. Sida lagu xusay maqaal uu daabacay Al-Jazeera TV, isaga oo iskuul dhiganaya ayuu ardayda ka aruuriyay lacag ay ku iibiyeen gaari ay subixii goobaha shaqada ku geyn jireen shaqaalaha danyarta ah, galabkiina waxay ku celin jireen guryahooda. Markii uu Dugsiga Sare uga baxay dalka Kuweyt ayuu jaamacad u aaday dalka Ciraaq. Shahaadada koobaad wuxuu ka qaatay Jaamacadda Baqdaad oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qalliinka Guud. Kaddibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay cudurrada uur-ku-jirka iyo dheefshiidka. Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka soo shaqeeyay isbitaallo ku yaalla Kuweyt, Canada iyo Ingiriiska. Safarkiisii Malaawi iyo billawgiisii samafalka Afrika Safar uu 1980kii ku tegay dalka Malaawi oo dhaca koofur-bari qaaradda Afrika ayuu ku soo arkay malaayiin fuqaro ah oo la daalaadhacaya faqri, cudurro iyo jahli. Sababtaas ayayna ugu dhalatay in uu ka fikiro sidii uu dadkaas farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa. Sanadkii 1981dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay hey’adda Africa Muslims Agency (Lajnatu Muslimii Ifriiqiya) oo waagii dambe magaceeda loo beddelay Direct Aid (Al-Cownul Mubaashir) oo ah Hey’ad samafal ah oo gargaarka, waxbarashada iyo faafinta dacwada ka fuliso 31 dal oo Afrika ah iyo Yaman. “Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa hoggaamiye aragti-fog oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof dhiirran oo hadafka uu rabo in uu ka miradhaliyo uu kala weyn yahay waxa ku dhici kara iyo khataraha ku xeeran. Dr. Sumeyd wuxuu ahaa nin aan adduunyo baahi badan u qabin oo ay ku weyn tahay in uu dhaxal ka tago. Wuuna ka tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo aqoon dheer u leh Dr Al-Sumeyd. Dhaxalkii uu ka tegay Dr. Al-Sumeyd Sida lagu xusay maqaal lagu daabacay bogga Jaamacadda SIMAD, 30kii sano ee uu Afrika ka shaqeynayay waxaa sababtiisa ku soo muslimay dad gaaraya 11 milyan. Dr. Al- Sumeyd waxa uu Afrika ka dhisay 5,700 Masjid, wuxuu qoday 9,500 ceel. Wuxuuna aasaasay 102 xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, 860 iskuul iyo 4 jaamacadood. Wuxuuna waxbarashada ka bixiyay arday ka badan 95,000 oo Afrikaan ah. “Aniga oo harqaanle ka ah Johannesburg ayaan isbarannay haweeney Hindi ah oo bare jaamacadeed ah. Waxay i waydiisay sababta aan jaamacad u dhigan waayay, waxaana u sheegay in aan duruuf uga haray. Waxay iga ballanqaadday in ay iga bixinayso qarashka jaamcadda. Markii aan dhammaystay semestarkii koobaad ayay haweeneydii dhimatay. Aniga oo ka walwalsan sida aan yeeli doono ayaan magaalada Johannesburg ku dhex arkay derbi uu ku qoran yahay magaca ‘Lajnatu Muslimii Ifriiqiya’, waxaana soo xusuustay in uu magacaan ku qornaan jiray iskuulkii Axmed Gurey ee aan ka soo baxay. Waan galay, waxaana codsaday in ay i caawiyaan, sidaas ayayna iiga dhiibeen qarashkii jaamacadda. Markii aan qalinjebiyayna shaqo ayaan ka helay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Xasan Cabdullaahi Caalin oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda hey’adda Direct Aid ee South Africa Xafiiska hey’adda ee Soomaaliya Heshiis ay galeen Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo hey’adda Direct Aid ayay hay’addu xarun uga furtay Muqdisho 1986dii, balse burburkii dowladda iyo dagaalkii 1991dii dhexmaray Kuweyt iyo Ciraaq ayaa sababay in uu xafiiskaasi xirmo 1991dii. Waxaana dib loo furay Sep 1992dii. Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir waa Agaasimihii ugu horreeyay ee xafiiskaas burburkii kaddib. Wuxuu yiri “Aniga oo Master Degree ka diyaarinaya jaamacad ku taalla Pakistan ayaan dalka fasax ku imid Jun 1992. Waxaan maray Baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho oo ay ka jirtay abaartii Cagababar. Markii aan laabanayay ayaan Nairobi isku aragnay Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd, waxaana uga warramay xaalidihii aan dalka ku soo arkay. Wuxuu i waydiiyay: maxaa jeclaan laheyd in aan ka qabto? Waxaana u soo jeediyay in uu gargaar u fidiyo dadkaas dhibaateysan. Wuu iga aqbalay, wuxuuna iga codsaday in aan arrintaas kala shaqeeyo.” Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha. “Jan 1993 aniga iyo Dr. Cabdiraxmaan oo joogno xafiiska hey’adda ee Muqdisho ayuu diktoorku istaagga ka dhacay, miirka ayaana ka tegay. Waxaan geeyay xaruntii ciidanka Kuweyt oo ka mid ahaa hawlgalkii UNITAF. Markii uu soo miirsaday ayaa loo qaaday Sacuudiga. Isbitaal ayuu 4 bil ku jiray, waxaana lagu sameeyay 4 qalliin oo wadnaha ah. Dhakhaatiirtii waxay kula taliyeen in uusan tegin meel aan laheyn isbitaal lagu daweeyo wadnaha. Isaga oo sidaas ah ayuuna noogu iman jiray Soomaaliya oo aan waxba loogu qaban karin” Faarax Cabdulqaadir Marka laga tago gurmadkii abaaraha, xafiisku wuxuu xoogga saaray waxbarashada, daryeelka agoonta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. “Jan 1993 ayaan Muqdisho iskuullo ka furnay. Xilligaas oo uu dalku ku jiray xaalad adag waxaa adkeyd in waxbarasho lagu fikiro, taasna waxay keentay in aysan waalidiin badan iskuullada u soo dirsan carruurtooda. Si aan waalidiinta ugu dhiirrigelinno waxbarashada carruurta ayaan billawnay in aan raashin siinno qoys kasta oo arday keensado.” Xasan Badawi, Guddoomiyaha xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya Dr. Siciid Xuseen Geeddi waa dhakhtar ku takhasusay indhaha oo ka hawlgala Muqdisho, wuxuuna bare ka yahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dr. Siciid wuxuu ka mid ahaa dufcadii ugu horreysay ee laga qoray iskuulkii Al-Falaax ee markii dambe loo raray Maxamuud Xarbi. Wuxuu yiri “Maalin aniga oo banooni ku ciyaaraya xaafadda Xararyaalle ayaa waxaa ii timid haweeney aan deris aheyn. Iskuulka ayay i gaysay, waxayna ku tiri “Wiilkaan ii qora” iyadiina cunto ayaa la siisay. Sidaas ayaan waxbarashada ku soo billaabay.” Xafiiska wuxuu Muqdisho ka furay iskuullada Tadaamun, Abuu Xaniifa, Maxamud Xarbi iyo Axmed Gurey. Beledweyne wuxuu ka furay iskuullada Sh. Maxamed Macallin iyo Al-Aqsa. Buulamareer wuxuu ka hirgeliyay iskuulka Al-Faaruuq. Kismaayo wuuu ka furay iskuulka Faanoole. Halka Hargeysa uu ka hirgeliyay iskuullada Al-Irshaad. Magaalada Gabileyna wuxuu ka furay iskuulka Gabiley. Iskuulladaas waxaa ka qalinjebiyay 11,705; waxaana hadda dhigto 15,388 arday. 5 ka mid ah iskuulladaas waxay leeyihiin koleejyo agoonta lagu xannaaneeyo oo ay hadda ku nool yihiin 792 agoon, waxayna hey’addu guryahooda biil ku siisaa 1,113 agoon. Dr. Cabdifitaax Shariif Maxamed waa dakhtar ka hawlgala isbitaalka Hackensack ee dalka Mareykanka. Wuxuu yiri “Aniga oo 3 sano jir ah ayaa aabbahey dhintay. Kaddibna hooyo ayaa i gaysay xarunta agoonta Salaam ee iskuulka Maxamuud Xarbi. Iskuul, Bachelor ilaa takhasuska waxaa iga bixisay hey’adda Direct Aid. Waana ku mahdinayaa.” Xafiisku wuxuu deeq waxbarasho oo jaamacaddeed siiyay 440 arday oo Bachelor ah iyo 197 arday Master iyo PhD kala ah. Sanadkii 1999kii hey’addu waxay Muqdisho ka furtay machadkii SIMAD oo 2011kii Jaamacad laga dhigay. Jaamacadda waxaa ka qalinjebiyay 6,818; waxaana hadda dhigto 3,306 arday. SIMAD waxay 2019kii hirgelisay isbitaalka Dr. Sumait Hospital oo loogu magacdaray Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd. “Fursad uma helin in aan la kulmo Dr. Al-Sumeyd, waxaanse isku hawlay in aan wax ka barto ninka cajiibka ah ee uu ahaa.” Bill Gates 30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika kaddib, wuxuu isag oo 66 jir ah 8 sano ka hor maanta oo kale (Aug 15, 2013) ku geeriyooday dalka Kuweyt. Dr. Al-Sumeyd wuxuu qoray 13 buug, wuxuuna ifka uga tegay 3 gabdhood iyo labo wiil. Dhaxal aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Weligiisna wuxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka. Eebbe ha u naxariisto Cabdiraxmaan Al-Sumayd. The post Samafalihii AFRIKA ee ay sababtiisa kusoo muslimeen 11 milyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad appeared first on Caasimada Online.
  2. Urur siyaasadeedka lagu magacaabo Run iyo Caddaalad oo ka dhisan Puntland ayaa sheegay in ay ku biireen 23 xubnood oo ka baxay urur siyaasadeedka Mideeye. Qoraal wargelin ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha urur siyaasadeedka Run&Caddaalad, Maxamuud Maxamed Ciise ayaa lagu xaqiijiyay in ururka ay ku biireen 23 as’aase oo ka yimid Mideeye. Sidoo kale, dhammaan mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Run iyo Caddaalad ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan shir ballaaran oo ururku qabsanayo 23 Agoosto 2021. PUNTLAND POST The post Puntland: Xubno ka baxay Urur siyaasadeedka Mideeye oo ku biiray urur kale appeared first on Puntland Post.
  3. · Qaab dhismeedka Ururka Talibaan Ururka Daalibaan wuxuu leeyahay qaab dhismeed ka kooban saddex waaxood oo kala ah 1-Qaybta Fulinta: waxaa hogaamiya Habitullah Akhundzada oo ku magacaaban Amiiru Almuuminiin waana ninka ugu awooda badan, wuxuu leeyahay saddex ku xigeen oo kala ah a- Kuxigeenka dhanka siyaasada oo uu maamulo Abdulghani Baradar xafiiskiisuna yahay Doha Qadar b- Kuxigeenka arimaha ciidamada oo uu haysto Mohammed Yaqoob oo uu dhalay aasaasihii ururka Daalibaan Mulah Mohamed Omar. Waana hogaanka ugu sareeya ciidamada Daalibaan. c- Kuxigeenka shabakada gaarka ah ee loo yaqaan Haqqani Network. Waa ciidan gaar ah oo loogu magac daray hogaamiyihii caanka ahaa ee la dagaalamay ciidankii Soviet ka ee lagu magacaabi jiray Jalaluddin Haqqani. Ciidankan gaarka ah waxaa hogamiya Siraj Haqqani oo ah wiil uu dhalay Jalaluddin. Waxaa kale oo fulinta hoosyimaada 17 waaxood oo u dhigma Golaha wasiirada oo kale isla markaana qabta hawlaha maalinlaha ah ee Ururka. 2- Qaybta Garsoorka: waxaa Hogaamiya Mullah Abdul Hakeem waana waaxdii u qaabilsanayd ururka wadahadaladii Doha. 3- Qaybta Shuurada: waxay ka kooban yihiin 26 xubnood waana halka laga go’aamiyo arimaha masiiriga ah ee ururka Daalibaan. Qaran News
  4. Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay hannaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaanna Doorashada aqalka sare. War ka soo baxay shir mudda saddex maalmood ah Muqdisho uga socda Golaha Midowga Murashixiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu walaac ka muujinayo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka gaar ahaanna doorashada Aqalka sare. Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in habraaca doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka uu noqdo mid daah-furan oo wadar-ogol ah. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  5. Xildhibaanadu In Ay Sida Shacabka Cawdaan Maaha, Waxaynu U Doorannay Ee Dastuurku U Siiyay….” Xisbiga WADDANI Ciidanka Bileyska yaan laysu adeegsan ! Xildhibaanadu in ay sida shacabka cawdaan maaha, waxa aanu u doorannay ee Dastuurku u siiyay dhawrsananaanta waa in ay cod shacab ku joogaan, qodobka 49 aad ee Dastuurka ayaa si cad u sheegaya dhawrsananaanta xubinta golaha wakiillada Somaliland. waa gef sharci in Boolisku ula dhaqmaan sidaa karaamada darrada ah Xildhibaanada iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan. Mudanayaal waxaad tihiin haayad sharci dejineed waa in aad la Xisaabtantaan hoggaanka Bileyska oo golaha looga yeedhaa waxna laga weydiiyaa foolxumada xalay Hayat Hotel ka dhacday, idinka oo adeegsanaaya qodobka 53 aad ee Dastuurka oo awood iyo waajibaad idiin siiyay in aad la xisaabtantaan oo wax layska weydiiyo kelitalisnimada soo noqnoqtay ee lagu cabudhinaayo shacabka. Ciidanka Boolisku waa haayad nabad gelyo waxay dhex u yihiin dhammaan asxaabta qaranka, si aanay u lumin kalsoonida bulshada yaan si gaara loo adeegsan, waxa ay karaamo leeyihiin inta ay dhawrayaan shuruucda iyo dastuurka haddi ay dhawri waayaan ahaan maayaan Boolis haybad leh waxbana kama duwaanan doonaan suuq joog. Fadlan Ha fadaraynina haybadda Bileyska. Qaran News
  6. M/weyne-xigeenka Somaliland oo daahfuray Tababar Cusub Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland iyo machadka dawladdaha hoose ee Somaliland, oo kaashanaya Hay’addaha ka shaqeeya mashruuca JPLG, ayaa maanta daah-furay tababar la siinayey xubnaha goleyaasha deegaanka dalka ee dhawaan la doortay, kaas oo ka furmay Magaalada Hargeysa. Furitaankii Kulankan, ayaa waxa ka hadlay oo furay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale. Ujeedada Tababarka:- Tababarka Xildhibaanada Cusub ee Golayaasha Deegaanka 16th August – 3rd September 2021 Tababarkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeisa oo socon doona mudo afar cisho ah 16ka August – 3da September 2021 waxa kasoo qayb galay dhamaan xildhibaanada Cusub ee loo doortay golayaasha deegaanka dalka. Shirkan oo ujeedadiisu tahay: 1.Fahanka guud ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dib u habeynta lagu sameeyey xeer no. 23/2019. 2.Falanqanta fikirka maamul daadajinta iyo maamul wanaaga iyo xidhiidhka wadaaga ee kala dhaxeeya dawladaha hoose. 3.Qeexida nidaamka ay u shaqeeyaan dawladaha hoose, sida sharciyada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya heerarka kala duwan ee dawlada. 4.Soo bandhigida doorka iyo masuuliyadaha golayaasha deegaanka, iyo maamulada degmooyinka oo ay ku jiraan gudiyada fulinta, shaqaalaha iyo waaxyaha. 5.Soo bandhigida ujeedada iyo hal-abuurka gudi hoosaadyada degmooyinka iyo arrimaha ay tahay inay qabtaan. 6.Hawlaha maaraynta maaliyadda, iyo sidoo kale qorshaynta, hawlaha maamulka iyo sharci dejinta. 7.Helista iyo La socoshada awoodaha dastuuriga ah ee Degmooyinku bixiyaan. 8.Fahanka guud ee maamul daadajinta qaranka iyo xulashada habka ay qaadatay dawlada somaliand. 9.Fahanka guud hawlaha u gaarka ka ah qaybaha maamul daadajinta degmooyinka iyadoo loo eegayo, qaab dhismeedka siyaasadaha iyo sharciyada jira. 10.Xusida baahida loo qabo isku xidhka iyo isku duwida shaqooyinka heerarka wasaaradaha degmooyinka iyo xafiisyada gobolada. 11.Qorshaynta hababka korjoogaynta, si loola socdo adeegyada ay bixiyaan degmooyinku. Qaran News
  7. Kabul (Caasimada Online) – Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul. Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban. Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirsan guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray garoonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen. Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May. Markii hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saacado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka. Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka hawada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya ciidamada Afghanistan. “Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imanayo,” waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby. “Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday,” ayuu yiri Kirby. “Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira.” Kirby ayaa ka digay in “halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono awood xooggan.” VOA The post Boqolaal ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland. Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay dowladda Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray waddo laga hirgeliyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha midowga musharraxiinta, kaas oo galay maalintii saddexaad. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka socda hoteelka Jazeera, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kodhay iyo doorashooyinka. Sidoo kale waxaa shirka maanta ku biiray ururada bulshada rayidka ah, si ay warbixin isku dhaafsadaan iyaga iyo golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee shirkan qabanaya. Labada dhinac ayaa iska xog wareystay sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee weli ka soconaya xarumaha maamullada dalka & tan soo socota ee golaha shacabka. Musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale la wadaagay bulshada rayidka mowqifkooda ku aadan doorashooyinka socda iyo sida loo sixi karo khaladaadka ka jira meelaha qaar. Dhankiisa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa qiray in si musuq-maasuq ah, isla-markaana aan la jecleysan karin ay ku billowdeen doorashooyinka, loona baahan yahay in cadaalad uu noqdo tartanka. Kulamada u socda musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa la filayaa in gabagabaadii laga soo saaro war-murtiyeed xaaladda guud ee dalka & doorashada. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka musharraxiinta ee ka socda hotel JAZEERA + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Hakainde Hichilema oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Zambia ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii hore ka qabsoontay dalkaas, waxaa uu heley 2,810,757 cod. Iyadoo madaxweynaha xilka ka degaya Edgar Lungu uu helay 1,814.201 cod, taas oo micinaheedu yahay in tiro hal milyan ka badan lagaga adkaaday tartanka. Hakainde Hichilema oo hoggaamiya xisbiga UPNDZM ayaa noqonaya madaxweynaha 7-aad ee dalka dhaca Afrikada Koofureed ee Zambnia. PUNTLAND POST The post Hakainde Hichilema oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka Zambia appeared first on Puntland Post.
  11. Addis Ababna (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed oo ka hadlayey xaaladda cakiran ee dalkiisa ayaa tusaale u soo qaaday dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka jirto khatar weyn iyo sidoo kale Afduub. Abiy ayaa shaaca ka qaaday in wadamo badan oo adudunka ku yaallo ay ka jirto xaalad kala tagga ah ee ay haatan wajaheyso dowladdiisa, isl-amarkaana ay tahay in laga hortego oo dadaal la sameeyo, si la’isugu hayo Itoobiya oo mid ah, sidoo kalena leh awood xoogan. Dalalka uu carab baabay Abiy ee uu sheegay inay khataraha ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yugoslavia, Suuriya iyo Liibiya. “Dalal badan oo adduunka ah ayaa soo maray khatarta afduubka iyo kala tagga aan maanta wajahayno,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya. Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Dalalkaas waxa ka mid ah, Soomaaliya,Yugoslavia, Suuriya, iyo Liibiya, waana la afduubtay.” Ujeedka tusaalaha Abiy oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa waxa ay dad badan ku tilmaameyn mid digasho ah oo uu ku liidayo Soomaaliya oo haatan xulafo la’ah. Hadalkan sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo haatan Itoobiya ay jaheyso mowjado dagaal oo wejiyo kala duwan leh, sida dagaalka Tigray iyo kan Soomaalida & Canfarta. Si kastaba Soomaaliya ayaa hadda xiriir dhow la leh Itoobiya, kaas oo sii xoogeystay 4-tii sano ee uu xafiiska joogay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. The post Muxuu yahay ujeedka tusaalaha ABIY u soo qaatay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  12. Dowladda Sacuudiga ayaa doonaysa in ay Maalgelin ku samayso qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Somalia. Wargeyska AAWSAT ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray Xogta ku aadan Qorshaha dowladda Sacuudiga ku doonayso inay maalgelin ku bixiso Mashruuca Kalluumeysiga Somalia. Wargeyska waxa uu qoray in Saraakiil ka socotay Hay’adda Guud ee Sacuudiga ugu qaabilsan Ganacsiga Dibedda ee GAFT iyo dhigooda Somalia ay Kulan Khaas ah ku yeesheen Caasimadda dalka Cumaan ee Masqat. Muddadii uu socday Kulankaasi waxay Ergada Sacuudiga sheegeen inay Somalia ka jirto Fursado badan oo maalgashi, gaar ahaan Mashruuca Kalluumeysiga. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo maal-geshi ka raba Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartan u dhaxeeya 24-koox oo is reeb ree ah, waxaana ciyaartooydii kasoo baxda tartankan ay matalidoonoa Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya, ee sanadaha soo aadan ka qeybgalaya dhacdooyinka Minifootboolka qaarada Africa iyo kuwa caalamka. “Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, waxay guul u rajaynaysaa ciyaartooyda iyo kooxaha Minifootboolka ee ciyaaraha is reeb reebka ugu furmay magaalada Muqdisho, runtii waa shaqo loo baahan yahay furitaanka ciyaaryahan” ayuu sheegay Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya. Guddoomiyaha Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa munaasabada furitaanka tartanka is reerb reebka kooxaha Minifootboolka ka sheegay in ay rabaan in hal milyaan oo ciyaartooy ah kuwaas oo matasha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha, si ay ugu soo muuqdaan dhacdooyinka Minifootboolka qaarada Afrika iyo kan caalamka. “Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya waxay ku faraxsantahay horomarka iyo waxqabadka ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha,isagoo sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay horomarinta Minifootboolka dalka” ayuu munaasabada furitaanka is reeb reebka kooxaha Minifootboolka ka sheegay Saacid Maxamed Xuseen oo ah agaasimaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Soomaaliya. Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Waxqabadka SOMFA Wuxuu Ku Socdaa Si Wanaagsan Oo Guul Iyo Horomar Ah” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Ciidanka Bileyska yaan laysu adeegsan ! Xildhibaanadu in ay sida shacabka cawdaan maaha, waxa aanu u doorannay ee Dastuurku u siiyay dhawrsananaanta waa in ay cod shacab ku joogaan, qodobka 49 aad ee Dastuurka ayaa si cad u sheegaya dhawrsananaanta xubinta golaha wakiillada Somaliland. waa gef sharci in Boolisku ula dhaqmaan sidaa karaamada darrada ah Xildhibaanada iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan. Mudanayaal waxaad tihiin haayad sharci dejineed waa in aad la Xisaabtantaan hoggaanka Bileyska oo golaha looga yeedhaa waxna laga weydiiyaa foolxumada xalay Hayat Hotel ka dhacday, idinka oo adeegsanaaya qodobka 53 aad ee Dastuurka oo awood iyo waajibaad idiin siiyay in aad la xisaabtantaan oo wax layska weydiiyo kelitalisnimada soo noqnoqtay ee lagu cabudhinaayo shacabka. Ciidanka Boolisku waa haayad nabad gelyo waxay dhex u yihiin dhammaan asxaabta qaranka, si aanay u lumin kalsoonida bulshada yaan si gaara loo adeegsan, waxa ay karaamo leeyihiin inta ay dhawrayaan shuruucda iyo dastuurka haddi ay dhawri waayaan ahaan maayaan Boolis haybad leh waxbana kama duwaanan doonaan suuq joog. Fadlan Ha fadaraynina haybadda Bileyska. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar. Ra’iisul wasaareaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi. Rooble waxaa sidoo kale socdaalkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale, ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan wada-tashi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan caasimadda Qaahira, isagoo warbixin ka siin doono xaalidihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashada ka socoto. Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska inta uu xukunka hayay Madaxweyna waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, wuxuuna kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee labada dowladood. Si kastaba, Rooble ayaa dadaal ku bixinaya in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, wuxuuna socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, sidoo kale wuxuu wada-hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho la leh Soomaaliya. The post ROOBLE oo safar dibadeed u baxay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  16. Khartoum will press ahead with efforts to ensure stability in Ethiopia, the Sudanese premier said Sunday, as its neighbour grapples with grinding conflict in its northern Tigray region. Source: Hiiraan Online
  17. In the early 1980s, I served as an aircrewman on a U.S. Navy Kaman SH-2F Seasprite helicopter attached to HSL 36, a helicopter squadron based at Naval Station Mayport, near Jacksonville, Florida. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - Somali Special Forces have killed seven Al-Shabaab militants and destroyed a car packed with explosives. Source: Hiiraan Online
  19. Saudi Arabia is considering making investments in different economic sectors of Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Ra’iisul wasaaraha dalka iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw u amba baxay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Rooble ayaa casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Masar, xilli halkaas uu kula kulmi doono madaxweynaha Masar. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Masar , kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Masar”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Wakhti shacabka Somaliland si weyn durba u hadal hayaan Mustaqbalka dhaw iyo doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan oo la filayo in ay sannadka soo socda dabayaaqadiisa dalka ka qabsoonto duruuf kasta oo ku soo aaddan ayaa waxa durba soo baxaya shaki weyn oo bulshadu ka qabto sida ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dalka uga qaban karto doorashado wakhtigeeda ku qabsoonta. Waxa shakikan dabka ku sii shiday hadal shalay ka soo yeedhay Af-hayeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Cabdinaasir Buuni, kaasi oo sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu hadalka u dhigay ay dhacayso ruqsaddooda Xisbinimo. Afhayeenka xisbul Xaakimka KULMIYE Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dalladda ururrada rayidka ah ee Somaliland ee SONSOF ayaa yidhi “Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni. Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtidu, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-keeda, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov 2022-keeda. Haddii la hir geliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada, ayaa dhigaya in lix biloor ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada. Ma cadda in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ka go’an tahay dhaqan galinta xeerka Nidaamka Ururrada iyo axsaabta qaranka oo hadal hayntiisu badan tahay in Madaxweyne Muuse Biixi dib ugu soo celinayo Golaha wakiillada iyo in kale waxaase hadalka Afhayeenka KULMIYE in badan oo siyaasadda Somaliland u kuur gashaa u qaadatay hordhaca dadaallo hoose oo xukuumaddu ku waddo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedka Madaxtooyada, loona farsameeyo hannaan lagu muujiyo caqabado doorashada lagu xeero. Ma cadda in Madaxweyne Muuse Biixi ka badheedhi doono dhaqan galinta furista ururrada siyaasadda, muddo-kordhin loo sameeyo muddo xileedkiisa iyo in uu wakhtiga rasmiga ah ku qaban doono doorashada midna waxaase maalmaha soo socda kala caddaan doona qorshayaasha ay isla maaggan yihiin xukuumadda iyo xisbigeeda o dhinac ah iyo xisbiyada Mucaaridka ah oo dhinaca kale ah oo aqlabiyad ku ah Golaha Wakiillada ee cusub. Source
  22. Mogadishu (HOL) - Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble and his delegation are scheduled to travel to Cairo on Monday after receiving an official invitation from Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi. Source: Hiiraan Online
  23. This week's Golden Horseshoe is awarded to the State Department for over $4 million in unallowable expenditures related to the U.S. mission in Somalia, according to a watchdog report. Source: Hiiraan Online