Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Xaaji Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa xubnaha isku soo taagay inay u tartamaan kursiga Aqalka Sare ee afrtii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa caawa sheegay inuu ka tanaasulay ka qeyb galka tartankaas. Shan musharax oo kala ah, Xaaji Muuse Suudi, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci, Xasan Cadaay Cali iyo Xaaji Muxidiin Xasan Afrax ayaa lagu shaaciyey liiskii tartamayaasha ahaa ee uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, balse hadda waxaa tartanka isaga baxay Muxidiin Xasan Afrax. “Mar hadii halkaan kursi la isugu yimid oo meesha la isku cariiriyey, waa in tanaasul yimaadaa, inteenaas hadaan saf u galno hal kursi, waxaan is tusay in culeys ka imaanayo,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax. Shacabka ku nool magaalada Jowhar, madaxda maamulka iyo xubnihii ku garab siinayey inuu u tartamo kursigaas ayuu Xaajigu aad ugu mahad celiyey. “Waxaan idiin cadeynayaa inaan dib ula laabtay rabitaankeygii kursigaas Aqalka Sare, madaweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka iyo mas’uuliyiinta reer HirShabeelle waa isoo dhaweeyeen, waana rabeen inaan tartamo, laakiin isku tanaasul la’aanta markii aan arkay ayaan tanaasulay, qofkii guuleystana waan la shaqey doonaa,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa todobaadkii hore shaaciyey liiska musharaxiinta u tartameysa 8-da kursi ee Jowhar lagu dooranayo, kuwaas oo gaarayey 32-xubnood, balse Xaaji Muxudiin ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay oo ka tanaasulay tartanka mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag ee taalla HirShabeelle, kaas oo ah kursigii uu ku fadhiyey Xaaji Muuse Suudi. Hoos ka daawo Xaaji Muxudiin Afrax The post Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay appeared first on Caasimada Online.
  2. Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa halkaas lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmadaas. Xidlhibaanka ayaa la sheegay in ay dabley hubeysan ku toogteen meel ku dhow guriisa, waxaana la soo werinayaa in ay baxsadeen dableydii dilka geystay. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa ka mid ahaa xubniihii golaha deegaanka degmada Laascaanood ee ka soo baxay xisbiga mucaaradka Waddani. Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka Somaliland oo looga hadlay dilka xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiinta dowladda. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  3. Warbaahinta Qaranka ee ku hadasha afka dowladda federaalkka Soomaaliya ayaa dib u bilowday baahinta wararka la xiriira xafiiska madaxweyne Farmaajo oo ay dhawaan joojisay. Warbaahinta Qaranka ayaa caawa baahisay/daabacday warar la xiriira Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan madaxweyne Farmaajo magacaabay, kaas oo maanta xilka la wareegay. Warbaahinta Qaranka ayaa maalmo ka hor laga masaxay/tirtiray wareegto uu madaxweyne Farmaano ku magacaabay Agaasimaha cusub ee madaxtooyada iyo Fahad Yaasiin. Khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasre Rooble ayaa sameeyay Warbaahinta Qaranka, kadib markii ay la safatay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay joojisay wararka madaxweynaha. Dib u bilaabitaan baahinta warbaahinta Qaranka wararka la xiriira madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaysa, iyadoo ay socdaan wadahadalo lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. PUNTLAND POST The post Warbaahinta Qaranka oo dib u bilowday baahinta wararka la xiriira madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  4. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in maanta markii ugu horeysay ay si fool-ka-fool xiisaddii ugu dambeysay ugu wada hadleen Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Rooble. Warar xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in shirkan oo albaabada xirnaa, aanu kasoo bixin wax natiijo ah oo ku saabsan qodobada horay la isku heystay, waxaase la isla ogolaaday in guddi la saaro, oo laga shaqeeyo isu soo dhowaanshiyo, is afgarad iyo war Murtiyeed. Farmaajo ayaa u muuqda inuu weli ku adjeysanayo magacaabista taliyaha NISA iyo isaga oo sidoo kale diiday inuu ogolaado maxkamadeynta saraakiisha NISA ee lagu tuhmayo kiiska Ikraan Tahiil halka Rooble uu ku adkeysanyo inuu mas’uul ka yahay marxaladda kala guurka. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in wax diyo ah aysan qaadan doonin, baaqna u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Aabe Tahliil Faarax ayaa sheegay in isaga iyo hooyada dhashay gabadhiisa ee Qaali Maxamuud Guhaad aysan qaadan doonin diyo ama mag, “Xataa hadii ay bilyanis noqoto” sida uu sheegay. “Markii ay NISA shaacisay geerida Ikraan, ee Ra’iisul wasaaruhu amray hey’adaha garsoorka in kiiska ay baaraan, durbadiiba waxaa ka hor yimid Fahad iyo Farmaajo oo in ka badan laba bilood ah dhegaha ka fureystay qeyladhaanteena iyo tan shacabka, ficilkii ugu horeeyey ee Farmaajo waxa uu noqday inuu hor istaago cadaalad u raadinta kiiska gabadheyda,” ayuu yiri Dr. Tahliil Faarax. Diktoorka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan jirin qof cadaaladda ka weyn umadda uu u dhaartana ay cadaaladda un deeqdo, “Hadii aadan wax ka ogeyn dilka gabadheyda, fadlan Farmaajo ka wareeg cadaaladda, hanaga hor istaagin,” ayuu yiri. Waxuu intaas ku sii daray, “Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano.” “Aniga iyo hooyada dhashay gabadha ee Qaali Maxamuud, waxaan u cadeyneynaa madaxda dhex-dhexaadinta ku howlan in marnaba aanaa diyaar u aheyn in kiiska lagu dhameeyo xeer Soomaali, wadahadal iyo diyo, xataa hadii ay bilyanis tahay,” ayuu yiri. Aabe Tahliil Faarax ayaa u mahad celiyey dhammaan dhinacyadii isku howlay cadaalad u raadinta gabadhiisa Ikraan Tahliil, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey madaxda ku howlan waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay kiiska Ikraan. Hoos ka daawo Dr. Tahliil Faarax The post Daawo: Dr. Tahliil Faarax oo markii ugu horeysay ka hadlay dilka gabadhiisa IKRAAN appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo kulamada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isaga soo dhawaadeen qodobadoo la isku hayey. Sida ay xogta sheegeyso, labada mas’uul ayaa gaaray heshiis hordhac ah, waxayna wararka sheegayaan in madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tanaasulay inta badan qodobadii khilaafka keenay. Farmaajo ayaa ogolaaday magacaabistii uu sameeyey Rooble ee ahaa in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaha hey’adda Nabadsugidda, wuxuuna markii hore codsaday inuu isaga magacaabo Bashiir Goobe balse waxaa arrintaas diiday Rooble. Arrinta Ikraan Tahliil ayaan weli heshis rasmi ah laga gaarin, waxaana la filayaa in kulamad tooska ah ee Farmaajo iyo Rooble xal looga gaaro. Farmaajo ayaa codsaday in kiiska Ikraan Tahliil loo dhaafo garsoorka. Shirka oo markii hore ka billowday Villa Uganda waxaa ka wada qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed , wasiirka waxbarashada iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta. Kaddib waxaa kulan gaar ah uga billowday Xafiiska Madaxweynaha, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa. Arrintaan ayaa ka dambaysay markii Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo khilaafka taagan. The post Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada u socda Rooble iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqday shirkadda ku guuleysatay qandaraaska xarraashka hawlgabka gaadiidka dawladda, oo ay kusoo tartameen afar shirkadood. Waxaana goob joog ahaa mas’uuliyiinta ugu sar saraysa guddida qandaraasyada qaranka, shirkadaha ku tartamayay qandaraaskaasi iyo mas’uuliyiin ka socota wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay shirkadda ku guuleystatay qanadaraaska xarraashka hawlgabka gaadiidka dawladda oo noqotay Yurub Xuseen Abiib, waxaana uu ugu baaqay shirkaddaasi in sida ugu habboon ay u fuliso qandaraaskaasi ay ku guuleysatay. Geesta kale, guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in qandaraaskaasi loo soo bandhigay qaab daahfuran isla markaana loogu tartamay daahfurnaan, isagoo u rajeeyay nasiib wanaagsan shirkadihii kale ee aan ku guuleysan qandaraaskaas. Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda gaadiidka iyo farasamada ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Muuse Ibraahin Yuusuf waxaana uu sheegay inay wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan sida daahfurnaanta leh ee uu u dhacay tartankaasi. Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah tartamayaashi ka qayb galay qandaraaskaasi oo sheegay inay ku qanacsan yihiin sida uu dhacay tartankaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Hadda Ogow Xilal Maanta Madaxweyne Biixi magacaabay & QABIILADA ay kasoo jeedaan xubnahan cusub. 1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Awdal Clan 2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. REER XUSEEN HABAR-YOONIS 3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. BICIIDE – East Burco Clan 4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd. CIISE 5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. CIMRAAN – East Burco Clan 6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. Gabiley Clan – SACAD MUUSE 7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. SACAD MUUSE – HABAR-AWAL 8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. Awdal Clan 9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka. East Burco Clan – AXMED FAARAX ISAAQ – 7 Awdal Clan – 2 CIISE – 1 Sool clan – 0 East Sanaag Clan – 0 GABOOYE – 0 Mogadishu Clan F-SH – 0 F.G Kama dhigna qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa si fudud inaad ku ogaato metelaada deegaankaagu ka helay xilalkan cusub ee Madaxweynuhu magacaabay. Mohamed Yusuf Bakayle. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in xisbiga WADDANI wasiir Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga guno, wasiirka ayaa sidoo kale ka jawabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha wakiilada Somaliland mudo ka hor. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Aad iyo aad baan uga xumahay si shakhsi ah in Koore maanta lagu yidhaa halkan gunno ayuu ku joogaa, sarkaal ciidamada ah ayuu ahaa, ana da’ dii naga yar yarayd, ayuu ahaa, 14 cisho kadib markii SNM dhulka soo gashay ragii aanu ku kulanay Oog ayuu ahaa” Wasiir Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Ayaan dhawaydna waxan maqlayay dad leh dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer daga dad macno leh oo la taaban karo kamay iman, ee dadka hada yimid ayaa ugu soo horeeyay, taariikh xumooyinka Somaliland ka dhacaya ayay kamid tahay” Xogeeyaha guud ee xisbiga waddani ayaa wasiir Saleebaan Cali Koore, ku eedeeyay in uu Somaliland ku joogo gunno, sidoo kale afhayeenka golaha wakiilada ayaa waraysi uu bixiyay muddo kahor ku sheegay in haldoorkii gobolada bariga Somaliland anay Somaliland joogin. Source
  10. Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo; Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar, Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone Ku: Abiib Xaamud Jibriil, Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera Mudane, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex 2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. 3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. 6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. 7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. 9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  11. Madaxweynayaasha dowlada goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dhexdhexaadinayay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasaare Rooble ayaa ku guuleystay in ay markii ugu horreysay isku keenay labada ma’suul oo maalmihii la soo dhaafay khilaaf xoogan ka dhexeeyay. Waxaana hadda kulan gaara oo albaabadu u xiran yihiin u socdaa madaxweyne iyo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo ay uga wadahadlayaan qodobada khilaafku ka taagan yahay. Kalankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo ka dhacay xarunta madaxtooyada oo la iskugu keenay labada mas’uul, kaas oo laga gaaray sida wararku sheegayaaa. is afgarad hordhac, waxaana kulankaas ka qeygalay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farjaamo iyo Ra’iisul Waaasre waxaa khilaafkooda xudun u ah magacaabista Taliyaha KMG ah ee NISA iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu ogolaaday in Taliyaha KMG ah ee NISA uu noqdo Bashiir Goobe, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ogolaaday sida wararku sheegayaan joojinta dacwada kiiska Ikraan Tahliil. Weli ma jiro is afgarad rasmi ah oo ka soo baxay wadahadalada ay garwadeenka yihiin Qoorqoor iyo Laftageeraan. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan uu Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Somalia, waxa uu xilka kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. Cabdisaciid ayaa horey u ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin, oo ra’iisul wasaare Rooble oo ka joojiyey shaqadii agaasimaha NISA, inkastoo markii dambe uu sheegay inuu is-casilay. Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud. Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha. Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Farmaajo, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska. The post Sawirro: Xil kala wareejin maanta ka dhacday Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  13. NAIROBI (HOL) - Authorities in Kenya said Saturday they have launched investigations into the disappearance of a Somali scholar who was reportedly bundled into a vehicle in Nairobi on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  14. Amsterdam (Caasimada Online) – Shiikh Suldaan Gasle oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands, ayaa galabta kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, wuxuu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaaf intii muddo ahayd ragadaadiyay guddiga maamula masjid Quba oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaal Amsterdam. Khilaafkani wuxuu u dhexeeyaa Iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah. Kulankan waxaa soo agaasimay guddi ka dhisan Amsterdam, guddigaasi oo ku soo baxay khilaafka, hasse ahaatee waxaa jira guddi kale oo ay horay labada dhinac ay ugu madax dhiibteen si ay go’aan xaq & xalaal ah uga gaaraan khilaafka ka dhexeeyo, inkastoo Shiikh Suldaan uu madasha galabta ka sheegay in xubno ka tirsan guddigaasi oo uu saluugay dhexdhexaadnimadooda darteed inuu dib ugala laabtay kalsoonidii uu ku qabay. Madasha kulanka maanta waxaa ku sugnaa Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafka u dhexeeyo, halka daraftii kale ay ka cudurdaaratay kulanka. Cali Waare, oo ka tirsan guddiga xalinta khilaafkaadka Amsterdam, isaga oo ka hadlayay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dedaalada guddigooda ay hormuudka u ahaayeen oo ahaa kuwa xal loogu raadinayo xiisada masjidka Quba, wixii hadda ka dambeeya ay ku soo wareejiyanayaan waxgaradka Soomaalida, isaga oo intaasi raaciyay in isaga & saaxiibadii ay ula muuqatay waajibaad diini ah in ay tahay in ay ku soo baxaan khilaafka, ujeeddada qura ee ay ka leeyihiinna ay tahay in xal loo helo khilaafka. “In la kulmo oo labada dhinac la dhagaysto oo walaalaha kale ee madasha ka maqan aan waqti siino aad ayaa u jecleyn, ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay arrintan, ujeeddadeenu waxay tahay in dhinacyada khilaafkani uu ka dhexeeyo in ay wadahadlaan si xal loogu helo khilaafka masjidka, maadaama masaajidka dadka ugu badan ee ku intifaacaya ay Soomaali yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna ka dalbaday Shiikha in maadaama daraftii kale ee uu khilaafka kala dhexeeyay ay madasha ka maqan tahay in maqnaashiyahooda la ixtiraamo. Shiikh Suldaan oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa dhinacyo fara badan ka hadlay, isaga ku xusay in uusan jecleysan in dadku ay afkiisa ka maqlaan wax ka duwan wixii looga bartay ee ahaa muxaadaro & fasiraada kutubta & culuunta diiniga ah. “Annagu haddii aan nahay Quba, markii hore halkee ka dhalanay.? SOMVOA ayaa ka dhalanay, anigoo iimaam masjid ka ahaaa ayaa rag culimo ah ay ii yeereen 2005-tii, culimadii ii yeertay waxaa ka mid ahaa Shiikh Shibili, waxaa la igu yiri howshan lagaama maarmi karo’e nala wad, waxaana shaqaale ka noqday masjidka” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in hindisaha lagu iibiyay dhulka uu masjidka ku fadhiyo & fadhiisinta howlaha masjidka oo soo billaabmay 2007-dii inuu oday ka ahaa, qeyb waynna ka qaatay sidii howshaasi ay u najixi lahayd, hasse ahaatee shaqsiyaad dhalinyaro ah, oo qaarkood ardaydiisa ka mid ahaa in ay isku dayeen in ay banaanka dhigaan. “Maalin bay ii yeereen, markii aan wada fadhiisanay ayeey igu yiraahdeen laga billaabo caawa, shaqada waynu kaa rafacnay, waxaan ku iri, sharciyadeed u cuskateen inaad shaqada iga fadhiisisaan.? sababaha ay go’aankaas isula qaateen waxaa ka mid ahaa; markii aan ka hor imid mashaariic aan la marin waddadii saxda aheyd oo laga bixiyay lacago masaajidku lahaa” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo dhinaca kalena ku eedeeyay [Aadan Kaah] oo ka mid ah guddigii 2da dhinac ay u xilsaareen xalinta khilaafkaadka inuu ka leexday dariiqii dhexdhexaadinimada, lana saftay xubnihii uu khilaafku kala dhexeeyay, sida uu Shiikhu yiri. “Dambiyada uu ALLE xarimay waxaa ka mid ah xoolaha dadka oo sifo aan sharci ahayn lagu cuno, hadhow qofkii isaga oo ay qoorta u suran tahay ayaa la soo saarayaa, ciddina oran maayo ciddaas ayaa xoolaha cuntay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan oo ay hadaladiisu u badnaayeen kuwa duur-xul ah, wuxuuna intaasi raaciyay in maalintii uu garaad yeeshay ilaa waqtigan oo madaxiisu ay ciro buuxisay in shaqada keliya ee uu yaqaan ay tahay fidinta diinta & wacyigelinta ummadda. Aniga & cid kale ba waxaa ka wayn maslaxada ay masaajidka ku qabaan ummadda muslimka ah, haddii qof howshaasi aniga iga mudan la helo waxaan diyaar u ahay inaan duca ugu daro” Ayuu yiri Shiikh Suldaan. Shiikh Suldaan waxaa kale oo uu sheegay in mushtamaca Soomaalida inuu ku soo celiyay ammaanadii ay u dhiibteen, isaga oo haweenka ku ammaanay sida ay hantidooda ugu bixiyeen dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka. Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, in guddigii ugu horreeyay ee howsha dhexdhexaadinta loo xilsaaray ee fadhigoodu ahaa Tilburg & Eindhohoven in iyaguna ay maalinta Axada ah oo taariikhdu ku beegan tahay 19 ay shir isugu yeereen jaaliyadaha Soomaalida, kana dalbadeen in ay ka soo qeybgalaan kulan ay ku shaacin doonaan natiijadii ka soo baxday dhexdhexaadintii ay muddada soo wadeen. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Sawirro: Soomaalida Holland oo maanta dhageystay daraf ka mid ah gudiyada isku haya maamulka Masjidka QUBA appeared first on Caasimada Online.
  15. Guricel (Caasimada Online) – Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, islamarkaana ka mid ah madaxda Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Sheekh Shaakir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Guriceel, halkaas oo maanta laga dareemayey soo dhaweyntiisa, waxaana magaalada isugu yimid inta badan culumada Ahlu-Sunna ee gobollada Dhexe. Shaakir ayaa deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb, kaasi oo keenay in markii dambe madaxda Ahlu Sunna isaga baxaan magaalada. Sidoo kale, hogaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadaan hoggaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah isla markaasna deegaanada Galmudug uu ka socdo dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor weli kama uusan hadlin safarka uu Sheekh Shaakir ku yimid Magaalada Guriceel. Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna. The post Sheekh Shaakir oo Guriceel tegay iyo Macallin Maxamuud oo ku wajahan Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolada iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale magacaabay mas’uuliyiin cusub. Muuse Biixi ayaa xilalkii ka qaaday mas’uuliyiinta kala ah: 1. Axmed Cige Maxamed Geeddi, Guddoomiyihii Gobolka Hawd. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi, Guddoomiyihii Gobolka Sanaag. 3. Axmed Xasan Cabdi Carwo, Agaasimihii Guud Baanka Dhexe. 4. Maxamed Sheekh Faarax Cumar, Guddoomiyihii Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 5. Abiib Xaamud Jibriil, Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera Dhanka kale madaxweynaha Somaliland ayaa magacaabay mas’uuliyiin kala ah: 1. Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. 2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. 3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. 6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. 7. Siciid Shugri Xuseen Cali, Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin, Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. 9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse, Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo Shan guddoomiye gobol iyo mas’uuliyiin kale magacaabay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA. Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah: 1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey 3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis 4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo. Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka. Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta. The post Maxkamadda ciidamada oo heshay laba qof oo xog ka haya kiiska Ikraan iyo madaxda NISA oo loo yeerayo appeared first on Caasimada Online.
  18. Degdeg:M/weyne Muse Biixi oo sameeyay Xilka-qaadis,Bedel &Magacaabis Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi; Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo; Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar, Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone Ku: Abiib Xaamud Jibriil, Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera Mudane, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex 2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh. 3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. 6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe. 7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone. 8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera. 9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  19. Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga si balaadhan ugu soo dhaweeyay Amb Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI. Amb Galaal ayaa ku dhawaaqay ku biiritaanka Xisbiga WADDANI “Waxa aan Shacab weynaha JSL u sheegaya in aan ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kana baxay xisbigii aad igu ogaydeen ee Kulmiye.” Amb Galaal ayaa sharaxay sababaha uu uga baxay Kulmiye “Nin kaliya ayaa Xisbiga Kulmiye wax walba ka ah oo hoggaamiya ahna Madaxweynaha JSL. Ninkaasi arrimihiisu waa goldaloolo, gef iyo gole ka fuul. Waxa uu meelo badan ka metela Madaxweynihii Maraykanka ee Donald Trump, waa nin waxa uu doono iskaga hadla oo aan sidii Donald Trump Twitter-ka uun wax ku qorin, waxa kale oo ay Trump iska metelan in lagu yaqaanay nin aargoosta oo ciil qaba oo aan dadka cafiyin, markaa ninka noocaas ah baa hoggaaminaya (Kulmiye) waa ninkii dadkii doortay ee bacadka u taagnaa halkii uu uga mahadcelin lahaa ku yidhi ‘fartiina ayaad eedi doontaan,”ayuu yidhi Amb Galaal Like Comment Share Hamza Muhumed Farah and 9 others shared a post. Xafiiska Afhayeenka M JSL t1S prohirnasoreund · Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-… See More Hamza Muhumed Farah 1tS4srspog nmfinsofreifds · Like Comment Share 0 Comments ⁠ Write a comment… Abokor Talaabocadde 3tS7srspog nmfinsofreifds · Like Comment Share 0 Comments ⁠ Write a comment… See 8 More Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu haatan ka bilowday shir xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. Wada-hadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galabeed iyo Galmudug oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu Rooble la tagay afar qodob oo ka mid ah kuwa keenay khilaafka haatan kala dhexeeya Farmaajo. Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ra’iisul wasaaraha u sheegay Lafta Gareen iyo Qoor Qoor in ay lama taabtaan yihiin qodobadaasi, uuna ka taasuli doonin, waxayna kala yihiin:- 1- Shaqo ka joojinta Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 2- In Bashiir Maxamed Jaamac Goobe uu yahay Taliyaha KMG ah ee NISA maadaama uu u xilkaas u magacaabay. 3- In Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur. 4- In Kiiska Ikraan Tahliil ay baarto Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamaddaas si cadaaladda loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay kiiskeeda. Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa horey u aqbalay xilka qaadista Fahad Yaasiin, wuxuuse u magacaabay la-taliyaha guud ee amniga Qaranka. Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in si gaar ah loo xalliyo, kiiska Ikraan Tahliil Faarax uuna bixiyo diyadeeda, sida uu shaaciyey Xasan Faarax oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan. Si kasta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Farmaajo iyo Rooble ayaa saameyn ku yeelatay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka 2021-ka. The post Shir xasaasi ah oo u socda Rooble iyo FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.