-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliban ayaa maanta si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamulaya ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Taliban ayaa isku ballaadhiyey magaalada, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin madaxtooyada. Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in kooxda ay maalmaha soo socda yeelan doonto wada-hadallo ku saabsan dhisidda dowlad Islaami ah oo loo dhan yahay. Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in magaca cusub ee dowladda uu noqon doono Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan, oo ah magacii horey loogu yaqiin intii Taliban ay xukumi jireen, kahor inta aanu Mareykanka ridin 2001. Hawada magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa diyaaradaha qumaatiga ukaca oo daad-gureynaya shaqaalaha Mareykanka, oo la sheegay inay maalmo ku qaadan doonto inay si buuxda uga baxaan magaalada. Dadka magaalada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah safiirka Mareykanka. Waxaa istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul. Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa. “Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yidhi bayaan uu soo dhigay faecbook. “Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yidhi. Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan Source
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan dhanka fogaan aragga ah la yeeshay madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Rooble ayaa madaxda dowlad gobaleedyada ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee arimaha doorashooyinka dalka. Dhanka kale qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble ayaa madaxda dowlad gobaleedyada ugu baaqay in ay kulan isugu yimaadaan magaalada Muqdisho khamiista. Hoos ka akhriso qoraalka Xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo baxay. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa si weyn cabasho uga muujisay tijaarta dalka iyo dadka ladan,kuwaas oo ay sheegtay inay dhibaatadda ugu badan ay dalka ku hayaan,isla markaana ay dhibaatooyinka dhulka iyo muranada ugu baddan qayb ka yihiin. Xukuumadda ayaa dadka Lacagta haysta ku eedaysay inay caqabad ku yihiin dhulka danta guud ee dalka,iyagoo isku daya inay lacag ku qataan dhul dan guud ah,isla markaana ay mararka qaar ku xanibaan jidadka iyo goobaha kale ee danta guud ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid oo arrintaas ka hadlay ayuu haddalkiisu u dhignaa sidan:-“Dadka ugu mishkiladda baddan waa dadka dhaqaalaha haysta annigu muddo baddan ayaan ka shaqaynayey Dowladdaha hoose waan aqaan dhulka dhibta dadka abuuraa waa dadka shacabka ah nin kastaa waxa uu doonayaa inuu waddada dhawr mitir soo gallo, hadhowna waxa uu odhanayaa isagoo ku soo durkay maxay Dowladdu wax uga qaban weyday, kuwa lacagta haysta ayaa ugu dhib baddan, nimanka lacagta haystaa waxay ku isticmaalaan dhaqaalahooda inay wax dan guud ah ku qataan ama wax dan guud ah ku xanibaan ama waddo ama dhul dan guud ah am wax kale ha noqotee, cida lacagta haysata ayaa arrimahaas gashay uun qof dan yar ahi ma gallo .”ayuu yidhi Waxa uu intaas ku daray Md. Cabdinaasir Caydiid “Nimanka u baahan in wax laga qabtaa ee dalka dhibaatada ku hayaa waa kuwaa ,waddooyinkii iyo dhulkii meel kasta kuwa rabshayaa waa cid lacag haysata uun.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda daakhiliga Somaliland. Source
-
Ciidamada Taalibaan ayaa gudaha u galay madaxtooyada Afgaanistaan ee Kabul, taas oo soo afjartay dowladdii Asharf Gani. Taalibaan ayaa gashay caasimadda kadib markii ay saacado badan hareereeyeen, iyaga oo kasoo galay dhinac walba. Madaxda Taalibaan ayaa hadda galay qofkii uu ka arrami jiray Madaxweyne Gani kadib markii ay isaga carareen isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka. Taalibaan ayaa la wareegtay Kabul oo looga saaray dagaal uu Mareykanka soo qaaday muddo hadda 20 sano laga joogay oo aheyd 11-kii September 2001-dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah nin uu soddog u yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in hankiisa iyo geeddigiisa siyaasadeed aanay wiiqin sida uu hadalka u dhigay dacaayado iyo hadal hayn badan oo uu la kowsaday wakhtigii uu saaxadda siyaasadda ku soo biiray. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo qoraal uu ku baahiyey degelka uu ku leeyahay Facebook ciwaan uga dhigay “Gu’gii Toddobaad iyo Geeddigayga Siyaasadeed” ayaa sheegay in bar bilawgiisii xilalka xukuumadda waxa uu ku tilmaamay kuwo la kawsaday buuq iyo dhawaaqyo badan balse uu u dhabar adaygay sida uu sheegay. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan: GUGII TODOBAAD IYO GEEDDIGAYGA SIYAASADEED Xurmada iyo xasaanada xilku qofka siyaasiga ah kama dhigto guuleyste, ee wuxuu ku hano qaadaa oo ku noqdaa gurgurshaa bisho ma daadshe ah siduu u middeeyo hiigsigiisa iyo hawlgalkiisa maalin nololeed. Bar bilawgii boggayga siyaasadeed wuxuu ahaa mid buuq dhawaaqyo badan leh iyo ka badbadin la kawsaday, taas oo ay adkayd xilligaas in la ogaado xaqiiqadu waxay tahay ee keentay nin siyaasada ku cusub inuu la kulmo xaaladahaas aynu soo xusnay. Maanta oo ku taariikhaysan 15kii August, 2021 waxay ii tahay maalin bilaw u ah sannadkii todobaad ee si xidhiidh ah aan ugu addeego Qarankayga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo suurto gelisay in bulshadaydu haysato min-qiyaas lagu cabiri karo tagtadaydii wixii taariikhdu iga qortay. Dacaayadaha suuqa la geliyo, dagaalka af-ka weerarka ah ee fadhi ku dirirku caanka ku yihiin ma wiiqaan ama igama dib dhigaan oo ma curyaamiyaan masuuliyaddaha isaaran, taas oo ii sahashay wixii samaa ee dhito iyo dhaxal gal noqday qarankaygu inuu midhihiisii guranayo. Source
-
Geedi -socodka burburkii dowladnimo ee Afgaanistaan iyo dib uqabasahda Daalibaan ee dalkaasi ayaa ku dhow heer gaban gabo ah, iyadoo dagalaamyaasha islaamiyiintu soo gareen duleedka caasimadda Kabul. sida laga soo xigtay wakaaladda “Reuters , Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday maanta oo Axad ah, in mintidiinta “Taliban” ay bilaabeen inay ka soo galaan caasimadda dhinac walba. Wakaaladda wararka Ruushka ee “Novosti” ayaa soo daabacday warbixinno ku saabsan in cutubyo katirsan Daalibaan ay qabsadeen Jaamacadda Kabul, oo ku taal galbeedka magaalada, isla markaana ay calankooda ka taageen ugu yaraan mid ka mid ah xaafadaha caasimadda, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dhismayaasha dowladda si degdeg ah looga saaray mas’uuliyiinta. Dhankeeda Wakaaladda Turkiga ee “Anadolu” ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan “Daaliban” ay la wareegeen xaafadaha ku xeeran caasimadda Kabul. Dhinaca kale, madaxtooyada Afgaanistaan ayaa barteeda Twitter -ka ku sheegtay in Kabul aysan lakulmin wax guluf ah. Madaxtooyadu waxay tilmaamtay in laamaha ammaanku ay si wada jir ah ula shaqaynayaan saaxiibada caalamiga ah, iyada oo ujeedaduna tahay xaqiijinta ammaanka magaalada, waxa ay madaxtooyadu ku nuuxnuuxsatay “in xaaladda gacanta lagu hayo.” Dhinaceeda Kooxda “Daaliban” ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ku amartay ciidamadeeda inay “istaagaan irdaha Kabul” iyagoo aan isku dayin inay galaan magaalada, taso ay gol ledahay inay ka fogaadaan rabshadaha, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inaysan “doonayn inay ku galaan magaalada xoog iyo dagaal, laakiin ay doonayaan in ay si nabad ah kula wareegaan ” Dhanka kale, sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Afgaanistaan Abdul Sattar Mirzakul ayaa ku sheegay muuqaal la duubay uu baahiyay kanaalka “Tolo News” in magaalada Kabul aysan ku dagaalami doonin oo si nabad ah loogu wareejin doono “Daalibaan”, isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay wali ka shaqeynayaan sugidda amniga Caasimadda. Bayaanka Daalibaan waxa lagu xusay in ay socdaan wada xaajoodyo lagu bilaabayo geeddi-socod ku -meel -gaar ah oo ay kula wareegayaan Kabul, iyada oo maamulka madaxweyne Ashraf Ghani uu mas’uul ka yahay amniga magaalada. Daalibaan ayaa ballanqaaday inaysan beegsan doonin milateriga iyo saraakiishii hore ee maamulka madaxweyne Ghani, iyagoo ugu baaqay qof walba inuu “ku sugnaado guryigiisa oo uusan isku dayin inuu dalka ka baxo.” Wakaalad wararka “Reuters” oo soo xigatay sarkaal ka tirsan qasriga madaxtooyada Afgaanistaan aya sheegtay in madaxweyne Ghani uu hadda wadahadallo degdeg ah la yeelanayo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmaay Khalil zaad iyo saraakiil sare oo ka tirsan gashaanbuurta NATO. Isla xilligaasi, sarkaal katirsan xukuumadda Afgaanistaan ah ayaa u sheegay Associated Press in “Daaliban” ay wafdi u dirtay madaxtooyada si ay ugala xaajoodaan wareejinta awoodda dalka, warbaahinta kalemaxaliga Afghanistan ayaa xaqiijisay warkaan. Warbaahinta gudaha iyo dibaddaba ayaa sadaalinaysa in wadahadaladan ay ka dhalan doonaan dhisidda dowlad ku meelgaar ah oo uu madax u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo safiirkii hore ee Afganistan u fadhiyay Jarmalka Cali Axmad Jalali, iyadoo la filayo in madaxweyne Ghani uu iscasilo saacadaha soo socda. Hoggaamiye ka tirsan “Daalibaan” oo ku sugan Doha ayaa u xaqiijiyay “Reuters” in Mullah Abdul Ghani Bar adir, oo ah ninka labaad ee ugu awooda badan Daalibaan uu isku diyaarinayo inuu ku laabto Afgaanistaan, iyada oo la filayo inuu ka qaybqaato wadatashiga wareejinta Talada dalka. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ergeyga Washington uqaabilsan afgaanistan ee Khalil zaad uu ka codsaday Taliban in aysan soo gelin Kabul inta aan la soo gabagabeynaynayo hannaanka daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo sidoo kale Afgaanistaaniyiinta laso shaqeeyay maamulka maraykanka, isagoo ergaygu tilmaamay in hannaankan laga yaabo in lagu daabulo in ka badan 10,000 Qof. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ergeyga Washington Khalilzad uu ka codsaday Taliban in aysan soo gelin Kabul haddii aan la soo gabagabeynin hannaanka daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaanistaan ee la shaqeynaya maamulka Mareykanka magaalada, isagoo tilmaamaya in hannaankan laga yaabo waxaa ku jira in ka badan 10,000 Qof. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Daalibaan isagoo sheegay in kooxdu ay u oggolaanayso Madaarka Kabul inuu shaqadiisa sii wato, isagoo intaas ku daray in isbitaallada magaalada aysan sidoo kale joojin doonin shaqada. Sarkaalka ayaa sheegay in xubnaha ciidamada dowladda ay ku laaban karaan guryahooda, halka ajaanibta ku sugan Kabul ay qasbanyihiin inay dalka ka baxaan, haddii ay rabaan, ama in ay iska diiwaangeliyaan xafiisyada saraakiisha maamulka ay soo magacaabaan daaliban. Sarkaal Mareykan ah ayaa wareysi uu siiyay “Reuters” ku sheegay in xubnaha ugu badan ee shaqaalaha Mareykanka ee Kabul ay hadda ka shaqeynayaan garoonka diyaardaha, isagoo tibaaxay in ka yar 50 shaqaale ah oo ka tirsan safaaradda Washington ay magaalada ku suganyihiin xiligan . Isbeddelladaan kaso cusboonaday caasimadda Kapul aya liddi ku ah dadaalada Washington oo weli sii wada howsha daad -gureynta shaqaalihii safaaradeeda ee caasimadda Afgaanistaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale xaalad adag ay soo wajahday dadka ku nool magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, taas oo la xiriirta fahataada wabiga Shabelle. Wabiga ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan fatahaad hor-leh ka geystay deegaano hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Deegaanada uu wabiga ku fatahay oo dhaca koonfur bari ee Jowhar ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Bayaxow iyo Boodaale ee gobolkaasi. Dadka deegaanka oo beeraley u badan ayaa waxaa ka soo yeereyso qeylo dhaan xoogan, iyaga oo dalbanaya in loo fidiyo gurmad deg deg ah, si looga hortego fatahaadda wabiga. Sidoo kale wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hr-Shabelle oo war kasoo saartay xaaladaha soo kordhay ayaa ugu baaqday dadka shacabka ah ee deggan deegaanada uu wabiga kiu fatahay iyo kuwa ku nool magaalada Jowhar inay sameeyeen feejignaan dheer. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in HirShabelle ay haatan wado dadaallo xoogan oo looga hortegayo saameynta fatahaadda wabiga Shabelle ee Shabeelaha Dhexe. Jowhar oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada Aqalka Sare ayaa haatan waxaa ka taagan cabsi la xiriirta fatahaadda oo markale go’doon hor leh gelin karta magaaladaasi. Fatahaadda wabiga Shabelle ee magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa soo noq-noqatay, waxaana saameynta ugu daran ay kasoo gaartaa beeraleyda & ganacsatada. The post JOWHAR oo markale wajaheyso xaalad adag – maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Afqaanistan)-Masuul ka tirsan ururka Daalibaan ayaa caddeeyey in ay qasriga madaxtooyada Afqaanistaan kaga dhawaaqi doonaan Imaarad Islaamiya, kaas oo ah magacii ay Daalibaan 20 sano ka hor u bixisay dalkaas oo ahaa “Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan” Dhinaca kalana ururku waxa uu fidiyey cafis guud, shaqaalaha dawladda waxa uu ka codsaday in ay sidii caadiga ahayd shaqada u wadaan, safaaradaha shisheeyahana waxa uu ku wargeliyey in ammaankooda la sugayo. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay war sheegaya in afhayeen ku hadlay magaca Daalibaan uu sheegay in siyaasadda Daalibaan ay ku dhisantahay, in laga tago ciqaabta dilka ah, dhagax ku dilka iyo xubno goynta, iyo in warbaahinta loo ogolaan doonon xorriyad ay ku naqdiyaan cidda ay doonaan, haddii aanay shakhsi weerar samaynayn. Waxa kale oo uu afhayeenkani xaqiijiyey in dumarka Afqaanistaan loo ogolaan doono in ay kelidood guryahooda ka bixi karaan iyaga oo aan lagu qasbayn muxram, in xuquuqda Haweenka la dhowri doono, iyo in loo ogolaan doono waxbarashada iyo shaqadaba, iyada oo keliya laga rabo in ay xijaab xidhaan. Haddii siyaasadahan ay Daalibaan dhaqangeliso waxa uu macnaheedu noqonayaa in ay si buuxda u beddeshay aragtiyihii hore ee ay dalkaas ku dhaqaysay 20 sano ka hor, intii aanay Maraykanka iyo xulafadiisu xukunka ka tuurin. Source
-
Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa maanta si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamulaya ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Taliban ayaa isku ballaariyey magaalada, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin madaxtooyada. Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in kooxda ay maalmaha soo socda yeelan doonto wada-hadallo ku saabsan dhisidda dowlad Islaami ah oo loo dhan yahay. Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in magaca cusub ee dowladda uu noqon doono Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan, oo ah magacii horey loogu yaqiin intii Taliban ay xukumi jireen, kahor inta aanu Mareykanka ridin 2001. Hawada magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa diyaaradaha qumaatiga ukaca oo daad-gureynaya shaqaalaha Mareykanka, oo la sheegay inay maalmo ku qaadan doonto inay si buuxda uga baxaan magaalada. Dadka magaalada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah safiirka Mareykanka. Waxaa istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul. Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa. “Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook. “Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri. Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah The post Wararkii ugu dambeeyey ee AFGHANISTAN iyo magaca cusub ee dowladda TALIBAN appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa si adag uga hadlay hanaanka loo maamulayo doorashada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka socota gobollada dalka, isagoo aad u dhaliilay madaxda dowlad goboleedyada, fariin culusna u diray. Indhacadde ayaa wax aan la qaadan karin oo ceeb ku ah qaranimada Soomaaliya ku tilmaamay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada, isagoo madaxda Soomaalida u soo jeediyey inay Allaah ka cabsadaan oo sidaan ay wax ka bedelaan. “Sidaan aad u dhaqmeysaan, hadaa ku sii socotaan Kaankare umadda Soomaaliyeed ku yaalla ayaa tihiin, war ilaahey ka baqa, sidaa u dhaqanteen qof masuul ah oo og in Allaah uu la xisaabtamaayo uma dhaqmo,” ayuu yiri Indhacadde. Sidoo kale waxa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda Soomaalida aysan casharro ka baran dhibaatadii uu dalku ku soo jiray 30-kii sano ee lasoo dhaafay. “Dhaqan waxaa la timaadeen aan horay loo arkin, waligey ma arkin, mana maqal waxa dhacay, 11-kii kursi ee aad sida khaaska ah u maamuleyseen sida aad u dhaqdeen waan u jeednaa, umadda Soomaaliyeed kuma faraxsana, ilaahey hadin soo hanuuniyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Indhacadde. Hoos ka daawo The post Video: Jeneral Indha-Cadde oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Abwaannada waaweyn ee Somaliland Qaarkood oo ka hadlay weeraro ay sheegeen in lagu soo qaaday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Guddiga sare ee Abwaannada Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay Warar ay ku tilmaameen inay been-abuur yihiin oo maalmihii u dambeeyay laga faafinayey faafinayeen Xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Abwaannada kala ah Cabdi-qays, Muuse Cali-faruur, Dacar iyo Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo dhamaantood ka tirsan Mus-dambeedka Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xarunta Dhaqanka, waxay ku deedafeeyeen Warar ku saabsan ‘in Xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu faafiyo dhaqamo lid ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suubaan ee Dadka reer Somaliland’, kuwaasi oo ay warbaahinta Bulshada ku faafiyaan Xubno uu ka mid yahay Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. Ugu horayn, Abwaan Cabdi-qays oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Daaha dabadiisa dad ku jiraa warar aan sax ahayn ka faafiyaan Xarunta dhaqanka, sidaasi darteed Dadka wada dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah xaruntaasi u tagaan Abwaannada oo habeen iyo Maalinba halkaa ku sugan. “Ninkii meeshan (Xarunta dhaqanka Hargeysa), wax ka sheegayaa Annaga ha noo yimaaddo, annagaa joogna ee ha inoo yimaaddo oo wuxuu ka sheegayo hana waydiiyo, Abwaannadii baanu nahay, Annagaa ku dhex jirna oo halkan ka shaqaynee ha noo yimaaddo..”ayuu yidhi, Abwaan Cabdi-qays. Abwaan Muuse Cali Cige (Muuse Cali Faruur) oo ah Abwaanka keliya ee haysta Shahaadada dhaqanka, ayaa sheegay in dagaalka lagu hayo Xarunta dhaqanku yahay mid ku socda dalka, ee aan ahayn mid loola jeedo Xarunta dhaqanka ee Hargeysa. “Waxaan ahay Abwaanka keliya ee haysta Shahaadada dhaqanka ee Somaliland ama Soomaali, waxa Ayaan-darro ah in meeshaan habeen iyo dharaar joogo Dadka doonaya inay sawir kale ka bixiyaan ama Dadka ay si kale wax ugu sharraxaan. Adeer ninkii arkay waxaan Anigu arki waayay ha noo yimaaddo oo hana tuso, hadduu wax khalad ah naga tuso Annagaa (Isaga) raaciye, dalka Somaliland Maanta halka uu marayo waxaad mooddaa in marmarsiiyo loo sameeyo si lugaha loo qabto ama iyaga gudahooda la iskugu geeyo, taana lana marsiin maayo, Waayo? annagaa Abwaannadii dhaqanka ah,” sidaas ayuu yidhi Muuse Cali-Faruur. Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo isaguna hadal ka jeediyey kulanka, ayaa yidhi, “Bahda dhaqanka Xagga da’da Ragga ugu weyn baan ahay, waxa malaha igu dhow ama aanu isku wakhti ahayn oo aan garanayaa Jaamac Saleebaan markaad Somaliland oo dhan isku keento, markaa ninkuna mar hadduu da’daa joogo ‘Cimri tagay, Ceeb laguma Sagootiyo’ 65 sanadood ayaanu waxaa ku jirnay, Ummaddayadana Ceeb la’aan ayaanu kula nool nahay, wax Magacayaga iyo meel aanu joogno ceeb na marmariya oo sita Burush ceeb ahna ka yeeli mayno,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Aadan Dacar. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dalkayaga in meel kale la naga soo galo oo dhaqankayaga lagu soo dhuunto ka yeeli mayno, kana aqbali mayno, hadduu sii wadana intaa in ka badan baanu sheegi oo aanu taaban. Dalkaa loo socdaa, maaha waxa loo socdaa dhaqanka, Diin baa lagu soo dhuumanayaa, Diinta Raggii Adduunka ugu sarreeyay baa halkan jooga, iyagaana jooga oo noo sheegaya wixii khaldan oo aanu ka qaadanaynaa.” Ugu dambayn, waxa halkaa ka mid ah Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ka mid ah Maamulka Xaruntaasi. “Haddaan ka hadlo Xarunta dhaqanka Hargeysa, llaa 2012-kii ayaan ka mid ahaa Dadka sida joogtada ah uga shaqeeya, kana shaqeeya, runtiina Maamulkeeda waan ku jiraa, Nin walbana halkii kaga soo beegan dhaqanka, wixii wanaag ah iyo danta Ummadda iyo Islaamnimadu ay yihiin ayuun baa lagu dedaalayaa, waxaanan is leeyahay intii karaankaaga, aqoontaada iyo Waayo-aragnimadaadu ahayd dedaal kuguma yarayn. Intii aan ka shaqaynayey xaruntan waxa la igu bartay, la iguna yaqaanaa, waxa iga soo foofaana uu yahay wax ku lug leh Taariikh ha noqoto, dhaqan ha noqoto, Murti ha noqoto ama Hawaale-waran kale ha noqotee salka ku haya Diinta Islaamka. Marka la isugu yimaaddo Bandhigga Buugaagta Hargeysa (Waxaan soo jeedinayaa barnaamijyo Diini ah), tii ugu dambaysay waxay ahayd ‘Barnaamij ku saabsan Diinta Islaamka iyo Geeska, gaar ahaan Dhulka Soomaalidu Taariikh ahaan sida uu yahay ama sida uu ahaan karo iyo wixii ku lug leh (ayaan soo jeediyey).”ayuu yidhi. Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu faahfaahiyey sida dhallinyaradu uga faa’idaysato Xarunta dhaqanka Hargeysa. “Waxaan Caddaynayaa intii aanu joognay Xaruntan, waxa ii muuqata sida dhallinyaradu uga faa’idaysanayso, Maktabadda Buugaagta ha ahaato, iyaga dhexdooda waxay kala faa’idaysanayaan ha ahaato, halkii ay leexan lahaayeen ama Qayili lahaayeen ama siyaabo kale Waddo u mari lahaayeen meel ay kaga soo hirtaan weeyaan xarunta dhaqanka Hargeysa,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Dalmar. Qaran News
-
Xildhibaan Guruuje oo Xaal & Raaligelin ka bixiyey Xaflad lagu maamusay oo xoog lagu joojiyey xaal iyo apologize ” . Habeen dhawayd ayay hablo ka mid ah dadkii isoo doortey igu casuumeen xaflad hotel xayaad , xafladii oo aanan waxba kala socon Qaban qaabadeeda ayaa maqribkii la igu wargeliyay in la keeney askar police ah , ka dibna waxaan ku wargeliyay in xafladda la iska joojiyo si aan Muranba u imanin ,ana waan iskaga joogey , waxaanan hawadda u mariyey qoraal aan ku raaligelinayay hablaha I casuumey . Hadaba wixii ka dhacey hotel xayaat oo ahaa gef sharci darro ah oo aniga la iila jeedey , waxaan ka raali gelinayaa ,hablaha xafladoodii xooga lagaga joojiyey , Xildhibaanadda xasaanada leh ee goobta joogey , hoteelka xayaat iyo guud ahaan shacbigga warkaa xumi gaadhey ,waxaanan leeyahey walaalayaal dhamaantiin xaal iyo apologize IGA gudooma , iskana raali ahaada . aniguna xumaantaa la iila badheedhey waxaan u leeyahey dul madaximo oo aan ku qaado aniga ayaana iska raali geliyay . Qore Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in siyaasiinta iyo dhaqanka Beesha Xawaadle ogolaadeen in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ay uu tago magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, islamarkaana ay la shaqeeyaan. Kulamo maalmahaan ka socda Muqdisho ayaa hada u wareegay Beladweyne, waxaana la filayaa in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta soo bandhigaan waxyaabaha ay kula heshiin karaan Madaxweyne Cali Guudlaawe kadibna loogu yeero magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Siyaasiinta Xawaadle ayaa is tusay in Cali Guudlaawe uu haysto sharciyad iyo muddo xileed uu ku shaqeeyo, islamarkaana haddii ay sii diidaan ay ku waayi karaan waxyaabo badan oo ay xaq u lahaayeen gobal ahaan, iyo in dhallinyarada ku sugan duleedka Beladweyne aysan sii joogi karin banaanka magaalada. Xildhibaano iyo siyaayisiin beesha Xawaadle u dhashay ayaa Sabtidii gaaray Beladweyne, iyadoo ay halkaas ay ka billowdeen kulamo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, iyadoo la filayo in dhowaan ay soo saaraan in magaalada loo ogolaaday Cali Guudlaawe. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr jeer ku hunguubay in uu tago Beladweyne, waxa uuna u arkaa tagitaankiisa gobalka Hiiraan arrin muhiim u ah shaqsiyaadiisa maadaama uu la daala dhacayay eedo iyo dacaayado ka dhan oo ku aadan tagistiisa Beladweyne. The post Guudlaawe oo loo ogolaaday inuu tago Beledweyne – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiinta heer gobol ee Puntland iyo Galmudug, ayaa sida ay sheegeen ku guulaystay in ay dib u celiyaan geel ay kala haysteen xoola dhaqato ka soo jeeda labada maamul. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in la wareejiyay 13 neef oo geel ah, oo ay kala haysteen xoola dhaqatada ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Munaasabadda oo ka dhacday degaanka Godod bariga magaalada Gaalkacyo, waxa goob-joog ahaa mas’uuliyiinta labada dhinac iyo saraakiisha Amniga heer gobol. Mas’uuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobolka Mudug ee oodwadaagtaa , waxaana ay dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada iyo Xasiloonid ilaaliyaan. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo dib u celiyay geel la kala dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Taalibaan oo shalay qabsaday xarunta madaxtooyada Kabul, ayaa ku dhawaaqday in uu si rasmiya u dhammaaday dagaalkii in ka badan 20 sano ka socday waddanka Afghanistan. Af-hayeenka xafiiska siyaasadda ururka Taalibaan, Maxamed Naciim ayaa sheegay in dagaalkii Afghanistan uu ku dhammaaday guul ka dhalatay miraha halgankii shacabka dalkaas. “Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsadaan dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno” ayuu yiri Af-hayeenka. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalka isaga baxay Axaddii Shalay, kadib markii Taaliban ay soo galeen caasimadda Kabul, isagoo sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado ‘dhiig daata’. Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaanba qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo ku dhawaaqday in uu si rasmiya u dhamaaday dagaalkii Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Munaasibad caawa ay haween magaalada hargaysa ku dhaqani uqabanayeen xildhibaan guruuje iyoxildhibaano kale oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada cusub ayaa waxaa hor istaagay ciidamo boolis ah kuwaasi oo gabi ahaanba diiday in la galo huteelkii loogu talo galay munaasibadu in ay a qabsoonto. Ciidamada booliska ayaan faah faahin ka bixin sobobta ay uhor istaageen qabsoomida munaasibadani iyagoo dadkii kasoo qaybgalay xoog ku kala eryay. Dhanka kale qaarkamid ah xildhibaanadii ka qaybgalay munaasibad oo warbaahin la hadlay ayaa sikulul ucanbaareeyay talaabada ay ciidamadu kaga joojiyeen munaasibada taasi oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah ismarkaana ah cabudhin iyo cago juglay, Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- Qaran News
-
Afhayeenka Kulmiye oo Sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin Doorashada soo Socota Afhayeenka Xisbiga talada haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu ku dooday uu dhacayo ruqsadooda Xisbinimo. Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dallada SONSOF, ayaa yidhi ‘’Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni. Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtida, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-ka, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov. 2022-ka. Haddii la hir geliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada, ayaa dhigaya in lix biloor ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in doorashada xildhibaanada golaha shacab ay madaxda dowlad goboleedyadu u maamushaan si lamid ah tan golaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa qiray in cadaalad darro badan ay ka dhacday doorashada golaha Aqalka Sare, balse tan golaha shacabka ay maamulkeeda leeyihiin qabaa’ilka iyo guddiga doorashooyinka. “Ma aqbali karno hadii la yiraahdo maamulka doorashada golaha shacabka sidii tan Aqalka Sare madaxda maamul goboleedyada gacanta haloo geliyo, bulshada Soomaaliyeed-na ma aqbali karto,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro. Waxa uu qiray in doorashadu ay macno ku leedahay in kursiga loo tartamo oo cod lagu kala adkaado. “Doorasho waxaa la dhihi karaa madaxweynaha maamul goboleedkaas jooga qofka uu necebyahay in uusan ka reebi karin doorashada, laakiin ma soconeyso qofkii aan rabo ayaa soo baxaya, kii aan doonana waan ka reebayaa doorashada dhan,” ayuu yiri. Maxamed Cirro waxa uu intaas ku sii daray, hadii aysan arrintaas meel adag ka istaagin ka guddi ahaan, inuu aaminsan yahay in dalka dhan ay u hor-seedi karto khatar weyn, oo jiritaankiisa ay wax u dhibi karto doorashada oo la boobo. “Soomaaliya inay saan ahaato waa wax doorasho ku yimid, in la dilo madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa sabab u ahaa qalad doorasho ka soo bilaawday, waxaan aaminsanahay mar kasta oo aan ogolaano in wax la is daba mariyo oo doorashada la gacma-gacmeysto, inaan khatar gelineyno jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Cirro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qarnka. Hoos ka daawo The post Daawo: Guddiga doorashada oo shaaciyey arrin laga cabsi qabo oo ay ka hor-tagayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanka Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan Gobolka Baay. Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheikh Cabdullaahi (Ciirow), ayaa warbaahintu ka soo xigatay in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley, kadib weerar qorshaysan oo Ciidamadu halkaas ka fuliyeen. Taliye Ciirow, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, islamarkaana laga burburiyay saldhig ay ku lahaayeen degaankaas. Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay, sheegashada Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku saabsan in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen Goofgaduud Shabeeley appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan waddanka Masar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya dalka Masar. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, in Ra’iisal Wasaare Rooble uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha waddanka Masar, Cabdulfataax Alsiisi. Rooble waxa safarkiisa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golihiisa xukuumadda iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA. Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo waddanka Masar, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi iyo madaxda kale ee dalkaas. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan waddanka Masar appeared first on Puntland Post. -
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada milatariga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan gobolkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay weerarkan ku dileen ugu yaraan 9 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna burburiyeen saldhig ay ku lahaayeen halkaasi. Ciirow ayaa sidoo kale intaasi ku daray in haatan ku sugan yihiin deegaanka Goofgaduud Shabeeley, isla-markaana ay si wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hada ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda goobihii lagu dagaallamay ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay markale soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo ballaaran oo ay si wada jir ah fulinayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM. The post DF oo guullo ka sheegatay howl-gal ka dhacay Baay appeared first on Caasimada Online.