Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay sheegtay in Garoowe lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaas mas’uul xallintoodu ku dhammaan doonto caasimadda Garoowe. “Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu yiri Qawdhan. Sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada oo ku ballansan Shirka Garoowe ayuu ku yiri “soo dhowaada ayaan idin leenahay madaxda maaamuladow, hooyada Federaalku gacmo furan ayay idinla diyaar tahay doorasho ayayna rabtaa” PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay xallinayso khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
  2. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Xananbuurre ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka markale ku dhexmaray deegaanka Laba beel oo walaal ah oo deegaanka Wada daga. Dagaalka ayaa la sheegay in uu daba jooga dagaal shalay gelinkii labada beelood deegaanka ku dhex maray. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xananbuurre saaka ka socda. Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen illaa iyo 8 qof oo ka kala tirsan labada beel ee dagaalka u dhaxeeyay. Ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shalay ku baxay dagaalka illa iyo haddana ma jirto xal laga gaaray dagaalka labada beelood ee wada daga deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Booliiska magaalada Winnipeg ee waddanka Canada ayaa xabsiga dhigay laba qof oo ku eedaysan dilka wiil Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Yuusuf Abiikar ayaa sannad iyo hal bil ka hor lagu dilay magaalada Winnipeg xilli uu fasax ku joogay. Dadka loo qabtay kiiskan oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka. Booliiska Canada ayaa laga soo xigtay in baaritaan dheeriya lagu samaynayo labada eedaysane. PUNTLAND POST The post Booliiska Canada oo laba eedaysane u qabtay dilka wiil Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  4. KUANTAN (Bernama): The Foreign Ministry is closely monitoring the detention and legal process imposed on a Malaysian man who allegedly entered Somalia to engage in the activities of the Al-Shabab group, says its minister Datuk Saifuddin Abdullah (pic). Source: Hiiraan Online
  5. The United Nations Security Council on Saturday expressed "deep concern" over a spiralling feud between Somalia's president and prime minister and called for both restraint and fresh talks. Source: Hiiraan Online
  6. Laba qof oo dhalinyaro ah ayuu caawa dhaawac culus soo gaadhay, kadib Gaadhi nooca raaxada ah oo galay maqaaxi lagu cawaynayey oo ku taala badhtamaha Burco. Shilkan ayaa ahaa mid halisa marka loo eego goobta uu beegsaday gaadhigu oo ah goobaha ay ku kulmaan dhalinyaradu. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey safaf dhaadheer ugu jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu khilaaf adag soo kala dhex galay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa kasoo wareegay xafiiska madaxweynaha, iyagoo u baqaya mustaqbalkooda xildhibaanimo oo saameyn badan uu ku leeyahay Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga maamulayo doorashada reer waqooyiga oo Muqdisho ka dhaceysa. Labada wasiir ee ka tirsan Xukuumadda Rooble, isla markaasna kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee kala ah wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo kan Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa si toos ah ula saftay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maadaama ay u sharaxan yihiin Xildhibaano. Sidoo kale, waxaa khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Farmaajo ka gaabsaday inuu ka hadlo Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo sidoo kale ah musharax doonaya in sanadkaan uu noqdo Xildhibaan. Sababta ay reer waqooyiga ula safteen Rooble ayaa lagu sheegay inuu Ra’isul wasaare Rooble uu si toos ah isku hoos geeyey awoodda lagu faragelin karo kuraasta reer waqooyiga. Xafiiska Rooble ayaa xaqiijin iyo kor joogteen ku sameyn doona in badan oo kamid ah mashruuca doorashooyinka reer waqooyiga, xulista ayuu sidoo kale awood ku leeyahay, waana marka la eego ama lagu dhaqmo habraacii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka. Sidaas darteed, siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa Ra’isul wasaare Rooble u arka inuu waqtigaan kala guurka ah kaga muhiimsan yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan wax awood ah ku laheyn doorashada xubnaha Somaliland. Tan iyo markii Ra’isulwasaare Rooble uu la wareegay maamulka doorashada xubnaha Somaliland ayaa waxaa socday dadaalo kala duwan oo ay midowga musharixiinta ku doonayaan inuu Rooble xubno ka siiyo xildhibaanada gobollada waqooyi. The post Xog: Sababta ay siyaasiyiinta reer waqooyiga ula safteen Ra’iisul Wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  8. Dhismaha Capitol ee Mareykanka oo heegan la geliyay Boqollaal saraakiil boolis ah ayaa la geeyay dhismaha aqalka Capitol ee Mareykanka, xilli ay isu soo bax ku dhigi rabaan taageerayaasha dadkii galay dhismaha 6-dii January, iyagoo isku dayayay inay ka hor imaadaan guushii madaxweynihii hore Donald Trump looga guuleystay doorashada. Booliiska ayaa baadhitaanno dheeraad ah ku sameynaya dadka booqanaya garoonka u dhow ee Washington, si ay uga hortagaan qalalaaso. Saacado kahor inta uusan isu soo baxa billaaban, booliiska Capitol ayaa isu diyaariyay sugidda ammaanka. Qaran News
  9. 5 Shaqo oo qarka u saaran in laga waayo Caalamka+Sababta Waxaa jiraa shaqooyin qaar oo ka ciribtirmi doono dunida maadama ay soo ifbaxayaan aalado casri ah oo qaban karaa shaqooyinkaas xilli dunida ay ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka horumarinta shaqooyinka iyo waxsoo saarkaba. Hadda iska jir shaqooyinka qaar ee qarka u saaran in la waayo sanadaha soo socda. Darawalnimada Darawalnimada ayaa kamid ah shaqooyinka meesha ka bixi karo xilli waaxyaha gaadiidka adduunka la casriyeeyay taas oo wax ka baddali karto dhammaan sida loo howlgeliyo. Waxaa jiraa malaayiin qof oo ku tiirsan shaqada darawalnimada oo ka cabsi qaba in arrintani ay saameyso mustaqbalka. Sida laga soo xigtay xarunta Goldman Sachs , dad lagu qiyaasay 3 malyan oo ku nool Mareykanka ayaa halis ugu jiraa inay waayaan shaqooyinkooda maadama ay soo korodhay teknooloojiyada casriga ah ee lagu kaxeeyo baabuurta. Isbaddallada lagu saameeyo gaadiidka adduunka ayaa sii ballaaranayaa, 25-ta sano ee soo socota waxaa yaraan doonaa shaqooyinka darawalnimada. Haatan waxaa dunida la wareegay qalabka teknooloojiyadda oo ganacsigii iyo suuqyada qabsaday, xitaa dowldaha qaar waxay bilaabeen xoojinta xirfadaha la xiriira teknooljiyadda. Dowladda Jarmalka waxay bilowday inay taageerto mashruucan isla markaana waxay daneysay qorshaha ku aadan baabuurta sida iskood ah isku kaxeynayo. Waxay sheegtay in meesha lagu gaaro 2040 in baabuur lagu qiyaasay 33 milyan ay geli doonaa waddooyinka dalkaas kuwaas si iskood ah isku kaxeyn doono. Dhakhtarnimada Waa arrin wareerkeeda leh maadama bukaanada ay ku tiirsan yihiin dhakhaatiirta. Kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona wuxuu isbaddallo ku yimid waaxyaha caafimaada adduunka, waxaana la xaqiijiyay in xitaa dhakhaatiirta ay ku adkaatay inay ogadaan cudurrada qaar taa baddalkeedana lagu ogaado teknooloojiyadda. Waxaana shaqadan halis gelinayaa qalabka casriga ah ee caafimaadka qaabilsan sida adeegsiga adeeg la yiraahdo ‘telemedicine’ oo horseedi karo in dhakhtarka uu xaaladda la socdo adiga oo jooga meel fog. Dhakhaatiirta Waxay tani dhalin kartaa in laga maarmi karo dhakhaatiir fara badan maadama la adeegsanayo qalab casri ah. Kadib saameynta Karoona, shaqaalaha caafimaadka waxay safka kaga jireen la tacaalidda bukaanada uu ku dhacay Covid-19 sidaa darteed qaarkood waxay halis u galeen in uu ku dhaco cudurka, tani waxay horseedi kartaa in uu hoos u dhac uu ku yimaado tirada shaqaalaha caafimaadka ee adduunka. Shaqooyinka la xiriira maamulidda maktabadaha Dadka waxay haatan isaga tageen maalmihii buugaagta lagu soo akhrin jiray maktabadaha iyo cilmo baarista lagu soo sameyn jiray, wax kasta waxaa baddalay dunida casriga ah. Haatan waxaa dunida ka howlgalaa maktabado casri ah. Xitaa baryahan dambe waxaa buugaagta laga heli karaa internetka oo qofka dhaalacan karo isaga oo gurigiisa joogo. Maqal hayaha ( khasnaji ) Maalmihii hore waxaa jiri jiray qof lacagaha ka uruuriyay xarumaha ganacsiga iyo goobaha kaleba isaga oo kuu soo celinayo baaqikaaga. Dunida casriga ah waxay horseeday in dadka intooda badan aysan adeegsanin lacagaha caddaanka ah. Waxaa soo ifbaxay adeegyo casri ah oo lacagaha lagu xawisho ama lagala baxo. Adeegyadaha la xiriira waxaa haatan intooda badan laisku marsiiyaa Online-ka Shaqaalaha bangiyada Bangiyo badan oo adduunka ku yaalla, waxay haatan yareynayaan shaqaalaha maadama adeegyadaha lacagaha lagu sameeyo adeegyada casriga ah ama Digital-ka. Mustaqbalka waxaa dhici kartaa in bangiyada qaar ay iska xiraan xarumahooda maadama adeegyada ay ku fulin doonaan Online-ka. Dunida waxaa haatan si weyn loo maalgelinayaa ganacsiga Online-ka maadama adeegyada la xiriira lacagaha laisku marsiin karo halkaas. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jaamacada iyo booliska Soomaaliya, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa amray in la xareeyo askar ilaalo ka aheyd Jaamacada oo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya. Ammarka Janaraal Xijaar ee ciidanka looga watay Jaamacada Umada ayaa yimid kadib markii maamulka Jaamacada u diideen in ay siiyaan 25 minxo waxbarasho oo dibadda ah. Xijaar ayaa la sheegay in uu codsaday Minxooyin ay Jaamacada ka hesho, Turkiga, Ruushka iyo Taliyaaniga in laga siiyo 25 kursi oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ah, hase yeeshee maamulka Jaamacada ayaa sheegay in 5 kurso oo sidaan oo kale hore loo siiyay uusan uga faa’ideen booliska Soomaaliya, balse uu siiyay dhalinyaro ka yimid degaanada uu dago. “Minxooyinkii hore loo siiyay ayaa ahaa dalka Ruushka, mana siinin ciidanka magacooda ayuuna ku qaatay, hada waxa uu rabaa 25 oo ah wadamada ugu fiican ah sida Ruushka, Talyaaniga iyo Turkiga macquulna ma ahan,” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka Jaamacada oo la hadlay Caasimada Online. Jaamacada Umada ayaa keensatay askar kale oo gaar ah oo aan qayb ka aheyn ciidanka booliska Soomaaliyeed mana jirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca taliyaha booliska ee la eedeeyay. Jaamacada Umada Soomaaliyeed waxaa guddoomiye sharafeed ka ah Madaxweynaha Soomaaliya ee talada haya ilaa haddana ma jirto wax warbixin oo lala wadaagay ilaa hadda, sida aan warbixinta ku helnay, waxaana xafiiskiisa ka jira mashquul badan oo dhinaca siyaasada ah. The post Xijaar oo ciidankii ka watay Jaamacada Umada, kadib markii ay ka diideen codsi appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa ku baaqey joojinta xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa dalbadey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo saakay ka aloosantay dil loo geystay qof shacab ah, iyagoo si gaar ah uga dalbadey maamulka Galmudug in uu ciidamo soo celiya xasiloonida udiro Deegaankan. Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa iyana ugu baaqey siyaasiyiinta labada dhinac in ay si deg deg ah u gaaraan deegaankan oo ay isisoo hor fariisiyaan odayaasha si xal loo gaaro. Ugu dambeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna ku simaha wasiirka mudane Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa adkeeyay muhiimada nabaddu u leedahay shacabka Xananbuure oo mudo lagu howlanaa heshiisiintooda. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ku baaqday joojinta colaad ka jirta Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Cabdi Sheekh Farxaan oo hore u ahaa Amiirkii Al-Shabaab ee Baar-sanguuni iyo Xubin kamid ah guddiga shuurada ee kooxdaasi, ayaa xiligan ah Shaqsi si weyn u kala fur-fura dagaal-yahanada Al-Shabaab. Cabdullaahi oo kasoo hor-muuqday barnaamijka Daljir ee Telefishanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in sababta u weyn ee kooxdaas ugu baxay aheyd kadib markii uu arkay gefaf badan oo ka dhan ahaa Diinta Islaamka. “Markaa shaqadoodii ka tegay, waxay (Al-Shabaab) i xireen 40 cisho kadib markaa ka hor imid in aan soo guro lacagaha ay ka qaatan beelaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh. Markii uu ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay maamulka Jubbaland, oo asagu uga faa’iideystay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee maamulku kula jiro fikirkaas xagjirka. Cabdullaahi Sheekh Cabdi ayaa waxa uu waqti badan geliyay tan iyo markii uu kasoo baxay kooxda Al-Shabaab sidii uu dad badan uga soo saari lahaa kooxdaas, maadama uu xiligan is-bedel weyn ku yimid fikirkiisi. “Dadku inta badan wey ila soo xiriiran, aniguna aan qolada amniga la xiriiriyo, kadib marka aan tagno furimaha hore ayaa ka shaqeyna sidii aan ninkaas u soo galin laheyn xeyndaabka aan rabno,” ayuu yiri. Si kastaba, waxa uu ku guuleystay intii uu ku jiray howsha kala fur-furka Al-Shabaab in kooxdaas ka soo baxaan in ka badan 100 ruux oo iskugu jira dumar iyo rag, kuwaasi oo badankooda ay fursado shaqo abuuris ah siisay maamulka Jubbaland. The post Nin kaligii ku guuleystay inuu Al-Shabaab kaso xareeyo dad kor u dhaafaya 100 qof appeared first on Caasimada Online.
  13. Kadib buuqii ka dhashay xalay doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in la guda galo howlaha doorashooyinka, isla markaana la dhameystiro Saddexda Xubnood ee Maamulka Hir-Shabeelle uga harsan Aqalka Sare. Kursiga buuqa uu ka dhashay ee doorashada loo hakiyay xalay ayaa waxaa ku tartamayay Cali Shacbaan Ibraab, CabduQlqaadir Xanafi Sheek Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar & Cabdalle Cabdi Xuseen Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar ay buuq ka sameeyeen Goobta doorashada, kuwaas oo uu sheegay in Guddiga anshax la marin doono. Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaannada buuqa ka sameeyay Goobta doorashada aysan jirin eax cabasho ah oo ay wadeen, balse kaliya fowdo ay sameeyeen lana xalin doono. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta la geba-gabaynayo appeared first on Puntland Post.
  14. Jowhar (HOL) - Hirshablle MPs abandoned the federal senate election in Jowhar on Saturday after unhappy candidates and their supporters chanted angry slogans and physically obstructed election administrators from conducting the vote tally - at one point cutting live TV coverage and shutting off the lights in the election venue. Source: Hiiraan Online
  15. Doorashadii Aqalka Sare ee caawa ka socotay magaalada Jowhar ayaa lagu kala tagay markii buuq iyo gacan-qaad ka dhacay hoolka doorashada. Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa buuqa iyo gacan-qaadka bilaabay xili ay dhamaatay cod tirinta wareegga koowaad ee doorashada kursiga lixaad Aqalka Sare oo ay ku tartamayeen 5 musharax oo beesha Xawaadle ka soo jeeda oo mid ka mid ah tanaasulay. Doorashada oo ahayd mid toos loo daawanayay ayaa markii dambe lagu kala tagay, mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay guddiga doorashada iyo guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle. Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale xili habeen ah ay isu gacan-qaadeen guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo isku qabtay doorashada Aqalka Sare. Saddex xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa caawa qorshuhu ahaa in la doorto, hase ahaatee waxaa doorashadiisu si caadi ah ku dhamaatay hal kursi oo ku guuleystay Axmed Maxamed Cali Afcadeey. Afcadeey oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa wareeggii 2-aad ee doorashada 52 cod kaga guuleystay xildhibaankii hore kursiga ugu fadhiyay Maxamed Amiin oo helay 44 cod. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka duwan doorashooyinkii kale dowlad goboleedyada, waana mid adag oo ay cod ku kala baxayaan musharaxiin kala aragti duwan. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Doorashadii Aqalka Sare oo buuq iyo gacan-qaad ku dhamaatay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin oo lagu waday inuu shalay ku laabtay Muqdisho, ayaa lagu xanibay dalka Jabuuti, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo kadibna dib ugu laabtay magaalada Istanbul. Dowladda Jabuuti waa ay beenisay in Fahad ay xanibtay, waxayna sheegtay in sababta diyaaradda Tukish Airlines ay uga baaqatay duulimaadkii Muqdisho ay aheyd cilad farsamo. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta ka degtay Muqdisho, hase yeeshee ma uusan saarneyn Fahad. Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay diyaaradaha caalamiga ah siiyeen amar ah inaysan soo qaadi karin Fahad Yaasiin. Haddaba maxay ka dhigan tahay imaanshaha Fahad? Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa sheegay in imaanshaha Fahad, haddii ay dhacdo ay guul weyn u tahay madaxweyne Farmaajo. “Imaanshaha Fahad waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin saameyn weyn ku leh dalka, sidoo kalena ah xeelad yaqaaan wax kala furfuri kara. Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahay Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble. The post Maxay imaanshaha Fahad Yaasiin uga dhignaan doontaa Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  17. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka ka dhex-taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo saameeynta uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Xubnaha Golaha Amaanka oo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ayaa qoraal ay goordhweyd soo saareen ugu baaqay dhinacyada in ay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal, ayna muhiimada siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku booriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in khilaaf kasta oo siyaasadeed uusan ka weecin la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah. Ugu dambeyn Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen inay xurmad u hayaan madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka oo war ka soo saaray xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee siyaasadda dalka, isagoo baaqyo kala duwan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh oo hadalkiisa uu walaac badan ka muuqday ayaa sheegay in shacabka iyo maal-gashadayaasha Soomaaliyeed ay niyad-jab weyn ku abuurtay xaaladda siyaasadeed ee maanta dalka ka jirta. “Waxaa kor soo martay cabsida ah in dalku galo xaalad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto, Hooyo iyo Aabe kasta waxay bilaabeen inay ka fekeraan, mustaqbalkii ay caruurtooda u qorsheeyeen iyo waxa iska bedeli kara, ganacsade kasta hadda waxa uu ka walwalayaa maal-gashigii uu dalkiisa ku sameystay, shaki ayaa ku yimid rajadii wanaagsaneed ee mustaqbalka dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladaan ay abuureen hoggaamiyayaasha qaar oo ka gows adeygay fulinta wixii lagu heshiiyey, gaar ahaan maareynta doorashooyinka dalka, xilligaan kala guurka ah. “Xaaladaas jirta aawgeed waxaan bogaadinayaa odaytinimada, Ra’iisul wasaare Rooble oo inta badan si ay u turis ku jirto ku wajahay xaaladihii lasoo dhaafay, waxuu u taagnaa meel dhexe oo koox kasta ay u arkeyso qof ku taagan fulinta heshiisyadii la gaaray,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Mar uu la dardaarmayey shacabka Soomaaliyeed waxuu yiri, “Garab istaagga caddaaladda waa waajib diini ah, dastuurina ah, ee aan qeyb ka noqono sidii ay qoyska Ikraan u heli lahaayeen caddaaladda ay xaqa u leeyihiin.” Fariin uu u diray Taliyeyaasha ciidamada qaranka ayuu Xasan Sheekh ku yiri, “Taliyeyaasha ciidamada waxaa idin saaran mas’uuliyadda amniga dalka, ka digtoonaada ku milmidda siyaasadda oo ku taagnaada mabda’a aad u taagan tihiin oo ah ilaalinta sharafka Soomaaliyeed. Xilliyadaan oo kale waa in aad iska hubisaan tallaabooyinka aad qaadeysaan.” Madaxda dowlad goboleedyada ayuu tilmaamay inay qaateen kaalin wax ku ool ah oo dalka soo gaarsiisay in ay billaabato doorasho. “Waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan dadaalkaas ilaa dalku ka baxayo marxaladdan kala guurka ah.” “Faa’iidooyinka uu federaalku leeyahay waxaa ka mid ah in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn badan ku yeelan Jowhar, Garowe,Baydhaba, Dhuusamareeb iyo Kismaayo, nidaamkaan waxa uu naga badbaadiyey in hal meel uu dalkeenu ka burburo” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh. “Mudane Farmaajo hanoo sheegin ra’iisul wasaaihii aad ku wareejisay amiga dalka waan kala noqday maanta, caqliga saliimka ah ma aqbali karo taas, shalay waxaad ceyrisay ra’iisul wasaarihii hore markii doorasho laga hadlay, taasi waxay muujineysaa in wax doorasho la yiraahdo aysan qorshaha kuugu jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in isaga iyo saaxiibadiis aysan Soomaaliya uga darin, hadii aysan dalkaan ka fikireyna ay ugu yaraan mustaqbalkooda ka fikiraan. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xaaladda dalka baaqna u diray ciidanka appeared first on Caasimada Online.
  19. NAIROBI — The disappearance of a young intelligence officer in Somalia has led to a rapidly escalating power struggle between the president and prime minister that has torn apart the government and potentially gives new openings to al-Qaeda-linked militants. Source: Hiiraan Online
  20. Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar waxaa caawa ka socota doorashada laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee dalka, waxaana goordhaw soo gabagabowday doorashada hal kursi, kaas oo loo doortay Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey. Senator Afcadey ayaa wareegii koowaad ee doorashada kursigaas 52-cod uga guuleystay musharaxii la tartamayey Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo helay 44-cod. Musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Amiin Sheekh Cismaan waxuu kursigaan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Musharaxa guuleystay ee Senator Afcaddey oo ah Sarkaal Militeri ah ayaa laba jeer soo noqday Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale xilal kale ayuu ka soo qabtay taliska ciidanka xoogga Soomaaliya. Haatan waxaa Jowhar ka socota doorashada kursiga labaad ee caawa la dooranayo, waxaana sidaas ay ku noqonayaan kuraasta la doortay lix, halka labada hartay loo balansan yahay in la doorto Axada berri ah, waxaana sidaas lagu soo gabagabeynayaa doorashada 8-da kursi ee taallay Jowhar – HirShabeelle. The post Jeneraal Afcadey oo ku guuleystay kursigii Senator Maxamed Aamiin appeared first on Caasimada Online.
  21. Senetor Axmed Maxamed Afcadeey ayaa ku kusoo baxay Kursiga Senatarnimo ee Aqalka Sare ee hirshabelle, isagoo wareegga ugu dambeeya ka adkaaday Ex senetor Maxamed Amiin oo kursigan ohar ugu matalayay Hirshabeelle. Senatar col.Axmed Maxamad Afcadeey oo lagu tiriyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa wareeg saddaxaad helay 52 cod halka halka maxamed Amiin uu helay 44 cod. Doorashada aqalka saree ee Hirshabeelle ayaa si hambsami leh uga socota magaalada jawhar ee Caasimadda Maamulkaasi. GOOBJOOG News Source: goobjoog.com
  22. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirkii amniga qaranka ee Fahad Yaasiin ka jeedin lahaa warbixinta kiiska Ikraan Tahliil. Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi ayaa lagu yiri “Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay”. “Waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayaa qoraalka la raaciyay. Baaqashada shirka ayaa la xiriirta markii shalay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin lagu xanibay Jabuuti, dibna loogu celiyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo markii hore ka soo duulay. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Shirkii Amniga Qaranka oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.