Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa weli illaa hadda billaaban baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo inay ku maqan tahay gacanta Hey’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalinta ayaa weli qaadin wax tallaabo ah oo ku aadan Kiiska Ikraan, mana aysan ka jawaabin codsiyo badan oo uga yimid shacabka iyo qoyska Ikraan oo ah in si deg deg ah loo guda galo kiiskaan. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo toddobaadkii tegay isna khudbad ka jeediyey xafladda xiritaanka doorashadii Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay hadal dad badan lama filaan ku noqday oo ahaa inaan baaritaanka weli la billaabin. Rooble ayaa yiri “Maxkamadda ciidamada waxaan faray inay baaritaanka billaabaan, haddana waan ugu celinayaa inay baaritaanka deg deg u billaabaan.” Hadalkaas wuxuu xaqiijiyey in baaritaanka kiiska aan weli la guda gelin. Dhinaca kale, waxaa maalmihii tegay xoogeystay warar laga helayo xafiisyada madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo sheegaya in isfaham qarsoon laga gaaray kiiska Ikraan. Weli ma cadda nooca uu yahay isfahamka laga gaaray kiiskaan haddiiba uu jiro, waxaana muddooyinkii dambe socday dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul inkastoo aan weli saxaafadda lala wadaagin natiijada kasoo baxday wada-hadallada. Sidoo kale, waxaa baryahaan istaagay hadalladii ay qoyska Ikraan Tahliil ka sheegi jireen saxaafadda, waxayna taasna keentay shaki ah inuu jiro is-faham. Haddii ay run noqoto in Kiiska Ikraan Tahliil lagu dhammeeyey isfaham iyo wada-hadal, waxay taasi dhaawici doontaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horey u ballan qaaday in qoyska Ikraan ay heli doonaan caddaalad. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu yiri Rooble, oo toddobaadkii tegay ka hadlay Muqdisho. Kiiska Ikraan Tahliil ayaa hoos uga dhacay sidii la filayey haddii ay ahaan laheyd dhanka siyaasadda iyo midda cadaaladda. The post Xog: Sababta loo billaabi la’yahay baaritaanka kiiska Ikraan iyo hadalka Rooble oo tuhun abuuray appeared first on Caasimada Online.
  2. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble Monday departed for Qatar as President Mohamed Farmaajo flew to Ethiopia amidst an ongoing political tussle between the two leaders. Source: Hiiraan Online
  3. Algiers (Caasimada Online) – Algeria ayaa u diiday diaaradaha militariga Faransiiska inay adeegsadaan hawadeeda maalin kadib markii ay u yeeratay safiirkeeda Paris, ayada oo ka carootay hadallo aan la ‘aqbali karin” oo loo tiriyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Xiisadda kasii dartay dhammaadkii toddobaadkii tegay ayaa sidoo kale ka dambeysay kadib markii France ay qaadatay go’aan ay ku dhintay tirada dal-ku-galka la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika oo Algeria ay ku jirto. Paris ayaa go’aanka Visaha u qaadatay sababo la xiriira in dowladahooda ay diideen inay dib u qaataan muhaajiriinta laga soo ceeriyo Faransiiska. Codsi ka yimid Faransiiska, oo ahaa in laba diyaarad oo militari loo ogolaado inay ku duulaan hawada Algeria, ayaa la diiday Axaddii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Faransiiska Colonel Pascal Ianni. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha lagu waday inay kasoo duusho France, tan kalena Chad. Ianni ayaa sheegay inaysan weli caddeyn in Alegria ay gebi ahaan hawadeeda ka xireyso diyaaradaha militari ee Faransiiska iyo haddii duulimaadyadii Axadda ay yihiin kuwa kaliya ee go’aanka uu sameeyey. Mamnuucista duulimaadyada ayaa ka dambeysay markii Algeria ay si deg deg ah ugu yeeratay safiirkeeda Faransiiska habeenkii Sabtida, sida ay sheegtay madaxtooyada. Algeria ayaa ka carootay hadal loo tiriyey Macron oo ay ku sheegtay “faro-gelin aan la aqbali karin” oo lagu sameeyey arrimaha Alegria “iyo weerar aan loo dulqaadin karin” oo ka dhan ah dadkii Algeria uga dhintay dagalkii gumeystaha Faransiiska. AP + VOA The post Algeria oo qaaday tallaabo aysan fileyn Faransiiska oo kasii dartay xiisadda appeared first on Caasimada Online.
  4. Waxaa shalay gelinkii danbe shil gaadhi ku dhintay Lars Vilks oo ahaa Farshaxaniste Iswiidhisa oo hore u sameeyay sawir gacmeedyo uu ku aflagaadeyay nebi Maxamed (NNKH). Shilkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Markaryd ee dhacda koonfurta Sweden waxaa sidoo kale ku dhintay laba ka tirsan Booliska Sweden oo uu ilaalo u ahaa Lars Vilks. Sanadkii 2007kii ayay ahayd markii uu sawirgacmeedyada ku aflagaadeeyay nebi Maxamed (NNKH), muddo 13sanadood ah waxa uu ku hoos noolaa ilaalo booliis gaar ah oo loo sameeyay kuwaasi oo aanu la’aantood socon jirin. Hoggaanka ciidanka booliska Sweden oo goor dhaweyd ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ahaa shil gaadhi oo ay isku dhaceen gaadhiga uu saarnaa farshaxanistahan iyo gaadhi kale oo xamuul ah oo jidkaasi ku safrayay waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan baadhitaanka la xidhiidha dhacdadan. Waxaa xusid mudan in Sweden iyo dalal badan oo dunida muslimka ah uu xidhiidhkoodu xumaaday ka dib markii farshaxanistahani uu daabacay xiligaasi sawir gacmeedkaas taasi oo keentay in Raysal wasaarihii hore ee Fredrik Reinfeldt uu kulan isugu yeedhay safiirada dalalka muslimiimta ahaa ee joogay Sweden si ay u dajiyaan xiisada ka dhalatay arintaasi. Maxamed Cawad Maxamed Gothenburg, Sweden Source
  5. PRESS RELEASE WFP Resumes Nutritional Support for Refugee Mothers and their Children in Egypt with Funds from Japan WFP will use the funds to provide nutritional assistance to 4,200 refugee mothers and their children under two over the next four months CAIRO, Egypt, October 4, 2021/ — A US$500,000 grant from the Government of Japan will allow the United Nations World Food Programme (WFP) to resume its nutritional assistance for pregnant and nursing refugee mothers and their children under two. WFP will use the funds to provide nutritional assistance to 4,200 refugee mothers and their children under two over the next four months. To be eligible for assistance, refugee mothers must get regular medical check-ups during pregnancy and after childbirth at WFP partner hospitals in the governorates of Cairo, Alexandria and Damietta. WFP was forced in August 2020 to suspend the programme due to funding gaps. “Today we are glad to announce that our support to refugee mothers has resumed thanks to this generous contribution from the Government of Japan,” said WFP Representative and Country Director in Egypt Praveen Agrawal. “This programme is vital for the most vulnerable mothers and their children as it is the only source of support for many of them and it gives them access to nutritious food they wouldn’t be able to afford otherwise,” he added. Refugee mothers will receive monthly top ups to their electronic cards that they will redeem for nutritious food items in the market. This support is critical during the ‘First 1,000 Days’ of a child’s life, from conception to two years of age, to prevent malnutrition and its irreversible effects such as chronic anaemia and stunting. Mr. NOKE Masaki, Ambassador of Japan to Egypt, said, “’Save as many lives as possible, and leave no one’s health behind.’ This has been the conviction that Japan, as a country upholding ‘human security’ and ‘Universal Health Coverage’, has adhered to throughout this battle against the pandemic. We will continue to provide nutritional assistance for socially vulnerable people such as refugees, children and pregnant women with the international community. With this in mind, in order to improve nutrition for people around the world, Japan will host the Tokyo Nutrition for Growth Summit 2021 in December this year in cooperation with the international community, particularly WFP and other partners.” WFP has been supporting refugees in Egypt since 2013, reaching today more than 120,000 refugees from different nationalities with food assistance. The refugee assistance programme has transformed over the years to provide comprehensive integrated support alongside monthly assistance through cash-transfers via e-cards. This includes vocational training, resilience and capacity building activities to refugees and host community members offering them equal opportunities and better employability schemes. SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
  6. Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood. Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay. Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda. Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland: Waxan soo dhowaynay laba kun oo qof oo laga soo raafay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ka hadlay dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca dib ugu soo labo kacleeyay xiligaan sidii madaxtinimada ku heli lahaayeen. Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagixisada. “Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye Qoor-Qoor anagaa dooranay 2-sanaa u dhiman imoow waan ku dooraneynaa laakiin inaad macalimiintii dugsiyada Qur’aanka qoryo kusoo xirto sharaf ku heli meysid, iga qora haddii Dhuusamareeb gacanteenna ka baxdo wax Galmudug la dhaho ma jiraan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maadama ay tallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay. “Qofka haddii uusan maamul rabin waxaa la yiraahda dowlad diid, anuu waxaa leeyahay ha la wada fariisto oo Sheekh Shaakir ha yimaado Dhuusamareeb oo waxaa leenahay Sheekha ha la karaameeyo.” Senator Dhagdheer ayaa carabka ku adkeeyay in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal, ayada oo la tixgelinayo hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu ugu baaqay inay damiyaan xiisada dagaal ee ka taagan deegaano kamid ah maamulka Galmudug. Hadalka Dhagdheer ayaa imanaya xili ay xiisada Ahlu-Sunna iyo Galmudug isku bedeshay dagaal sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac hor leh, islamarkaana deegaano dhowr ah ay ka baxeen gacanta maamulka Qoor-Qoor. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Senator Dhagdheer oo shaaciyey qorshe yaab leh oo ka dambeeya dagaalka hoggaanka Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horreeysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Xisbiga Waddani. Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno meel uu ku yidhi Waddani ayaan ku soo galay amma soo biiray,. Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye noogu dambaysay, siyaasi Kulmiye ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka Kulmiye is hayntoodii Kulmiye noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo Waddani ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu Waddani yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo. Source
  9. Xildhibaan Hore Ibraahin Rayte Xabsiga laga sii daayey+Sababta Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada, ayaa laga sii daayey xabsiga, ka dib markii Ciidammada ammaanku xidheen shalay, xilli uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, isaga oo ka yimid dhinaca Muqdisho. Sii deynta Rayte, ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyo Salaadiin Deegaankiisa ah oo uu hormuud yahay Suldaan Cumaani, kaas oo xadhigga Xildhibaanka hore kala hadlay Madaxweynaha. Ibraahim Jaamac Rayte oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa Muqdisho, ayaa wararku sheegeen inuu halkaas u joogay hawlo shaqo oo uu hayey Hay’adda caalami ah Qaran News
  10. Janaraal Caydiid oo adeer u ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ee haatan wuxuu dawladdiisii Sal-ballaadh ku dhawaaqay 18/6/1995. Waxa aanay ka koobnayd hoggaankii jabhadii USC/SNA ee uu hogaaminaayey Janaraal Caydiid. 17/9/1995 si uu awoodiisa milatari u tijaabiyo wuxuu weerar saf ballaadhan ah uu ku qaaday dawlad-goboleedkii beelaha Raxan-weyn oo fadhigoodu ahaa Baydhabo. Maleeshiyadii Janaraal Caydiid uu hogaaminaayey ee USC/SNA ayaa cagta marisay dhammaan ciidamadii beelaha Raxan-weyn oo ay ugu tun weynaayeen Digil iyo Midhif. Waxa fara cididood kaga baxsaday madaxweynihii maamul-goboleedka Raxan-weynta oo la odhan jiray Xasan Sheekh Ibraahin (Xasey). Waxa ay maleeshiyadaa Caydiid horkacayey ee ka soo qamaamtay gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxa aanay gobolada Bay iyo Bakool ka geysteen xasuuq aan weligood loo geysan. Kufsi wadareed iyo dilal boqolaal qof oo aan loo aabo yeelin ayaa labadaa gobol ay ka geysteen maleeshiyadii Janaraal Caydiid. Raysal wasaaraha Soomaaliya ee haatan ha loo sheego in aanay Soomaalilaan u xasuuqin Raxan-weyn sidii uu adeerkii u xasuuqay. = Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa 14/6/2021 waxa ay xukun dil ah ku fulisay 18 eedaysane oo dhammaantood ka soo jeeda deegaannada Koofnur galbeed ama Raxan-weyn ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay yihiin Al-Shabaab. = 17/10/2020 waxa ay maxkamadda ciidamada Puntland xukun dil ah ku fulisay 40 ka mid ah eedaysaneyaal ka soo jeeda beelaha Raxan-weyn oo dhammaantood lagu sheegay inay Al-Shabaab yihiin. Waxa aynu soo qaadanay saddexdaa dhacdo ee taariikhaha ku sugan, way se ka badan yihiin inta qof oo Raxan-weyn ah oo ku maqan gacanta Caydiid iyo Puntland. Haddaba Soomaalilaan oo si nabad ah baabuur u saartay shicibka Raxan-weynta ah ee markii la soo baadhay lagu ogaaday inay qayb ka yihiin falalka ammni darro ee ka dhaca Laasacaanood, maxaa looga qaylinayaa? Jawaabta way caddahay waana cadaawadda loo hayo Soomaalilaan. W/Q: Ustaad Cali Coomay Source
  11. Xog ku saabsan hantida qoyska madaxweynaha Kenya oo la fashilay Uhuru Kenyatta ayaa 2018-kii u sheegay BBC-da inuu doonayay la dagaallanka musuqmaasuqa Qoyska Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo xukumayay siyaasadda dalka tan iyo xornimadii, ayaa si qarsoodi ah u lahaa shabakad shirkado xeebeed muddo tobannaan sano ah, sida ku cad waraaqo maaliyadeed oo aad u badan oo la soo dusiyay. Dukumiintiyada “Pandora Papers” oo ah 12 milyan oo faylal – ayaa ah kuwii abid ugu badnaa ee la soo dusiyo oo noocooda ah. Mr Kenyatta iyo lix xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaalla meelo ka baxsan waddanka Kenya. Wali kama aysan jawaabin codsiyada ku aaddan inay ka hadlaan arintan. Maalgashiga Kenyatta ee ka baxsan dalkiisa, oo ay ku jirto shirkad leh kayd iyo dammaanad qiimaheedu yahay $ 30m (£ 22m), ayaa laga helay boqollaal kun oo bog oo waraaqo maamul ah oo laga helay kaydka 14 shirkadood oo sharci iyo adeeg bixiyayaal ah oo ku yaalla Panama iyo British Virgin Islands ( BVI) iyo meelo kale. Hantida qarsoodiga ah ayaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay oo la daabacay goor sii horreysay oo Axaddii ah, oo ay soo saareen dalladda caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara (ICIJ), Finance Uncovered, Africa Uncensored iyo ururro kale oo warbaahineed. Dukumiintiyada ayaa muujinaya in shirkad samafal oo lagu magacaabo Varies laga abuuray sannadkii 2003 -dii Panama, iyada oo hooyada Mr Kenyatta, Ngina, oo 88 jir ah, loogu magac daray deeq bixiyihii ugu horreeyey iyo hoggaamiyaha Kenya oo ahaa deeq bixiyihii labaad, kaas oo dhaxli doona geerideeda kaddib. Ujeedada aasaaska iyo qiimaha hantidiisa lama garanayo. Shirkadda Panama ayaa aad loo raadiyaa sababtoo ah kuwa leh hantida dhabta ah waxaa yaqaan qareennadooda oo kaliya mana aha inay magacyadooda ka diiwaangeliyaan dowladda Panama, sida ay tabisay dalladda ICIJ. Hantida ayaa sidoo kale loo qaabayn karaa in lagu wareejiyo canshuur-dhaaf qofkii beddeli lahaa. Ma jirto qiyaas lagu kalsoonaan karo oo ah hantida saxda ah ee reer Kenyatta balse danaha ganacsi ee baaxadda leh ayaa ah gaadiidka, caymiska, hoteelada, beeraha, lahaanshaha dhulka iyo warshadaha warbaahinta ee Kenya. Sannadkii 2018-kii, Mr Kenyatta wuxuu u sheegay barnaamijka Hardtalk ee BBC-da in hantida qoyskiisu ay dadweynuhu ogyihiin, madaxweyne ahaanna uu u caddeeyay hantidiisa sida sharcigu farayo. “Sida aan mar walba sheego, waxa aan leenahay iyo waxa aan haysanno xogtooda waa mid u furan dadweynaha. Anigoo ah shaqaale dowladeed waxaa la iga rabaa in aan hantideyda ogaado oo aan sannad walba caddeynno,” ayuu yiri My Kenyatta. “Haddii ay jirto tusaale qof ku dhihi karo wixii aan sameynay ama aan helnay ma ahayn kuwa sharci ah, soo sheeg, waxaan diyaar u nahay inaan wajaho maxkamad kasta,” ayuu raaciyay. Isla wareysigaas ayuu Mr Kenyatta ku sheegay inuu doonayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta hufnaanta inay noqoto dhaxalkiisa. Wuxuu ballan qaaday inuu baarlamaanka kala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa sharci ku khasbaya mas’uuliyiinta dowladda inay shaaciyaan hantidooda, laakiin weli xildhibaannadu ma ansixin hindise-sharciyeedkan. Hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka ee lagu magacaabay Waraaqaha Pandora ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Urdun Abdullah II, Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair, Madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondimba iyo Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso. Macmiilka 13173 Ma cadda in Madaxweyne Kenyatta, oo xilka wareejinaya sannadka dambe, kaddib 10 sano oo uu xafiiska joogay, uu wax ka ogaa aasaaska shirkadda Varies laakiin waqtiga la furay ayaa ku aaddanaa mid ay suuragal tahay in lagu wargeliyay. Toddobo bilood ka hor xilligaas, ayaa wuxuu ku guuldaraystay doorashadii madaxweynenimada ee 2002 -dii, markaasoo uu ka adkaaday musharaxa mucaaradka Mwai Kibaki, oo wacad ku maray inuu hagaajin doono dambiyada taariikhiga ah iyo sidoo kale inuu bilaabi doono dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa. Waqtigaas, qoyska madaxweynihii xilka ka degay Daniel Arap Moi, oo ahaa saaxiibka Kenyatta, ayaa la sheegay inay lacag kala baxeen dalka, sida lagu sheegay warbixin la dusiyay 2014-kii oo uu soo saaray la taliyaha caalamiga ah ee dhinaca khatarta, Kroll. Qoyska Kenyatta, ayaa asaasay danahooda siyaasadeed iyo ganacsi intii uu talada hayey madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Uhuru aabihiis Jomo. Waxaa lagu eedeeyay inuu jagadiisa u adeegsaday hanti uruursi. Jomo Kenyatta ayaa sameeyay ganacsiyo ay qoyskiisa leeyihiin muddadii 15-ka sano ahayd ee uu xukunka hayay Ka dib geeridiisii 1978-kii, Ngina Kenyatta, oo ahayd xaaskiisa afaraad, ayaa kaalin mug leh ka ciyaartay ballaarinta danaha ganacsi ee qoyska. Waraaqaha ay aragtay BBC-da, ee Pandora waxay daaha ka rogeen in 1999-kii Mrs Kenyatta iyo labadeeda gabdhood, Kristina iyo Anna, ay aasaaseen shirkad ka dhisan dalka dibaddiisa- oo lagu magacaabo Milrun Internatinal Limited – oo lagu lammaaniyay BVI. Sida laga soo xigtay ICIJ, Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda waxaa la taliyay khubaro ku xeel dheer arrimaha hantida caalamiga ah oo khibrad leh oo ka socda bangiga Swiss Union Bancaire Privée (UBP), oo shaqaaleysiisay Alcogal, oo ah shirkad sharci oo laga leeyahay Panama oo ku takhasustay sameynta iyo maamulidda shirkadaha qarsoon ee dibadda. Dalladdu waxay sheegtay in dalabka lacago adeeg lagu fuliyay oo ay Alcogal u dirtay bangiga ay muujinayaan in la taliyeyaasha u dhashay Switzerland ay la hadlayeen qoyska Kenyatta iyagoo adeegsnayay afgarashada ah “macmiilka 13173”. Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki, iyo Ngina Kenyatta oo meel fagaare ah ku sugan sanadkii 2013 Alcogal waxay siisay Milrun xafiis ka diiwaan gashan jasiiradaha ugu waaweyn BVI, Tortola, waxayna siisay xubnaha shaqaalaha inay u noqdaan agaasimayaasha rasmiga ah ee shirkadda. Natiijadu waxay noqotay shirkad gebi ahaanba la qariyay oo aan dib loogu raadin karin qoyska Kenyatta. Shirkadan waxay u isticmaaleen Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda si ay u iibsadaan guri ku yaalla badhtamaha London, kaas oo ay wali leedahay, sida ku cad diiwaangelinta Diiwaanka Dhulka ee UK oo ay aragtay warbaahinta Finance Uncovered. Hantida ugu weyn, oo ilaa dhowaan ay kiraysay Xildhibaanadda Labour-ka Ingiriiska Emma Ann Hardy, ayaa hadda lagu qiyaasay in qiimaheeda uu yahay ku dhawaad $ 1.3m. Afhayeenka Ms Hardy ayaa sheegtay in Xildhibaanka, “aysan haba yaraatee aqoon u lahayn” cidda leh hantida. “Waxay la yaabban tahay waxa uu daahfuray baaritaankan, waxayna rumeysan tahay inay muujineyso sababta daahfurnaan dheeraad ah loogu baahan yahay si degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaankeeda. Sida laga soo xigtay warbaahinta Finance Uncovered, qoyska Kenyatta waxay isticmaaleen shirkado kale oo ka baxsan dalka si ay uga iibsadaan laba guri oo kale gudaha UK. $ 30m ee kaydka iyo curaarta La-taliyayaasha hantida gaarka ah ee UBP ayaa sidoo kale ka caawiyay Mr Kenyatta walaalkiis, Muhoho, inuu aasaaso hay’ad Panama laga dhisay oo la yiraahdo Criselle Foundation sannadkii 2003-dii. Hay’addaas waxay ka diiwaangashan tahay xafiisyada Alcogal ee Magaalada Panama, waxaana magac ahaan maamula xubnaha guddiga ee ka socda shirkadda sharciga ee Panama. Waxaa loo dhisay danta Muhoho Kenyatta, waxaana ku xigay wiilkiisa Jomo Kamau Muhoho. Shirkad kale oo BVI ah oo uu Mr Muhoho lahaa ayaa lagu qiimeeyay inay $ 30m ka joogto suuqa kala iibsiga saamiyada bishii November 2016. Baaritaan lagu sameeyay diiwaannada dadweynaha ee BVI iyo Panama ayaa lagu ogaaday in inta badan shirkadihii ku xirnaa Kenyatta ay hadda yihiin kuwo hurda, qaarkoodna ay sabab u tahay bixin la’aanta khidmadaha sharciyeynta. Maaha sharci -darro in la maamulo shirkado qarsoodi ah, laakiin qaar baa loo adeegsaday weji hore si lacag loo leexiyo, looga fogaado canshuuraha iyo lacagaha la dhaqay. Waraaqaha Pandora, si kastaba ha ahaatee, ma muujinayaan wax caddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen ama ku qariyeen hanti dowladeed shirkadohooda qarsoon ee ka baxsan dalka. Waraaqaha Pandora waxay shaaca ka qaadeen ku dhawaad 12 milyan oo dukumiinti iyo faylal fashilaya hantida qarsoon iyo macaamilka hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada. Xogta waxaa helay Dalladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista ee Washington DC oo horseeday mid ka mid ah baaritaannadii ugu weynaa ee abid ka dhaca caalamka. In ka badan 600 oo suxufi oo ka kala socda 117 dal ayaa eegay hantida qarsoon ee qaar ka mid ah dadka ugu awoodda badan dunida. BBC Panorama iyo Guardian ayaa horkacayay baaritaanka UK. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Soomaaliya ee beesha caalamku taageerto sheegtana in laga soo doorto maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay musaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee lagu tarxiilay dadka ka dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Soomaaliya. Xildhibaan Idiris ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday xukuumadda Muuse Biixi ay tahay mid ugub ah oo meel ka dhac ah, isagoona sheegay in uu diyaarinayo in arrintaas dacwadeeda la geeyo maxkamadda caalamiga ah. “Waa arrin dhaqan xumo xadgudub ah, dacwad ayaa qoreynaa maxkamadda adduunka ku dacwooneyna, aniga waxaa metala baarlamaanka Afrika, madaxda baarlamaanka Afrika iyo Midowga Afrika waa u dirayaa, waa nasiib darro in dad hantidooda la dhaco, la jidh-dilo oo la soo masaafuriyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Idiris. Inkasta oo aanu caddayn sida dadkaasi loo dilay iyo goobta lagu jidh-dilay toona. Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dadkaas lagu masaafurinayay uu bixiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayada oo uu fuliyay Taliyaha qeybta gobolka Sool, oo ku eedeyay in lagula xisaabtami doono tacadiyada ka dhanka ah dadkaas. “Waa nasiib darro, waa arrin qalad ah oo aheyd in ay ka hadlaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waana dadka Koonfurta Soomaaliya oo dhan ma aha arrintaan waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.” “Waa arrin aan laga fileyn Soomaali oo weligeed ka dhicin, Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe abti baa loo yahay waa soo dhaweyn ayaga oo qaxooti ah ayey no-yimaadeen, oo meesha ayey ka guursadeen waxay aheyd in dadkaana sidaas u soo dhaweeyan.” Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, kaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta oo muddo badan deganaa magaaladaas. Waddanka Soomaaliya ayaa siyaalo kala duwan uga dareen celiyey dadka ay Somaliland dalkeeda ka kaxaysay oo sababo amni loogu celoyey dalkoodaasi Soomaaliya Source
  13. Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje iyo Suldaan Saleebaan , ayaa la heshiisiiyey ka dib markii eeddo ay warbaahinta isu mariyeen uu sababay in Suldaanku gacan u qaado Xildhibaanka. Labadan nin oo isku deegaan ah, ayaa waxa khilaafkooda soo dhex galay oo dhameeyey, Waxgaradkooda iyo Odayaasha Beeshooda. Qaran News
  14. (SLT-Hargeysa)-Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada, ayaa laga sii daayey xabsiga, ka dib markii Ciidammada ammaanku xidheen shalay, xilli uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, isaga oo ka yimid dhinaca Muqdisho. Sii deynta Rayte, ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyo Salaadiin Deegaankiisa ah oo uu hormuud yahay Suldaan Cumaani, kaas oo xadhigga Suldaanka kala hadlay Madaxweynaha. Ibraahim Jaamac Rayte oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa Muqdisho, ayaa wararku sheegeen inuu halkaas u joogay hawlo shaqo oo uu hayey Hay’adda caalami ah Source
  15. Xisbiga Waddani oo Markii u horeeysay ka hadlay warar la xidhiidha in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Gudoomiyenimada Xisbiga “Ma hayno Meel uu Maxamuud Xaashi Ku yidhi WADDANI, ayaan ku biiray, Kulmiye isaga oo Kulmiye ah ayaa noogu war dambaysay” Xisbiga Waddani Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horreeysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Xisbiga Waddani. Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno meel uu ku yidhi Waddani ayaan ku soo galay amma ku soo biiray,. Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye ayaa noogu dambaysay, siyaasi Kulmiye ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka Kulmiye is hayntoodii Kulmiye ayaa noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo Waddani ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu Waddani yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo. Qaran News
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa shaaciyay in la qaban doono araajida musharraxiinta u taaggan jagooyinka Hoggaanka Xisbiga ee Guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeennada, xoghayaha guud iyo xoghaye ku xigeenka guud muddo 10 cisho ah oo ka bilaamata 06-10-2021 ilaa 16-10-2021. Waxa uu musharraxiinta hoggaanka Xisbiga isu taagaya la socodsiiyay in ay shuruudaha xeerka ka qaataan guddida qaban qaabada ee fadhigoodu yahay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Waxa kale oo uu laamaha dibadda, gobollada iyo degmooyinka ku booriyay in ay wakhtiga loo qabtay ku soo gudbiyaan ergooyinka ka qayb galaya shirweynaha Xisbiga WADDANI ee qabsoomaya 30-31 October 2021. Source
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya oo shalay booqasho ku tegay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa qoraal kasoo saaray socdaalkooda iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka. Booqashada Saaxiibbada Caalamka ee Kismaayo oo diiradda lagu saaray doorashooyinka Soomaaliya Wefti ka kooban qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliya ayaa maanta Kismaayo tegay, iyaga oo ujeedkoodu ahaa adkeynta taageerada wadajirka ah ee Beesha Caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya iyo in aan kala hadalno tallaabooyinka xiga ee geedi-socodka. “Intii uu socda wada-hadalkii la laheyn Madaxweynaha iyo xubnaha golahiisa wasiirrada, waxa aan Jubbaland ku bogaadinnay in ay noqotay Dowlad-goboleedkiu u horreeyey ee billaaba qabashada doorashooyinka Aqalka Sare, waxa aana carrabka ku adkeynay in loo baahan yahay in doorashooyinka haray ee kuraasta Aqalka Sare loo dhammeystiro si deg deg ah,” ayuu yiri uu wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Waxa ay tani fududeyn doontaa in diiradda la saaro wajiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah – oo ah kuwa Golaha Shacabka,” ayuu raaciyey mar uu warbaahinta kula hadlay magaalo madaxada ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland ee Kismaayo, ka dib kulan ay kooxdu la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ iyo kooxdiisa. Madaxa ugu sarreeya QM waxa uu ku hadlayey magaca wefti ka kooban Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Norway, Merete Dyrud; iyo La-taliyaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Safaaradda Sweden, Johan Svensson. Dhankooda weftiga booqashada sameynayey, waxa ay ku dhiirri-geliyeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland in ay dardar-geliyaan geedi-socodkan iyaga oo dhisaya guddiyada xulista ergooyinka oo ka kooban odayaasha iyo wakiillada bulshada rayidka ah, iyaga oo sidoo kale diyaarinaya goobaha cod-bixinta ee Kismaayo iyo Garbahaarrey, caasimadda gobolka Gedo. Inti ay Kismaayo joogeen, weftigu waxa ay la kulmeen guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal, iyaga oo booqday goobihii cod-bixinta ee doorashooyinka Aqalka Sare. Ka-qeyb-galka iyo Fagaaraha Siyaasadda Inti uu socday kulankooda, waxa uu weftigu carrabka ku adkeeyeen in geedi-socodyadani ay tixgeliyaan xuquuqda haweenka ee ah in ay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo metelaadda haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba sodonka ah (30%) in laga gaaro baarlamaanka. “Waxaa intaa dheer, in ay muhiim tahay in in fagaaraha siyaasaddu uu noqdo mid u furan dhammaan Soomaalida,” ayuu wakiilka gaarka ah intaa raaciyey. “Tanna waxaa ku jira, xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu-imaatinka iyo qabanqaabada – si loo hubiyo in geedi-socodka doorashadu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo daah-furan.” Weftiga ayaa sidoo kale ku dhiirri-geliney Madaxweynaha in uu xoojiyo dadaalladiisa in ka-qeybgelinta doorashada ee dhammaan saamileyda Jubbaland si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta. “Waxa ay tani taageeri doonta in la hubiyo wadajir siyaasadeed si diiradda loo saaro hortabinnada kale ee muhiimka ah sida horumarka iyo amniga, kuwaas oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli khatar wayn ku ah nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya,” ayuu Md. Swan xusay. Booqashada Kismaayo waxa ay aheyd wareeggii u dambeeyey ee xiriirro joogto ah oo ay wakiillada saaxiibbada caalamku la lahaayeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Weftiga ayaa tobobaadkii hore booqday Puntland. The post Wakiilada beesha caalamka oo war cusub soo saaray iyo farriin culus oo loo diray… appeared first on Caasimada Online.
  18. Ninka TikTok ugu caansan ee aan hal eray odhan KHABY LAME Markii sannadkii la soo dhaafay Talyaaniga lagu soo rogay xayiraaddii ugu horreysay ee lagu xakameynayay fayraska corona, Khaby Lame waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga ee dalkaas ee Turin. Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay. Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan uu u sameeyay magaciisa Khaby Lame. Si tartiib tartiib ah ayayna ugu dhalatay xirfad cusub oo cajiib ah. Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaalo uu iska soo duubay isagoo qoob ka ciyaaraya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah. Kaddib, horaantii sannadkan, waxa uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka fal celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen. Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah. Hadda Lame waa ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok, wuxuuna heystaa 114 milyan oo ku taxan cinwaankiisa. Halka qof ee ka taageerada badan marka laga hadlayo TikTok waa Charli D’Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, taas oo soo bandhigta muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn. Lame, oo 21 jir ahna, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan hadal. “Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka CNN. Muuqaaladiisa waa hal nooc Lame wuxuu ka soo jeedaa dalka Senegal, wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban. Inta badan muuqaalladiisa gaagaaban, waxa uu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag. Wuxuu ugu jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay. Lame wuxuu diraa farriin uu dadka ugu sheegayo in nolosha aan la adkeynin Mid ka mid ah muuqaalladiisa, Lame wuxuu gacantiisa ku fiiqayaa moos isagoo tilmaamaya qof moos mindi ku fiiqayay ka dibna ku jarjarayay. Mid kale, wuxuu ka fal celinayaa muuqaal ay haweeney iska soo duubtay iyadoo si dhib badan u fiiqeysa qajaar ay ilkaheeda u adeegsaneyso. Isagoo hoga tusaaleynaya ayuu ajaar ku fiiqayaa aalad yar oo loogu talogalay in khudaarta lagu fiiqo. Fal celintiisa marka laga soo tago labada gacmood ee uu ku taago waxa uu tilmaamayo, wuxuu sidoo kale ruxaa madaxa kaddib marka uu sheego qaabka sahlan ee laga rabay in howsha loo fuliyo. Gacmahana wuxuu soo fidiyaa isagoo ay calaacalihiisa kor u jeedaan. Mararka qaar indhaha oo kaliya ayuu dhaqaajiyaa, madaxana wuu ruxaa isagoo aan gacmaha ku dareynin. Dad badan ayaa isaga qudhiisa muuqaalladiisa dib u adeegsada ama qaabkiisa tilmaanta la min guuriya. “Waxaa laga yaabaa in sida aan wajiga ka dhigayo ay tahay qaab shactiro ah, howsha aan fududeynayana ay ka qoslineyso dadka, taas ayaana jeclahay,” ayuu yiri. Wuxuu diraa farriin Dad badan oo taageerayaasha Lame ah ayaa si joogto ah ugu soo dira muuqaallo ku saabsan dad adkeynaya waxyaabo loo baahnaa inay sahal ahaadaan. Lame says, “I started making videos because I wanted to make people laugh.” “Waxay og yihiin inaan ahay qofka xalliya dhibaatooyinkaas, sidaas darteed waxay igu soo lifaaqaan arrimahaas, waxayna u muuqataa sida iyagoo i dhahaya, ‘Khaby waa markaaga, xal u hel cilladdan sababtoo ah waan kuu baahan nahay,'” ayuu yiri. Si ka duwan xiddigaha kale ee baraha bulshada, muuqaalada Lame ma aha kuwo dhaadheer oo daqiiqado badan socda. Qalab badan ma isticmaalo, meelo gaar ahna uma raadiyo si uu ugu qurxiyo. Waxay u muuqdaan muuqaallo si aad u fudud loo duubay. Sheekadiisa waxay dhiirrigelin u noqon kartaa dadka ay saameysay xayiraadda uu sababay cudurka safmarka ah, maadaama isagu uu soo caan baxay intii guryaha la isku celinayay. Lame waa mid ka mid ah dadka sida ugu dhakhsiyaha badan u koriyay xogta ay soo galiyaan TikTok, dadka ugu badanna ay ku soo xirmaan maalin walba. Halkii maalin waxaa dadka ku taxan kusoo biira ku dhawaad 200,000 oo qof oo cusub. Wuxuu qarka u saaran yahay in uu mar dhow noqdo qofka ugu saaxiibbada badan TikTok oo malaayiin qof ay ku xiran yihiin. Laakiin taasi ma ahan sababta uu Lame ugu soo biiray ama uu muuqaallada u duubo. “Dan kama lihi inaan noqdo qofka koowaad ama qofka labaad ama qofka afaraad ee ugu caansan TikTok. Waxaan muuqaallada u soo duubi jiray si aan dadka uga qosliyo inta lagu guda jiro xayiraadda fayraska ee kalliftay in aan guriga laga soo bixin,” ayuu yiri. “Isla sababtaas awgeed ayaan usii wadi doonaa muuqaallada, waan ku faraxsanahay guulaha aan gaaray, balse arrimahaas ma aha kuwa ugu muhiimsan ee aan rabo.” Sida dadka taageera oo kale, Lame wuxuu taariikh ku leeyahay waddamo kala duwan. Waxa uu ku dhashay Senegal kaddibna waxa uu u wareegay Talyaaniga oo ay u kaxeeyeen waalidiintiisa, isagoo hal sano jir ahaa markaas. Qaran News