-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay+Xaaladda oo ka sii dareysa Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC. “Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC. Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah. Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas. Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo deegan hoosta magaalada Guraceel ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta Wiil Dhalinyari loogu diilay aanoo qabiil. Wiilka la dilay ayaa la sheegay in lagala dagay gaari uu saarna xilli uu ku siijeeday magaalada Caabuqwaaq. Dilka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bali-hood. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaaba Guuleed Cali waxaana la sheegay in uu marki hore ka yimid magaalada Muqdisho. Illa iyo hadda lama oga kooxaha weerarkan ka dambeyay oo sidoo kale la sheegay in ay dileen Wiil kale oo dhalinyaro ah . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa maanta sheegtay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah oo ka dhan ahaa tacsida taliyihii hoggaamiyey weerar culus oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay Khamiistii xireen nin ku sugnaa magaalada waqooyi ee Pader, maalin kahor tacsida Jeneral Paul Lokech oo lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho.” “Tuhmanaha wuxuu watay aaladaha laga sameeyo bambooyinka,” waxaa sidaas tiri Flavia Byekwaso oo ah afhayeen u hadashay ciidamada Uganda oo bayaan soo saartay, ayada oo ninka magaciisa ku sheegay Katumba Abdul, oo sidoo kale loo yaqaan Ben. Qalabka lagu qabtay waxaa ka mid ahaa bamooyinka guryaha lagu sameeyo, jaakadaha is-miidaaminta, kiimikada ammonium sulphate, saacado iyo taleefon gacmeedyo loo adeegsan lahaa in bamka lagu qarxiyo. “Baaritaanada waxay illaa hadda tilmaamayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu arbusho tacsida Jeneral Paul Lokech,” ayey tiri Byekwaso. Lokech, oo Sabtidii gurigiisa ugu dhintay dhiigga oo xinjiroobay, ayaa laba goor noqday taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. Waxa uu hoggaamiyey cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo Al-Shabaab ka saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho.” Geerida Lokech ayaa waxaa ka tacsiyeeyey hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana AMISOM ay ku qeexday “halyey” lagu xusuusan doono dagaalka ka dhanka ah mintidiinta. “Waxaan dhammaanteen ku xasuusan doonaa inuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, geesi ah, oo edeb iyo sharaf lahaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AMISOM. Ciidamada Uganada ayaa 2018-kii sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku rasaaseeyeen kolonyo uu la socday Lokech, isaga oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM, inkasta oo waxyeelo aysan ka dhalan weerarka. The post Qarax is-miidaamin ah oo lala damacsanaa tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online.
-
M/weyne Biden oo ku calaacalay “Ma cafin doono,Ma iloobi doono, Waanu idin ugaadhsan doonaa” Madaxweyne Joe Biden oo khudbad qiiro leh ka jeedinayay Aqalka Cad Joe Biden says ayaa sheegay in daad-gureynta ka socota garoonka Kabul ay sii socon doonto, kaddib qaraxyadii ay ku dhinteen 60-ka qof, oo ay ku jiraan 13 ciidamada Mareykanka ka tirsanaa. “Waa inaynu dhammeystirnaa howlgalkan waana sameyn doonnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray in la ugaarsan doono dadkii ka dambeeyay. In ka badan 100,000 oo qof ayaa laga saaray Kabul, oo gacanta u gashay Taliban 15-kii August. Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August. Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray “nama carqaladeyn doonaan argagixisada”. Weerarradii shalay ayaa dhacay abbaaro 18:00 xilliga dalkaas (13:30 GMT). Kii ugu horreeyay ayaa lala beegsaday Abbey Gate – oo ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ay ugu adeegayeen dadka galaya garoonka – waxaana xigtay rasaas. Daqiiqado kaddib, kii labaad ayaa ka dhacay hoteel ay saraakiisha Britain u adeegsanayeen inay ugu adeegaan dadka u dhashay Afghanistan ee doonaya inay u safraan UK. Dad aad u fara badan ayaa isugu tegay garoonka iyagoo rajo ka qaba in loo oggolaan doono inay raacaan diyaaradaha dadka daad-gureynaya, inkatsoo ay jireen digniinno ay soo saareen saraakiisha Mareykanka iyo kuwa UK oo ku saabsaneyd khatarta weerarro is miidaamin ah oo ay geystaan kooxda Isis-K, oo ka tirsan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka. Kooxdan ayaa goor dambe sheegatay weerararrada. Madaxweyne Biden ayaa yiri: “Ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa waanad ka shallaayi doontaan.” Ciidamo ka tirsanaa kuwa Maryekanka aya aku dhintay qaraxyadaas, sida uu sheegay madaxa Cutubka Dhexe ee ciidamada Mareykanka, Jeneraal Frank McKenzie. Waa markii ugu horreysay ee ay ciidamada Mareykanka khasaaro kala kulmaan Afghanistan tan iyo bishii February 2020. Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay “ay ahaayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale”. Frank McKenzie ayaa sheegay in khatarta Isis-K ay weli aad u sarreyso isla markaana ay ciidamada Mareykanka kala shaqeyn doonaan Taliban si loo joojiyo weerarrada iyo in Taliban ay ka hortagtay kuwo kale oo badan. Qiiq ayaa cirka isku shareeray kaddib qaraxyada Balse weerarka ayaa laga yaabaa inuu carqaladeeyo dadaallada daad-gureynta iyadoo ay soo dhowdahay muddada kama dambeysta ah ee 31 August. Waxaa haatan garoonka Kabul sugan 5,800 ciidamada Mareykanka ah iyo 1,000 kuwa UK ah. Ilaa iyo haatan, 104,000 rayid ah ayaa laga qaaday Afghanistan. Ilaa 5,000 ayaa ku sugan garoonka qaar kale oo badan ayaana isku dayaya inay ka gudbaan bar koontaroollada. Tiro dalal ah, oo ay ku jiraan Canada, Biljamka, Netherlands iyo Denmark ayaa joojiyay howlahooda. Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisa oo muddo lix sano ah ilaalinayay garoonka ay haatan isaga baxayaan halkaas. Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson – oo shalay kulan deg deg ah la qaatay saraakiil sare – ayaa sheegay inay sii socon doonaan duullimaadyada daad-gureynta ee UK. Qaran News
-
koox Laf-dhuun gashay ku noqotay Taliban & Reer galbeedka Hool aroos ka dhacayay oo 2019-kii lagu qarxiyay magaalada Kaabuul Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul. Qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 90 qof, waxaana ku dhaawacmay 150 kale. Taliban waxay sheegtay in 28 ka mid ah dagaalyahannadeeda ay ku jiraan kuwii ku dhintay qaraxyada, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Sarkaal aan la magacaabin oo Taliban ah ayaa yiri: “Waxaa inaga dhintay tiro ka badan midda Mareykanka”. Iyadoo taasi ay jirto, haddana Taliban waxay ku adkeysanayaan in Mareykanka uusan dhaafin wakhtiga kama dambeysta ee loo qabtay in dalkaas uu uga baxo. Ugu yaraan 13 askeri oo Ameerikaan ah ayaa ka mid ah 90-ka qof ee ku dhimatay qaraxyada ka dhacay garoonka Kabul, xalay fiidkii. Kooxda xiriirka la leh Ururka IS ayaa sheegtay in weerarkaas ay qaaday. Haddaba, maxay tahay kooxda, maxayna yihiin ujeedooyiinkeeda? Isis -K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan. Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan. Waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2015-kii oo ahayd xilligii ay IS haysatay awoodda ugu sarraysa ee Ciraaq iyo Suuriya, ka hor intii aanay kooxda jebinin isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayay. Waxay shaqaaleysiisaa jihaadiyiinta Afghanistan iyo Pakistan, gaar ahaan kuwa ka goosta Taalibaan-ka Afghanistan oo aan u arkin ururkooda inuu yahay mid fulinaya wixii ay rabeen. Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan. Isis-K ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah gabood-falladii ugu xumaa sanadadii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dugsiyada gabdhaha,Cusbitaallada iyo xitaa qeybta dhalmada halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen haween uur leh iyo kalkaaliyeyaal. Si ka duwan Taliban, oo ujeedkoodu ku kooban yahay Afghanistan, kooxda Isis-K ayaa qayb ka ah shabakadda IS ee caalamiga ah oo doonaysa inay weerarro ku qaado bartilmaameedyada reer galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bani’aadamnimada, meel kasta oo ay gaari karaan. Xagee saldhigooda uu ku yaallaa? Isis-K waxaa saldhig u ah gobolka bari ee Nangarhar, oo u dhow waddooyinka mukhaadaraadka iyo kuwa dadka tahriibiya ee gudaha iyo dibadda Pakistan. Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban. Ma waxay xidhiidh la leeyihiin Taliban? Si guud ahaan ah, way dhici kartaa in uu xiriir ka dhexeeyo, iyada oo u maraysa dhinac saddexaad, oo ah shabakadda Xaqqani.Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, waxaa jiro xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya Isis-K iyo shabakadda Xaqqani, oo iyaduna xidhiidh dhow la leh Taliban. Ninka hadda mas’uulka ka ah ammaanka Kabul waa Khalil Xaqqani oo madaxiisa la dul dhigay $ 5m oo doolar. Dr Sajjan Gohel oo ka socda hay’adda Aasiya Pacific Foundation, ayaa sanado badan kormeerayay shabakadaha mintidiinta ee Afghanistan. Wuxuu yiri: “Dhowr weerar oo waaweyn oo dhacay intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021, waxaa ku lug lahaa iskaashi dhex maray Isis-K, shabakadda Xaqqani ee Taliban iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Pakistan”. Markii Taliban ay qabsatay Kabul 15kii Ogoosto, kooxda waxay xabsiga Pul-e-Charki ka sii daysay maxaabiis aad u badan, oo la sheegay inay ku jiraan IS iyo mintidiinta al-Qaacida. Dadkan ayaana haatan baxsad ah. Balse ISIS-K way ka aragti duwan yihiinTaliban oo waxay ku eedeynayaan in ay ka tageen Jihaadka iyo goobta dagaalka iyagoo doorbidaya heshiis nabadeed oo looga wada xaajooday “hoteellada raaxada ah” ee magaalada Doxa, dalka Qatar. Dagaalyahannada IS ayaa hadda ah caqabad weyn oo xagga amniga ah oo ay Taalibaan wajaheyso, arrintaas oo hoggaanka Taliban ay wadaagaan hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo. Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Al-Shabaab la wareegto deegaanadaas. “Furimaha iyo deegaanadaas (Camaara iyo Bacaadweyne) anaga ayaa joogna oo goobuhu waa sidoodii, waxba kama jiraan oo ciidamadeena waxay joogaan Camaara dusheeda, Bacaadweyne waa kasii shisheeyaan iyo Shabeellow,” ayuu yiri Wasiir Falagle. “Ciidamo meel ka baxay majiro, dagaalkana waa ku wada jirnaa ciidamada dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka, hadalladaasna waa boron-bogaado.” Wasiirka ayaa gebi ahaanba diiday inay jiraan deegaano ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug iyo in deegaano laga qabsaday, xili ay soo baxeen in shalay dagaal-yahanada Shabaab dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay halkaas ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan. Al-Shabaab ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye. Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac. Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta The post Galmudug oo war yaab leh kasoo saartay ‘qabsashada’ Al-Shabaab ee Camaara iyo Bacaadweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Booyad bannaanka Garowe ku daadinaysa kiimiko Duqa caasimadda Puntland Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in maanta laamiga weyn ee bartamaha Garowe ay ku daadatay kiimiko, taas oo dad waxyeelaysay. Kiimikada ayuu sheegay in ay ka daadahay gaari booyada oo ka soo qaaday warshada isbuuyada ee Tabaarak ee Gaorwe, wuxuuna intaas ku daray in ciidanka amniga ay booyadii iyo darawalkii waday gacanta kuu soo dhigeen. Haweenay ka mid ah dadkii ku sumooday kiimikada Ilaa iyo saddex qof oo mid ka mid ah xaaladiisu culustahay ayaa ku sumooday kiimikada, kadib markii ay neefta waayeen, waxaana hadda lagu tacaalayaa isbitaalka guud ee Garowe. Duqa Garowe ayaa tilmaamay in ciidanka Booliska, dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada ay nadiifin iyo barxid kiimiko hadda kuwaan aaggii kiimikadu ku daadatay. Axmed Bare ayaa warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, isagoo dadweynaha uga digay arrintan. PUNTLAND POST The post Kiimiko ku daadatay Garowe oo waxyoolo geysatay appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC. “Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC. Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah. Guddiga EHRC ayaa sheegay in kadib weerarka uu dhacay weerar aargudasho ah oo isir ku saleysan kaasi oo lagu dilay 60 qof, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 210. Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas. The post Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay iyo xaaladda oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne. Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah. Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo. Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku. Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag. Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka. Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka. Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi. The post Ku dhowaad 100 qof oo ku geeriyootay dalka KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
By 1957, the responsibilities of the domestic affairs of the Trust Territory, had been transferred to the Somali government, established in 1956 (Law No. 1 of May 7, 1956); the trusteeship regime retaining only foreign and defense related affairs. This piece aims to shed some light on the mistakes, irregularities and abuses which have characterized the first election, 1958, conducted entirely under the Somali control. The irregularities committed in that election, set a bad example with negative impact on all subsequent local and political elections, during the parliamentary regime, culminating in the disastrous elections of 1969. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa walaac badan ka muujiyey in amniga Soomaaliya uu kasii dari karo, haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee ku howl-gala magaca AMISOM. Xuseen Macalin ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaaliyeed aysan wax badan ka tarin dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ilaa hadda ay ku sugan yihiin keliya inta ay qabteen ciidamada AMISOM. “Magaaladaan (Muqdisho) amniga ay ku joogto ee asalka ah waa amni go’aanadeeda laga soo gaaray New York iyo Addis Ababa, oo na lagu keenay nimankaan loo yaqaano AMISOM, dabcan nimankaas waa kuwa la biilo oo go’aanadooda laga keeno meelo kale, laakiin waa cida ugu gacanta weyn oo lagu kala cabsado,” ayuu yiri Xuseen Macalin. “Tobankii sano ee ugu dambeysay Shabaab inta ay ka qabsadeen waa intii ay qabteen (AMISOM), hal magaalo oo dowladda Soomaaliyeed ay kala wareegtay ma jirto, haddii ay dhacdana waa kuwo ay dib ula wareegtay.” Sidoo kale waxa uu ku baaqay in wax laga bedelo nidaamka dowladeed iyo ciidamada, si looga maarmo ciidamada shisheeye, islamarkaana howsha badankeeda ay qabsadaan umadda Soomaaliyeed. Hadalka Xuseen Macalin ayaa imanaya xili uu soo baxayo walaac laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo wixii dhawaan ka dhacay Afghanistan, kadib marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkeena. The post Xuseen Macallin: Amniga Muqdisho waxaa lagu gaaraa New York iyo Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Galmudug's Information Minister, Ahmed Shire Falagle, has denied reports that Al-Shabaab militants have retaken control of the villages of Amara and Ba'adweyne in the southern Mudug region. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa beeniyay in Al-shabaab dib u qabsadeen degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan Koonfurta Mudug. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-shabaab dib u qabsadeen labadaas degaan. Wasiir Falagle ayaa sheegay in aysan jirin sabab ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalku uga baxaan dhulka laga qabsaday Al-shabaab, islamarkaasna ay farisimahoodii ku sugan yihiin. “Saacaddaha soo socda, waxaan ummadda la wadaagi doonnaa meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo howlgallada aynu wadno. Waxaan idiin xaqiijijinaynaa in aanay jirin hal ceel oo cadowgu naga qabsaday,” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab si looga saaro dhammaan degaannada ay ka joogaa koonfurta Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Galmudug oo beenisay in Al-shabaab dib u qabsatay Bacaadweyne iyo Cammaara appeared first on Puntland Post.
-
William Ruto’s push for the Kenyan presidency got a boost, and he has the Court of Appeal to thank. The judges threw out President Uhuru Kenyatta’s proposed constitutional amendments, including reintroducing executive positions such as a prime minister and deputies that many saw as a way to reward future alliance partners. They are also seen as a veneer to keep Ruto from ascending to the top job after next year’s elections. The reforms were backed by opposition leader Raila Odinga, with whom Kenyatta has recently allied with. That partnership sidelined Ruto, the deputy president who had expected that 2022 would be his year in exchange for supporting the president in the last two votes. The relationship between the two leaders has since soured. Uhuru Kenyatta, Kenya’s president, left, and William Ruto in 2013. Kenyatta and Odinga argue that the proposals, if implemented, would end the ethnic violence that’s plagued Kenyan politics for decades, by sharing ruling positions more equitably. While Kenyatta can’t run again, he could have had more influence over the choice of his successor — most likely Odinga. Ruto lauded the ruling as a win for the ordinary Kenyan against the elite. Kenyatta is the son of the former British colony’s first president and Odinga is the offspring of the first vice president. While that may strike a chord in a nation where the top positions have been closely guarded by a small ruling class, Ruto himself is one of the country’s richest people. Still, with Kenyatta and Odinga losing their trump card — the offer of executive positions to smaller political groups — Ruto can build his own political formation. The race is far from decided, but Ruto is once again on track. Source: Bloomberg The post Next Africa: An open race in Kenya appeared first on Puntland Post.
-
The African Union (AU) has appointed Nigeria's former president Olusegun Obasanjo as its high representative for the Horn of Africa's region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay ka hadlay habraacyada doorashada ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo dhaliyey khilaaf siyaasadeed oo hor leh. Sheekh Soomow oo warbaahinta ka hor aqriyay bayaan kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay culimada ay go’aansadeen inay taageeraan oo ay ayidaan baaqii Salaadiinta Soomaaliyeed ee lagu samatabixinayo dalka, si loo gaaro doorasho xasiloon, kaasi oo looga horyimid habraaca doorashada. “Waxaa ugu baaqeyna Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadda ayagu mas’uul ka ah doorashooyinka inay dhageystaan oo ay qaatan tallada Salaadiinta, oo lagu tixgeliyo waxa ay xaqa u leeyihiin,” ayuu yiri Sheekh Soomow. “Doorashada dalka waxay weli ku socota 4.5, maadama weli qabiil la dhex dabaalanayo waxaa u baahanahay in dadka kuligiis la qanciyo, waxaan leenahay hala dhageysto oo ha la qaato tallada Salaadiinta, gacana ha lagu siiyo gudashada waajibkooda.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay Sheekh Soomow oo ku hadlayey afka Culimada Soomaaliyeed in madaxda ka fogaadaan waxkasta oo musuq-maasuq iyo kala shaki keeni kara, taasi oo keeni in doorashada lagu kalsoonaan. “Waxaa rabnaa haddaa nahay Culimada Soomaaliyeed in doorashada noqoto mid xalaal ah oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, taasina waxa uu waajib ka saaran yahay madaxda dowlad goboleedyada, guddiga iyo ergada soo xuleysa.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meesha laga saaro lacagaha la siinayo ergada soo xuleysa mudaneyaasha Golaha Shacabka, si ay u xulaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo qeyb ka ah musuq-maasuq, sida uu sheegay. The post Daawo: Mowqifka Culimada ee habraaca doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u dhaliilay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray baarista wasaaradda Waxbarashada. Wasiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in Hanti-dhawrka Puntland aysan waddo sax ah u marin xannibidda Akoonada Wasaaradda iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas. Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in wasaaradda Waxbarashada lagu shaabadeeyo wax is-daba-marin, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya, haddii musuq maasuq ka dhacay gudaha wasaaradda. Wuxu sheegay in tallaabadaas ay dhaawac u keenayso kalsoonida ay wasaaradda ku qabaan hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya horumarinta Arrimaha Waxbarashada. Wasiirka ayaa tilmaamay in laga yaabo hay’adaha qaarkood, in ay joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland, kadib tallaabada Hanti-dhawrku qaaday. Hanti-dhawrka Puntland maalmo ka hor shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland, oo sida ay sheegeen ku eedaysan lunsasho hanti dadweyne. Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa xannibaad saaray dhammaan Akoonada wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegeen in baaris ku socoto Wasaaraddaas. PUNTLAND POST The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag u dhaliilay Hanti-dhawrka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo iskaashanaya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga Yaaqshiid. Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen. Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago. Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, si looga hortego amni darrada. Habeenadii lasoo dhaafay ayey ciidamada ammaanka ee dowladda xoojiyeen howl-gallada ka dhanka ah burcadda, iyaga oo gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad ka mid ah kooxaaasi. Howl-galladan isdaba jooga ah ayaa waxa ay jawaab u yihiin cabashada shacabka ku dhaqan caasimada oo qaati ka taagan ragga burcadda ah ee dhaca ka geysta Muqdisho. The post Booliska Soomaaliya oo rag hubeysan ku qabtay Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Xogta Ninkii Soomaaliga ahaa ee Arbacadii weerarka ka fuliyey Safaarada Faransiisku kul leeyahay Daru-salam oo la shaaciyey Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo Arbacadii weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday. Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka weerarka soo qaaday, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xamza Xasan Maxamed, oo ahaa 29 jir dhashay November 17, 1991-kii. Xamza ayaa la sheegay inuu la dhashay sarkaal horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Soomaaliya lagu dilay dhowr sano kahor. “Booliska ayaa muddo ninka isha ku hayey ayaga oo tuhun weyn ka qaba, waxaana suurta-gal ah in carada uu ka qaaday korjoogteynta lagu hayey uu weerarka u fuliyey,” ayuu yiri il-wareed amni. Xogta ayaa intaas ku dareysa in Xamza uu mar tegay Soomaaliya, intii uu walaalkiisa ka dagaalamayey halkaas, kahor inta aan lagu dilin magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Warar kale ayaa sheegaya in laba wiil oo la dhalatay Xamza iyo hooyadiis ay mar ciidamada ammaanka Tanzania ku xireen magaalo ku taalla xuduudda Tanzania iyo Zambia, oo ay ku noolaayeen. Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa horey u sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam. Qaran News
-
U.N. Secretary-General Antonio Guterres warned the Security Council on Thursday that a conflict in Ethiopia has spread beyond the northern Tigray region and “a humanitarian catastrophe is unfolding before our eyes.” Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian authorities have postponed polls in around a fifth of the country's constituencies, extending a months-long delay which prevented citizens from voting in a June election due to ethnic violence and logistical problems. Source: Hiiraan Online
-
Labadii Qarax ee gilgilay Garoonka Diyaaradaha Kabul+Dhimashada Tirada Askarta Maraykanka ee ku dhimatay Qaraxyada oo Korodhay Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah ciidamada badda iyo hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee ciidamada badda ay ka mid yihiin dadka dhintay. Waxa ay sheegeen in 12 kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ay dhaawacmeen, iyagoo sheegay in tiradu intaas ka badnaan karto. Sidoo kale in ka badan 140 qof oo reer Afghanistan ah ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay sarkaal Afganistan ah. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in la rumeysanyahay inay weerarkan geysteen kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Garabka ISIS ee Afghanistan ayaa aad uga xagjirsan Taalibaan, oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta Afghanistan, iyaga oo cambaareeyay weerarka. Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Kabul ayaa hore uga digay weerar culus, iyagoo dadka ku boorriyay inaysan imaan agagaarka garoonka dayuuradaha, laakiin talooyinkaasi dhag-jalaq uma siin dadka reer Afghanistan oo aad u doonayey inay dalka ka baxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, isla markaana qeyb ka noqdaan dadka ay daad-gureynayaan xulufada Mareykanku hoggaaminayo kahor inta uusan Mareykanku si rasmi ah u soo afjarin joogitaankiisii 20-ka sano bishan Agoosto 31-keeda. EDITORS NOTE: Graphic content / Medical staff bring an injured man to a hospital in an ambulance after two powerful explosions, which killed at least six people, outside the airport in Kabul on August 26, 2021. (Photo by Wakil KOHSAR / AFP) (Photo by WAKIL KOHSAR/AFP via Getty Images) Qaran News
-
Somalia has set up a trade information portal to facilitate cross-border trade and provide businesses with a transparent environment. Source: Hiiraan Online